Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hiigsigii iyo himiladii fogayd: Dr. CabdishakuurSheekh Cali Jowhar (1952kii – 2012ka)

Haa….Galab Isniineed ayay ahayd. Waa 13kii Meey, 2012ka. Waa bishii amranaydee aan bilahaba ku jirin. Maalin kale oo taariikheed ayaa ku soo darsantay.

 

 

Hiigsigii iyo himiladii fogayd: Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar

(1952kii – 2012ka)

 

“Gurigaagu waa sharaf,

Goonyahaagu waa nuur,

Gogoshaadu waa nabad,

Guushana dalkayska leh,

Dalka geesigiisiyo,

Galladdana adaa mudan.”

 

Maansadii Galaal ee Hadraawi,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

Haa….Galab Isniineed ayay ahayd. Waa 13kii Meey, 2012ka. Waa bishii amranayd ee aan bilahaba ku jirin. Maalin kale oo taariikheed ayaa ku soo darsantay. Markii aan qadeeyay ayaan yar jiifsaday. Wax aan badnaynba haddii aan jiifay, ayaan xusuustay in Jaamicadda Hargeysa aan ballan ku lahaa 4.15 saacadood ee galabnimo.

Shalay gelinkii danbe ayay Prof. Sihaam iga codsatay in aan u imaaddo berri gelinka danbe, haddii Eebbe idmo si aan cashar kooban oo gole-ka-fuul ah uga bixiyo kaalintii ay haweenka Somaliland ka soo galeen halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, dibuheshiisiintii, nabadayntii iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeedba. Hurdo fiican ma seexan e’ markiiba waa aan kacay. Ku-talo-galku wuxu ahaa in aan ilaa 30 daqiiqadood fasalkaa ku qaato oo dumar kale ayaanu wadaagaynay xiisaddaa haweenka iyo kaalintooda ku saabsanayd. Fasalku wuxu ahaa mid baranayay sida xiisadaha loo maareeyo. Macallimadda Sihaam ilaa lixdan ayay ardayda iigu sheegtay bal se ilaa kala badh ayaa soo xaadiray.

30kii daqiiqadood ayaa ilaa saddex saacadood ila gaadhay oo gabbalkiiba waa uu dhacay. Laba tilifoon oo aan sitay mid wuu xidhnaa, midna waan aammusiiyay, waa se uu furnaa. Markii aan casharkii ka baxay, ayaan tilifoonkii xidhnaa furay, kii aammusnaana daalacday, bal in cidi ila soo hadashay. Waa 16 tilifoon oo soo dhacay oo aan seegay. Magacyadii iyo lambarradii ayaan dhex qaaday. Laba Xildhibaan ayaa ku jiray oo aan hore u heli waayay waxa galabnimadan igu kulmiyay.

Aniga oo xurmaynayay xilka ay sidaan, saaxiibbo duug ahna aanu ahayn, iyagii ayaan dib ugu celiyay sidii dhaqanka ii ahayd. Ma qaadi waayo tilifoon igu soo dhacay, mid I seegayna kuma celin waayo. Sidashada tilifoonku waa xil, mana fiicna in aad xilkaa cid kale u dhiibato oo waa mas’uuliyad adiga kuu gaar oo ku taxan xilalka aad siddo iyo dhaqankaaga dadnimo. Waxaan ku horreeyay Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabbi. Bariido aad u gaabnayd ka dib, si naxdin leh ayuu iigu yidhi: “Cabdishakuur baa dhintay.” Cabdishakuurrada aan aqaannaaba ma badnayn. Magacan Cabdishakuurna aad loogalama baxo Somaliland oo wuxu kaga badan yahay degellada kale ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kililka Shanaad. Xusuustaydii iyo keydkaygii maskaxeed ayaan sida hillaaca u dhex qaaday, si aan u soo dhufto magacan la ii sheegay. Markiiba waxa igu soo dhacay kii iigu danbeeyay oo ah kii aan ugu aqoonta badnaa. Aniga oo naxsan, ayaan Xildhibaankii ugu jawaabay: “Sow kii xalay Boorame ka hadlayay.”

Xildhibaankiina wuxu iigu daray: “Waa run, bal se isaga oo soo socda ayaa baabuurkii la qallibmay, isaga, xaaskiisii iyo walaashii.” Markaas ayay naxdintii igu sii korodhay oo aan is-idhi, malaha reerkiiba wuu is-raacay. Is-moodsiiska iyo jileeca aadamaha awgood, ayaa mar mar qofku u qaataa in xanuunka oo keliya loo dhinto.

Qormadii: 2aad

Haddana si ay u sababeeyaan, waxay sheegaan mowtal-qafle ama geeri lama-filaan ah. Bal is-diiddada eega. Hadda waa aynu hubnaa in la dhimanayo, haddana waxaynu ka hadallaa geeri lama-filaan ah. Ma is-tidhaahdeen sida aynu jecelnahay ayaa been ah.

Waxba yaan hadal-tirada idin ku daalin e’, markii aan ogaaday in Boorame lagu aasayo ayaan go’aansaday in aan aaska ka qayb-galo. Keligay go’aankaa ma aan qaadan ee saaxiibbaday ayaan la wadaagay. Markii ugu horreysayba Xildhibaannada Xaashi Xuseen Caabbi iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan ayaanu batroollaha ama kaalinta indho-birta ku ballannay.

Waxa kale oo dadkii aanu halkaa 5.00tii saacadood ee subaxnimo ku ballannay ka mid ahaa Xasan Cumar Halas oo aanu Akaademiga ka wada hawl-geli jirnay, “iyo qaarkale oo badan,”  waa halkii Maxamed Mooge e’. Ilaahow idiin wada naxariiso.

Maalintaa Isniineed ee geerida naxdinta leh ee saaxiibkay Cabdishakuur la ii sheegay, maalin hawl badnayd ayay ahayd. Galabnimadii haddii aan Jaamicaddii ka imid, waxa ii qorshaysnayd in aan Imperial Hotel kaga qayb-galo Buug la gardaadinayay oo uu qoray Sayid oo reer Stockholm ahi. Maa daama aan aaska ku kallahayay, waan ka cudur-daartay. Gelin horeba sariirta ayaan is-daadshay, laakiin galgalashada iyo xusuustii Cabdishakuur ayaan xanaftii iyo xaradhaamadi ledi waayay. Sidii ayaan saladdii kuma toosin e’, ku kacay aniga oo madax-xanuun la liita. Ma saacadaha, maalmaha, bilaha, sannadaha iyo xilliyada maskaxdayda habeenkaas oo dhan miranayay baa! Dr. Cabdishakuur, mahadhooyinkiisii, maalmihiisi, maaddii, murtidii iyo maskaxdii uu daweyn jiray.

Kaalintii Indho-birta ayaanu isugu nimid. Guddoomiye Cirro ayaa isaguna ka mid ahaa dadkii aanu bartaa ku kulannay ee u jarmaadayay gelbinta shaksiyad ummaddan Somaliland iyo dadka Soomaaliyeedba guud ahaan qiimo aan la qiyaasi karin ku lahaa. Dhul aad u roobbanaa ayaanu sii jiidhnay. Gebilay ayaanu toddobadii subaxnimo oo wax la’ ka sii quraacannay. Beer ayaanu dalbannay. Qaar naga mid ahaa oo kelyo dalbaday, waxa loo sheegay in kelyaha hilbaha la soo raaciyo.

Af-jabhadeedkayagii aan u noqdo e’, Cidhib barako leh ayaanu ku dhufannay. Markaa waxaanu wada soconnaa baabuurkii uu watay Xasan Cumar Halas. Kantaroolka Dila ayaanu is-taagnay. Saa waxa dhinaca bidix oo koonfur ah ka yaallaay baabuurkii Cabdishakuur la qallibmay. Waa “Surf”. Midabku waa buluuki culus oo diillimo leh. Muraayadda hore waa digada oo inta ay jajabtay ayay isku daadatay. Waxaan hoos isu idhi  waa barta galaafatay Dr. Cabdishakuur. Illeyn hed shinkeedii galay lama baajiyo. Wuxu baabuurkan qallibmay u jeeday koonfur. Labada taayir ee danbe ka galbeed xigay wuu banjarsanaa. Inta aanu u ducaynay ruuxii Dr.  Cabdishakuur ayaanu dhaafnay. Baabuurkayaga ayaa ka Halas ka horreeyay. Halas ayaa markii aanu dhaqaaqnayba na joojiyay. Ku-ye: “Jidka garan meysaan e’, I soo daba gala.”  Illeyn baabuurkii Dr. Cabdishakuur ayaa noo muuqda e’, annaguna naxdintii qaadannay soo-jeedintii Halas.

Xasan Cumar Halas aayar ayuu baabuurka wadaa iyada oo uu laammi marayo. Axmed Cumar Toosh oo baabuurkayaga waday dhowr jeer ayuu u holladay in uu dhaafo, laakiin annaga ayaa ka diidnay. Godkii ugu horreeyay oo ahaa meel daadka loo banneeyay ayaanu ku dhacnay. Xasan Cumar Halas ayaa gacanta soo riday si uu noogu tilmaamo. Markaas ayaa caqligu nagu soo degay oo aanu garannay halista dariiqu leeyahay.

Dila ilaa Boorame inta badan waddo laammi ah ayaanu ku soconnay. Halkii mar laga wada samayn lahaa waddada, waxa laga door-biday in marba intii la karo la sameeyo. Wixii ku qabsoomi waayay labaatanka sannadood, ayaa ku qabsoomay waqti aan laba sannadoodba dhammayn.

Waqti 8.00 saacadood ee subaxnimo ku beegnaa ayaanu gallay magaaladii Boorame, oo aan ahaynba tii aan ogaa. Waa maxay laammiyada is-jiidhayaa. Malahayga waxaan is-idhi, magaalo kale oo dhismaha waddooyinka kula tartantaa ma jirto. Bajaajta ayaa ka darreyd oo aad moodaysay in ay aroos gelbinayaan sida ay isu dabo-yaacayeen.

Reys Hotel ayaanu cabbaar ku hakannay. Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaanu isagana ku kulannay.

Qormadii: 3aad

Subaxnimadaa aanu Boorame gelaynay, waxa kaleoo aanu jidka ku kulannay Khaalid yare oo Warfaafinta nagala hawl-gala. Markii aanu Boorame gallayba waxaanu qaadnay laammida magaalada laga galo. Hotel Harawo ayaanu midig ama bari ka marnay annaga oo woqooyiu soconna. Waddadu waa ay soo xidhmaysaa oo waxa wajahadda kaa qabanaya boodh ay ku taallo Rays Hotel. Midig ayaanu u leexannay oo waxaanu is-taagnay bartii ay xabaashu ka qodnayd. Waanu ka noqonnay oo Rays Hotel ayaanu tagnay.

Annaga oo markaa shah iyo bun dalbannay ayuu na soo wacay Naasir Gargaar oo dadka diran ka mid ahi, magacana sidaa kula baxay. Saacaddu markaa waxay ku beegnayd ilaa sagaalladii. Wuxu noo sheegay in meydkii Dr. Cabdishakuur la soo qaaday si loo aaso. Shaahba ma aanu sugin.

Waxaanu tagnay markiiba goobtii lagu tukanayay oo ahayd Masaajidka Aabbihii Sheekh Cali Jawhar. Nuur iyo Naalleeyaba cidi kama maqnayn. Intii Boorame ku sugnayd ka-sokow, shacbi aad u faro badan oo weliba ahaa foolaadkii ummadda ayaa meel kasta iskaga yimid. Hargeysa waa laga yimid…..Jabuuti baa dayuuraddii la raagsaday oo baabuur la soo halabsaday. Dadkii meesha marayay ee rag iyo dumarba lahaa markii aan dhinac walba ka eegay ee aan farahooda ka yaabay, waxaan is-idhi in badan oo soo lugaysayna waa ay jirtay.

Dawladdu meeqaan aad u sarreeya ayay kaga qayb-gashay. Madaxweyne-ku-xigeenkii ayaa marayay. Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ayaa marayay. Ma Wasiirradaa! Tammuuxaas ayay ka badnaayeen. Ma Beerihii baa…..Ma Arrimihii Shaqadaa…..Ma Duulistii baa…….Ma Kalluumaysigii baa……..Ma Warfaafintii baa…….Ma Caafimaadkii baa

Shirkadihii gaarka loo lahaa iyo hay’adihii kale ee dawliga ahaa ayaa iyaguna ciiddaa ka badnaa. Ururkii Dhakhaatiirta oo oodihiisii iyo dhigihiisii ba wata ayaa marayay. Da’yartii oo rag iyo haweenba leh. Culimadii iyo Madax-dhaqameedkii. Geeri arooskeed ayay ahayd. Il-yarta ayaa is-qabatay oo usha circa loo tuuraa dhulka kuma ay dhacayn.

Sidaas ayaanu ku gelbinnay Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo milge iyo maamuusbaku lahaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba, gaar ahaan shacbiga reer Somaliland.

Haddaba halyaygan la quudhi waayay kuma ayuu ahaa?

Aniga oo aad uga xun in gawl-gawlo taariikhda iyo sooyaalka saaxiibkay Dr. Cabdishakuur oo aanu maalmo, bilo iyo sannado badan soo wada-qaadannay annaga oo fikir-wadaag ahaan jirnay, ilaa maalintan uu dhimanayayna ahayn. Boorame ayuu ku dhashay xilli ku beegbnaa 1952kii. Qoys-diimeed oo caan ah ayuu ka dhashay. Aabbihii, magac ka miskiin ma ahayn oo Sheekh Cali Jowhar oo geyiga Soomaaliyeed iyo geeska Afrikaba ka caan-baxay.

Dugsiyadii Hoose iyo Dhexe wuxu ku qaatay magaalada Muqdisho isaga oo ka qalin-jebiyay Dugsigii Sare ee Benaadir 1972kii. Waa halkii ugu dhaweyd ee aanu isku baran lahayn, bal se waxaan ka baxay hortii bishii Ogos 1968kii. Markii ay ka baxeen Dugsigii Sare ayaa lagu qoray shaqadii Qaranka. Sida uu ii sheegay Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ay ay isku Dugsi ahaayeen, waxa lagu kala qoray Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo Boorame ah iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo Burco lagu qoray. Waa beryihii nidaamkii Siyaad Barre odhan jiray waxaanu dalka ku dhaqaynaa nidaamka “hanti-wadaagga cilmiga ku dhisan.”

Qormadii: 4aad

Waxa kale oo uu sannadkaa 1972kii ahaa sannadkii la sharciyeeyay qoraalka Afka Soomaaliga.

Saaxiibbadeen Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan iyo Dr.  Cabdishakuur iyaga oo ku jira shaqadii Qaranka ayay bilaabeen in ay bartaan Hanti-wadaagga iyaga oo abaabulay wareegyo (circles) dhallinyaro ah oo ay tababari jireen oo ay bari jireen Hanti-wadaagga. Xataa Cartan waxa uu ii sheegay in uu mararka qaarkood Dr, Cabdishakuur ku booqan jiray magaalada Boorame. Waayadaa, Dr. Cabdirashakuur Sheekh Cali Jowhar, waxay Boorame isku baranayaan Nimco Xuseen Giirre oo ay magaalada Qaahira isku guursadeen xilli la iigu sheegay 1976kii. Iskuma ay raagin, ubadna isumaay yeelan.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar wuxu ka mid noqday koox arday ahayd oo loo qaaday magaalo-madaxdii dalkii Midowga Soofiyeti ee Moosko. Aniga qudheydu kooxdaa ka mid ayaan ahaa oo waa halka aanu isku barannay Dr. Cabdishakuur Cali Sheekh Cali Jowhar. Waxa kale oo kooxdaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan. Waxa isaguna naga mid ahaa halgamaagii weynaa ee shahiiday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, ee la odhan jiray Maxamuud Xaaji Xasan oo loo yaqaannay Hurre.

Waa xilliyadaa xilliyada aan sida fiican u baranayaa Dr, Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Waa xilliyadaa xilliyada aanu wada gelaynaa liisaskii madoobaa ee nidaamkii Siyaad Barre. Waxaan u malaynayaa in aanu ahayn ilaa saddex fasal oo halkaa ku qaadan jiray duruus la xidhiidha culuunta Hanti-wadaagga. Keli ma aanu ahayn. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn, waxa nala joogtay arday ka timid dalal badan oo dunida saddexaad ah. Waxa ka mid ahaa dalkii Yamantii Koonfureed, Angoola, Mosambiik iyo dal ku yaallay Koonfurta Ameerika oo la yidhaahdo Guyana oo Ingiriisku gumeysan jiray.

Dood ayaa ka dhici jirtay fasalladaa aanu wax ku baran jirnay. Ardayda waxa ku jiray niman Nabad-sugidda ka tirsanaa oo warbixino joogto ah diri jiray. Warbixin-xilliyeedka ka-sokow, markii aanu Soomaaliya ku noqonnayna warbixintii kama danbaysta ahayd ayay bixiyeen, taas oo keentay in in badan oo naga mid ahayd la eryaba.

Waa halkaa meelaha la naga raacay ee aanu ku collownay nidaamkii Siyaad Barre oo no aqoonsaday dad kacaan-diid ah ama aan eedba u galayn ‘Kacaanka.’

Iyada oo warbixinihii nalaga soo qoray ee qarsoodiga ahaa la adeegsanayo ayaa markiiba nalagu shubay meel la odhan jiray Dugsiga Tababarka ee Xalane oo nidaamkii Siyaad Barre u adeegsan jiray si uu dadka u kala shaandheeyo, isaga oo qaarna adeegsan jiray, qaarna shaqada ka eryi jiray.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre) iyo aniguba waxaanu ka mid ahayn dadkii aan la jeclaysan ee la fogeeyay. Dr. Cabdishakuur waxa lagu qoray Hanti-dhowrka, Xildhibaan Cartan waxa lagu qoray Madbacaddii Qaranka, Hurre isagana waxa lagu qoray Wersheddii Sonkorta ee Jowhar, anigana waxa la ii diray magaalada Laas-qoray aniga oo noqday Wakiilka Ururrada Shaqaalaha ee Wersheddii Kalluunka ee Laas-qoray.

Iyada oo meelahaa nalagu kala qoray, ayaa haddana isha lagu hayay hadba waxa aanu ku jirno ama qabanayno. Warbixintii qarsoodiga ahayd ayaa sideedii iskaga socotay, taasina waxay keentay in habeen habeennada ka mid ahaa oo 1975kii ahayd la baadhay guryihii Dr, Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar iyo Xildhibaan Cartan ee magaalada Muqdisho.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar xataa xagga hooyada waxa uu ka dhashay qoys diiniya oo hooyadii waxay ahayd Xabiiba Xaddi Taani.

Baadhistii habeennimo ka dib oo dhaqan u ahayd nidaamkii Siyaad Barre saaxiibbaday Dr, Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan sas iyo baqdin laxaad leh ayaa ku beerantay. Waxay go’aansadeen in ay baxsadaan inta aan la qaban.

Qormadii: 5aad

Dr. Cabdishakuur iyo Cartan waxay codsadeen fasax gaaban. Hay’adihii ay ka shaqaynayeen ayay weydiisteen 14 maalmood oo fasax ah. Waa la siiyay labadoodiiba. Muqdisho ayay ka boqooleen waxaanay u ambo-baxeen magaalada Hargeysa. Maa daama uu waqtigu yaraa, markiiba qalqaalo ayay galeen. Waxa si aad ah u caawiyay MaxamedIs-xal oo Cabdishakuur seeddi u ahaa isla markaana ka tirsanaa Ciidammadii Xoogga Dalka ee Qaybtii 26aad. Maxamed Is-xal ayaa dad ku daray si ay uga tallaabiyaan xuduudda oo ay Itoobiya u galaan.

Markaa ay Cartan iyo Cabdishakuur ka baxayaan Muqdisho, waxay la deggenaayeen Ibraahin Xaaji Muuse Wacays oo Aamina Cilmi Gebilay ku guursaday markii uu ku jiray shaqada Qaranka. Waxay deggenaayeen guri ku yaallay Xaafaddii Boon-dheere ee Muqdisho, gaar ahaan marka aad kor uga kacdo Baar Koodaar oo ku ag yaallay Xaruntii Barlamaanka.

Cartan iyo Cabdishakuur markaa ay baxayeen kama ay qarin Wacays halka ay ku socdeen, bal se waxay ka codsadeen in aanu sheegin ilaa inta ay fogaanayaan.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan wuxu ii sheegay in laga tallaabiyay meel xuduudda ah iyaga oo u gudbay magaalada Jigjiga. Beryahaas waxa socday ‘Kacaankii’ millateriga ee Boqor Xayle Selaase xukunka lagaga tuuray oo bishii Maarj 1975kii Mengistu Xayle Mariyam taladii dalkaas kula wareegay. Waxa Mengistu ka horreeyay Ammaan Andom, Tafarre Benti iyo Atnafu Abbate oo intaba la dilay iyaga oo aan wax bandan aan talada dalkaasi hayn.

Nidaamkii Mengistu Xayle Mariyam wuxu bilaabay olole aan tudhaale iyo naxariis midnaba aan lahayn oo uu ku qaaday xoogaggii ka soo hor jeeday oo ay ugu mudnaayeen dhallinyaradii la magac-baxday ‘Ehaabba’ ama EPRP iyo Meysoon. Ololahaa xasuuqa ahaa oo maxkamad la’aan dadka lagu tooganayay, Mengistu wuxu ugu wan-qalay ‘Saskii casaa’oo afka Ingiriisiga lagu odhan jiray ‘Red Terror’. Bilaa hadal, ayaa aragtida lagu toogan jiray dadka dhallinyarada ah ee ururradaa lagu tuhmo. Habqankoodu ayaa Soomaaliya berigaa soo galay iyaga oo raabe raabe u socday oo wiilal iyo gabdhaba lahaa.

Saaxiibbadeen Cartan iyo Cabdishakuur xaaladda caynkaas ah oo Itoobiya ka taagan, ayay iyaga oo Soomaaliya iyo nidaamkii Siyaad Barre ka cararaya Itoobiya u tallaabeen. Sida Cartan ii sheegay waxay ahayd markii ugu horreysay ee ay af Xabashi lagu hadlayo maqlaan, calanka Itoobiyana indhaha saaraan. Taagga inta saraawiishii la iska saaray ayaa la qaatay macawiso iyo koofiyadihii yar yaraa ee wadaaddada. Tabtii fiqi-duurrayaasha ayaa tusbax qoorta la gashaday, kitaab Jis Camma ahna inta gal lagu ritay degta la sudhay. Ma riwaayadda ay nimankaasi berigaa isku dayeen in ay jilaan iyo sidii ay uga xumaatay, markii loo dardaar-weriyay.

Jigjiga markii ay maalmo joogeen ayay dad ay Cabdishakuur qaraabo ahaayeen u caqli-celiyeen oo ku qanciyeen in ay iska noqdaan, haddii kale la layn doono.Xaalkoodiiba wuxu nolqday kud ka guur oo qanjo u guur. Beryihii Siyaad Barre dalka qabsaday ayaa nin ka baxasady oo Itoobiya u tallaabay. Cabbaar haddii uu halkaas joogay ayuu ololihii Hanti-wadaagguna ka bilaabmay Itoobiya. Candhuuftiisii inta uu liqay ayuu dib u soo shiraaqday. Markii la weydiiyay wixii ku dhacay ayuu yidhi: “Hanti-wadaaggii ayaa na hor-qabateeyay/”

Sidii ayay ku soo noqdeen oo ay ku yimaaddeen Hargeysa. Mar labaad ayay talo ku noqdeen. Cabdishakuur wuxu go;aansaday in uu Jabuuti galo, Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo reer Ceeri-gaabo ahina wuxu go’aansaday in uu Meydh ka dhoofo. Sidaas ayuu Cabdishakuur ku galayJabuuti, isaga oo uga gudbay magaalada Qaahira. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan intii aanu fasaxii ka dhammaan ayuu ku noqday magaaladii Muqdisho oo warkoodii baxsigu meel walba mushaaxay.

Magaalada Qaahira intii uu joogay wuxu ka galay Jaamicadda ‘Caynu-shamis’ oo uu ka bartay culuunta caafimaadka, halkaas oo uu ka qaatay shahaadaddiisii hore (First degree).

Qormadii: 6aad

 

Ka dib waxbarashadiisii wuu sii watay ilaa uu ka qaatay shahaadadda ‘Phd’ isaga oo ku takhasusay culuunta la xidhiidha cudurrada dhimirka.

1982kii ayaan tegay magaalada Qaahira oo uu markaa ku sugnaa walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale oo isaguna isaga oo aan baasaboor sidan ka soo duulay madaarkii Muqdisho. Anigu markaa waxaan ka soo noqday Addis Ababa oo aan waqti aan sidaa u sii badnayn ka tirsanaa Xisbigii SWPP oo ku darsamay Jabhaddii SSDF.

Si aanan sheeko dheer idiin ku marin, markii aan cabbaar Qaahira joogay ayaan ogaaday in Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar joogo. Sidii ayaan ku raadsaday oo aanu dhowr maalmood ku wada joognay. Bishii Ogos bilowgeedii, 1982kii ayaan ka baxay garoonka dayuuradaha ee Qaahira aniga oo ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, bal se markan u qalab-qaatay in aan ku biiro halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Habeenkaa taariikhiga ahaa waxa I sii sagootiyay oo keligii madaarka Qaahira ii raacay saaxiibkay Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar. Markii aan Itoobiya tegay muddo dheer oo danbe ayaanu xidhiidh waraaqeed iyo mid tilifoonba lahayn. Kama ay madhnayn meesha in uu mar marka qaarkood qoraaallo dhalliil ah ii soo diri jiray, aniguna aan taagtay ka qancin jiray. Laakiin taasi nama ay kala kaxayn, bal se waa ay isku kaayo soo jiidi jirtay.

Sidii ayaan ku galay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, ilaa intii dal iyo dadba laga xoreynayay. Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar waxaanu kala xidhiidh-furannay dhowr iyo siddeetankii oo waqtiyada intooda badan aan ku qaadan jiray jiidaha hore. Taas macnaheedu ma aha in aannaan is-wareysan jirin ama iska war-haynba.

Sidaas ayuu Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar waayuhu noo kala kaxeeyay oo midkaayaba dhabbo u qaaday. Isaguna tii aqoonta ayuu raacay, anna tii halganka hubeysan ayaa I qaadatay oo aan u huray toban sannadood oo cimrigaygii dhallinyarannimo ahaa.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar waxaanu marar danbe oo badnaa ku kulmaynaa magaalada Hargeysa oo uu si joogto ah u iman jiray, isaga oo gacan ka geysan jiray daaweynta dadka dhimirka wax ka qaba.

Dr. Cabdishakuur wuxu ka mid ahaa qoys ballaadhan oo dalka iyo dibaddaba caan ka ahaa, ilaa maantana ka ah. Ka-sokow qoyskoodaa ballaadhnaa, Dr. Cabdishakuur waxay isku bah ahaayeen shan hablood iyo isaga. In kasta oo uu dhowr jeer guursaday, xaaskiisa uga danbeysay oo la deggenayd dalka Kanada waa Aamina Cabdi (Steak House). Nasiib-darro Dr. Cabdishakuur wax ubad ah ifka kagama tegin, sida ay ii sheegeen dadkii sida aadka ah ugu dhawaa.

Dr. Cabdishakuur waxyaabo badan iyo siyaabo badanba waan ku xusuustaa. Dr. Cabdishakuur sidii aan ku aqaannay ma ahayn nin fanka guud ahaanba sidaa u jecel. Waxaan xusuustaa habeen aan dirqi iyo si fool adag ku geeyay Masraxii Waddaniga ahaa ee Muqdisho oo ay ka socotay Riwaayad ay Arbe iyo Qalanjo ka haayeen Maxamed Saleebaan iyo Xaliimo Khaliif (Magool). Dr. Cabdishakuur waxaan fadhiisiyay kuraasida ugu horreysa. Ilaahay uun baa ogaa wixii farxad iyo damaashaad Dr. Cabdishakuur ka dhacay. Hadba inta uu is-illoobo ayuu sacab iyo qosol la oogsanayay, oo dadkii nagu xeersanaa ay gacmihii dhabannada kaa qaadi waayeen. Markii ay Riwaayaddii dhammaatay dirqi ayaan masraxii kaga saaray. Wuxu aad u jeclaysanayay qaybaha maadda iyo majaajillada ahaa. Waxaan is-idhi Dr. Cabdishakuur hees uu dhegaysto mooyaan e’, malaha mid hortiisa laga qaadayaba habeenkaa ka hor ma uu arag. Hadda ogaada beryahaa ‘Video-gu’ ma jirin, ee arrinku maqal keliya ayuu iska ahaa oo aanay weliba rikoodhada naftoodu dadka wada gaadhin. Dhegeysigu idaacadaha ayuu u badnaa.

Dr. Cabdishakuur wuxu ahaa nin aan dheerayn, gaabnina lagu sheegin. Hilib badan beryahaa hore ma lahayn, in kasta oo uu naaxay beryahan danbe. Si caadiya ayuu u lebbisan jiray. Shaadh iyo surwaal ayuu u badnaa, in kasta oo uu beryahan danbe ee uu qurbo-joogga noqday mararka qaarkood koodh qaadan jiray.

Qormadii: 7aad

 

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar xataa dhaqanka macawis-xidhashada wuu lahaa. Waxaan garanayaa ama arkayba isaga oo Hargeysa jooga oo suuqa macawis ku tallaabsanaya, koodhna xidhan oo weliba kombiyuutarkiina degta ku sita. Waxaan garanayaa maalin uu intaa xidhnaa oo ay xaaskiisa Aamina wada socdeen oo ay agabkan hadyadaha ka iibsanayeen Milgo Photo.

Ilaa inta aan garanayo muraayadaha indhaha waa uu qaadan jiray. Tan iyo maalintii aan bartay ilaa maalintii uu shilka ku geeriyooday dooqiisa ama dhadhankiisa muraayadaha indhuhu is-ma uu beddelin. Waxaan si fiican u xusuustaa in maalmahaa aanu Moosko wada joognay ee dhowr iyo toddobaatannadii uu qaadan jiray muraayadaha indhaha oo ka koobnaa laba muraayadood oo cad cad oo saafiya, iyo gedaan (frame) madow oo caag ah. Maalintii uu dhintayna kuwii dhaqanka u ahaa mid ka mid ah ayuu xidhnaa.

Dr. Cabdishakuur marka uu socdo waxaad moodi jirtay in uu yar cidhibsanayo oo uu cidhibta dhulka ka yar qaadayo. Wuu xarrago badnaa, saraawiishana waxaan is-idhi ‘Jeanska’ ayuu u badnaa. Waxaad yar moodi jirtay in uu dalbo yar leeyahay, malahayga intii danbe ee uu Maraykanka tegayna wuu ka sii yar bad-badiyay oo dhaqanka socodka ee dadyowga dhulkaa ku nool ayaa iska caynkaas ah.

Digtoorku wuxu ahaa nin kaftan badan oo ay aad u adkayd sida uu ku xanaaqaa. Aad ayuu kaftanka uga heli jiray iyo sheekooyinka maadda ah. Inta badan wuu qosli jiray oo weliba ilmo ayaa ka iman jirtay. Marka uu qosolka ka soo doogo inta uu dhabarka ama garabka kaa dhirbaaxo ayuu muraayadaha iska saari jiray oo ilmada qosolku ka keenay iska tiri jiray.

Buugga iyo kombiyuutarkuba whelkiisa rumaad ayay ahaayeen. Waxaan is-leeyahay maalmahaa uu dhimanayay wuu soo ambo-baxay oo meherad caafimaad oo dadka dhimirka wax ka qaba lagu daweeyo ayuu furanayay. Keli kuma uu ahayn. Waxa ku weheliyay walaashii Raxma iyo Dhakhtar Cabdijabbaar la yidhaado.

Waa mararka aad soo xusuusanayso tuducyadii Heelladii Qaraamka ahayd ku jiray ee ahaa:

“Markaan is-idhaa wax taransaba,

Sow tii Rabbi meel ma sii taal.”

Maalmahaa uu shilka gelayo ayaa xayaysiiska goobtiisa caafimaad laga waday TV-yada. Saddexankaba muuqaalladooda ayaa soo bixi jiray. Naxdin weynaa! Ilaahoow kuu naxariiso. Aammiin. Idinkuna igu dara.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar ma ahayn oo keliya Caalim dadka daweeya oo keliya. Wuxu ahaa Mufakir adduunka iyo noloshaba aragti cad oo qeexan ka lahaa. Wuxu ahaa nin hankiisa iyo himiladiisuba ay aad u fogaayeen oo ay heegada sare ku laallaayeen. Nin aragti durugsan oo xeel dheer leh ayuu ahaa. Aragtidiisu gur-gur qaanso kuma ay dabranayn, bal se daaqsin geel iyo tahan ayuu wax ka daalacanayay.

Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar, wuxu ahaa caalin dadka dabiiba oo dawo iyo qoraalba u adeegsada. Afafka Ingiriisiga iyo Soomaaligaba wax wuu ku qori jiray. Qoraalladiisuna meel qudh ah kuma ay koobnayn bal se dhul iyo arrimo kala duwan ayay daarranaayeen.

Somaliland wax wuu ka qori jiray. Soomaaliya wax wuu ka qori jiray. Geeska Afrika iyo dunida saddexaadba wax wuu ka qori jiray. Qoraalladiisuna hodan aan laga xiiso goyn ayay ahaayeen. Kuwa ugu caansanaa waxa ka mid ahaa Qormo aad u shishleyd oo uu ka qoray doorashadii Madaxweynaha Somaliland ee 26kii Juun 2010kii.

Qormadaa caan-baxay wuxu ku suntaday:

Somaliland: “Tartankii wuu dhammaaday, qof kastaana wuu guulaystay”

Haddii aan godollo ka soo qaato, wuxu ku bilaabayaa:

Qormadii: 8aad

 

Weli waxaynu ku jirnaa qormooyinkii aan xuska iyo xusuustaba uga dhigayay saaxiib igu dheeraa, ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Somalilandna qiimo iyo qaddarin gaar ah ku lahaa. Shamac u huray in dadkiisa dowga u iftiimiyo, is-na ku hurushoobo.

Qormooyinkiisii xiisaha iyo xadantadaba lahaa aan u noqdo. Waa Qormadii taariikhiga ahayd ee ka hadlaysay doorashadii lagu wada guulaystay ee 26kii Juun, 2010kii lagu soo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu qoray dhakhtarkeennii caalimka ahaa:

“Cinwaanka Qormadan waxaan ka soo xigtay buuggii Lewis Carol ee ‘Alice in Wonderland’, oo ahaa buug xikmad iyo dhacdooyin lama-filaan ahba cokanaa.Sheekada Somaliland waxay u eg tahay riyo.Halkan waxa kuu yaal dawlad aan la aqoonsan oo ku barbaarinaysa nooca dimuqraadiyaddeeda badhtamaha waayo aan maamul wanaagga kobcinayn sida Somalia, Djibouti, Ethiopia, Yemen, Eretria, Sudan, iyo Saudi Arabia. Liiskaasina kumanyaal meyl ayuu u soconayaa bari ilaa galbeed, woqooyiga ilaa koonfurta. Qof kastaaba immika iyo mar danbeba waa in uu is-qanjiidhiyaa si uu u xaqiiqsado in Somaliland jirto oo aanay doorashadan xaqa iyo xalaashaba ahayd noqon karin wax riyo ah.

Sida ay ku dhawaaqeen Guddida Doorashooyinka Qaranka ee qiimaynta mudan ee madaxa bannaani (GDQ), natiijooyinkii doorashadii la qabtay 26kii Juun, 2010kii waxay muujisay in Axmed Siilaanyo oo hoggaaminayay Xisbiga Kulmiye kaga helay tartamihii u xigay aqlabiyad muuqata oo ahayd 16%, kaas oo markaa ahaa Madaxweyne Daahir Ra’yaale kaahin oo hoggaaminayay Xisbiga UDUB. Jilaaga saddexaad ee riwaayaddii doorashada oo ahaa Feysal Cali Waraabe oo Xisbiga UCID hoggaaminayay meel danbe ayuu ka galay tartanka oo labadaba waa uu ka danbeeyay.

Intani waxay ahayd hordhac, bal se doorashadii sheeko kale ayay inoo marinaysaa.”

 

Haye, bal ka warrama dhakhtarkedennii miyirka iyo maankaba dhayi jiray. Balk ka warrama caalimkeennii nafsaaniga ahaa ee dadka dhimirka wax ka qaba daweyn jiray. Ma mooddaan in aad immikana akhrisanaysaan sheeko xariiradii qalin-maalka tanaaday ee qoraalka ku tamashleeya. Bal ka warrama Qalinka Dr. Cabdishakuur! Da’ soo kacaysa oo soo socota ayuu u ahaa naamuunad ka soo hor martay oo malahayga xayaysiisba u ahayd. Aan idhaahdo Ilaahay ku jannee.

Qormooyinkan ku saabsan Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar waxay igu yihiin run ahaantii gole-ka-fuul oo galab kasta ama maalin walba Qormada berri soo baxaysa ayaan qoraa, aniga oo weliba raad-raac iyo tix-raacba u raadinaya. Dad baan tilifoonno u diraa ama odeygeenna guunka ah ee ‘Google’ ayaan inta badan wax weidiiyaa, is-na ima hagrado oo hawsha aan idiin hayo waa uu ka dheregsan yahay. Marka ay Qormooyinkani dhammaadaan ayaan dib u nakhtiimi doonaauna tifaf-tiri doonaa si aan u qabyo-tiro Qormooyin aan muquuno uga dhigayo saaxiib aanu halgan-wadaag ahayn oo aad iigu dheeraa.

Maxaynu haynay? Haa……Somaliland: “Tartankii wuu dhammaaday, qof kastaana wuu guulaystay”

Waa halka ay laxduba u dhimatay. Dr. Cabdishakuur wuxu inoo sheegayaa in la tartamay oo haddana la wada guulaystay. Waa marka dal iyo dadba la guulaysto ee cidiba wax qaadato ama dhinacba u badiso. Waa kooxo kubbad ciyaarayay oo kale. Intaas oo abaal-marin ah ayaa la bixiyaa oo cidina ma qaddo. Aan ku noqdo Digtoorkii qoraaga noqday ee qalinkiisa malabku ka dhibcayay, sida mindidiisii caafimaadku uga dhibcayay. Addoon Ilaahay wax siiyay ayuu ahaa.

 

Qormadii:9aad

Madaxweyne Ra’yaale wuu guulaystay iyada oo doorashadii lagaga adkaaday: Si xoog leh ayaa looga adkaaday. Xataa dadka qaarkii ayaa  laga yaabaa in ay ku doodaan in si sharaf-jab leh looga adkaaday. Xataa tallaaboyinkii la canbaareeyay ee ahaa in khasnaddii dawladda uu u adeegsaday ololihii doorashada, in ka badan 67% dadkii codeeyay ayaa kasoo hor jeestay. Sidaa ay tahay haddana maanta Ra’yaale wuu guulaystay. Waxaana laga yaabaa in uu yahay guulaystaha ugu weyn maxaa yeelay wuxu ku dhaqaaqay wax in yar oo ka mid ah qeyrkiisa Afrikaanka ahi ku tallaabsadeen, taas oo ah in uu oggolaaday oo uu hoggaansamay rabitaankii ummadda isaga oo aqbalay go’aammadii doorasho uu xilka madaxweynimo ku waayay.

Tallaabadaa dhiirranaanta leh ee uu qaaday ayuu iskaga meydhay wixii eed ay dadku u hayeen. Ra’yaale oo ahaa Madaxweynihii lama-filaanka ahaa, ayaa mar keliya noqday geesigeedii lama-filaanka ahaa. Waxaanu xusuusan donnaa in uu noo suuro-geliyaay afar doorasho oo dhammaantood adduunyadu u qoonsatay in ay ahaayeen xor iyo xalaalba. Waxaanu ku xusuusan doonnaa shan sannadood oo nabadeed, sharciyadeed iyo dimuqraadiyadeed oo ahaa xilli-madaxeedkiisii koowaad 2003dii – 2008dii. Intaas oo keliya ma aha e’, waxaanu illoobi doonnaa labadii sannadood ee ugu danbeeyay xukunkiisa ama muddadii uu xilka hayaba, oo ahaa waqti uu si aan habboonayn ummadda uga lumiyay. Ra’yaale, Madaxweynahayagii, geesigayagii.

Feysal cali Waraabe mabda’ ahaan ayuu u guulaystay: Waxay ahayd fikraddiisii ku fadhiday habka iyo hannaanka xisbiyada badan, aragtidsiisii aan leex-leexadka lahayn ee diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha daarranayd, iyo taageeradiisii badheedhka ahayd ee qof waliba in uu cod keliya yeesho si looga guuro qaab beedleedkii  qaska badnaa ee lagu dab iyo reer keenay.  Tiradaa yar ee 17% ahi ee muujinaysay in uu xilka diyaar u yahay waxa lagu suntadaa xikmaddii dadweynaha. Iyo, aniga oo ah taageere adag oo uu leeyahay, waxaanu u hoggaansamaynaa cod-bixinta dadweynaha. Wuxu la yimid hal-abuur cusub, waxaanu diyaar u yahay in uu bixiyo qiimaha riyadii uu xilka Madaxweynennimo ku doonayay. Feysal, hoggaamiyahayagii, sahamiyahayagii.

Siilaanyo ayaa doorashadii ku guulaystay: Wuxu soohay oo isku tolay is-bahaysi afkaar, dano iyo qolooyin kala duwan leh oo guulaystay.   Wuxu abaabulay wershed doorasho oo fudud wax-tarna ah. Wuxu ku guulaystay in uu ururiyo dhaqaalihii ugu badnaa, wuxu si adag ugu hawl-galay sidii uu kaga guulaysan lahaa kuwii ka shakisanaa hoggaan-qabashadiisa. Wax cabsi ama sas ah kama qabin in uu isku xeero shakhsiyado magac leh oo ajendayaashooda iyo taageerayaashoodaba lahaa. Wuu u damaashaaday guusha. Waxaad moodaysay in uu lahaa: “U sabbee sida balanbaalista, u qaniin sida shinnida” sidii hal-hayska u ahayd Maxamed Cali Clay marka uu feedhtamayo. Wuxu ku badiyay darbad aan laga soo kicin, markii ay siigadii tartanku degtayna, saaxiibbadii anfariir ayay ku noqotay. Ha noolaado Madaxweynuhu.

Iyo Seylici oo isaguna ku guulaystay doorashadii: Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Siilaanyo, wuxu ahaa qofkii ugu da’da yaraa inta doorashada isu sharraxday. Iyada oo aan markaa aad loo aqoonin, wuxu riixay ninkii ka waayo-aragsanaa ee siyaasiga/halgamaaga ahaa ee Cabdiraxmaan Aw Cali oo filanayay fursad uu isugu sharraxo Madaxweyne ku-xigeen.  Wuxu Ra’yaale kula tartamay magaaladiisii. Wuxu jebiyay deyrkii cabsida lahaa ee sirdoonkii Ra’yaale dadka ku xeereen. Wuxu xoreeyay maskaxdii dadka, Ra’yaale wuxu tusay tamartiisii. Wuxu u saamaxay xisbigiisii Kulmiye in uu isu soo bandhigo caqliga xoroobay ee dadweynaha, isaga oo u tusay in ay yihiin kuwa dalka iyo dadkaba badbaadin karaa. Seylici sidaa wuxu yeelay isaga oo dawaynayay isla markaana bogsiinaya ruuxa ummadeed. Ha noolaaado Madaxweyne ku-xigeenku.

Qormadii: 10aad

Iyo Seylici oo isaguna ku guulaystay doorashadii: Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Siilaanyo, wuxu ahaa qofkii ugu da’da yaraa inta doorashada isu sharraxday. Iyada oo aan markaa aad loo aqoonin, wuxu riixay ninkii ka waayo-aragsanaa ee siyaasiga/halgamaaga ahaa ee Cabdiraxmaan Aw Cali oo filanayay fursad uu isugu sharraxo Madaxweyne ku-xigeen.  Wuxu Ra’yaale kula tartamay magaaladiisii. Wuxu jebiyay deyrkii cabsida lahaa ee sirdoonkii Ra’yaale dadka ku xeereen. Wuxu xoreeyay maskaxdii dadka, Ra’yaale wuxu tusay tamartiisii. Wuxu u saamaxay xisbigiisii Kulmiye in uu isu soo bandhigo caqliga xoroobay ee dadweynaha, isaga oo u tusay in ay yihiin kuwa dalka iyo dadkaba badbaadin karaa. Seylici sidaa wuxu yeelay isaga oo dawaynayay isla markaana bogsiinaya ruuxa ummadeed. Ha noolaaado Madaxweyne ku-xigeenku.

Shacbiga Somalilandna waa ay guulaysteen: Shacbiga Somaliland waxay u muujiyeen naftooda in ay masiirkooda gacanta ku haystaan, waxay ku guulaysteen in ay hantiyaan karaamadii shacbigooda isla markaana ay iska rogaan heeryadii qabyaaladda. Si ay ugu dabbaal-degaanna waxay damaashaad ku jireen 21 maalmood. Dhulkan ay siyaasaddu socod-baradka ku tahay, qiimihii damaashaadka iyo dabbaal-deggu wuxu u dhigmayay ka koobka adduunka. Kani wuxu kaga duwanaa in aqal kasta lagu ciyaarayay, iyo in magaalo kasta oo Somaliland ka tirsan lagu ciyaarayay. Qof kastaa ciyaaryahan ayuu ka ahaa, saacado aan dhammaad lahayn oo la doodayay, olole si niyad ah oo farxadeed looga qayb-qaatay iyo natiijo-nabadeed oo sifaysay ama soo xashayba maskaxdii iyo quluubtii dadka. Bandhiggan nabadeed ee awoodda dadka iyo dhoolla-tuskan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ayaa ka farxiyay ummaddii isla markaana godka ku riday harraadkii dadka qaar u qabeen dhiig daata iyo qudh baxdaba. Dagaalku waa uu socdaa, bal se ummaddu waa tii waarta ee noolaata.

Dadka Soomaaliya ku noolina waa ay guulaysateen: Doorashadan nabadeed awgeed, xil-wareejintan nabadeed darteed, mucjisadan deriskoodu xaqiijiyay ee ay ku dhaqaaqeen dadka Soomaaliyeed ee sidooda u hadlaa, ee iyaga u egi, ee sidooda u socdaa ee sidooda wax u aamminaa waxay dhidibbada u taagaysaa xaqiiqada ah: Dhiillada Soomaaliya ka taagani dadka ma aha, bal se waxay tahay saboolnimada aragtiyeed ee hoggaankeeda siyaasadeed iyo ma-dhalaysnimada aragtida Soomaali-weyn. Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka dib nololi waa ay jirtaa.”

Ciddii doonaysay in ay wax ka ogaato sida Dr. cabdishakuur u fekerayay halkan ayay ka daalacan kartaa. Waa kaa digtoorkeennii caqliga iyo aqoontaba hodanka ku ahaa.

Aan intaa maanta ku soo koobo Qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa, aniga oo aan meeshaka saarayn in marar danbe ku soo noqdo.

Si aynu u qabyo-tirno qormooyinkan, waxaanu marti idiin ka nahay wixii aad ku soo kordhin kartaan.

Amaba naqdi ah.

Dhammaad


 

 

Additional information