Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Buug ka hadlaya xasuuqii Dawladdii Siyaad Barre u geysatay shacabka Somaliland oo Hargeysa lagu soo bandhigay

Buug ka hadlaya xasuuqii shacabka Somaliland ay u gaysatay dawladii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre ayaa 31-6-2012 lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Buugaas oo Magaciisa loogu wanqalay (Somaliland And Intarnational Criminal Justice) oo uu qoray Maxamed Faarax Xasan oo ah wiil dhalinyaro ah, ayaa waxa munaasibada lagu soo bandhiggayey ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin  Wasiiradda Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed, Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Warfaafinta Cabdi-Raxmaan Yuusuf Ducaale, Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka Koowad oo Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Jamacadda Alpdha Universety oo soo qaban qaabiyey Munaasibaddaas lagu soo bandhigay Buugga iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Munasibaddan ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha Maxamud Xuseen Mu’adinka, waxaanu aad ugu Mahad celiyey Qoraaga Buuggan ka hadlaya Xasuuqa Somaliland oo ah Madaxa Kuliyadda Sharciga ee Jamacadaas,

waxa uu gudoomiyuhu ugu baaqay dhalinyarada kale inay ku daydaan oo ay wax ka qoraan taariikhaha kala duwan ee dalkan ku duugan.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay Munaasibaddaasi ayaa waxa uu sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shahaado sharaf uu ugu talo galay Qoraaga Buugan Maxamed Faarax gudoonsiiyey, waxaanuu sheegay inuu buuggani aad muhiim ugu yahay Taariikhda Somaliland, waxaanuu soo jeediyey in la sameeyo dad wax ka qora taariikhaha kala duwan ee Somaliland.

Qoraaga Buuggan oo ka hadlaya Xasuuqii laga geystay Somaliland Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlay munasibadaasi, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey ujeeddada ku keliftay inuu wax ka qoro Xasuuqii ka dhacay Somaliland wakhtigii uu Somalia ka talinayey Siyaad Barre, waxaanuu sheegay Qoraagu inay ku keliftay markii uu arkay Waddamo badan oo caalamka ka mid ah oo laga sameeyey Maxkamad lagu Maxkamadaynayo dadkii dalalkaasi Xasuuqa ka geystay, isla markaana uu hindisay inuu wax ka qoro dhibaatadii iyo Xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo cidii ka geysatay, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen Genaral Cali Samatar oo ay hadda Maxkamada ku sahabsan arrintani kaga socoto dalka Maraykanka, isaga oo tilmaamay inay Buuggan ka gacan siiyeen Hay’ado Caalami ah oo uu hadda yaalo oo keliya dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo anuu weli si toos ah u imman Somaliland, waxanu sheegay inuu qiimihiisu yahay buuggaasi $57 Dollar.

Qoraaga Buuggan ka hadlaya Xasuuqii laga geystay Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, waxa uu ugu dambayntii ku booriyey inay dhalinyarada reer Somaliland isku dayaan inay wax ka qoraan ma hadhooyinka iyo taariikhaha kala duwan ee ay soo mareen bulshada Somaliland, waxaanu  u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo saarista Buugan iyo intii ka gacan siisayba.

 

 

 

Additional information