Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Guubaabadii, Gulufkii iyo Googgooskii Gaarriye

‘Damaq iyo xusuus’......Waa dabuubtiisii.......Waa maalmihii uu xijaabtay ninkii doobta weynaa....Waa Timacadde e’ garo’......Maantana Macallin Gaarriye tiisii baa timid...Tuska ooyay waysaga

 

 

 

Waatan qormadii oo dhamaystirani.

 

Guubaabadii, Gulufkii iyo Googgooskii Gaarriye

‘‘Hilinkaan iftiinshaa, anna ku hurushoobaa“

“Ha laguu ilmeeyee,

Horto dhimo af maahee,

Eeggoo la noolyiyo,

Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiya,

Oon aad u buurnayn,

Oo weliba eegeey,

Igu sii amaahoo,

Ictiraafka buuxee,

Aakhiro markaan tago,

Iilka igu sugaayiyo,

Ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,

Akowntkayga laga jaro,”

Aroos Qaran, 2004tii, Gaarriye,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , dharaaro.com

‘Damaq iyo xusuus’......Waa dabuubtiisii.......Waa maalmihii uu xijaabtay ninkii doobta weynaa......Waa Timacadde e’ garo’......Maantana Macallin Gaarriye tiisii baa timid......Tuska ooyay waysaga......Tiirka liicay waysaga.......Halka aan ka talax-gabay.......Waa tummaatidaa timid.......Alleylehe derbaa dhacay.....Difaac adag u taagnaa.......Gabaygii......Afkii......Naxwaheennii miyaa geesi u ciidmi jiray waayay......Yaa afkeennii habi doona, hubin doona, u hiilin doona.

Haa.... Waa aroor hore. Waa 1dii Oktobar, 2012ka. Waqtigu waa xilli ku beegnaa ilaa 7.15 saacadood. Waan jiifay oo sariirta kama soo degin. Saa waa tilifoonkii oo dhacaya. Haddaan wax dhicin, dhaqan ahaan arooryada hore waxa igu soo dhici jiray tilifoonka nin aanu saaxiibbo nahay beryaha qaarna aanu hawl-wadaag ahayn. Dhaqan ahaan ilaa 6.30 saacadood ayuu ii akhriyi jiray cinwaannada wargeysyada. Waa nin Ilaahay diray oo dareen leh oo wax badan caqliga ka tamariya. Tilifoonkiisii ayaan moodayay kan subaxnimadii hore ee maalintaas igu soo dhacay..

Sariirtii ayaan ka soo hinqaday. Axmed Aw Geeddi ayaa shaashaddii yareyd ee tilifoonka iiga soo baxay. Ku-ye: “Waxa la sheegayaa in Gaarriye dhintay.” Ma garanayo goor aan tilifoonkii dhigay waxaan is-arkay aniga oo ilmaynaya. Waan soo sara-fadhiistay, ka dibna Cabdillaahi Saleebaan Bidde oo qof xilkasnimo u dhashay ah isla markaana ka mid ahaa dadkii sannadkaa uu jiifayba gacanta ku hayay, ayaan garaacay. Wuxu ii xaqiijiyay geerida Gaarriye. Mar kale ayaan tilifoonkii iska dhigay. Xaaskayga oo aan iga fogayn ayaa iyada oo yaabban igu tidhi: “Maxaa dhacay.” Waxaan u sheegay in Gaarriye dhintay, iyaduna af-labadii ayay yeedhay. Tan iyo intii aanu aqal yeelannayba, waa ay is-yaqaanneen oo saaxiibbo- qoys, suugaan-wadaag iyo halgan-wadaagba waanu ahayn. Wuxu ahaa nin aanu waayaha hadba taagan wada dhandhamin jirnay. Waxa xusuus gaar ah Gaarriye ku lahaan jirtay, maalin aan isaga iyo nin aanu saaxiibbo nahay oo “Antoine” la yidhaahdo oo reer Jabuuti gurigayga Gebilay ku casumay. Qedadaa dhadhankeedii ayaan Gaarriye ka hadhin, markaas ayuu marka uu guriga yimaaddaba ku odhan jiray inantayda Bilan oo ay iyadana saaxiibbo ahaayeen: “Naa hooy Jaamicaddaa cunto-karinta ee hooyadaa ka qalin-jebi.” Saaxiibbo kal-furan ayaanu isku ahayn, wiilashayduna suugaantiisa guriga ayay ku baran jireen oo si la yaab leh ayay u xiiseyn jireen. Cidi is-ma dhaqaajin jirin mararka uu shaashadaha TV-yada ka soo baxo, cajaladihiisuna rikoodhka lagu daawado kama ay dhammaan jirin.

Tilifoonkii haddaan dhigay oo aan u haab-haabanayo in aan baxo, saa waa tilifoonkii iyo shaashaddii oo ay ‘BBC’-du ka muuqato. Waan qabtay. Waa Axmed Siciid Cige oo wareysi degdeg ah doonaya. Degdeg ayaan u lebbistay, 15 daqiiqo ka dibna Maansoor oo aanu ku ballannay ayaan joogay. Sidaas ayaan wareysigii ku duubay. Waa xaaladdii aan geerida ku maqlay, ka dibna Mustafe Kiiko ayaanu is-raacnay oo gurigiisii iyo xaaskii ayaanu tacsi ugu tagnay. Ilaahay ha u naxariisto, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Qormooyinkan taxanaha noqon doona ee soo socda waxaan milgo iyo maamuusba uga dhigayaa saaxiib aanu suugaan, halgan iyo waayo adduun oo badanba wadaagnay. Dadka iiguma jirin waxaana marag cad u ah, waa shakhsiyadda keliya ee aan intii aan ka qori lahaa maalinta tiisu timaaddo u qaddimay ee aan isaga oo nool ka qoray is-na akhristay ee ku gama’y kuna raaxaystay. Iskama aan qorin ee waxa igu dhaliyay maanso uu tiriyay oo Aroos Qaran la odhan jiray oo tuduc ka mid ah aan ballaysin uga dhigay qormooyinkan taxanaha ah.

Haddaba qormooyinkii aan berigaa qoray oo ku beegnaa bishii Diisambar, 2004tii ayaan dib u saxay una nakhtiimay si aan u sii naaxiyo, wixii goldaloolo ahna uga saaro.

Maxamed Xaashi Dhamac oo loo yaqaannay ‘Gaarriye’ wuxu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadku markii uu ahaa 1950kii. Qaabkii uu yaraantiisii u socon jiray ayaa Gaarriye loogu bixiyay sidii uu ku sheegay wareysi lagaga qabtay RTD Jabuuti beryihii la duubayay Sirta Ereyga. Hooyadii waxay ahayd Qamaansha Jaamac Xuseen, intan uu cusbitaalka Norway kaga jiray ee uu maqnaa ayay dhimatay oo Hargeysa lagu aasay. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Cabdilaahi Xaashi Dhamac oo aanu isku da’ iyo fasalba ahaan jirnay oo Canada deggen ayay xagga hooyo iyo xagga aabbaba ka walaalo yihiin. Cabdillaahi Xaashi Dhamac isku da’ ayaanu nahay oo 1948kii ayaanu isku xaafad ku wada dhalannay, Gaarriyana, laba gu’ ayuu ka weynaa sida laga xaqiijiyay Caasha Faarax oo ay Gaarriye xagga hooyo ka walaalo yihiin. Laba hablood iyo laba wiil ayay xagga hooyo walaalo ka yihiin. Laba hablood iyo wiilna xagga aabbo ayay walaalo ka yihiin. Sannad markii uu jiray ayay hooyadii iyo aabbihii kala tageen. Waxa korintiisii xil-qaadday Eddedii Ruun Dhamac, markii ay dhimatay xilkaa waxa la wareegtay gabadh kale oo eddo u ahayd oo la odhan jiray Biliso oo beri dhaweyd dhimatay, Ilaahay ha u  naxariisto e’. Dugsigiisii Hoose wuxu ka galay Hargeysa, Dugsigiisii Dhexena magaalada Sheekh sida uu ii xaqiijiyay Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye oo ay isku fasal ahaayeen.

Qormadii: 2aad

Sida aan ka weriyay dadkii ama ardaydii Dugsiga kula jirtay, Gaarriye wuxu ka mid ahaa ardaydii ugu da’da yareyd. Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye waxaan ka hayaa in ay macallimiintu si gaar ah u gunnayn jireen oo ay buskud u soo iibin jireen, kaas oo ay qudhoodu mararka qaarkood la cuni jireen. Dugsiga Dhexe wuxu galay 1962kii.

Dugsigiisii Sare wuxu ku qaatay Sheekh. Sidii ayuu tacliinta ardayda ugu horreysa uga mid ahaa, isaga oo bilaabay in uu xataa afka carabiga ku gabyo. Wuxu ka mid ahaa ardayda ugu fiican ee doodaha Dugsiga ka qayb-qaadata isaga oo mararka qaarkood macallimiintiisa dooddaa (debate) la geli jiray. Duruusta intooda badan, gaar ahaan Juqraafiga wuxu tirin jiray maanso uu xafido, taas oo ay ardayda kalena ka faa’iidaysan jirtay. Dugsigiisii Sare wuxu dhammaysta 1970kii, ka dibna wuxu macallin ka noqday dugsiyo Sare oo dhowr ah ilaa 1976kii

Maxamed Xaashi Dhamac saddex jeer ayuu guursaday. Markii hore wuxu guursaday Sahra Good Abees oo u dhashay Hodan iyo Hoodo. Mar labaadkii wuxu guursaday Khadra Gahayr oo aan waxba u dhalin ka dibna ay kala tageen. Mar saddexaadkii wuxu guursaday Gaarriye waqti ku beegnaa 2/12/2004tii, waxaanu la aqal-galay Muna Axmed (Qowrax). Waxay u dhashay Hiddo iyo Hibo. Saaxiibkay Maxamed Xaashi Dhamac wax ubad ah afartaa hablood ayuu ka tegay.

In kasta oo uu hal-abuur iyo aftahanba yahay, waxaad mooddaa in aanu ku kaaftoomi jirin in uu hadalka oo keliya isku cabbiro. Hadalka inta badan wuxu ku ladhi jiray dhaqdhaqaaq-jidheed, is-jejebin iyo jalleecooyin la yaab leh. Jidh-ku-hadalka (body laguage) ayuu si wanaagsan u yaqaannay. Mar wuu is-gaabin jiray…..mararna wuu cidhibsan jiray. Mararka qaar wuu is-cufi jiray oo kubbad yar iska dhigi jiray. Hore iyo gadaalba wuu u dhaqaaqi jiray marka uu wax gudbinayo.  Gacmihiisu ma joogsan jirin. Dareennada uu wejiga ku gudbin jiray ayaa ka darra. Mararka qaarkood socod ayuu wax ku gudbin jiray. Marar kale qosol ayuu afka kala waaxi jiray isaga oo jar-jaraya, markaas ayay dadkuna ku dari jireen. Tusaale haddaan soo qaato, mararka uu marin jiray heesta la yidhaa “Carshigii Jamaalka”, gaar ahaan tuduca ah: “Cabdiyoow tallaabada, Cutiyaan idhaahdaa,” Gaarriye sidii ciidan durbaan iyo daramal loo tumayo ayuu gaardi ku dhaqaaqi jiray isaga oo muujinaya cutinta ay Cutiyi u dhaqaaqdo. Heesta kale ee “Beer-wale” marka uu marinayo, waxaabad moodi jirtay in uu adiga kula xanshashaqayo marka uu dhegta gacanta saaro ee uu codka hoos u dhigo ee uu leeyahay: “Istaaqfurulla waa been, Askartii war-sheekadu, yeey ina af-qaadine”. Ma mararka uu Fad-galbeed marin jiray baa! Inta uu is-gaabiyo oo farta dhexda ka qaniino oo sii yar jeesto sidii wax hagoogtay ayuu odhan jiray: “Dumarku waxay ugu qurux badan yihiin markay khajilaan.” Habeenkaasi, habeennada waa uu ka tilmaannaa oo xataa dadka daawanayay xaaskiisii ayaa ku jirtay.

Raqabadda shaadhkiisa iyo qoortiisu col ayay ahaayeen. Had iyo jeer saddexda badhan ee sare ee shaadhku way u furnaan jireen, markaasuu sidii wuxuu dab ku bakhtiinayo hadba raqabadda shaadhka dib u tuuri jiray oo u diidi jiray in ay qoortiisa taabato. Intii hore baabuurka waa loo wadi jiray e’, beryahan danbe isaga ayaa wadan jiray, markaasaan la yaabaa sida ay shookaanta iyo raqabadda shaadhkiisu gacmaha ugu heshiin jireen. Ma gaadhiga ayuu ku wadi mise raqabadda shaadhka ayuu hadba dib ugu tuuri! Bal adba. Socodka wuu gaarrin jiray waana sababta Gaarriye loogu bixiyay. Maa daama uu macallin ahaan jiray, dhaqankaasaa jiitay oo inta badan maanta shakhsiyaddiisa iyo camal-falkiisa nololeedba qarqooray.

Isaga oo yar ayuu bilaabay curinta maansada oo uu ilaa maantadan aynu joogno ku hawlanaa. Heesihiisii ballaysinka ahaa ee qurux iyo dulucba la majeeran jiray waxa ka mid ahaa “Tanaad” oo 1972kii uu kaga hadlayay qoristii Af-Soomaaliga. Dhacdadaa taariikhiga ahayd ayuu milgo iyo maamuusba uga dhigay. Ka-sokow sida uu u falkiyay heestan, miyaanay wax la yaab leh oo suugaanteenna ugub ku ah ahayn siduu tusaalayaasha ugu soo qaatay doogga, duur-joogta iyo duunyadaba. Aniga oo tuducyo ka soo qaadanaya, sow kii lahaa:

“Caalinoow Ta’ iyo Woow,

Bal tix-raac halkaan maro,

Tukayaasha duulaa,

Warka waysu tebiyaan,

Waa af-tahan Qudhaanjadu,

Geeluna tawaawaca,

Kolka biyaha loo tubo,

Ways tibaax-yaqaannaa,

Taaha adhigu waa hadal,

Urta waysku toydaa,

Jirku wuu tiraabaa,

Tuska roobka da’ayaa,

Onkod buu ku telelaa,

Tinkir buu Aboorkuna,

Toos ugu xidhiidhaa.”

Heesaha aan xusuusto beryihii uu socod-baradka ku ahaa maansada waxa ka mid ah tixda la yidhaahdo “Dhallaannimo hufnaydaa.” Aan idiin ka dhaco sheekadeeda aniga oo soo gaabinaya. Gaarriye ayaa 1973kii habeen magaalada Burco filin ku daawaday. Guri baa waxa u soo dhacay niman budh-cad ah oo hubeysan. Ninkii iyo marwadii aqalka lahaa ayay sariirtoodii ku dul gawraceen.

Qormadii: 3aad

Wixii ay gacan la haleeleenna waa ay qaateen. Cabbaar ka dib ayay gabadh yar oo ay dhaleen toostay. Xoolkii ayay ka soo degtay. Markiiba waxay dareentay caruusaddeedii yarayd oo show inta la isla jiidhay dhacday oo meel ka sii foorarta. Iyada oo aan dhiilladii kale ee dhacday aan dhaadin ayay caruusaddeedii ku boodday oo inta ay kor u qaadday dhunkatay, ka dibna inta ay barkatay iska seexatay.

Dhacdadaa xanuunka leh ayuu ka tiriyay tixda la magac-baxday ”Dhallaannimo hufnaydaa”. Iyada oo ay heestu dheerayd oo aanan halkan ku soo wada qaadan karayn, haddaan tuducyo ka soo qaato, wuxu yidhi:

“Garo’ oo Hadraawoow,

Heehaabad baan oo,

Waqtigaan halleeyee,

Hore aan u lumiyee,

Huubadiisii laacaan,

Hiirtaanyadiisii,

Weli hibanayaayoo,

Hillaac ii dem yidhi baa,

Hiyigayga qaadee,

Maalmihii hulleeliyo,

Dhallaannimo hufnaydaa!

Tiiyoo hir doogliyo,

Reerku hooso yaalloo,

Seer-ma-weydo hoortoo,

Haradiyo jidhaamaha,

Calcalyadu hadhaysoo,

Aniguna habraha iyo,

Ku dhex jiro haweenkoo,

Dadku ii han-weynyoo,

Hawl lay direynoo,

Hadhacooda keymaha,

Shinbiraha la heesoo,

Hanad kale in uu jiro,

Haabkayga gelin oo,

Keliday halyey-yaa,

Wax-kasku I haleelee,

Dhallaannimo hufnaydaa!

Hubka laysu qaatee,

Madow laga hawoodiyo,

Saan-caddaa habaarani,

Isku hanaq-go’een iyo,

Waxa geesi hoydee,

Hootadu wareentaan,

Isu haystay yahanoo,

Maan hadayn adduunyada,

Waxa hoog dhacaayee,

Dhallaannimo hufnaydaa!

Haatan dhalan-geddoomoo,

Cadda-lool ma haybshoo,

Madaxayga haareey,

Himiladu u yeeshoo,

Hammi bay lulaayoo,

In garaadku halis yahay,

Hankaygii yaraa baa,

Kolba heer durkaayee,

Waa maxay habaarkani.

Waan ka xumahay in aan heestan gowl-gowlo oo aanan sidii ay u taxnayd idiin ku soo gudbin. Maxaa yeelay, waxaan jeclahay qormadan kooban in aan si sar-ka-xaadis ah ugu guud-maro noloshii iyo curintii Maxamed Xaashi Dhamac oo loo yaqaan Gaarriye. Gaarriye wuxu ka mid ahaa hal-abuurradii curiyay riwaayaddii dalka maaxday ee “Aqoon iyo af-garad” ee ay jilayaasheeda ka mid ahaayeen Maxamed Mooge Liibaan iyo Shan-ka-roon Axmed (Sagal). Sannadkii 1973kii Gaarriye wuxu ka qayb galay oo weliba ka mid ahaa shamacyadii ugu iftiinka badnaa taxanihii maanso ee “Siinleeyda”. Taxanahaa maanso ee “Siinleeyda” ballaysinkeeda waxa iska lahaa: Hadraawi iyo Cabdi-Qays. Waxay ku bilaabantay: “Waan soo socdaa kow dheh” oo Hadraawi lahaa, iyo fal-celintii Cabdi-Qays ee ahayd: “Ha ii soo soconne noqo.” Labadaa heesoodba waxa ku qaaday fannaankii la quudhi waayay ee Maxamed Mooge Liibaan oo heesihii abwaannadaa ee uu u ban-baxay qaadistooda ku galay liistooyinkii madoobaa ee dooxatadii Muqdisho.

Ku-sinnaan sannadkii 1973kii ayuu helay Miisaanka Maansada Soomaaliyeed, taas oo ahayd qawaaniinta xukunta dhismaha maansada Soomaaliyeed. Miisaankaa Maansada Soomaaliyeed ee uu helay wuxu si taxane ah ugu soo saari jiray Xiddigtii Oktoobar 1976kii. Isla sannadkaas ayuu ka mid noqday Guddidii Qaranka ee Af-Soomaaliga. Muddo yar ka dib waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Waaxda Suugaanta Soomaaliyeed ee Kulliyaddii Suugaanta ee Lafoole. 1980kii wuxu ku wareegay Akaademiyadii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho.

 

Qormadii: 4aad

Tixihii halkudhegga noqday ee Gaarriye ee 1978kii waxa ka mid ahaa “Qasab kuma balweyn karo”. Hadda kama maqnayn ee magaalada Muqdisho ayuu joogay xilligaas oo lagu duubay oo ay cajaladaha ku faaftay, shakina kuma jiro in ay gaadhay dhegihii kelidii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Habeen dhaweyd oo HCTV lagu wareysanayay Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) oo kaga hadlayay sidii ay ku soo baxday maansdani ayaa wuxu yiddhi: “Gaarriye ayaanu ku nidhi waxa loo baahan yahay maansooyinka aad tirinaysaan in ay sarbeeban yihiin oo aydaan wax walba dhuuxa ka caddayn.” Ka dib ayuu Gaarriye tixdan badheedhka ah tirinayaa, waxaanu yidhi:

“Wallee been ma qaayibo,

Wallee gabay qardoofo ah,

Ama iga qandoodsama,

Qalbigaygu ma hollado,

Wallee ‘Qaaf’ ujeeddo leh,

Qiimahayga kuma rido,

Magac waa qasaanade,

Wallee qedo ma dhaafsado,

Wallee qalabka maansada,

Heesaha qunbuladda ah,

Uma qubo dhugmo-la’aan,

Ninkii Beesha qaayima,

Qar hadduu ku soo dumo,

Wallee ciidda kama qodo,

Wallee qalin-daraalaha,

Denbi qaranka laga galay,

Kama qariyo wadhatada,

Wallee qoonta mililka leh,

Qarka sare ma dhay-dhayo,

Haddii ay qudh-gooyiyo,

Joogto qoorta soo dhigo,

Wallee gabay ma qurux-tiro,

Shacbi qowdhamoo kacay,

Qarqarsiga hadduu jaro,

Wallee qoofal kuma xidho,

Sannadkii 1979kii wuxu curiyay riwaayad aan la jilin iftiinkana aan arag oo la odhan jiray “Eed hooyo laga galay”. Riwaayaddan oo ku saabsanayd dhagarta laga galo hablaha Soomaaliyeed ee marka laga danaysto lagu dafiro carruurta, oo ah dhaqan aan la mahadin oo bulshadeenna canbaar ku taalla ah.

Si fiican ayaan u xusuustaa oo beryahaa Muqdisho ayaanu wada joognay. Lafoole ayuu deggenaa. Khamiisaha gelinka danbe ilaa Jimcaha ayuu nala joogi jiray. Toddobaadkii mar ayuu noo keeni jiray wixii uu toddobaadkaa soo qoray oo aanu la dhan-dhamin jirnay isla markaana la sixi jirnay lana tifaf-tiri jirnay. Sidaas ayaanu toddobaad walba ula eegi jirnay. Koox suugaan-wadaag ah ayaanu ahayn oo ay ka mid ahaayeen: Hadraawi, Qabdi-qays, Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne) iyo qaar kale oo badan.

Waxa ku jiray dhowr Riwaayaddaa heeso ay ka mid yihiin: “Eed hooyo, Bixiso, Wiil gaabsi iyo Dhaleeco.” Bal hadda Riwaayaddan “Eed hooyo laga galay” aan ku yara hakado. Aniga oo aan u qalin-qaadan in aan Riwaayadda oo dhan idiin soo bandhigo, bal hadda aan heesaha oo keliya isku koobo. Waxaan hubaa in aad taxanaha sheekada halkan kala soo bixi karaysaan. Si kooban haddaan u idhaahdo aan Riwaayadda wax idiin ka sheego inta kalena maankiinna la kaashada. Ha iga hadhina ee ila socda.

Riwaayaddu waxay ku socotaa gabadh yar oo 18 jir ah. Islaan ayaa keligeed leh. Qoysku waa sabool. Joog iyo jamaalba way u dhalatay, hooyadeedna way ku indho-kuulataa. Wax kale kuma garatid e’, sida ugaxda diinka ayay daymada ku korisaa. Boqollaal doobab ah oo geyaankeed ah ayaa xiloodiya oo guur iyo gaabsiba ku daya. Mid markay diddo, mid kale ayaa duddada u soo gala. Way diiddaa. Saa wa mid kale. Mar danbe ayay mid u soo joogsanaysaa ay is-tidhi malaha waa kii aad ku degaysay. Wuxuu maaweeliyaba, aakhirka ayuu lingaxa ka goynayaa oo ay uuraysanaysaa. In uu asturo haddii ay weydiisatay, wuu ku gacan-saydhayaa. Markaas ayay heestan “Eed Hooyo”, ku barooranaysaa. Aniga oo tuducyo ka soo qaadanaya waxay tidhi:

“Obocdayda wadhaneey!

Adhaxdayda liicdaay!!!

Arrinkayga laalmoow!

Taladaan il-duufaay!

Axdigaan rumaystiyo,

Ma arraday jacaylkii?

Ma engegay darkiisii?

Ma af-beelay xiisii?

Ma ajowday laagtii?

Ma abaaday geedkaan,

Ubaxiisa guran laa?

Afar-qaadkii socodkiyo,

Ma eersaday wareeggii?

 

Additional information