Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Carceer: Ereyadii: Xasan Xaaji Cabdillaahi, Ganey,

Maansadani waxay soo baxday 26/06/1986kii, waxaanay jawaab u ahayd maansadii Cibaaro ee uu tiriyay Alla ha u naxariisto e’ Cabdilqaadir Xirsi (Yam-Yam) taas oo uu ku weerarayo Maxamed Ibaraahim Warsame (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) 

 

 

Carceer: Ereyadii: Xasan Xaaji Cabdillaahi, Ganey,

Hordhacii: Qodax

Tifaftirkii: Boobe

 

Maansadani waxay soo baxday 26/06/1986kii, waxaanay jawaab u ahayd maansadii Cibaaro ee uu tiriyay Alla ha u naxariisto e’ Cabdilqaadir Xirsi (Yam-Yam) taas oo uu ku weerarayo Maxamed Ibaraahim Warsame (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) isaga oo wakhtigaas difaacayay nidaamkii maamul ee xukuumaddii millateriga ahayd ee Siyaad Barre. Labadan hal-abuur waxay safka hore kaga jireen maansoyahanka Soomaalida ee sida weyn uga soo horjeeday nidaamkaas, kuwaas oo had iyo jeerna bulshada suugaantooda ugu soo bandhigi jiray siday muhiimka u tahay in dadweynuhu baraarugo si looga tuuro talada dalka.

 

Weerarka haddaba labadan abwaan, wuxu Cabdilqaadir Xirsi (Yam-Yam) sida ka muuqata maansada Cibaaro u cuskanayaa in ay mucaaridaddooda sal u tahay qabiil ka soo hor jeeda oo haaraamaya qabiil kale bal se aanay ka dhab ahayn waddaniyadda iyo danaha guud ee ay ku andacoonayaan. Cibaaro wuxuu sidoo kale Cabdilqaadir ku duray ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaliyeed ee SNM iyo dadweynihii taageeri jiray kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay tahay oo kaliya waxay dalka uga baxeen ee ay ka dagaalamayaan wax ka yar ama Hargab  maalmo booqday isagoo markaasi sarbeebaya wax aan siadaas u sii weynayn oo xalkooda ama dawadoodu dhawdahay in ay kaga jawaabeen dagaal iyo gacan-ka-hadal ay kala hor yimaaddeen dawladdii.

 

Nuxurka maansadan oo isu muujisay mid si badheedh ah Abwaanku indhaha uga qarsanayo xaqiiqda jirta ee dabcan uu xog-ogaalka u yahay, waxay keentay in maansada Carceer uu curiyo Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey), jawaabna u ah maansadii aynu ka soo hadallay ee Cibaaro. Abwaan Xasan-Ganey, Carceer goorta ay ku dhalatay, siday ugu dhalatay iyo maraaxilkii ay isla soo mareen dareenkeedii oo aan wax ka weydiiyay isaga oo ka warramaya wuxuu yidhi:

 

“Markii la tallaabay ee ururkii SNM horyaalkiisii ama horseedkiisii baxay ayuu Cabdilqaadir Xirsi (Yam-Yam) oo maanta geeriyooday, Alla ha u naxariisto e’ uu tiriyay laba maanso oo uu u kala bixiyay Bulsho iyo Cibaaro. Markaa mar  baan yara dhegaystay cajaladda labadaas maanso oo aan dadka lagu dhex faafin oo si qarsoodiya ay iskugu maaweelin jireen qolyihii saraakiisha ahayd oo aan loo ogolayn in ay ku dhex faafto bulshada, markaan maqlay Cajaladdaas maalmo yar dabadood waxaan u tegay Yuusuf Aadan Xuseen oo ahaa ninkii ay isku jawaabi jireen silsiladdii Deelleey sannadkii 1980 kii oo ahaa ninkii ku yidhi Yam yam:

 

“Abwaankii dalkoo idil,

Dibadda uga baxayee,

Afrikana u doodoow,

Deelleedu waa shax e’,

Sawdigan cidlada degay,

 

Maxaad hore u durugtaa,

Maah-maahdii diinkee,

Afkaan doog ku cunay caws,

Kuma daaqayo ahayd,

Ayaad dib ugu guurtee,

 

Tuducyadaas oo ka mid ahaa tixdii Dood-qaran ee Deelleeyda uu ku lahaa Alla ha u naxariisto e’ Yuusuf Aadan Xuseen ee uu kula hadlayay Yam yam, markaasan ku idhi u jawaab ninkii aad Deelleeyda isku jawaabi jirteen muddo ka ka dib.

 

Sannadkii 1985kii aniga iyo Abwaan Yuusuf Aadan Xuseen Alla ha u naxariisto e’ ayaa tagnay magaalada Muqdisho annaga oo riwaayado qaadnay, si halkaa aanu uga soo dhigno.  Intii aanu jidka ku sii jirnay ayaan weydiiyay Yuusuf oo aan ku idhi: “Waar ninkii ma u jawaabtay” isna wuxuu ii sheegay inaanu u jawaabin waxaanu igu yidhi  “maya umaan jawaabin” wax sabab ahna iimuu sheegin markaas ayaan go’aan saday inaan u jawaabo markaan ku soo noqdo Hargaysa iyo Waqooyi, Abwaan Xasan oo ka waramaya siduu arintaas ku xasuustay markii uu ku soo noqday magaalada Hargaysa oo ahayd mucjiso   wuxuu yidhi “Markaan imid Hargaysa waan iska illaaway oo maba aan xusuusan arrintii, ka dib aniga oo sidii ah ayaan habeen habeennada ka mid ah aniga oo hurda waxa la i  tusay Yam-Yam oo hoggaan dheer ku xidhan yahay ciidduna gubayso, dhulkana dab kama muuqdo laakiin isagaa ku gubanaya. Kor baanu u booday oo cirkana kuma maqnaan karo dhulkana ma taagnaan karo markaasaan soo booday oo aan hurdadii ka soo kacay isla markiiba waxa maskaxdayda ku soo dhacday maansadii Yam-Yam eeaan rabay in aan ka jawaabo. Sidaas ayay ku soo baxday oo aan ku tiriyay Carceer”.

 

Haddii aynu yara guud marno maansadan oo la odhan karo wuxuu Xasan ka gabyay ciil waana tii hore loo yidhi rag wuxuu ka Gabyaa Ciil ama Caashaq, ciil kaliya kamuu hadal ee waxa kale oo uu ku baanayaa dagaaladii googgooska ahaa ee ururkii SNM uu kala hor iman jiray Dawladii xiligaas dhulka ka talin jirtay oo ay dhabar jab badan kala kumi jirtay, isaga oo ku muujinaya awoodii iyo cududdii ururkii SNM gaar ahaan dagaaladii adkaa ee sida tooska ah ay iskaga hor iman jireen jabhadii SNM iyo dawladii Soomaaliyeed.

 

Wuxu soo qaadanayaa dagaalladii kala ahaa maalintii la jebiyay Jeelka weyn ee Madheera halkaas oo ay ku xidhnaayeen dad badan oo aan waxba galabsan loona haysto haybtooda iyo deegaan ahaanba dadkaas oo SNM ay ka siidaysay xadhigga aanay galabsan, ciidankaas oo uu watay mujaahid  Maxamad Xaashi Diiriye (Lixle) Alle ha naxariisto e’.

 

Sida oo kale waxaan meesha ka maqnayn dhacdadii adkayd ee dagaalkii Buuraha oo ku beegnaa bishii November 1984kii kaas oo ay ku gacan sarreeyeen xoogagii jabhadii SNM oo xataa la gaadhsiiyay in ay dawladdu aasan kari weydo meydkeedii, dhaawacoodiina qaadan kari waayeen oo ay ka carareen dagaalkaas oo lahaa wejiyo badan.

 

Waxa kale oo uu Abwaanku ku baanayaa kuna soo bandhigayaa maansadiisan Carceer sidii badheedhka lahayd ee geesinimadu ku dheehnayd ee loo fuliyay hawlgalkii Birjeex oo ku beegnayd 11/April/1983kii ee loogala dhex baxay gacantii cadawga Mujaahid Cabdilaahi Askar oo ka mid ahaa xoogaggii SNM, gacantana ay ku dhigtay dawladdu oo isaga oo ku xidhan Miiska Saraakiisha inta ay soo weerareen ay kala baxeen halkii uu ku xidhnaa arintaas oo ay ku gacan siinayeen qaar ka tirsan ciidanka dawladdu.

 

Arrimahaas iyo qaar kale oo xiiso badanba waxay ku jiraan maansadan Carceer oo uu ku soo bandhigay si xeel dheer oo aad u fog.

 

Waxaanay ku bilaabmaysaa:

 

 

Cal iyo waa Buur dusheed,

Caammana kii hagayay diid,

Casiyo waa ruux Indho la’,

Cadaadina way jirtaa,

Halkaa ceeb uun ka eeg.

 

Qoraxda Ceeryaamo yahay,

Canaanta u jeedisaa,

Cadceedda dulmaa qarshee,

Ciirooy waabaa caddaan,

Markuu ceerigu daf yahay,

Lal iyo mawjado cartamay,

Ciiraaneey  laba rogmaan,

Caroofigu kuma dhaca’e,

Fulihii coogcoogi jiray,

Caraystana dhaafi jirin,

Caawana faan yidhi wakhtigu,

Culuun kuma dhiirranin e’,

Bad-weyntaa caariddoo,

Cammuudcduu halacsadaye,

Duufaankii coomin jiray,

Wakaa soo carinayee,

Cabbaar buu iga war sugi.

 

Shantaa dheh calaamaddii,

Cibaarana loo jawaab.

 

Cagaar iyo doog cosoba,

Dixida oo coodantiyo,

Dareemada oo cucuba,

Cuudkii daaqaa ku naax,

Cayana guudka uga eg,

Iyana wuu ku cashiyaa,

Cayncayn badanaa adduun.

 

Carrada tii nuxur leh iyo,

Galool baa ciid-sanka leh,

Dhirtana ugu cigasho roon,

Ciinkuna geed buu la baxay,

Careefoow mana gudbana,

Cayncayn badanaa adduun.

 

Cuqaasha gadhkooda weyn,

Casaanka iyo haybadda leh,

Ceesaankaba wuu ku yaal,

Ciraabana kiisu ma leh,

Cayncayn badanaa adduun.

 

Hadhuub waxa loo cushaa,

Cuddoon kuu foolataye,

Baqlaha candhadooda iyo,

Dameeraha caana galay,

Candhuuftaa laga liqaa,

Cayncayn badanaa adduun.

 

Ciyigay waa kala beryaan,

Gob bay kala caagganyiin,

Biddana caan wuxuu ku yahay,

Cirtiisa in uu bogtiyo,

Cankiisuu xeeriyaa,

Ruuxii Iimaan cawaran,

Ayaa caydh lagu hubaa,

Cayncayn badanaa adduun.

 

Dantood ku canaanatiyo,

Xilkood caabbiyo tidhaa,

Nin Raga waw caafimaad,

Cuqdadda ruuxii qabiyo,

La'aadkuna cudur ka qaad,

Cooraafna xin kaa la da' ah,

Cayncayn badanaa adduun.

 

Dalkiisa nimaan canayn,

Dadkiisana aan cisayn,

Calanka qiimayn aqoon,

Cumaamadda hoogtay sida,

Naftii caaqiibo lihi,

Caloosha hadduu la galo,

Waxaan cindigeedu geyin,

Cid iyo reer baa isu tiin,

Xigtana lama caayi karo,

Tilmaamena waa u cadaw,

Hadraawoow caallihiyo,

Cawaaqib-xumaa dugsada,

Taariikhdana ka cabsanayn,

Maantana caanjooligii,

Dorraatana degay cidlada,

Caaddiisi  baajin  waa,

Canaad Inankiisii raac,

Car iyo wuu bay la’ yahay,

Hadaan Cabdillahiyoow,

Caashiyo Geesaha la qaban,

Sacuna caycayda diid,

Biddana camalkiisu sheeg,

Wax seen kaga ciil la’ahay,

Ninkuu cooddi iyo badhi,

Codcodka yidhi hoo qudhqudhi,

Cagaarshoow buu qabaa,

Ceeyoon beerkuu matagi.

 

Shantaa dheh calaamaddii,

Cibaarana loo jawaab.

 

Cad baa waa Geed la sudhay,

La yidhi Dacawaa cun tidhi,

Waxay cimiladu lahayd,

Cantuugoo gaadh hilbaha,

Cilaacilo-gaabaneey,

Dayana cudud iyo awood,

Cidaad lagu goosto ma leh,

Cawrina shaw maba taqaan,

Caddiintii ay jeclayd,

Cabdoow tiiyoon u tudhin,

Caal-waagii bay uf tidhi,

Nafleeydaa caarifka leh,

Casiisku wuxuu khalqaba,

Carfoonaa ugu mudnaa,

Daahii ceeb laga sandahay,

In caasiya baa necbayd,

Wadaad-xume caalinkii,

Carceeray in ay murmaan,

Jahliga waa caadadii,

Ninkii ceegaag ahaa,

Hadduu laba hebel canjilay,

Cajiib iyo ma laha yaab,

Nafleeyeey caaridkaa,

Adduunyooy camalligaa,

Cawrooy adna waayahaa,

Camadhka geeraarayee,

Cantoobtay dhaqaalahoow,

Caloosha markaad malliday,

Cuwaafina kuu ag-taal,

Cimraa Geel igu simiyo,

Cawaystay hadaad na tidhi,

Cidaye waa yeelkadaa,

Biyaha jiilaal caddaa,

Ciddoo Oontoo dul tuban,

Ceel  dheeroo lagu kaltamo,

Carcoorriga maalintaa,

Ninkii cuud fulin kariyo,

Kartida lagu kala cabbaba,

Wuxuu cisal moodayaa,

Cudhaadha la boobayiyo,

Cashuurta la qaybsadiyo,

Cantuugada booliga ah,

Cindiid iyo garashadii,

Cabdoow taa igu dhaaf,

Yool baadhka calaamaddana,

Cadkeedaley waxaan hayaa,

Bartaan ula ciil qabee,

Gantaaluhu ha cartameen.

 

Cawaanaka hadaaqayoow,

Salaaddu cishuhu lahaa,

Adoo casar foorarsaday,

Arkaanta cibaadadana,

Cag iyo soo maydhay gacan,

Waxbana caabudi aqoon,

Cid baan galabta igu xidhan,

Hadaad ka cadhaysantahay,

Annaa ku casuumayee,

Dhul-jiif hoo cadaygan dheer.

Guuguulii bari ka ciyay,

Cadceedda ma sheeganin e’,

Ciraabta aan kuu furfuro,

Cunsurta reer bari eryaday.

Galbeed celiyaayda guray,

Afriki cawda u jareen,

Carabi shaydaamadiyo,

Cawdu bilaahi tidhi,

Sadqada ceesaamihiyo,

Bariiska-cad laga karsaday,

Raxmaankana laga cuskaday,

Cashiiraan leeyahiyo,

Tol iyo caa’iladna tidhi,

Siyaasadda cagaha badan,

Carsaanyuu sheegayaa.

 

Cawaanka hadaaqayoow,

Waraabaha yidhi ma cuno,

Idaha cararee lumiyo,

Tukaha yidhi waan caddahay,

Codkoodii maad fahmine,

Waxay kula caayayeen,

Ninkii ceebaha badnaa,

intuu cimrigiisuu jiray,

Cishana aan daahir noqon,

Carshiga kaa laga nacdalay,

Shabeel caarrana la baxay,

Ammaan uu caashaqiyo,

Faankana is cambarin yaqaan,

Culays bay kula xanteen.

Sarbeebta rag kuu cugtee,

Curyaanshe ku saabsanayd,

Adoon caarifaa ahayn,

Maxaad Cigalle u tidhi,

Cakuye isla garasho li'i.

 

Cawaanka hadaaqayoow,

Belada tidhi waan cusbahay,

Iyana aan kuu cabbiro,

Bulshada ciirsi la fadhida,

Cidlada baahi ugu go'ay,

Abaar ku caweeratiyo,

Cadhiyo caal iyo dhukaan,

Cabeebka is-weheshadeen,

Caynkiyo bayddu u go'een,

Colaadna la kala dhex dhigay,

Cabbudhintiyo loogu daray,

Car kee baa juuq yidhaa,

Masiibada ku cartantee,

Tidhaa cawil khayr leh iyo,

Caynaanshaa lay yidhaa,

Bulshooy adigoo caddilan,

Cagaag baan kaa raroo,

Xareed calcalyawday iyo,

Caad iyo geedaan ku furay,

Iyana waa curaddii Faqash.

 

Cawaanka hadaaqayoow,

Markuu ciriqeedu lumo,

Waayeelkii u cutin jiray,

Gartana caabbiyi ogeyd,

Cadduur Odayada matala,

Caansiirshaa wada bah-dilay,

Cilmiga ruuxii leh iyo,

Caqliga kii lagu tuhmana,

Nin baa laga cuudiyaa,

Walwaal iyo cadar noqdeen,

Cigaalkana looma sudho,

Waxaan cayayaanka iyo,

Canaasiir dhaga-la' oo,

Samaanta cadaadisiyo,

Catootir u dhaamiyiyo,

Caynkaagoo kale ahayn.

 

Cawaanka hadaaqayoow,

Cadrado qaaqaawanoo,

Naanays la cakaabayiyo,

Dhammaan caasigan gafee,

Cadiimku abuurtay iyo,

Rasuulkaba caayayaa,

Umay dhalan ciriq-xumo e’,

Hiddiyo caadadii wacnayd,

Cumdaha ka habaabiyee,

Callimiyee baray macsida,

Denbiga ugu ceelalya ah,

Cibaadana reebban yidhi,

Ninkii jaray culiimadii,

Barbaar cishiriin jirtiyo,

Hablaha cawrada qarshee,

Casaa-wajallaha dartii,

Cabsida la ilmaynayana,

Caqiidada Diinta iyo,

Siduu yidhi Caadilkeen,

Maxaw ugu camal fasheen,

Misjiiddada u camirteen,

Caniidka ku laynayaa,

Cammana Eebuhu ku yidhi,

Naar baan ku ciqaabayaa,

Calaacalla meel u yaal,

Jawaab ciniqaw hadhaye,

Cibaaro shantaa ku dhaaf.

 

Cawaanka hadaaqayoow,

Salaaddu cishuhu lahaa,

Adoo casar foorarsaday,

Arkaanta cibaadadana,

Cag iyo soo maydhay gacan,

Waxbana caabudi aqoon,

Cid baan galabta igu xidhan,

Hadaad ka cadhaysan tahay,

Anaa ku casuumayee,

Dhul-jiif hoo cadaygan dheer.

 

Dad weynaha cirirka iyo,

Jirradu ku cadiidsatee,

Cidaamka ka taahayaa,

Babaasiir cudur la da'ah,

Inay ka cif leeyihiin,

Hadduu kula yahay curshigu,

Leeb caaradu dhuuban tahay,

Carruurta ku dhoogtantee,

Ciyaarta ku laysa iyo,

Cakuyee mulac baad tiin.

 

Dad weynaha  wada caddilan,

Hawire caarcaarta baday,

Carruurtaan midi afurin,

Jal li'i carrabkii la tegay,

Cirroolaha wada qablamay,

Dhexdoodana calal ku xidhay,

Barbaartay calafka iyo,

Cunnada kala soomman yiin,

Si ay u cabiidsamaan,

Caatiyo weyd joogsiga ah,

Cilaaqdiyo loogu daray,

Maxaa ceeshka u qubteen,

Intay carcaraafayaan,

Cashada naanaysta badan,

Mid loo cuuraad tahee,

Cabbaadhyaha luqunta ee,

Cunaha kaa siririyiyo,

Dan-yare cabbudhkaaga ma leh.

 

Cawaanka hadaaqayoow,

Dadweynaha caara-yuub,

Sidii cashar loogu qubay,

Warmaha cookaalliyiyo,

Billaawuhu ka cokan yiin,

Intay curad aasayaan,

U eg Carabtiyo Hindida,

Cilaam qudhii igama dhiman,

Caynkaasay daarrantee,

Cad iyo jiidhkaan ku nixin,

Saboolka cadaadda iyo,

Caraancarku gogol u yahay,

Caamcaamintuna hu’ga u tay,

Fin wada caddaruurayoo,

Ciddidu boogaysay iyo,

Jidhkii wada caabuqee,

Dheecaan iyo carun ka da’a,

Curuuquhu heemayaan,

Caaroodee bararku xidhay,

Cilaaqdiyo loogu daray,

Beryahan waydun cayisheen,

Intay cadayoonayaan,

Al-Curubaad seexataa.

 

Wax seen kaga ciil la’ ahay,

Ninkii caaqilo korsada,

Cuqubo hooygiisa dhiga,

Cawdiisay seexataa.

 

Casiisku nimuu bokhroo,

Caleemaha lagu quboo,

Caddaalad ka saahidana,

Cadaabtaa lagu ridaa,

Adduunkana cidhib ma dhigo,

Wuxuu coofcoofiyaba,

Cakiran waa kaa hirdiyay,

Culays wuu heeran yahay,

Waayii shalayto u cammiray,

Dhadhiimaha wada calwee,

Culaacushu hogato iyo,

Caraqa heensuu ku yidhi,

Dhaaxuu hadimada cuyuban,

Ku soo curdudduubayee,

Dadkii cubba-dhawriddiyo,

Cidhiidhiga diidnay  yidhi,

Xadhkii lagu ceejiyiyo,

Cawaagtii waa la jaray,

Hal-doorkii caynabkiyo,

Cawaansade maydallada,

Dagaal bay u cugtameen,

Dantaan ceelku u qodnayn,

Ciddeedu rag buu lahaa,

Waxaa yimid curuq maqnaa,

Cadadka Nayruusku galay,

Habeen cawoluu tirsaday,

Curaaf saadaaliyiyo,

Aniyo cawlkaa naqaan,

Labadii boqol baa cayiman,

Caynkii felegga u wacnayd,

Canbaar buu dhigay galbeed,

Saakana sagallo cascas iyo,

Caad iyo Xaydh buu barkaday,

Foorii cudhi jiray afuuf,

Daruuraha cimidh ka yeel,

Wuxuu dhool coorriyaba,

Hillaac ciidoolihii,

Fadkii waa caara hoor,

Fiintaa cabanaysa iyo,

Ciyawga taah ooyayaa,

Waxay ka cabaadayaan,

Sun aad caydh mooddo iyo,

Colaad hiirtaanyadeed,

Culays taa lagaga daran.

 

Maalkoo cadarkii Xaggaa,

Ban cawlan intuu ka helay,

Cawdhiidhkii jeel malmalay

Cusbanna aan weli la siin,

Dalkuna cawskii ku gabay,

Ayaa caymaday iyana,

Carriyo geel wuxuu u lumay,

Dhannii uu ka cabbi jiray,

Moodduna cidhif  bay godkii,

Ku ciirtoo waa habeen,

Caddana waa lama-filaan,

Dhulkuna waa cayn-jiqoo,

Cambuushu ka foodhidiyo,

Cuf uu geesi ugu jiro,

Cindiidna ma dooni karo,

Cibaaradu yaab lahaa,

Xaggee se la ciirsadaa,

Curyaanshoo gam'ay sabaan,

Ayaa cawa-daran ka kacay,

Mar ay cilcillooni tahay,

Maalkii carar baa la yidhi,

Yaab buu ciddiyaha la guray,

Cunaha laga soo baxayoow,

Bulshada oon Cunug dhadhamin,

Cayuuntuu dhiiqsan jiray,

Cirkaa lagu maalayaa,

Caydh iyo waa fara madoow.

 

Nasiib wuxuu caawiyaa,

Caynaanka qofkii jirta’e,

Miyuu ceshan garanayaa,

Dharaartii loo calmaday,

Hibada calafku ugu dhacay,

Dadkoo u ciyaarayuu,

Caruuskiisii ka duday,

Ciidduna kii raba ogsoon.

 

Shantaa aakhiral cimriga,

Ninkuu Calankiisu dhacay,

Culays weeyee ku daa.

 

Sooyaalka an ku cehee,

Gu’gaa ciir baan lushee,

Car kaaloo daadiyana,

Cibaaro riyaad u tidhi.

 

Cibrana waxa kuugu filan,

Casiiskeenii Jannee,

Nin kaan cibdhashada aqoon,

Ku caan-baxay geesinnimo,

Colkuu watay iyo Lixlaba,

Caways keliyay Jabsheen,

Caddibe jeelkiisa weyn,

Cajuulana ula baxeen,

Dadkuu caarcaarin jiray.

 

Cibrana waxa kuugu filan,

Dharaartii Ciidammada,

Xuskiiyooy ciidayaan,

Kornayllada cagaha weyn,

Kuway dhuuntu u casayd,

Miiskiiyooy ceegan yiin,

Cadaabaa lama tusaan,

Koodbuur Cabdilaahiguu,

Halkii uu ku caqabnaa,

Caddaanka ugala dhex baxay,

Carraabana kula galbaday.

 

Haddaad Cali-Xiiranaha,

Cabbeeya qoryaha ku tidhi,

Halkaana ku ciirsi li'id,

Islaamaha coomirkoo,

Caantaynada laga furtiyo,

Caqaartaba kama badshaan.

 

Cibrana waxa kuugu filan,

Cashiyo Buuraha madoow,

Dagaalkii lagugu cunay,

Raggii birta calashan jiray,

Markay u cargaagtameen,

Cigaal shiidaadaddiyo,

Cod-weyn hooggii la baday,

Jahaad Coboshii la dhigay,

Intii cutub le'dayee,

Maydkoodu camaalaqnaa,

Coommaadiga baahan iyo,

Tukihii coobbaha hirqaday,

Intuu qabo geesi ciil,

In loo gam'o caafimaad,

Calaacal bal timo ka eeg.

 

Sooyaalka aan ku celshee.

 

Caammada hal xidhaalihiyo,

Cilmiga googaa tidhaay,

Calaamo ha kaa iftee,

La waa caaniyo biyaha,

Canaan iyo muran dhex maray,

Casriga kor u dheelmadee,

Cir-jidhaha ku hirdamiyo,

Carooggi Sayniska iyo,

Waxaan qabin culiimadii,

Taariikhduna waa cajalad,

Kamay dhicin caalamkana,

Cawaanka sidaa na yidhi,

Caqligu dabaduu ka galay.

 

 

 

 

Additional information