Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Guubaabadii, Gulufkii iyo Googgooskii Gaarriye - Q: 6,7,8,9,10,11,12,13

Qormadii: 6aad

“Samoow Wiil-gaabsiyow-wa,

Samoow godob-waalidoow-wa,

Samoow guur baaqdayoow-wa,

Samoow geesi ciillanoow-wa,

Habeen aan good la seexday,

Wixii iga gaadhayoow-wa,

Ma gocor baa aabbahaa ah?

Ma gacalkaagaa ku deyrshay?

Ma garabkaagaan rag joogin?

Maxaad ku gunaanad seegtay?

Guhaadoow aynigaaga,

Garnayl baa loo ridaaye,

Adoon weli lagu gardaadin,

Maxaa fiintii gadoodshay?

Maxaa gabawaray ciddayda?

Maxaa gebagebaha keenay?

Geyaanku muxuu ka fiigay?

Hoheey caku! guul-darraanta,

Hadday garashadi sabooshay,

Hadduu gamashiyay wanaaggi,

Haddii gees lay faquuqay,

Gefkii loo wada badheedhay,

Haddii gooni laygu qoolay,

Garsoore yaqaan haweenka,

Racfaan baan goobayaaye,

Halkaa geeddigu ha joogo.”

Riwaayaddii “Eed Hooyo laga galay” aan ku soo xidho heestan la magac-baxday “Dhaleeco” oo uu tiranayo nin Riwaayadda ku masilayay macallin gabadhaa wax u dhigi jiray. Wuxu ku haaramayaa dhaqankaa foosha xun ee dumarka ka eexday ee ay tahay in aynu dabar-goyno. Heestu waa Dhaanto, waxaanu yidhi:

“Dadyoow dheddiggooda aan dhaqanini,

Dhanaan iyo haani dhey ramag,

Wixii lagu dhigo ayay dhididdaa,

Dhabaqu dacar buu ka soo dhex baxaa,

Hashaad dhagaxiyo dhul baas ku furteen,

Waxay dhali laydba way dhicisee,

Ayaan dhito dhiilo loo culan,

Laftaad dhuuxdeen luddaad dhilateen,

Gabdhaha dhugcayee dhafoorka goddeen,

Wixii lagu dhigay hablaha u dhintee,

Dhaleeciyo xani u sii dheer tahay,

Dhurwaagii cunoo dhaqaalayn qaba,

Hal dhaawac ku yaal in sii dhagxisaan,

Ha dhaco dhaqankaad ka barateen.”

Bishii Diisambar 1979kii Gaarriye wuxu ballaysimay taxanihii maanso ee dal iyo dibadba maaxday ee Deelleeyda oo hordhac u ahayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Tixdaas oo ahayd “Dugsi ma leh Qabyaaladi” haddii aan tuducyo ka soo qaato, waa kii lahaa:

“Dig dheh Deelka maansada,

Tixo dur iyo daabac ah,

Isku-duubni wadareed,

Ha ka dido shan-xuubluhu,

Soomaali waa duud,

Dakan-qabe ha joogee,

Waa ul iyo diirkeed,

Deris iyo tol wada yaal,

Nin dan laana kala gura,

Qoloqoladan loo degay,

Kama iman dadweynaha,

Ragga dacarta huriyaa,

Waa kooxo duumo ah,

Daaddihiyayaashiyo,

Maamulkay ku duran yiin,

Qaar baa digtoorro ah,

Digriigoodu madhan yahay,

Qaar baa durbaanno leh,

Oo daacaddii jaray,

Darna waa hagoogtaan,

Waa deniyo waaweyn,

Isku soo dabbaaloo,

Waa dabaqad maal jecel,

Waxa loo dig leeyahay,

Dhididkayga dahabka ah,

Sidii loo duddubin laa.”

Gaarriye wuxu ka mid yahay foolaadka hal-abuurka Soomaaliyeed ee sida geesinnimada leh maansadooda ugu adeegsaday caabbiga nidaamkii Siyaad Barre. Maansada Gaarriye waxay leedahay baadi-soocdeeda gaarka ah taas oo laga dheehan karo siduu u tidco iyo halka uu uga soo mullaax diiro. Badanaa tixaha Gaarriye ma dhaadheera. Wuxu caan ku yahay in uu ereyo la wada yaqaan inta badan adeegsado

Qormadii: 7aad

Waxaynu tusaalayaal u soo qaadan karaynaa maansada Gar-naqsi oo af uu u adeegsanayo aynu ka xusi karayno:

“In aan beenta gudhan,

Ciddu kama geydee,

Ha ku goosan idhi,”

Waxa kale oo aynu soo qaadan karaynaa tuduc hees ku jiray oo ahaa:

“Weeye baa la wada yidhi,

Hadda noo wad sheekada,”

Waxay ka mid yihiin waxyaabihii soo-jiidashada lahaa, ee maansooyinkiisa macaanayn jiray ama xawaashka iyo milixdaba u noqon jiray.

Waxa intaa u dheer isaga oo inta badan maansadiisa ku aroorin dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Heesaha Gaarriye waxa kale oo ay caan ku yihiin in uu inta badan adeegsado badaha maansada oo dhan. Isaga iyo Hadraawiba waxay soo nooleeyeen bado haddii aanay adeegsan lahayn meesha ka bixi lahaa. Bal hadda aynu tusaale u soo qaadanno heesta la yidhaa “Hashii Cosob” oo uu tiriyay 1980kii. Waa beryihii uu nidaamkii aan la mahadin ee Siyaad Barre odhan jiray waxa lala dagaallamayaa “Suuqa madow”. Waa beryihii wadhatada iyo jeeblayaasha la xidh-xidhi jiray ee ganacyo-weyntii dhaqaalihii dalka curyaamiyay aanay cidina qaban jirin. Wuxu yidhi:

“Codkii dadka baahan,

Caroogga saboolka,

Adduunka ku ciillan,

Anaa cudha haysta,

Anaa Cabdillaahi,

Wargeys u ah caydha,

Caloosha danleyda,

Anaa cabbiraaya,

Anaa carrabkayga,

Xammaalku cabbaayo,

U diiday cir-weyne,

In aan ku casuumo,

Haddaad caqli leeday,

Intaad cilmi-baadho,

Car Suuqa madoobi,

Cidduu yahay soo hel,

 

Ma jeeblahan cawlan,

Ayaa ku curyaanshay?

Kumaa cadowgaa ah?

 

Nin kuu cudud sheegtay,

Dhashaadana caydhshay,

Nimuu camalkiisu,

Jar dheer kala ciiray,

Nin ceebta korkiisa,

Caddaan ugu taalla,

Aroorba cid saara,

Maxaad u cawaansan?

 

Dhiqlaa ku cunaaya,

Intaad ka cabsooto,

Maxaad naf cagaagan,

Islaan cimri-goys ah,

Cibaado sabool ah,

Culayska u saari?

Miyaan caddo-loolka,

Habeenki ciyaarta,

Carruurtu ku heesin,

‘Maroodi cadhoole,

Haddii col la sheego,

Cadaadda ku-meere,

Hashii cosob waa tan’”.

Waa mid ka mid ah badaha maanso-carruureedda Soomaaliyeed oo beryo hore inoogu danbaysay malaha da’aha maanta joogaana aanay garteenba ama dhaadeenba.

Maxamed Xaashi Dhamac, 1982kii ayuu ku biiray ururkii SNM ee horseedka ka ahaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran. Gaarriye wuxu leeyahay Diiwaan uu ku ururiyay maansooyinkiisa oo la daabacay oo la yidhaado ‘Hagarlaawe’. Diiwaanka Gaarriye wuxu u qaybsamaa saddex qaybood oo kala ah: Guubaabo, Guluf iyo Googoos. Aniga oo qormadaydan ku guud-maraya nolosha iyo curinta Gaarriye, bal aan soo qaato immikana tixda la yidhaahdo “Waayo-arag” oo uu kaga hadlayay halgankii hubeysnaa ee lagaga hor tegay nidaamkii Siyaad Barre. Bal aan soo qaato qaybta uu SSDF-ta kaga hadlayay, jabhaddaas oo uu Guddoomiye u ahaa Cabdillaahi Yuusuf oo tan iyo intii uu garaad yeeshay ku hammiyayay in uu mar uun Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo. Hadda waxaynu joognaa 1983kii. Meeshu waa Addis-ababa.

Qormadii: 8aad

Tixdani waxay ku saabsan tahay Cabdillaahi Yuusuf oo Waa-suge sheekadan ku jilaya. Habeen buu seexday. Wuxu ku riyooday isaga oo Madaxweyne ah oo “Villa Soomaaliya” ku jira. Subaxnimadii ayuu gelgelin cidla’ ah oo Addis-ababa ku taal ka toosay. Qaadan-waa ayay ku noqotay. Bal hadda aynu eegno sida farshaxannimada leh ee Gaarriye sheekadaa Waa-suge u marinayo. Aniga oo aan tixda soo wada qaadanayn, bal inta Waa-suge aan wax aan badnayn ka soo garoocdo, Gaariiyena sidaa raalli ha igaga ahaado. Wuxu yidhi:

“Haa waa wadhiisii,

Sardhadii walaaqnayd,

Wiswiskiyo waswaaskii,

Wiishkii la tegi jiray,

Hurdadii la wici jiray,

Ee damaca waalani,

Keenada ku wadi jiray,

Caawana la weesaaq,

La wandaafiyoo duul,

Lana soo walaanwali,

Wuxu sheed ka halacsaday,

Ummad weer ka wada siman,

Oo waabab hoos tuban,

Iyo guri wacdaro qaba,

Oo meel barwaaqo ah,

Gunta waadi kula jira,

Oo wiil bardaaniyo,

Wiilwaal garoomo leh,

Lagu waardiyeeyoo,

Deyrku waayir leeyahay,

Ooy godolki waa-beri,

Shinbiraha wishiirriyay,

Heeso aad u wacan iyo,

Waayo-waayo saareen,

Webiguna dhegaha nabay,

Oo xareedda wadhan iyo,

Waqallada ransanayaa,

Warka hoos u dhigayaan,

Oo weedha karantiyo,

Warihiyo jidhaamaha,

Onkodkii ku weyraxay,

Danabkuna wisiisiyay,

Oo seer-ma-weydadu,

Waraqyada baldhiidhiyay,

Ku dul weehanaysoo,

Intay dhigatay wiiqii,

Wax xille isku dhigayaan,

Qorraxduna wac soo tidhi,

Dhankaa hore dhan buu ahaayoo waa riyadii Waa-suge. Waagii markuu beryay ayuu ka toosay halkii uu xalay seexday. Lama-huraan waa caws jiilaale, wuxu arkay in uu Addis-ababa joogo oo wuxuba riyo baas ahayd. Qaadan-waa iyo af-kala-qaad! Muxuu haddaba Waa-suge yeelay markay xaqiiqadan qadhaadhi ku soo baxday? Halkii uu Cigaal Shidaad riyadii Libaaxa ka yidhi: “Ilaahayoow riyo nooga dhig,” ayuu Waa-suge halkan ka yidhi: “Allahyoww aanay riyo iga noqon.” Noqotay oo riyo ayay ahayde, bal aynu daalacanno wixii uu Waa-suge ku tallaabsaday. Gaarriye ayaa darka inoogu jiray, oo hadba doobi aynu durduuranno soo tuurayaye, aan idin ka codsado in aydaan hormada isku dilin. Da’-yarta Wuxu yidhi:

“Riyo been ah weeyee,

Isagoo wilwiladiyo,

Wigladaas ku jira buu,

Waa-suge baraarugay,

Mise wuxu kor yaallaa,

Wanbarkiisii gaabnaa,

Wajaqyoo maraanmaray,

Weeqaaq hareeraha,

Weylaalistii ma leh,

Waaheelkuu sahansaday,

Ku wareer hummaaggii,

Werwer baa ku kowsaday,

Weerar buu u halabsaday,

Waagiina maba sugin,

Weli waa alleyl dem ah,

Habeen waaxi nooshahay,

Mugdi gaasha-weyne ah,

Gaadhiga warraahana,

Waalashiyo waxaa go’an,

Waayirrada indhaha shida,

Is-na waa wadwaad falan,

La-wajaaf habeeno leh,

Laga waani biimaha,

‘Waar aayar’, lagu yidhi,

Soo joogso laga waa,

Waayeelki loo diray,

Walag way ka quusteen,

Wax kalaa ka salag lee,

Wiyil qooqan heensee,

Baabuurki weetee,

Si aanu waqti u lumin,

Wade kalena loo helin,

Waddadii taraarsii,

Wabadaran afka u saar,

Qardo-jeex waraaraha,

Waalalowte kala dhacan,

Qormadii: 9aad

Weeraarta ximanka leh,

Wabataqanta oo idil,

Waaxyaha rakaabkiyo,

Ragga uu wasaashaday,

Ku weydaaray buuraha,

Waar-waarri oo luud,

Dalcadaha waddaranka ah,

Dib u soo walaandee,

Hadba wiil ku taakee,

Una loog waraabaha,

Wuxu wadhadhac leeyoo,

Wirdi maalin oo leyl,

Hadba doc isku waababa,

Wuxu qaw ka weecdaba,

Wax la yidhi Hadraawoow,

Maantaa war joogaa,

Wiriq oodan buu galay,

Shilna wayna daan-weyn,

Immikay wargeysyada,

Bogga hore far waaweyn,

Si wanaagsan ugu taal,

‘Wax la waayay Weydoow,

Ninkii waalan baw duda’,

 

La ye weedaddawgii,

Ka wareegtay xeegadu,

 

Wax se wadhi ka joogtaa,

Doc-wareemadkuu dhigay,

Ubaxuu wadnaha jaray,

Soo-ma-waabtayaashii,

Badi haadka loo wadhay,

 

Aaway walacsankii Mudug,

Warandaci Nugaaleed?

Aaway warasadoodii?

Nugulkiyo hor-weyntii?

Warihii biyaysnaa?

 

Cakuyeey! Wah iyo ciil,

Khalqiguu wakalo-rogay,

Qaar baan war loo hayn,

War-daddabiyo been iyo,

Waxna waad xujoowdiyo,

Wanjal bay ku xidhan yiin,

Waranweerki qaarkood,

Waddankay ku laabteen,

Badhna way waqaafeen,

Debeddeey wareegaan,

Badhna waranka loo daab,

Badhna loo dardaar-weri,

Badhna waabay waasheen,

Inta waadhka jiiftaa,

Iyaguna wacaal ma leh.

Bal hadda sheekadan waxaad barbar dhigtaan ta maanta taagan. Cabdillaahi Yuusuf riwaayaddii ka socotay Nayroobi ayaa loogu cumaamaday. Sawirkaa uu Gaarriye 1983kii ka bixiyay kiisii ayaa maantana taagan. Waa-suge waxa lagu yidhi: “Madaxweyne ayaad Soomaaliya u tahay.” Dal iyo dad uu gacanta ku hayaa se ma jiraan. Gaadhigaa waalashu go’naayeen ee uu 1983kii fuulay mid la mid ah ayuu maanta oo ay 21 sannadood ka soo wareegtay damacsan yahay in uu fuulo. Talo waa ta kaga go’day: “Gacallayaaloow ciidammo 20,000 gaadhaya ha la I siiyo.” Sheekadaa hore ee Gaarriye halka ay ku dhammaatay ayay tan danbe ee Waa-sugena ku danbaynaysaa. Laaxin laga jari maayo. Waa haddii aanu waantoobin oo aanu talo-qaadan.

Tixaha halhayska noqday ee Gaarriye waxa kale oo ka mid ah maansada “Gar-naqsi” ee uu tiriyay 1983kii beryihii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran. Heestan wuxu ku gar-naqsaday markii kooxo uu ka mid ahaa lagu sheegay “Calan-cas” ee la faquuqay dadkana laga dhaadhiciyay in ay wax kale aamminsan yihiin. Macnaynta ama qeexidda “Calan-cas” ma aha wax lagu heshiis yahay. Ninba si’ ayuu u macnaystaa. Waxa kale oo jirta in macnuhu is-beddelayay tan iyo 1982kii. Waa mowduuc waqti badan qaadan kara oo aanan maanta u ambo-bixin. “Calan-cas” xaggayga shaabbad ayay ka ahayd lagu dhufanayay koox SNM ka tirsanayd oo lagu durayay fikirkooda. Murankii kooxaha SNM dhex yaallay mabda’ laguma aroorin karayn. Maxaa mabda’ iyo hantiwadaagba keenay Urur xubnihiisa inta ugu badani beel qudh ah ka soo jeedaan ayaa lagu wada jiray e’.

Haddii aan wax aan badnayn ka soo qaato “:Gar-naqsi” waa kii lahaa:

“Gole-joog wanaag,

Geenyada shirraban,

Iyo Gaariyeey,

Gabadhii tiraba,

Laba iyo hal goor,

Meel baas gashee,

Hooyadeey gacalo,

Iyadoo gambo leh,

U garaadsatee,

Marna gaalku qabay,

Marna boygii Giib,

Iyo gaadh-hayihi,

Midba gaar ahaan,

Ganaceeda dilay,

Qormadii: 10aad

 

Maanta ooy Gobaad,

Intay guri lahayd,

Sannad-guuradii,

Boqol gaw ah tahay,

Ninka Guud-haldhaa,

Gayaxeeda raba,

Galabtana mar kale,

In uu gaabsi jiro,

Googol-dhaaf ku furo,

Go’ haddaan u riday,

Ma denbaan ka galay?

Markii guun furaba,

Haddii Godadle kale,

Geed-fadhiisi yahay,

Garba-duub horiyo,

Gensina iska jiray,

Aniguna Gabyaa,

Xil gubaayo ahay,

Oo aan Gobaad,

Wixii kula gudboon,

Tasho gooshkan idhi,

Ma ii gaalnimaa?

Haddaan kuu gabyaba,

Kuu godob miyaa?

Ma ka aar-gudaa?

Ma go’doomi baa?

Ma gondaha jar baa?

Ma ha gaaggaxaa?

Ma guhaadiyoo,

Ha ku gaabsadaa?

Ma ha guuxin baa?

Ma in aan gudhaa?

Hadal waa gunnee,

Ma gar-diidnimaa?

Gaarriye si fiican ayuu u yaqaannaa uguna hadlaa afafka Carabiga iyo Ingiriisigaba. Waxa intaa u dheer isaga oo labada afba luqad ahaan iyo suugaan ahaanba u dersay isuna baray. Weliba markaad afka carabiga sii raacdo, wuu ku gabyi jirayba tan iyo carruurnimadiisii. Gaarriye ma aha hal-abuur curinta oo keliya u ban-baxaye, af-Soomaaliga luqad ahaan iyo naxwe ahaanba cilmi-baadhis ayuu ku sameeyay. Mararka uu xafladaha Suugaanta ka hadlayo ayaad ka garataa sida qotada dheer ee uu u macnaynayo. Weliba waxa intaa u dheeraa isaga oo inta badan is-barbar dhigi jiray Suugaanta Soomaaliyeed, ta Carbeed iyo ta Ingiriisiga ahba si uu dadka u fahamsiiyo dhismaha badaha maansada. Aqoontaa qotada dheer ee Suugaanta iyo af Soomaaliga uu u lahaa ayaa keentay in uu Bare ka noqdo saddexda Jaamicadood ee Camuud iyo Hargeysaba iyo Timacadde oo uu ka dhigi jiray Suugaanta.

Gaarriye waxa kale oo uu leeyahay dhowr maanso oo ku saabsan arrimo ama dhacdooyin caalami ah oo ay ka mid yihiin: “Water-gate” 1977kii, “Simbaabwi” iyo “Mandela” oo 1980kii ahaa. Waa mararka uu Gaarriye dhex galo fagaarayaasha caalamiga ah ee uu ka maansoodo dhacdooyinka dunida, weliba kuwa uu bah-wadaagta la yahay ee ay dooc iyo dareenba wadaagi jireen.

Bal aynu wax aan badnayn ka soo qaadanno saddexdaa maanso. Midba dhowr tuduc oo wax inooga iftiimaya dulucda ay daarran yihiin aan soo qaato. Aynu ku horreyno “Water-gate”. Angola ayaa halgan hubeysan xornimadeedii kaga maroorsatay gumeysigii Boortuqiiska. Dawladda Maraykanka ayaa “Veto” ku ridday si aanay Angoala Qarammada Midoobay uga mid noqon. Xaaladdaa iyo dhacdooyin kale oo caalamiya ayuu ka gabayay Gaarriye. Wuxu yidhi:

“Wiswis bayga galay Kaartaroow, weheshigiinniiye,

Waayo-arag wixii aan ka helay, Buugaggii weriyay,

Wixii aad baddeen buu khalqigu, weli la taahaaye,

Su’aalaan ku weydiinayaa, ila sal-waaweyne,

Walaalnimadi aan koolin jiray, waadhka yaa geliyay?

Isagoo takoor qaba ayaa, laba-wejiileeyey?

Alla weger waxaad belo dhigteen, waa ka waasacane,

Niksan wayla sahal ceeb haddaad, ka werweraysaane,

Qirta “Wootar-gaytyadu” ka badan, taydin weriseene,

Fiyatnaam wixii aad baddeen, uunku wada yaabye,

Sidii dhibic Wajiineed wixii, gumuc is-weydaartay,

Nin wareystay waa garanayaa, wahankii Saygoone,

Minawaarro dhagaraysanoo, cudur walwaalaaya,

Iyo nacab dayuurado wataa, geliyay weysaaqe,

Raggaad waranka siiseen anoo, weli u ooyaaya,

Marna waxan I deyneyn Duqii, ugu fil-weynaaye,

Waheey geeridii Hooshi Miin, wiilashay gudhaye

Alla weger waxaad belo dhigteen, waa ka waasacane,

Niksan wayla sahal ceeb haddaad, ka werweraysaane,

Qirta “Wootar-gaytyadu” ka badan, taydin weriseene,

Qormadii: 11aad

Woobbiga Angoolee qarxaday, wiririgtii yeedhay,

Boortuqiiski wiiqay rabeen, in ay ku waabshaane,

Goortuu wadnaha taabtay bay, Wegen u fuuleene,

Waxay waarrisaba maalintay, calanki waaheeshay,

Waqalkiyo daruurihi onkoday, webiyadi dooxmay,

Guushii markii loo waqlalay, Neeto wirif-raadshay,

In wakiil u tago Yuu En Oo, Golaha waageeran,

Maan garan halkuu weyd ka yahay, waajibkaa cadiye,

Alla weger waxaad belo dhigteen, waa ka waasacane,

Niksan wayla sahal ceeb haddaad, ka werweraysaane,

Qirta “Wootar-gaytyadu” ka badan, taydin weriseene,

Bal aynu eegno sidii uu Gaarriye uga qayb galay dabbaal-deggii loo sameeyay madax-bannaanidii “Simbaabwe”. Weliba haddii aanan qaldanayn maalmahaa Gaarriye wuu xanuunsanayay oo wuxuu habeenkaa ku jiray cisbitaalkii Bilayska ee Muqdisho ku yaallay ee la odhan jiray Madiina. Habeenkaa ay Angola xornimadeeda u dabbaal-degaysay, ku-sinnaan lixdii galabnimo ayaan Gaarriye kaga tegay cisbitaalkaa oo aan ku soo booqday. Aniga oo aan heestaa soo wada qaadanayn, bal aan idiin ka mariyo meerisyo aan badnayn. Wuxu yidhi:

“Cirka sare dayaxa,

Suudi-meerayiyo,

Xiddigaha socdaa,

Dar silloon miyaa?

Oon sebenka iyo

Taariikhdu solin!

Sow kuwan Fu’aad,

Weli saaxiga ah,

Een saxalka iyo,

Saaca is-beddelay,

La sakhraansanayn!

Dhulku waa sidee?

Ma sawaaban yahay?

Sanam baan dirgane,

Sow kan aan gilgilan!

Manigaa sirgacan?

Mise Saalaxoow,

Baddan suuxsan baan,

Saksifoonka iyo,

Sowdkaba maqlayn?

Ma dhirtaan sirtiyo,

Suugaanta gabay,

Ula sooganaan,

Saarreey ahayn?

May sacabbiyaan?

Sinta may lulaan?

Ma Simbaabwi baan,

Saaka loo wan-qalin?

Aynu ka gudubno hestaa oo aynu eegno siduu Gaarriye u abbaaray halyayga caan-baxay ee Nelson Mandela. Heestan oo uu ugu wan-qalay “Mandela” wuxu tiriyay 1980kii, markaas oo uu Mandela ku xidhnaa xabsigii xumaa ee ku yaallay  jasiiradda “Robin”. Wuxu yidhi:

“Gabay-yahow I maqal,

Madaxyahow rimmani,

Jiiftada madiix,

Masafooy gadood,

Maax yahay ha gudhin,

 

Inta uu mudduci,

Madal-weyne yimid,

Wax kastuu marsado,

Marlay kiiska qabo,

Oo Maddaa-calii,

Maanshaa Allee,

Garta madax ka yahay,

Ka markhaati yahay,

Sharcigana metelo,

 

Madfacyahaw ha damin,

Mujrinyahaw ha ledin,

Maskaxyahay godlani,

Maansada ha deyn,

 

Qalinyahaw mindiyo,

Ii noqo maddane,

Ku marriimo dhiig,

Kuna meydho ciin,

Ku dhig heestan milil,

Maaleey qadhaadh,

Dacar lagu margado,

Tixdu waa mag-dheba,

Nin kastoo mitida,

Oo madiidin neceb,

Waa madhax u yaal,

Waa muuno iyo,

Taallo aan u muday,

Maandheella iyo,

Cidda uu metelo,

Magli baan ku qoray,”

Qormadii: 12aad

Waa mar kale iyo Macallin Gaarriye oo soo nooleeyay mid ka mid ah badihii maanso-carruureedda. Markanna waa tixdaa ‘Mandela’ ee aynu kor ku soo xusnay oo ahay ‘Maqaleey war-laay, Ma laguu warramay.’

1979kii, hees uu gabadh Muqdisho joogtay ugu caleemo-saaray “Carshigii Jamaalka” oo isla magaca heesta ah, wuxu ku yidhi:

“Cabdiyoow tallabada,

Cutiyaan idhaahdaa,

Timahaay cawayskii,

Cidhifyada u saartee,

Ku ciyaara laydhee,

Cawryaan Haldhaayadu,

Dibnaheeda culayga ah,

Cirridkeeda dhuxusha ah,

Ilkahaa caddaanka ah,

Naasaha canbuusha ah,

Sunnayaasha cawsha ah,

Sanqaroorka Caynab ah,

Dhexda caaro-dhuubta ah,

Mas-ciideedka midabka ah,

Cududaha garaaraha,

Kubabkay u culus tahay,

Canbarshaha surkeedeey,

Sirirsheen cabbaadhyadu,

Waa Xuural-cayn oo,

Cad aan quudho kuma arag,”

1974kii, wuxu Gaarriye tiriyay gabayga la magac-baxay “Damaashaad”. Waa habeen Iid Soon-fureed ahayd. Waa dood dhex martay isaga iyo barbaar kale oo ay habeenkaa Xamar wada joogeen. Gaarriye oo dabbaal-degga qayilaad ka dhigan lahaa, ayaa lagu diiday tiisii oo intii badnayd isku raacday in “Cawayska Jubba” la tago. Gabaygan farshaxannimada la tiicayaa dhacdadaas ayuu ka dhashay. Waa gabay ku xusuusinaya tixdii Ismaaciil Mire iyo tii Cabdisalaan Xaaji Aadan. Waa kii Ismaaciil lahaa: “Annaga oo Taleex naal Jihaad, taladi soo qaadnay,” Cabdisalaan Xaaji Aadanna, isaga oo tixdaa Ismaaciil gabay-xayiraya waa kii mariyay tixdii kaftanka iyo ijtimaacigaba ahayd ee tuducyadii ku jiray ay ka mid ahaayeen:

“Duhurkii Toggaa Herer haddaad, qedo ka soo tuurto,

Hurdo laguma taamee naftaa, lala tacaalaaye,

Anigiyo toddoba aan ku jiray, tumasho soo qaadnay”,

Halkaas ayuu la maray. Gaarriye, maansadiisa “Damaashaad” waa la rabac  maansadan danbe ee Cabdislaan, marka laga reebo qaafiyadda oo “Da” ah iyo mowduuca oo caweys ah, halkuu ka hore ka ahaa qayilaad. Aniga oo aan soo wada qaadanayn wuxu yidhi:

“Damaashaadka Iidaha haddaad, Xamar dal-xiisayso,

Laysma diiqdeeyee naftaa, lala dedaalaaye,

Anigiyo da’dii aan ku jiray, war is-dareensiinnay,

Habeenkaa dabkay shidan lahayd, doodda ka aloosnay,

Nin kastaa si buu door-bidee, la igu diid tayda,

Caweyskiyo docdii loo badnaa, taladi loo deysay,

Dafafkii Garneyloow la dhaaf, dininigtoodiiye,

Hooballadu durbaannada onkoda, kaga dayaansiiye,

Annagoon digniin qabin biraha, danana noo qaate,

Nin deyaysan baan weli ahee, diday galaayuuska,

Dig tii horeba wixii saar lahaa, dabar-la’aan gooste,

Sida geel dar loo horay golaha, deyran lagu oogsay,

Duumada sideedii jibbada, laysku wada daaray”,

Malahayga Qormooyin kooban kaga geyoon meynno maansooyinkii dhinacyada badan ee nolosha aadamaha taabanayay ee Gaarriye e’, bal ma u yar leexdaa shakhsiyadda Garriye iyo sida ay u cabbireen dhowr qof oo aqoon aad u dhow la lihi. Intii ay Qormmoyinkani socdeen, ayay E-maillo ii soo direen dhowr ka mid ah ardayda Gaarriye Suugaanta ugu dhigo Jaamicadda Camuud, waxaanay ila noqotay in aan dareenkooda idiin soo gudbiyo. Xusuusnaad in maqaalladan la qoray 2004kii markii aan Qormadan diyaarinayay, oo aan la qorin intan Gaarriye geeriyooday.

Aa ku horreeyo, Mustafe Maxamed Kheyrre, BBA, Jaamicadda Camuud. Wuxu yidhi:

“Prof. Maxamed Xaashi Dhamaca (Gaarriye) oo Jaamicadaha Camuud iyo Hargesaba ka dhiga labada kooras ee kala ah Embryology iyo Literature waa shakhsiyad aanan garanayn kelmedo aan ku sharxo qiimaha uu ugu fadhiyo guud ahaan ummadda ku abtirsata af-Soomaaliga. 17 sano oo aan fasal soo dhex fadhiyay wuxu ahaa macallinkii iigu saamaynta badnaa. Wuxu igu dhaliyay fikirka ah in aan wax qoro, isla markaana isku dayo in aan maansooyin curiyo. Miisaanka shakhsiyadeed, af-tahannimadiisa, aqoontiisa faca weyn iyo sida uu ugu heellan yahay in uu soo saaro jiil aqoonyahanno ah ayaa keentay in uu si weyn u kasbado quluubta ardaydiisa. Fasalkiisa waxa loogu soo ururaa sida ay shinnidu boqorkeeda ugu soo xoonto ama sida ay biyuhu meesha godan ugu soo gororaan. Waxaan xusuusanahay iyada oo inta uu fasalku buuxsamay daaqadaha laga dhegaysanayo. Saddexda saacadood ee ay xiisaddu socotaa waxay nagala yar tahay saddex daqiiqadood. Waxaan xusuusanahay maalin aan fasalkiisa ku soo beegmay iyada oo ay kaadi kululi I hayso. Intii aan ku jiray fasalka mar keliya maan dareemin; haseyeeshee isla markii uu yidhi: “Caawa fasalku halkaas ha inoogu joogo”, ayay igu soo xaadirtay illeyn waxan ahaa nin dareenkiisa oo dhami uu maqan yahaye.

Prof. Gaarriye, iskama weynneysiiyo ardaydiisa iyo dhallinyaradaba, bal se wuu soo dhaweeyaa inta uu tilmaami karona wuu tilmaamaa oo waxba kama hagrado. Wuxu aad ugu mashquulsan yahay sidii uu u heli lahaa jiil da’ yar oo mustaqbalka buuxiya kaalinta uu maanta isagu ku jiro. Sidaa daraaddeed fasal kasta oo uu wax u dhigo waxa uu kala baxaa dhowrka arday ee dhinaca suugaanta u janjeedha, dabadeedna wuxu kor u sii qaadaa aqoontiisa dhinaca suugaanta. Isku soo xooriyoo Gaarriye waa shakhsiyad nooceedu dadka aad ugu yar yahay sida ay dheemmantu dadka ugu yar tahay.”

Qormada: 13aad

Bal aynu eegno Axmed Yaasiin Muxumed Cadde, BBA, Jaamicadda Camuud, sida uu isna u arko Gaarriye. Wuxu yidhi:


”Prof. Gaarriye oo aan si gaar ah u xiisayn jiray maansooyinkiisa, inta badanna dhegaysan jiray, waxaan shakhsiyaddiisa si dhab ah u bartay markii uu noqday macallinkayga Suugaanta Soomaalida sannadkii 2003dii. Dareenkayga ku wajahan Gaarriye wuu ka waafisan yahay in aan ku cabbiro kelmedo kooban. Haseyesshee, haddii aan wax ka iftiimiyo intii uu Gaarriye macallinka ii ahaa mar waxaan dareemi jiray jawi farxadeed, marna mid walaac marna waan hiigsan jiray.

Waxaan jawi farxadeed dareemi jiray marka aan xusuusto nasiibka aan u yeeshay in uu Gaarriye macallinkayga noqdo, isla markaana I dhadhansiiyo nuxurka Suugaanta Soomaaliyeed oo uu meelaha qaar isagu bud-dhiggeeda leeyahay. Waa abaal aanu u hayno;

Waxa farxaddaa barbar socday walaac. Waxaan odhan jiray: “Waar inta uu nool yahay aan ka faa’iidaysanno oo taariikhna kala hadhno, hadhaw lama helayo istabnigiisa e’;

Dhanka kale, waxaan had iyo jeer ka fikiri jiray sidii aan wax badan ugaga dayan lahaa. Wuxu leeyahay hab-dhaqan ku salaysan: dad-jacayl, naxariis, waalidnimo, waddaninimo iyo indheer-garadnimo. Arday kasta oo uu wax u dhigo duruufihiisa wuu la socdaa iyada oo aan cidina u sheegin.

Gaarriye wuxu baal dahab ah kaga qoran yahay taariikhda Somaliland, haddii ay tahay waqtigii halganka gacantii uu ka geystay iyo haddii ay tahay wacyi-gelintii nabadaynta iyo weliba barbaarinta da’yarta wax baranaysa.”

Ugu danbaynna, bal aynu eegno dareenka Xasan Maxamuud Cabdi (Xasan Burco), BBA, Jaamicadda Camuud. Mar uu Gaarriye ka hadlayay wuxu yidhi:

“Prof. Gaarriye wuxu noloshayda ku leeyahay saamayn badan. Wuxu wax badan  iga baray Suugaanta Soomaalida iyo dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Soomaalidu soo maray. Muddadii sannadka ahayd ee uu macallinka ii ahaa waxaan bartay wax aanan soo baran intii ka horreysay ee aan soo noolaa oo dhan. Gaarriye ma aha macallin keliya, bal se waa waalid dhab ah. Ma aha macallimiinta ay ardaydooda ugu danbayso marka ay fasalka ku kala tagaan. Haseyeeshee, wuxu lka socdaa arday kasta oo jaamicadda ka soo qalin-jebiyey halka uu joogo. Da’ yarta inta uu abaqaalo kama tago, balse wuu waraabiyaa ilaa inta uu hubsanayo in midhihiisu bislaadeen. Waxaanan marnaba illaaweyn sida deeqsinnimada leh ee uu waqtigiisa noogu huray iyo sida hagar-la’aanta ah ee uu wax noo baray. Waxa qalbigayga inta uu qoyan yahay ku sii negaan doona waanooyinkii iyo talooyinkii uu na siiyay.”

Waxaynu ku soo xidhaynaa Qormooyinkan Gaarriye maansadiisa hoobal oo ka mid ah kuwa ugu quruxda badan. Waxaan ka qoray Xasan Mowliid Axmed, waxaanu yidhi

Hoobal:

Cumarow ha’ iyo waw

Hal madow araar culus,

Higgaad alif wax maale,

Ama xarafka hoos dhaban,

Harawaati mowjad ah,

Hindisaha ujeeddada,

Hal-abuurka ila garo,

 

Haybtayda guudnimo,

Heesaa ayaan ahay,

 

Dareenkayga habayaan,

Hadba tuujiyaayoo,

Hadhuubbada u dhigataan,

 

Circa haadda duushaan,

Heellada la jiibshaa,

Badahaa hugmaayaan,

Baloolley la haystaa,

Kalluun midiba hayb yahay,

Kii hadhaaya loo tudhin,

Ayaan kala hagaajaa,

 

Hoobal bay yidhaahdaan,

Indhoolaha anaa haga,

Ka hallaysan waaniya,

Halyeeyada anaa ladha,

Anaa u hiisha maatida,

Hirdankii Bien Fu,

Hujuumkii Aljeeriya,

Anaa heeray Faransiis,

Afrikaanku hororkii,

Markii ay halgaadeen,

Hootadoodi baan ahay,

 

Hollashada Kacaankii,

Markii Ruush hanbaabiray,

Hareertaan ka taagnaa,

 

Adoo nacab ku haystoo,

Halis aad u dhowdahay,

Rajo kuu hirtaan ahay,

 

Hawkarkiyo kulaylaha,

Haro laga cabbaan ahay,

Hoosiiska sagalkiyo,

Saxal-qaad hawaan ahayn,

 

Habeenkii riyaan ahay,

Hadar iyo sas aan layn,

 

Gitaarrada hadaaqana,

Sir ku hoos jirtaan ahay,

 

Cirkay heego ii taal,

Dhulkaan hoos u xulanahay,

Hillaac bilig yidhaan ahay,

Markaan felegga haybsaday

Waa habar-wadaaggay,

Qorraxdana hal maal iyo,

Hooyaan wadaagnaa,

 

Hilinkaan iftiinshaa,

Anna ku hurushoobaa,

Dhammaad

 

Additional information