Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Dalladda SONYO oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Boobe Yuusuf Ducaale

Dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa guddoonsiisay shahaado sharaf Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale xafladdii sanad-guurada 9aad oo ay Dalladdu ku qabatay bishan Juun 5-teedii Huteel Mansoor.

Shahaado sharaftan la guddoonsiiyay Wasiirka ayaa lagu sababeeyay doorkii taageerada ahaa ee uu ka gaystay dalladda SONYO muddadii 9-ka sano ahayd, Doorkaas oo ay masuuliyiinta dalladu u aragtay in uu ahaa door weyn.

Waxa kale oo shahaado muteysatay oo la siiyay xukuumadda Somaliland iyada oo lagu abaal-mariyay kaalintii shariifka ahayd ee ay ka gashay horumarinta iyo dhiirri-gelinta dhallainyarada.

Wasiir Boobe waxaa uu ka mid ahaa mas’uuliyiin iyo hay’ado shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay xafladdaas oo ay ka mid yihiin shaqsiyaadka: Dr. Aadan Yusuf Abokor, oo ahaa mas’uulkii hore ee Ha’yada Progressio oo taageeridii u horraysay siisay dallada markii la aasaasay. Dhanka Hay’adahana waxaa ka mid ah hay’adda UNICEF oo iyana door wayn ku lahayd samaynta iyo ansixinta siyaasada qaran ee ay SONYO dabada ka riixaysay ka hor intaan Golaha Wasiirradu ansixin sannadkii hore.

Additional information