Home

Maktabadda wareegta:

Sheekh, 4/7/12ka: Maktabada Wareegta iyo Bugaagta Geeddiga   ah ayaa safarkoodii xidhiidhka ahaa ee maalmihii u dambeeyay ay kusoo mareen magaalooyinka Boorama iyo Gabiley

Read more...

Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

11 sannadood ayaa ka soo wareegtay markii la soo gebagebeeyay aaskii, baroor-diiqdii iyo tacsidii Hoggaamiyihii, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Read more...

TV-yada Soomaaliyeed: Taran Tayadoodu Taban Tahay

Shinku waa shinkoodii……..Sheeg-sheegga qaarkii…..sharka ay shubaayaan……Shaqadooda weeyaan………Shawahaad ma daayaan……Iyo sheeko-baraley……Shushubin, shareer, erey shaqal leh iskumaba shiddeeyaan.

Read more...

‘Durba miyaad illowdeen’ (U-hiili Hubaal, haddii aad wax hadayso)

Hubaal waa wargeys maalinle ah. Mataankeedu waa ‘Independent’ oo toddobaadle ah. Waa mid ka mid ah kuwa akhriskooda loogu jecel yahay. Ma gabbato. Ma gaabsato. Gefka kuma dheerayso, danta guudna waa ay ku goohdaa. Waa lagu gabbood-falay.

Read more...

Dharaaro Xusuustood. “Xasanow xoolo dhaqasho iyo markaad xillo ka weynaatid

Sannadkii 1999 aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland ee Dawladdii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa Madaxweynuhu Digreeto soo saaray uu ku magcaabayo jaggadii Guddoomiyihii Guddiga Caddaaladda, Wasiirkii Caddaaladda,

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 24aad: Maansada Dhunkaal ee Timacadde, 1970kii,

Waa halkii Mocooyooyinkeen ka odhan jireen: “Alif…..Alif….Alif” ee ay Yaasiinka, Tabaaragga iyo Tiirka bir ah ka cuskan jireen. Xaajada dhul ummadeed oo la iibiyo ama la dhiibo gaadhay Ilaahay sharkeeda ha ina dhaafiyo.

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii - 2016ka)

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

/* Style Definitions */ table.MsoNormalTable {mso-style-name:"Table Normal"; mso-tstyle-rowband-size:0; mso-tstyle-colband-size:0; mso-style-noshow:yes; mso-style-priority:99; mso-style-qformat:yes; mso-style-parent:""; mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt; mso-para-margin:0in; mso-para-margin-bottom:.0001pt; mso-pagination:widow-orphan; font-size:11.0pt; font-family:"Calibri","sans-serif"; mso-ascii-font-family:Calibri; mso-ascii-theme-font:minor-latin; mso-fareast-font-family:"Times New Roman"; mso-fareast-theme-font:minor-fareast; mso-hansi-font-family:Calibri; mso-hansi-theme-font:minor-latin; mso-bidi-font-family:"Times New Roman"; mso-bidi-theme-font:minor-bidi;}

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed, beryahanba waa uu xanuunsanayay oo wuxu jiifay Cisbitaal ku yaal Imaaraadka. Aad ayaa looga soo dardaar-werin jiray caafimaadkiisa. Hadba waxaad ku hanbabaraysay wefdi xukuumadeed oo dalxiis ku jooga Imaaraadka oo soo booqanaya Mujaahid Abwaan Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed. Sidaas ayay xaaladdiisa caafimaad iskaga liidatay beryahan danbeba.

Read more...

Door-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) Q:2aad

Muuqaalka Axmed Aadan, waxa kale oo Mujaahid ku tusay xarunta Nabadsugidda Mujaahid Qureysh iyo Mujaahid Maxamed Oomaar. Sidii ay looga-qaateenku ii sheegeen, Mujaahid Bashiir wuxu ahaa qof keliya ee magaalada Hargeysa kelidii lugeyn jiray maalintii maa-daama uu Xamar noloshiisa intii badnayd ku soo qaatay oo aan la garanayn.

Read more...

Door-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)(1956kii - 1987kii)

Waa mar kale iyo Bogaggii Taariikhda soo-jireenka ah. Waa mar kale iyo maalmihii qadhaadhaa ee la isku haleelay goobihii naf-hurka iyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Halgan hasaasihiisu bilaabmay dhowr iyo toddobaatannadii qarnigii 20aad. Halgan u digo-rogtay mid hubaysnaa ku-sinnaan 6dii Abriil, 1981kii markii London lagaga dhawaaqay ururkii gobannimo-doonka ahaa ee SNM.

Read more...

Ina-Xasan-cawke: Xarragadii iyo xaash-xaashkii Makrifoonka

 

"Geeridu dibnaha waa mid qudha, dihasho yeedhmeede,

Kala daran se waa kala dareen, dugayda dhiilleede,

Axmed Xasanna tii naga dishaay, dubatay jiidhkayga,

Dar Ilaahay waan kaa naxee, diric miyaad qaadday,

 

Read more...

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir (1942kii - 2015ka)

Normal 0 false false false EN-US X-NONE X-NONE MicrosoftInternetExplorer4

“Qacda kamaradaydiyo,

Buug xusuusta qaadiyo,

Qabashada rikoodhkiyo,

Qalinkiyo dawaaddiyo,

Qoraalkaygu way wehel,”

Read more...

Fu'aad Aadan Cadde: Han-fogaan........Kal-furnaan

Waa qormo aad u kooban. Waa mid aan ku qasbanahay oo aan marnaba I dhaafi karin, Ilaahay oo si kale qaddara ha joogto e'. Waa gole-ka-fuul oo waqti badan oo aan isku diyaariyo uma aan helin. Geerida naxdinta leh ee Fu'aad Aadan Caddena wax laga aammuso ma aha. Kolley nin rag ahi ka aammusi maayo, qof kale se mooyaan.

Read more...

Xaqa cayimaadda maalinta doorashada & Xaqa muddo-kordhinta Madaxtooyada

Laba dhawaaq ayaa baxaya: Dhawaaqa 1aad ee saxa ah oo dadka intiisa badani ku hadaaqayaan oo ah "Maalinta Komishanku qabtay ama cayimay waxba lagu kordhin maayo ama lagu dari maayaba." Iyo dhawaaqa 2aad oo ah kan doorasho-diidka adeegsanaya weji-ku-macaashka wareersan ee dalqada indhaha ku leh.

Read more...

La kordhiye yaa loo kordhiyay....kordhinta dambena yaa loo kordhinayaa?

Taxanaheennii toddobaadlaha ahaa ee "Dadkii sow tan Haadkiyo, Haanraawe boobeen," dabri meynno e' aynu yar dagagarro. Ka raagi meynno e', waa aynu ku soo noqon doonnaa.

Read more...

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen" Q 5aad

Waxba soo araaran maayo. Milaygeedii iyo maalinteedii midnaba ma aha. Maciishaddan cirka isku shareertay ee dad-sameega ah ayaa ugu mudan. Xukuumaddan ay cashuur-kordhinta kaga dhegtay ee ay cajaladdu ka qabsatay ayaa mowduuc-horaad kale weyday.

Read more...

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen" Q 4aad

Xaaji Af-qallooc, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e', waxa laga hayaa oo laga guntay maansadii halkudheggeedu ahaa: "Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa." Ma mooddaa in uu sii arkayay waayahan cakiran ee ay Somaliland badeen Haaddan iyo Haanraawahan ku habsaday,

Read more...

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen" Q 3aad

Lacag-laac iyo Doollar-daaq. Waa magacyo la tumay oo ah laba laba erey oo la isu barkiyay. Waa ifafaalaha muuqda iyo sanqadha ugu badan ee dhegeheenna ku soo dhacda, tan iyo maalintii Xukuumaddan Siilaanyo dalkan ku habsatay.

Read more...

"Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen" Q 2aad

Bisinka iyo Yaasiinka.....Tabaaragga iyo Tiirka bir ah. Illeyn ibtiloba waa dadkii aad la dhalatay ee aad wax walba la wadaagtay ha ku quudhsadaan oo ha kaa dhigaan waxaan dhammayn ee kala dhiman oo inta kale ka hooseeya.

Read more...

dadkii-sow-tan-haadkiyo-haanraawe-boobeen Q 1aad

Waa halkii Timacadde e', "Waxba yaan araar tiigsan iyo, tooxistii gabaye." Beydka aan taxanahan gaaban ku suntaday ama cinwaanka uga dhigay ee ah: "Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen,"

Read more...

Qormadii 3aad, Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

Bal hadda, immikana aan eegno ballan-qaadyadii Xisbiga Kulmiye ee arrimaha la xidhiidha Xukun-daaddejinta, waxaanay ku qoreen barnaamajkoodii:

Read more...

Qormadii 2aad, Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

 

Qodobka 3aad ee Himilada Xisbiga Kulmiye wuxu u dhigan yahay sidan hoos ku qoran:

Xisbiga Kulmiye wuxu ku naalloonayaa yegleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadiida talo-wadaagga ee ka soo jeeda diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 32aad Ka-been-sheegga Taariikhda: Jaamicadda Indian Ocean ee Muqdisho

Waa Qormo Qormadeed. Khamiis sii horreysay ayay ahayd in ay soo baxdo. Tan iyo maalintaa Qormadani murashax ayay u ahayd boggaygan Khamiislaha ah. Hadba mowduuc ka daran oo xiiso badan ayaa soo dhacayay oo aan aniguna daawaha idiin ka soo qaadayay si aad ugu baanataan nabarrada idin hafeefanaya. Idinka oo raalli iga noqon doona Khamiislahan aan yar taraaro oo doolaalada xaggaa iyo Xamar ku tago si aan u soo xansado bal dareemmada ay innaga qabaan iyo sida ay inoo arkaan. Ma ila qabtaan in digo-rogashadu mararka qaarkood fiican tahay.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad ‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn Q:2aad

Meesha kale ee laga dheehan karo wax-qabadka Xukuumaddan daandaansiga badani waa Qorshihii shan-sannadoodlaha ahaa ee ay Wasaaradda Qorshayntu dejisay. Car bal waa cidda sheegta halka uu ku dambeeyay iyo cidda ku hawl-gasha ee warbixin ka samayn karta. Ma la odhan jiray :”Car waa cidda baabbacadaa timo ku aragta,”

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 31aad ‘Runtu Ma fantaa’: Faallayn iyo Falanqayn

Sida aan cinwaanka qormadan aadka u kooban ku suntaday, waxaan jeclahay in aan faallayn iyo falanqayn aan sidaa u sii dheereyn ka bixiyo ama ka geystaba Qormadii 3aad ee taxanihii gaabnaa ee ‘Runtu Ma Fantaa’ ee uu ku saxeexnaa Aadan Muuse Jibriil oo ah Qoraa iyo aqoonyahan dhanbala waayaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee Geeskan Afrika iyo arrimaha Soomaaliyeedba.

Read more...

Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka) Qormada 7aad

Mar uu naftiisan joogsan weyday ka hadlayayna wuxu yidhi:

“Waa tan oo miridh kaa maqnaan weydee,

Maleeyoo bal maxaa I soo wada,”

Waxa kale oo uu intaa ku kabayaa:

“Ma-huraan gacal ahi ma kala maarmee,

Ma-naxaan nacab midigta hay gelinoo,

 

Munaay hayna kala maqnaysiin,”

Read more...

Additional information