Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Lafo-Gurka Sharci ee Xeerka Sirdoonka Qaranka:

Dawladaha adduunka intooda badani waxay leeyihiin sirdoon, haseyeeshee habka iyo hawsha uu qabanayaa, waxa ay ku xidhan tahay hadba nidaamka wadankaas,

 

 

Lafo-Gurka Sharci ee Xeerka Sirdoonka Qaranka:

Hor-dhac:

Dawladaha adduunka intooda badani waxay leeyihiin sirdoon, haseyeeshee habka iyo hawsha uu qabanayaa, waxa ay ku xidhan tahay hadba nidaamka wadankaas, taas micnaheedu wuxuu yahay, in aanay isku mid ahayn dhamaanba hawsha iyo adeegsiga xafiiskani, waxaanay taasi ku xidhan tahay wadamada iyo dawladaha ka jira nidaamka ay ku dhisan yihiin, waxaa iyaduna xafiiskan qaabeeya, Taliska, hogaanka, ama siyaasad gaar ah oo jirta. Waxa kale oo aan laga tegi Karin, sida uu xeerka salka u ah hay’adaasi u qaabeeyo hawsha, xilka iyo hanaanka shaqo ee xafiiskaas,taas oo inta badan loogu dejiyo xeer baarlamaan,wuxuuna noqdaa sharcigaasi xeerka asaaska u ah ee salka utaaga xafiiska sameyntiisa sidoo kale wuxuu nidaamiya dhamaanba arrimaha ku duugan hawsha ee markaasi ay tahey in la ixtiraamo, waxaana ka mid ah, tusaale ahaan sida ay xilka saaran u gudanayaan iyagoo xooga saaraya Amaanka qaranka, dhowrayana xuquuqaha shacabka hawshoodu saameyso.

Xeerka Sirdoonka Qaranku, waa sharci loogu talo galay, dhismaha, hawsha, qaabka, hanaanka iyo maamulka xafiiskaas in uu qaabeeyo. Sharcigan oo ah mid lagu abuurayo hay’ada madax banaan, oo ku soo kordhay hay’dahii hore u jiray.

Sida ku dhigan Xeer: L/r 59, hay’ada sirdoonka Qaranku, waa xafiis madaxbaan, oo hoos taga Madaxweynaha JSL, waxa ay shaqada xafiiskaasi tahay, dabagalka, dhego-dhegeynta, la socodka, wax kasta oo taabanaya amniga qaranka. Waxa ay hay’addu ka jawaabaysa maaha kaliya fal ama hawlgal, balse waxa ku jira ka hortagga hadalo lagu shirqoolayo sumcadda wadanka.

Shuruucda kaliya ee xeerkani ku xidhay xubnaha hay’adani marka ay fullinayaan hawsha shaqo, waxa ay tahay in ay tusaan shakhsiga hawsha lagu fullinayo Kaadhka aqoonsiga. kaadhkaas waa mid uu xeerku tilmaamay in Agaasimaha Guud ee hay’adani soo saari doono.

Waxa hay’adu yeelaneysaa, Agaasime Guud, oo loogu yeedhayo agaasimaha Guud ee Hay’adda sirdoonka Qaranka, waxa magacaabista iyo xilka qaadista Masuulkan iska leh Madaxweynaha. Iyadoo hay’adu ay yeelan doonto waaxyo iyo agaasimo ku xigeeno, isla markaana ay yeelan doonto shaqaale, miisaaniyadd, dhamaanba arrimahaasi waxa loo dhaafay xeer nidaamiye uu soo saari doono madaxweynaha JSL.

Haddaba, lafo-gurkani waxa aynu ku eegi doonaa Xeerka Sirdoonka Qaranka ee Qabyada ah, iyadoo aynu dul istaagi doono, kana eegeyna dhanka Dastuurka qaranka Somaliland, oo ay ku jirto mabaadiida dastuuriga ah ee nidaamiya amni sugista xuquuqaha iyo xoriyadaha dadka oo ku waajiba ah dhamaanba waaxyaha kale duwan ee qaranka. Bal sida uu xeerkani u dhigey hawlgalka shaqo ee hay’adan, sideebay shaqadeedda u fullineysaa, ma jiraan ixtiraam la siiyey mabaadiida Dastuurka iyo shuruucda kale u damamanad qaadeen muwaadiniinta iyo ajaanibka ee dastuurka ku dhigan, qaabkee ayuu sharcigani u tilmaamay una illaaliyey arrimaha taabanaya kale xadeynta awoodaha saddexda waaxood ee qaranka ee dastuurku kale soocay, mase jiraan hab uu ku waajibiyey sharcigani in ay xubnaha hay’adani u ixtiraaman habka iyo hanaanka shaqo ee hayadaha kale ee qaranka.

a) Xeerkan Iyo Xuquuqaha Dastuuriga

Hayadaha sirdoonku dunnida oo dhan waxay ku leeyihiin door muhiim ah hanashadda amniga qaranka. Waxa kale oo u dheer awooddo gaara oo ay kula soconayan xogaha iyagoo u maraya habab-gaara, waxay horseeddaa gabood-fal xuquuqaha iyo xoriyadaha dastuuriga ah. Xuquuqahani, waa kuwo asaasiya oo lagu dhowrey xubinta 3aad ee Dastuurka Somaliland oo tilmaanta xuquuqda qofka, xorriyaadka asaasiga ah iyo waajibaadka saaran muwaadinka, iyadoo xubintani ku waajibisay Waaxyaha qarankani leeyahay,in ay u hogaansamaan isla markaasina loo fasiro si waafaqsan shuruucda caalamiga ee xuquuqdda aadamaha[1].

Arrimaha lagu nidaamiyey xubintani ee ay tahay in haydaha waaxaha qaranku dhowraan, oo ay ka hortageen dhamaanba xad-gudubyadda ay suurowdo in lagu la kaco, waa xoriyadaha iyo dhowrsoonaanta qofka ee arrimaha u gaarka ah. Xuquuqaha la siiynayo tix-gelinta, lana reebay in lagu tunto, wax aka mid ah, kuwa ku dhigan qodobka QODOBKA 25AAD faq 1aad “Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.”, waxa xoriyad ka qaadis sharci darro ah noqonaysa, in lagu talaabsado,sida uu sheegay faq 2aad ee isla qodobka 25aad “Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.” Qabasho, baadhis iyo xayiraadd waxa ay ka mid tahay awoodda uu leeyahay garsoorku, hayeeshee waxa jira, marka shuruudo gaar ah oo uu qodobku iftiimiyey haddiiba, ay tahay in cid aan garsoor ahayni fullin karto arrintani, waxaanay tahay marka la helo qofka oo dembiga gacanta kula jira, haddii taasi aanay ku dhicin qaybta waaxda fullintu ku leedahay talaabooyinkani oo ah,In qofku dembi farahaha kula jiro si ay u qabtaan hay’adaha ka tirsan waaxda fullinta. Waxa la odhan karaa qofku dembi buu faraha kula jiraa, marka ay Jiraan, xalaadaha ku xusan Qod 37aad ee Xeerka Habka Ciqaabta “xeerkani Guddihiisa, haddii aanay jumladda micno kale u yeelin, weedha qof lagu qabto fal-dambiyeed uu faraha kula jiro” waxa loola jeeddaa qofka:

a) Lagu qabto isagoo sameynaya fal-dambiyeed; b) Uu eryado ama raadceeyo isla markii uu dhacay dambigu:

i. Sarkaal boolis ahi,ama

ii. dhinaca dhibanaha ah;ama

iii. qof kasta oo kale……..”

Haddaba, haddii xaaladdaha sare ku xusan uu qabasho ama baadhis fullin karaan hay’adaha ka tirsan waaxda fullintu, marka laga tago arrimaha yar-yar ee xagga farsamada ah ee ku dhigan qodobka 38aad ee Xeerka Habka Ciqaabtu, oo ah in askarta boolisku, kaliya qabasho ama baadhis sameyn karaan, haddii qofka lagu fullinayo talaabadaasi uu galay dambi ciqaabtiisa tahay ugu yaraan 2 sanno, ay suurowdo haddii uu amar qabasho heli-taankii aanu suuroobayn, ama ay dhaci karto in uu qofku baxsado, la heli kareyn amar qabasho, wakhtiga ama goobta darteed. Baadhis, xadhig ama xanibaadna kaliya la fullin karo, sida ku cad Qod 28aad Xeerka Habka Ciqaabta, xalladdaha uu sharcigu si cad u tilmaamay.

Inkastoo xuquuqahani, loo sugay bulshadda, waxa isweydiintu tahay, sidey u suurowdaa in ay taasi la tix-geliyo iyadoo la dhisay hay’ad sirdoon, oo ujeedada laga leeyahay tahay mida ku cad Qodobka  5aad Xeerkan, oo sheegayaa hay’ada ujeedada Hay’adani tahay Faaf-reebka, dabo-galka, la socodka wararka “Ujeeddooyinka loo aasaasay Hay'addu waxa ka mid ah: a) Raadinta, Xuuraaminta (intelligence) xogta iyo wararka.” inkastoo aanu erey-bixinaha ku jirin macnaha wararka uu tilmaamay xeerku, haddana qeybta dambe ee xeerku waxay saartay macne balaadhan, oo u dhigen sidani: “Ka saadaalinta iyo dabagalka (monitoring) wax kasta oo wax tar u leh sugida iyo xasiloonida amniga qaranka.” Weedha ah “Wax kasta oo wax tar u leh sugida iyo xasiloonida qaranka”, waxa ay muujineysa baaxad weynidda awoodaha hay’ada, waxaana taas laga fahmi karaa Qodobka 8aad ee Xeerka Sirdoonka Qaranka oo tilmaamaya kartidda xafiiskan “Hadii ay timaado xaalad deg-deg ah (emergence case) waxay awood u leeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay'addaha nabad-gelyada waxaanay la wareegi karaan qalab kasta oo loo adeegsado danbiyaadaas”. Haddii aan askhaasta aan looga shakiyin in ay fal-dambiyeed galeen, hay’adani uma laha xaq in ay baadho, daba-gasho ama xuraamiso, xogaha u gaarka ah. Taasi waa mid aanu xeerku dedaal ku bixin sidii loo sugi lahaa mabadiida ku dhigan Dastuurka, khaasatan Qodobaddan waa mid uu xeerkani ka baaqsaday in uu isku hawlo, maadaama oo aanay ku jirin xeerka hab arrimhani lagu dhowrayo, taas bedelkeeda waxa jirta in xeerku dambi u aqoonsan yahay arrimo aan dambi ahayn sharci ahaan,oo ah gelista iyo sawir ka qaadista xafiisyadda Hayadda.

In kastoo xafiiskani leeyahay awooddaas iyo ujeedaas sare ku xusan, haddana waxa kale oo uu leeyahey awooda gacan birra wax kaga qabanayo arrimahaaasi, haddii ay tahay xaaladdu sidan, oo aanay hay’adani uga baahneyn cid kale in ay marto si ay wax uga qabato hawl ay iyadu qorsheysatay, isla markaasina ay tahay go’aan ka gaadheysa in qalab lala wareego, oo ay u raacsan taasi in ay la socon karaan hadal heynta dadka ee ku aadan dawladda markaas taladda haysa, iyagoo dhamaanba xanta iyo hadal haynta bulshadda u gudbin doona Madax-weynaha JSL, sida ku duugan Qod 5aad Faq 2aad “Ka turjumidda, war-bixinta iyo u kuur gelidda guuxa iyo dareenada shacbiga iyo meel kasta oo ay tabasho ka jirto iyadoo sida ugu haboon warbixin buuxda uga siinaysa Madaxweynaha arrimahaas si uu go'aanno iyo xal uga soo saaro.” Ereyadda loo isticmaalay, tilmaanta ujeeddada hay’adan ee ku jira qodobka 5aad ee xeerkan iyo weedhaha ku jira qodobka 8aad ee xeerkan, oo aan lahayn tafsiir, isla markaasa si aan kale sooocid lahayn, ugu hibeynaya awoodda baadhis, daba-gal, xuraan, faaf-reebka saxaafadda oo tilmaamaya, in Arrimahani waxay yihiin, qaar siinaya xafiiskani, qabasho, baadhis iyo daba-gal kasta, awoodaasi, waa mid aan sharci ahayn, mana banaana in hay’ad ka tirsan waaxda fullinta oo ah, mid labada waaxood ee kale ka madax-baan yihiin, iyaduna ka madax-banaan ku maroorsanayso hawlaha labada kale[2].

In kastoo xeerku aanu tilmaamin xalka ay tahay in madexweynuhu soo saaro, haddana waxa jirta in uu yahay masuulka ay hoos tagto xafiiskiisa, sida ku dhigan Qodobka 4aad ee Xeerka Sirdoonka “Hay'addu waxay hoos tagtaa Madaxweynaha JSL, waxaanay u gudanaysaa xilka iyo waajibaadkeeda si madaxbanaan oo Xeerka Waafaqsan.”

Haddiiba arrintu sidaas tahay, oo ay hay’adani awoodaas leedahay, isla markaana ay la xisaabtankeedu gaar u yahay M/weynaha JSL, waxa ay su’aashu ka taagan tahay wuxu yahay sida la isagu miisaamay nabad-gelyadda qaranka iyo xuquuqaha shakhsiga ee Dastuurku u damaanad qaaday askhaasta? Taas oo ah arrinta ay dad badan oo ku jiraan saxaafadda iyo Ururadda Mucaaridka ahi ka hadlayaan maalmihii la soo dhaafay, waxaana taasi ay tahay sharciyan mid su’aali ka taagan tahay, habka loo dhowrayo, xaquuqaha uu sugay Dastuurku qaranku ee ay ka mid tahay dhowrsaanta arrimaha shakhsi kasta gaarka u ah, oo daba galka iyo la socodku dhaawacayo, kuwaas oo wax yeelo iyo xad-gudub lagu la kaco la reebay, sida ku cad basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan…….” Marka la helo shuruuda qodobka, ee ah in amar garsoore oo sabeysan kaliya lagu geli karo goobahaasi, waxa kale oo uu waajibinayaa in la sameeyo talaabadan “… Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.” iyadoo si cad uu Dastuurku uga digay in qof kasta meeshu u doorto hoy in ka dhowrsoon tahay gelis aan sharci ahayn, ayaa misna wuxuu diiday Dastuurku dhegeysiga isgaadhsiinta arrimaha u gaarka shakhsiga, sida ku dhigan Qodobka 30aad “Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan”. Xeerka sirdoonku waa mid ka baaqsadey shuruudaha iyo waajibka qodobkani, waayo waxa kaliya ee farey xubnaha waxa ay tahay sida ku duugan qodobka Qodobka 15aad faq 3aad, oo waajibinaysa sidan “Xubintu waa in ay tusto warqadda aqoonsiga qofka ay ku fulineyso awoodaha ku xusan xeerkan.”

2. Inkastoo uu dastuurku si cad, oo aan mugdi lahayn u sheegay, in Baadhisahu, dabagalka iyo xuraamintu, la sameyn karo xaaladdo gaar, iyadoo loo marayo sida uu waajibiyey qodobkani, ka baaqsi kasta oo laga baaqsado shuruuda iyo waajibaadka qodobkani dhigey waa Dastuur jebin. Waa mid xeerkani tahay hay’adani, miyey leedahay shaqo kasta oo waxtar u leh amniga qaranka in ay qabato, sidee bay isla wax kaliya ee looga baahan  yahey xubnaha hay’dan ee ku fullneysa hawlgal qof, in ay tahay in ay tusto qofka lagu fullinayo la tuso “Qoraalka Aqoonsiga”[3], waxa xeerku uga jeeddaa kaadh aqoonsi oo loo sameyn doono xubnaha hay’adan, waxa meesha aan marna la soo dhigini waxay tahay, habka sharci ahaan ay tahay in loo maro fullinta hawlgalka, iyadoo la ixtiraamayo xuquuqaha Dastuuriga ah ee ashkhaasta, Qodobkani waxa kale uu ka soo hor-jeeddaa, xuquuqaha dastuuriga ah ee Dastuurka  sare ku xusan. Xeerkani ma sameynayo nidaam uu kula tacaalayo, dhowrista xuquuqaha asaasiga ah ee dastuurku ku waajibiyey waaxaha qaranka ee fullinta, garsoorka iyo sharci dejinta, sidee loogu doodi karaa in xeerka sirdoonka qaranku, tix-galiyey mabadiida dastuuriga ah iyadoo qodobka 16aad ee XSQ oo sheegaya waxyaabaha ka reeban xubnahu, oo ku xusan Qodobka 16aad ee xeerka sirdoonka, waa qaar ku dhisan dhalanteed, sababtoo ah, tusaale ahaan, waxa qod 16aad, faqrada 1aad, ay ka reebtay xubnaha in ay ka qayb-qaataan hawlaha xisbi/urur, marka laga tago in xeerku tilmaamay in ay qarsoon yihiin xubnaha hay’adani, oo aanay suuroobeynin in xubinaha hawl-wadeen ama madax ka ah xisbi ama urur in ay tahay sirdoon iyo in kale in la aqoonsaddo, waxa kaloo jirta in haddiiba si uun taas lagu ogaaddo xubintaas, lagu abaal marin doono, si waafaqsan xeer hoosaadka hay’adda, kaas oo aan cidda soo saaraysa, goorta la soo saari doonaa toona aan xeerku sheegin, ha yeeshee, waxa jira xeer-nidaamiye, uu soo saari doono madaxweynaha, oo ay hoos tagto hay’addu, sida uu sheegayo qodobka 22aad ee XSQ. Labadda arrimood miday doontaba ha noqotee, waxan odhan karnaa, habka loo illaaliyey in aanay xafiiskani ku milmin siyaasadda ama habka loo maamulay abaal-marinta xubnaha siyaasadda iyo hawsha hay’adan isku dhexwadda waa mid aan aad looga taxaderin, loo dhaafay hay’adda lafteedda, taas bedelkeedda waxa uu xeerku iska xilsaaray, aadna loo adkeeyey, mid taasi ka duwan, oo ah bixinta sirta, oo ay ka mid tahay sida ku xusan qod 17aad ee XSQ, oo sheegaya in haddiiba xubin faafiso, bixiso, daboolka ka qaado sirta xafiiska, tafaasiisha xubin qarsoon, ama xubin hawl-si qarsoon u wadda, lagu muteysan doono, ciqaab xadhig oo u dhaxeysa 10 illaa 20 sanno. Halka baadhista, galista, iyo qabashaddu lagu dhaafay, si mugdi ku jiro, oo aan xambaarsaneyn wax aan ahayn, in si xeerka waafaqsan, aynu eegno qodob 16aad faq b) “In ay si aan xeerka waafaqsanayn u gasho ama u baadho goob gaar loo leeyahay, amaba u qabato hanti hab aan waafaqsanayn xeerkan.” haddii aynu isweydiino sida aan xeerka waafaqsaneyni waa sidee? jawaabtu waa mid xeerka dhaafsan, waayo waxa qudha ee xubnaha ku waajib ah in ay sameeyaan marka ay timaaddo in ay qof ku fulliso talaabo, waa tan ku sheegan qod 15aad faq 3) oo ah sidan “Xubintu waa in ay tusto warqadda aqoonsiga qofka ay ku fulineyso awoodaha ku xusan xeerkan.”

Waajibka kaliya ee xubnaha saarani marba hadduu yahay in aqoonsi tusid, sida xeerka waafaqsani, ma in la tuso aqoonsiga ayay tahay, mise waa in haddii aanu ahayn qof dambi-gacanta kula jira in amar garsoore oo qabasho uu helo, taasina ma aha waajib sharcigani dulsha u saaray xubnaha hay’adani, waxa isweydiinta mudani waxay tahay, ciqaab marintu haba joogtee,f alka ay ku muteysanayaan ma aha mid cad, haddii qodobkan 16aad faq b) aynu eegno,waxay leedahay “In ay si aan xeerka waafaqsanayn u gasho ama u baadho goob gaar loo leeyahay, In ay si aan xeerka waafaqsanayn u gasho ama u baadho goob gaar loo leeyahay, amaba u qabato hanti hab aan waafaqsanayn xeerkan.” Weedhan farta madow ku qorani, waa qaybta dambe ee faqradda b) ee qod 16aad, waxaanay dhigaysaa, haddi ay tahay in hanti ay qabato hay’adani, in ay shuruudaha ku xidhani tahay in ay xeerkan (Xeerka Sirdoonka Qaranka) waafaqsan tahay,t aasina ma aha mid shuruud uu ku xidhay xeerkani, bal eeg qodobka 8aad, faq 3aad oo awood u siinaya talaabadani, “Hadii ay timaado xaalad degdeg ah (emergence case) waxay awood u leeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga 00 aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay'addaha nabad-gelyada waxaanay la wareegi karaan qalabkasta 00 loo adeegsado danbiyaadaas.” Haddiiba ay tahay mid ka mid ah awoodaha ay leedahay hay’addu, waa mid la isweydiin karo, waa maxay shuruucda xeerkan waafaqsan ee ay tahay in hanti gaar ah u qabato ama ula wareegto?

Waxa kale oo iyana si aan haboonayn oo ka badan intii loo baahnaa, loo dhigey marka ay timaaddo xaaladda ku dhigan qodobka 16aad, faq d) oo tibaaxaysa sidan “In ay qof muwaadin ah ku xadgudbaan xorriyadiisa aasaasiga ah ee Distooriga ah iyadoo looga faa'iideysanayo dano siyaasadeed".”, ereyada dambe ee qoraalka madow ku qorani waxay muujinayaan, in haddii shuruudda kaliya ay tahay dano siyaasadeed, tani ma reebayso xad-gudub kasta, waxase ay reebaysaa kaliya xad-gudubyadda ay sababaan dano siyaasadeed, taas oo noqon karta in xad-gudubyada soo hadhay ay yihiin qaar aan la isku qoonnsan doonin.

Abaalmarinta Wadanku,tix-gallinta siiyey, waxana ka mid ah mabaadiida saldhiga u ah Dastuurka “Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.

Sidaas darted wuxuu in farayaa in loo fasiro qqodobadda dastuurka ee xuquuqaha tilmaamaya sidani soo socota oo ku dhigen Qod 21A Faq 2.      “Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan”. Waxa macquul ah,la addeegsaddo faqradda b) ee qodobka sare,si loo dabo galo shakhsi caadiya,taasna waxa u qiil bixinaya ereyga ka dambeeya ee ah “waxkasta oo waxtar u leh sugidda amniga”

Haddaba, su’aashu waxay tahay haydani,miyeey leedahay shaqo kasta oo waxtar u leh amniga qaranka in ay qabato, sidee bay ula shaqaynaysaa Haydahii jirey ee Boooliska iyo CIDda, miyey ka duwan tahay? ma la mid baa? aan markaas wadin wax ka dhan ah Qaranka caadi ahaan, inkastoo taas ka reeban tahay hay’adan, haddana xubnaha hay’adani waxa ay leeyihiin awoodda ay ku daboolaan xubnahoodda, taas oo keenaysa in cidda laga reebay in ay arrimaha siyaasadda gashaa ay tahay cid aan gebi-ahaanba qarsoon oo aan la garaneynin. balse arrimo siyaasadeed darteed.

Iyaduna waxa xusid muddan Qod 15aad faqradiisa 3aad oo tilmaamaysa in waxa kaliya ee looga baahan  yahay xubnahaha hay’adan ee ku fullneysa hawlgal qof, in ay tahay in ay tusto qofka lagu fullinayo “Qoraalka Aqoonsiga”, waxa xeerku uga jeeddaa kaadh aqoonsi oo loo sameyn doono xubnaha hay’adan, waxa meesha aan marna la soo dhigini waxay tahay, habka sharci ahaan ay tahay in loo maro fullinta hawlgalka iyadoo la ixtiraamayo xuquuqaha Dastuuriga ah ee ashkhaasta, sida uu qabo   DJSL Qodobkiisa 25aad oo damaanda qaad buuxa ka siiyey bulshadda,haddii aanay markaas wax dambi ah,ku hawlaneyn,in ay la kulmaan baadhis,xadhig,xuraan, iyo xanibaadd. Qodobkani waxa kale uu ka soo hor-jeeddaa, xuquuqaha dastuuriga ah ee Dastuurka Wadanka, tix-gallinta siiyey, waxana ka mid ah mabaadiida saldhiga u ah Dastuurka “Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.

Sidaas darted wuxuu in farayaa in loo fasiro qqodobadda Dastuurka ee xuquuqaha tilmaamaya sidani soo socota oo ku dhigen Qod 21A Faq 2.  “Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka  aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan”.

b) k)   Xeerka iyo Xoriyatul Qawlka, saxaafadda iyo ra’yi Dhiibashadda

Iyadoo aanay jirin, xadidaad xaga macnaha ereyada ah oo xeerku ku sameeyey, arrimaha taabanaya xuquuqaha, haddana waxa jirta, in Faqradda C) ee isla Qodobka 5aad ee Xeerku, tilmaantay in awood u leedahay hay’adani in ay talaabo ka qaadi karto, iyadoo ka jawaabaysa, waxa uu xeerku ku tilmaamay “Af iyo Addin”, bal aynu eegno qodobka 5aad, faq 3aad oo ah sidan, “Ka hortaga shirqoolada af iyo adinba kaga iman kara cadawga gudaha iyo dibada …………..” in ereyadani waxay muujinayaan, in aanay hawsha hay’adani kaliya ahayn in ay ka jawaabaan ficiladda ka yimaada dadka qalaad ee aan reer Somaliland ahayn,balse taasi qodobkani ayaa so oaf-jarey,waayo uma diidayo hay’adan faqradani, in ay ku eedayso shakhsi u dhashay wadanka, oo hadalo ama qoraalo uu ku muujiyey qoraal, bandhig, tibaax ama tiraab, lagu dodo in uu yahay hawl-qabad, shirqool oo af ahaan ay ugu kaceen cadowga guduhu, taasi way sahlanaan doontaa waayo, shirqool af iyo adinba, iyadoo lagu doodayo, in ay shirqooladda afka ah ka mid tahay, hawl-qabad saxaafadeed lagu bandhigey. Waxa iyana xeerku ciqaab dusha ka huwiyey qof kasta oo swir ka qaada kaas oo la isleeyahay waxyeelo ayay ku tahay hay’ada ama qaranka in loo maro sid ku xusan qodobkan “…rumaysan karo in gelitaanka goobta ama sawir ka-qaadisteeda laga lahaa in lagu waxyeeleeyo hay'adda ama qaranka….” ereygani laga lahaa in lagu waxyeeleeyo, waa erey isticmaalkiisu ugub ku yahay shuruucda, waxaana ay arrintu murgaysaa marka ay timaaddo, dacwad ku dhisan qodobkan, ay noqoto mid uga baahata eedeysanaha oo noqon kara saxafi, qof shicib ah, oo la qabtay isagoo sawiranaya, goob ka dibna lagu eedeeyey taasi, lana waafajiyey qodobkan, waxa jawaab u baahanaya waa, in la eegi doono ujeeddada ka dambeysay, qorshaha laga lahaa, waxa kalifay, ama niyadda waxa lagu hayay, in arrimhaasi ka horeeyaan gelsista falkan iyo in ka dib gelista falka loo isticmaalay, oo micnaheeddu yahay in sawirkii loo adeegsaday si ka duwan, sidii lagu qaaday, laakiin taasi halkan kama cadda.

Waxa kale oo iyana ka mid ah ujeedooyinka hay’adda u kuur gelista guuxa iyo tabashooyinka dadka iyadoo taasi gaadhsiisan tahay in ay awood u leeyihiin dhegeysiga goobaha bulshaddu isugu timaaddo, sida marfushyadda qaadka, goobaha shaaha, meelaha lagu caweeyo iyo arroosyadda, waxaana ay dhegeysiga meelahani u sahlaya qodobka 5aad, faq 2aad, oo siinaya in ay dhagaysi iyo daba-galba ku sameyn karaan arrimo aan la xidhiidhin nabad iyo amani midna. Taas oo ka soo horjeedda xoriyadda hadalka iyo tan saxaafadda ee ku yaal Dastuurka qodobkiisa Qodobka 32aad “Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.” Haddiiba loo madaxbaneeyey shakhsiga in uu raygiisa qaabka uu doono ku soo bandhigi karo, iyadoo waxyaabaha la adeegsan karo si wax loo soo bandhigo ay ka mid tahay ,hawl-qabadyadda saxafadeed, sidaas darted faqradda 3aad ee qod 32aad ee Dastuurka, ayaa isna sidan u damaanad ku bixiyey, wuxuuna sheegay “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  Iagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya. “Madaxbaneynta uu qodobkani sheegay,waxa sii cadeeyey xeerka hawsha saxaafadda lagu nidaamiyey,oo uu ansixiyey baarlaamaanka Somaliland,isla markaasina dhaqan gal ah,waa xeerka saxaafadda (Xeer No. 27/2004), qodobkiisa 3aad wuxuu tilmaamayaa “Saxaafadda ku xad gudubta faqradaha qodobkan, waxa loo raacayaa anshaxmarinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda iyo xeerarka madaniga ee dalka ee falkoodu khuseeyo.” in ay saxaafaddu u madax banana tahay hawsheedda,waxaanu reebay talaabo kasta oo lagu cabudhinayo,si taas loo hubiyo wuxuu xeerku ka digay,in xad-gudubyadda lagu galo saxaafadda,oo ay ka mid yihiin dhowrista sirta ciidamadda,sida ku taal qodobka 10aad faq 2aad ee xeerka saxaafada“Saxaafad kasta waxa ku waajib ah ilaalinta iyo xafidaada sirta xeryaha ciidamada ee baahintoodu keeni karto in ay cadawgu wiiqaan istaraatiijiyada iyo awooda ciidan ee dalka.” Xad-gudubka lagula kaco qodobkani, iyo kuwo la mid ah wuxuu sharcigu tilmaamay in loo raaco madani.

Sidaas darted, ciqaabta uu tilmaamay xeerka sirdoonka qaranku, ee lagu muteysanayo, sawir ka qaadista, oo u dhigan sida ku taal qodobka 18aad ee xeerka sirdoonka oo sheegaya “rumaysan karo in gelitaanka goobta ama sawir ka-qaadisteeda laga lahaa in lagu waxyeeleeyo hay'adda ama qaranka, waxa uu galay dembi waxaana lagu xukumayaa 2 ilaa 3 sanadood” ciqaabtani, waxa ay ka soo horjeeddaa qodobadda Dastuurka ee sare iyo kuwa xeerka saxaafadda oo si isku mid ah u reebay in lagu abaal mariyo ciqaab, saxaafadd gaftay, taas bedelkeed faray in ay marto hab madani, xadhiga xeerka sirdoonku sheegay waxay ka hor imanaysaa, awaamiirta ku sugan xeerka gaarka ah ee saxafadda.

c) Xeerkan Iyo Kale Xadeynta Waaxyaha Qaranka(Saperation Of Power)

Qaranka saomalailand wuxuu leeyahay, 3 waaxood oo kale ah fullin, garsoor iyo sharci dejin, iyadoo mid kastaa ay leedahay awood iyo xil gaar ah, waxa kale soocan awooda mid kastaa leedahay, sida ku dhigan Dastuurka 37aad faq 2aad oo ah sidan “Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeer-­dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo.  Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.” Waxaana kale xadeyntaas ka mid ah in awoodda garnaqa ay gaar u tahay garsoorka, hawlaha garsoor, waa awood Dastuuriya oo ah, oo kalidii uu iska leeyahay sida ku dhigan Qodobka 97aad Faq 1aad “ Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu ta hay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.” Qod 98aad ee Dastuurka ayaa faahfaahin ka bixinaya, awoodaas, wuxuuna tilmaamayaa in ay u garnaqayaan dadka ama dadka iyo dawladda, sida uu sheegayo xeerka nidaamiya arrimaha garsoorka Qod.2’aad faq 2aad “Awoooda Garsoorida Dacwadaha waxaa iska leh Garsooreyaasha oo keli ah cid kalena looma wareejin karo.” Arrimaha garsoor ee waxa tusaale koobaya, isla qodobkaas faqradiisa 3aad, 4aad, iyo 5aad, waxa ay reebayaan faqradahani in la sameeyo ama la dhiso cid aan ahayn garsoor oo leha awood ay ku soo saaraan go,aano ciqaabeed, awoodaha xeerka sirdoonka qaranku qod 8aad faq 3aad “…..waa in ay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay'addaha nabad-gelyada waxaanay la wareegi karaan qalab kasta oo loo adeegsado danbiyaadaas” arrimaha qodobkani sheegay gabi ahaanba waa qaar ka soo horjeedda kana hor imanaya qodobadda ku xusan xubinta 3aad ee Dastuurka.

Waxa kale oo xeerka sirdoonka, awoodda la xisaabtanka hay’adani u gaar u siiyey, madaxweynaha oo ay hoos tagto, waxaana meesha laga saaray, awoodaha dastuuriga ah ee guurtidda oo gaar ay ugu qoondaysan tahay, marka la eego Dastuurka Qodobkiisa 61aad faqrada 1aad oo sheegaysa in arrimaha awoodda guurtidu leedahay ay ka mid tahay, tani “Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.” Faqradda 4aad ee qodobkaasi waxay tilmaamaysaa in ay arrimaha nabad-galyo gacan ka siin doonaan xukuumadda, in loo soo warbixiyo arrimahaasi waa qaar Dastuurku si cad u siiyey, ha yeeshee xeerka sirdoonka qaranku, wuxuu awooda xisaabtan ku dhaafay madaxweynaha wax kaliya oo loo soo warbixinayaa, oo hay’adu warbixin siin kartaa waa madaxweynaha kaliya, sida ku cad qodobka 11aad ee XSQ, taasina waxa ay meesha ka saaraysaa banyaalnimadda iyo la xisaabtanka hay’ada, waxaanay keenaysaa in hay’ada sidaas u awooda badan, haddana aanay dadka u tirsanayn, maadama oo aanay awoodda xisaabtan lahayn cida metasha bulshadda oo ah golayaasha baarlamaanka, sida ku cad qodobka Qodobka 39aadGolaha Wakiiladu waa xubno ka wakiil ah dadweynaha; waana Qaybta laad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hoggaaminta dalka.”

Gebo-Gebo:

Dawladda Somaliland waxay ansixisay xeerka dhismaha hay’ada sirdoonka qaranka. Xeer Lr. 59/2012, oo madaxweynaha loo gudbiyey 06 Nov 2012, wuxuuna sheegaya dhismaha hay’adaas, wuxuu tilmaamayaa in looga ujeeddo, in ay raadiso, daba-gasho, xuraamiso war kasta iyo lana socodto wararka warbaahinta ujeedooyinka ay xambaarsan yihiin, waxa ku jira awoodaheedda la socoto xaaladda gaarka ah ee shacabka, si ay wax uga ogaadaan dareenadooda ku aadan arragtidooda ku aadan siyaasadda, taasi oo ay u soo warcelinayaan M/weynaha, oo ay hoos tagaan. Waxay leeyihiin awoodda gaara oo u saamaxaya in ay talaabo qaadi karaan iyagoo aan ciddna u marin, isla markaasina ay la wareegi karaan qalab ama hanti kasta. Awoodahooda wax ka mid ah la socodka iyo u kuur galka warbaahinta, sawiradda laga qaado hay’ada ama meelo ay diidantahay hay’adu, waxa lagu muteysanayaa ciqaab. Iyaduse waxay u baahan tahay in xubnuhu tusaan Kaadhaka aqoonsiga si markaasi ay ugasho ama u xidho shakhsi. La xisaabtanka hayda,soo saarista xeerka nidaamka shaqo ee hayda,iyo magaacaabista agaasimha haydu, wuxuu u yaalaa madaxweynaha oo kaliya, ma jirto door ay ku leeyahay wakiiladda shacabka ee Golayaasha Guurtidda iyo wakiiladdu, umana baahna in ay garsoorka u maraan arrimo ay tahay in loo maro. Talaabooyinkaasi waxa ay ka soo hor-jeedaan mabadiida dastuuriga ah, ee ay ka mid yihiin kuwa ku dhigan xubinta 3aad ee dastuurka, ee dhowraya xuquuqaha asaasiga ah ee ra’yi dhiibashada, saxafadda, faaf-reebka, iyo baadhista guryaha. Mabadiidaasi oo ka mid ah kuwa la faray waaxyaha qaranka ee kale ah Fullin, Garsoor iyo Sharci dejin, in ay u hogaansamaan, una dhowraan si waafaqsan macnahoodda caalamiga ah ee tafsiir. Waxanay ka soo horjeedaan dhamaanba mabadiida ku dhigan Xeerka Saxaafadda (Xeer No. 27/2004), Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/03/06) iyo Xeerka Habka Ciqaabta oo ah dhamaanba xeerar dhaqan –galay.

Talo-Bixin:

  1. In dib loo celiyo, oo uu Madaxweynuhu dib ugu celiyo goleyaasha, isagoo isticmaalaya awoodiisa dastuuriga ah si loo saxo, loona iftiimiyo meelaha muhiim ka ah ee xeerkani, loona waafajiyo dastuurka, isla markaasina loo meel mariyo mabaa’diida dastuuriga ah ee xeerkani hagraday.
  2. Waxa ay muhiim u tahay dib u celinta madaxweynuhu, saxida arrimaha soo socda:

a) Xuquuqaha iyo dhowrsaanta shicibka iyo saxaafadda waa in laga illaaliyaa xadgudub kasta oo ku iman kara, si taas u hirgasho waa in si Dastuurka waafaqsan loo muujiyo daba-galka ay sameyn karaan,iyo la socodka iyo su’aasha warbaahinta ee hawl-qabadkooda ujeedadiisa, iyo awoodaha la mid ka ah ee Xeerkani siiyey haya’dani waa in dib loogu noqdaa.

a. Sin loo qeexo xogaha ay xuuraami karaan ama ururin karaan, si loo cadeeyo loona dhowro mabaadiida asaasiga ah ee Dastuurka, loona adkeeyo in xuquuqaha dhowrsoon ee dastuurku aan loo lumin, isla markaasina aan loo abuurin khaddar gudaha ah iyadoo la rabo in mid dibadeed laga gaashaanto.

b. Iyadoo laga reebayo ciddii aan markaasi shaki laga qabin in aan awood baadhis cidna loo siin. Si looga saaro qodobka xeerka ee u banaynaya in ay tabashada xukuumadda u soo gudbiyaan M/weynaha.

b) Sida ay Waaxyaha kale u wada shaqeeyaan waa in la sheego  oo la Faah-faahiyo, si aan loo lumin kale xadeynta awoodaha ee waaxyaha Fullinta, Sharci Dejinta, iyo garsoorka u wada shaqeeyaan marka ay jirto howl –wada khuseysa waa in la sheegaa, arrimahani:

a. Dambiyada ay qabtaan iyo maxkamadaha awoodda u leh waa in lagu sheegaa.

b. Warbixinnadooda kuwa waqtiilaha ah iyo kuwa deg degga ah, kuwa Gudd iyo kuwa xaaladaha Deg-degga ah, waa in lagu sheegaa.

c. Cawaaqibka ka imanaya la shaqeyn la’aantooda iyo tux-galin la’aantooda warbixintooda ee hey’addaha xukuumadda ee ay khuseyso waa in lagu sheegaa.

d. Hab-dhaqanka laga rabo masuuliyiinta iyo saraakiisha Hay’adda waa in lagu sheegaa xeerkan.

e. Qaabka maamulkooda iyo dhaqaalahooda ay u madax-bannaanidooda waa in la’sheegaa.

f. Waa in xadhiga iyo xorriyadaha meel adag oo waafaqsan laga istaagaa, laguna waajibiyaa xubnaha in ay u maraan habka uu sharcigu u dhigay,iyadoo loo eegayo sida ay u kale muhiimsan yihiin xuquuquhu.

c) La xisaabtan iyo la socodka barlamaanka waa isku dheeli tirka nabad-gelyadda iyo xoriyadda. xoriyaddaha oo ah cunsur muhiim ah dumuqraadiyadda. Sidaas darted waa in ay jirtaa door ay ku leeyihiin la xisaabtanka haydani golaha baarlamaanka ee ka wakiil ah bulshadda, waa in loo Diyaarinta war-bixinnada ku saab-san Xogaha amniga loona gudbiyaa baarlamaanka.

d) Waa in Xeerka lagu sheegaa, dhamaanba arrimaha uu waajibiyey QODOBKA 122AAD oo hay'adaha Dawladda ee gaarka, ku waajibiyey in ay yeeshaan xeer u gaar ah oo qeexaya qaab-dhismeedkeeda, waajibaadkeeda iyo dhawrsanaanta madaxdooda.”Xeer-nidaamiye lagu Faafaahiyaa iyo awoodaha iyo shaqada saraakiisheeda iyo Xafiisyadeeda IWM.

e) U Gudbinta M/weynaha iyo Hay’adaha kale Xukuumadda ee ay khuseyso xogaha iyo Macluumaadka sirdoonka ee hay’adaha Caalamka iyo kuwa gobolka ee JSL khuseeya.

f) Ka war-bixinta digniin hore ka bixinta arrin kasta oo wax-yeeli karta Danaha Dhaqaale Siyaasadeed ee ammaanka dalka gudaha iyo dibaddaba.

g) Howlaha kale ee xeerku u xilsaaroy ama Xeer-nidaamiyahooda gaarka ah.

.



[1] QODOBKA 21AAD

HIRGELINTA IYO FASIRAADDA

1) Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.

2) Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka  aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.

 

[2] Qod.2’aad Mabaadiida Guud 1. Hay’adaha Garsoorka waa Hay’addo ka madax banaan Waaxyaha kale ee Sharci Dejinta iyo Funlinta ee Qaranka. 2. Awoooda Garsoorida Dacwadaha waxaa iska leh Garsooreyaasha oo keli ah cid kalenalooma wareejin karo. 3. Waxaa reeban Maxkamado gaar ah oo ka baxsan Hay’adaha Garsoorka. 4. Waxaa reeban Guddiyo leh awood iyo dabeecad Garsoor oo ay ka soo baxaan go’aano Ciqaab ahi.

[3] Qodobka 15aadWarqadda Aqoonsiga, faq 3aad “Xubintu waa in ay tustowarqadda aqoonsiga qofka ay ku fulineyso awoodaha ku xusan xeerkan.

Additional information