Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg

Magac kama miskiin ahayn. Waa Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa foolaadka fanka Soomaaliyeed, kuna soo dhex jiray tan iyo lixdannadii qarnigii tegay.

 

 

 

 

 

Is-yeel-yeelka fankaan ahayn: Feysal Cumar Mushteeg

(1941kii-2012ka)

“Fankuu xakab aan jabayn,

Xuladka lagu daaro iyo,

Xansaska huriya u ahaa,”

Baroor-diiqdii Xaaji Gujis ee Boobe,

Qalinka: Boobe Yuusuf This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Qormadii: 1aad

Waa halkii Gaarriye e’: Alleylehe qod baa dhacay, Alleylehe qar baa dumay,” Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye isagana aan u soo wada ducayno. Ha samaato oo ha la helo. Aammiin.

Magac kama miskiin ahayn. Waa Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa foolaadka fanka Soomaaliyeed, kuna soo dhex jiray tan iyo lixdannadii qarnigii tegay. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, xabaashana ha u nuuro.

20kii Bishan aynu ku jirno ee Sebtember ayaanu booqasho ku tagnay qolalka danbe ee yar yar ee cisbitaalka guud ee Hargeysa. Waxaanu u dan lahayn qolka 6aad oo safka hore ah oo uu deggenaa ama ku jirayba fannaankii caan-baxay ee Feysal Cumar Mushteeg. Afar ayaanu ahayn: Mustafe Kiiko, Baashe, wiilkayga Aw Yuusuf iyo aniga. Aw Yuusuf oo qolkiisa yaqaannay ayaa noogu hor degay. Soo-noqodkii uu soo socday waxaanu ka garannay, in Feysal laga saaray qolkii. Intii aanu aw Yuusufba na soo gaadhin, waxa qolkii bidix ka xigay ka soo baxay Cawil (Bulbul) oo macallin reer Hargeysa ah. Wuxu noo sheegay in la qaaday shalay oo ay u yimaaddeen rag ay ka mid ahaayeen Muuse Cali Faruur iyo Basbaas oo ka qayb-gelayay Bandhig-faneedka sannad walba bisha Oktoobar lagu qabto magaalada London. La-ye bas ayay ku sii qaadeen, ka dibna Berbera ayuu ku sakaraaday oo waa la soo celinayay. Tilifoonkii Muuse Cali Faruur ayaan garaacay, waxaana iga qabatay inantiisii oo ii sheegtay in ay maalintaa subaxnimadeedii dhoofayeen.

In uu Feysal Cumar Mushteeg dhakhtarka Hargeysa ku jiro waxaan ku ogaaday aniga oo magaalada Jubba ee Koonfurta Soodaan jooga badhtamihii bishii ina dhaaftay ee Ogos. Maa daama ay Iiddii soo dhaweyd, Feysalna aan xarragadiisa ogaa weliba macawis-jacaylkiisii, yarkayga Aw Yuusuf ayaan u sheegay in uu macawis iyo cumaamad cusbayd oo guriga yaallay u geeyo shaadhna u sii iibiyo. Isaga ayaa ii sheegay in uu xanuunsanayo oo ay cisbitaalka isugu iman jireen fannaaniin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Aadan Dacar, iyo Basbaas.

Aw yuusuf isagana aqoon ayaa u korodhay oo wuxu goob-joog u noqday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Feysal Cumar Mushteeg oo marinaya qaar ka mid ah sheekooyinkiisii malabku ka hibitiqaayay ee qof dhegaystaa aanu afka isku dari jirin, dhegtana xoqan jirin.

Feysal Cumar Mushteeg ayuu magaciisu ahaa. Qaybo badan oo nolosha ummadda Soomaaliyeed ka mid ah ayuu aad iyo aad uga muuqday. Si aynu u garanno shakhsiyadda Feysal Cumar Mushteeg aynu u noqonno halkii uu ka beermay iyo gurigii uu ka soo baxay ama ku soo barbaarayba. Laba aan kala liidan oo magac iyo milgaba ku lahaa Hargeysa ayaa dhalay. Aabbihii wuxu ahaa Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa dadkii ra’yal- caamka Hargeysa samayn jiray ama qarqoori jirayba. Dhanka kale wuxu ka mid ahaa xertii Qaraamka. Waxaan ka mid ahay inta nasiibka u heshay in ay aragto Cumar Mushteeg oo suuqyada Hargeysa taxaashaya. Beryahaa Hudheelladan badani ma jirin ee waxa ugu mudnaa Oriental Huteelka oo saraakiisha iyo foolaadka magaaladuba fadhiisan jireen. In badan ayaan u soo lignaa Cumar Mushteeg oo sii gelaya ama ka soo baxaya, oo macawis iyo koofiyad xidhan, shaadhka gacmaha laabtay oo suxullada dushooda ku duubay, cumaamadi degta u saran tahay ulna sita. In uu carrab-jalaqo yar lahaa ayaan u malaynayaa.

Daba-ka-eri oo ahaa nin gabayaa ah oo caan-baxay ayaa maanso u soo dhiibay Tuke, taas oo uu ku sifaynayay gabadh uu duunka hoose ka jeclaa. Dadka uu ku soo hal-qabsaday waxa ka mid ahaa: Cumar Mushteeg iyo nin uu ku sheegay Cabdi Ina Wadaad oo uu uga gol lahaa Cabdi-dhuudhi oo qudhiisu ka mid ahaa odayaashii foolaadka u ahaa magalada Hargeysa. Maansadaa Tukaha ee Aadan Jaamac Guuleed (Daba-ka-eri) ka soo diray magaalada Seylac oo uu askari ka ahaa, waxa ka mid ahaa:

“Cabdi Ina Wadaad iyo haddaad, Cumar Mushteeg gaadho,

Codka aan ku faro iiga gee, waan cadhaysnahaye,

Inantaad cadceed soo baxdiyo, canabka moodaysay,

Inantii ragguba caashaqee, ceelka Herer joogtay,

Dhulku idinla ciiryaye siday, Cadar idiin dhaaftay,”

Waxay sheekadu leedahay in uu Daba-ka-eri markii danbe guursaday gabadhaas oo la odhan jiray Canbaro Nuur Yeey oo u dhashay Faadumo iyo Maxamed.

Qormadii: 2aad

Hooyadii waxay ahayd Nimco Maxamed Bulxan. Dumarkii muddakarka ahaa ee Hargeysa ayay ka mid ahayd. Waxay saaxiibbo ahaan jireen Habar-yartay faadumo Cabdi Ibraahin oo ‘Dararamle’ hooyadii ahayd.. Dhammaantood Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Awowgii Maxamed Bulxanna (Cawar) wuxu ahaa gabayaa degellada Soomaaliyeed aad looga yaqaanno oo af-tahan ahaa. Gabayadiisa hal-ku-dhegga noqday waxa ka mid ah “Dal-dhammeeye”, oo uu ku bilaabay:

“Burhaan gabay Bullaalow beryaha, beeg is-ma lahayne,

Waa taan ka baaliday sidii, beeyo roob helaye,

Aan beyaamiyo waa taan tixaa, buuni ku ahaaye,”

Waxaana dhex-taal u ahaa  beydka ah: “Dadka nimaan baguugaha mar noqon, buugga laga waaye.” Waxaan si fiican u xusuustaa habeen nin Jaamicadda Boosaaso macallin ka ahaa BBC-da ama VOA-da laga wareysanayay oo uu marinayay gabaygaa caan-baxay ee Maxamed Bulxan.

Feysal Cumar Mushteeg, aabbihii iyo hooyadiiba kama ay xumeyn in uu fannaan noqdo, bal se waa ay ku majeeran jireen. Waalidkii beryahaa joogay iyo qaar badan oo immika joogaa se la mid ma aha. Feysal Cumar Mushteeg dareenkan wanaagsan ee waalidkiisu dhiirri-gelin ayuu u ahaa.

Saaxiibbadiisii fanka ay ku wada jireen lama ay qabin dhiirri-gelintaas iyo dareenkaa wanaagsan. In badan oo la mid ahayd deyro iyo duflaal waalan ayaa la qoray, taas oo saamaynteeda taban ku yeelatay noloshoodii faneed rag ha ahaadeen ama dumarba ha ahaadeen e’.

Sidii uu sheegay Axmed Saleebaan Bidde, Feysal Cumar Mushteeg wuxu ku dhashay kuna barbaaray magaaladan Hargeysa oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay. Cabdillaahi Fidaar oo Feysal mar la wada qoray dugsiga ayaan ka wareystay dhalashadii Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu ii caddeeyay in ay labadooduba dhasheen 1940kii.

Isla sannadkaas waxa ku dhashay magaalada Hargeysa Axmed Cali Haaruun oo loo yaqaannay ‘Dararamle’ oo ay Feysal Cumar Mushteeg qaybo badan oo nololeed wadaageen, gaar ahaan fanka. Waxa kale oo uu sannadkani I xusuusinayaa in ay dhalatay, naxariistii Janno Alla ha ka waraabiyo e’, walaashay Ruqiya-Caneb Yuusuf Ducaale, oo 14kii Diisambar, 2010kii ku dhimatay laguna aasay Jabuuti. Had iyo jeer waxay iga wareysan jirtay “Dararamle’ oo ay igu odhan jirtay habeen iyo maalin ayaanu kala dhalannay. Waxaanu wada deggenayn Xaafaddii Laba-nuux. Xataa Feysal cumar Mushteeg qudhiisa ayaa hal-hays u lahaa oo uu igu odhan jiray habar-wadaag.

Malcaamad Quraantii ka dib, wuxu dugsiga hoose ka galay magaalada Hargeysa. 1949kii ayaa la qoray dugsiga hoose ee Sheekh Bashiir oo berigaa la odhan jiray ‘Government school’. Mar danbe ayaa dugsigaa loo bixiyay ‘Fisher’, markii lixdankii la xoroobayna, waxa loogu wan-qalay ‘Sheekh Bashiir’ oo ilaa maanta lagu magacaabo. Waa ballaysinkii iyo bilowgii waxbarashada Somaliland ee ay yagleeleen Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Cabdillaahi Fidaar oo macallin iigu ahaan jiray dugsiga Axmed Gurey oo aan ka wareystay fahmadii Feysal ayaa ii sheegay in uu ahaa ‘A’ Student ama ardayda safka hore ku jiray. Wuxu intaa iigu daray in aanu Feysal Cumar dib u eegi jirin buugaagtiisa, bal se inta uu xiisadda ku jiro wax walba ka bogan jiray. Feysal Cumar Mushteeg 1954kii ayuu dhammaystay tacliintiisii dugsiga hoose, waxaanu u wareegay Cammuud oo uu tacliintiisii dugsiga dhexe ku dhammaystay 1958kii.

Intaa ka dib Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka hawl-galay xannaanadii xoolaha, gaar ahaan magaalada Burco. Feysal Cumar Mushteeg wuxu ahaan jiray ciyaartoy kubbadda cagta ah, waxaanu qaadan jiray lambarka 11aad oo  beryahaa ahaan jiray koonaha bidixda. Halkaas ayuu goolka kaga shubi jiray, waxna waa uu ka dheerayn jiray.

 

Qormadii: 3aad

Sida ay saaxiibbadii beryahaa la noolaa waxa kale oo ay ii sheegeen in ka qayb-geli jiray oroddada qudhooda. Feysal Cumar Mushteeg, wuxu ka hawl-galay xafiiskii xannanada xoolaha ee Burco. Beryahaas ayuu bilaabayaa silsiladdiisii heesaha ahayd ee uu ku qaadi jiray codka ‘Subcis’. Dareen beryahaa ka dhashay ayuu ka tirinayay ereyadaa mahadhada reebay, markii danbena hal-ku-dhegga noqday.

Carruur ayaan ahaa maa daama aan dugsiga dhexe ka bilaabay Axmed gurey sannadku markii uu ahaa 1959kii lixdii bilood ee danbe. Waxaan xusuustaa in beryahaa ku dhegaysan jiray guriga walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale. In kasta oo aanan wada xussuusan, haddana waxaan ka sii hayaa oo weli xiskayga ku keydsan:

“Habeen dem ah oo dabaylo leh,

Duqii oo jooga daartii ka wada baxnayoo,

Dawaafnay buurta dacalladeedii,

Ma garan isku daal-dhaceennii,”

Waxa kale oo aan ka sii xusuustaa:

“Waxaan canbayow haadka kaa celiyaba,

Waxaan sida Cawsha kuu guciyaba,

Ma hadday ku cuneen cadaawuhu,”

Sida aan ka soo xigtay fannaanka caanka ee Busi oo ii sheegay in uu ereyadan ka qoray Feysal Cumar Mushteeg afkiisa, waxa kale oo ka mid ahaa:

“Burcoo idil baa bidhaamaysoo,

Baroo idil baa barwaaqooboo,

‘Paarkerow’ waxa timid ‘Blue’ Laydh,”

Intaa haddii uu yidhi fannaankeennii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg ayaa loo sheegay in uu Burco ka tago oo loo beddelay Bari, waxaanu intaa hore ku kabay:

“Anoon booqan Bari u bixi maayee,

Ma baahde Ilaahay baa la baryaa,

‘Paarkerow’ waxa timid ‘Blue’ laydh,”

Sheekadu waxay leedahay mar danbe ayuu maqlay in jacaylkiisii la guursaday, waxaanu intaa hore ku daray:

“Bustaankaan ka beeray Boorame,

Baaq-baaq baan islaa bilow dhow,

Bartiikhii la guursay waa been,”

1960kii Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka wareegay xafiiskii xannaanada xoolaha, waxaaanu galay Dugsigii ama Xaruntii Tababarka ee xirfadaha ee Cammuud oo loo yaqaannay “Vocational Training center” oo loo soo gaabsan jiray “VTC” oo ay dad badani ka soo baxeen. Sidii ay saaxiibbadii ii sheegeen wuxu ka mid ahaa ardaydii tacliinta ugu fiicnayd, isaga oo halkiisii ka sii watay ka qayb-galkii ciyaaraha oo aad loogu majeeran jireen.

Laba sannadood ka dib ayuu ka soo baxay tababarkii waxaanu noqday macallin, isaga oo ka soo shaqeeyay meelo badan. Walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale wuxu ii sheegay in uu macallin u ahaan jiray. Walaashay Sacdiya (Baarcad) oo aan ku dhalasho xigayna waxay ii sheegtay in uu macallin ugu ahaan jiray dugsigii hoose ee New Hargeysa oo beryaha qaar la odhan jiray “Reece”. Sacdiya-Baarcad waxay ii sheegtay in uu daqiiqadaha hore oo dhan fasal u heesi jiray. Waxay ii sheegtay in uu mar danbe odhan jiray xamaamkii ma is-taagay, markaa ka dib ayuu xiisadda bilaabi jiray.

Qormadii: 4aad

Qaar badan oo idin ka mid ah ayaa is-weydiin kara goorta aan taxanahan qoro ama qorayba. Kan oo keliya ma aha ee waa kuwa kale ee badan. Badanaa marka aan taxanaayasha noocan oo kale ah qorayo, waa ay yar tahay inta aan qofka ama shakhsiyadda aan ka sheekaynayo ka aqaannaa. Badanaa taxanayaasha noocan ah waxaan qoraa maalinta qofka aan ka sheekaynayo la aaso maalinta ku xigta, ka dibna waxay qaadataa qormooyin badan oo taxane ah.

Laba siyaabood ayay arrintani ku dhacdaa. Midi waa inta aan qofkaa ka aqaan, ta labaadna waxa weeye xogta dheeraadka ah ee aan ku helo cilmi-baadhista aan sameeyo. Marka aan mowduucyada noocan ah gelayo, badanaa taxanayaashaydu waa gole-ka-fuul oo maalinta la daabacayo maalinta ka horreysa ayaan maalin kasta laba bog qoraa, aniga oo waqtigayga wax aan sidaa u sii badnayn ka hura.

Aan u soo noqonno taxanahan aynu maanta haynno ee daarran fannaankii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg. Aniga oo raadinayay xog dheeraad ah oo noloshiisii ku saabsan, ayaan, nasiib-wanaag la kulmay Maxamed Maxamuud Cige oo ‘Busi’ loo yaqaan. Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’ wuxu inoogu deeqay taariikh badan oo hodan ah oo uu lahaa Feysal Cumar Mushteeg. Ma ahayn wax keligay la I siiyay, bal se waa mid uu iga oggolaaday in aan idin la wadaago.

‘Busi’ wuxu taariikhdan ka qoray Feysal Cumar Mushteeg, maalin Arbacaad oo ku beegnayd 15/10/1997kii. Innaga oo macluumaadkan siyaabo badan u adeegsan doonna bal aynu saxno dhacdooyin iyo taariikho aynu qormooyinkii hore ku soo aragnay.

Feysal Cumar wuxu sheegay in uu ku dhashay Xaafaddii Laba-Nuux ee Hargeysa sannadku markii uu ahaa 1941kii. Malcaamad Quraantii wuxu ka galay Malcaamaddii macallin Jaamac ee Heegada u dhaweyd.

Cammuud wuxu ka galay Xaruntii Tababarka Macallimiinta (Teacher’s Training Center, TTC). 1958kii wuxu ahaa dhakhtar xannaanada xoolaha ah oo Burco ka hawl-geli jiray. Waxa kale oo sixid iiga baahan in ay hooyadii ahayd Aamina ee aanay ahayn Nimco sidaan ku qoray qormo ka mid ah kuwii hore. Dhammaadka taxanahan ayaynu isku hagaajin wixii is-dhaafay iyo wixii khaldamayba. Saaxiib iyo Habar-wadaag aanu isku dheer nahay ayuu ahaa oo aan iga mudnayn in aan taariikhdiisa gal-gawlo. Xaasha!

Feysal Cumar Mushteeg mar uu ka sheekaynayay taariikh-nololeedkiisii wuxu sheegay in uu 1958kii ahaa dhakhtar xannaanada xoolaha ah, ka dib ilaa 1963kii ku shaqaynayay macallinnimo. Macallimiintii ay saaxiibka ahaan jireen oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Fidaar wuxu ii sheegay in uu macallinnimo kaga soo shaqeeyay: Arabsiyo, Hargeysa, Buraan, Qardho iyo meelo kale. Beddelkan macallinnimo ee uu ku tegay Buraan iyo Qardho suugaan hodan ah oo faro badan ayuu ka tiriyay, suugaantaas oo ay ka horreysay suugaantii uu Burco ku tiriyay markii uu xannaanada xoolaha ka shaqayn jiray ee kalgacalka iyo laxawgaba u badnayd.

Aniga oo jecel isla markaana door-bidaya in aynu curintiisii mar soo wada qaadanno, haddana haddii aan wax badnayn ka soo garoocdo, markii uu bari ku sii socday ee uu Saraar marayay, waxa odeyga laga guntay:

“Waxaan ku su’aalay saaxiib,

Tan iyo saaka weynu sii soconnee,

Saraari ma jidkii Siraadbaa,”

Show odeyga markii Arabsiyo laga beddelay ayaa bari la geeyay oo u ahayd markii ugu horreysay noloshiisa ee uu degelladaa cagta saaro. Ku-ye:

“Qodaalkii Geblaan ka qaylinayee,

Ma haddaan galay Qaaba Qowseyn,”

Additional information