Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Xusuustayda iyo Bare Sare Maxamed X. Dh. Gaarriye

Waxa aan qoraalkan kooban ku eegi doonaa doorkii aqoonneed ee aan u lahaa macallin Gaarriye, iyo maalmihii ardeynimo ee aan wadaagney. 

 

Xusuustayda iyo Bare Sare Maxamed X. Dh. Gaarriye

Khaalid Jaamac Qodax

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

“Inaalilaahi wa inaa ilaahi Raajucuun”

Geeriyeey xishoodlaay

Xejiyaay fogeeyaay

Xaasha e af tahanimo

Haddii uu xabaal galay

Abwaankii xidigin jiray

“Gaarriye”

Waxa aan qoraalkan kooban ku eegi doonaa doorkii aqoonneed ee aan u lahaa macallin Gaarriye, iyo maalmihii ardeynimo ee aan wadaagney. Waxa marar kale aan qoraallo kale ku soo qaadan doonaa, doorka kale ee uu nolosha kaga jirey muddo dheer, qaybo ka mid ah qoraalladaasi, wax aan ku eegi doonaa saameynta suugaantiisu ay bulshada ku dhex yeelatey. Waxaan qoraalkan se ku soo koobi doonaa aniga oo aan wakhti fiican u helin inaan dul ka xaadis ku sameeyo aqoontii gaarka ahayd ee aan u lahaa bare sare macallin Maxamed Xaashi Dhammac “Gaarriye” Alle ha u naxariistee

Ma garan karo mana hilaadin karo macallin Gaarriye maqalkiisa wakhtigii iigu horreysey ee ay dhagahaygu maqlaan. Waxase aan hubaa in aan garaadsadey uun iyada oo maqalkiisu maankeygu uu hayo. Hayeeshee waxaan nasiib u helay inaan noqdo ardeydii uu wax barey ee ka muudsadey aqoonta gunta dheer ee uu Eebbe hibbada u siiyey macallin Gaarriye intii uu wax ii dhigaayey isla markaana aan ku garaadsadey kuna aflaxey aqoontaasi anfacdey inaan kow ka ahey, dad badan oo maanta la wada yaqaanno. Si kasta oo ay tahay, waxa kale oo aan muddooyinkii dambe noqoney dad aad iskugu dhaw-dhaw oo meelo badan iskaga xidhan, waxa aan xasuustaa kaftankii, aqoontii iyo waayo-araganimadii aan wadaagney muddadii aan saaxiibka dhaw aheyn, oo aan ku tilmaami karo wakhtiyo xusuus mudan

Geeridda Macallin Gaarriye oo aan shalay subax xilli hore aaan maqley, aniga oo shaqo tagaaya aad ayaan uga naxay, waayo, waxa aan ogaa kaalinta uu bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanna ta Somaliland uu kaga jirey. Waxa aan la socon jirey xanuunkiisa, waanan ogaa xaalkiisu inuu intii  dambe aad u xumaa, mar wal oo aan maqlo xanuunkiisa aad ayaan uga naxi jirey, waanan u duceyn jirey. Geeriddiiisa ka sakow waa xaq Alle qof walba uu ku xukuman yahee, waxa aan aad uga naxay meesha uu ku geeriyoodey oo dalkii hooyo aad uga fog. Taasi waxa ay I xasuusisey in maalmo dambe ay noqon doonto mid sii qoyan geerida inta laga keeni doonto waddankiisii hooyo. Ma ahi dadka jecel in qofku meesha uu ku geeriyoodo laga soo qaado, dhulka Alle waa isku mid, waxase nasiib fiican qofka dadkiisu si sharaf leh u gelbiyaan aaskiisa, Alle kuwaasi ha inga dhigo dhammaanteenba

Gaarriye geeridiisu waxa ay saameyn weyn ku yeellan doontaa bahda macallimiinta, aqoonyahanka, suugaanyahanka, iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan, waxa uu hormood u ahaa haldoorka ku suntan faridda wanaagga, iyo ka dhiidhinta xumaanta. Haddii la rabo shakhsiyaddiii macallin Gaarriye waxa laga soo dhex tuujin karaa suugaantii hodanka ahayd ee uu ifka kaga tagey, ee ka reebaneyd, xumaanta, qablaayadda, cayda, foolxumada, anshax xumada, iyo faanka, ee ku dhisaalneyd, wanaag sheegidda, tusmeynta, toosinta, tilmaamidda,  iyo hagidda bulshada uu haldoorka u ahaa. Haddii aad suugaantiisa mid walba akhrido waxa kuu furmaaya bog cusub oo aanad hore ugu aqoon, boggaasi oo tilmaan togan ka bixin kara wanaaggii iyo samaantii wacneyd ee uu lahaa, iyo waliba inaad ku sii durugto aqoonta gaarka ah ee aad u yeellan karto shakhsiyaddii wacneyd ee Alle siiyey ee Macallin sare Gaarriye

Intii uu fanka iyo suugaanta aqoonta sare ugu ahaa bare ayaa garan kara, tiisa mudan. Aniga oo huba in dhammaan cid moogi aaney jirin kaalinta uu kaga jirey bulshada, haddana waxa si fiican ula fal gali kara dhaqankiisa gaarka ah ardeydii la soo jibaaxdey muddadii uu macallinka u ahaa. Waxa aan nasiib u helay in aan ka mid noqdo ardeydaasi uu fanka iyo suugaanta afsoomaaliga sida layaabka leh u barey. Waxa si layaableh loo qirayaa farshaxannimadii macallinnimo ee Gaarriye inaaney la mid aheyn dhammaan macalliniin badan oo aan soo arkey. Ka sakow gudbinta casharka uu dhigaayo, waxa ku lammaannaa kaftan aqooneed uu ku dhex dari jirey casharrada uu bixin jirey. Kaftanka iyo xikmadda uu gudbinaayo waxa kale oo uu ku dhex lamaaneyn jirey waayo-aragnimadii uu u lahaa bulshada Soomaaliyeed, oo aad ka dhex garan karto inuu ahaa ruug caddaa ku talax tagey aqoonta iyo fanka bulshada Soomaaliyeed oo dhan. Waxa aan si furan uga markhaati kacayaa in idil ahaan foolaadkii suugaanyahannadii Soomaaliyeed ee uu ku soo qaadan jirey casharradii uu siin jirey ardeyda uu ku sheegi jirey dhammaan inta qof ee gabayda meel kasta oo ay ka soo jeedaan, doorka suugaantoodu ay bulshada kaga jirtey iyo saameynta ay kaga tageen bulshaddii ay ka baxeen oo idil. Hal maalin mooyee, waligey maan arkin Gaarriye oo maansooyin uu leeyahay u soo qaadanayaa tusaale, waxa uu halheys u lahaa “Tani waa ka fursan weyday inaan sheego” haddii ay dhacdo inuu soo qaato mid uu isagu leeyahay

Gudbinta casharka waxa xiise gaar ah u sii yeeli jirey sida ay qireen ardey badan oo aan ka mid ahey, hab dhaqankii uu ardeyda ula dhaqmi jirey. Waxa intaasi sii dheer oo muddan in halkan lagu xuso in Macallin Gaarriye uu lahaa hibo caajib ah oo ahayd inuu ka hadli jirey jidhka, waxan afka qalaad loo yaqaanno “Body Language”, ayuu ku ahaa caan isla  markaana uu  ku talax tagey hibaddaasi uu Eebbe siiyey, oo dad badani jecleysan jireen. Waxa aan xasuustaa in laga hayo nin Ajaanib ah oo daawanaayey cashar uu bixinaayey Macallin Gaarriye, “waan fahmayaa” inuu yidhi ninkaasi, ka dib markaan qiyaaso sida uu u gubinaayo casharka, waayo waxa uu yidhi ninkaasi “Waxa aan eegayaa uun jidhkiisa, taasi ayaana ii sheegeysa waxa uu yidhi, ama uu idin sheegayo oo dhan” Waxa hubaal ah in ninkaasi marka dadku qoslaanna uu qoslaayey, marka ay aamusaanna uu aamusaayey, dad badan ayaa u qaatey inuu afsoomliga garanaayo, waxase hubaal ah in qofka dhegeysta macallin Gaarriye aannu u baahneyn inuu afka uu ku hadlaayo yaqaanno, ee ay ugu filan tahay sida layaableh ee uu isku jajabinaayo, una gudbinaayo muuqaal ahaan, jidh ahaan waxa uu sheegaayo

Bog wal oo nolosheyda ka mid ah waxa aan ka xasuustaa, xusuuso badan oo aanan qoraallo ku soo koobi Karin, waxa uu ahaa saaxiib dhallinyarta aad u jecel, waxa uu ahaa aqoonyahan qoraalka aad u jecel, waxa uu dadka u yaqaanney si layaab leh. Waxa hubaal ah in qof kasta oo si gaar ah u barta macallin ama bare Sare Gaarriye waxa aan hubaa inaanu ka xiiso goyn jirin, ama ka daali jirin. Waxa uu ahaa nin kaftan iyo qosol badan, oo Alle hibo u siiyey in uu kugu qanciyo wax kasta oo maankiisa ku jira, waxa uu ahaa ma daale jecel dhaqanka iyo afka Soomaaliga. Qof wal oo si gaara u bartaa, kama xiiso geyn jirin barashadiisa, waxaanu u badnaa inuu inta aad wada joogtaan uu dacaayad bilaa turxaan ah kugu qaad-qaado

Sida ay garan karaan dad badan oo uu wax u soo dhigey ama arkey, macallin Gaarriye ma aheyn macallin Suugaaneed oo keliya, waxase uu ahaa macallin cilmiga uurku jirta aqoon sare u leh, inkasta oo dad badani ii sheegeen inuu ka xiise iyo xarako badan yahay marka uu dhigaayo aqoontaasi, haddana nasiib uma helin aqoontaasi isaga oo gudbinaaya inaan arko. Ka sakow dad badan ayaa u haysta uun macallin Gaarriye inuu ahaa nin gabya oo suugaanta uun aqoon u leh, waxase hubaal ah inuu ahaa nin balaadhan oo qaybo badan oo nolosha ah uu saameyn ku lahaa.

Daahfurkii miisaanka maansada, iyo ibofurkii deelleyda, waxa ay ka mid ahaayeen xusuuso dad badan ku duugan, oo aan si fudud loo hilmaami karin. Dad badan ayaa ku xasuusan doona godadka abtirsiimo ee uu isaga oo yar allifey sida ay maansada Soomaaliyeed u dhisan tahay, habkaasi oo uu u bixiyey daahfurkii miisaanka maansada Soomaaliyeed. Dad yar ayaa aqoon u leh cilmigaas uu macallin Gaarriye allifey oo abla-ableyn dheer ku sameeya qaybaha ay ka kooban tahay maansada Soomaaliyeed. Daahfurkaasi oo u abtiriya laangaabnimada iyo laandheeranimada maansada Soomaaliyeed, waxa ay ka mid ahaayeen casharro aan in badan wax ka bartey intii uu macallinka ii ahaa. Waxa layaab lahaa sida uu u yaqaanney una soo bandhigi jirey hababkaasi oo si fudud loo fahmi karaayey. Waxaana hubaal ah in aqoontaasi uu daahfurey ay ka mid noqon doonaan culuumta jiri doonta inta ay nool yihiin ummad Soomaaliyeed waligeed. Wakhtiyadii uu daahfurkaasi sameeyey oo ahayd casrigii far-Soomaaliga la qorey, waxa ay dad badani sheegaan inuu kaalin togan ku lahaa curinta iyo soo shaac bixii af-Soomaaliga oo lagu xasuusan doono maansooyinkii uu ka allifey bilawgiiba

Maanso aad u qurux badan oo uu curiyey Abwaaan Cabdirisaaq Odey ayaa aad ii soo jiidatey oo baroordiiq u ah geeridda Macallin Gaarriye, waxa ka mid ah midhaheeda tuducyadan hoose;

Marhadii gantaashiyo,
Geenyaduu jareeyiyo,
Guubaabadiisiyo,
Ardayduu gardaadshiyo,
Maansaduu ganeeyiyo
gabaygiisu noolyahay,
Gaariye ma dhimanine,
Wuu geeriyoodee,

Guulihii Abuuroow,
Naxariis ku eegoo
Jannadaada gaarka,

Gaadhsii raxmaanow
Anagana gargaaraw,
Samir iyo Gudooniyo,
Iimaanka nagu gaadh

Alle ha u naxariisto oo neecaw udgoon jannatul Fardawsa ha ku siiyo macallin Gaarriye, oo ka baxay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada reer Somaliland, oo xusuus aan quluubtooda  ka go’I doonin ay kaga tagi doonto saameyntii aqooneed, ee uu uga tagey bulshadii uu la noolaa muddadii uu jirey iyo weedho halheysyadii uu caanka ku ahaa ee dad badani ku yaqaanneen marka uu hadlaayo

Allow u naxariiso, samir iyo iimaanna inaga sii

 

Additional information