Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Tide Cawska dibadda ah Ee carruuruhu kaa celceliyaan Ciil ma ku qabtaa...

Aaskii Cigaal ee bishii May, 2002 waxa booqasho ku yimi dalka wufuud badan oo ka kala socota wadamo iyo hay’ado danaynaya dalkan Somaliland oo u yimi inay bartaan Madaxweynaha cusub ee beddelay Marxuum Cigaal,

waxaynu aragnay sidii loo doortay markii la soo sheegay geeridii Cigaal 3-dii May 2002 ahayd, iyadoo la baal-maray qodobka 130aad, farqadiisa 4aad sida ay tilmaamayso muddada kala guurka ee weli xisbiyo lagu tartamin, taasoo nuxurkeedu ahaa in Guddoomiyaha Guurtidu uu sii hayo xilka Madaxweynimada muddo 45 cisho ah oo lagu dooranayo beddelkii Madaxweynaha. Haddaba galabtii loo dhaarshay Madaxweynenimada Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo uu Guddoomiyaha Guurtida Sheekh Ibraahim goob joog ka ahaa dhaartaasi. Waxa gurigiisa ugu tagey Sheekh Ibraahim rag siyaasiyiin ah oo ay isku hayb yihiin, kuwaasoo u sheegay in gaf-dastuuri ahi dhacay, oo ahayd in uu isagu qabto xilka Madaxweynaha si ku-meel-gaadha, waxaannu ugu jawaabay Sheekh Ibraahim nimankaasi: “Waar ninkii aan xalay dhaariyay saaka ku qabsanmaayee i daaya, wax kasta ha ahaatee.” Arrintaas sidaasay ku soo af-jarantay cid dambena kama ay daba hadal, xataa jaraa’idka afka dheer lehi waxba kamay odhan arrintaa, taas oo magac iyo maamuus u soo jiiday dalka Somaliland dawladdiisa iyo dadkiisaba.

 

Ayaan-darrada dhacday maanta odayaaashii Guurtida, xukuumaddii iyo Golahii Wakiillada ayaa isku tuurtuuraya xeerarkii, ma laga waayay nin garta intaa Sheekh Ibraahim gartay. Taasi waxay ka hortagtay in la isku qabsado distuurka oo ay midi-midi ku taag noqoto sida hadda socota, waxayna badbaadisay soo jiritaanka Somaliland, haddii kale waxa dhici lahaa in sidii dawladdii sal-ballaadh ee General Maxamed Faarax Caydiid uu Xamar kaga dhawaaqay 1995 kii, markii uu geeriyooday waa lagu dhici waayay in la saaro Madaxweyne-ku-xigeenkiisii oo ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), oo waxa loo dhiibay inankiisii Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo Madaxweyne loo magacaabey. Waxa xil qabashada Mudane Daahir Rayaale Somaliland u keentay oo caddaysay in Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya.

Haseyeeshee, waxa jirtay in distuurku uu leeyahay qodobo iska horimanaya oo ay qaar wali ku dhisan yihiin hab-beeleedkii, taas oo ay ka mid tahay qodobka 130aad ee aynu ka soo hadalnay oo aad moodayso in loogu talogalay in Madaxweynuhu uu mar walba ka soo jeedo beesha Isaaq sidaas oo uu heshiiskii Shirkii Boorama uu ahaa, in kasta oo aannu qoraal ahayn haddana sidaas ayuu ku shaqaynayey.

Haddii aynu isla eegno qodobka 89aad, ee ka hadlaya habka buuxinta jagada bannaanaatay waxa uu odhanayaa farqadiisa 1aad: “Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheeggan qodobka 86aad ku timaaddo Madaxweynaha saddexda sanno ee u horreeya shanta sanno ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne-ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku-meel-gaadh ah. Waxana Madaxweyne lagu soo dooranayaa muddo lix bilood gudahood ah.” Farqadiisa 2aad: “Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheeggan qodobka 86aad, kaas oo odhanaya, ‘Waxay jagada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenku Madaxweynuhu bannaanan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos ku sheeggan

1- Xukun dembi ah oo xilka laga xayuubiyey

2- Hawsha oo caafimaad-darro darteed uu gudan kari waayo.

3- Geeri ku timaadda.

4- Is-casilid Madaxweynaha ama Ku-xigeenku wuxuu qoraal xil-ka-tegis ah u gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida, waxayna labada Gole fadhi wadajir ah ku oggolaan amma ku diidi karaan aqlabiyad tirada guud ee labada Gole.

5- Haddii ay Golayaashu diidaan codsiga xil-ka- tegidda ee ku sheegan faqrada afraad ee qodabkan waxa Madaxweynaha amma Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u yeelanayaan inuu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markii uu codsiga hore qortay; waxaanna waajib ku ah labada Gole in ay xil-ka-tegidda ka oggolaadaan.

Haddiise ay ku timaaddo labada sanno ee u dambeeya waxa xilka Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne-ku-xigeenka muddada labada sanno ee hadhay.”

Waxa kale oo uu dastuurka qodobkiisa 91aad sheegayaa awooddaha Madaxweyne-ku-xigeenka, farqadiisa 3aad qabashada xilka Madaxweynenimo markay jagadu bannaanaato sababaha uu tilmaamayo qodobka 86aad. Haddaba, iyada oo Madaxweyne-ku-xigeenku awooddiisa koowaad tahay sida qodobka 91aad uu si cad u tilmaamayo xilkiisa haddana qodobka 130aad iyo qodobka 89aad ay xakameeyeen xilkiisii sababta oo ay ka dhadhammayso inaan loogu talogelin marnaba inuu Madaxweyne ka noqdo dalkan nin aan beesha Isaaq ahayn. Waxa qudha ee loo oggol yahay dhammeystirka labada sanno ee dambe Madaxweynanimada haddii jagadu bannaanaato, taas oo salka ku haya axdi-qarameedkii beelaha Somaliland 1993-kii ee Boorama, ee ay xilalka qaranka ku kala qaybsadeen iyada oo madaxweynuhu ka soo jeedo beelaha Isaaq, Madaxweyne-ku-xigeenkuna beelaha kale. Sidaas darteed, baa loo xakameeyay awoodda Madaxweyne-ku-xigeenka oo looga leexiyey inuu toos ula wareegi karo Madaxweynenimada.

Markii uu Mudane Daahir Rayaale Kaahin xilka qabtay, waxa yaraatay mucaaradadii ku taagnayd xukuumadda, waxaanna oggalaaday sagaal urur inay isu diiwaangeliyaan doorashada dalka ka dhacaysa, doorashadaas oo ay diidanaayeen markii uu Marxuum Cigaal noolaa. Mudane Madaxweyne Rayaale xukuumaddii Cigaal sideedii ayuu u daayay, waxayse ahayd inuu dib u magacaabo, xataa hadduu sideeda u daynayo oo uu dib u dhaariy,o mase uu samayn cidnana kuma qabsan, anigu xilkii uu igu magacaabay Marxuum Cigaal oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaan sidii u sii hayay.

Waxaan goob joog u noqday wufuudii faraha badnayd ee soo booqanaysay Mudane Rayaale, waxaan xusuustaa wefdi odayaal Hawiye iyo Raxaweyn ahaa, oo siday yidhaadeen u yimi inay ka qaybgalaan tacsidii Marxuum Cigaal, ayaa la kulmay Madaxweyne Rayaale markuu la hadlayay wuxuu ku yidhi odayaashaasi; “Jagadan anigu xoog kumaan iman, lacagna kumaan iibsan, qabiilna kumaan iman, sharcigii aannu dhiganay ee aannu ku heshiinay ayaan ku imid, waxaan idin kula talinayaa inaad waxaad ku heshiisaan ee shirarkiina ka soo baxa, inaad socodsiisaan oo ku dhaqantaan, markaas ayaa wax idiin hagaagayaan sidayada oo kale.” Erayadaasi oo aad uga qiiraysiiyay nimankii odayaasha ahaa.

Wufuuda kale waxa ka mid ahaa safiirka Ingiriiska ee Addis Ababa u fadhiya, oo kala qaybgalay furitaankii Hotel Ambassador Madaxweynaha 26-kii June 2002, waxa kale oo soo booqday safiirrada Switzerland, Masar, Liibiya, iyo Italy oo gidigood fadhiya Nairobi oo qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, waxa kale oo isna yimi wakiilka xoghayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ee u qaabilsan Soomaaliya oo la odhan jiray Topman.

Waxa ugu xiiso badnaa wefdi ka socday ururka midowga Europe oo uu hoggaaminayey nin Sudan ah oo la yidhaahdo Waliid Muusa oo muddo badan Soomaaliya joogay, marna arday Xamar ka ahaan jiray, weftigaa Madaxweynahaa la kulmay, waxaana la weydiistay in ay doorashada dawladaha hoose taakulo ka geystaan, taas oo ay naga aqbaleen oo suurtogalisay inay doorashooyinkii kalena ka qaybgalaan oo ay gacan ka gaystaan kobcinta Dimuqraadiyadda Somaliland.

Waxa aan la hubin go’aanka Madaxweyne Rayaale waxa uu noqonaayo dhinaca murashaxnimada Madaxweynenimada ee xisbiga UDUB inuu ku ekaan doono xilkiisu dhammeystirka sannadkan oo sidii heshiiskii Boorama uu Madaxwynuhu noqonayo nin ka soo jeeda beesha Isaaq iyo inuu isa soo sharraxayo isaga oo ku dhaqmaya sida distoorku muwaadin walba ugu oggolaanayo oo aanu cid gaara u cayimin xilalka qaranka. Arrintaas cidina kamay war hayn, haseyeeshee maalintan uu weftiga la fadhiyay ayuu ka badheedhay arrintaas markii Waliid Muusa weydiiyay su’aasha ah: “Madaxweyne adigu ma is sharraxeysaa?” Madaxadweyne Rayaale waxa uu ugu jawaabay eray Ingiriisi ah oo ahaa: “of course” Halkaasaan ku ogaaday aniga iyo weftigiiba inuu Madaxweyne Rayaale u sharranxan yahay Madaxweynenimada doorasha shanta sanno ee soo socota dhinaca xisbiga UDUB.

Weftigii markii uu noqday ninkaa Suudaaniga ee khabiirka ah warbixintii uu ka qoray socdaalkiisii Somaliland ee uu u diyaariyay madaxdiisa Brussels, ayaa si dadban nuqul iiga soo gaadhay, waxa xusid mudan weedh uu ku sifeeyay Madaxweyne Rayaale oo uu yidhi; “Waa lagu qaldamayaa Rayaale ee waa nin fog.

Waxa ayaamahaa xafiiska igu soo booqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda niman siyaasiyiin reer Somaliland ah oo uu ka mid ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo aannu ku baranay xukuumaddii uu dhisay Marxuum Cigaal ee 1997-kii, markii mar labaad la doortay ee aan ka wada midka ahayn.

Axmed Siilaanyo waxa uu iigu yimi xafiiska, iguma ahayn la yaab inuu ii yimaaddo Siilaanyo, markaanu cabbaar sheekeysanaynay, waxaannu iska waraysanay waayaha Somaliland, waxa uu igu yidhi; “Waxaan rabaa inaynu siyaasadda ku shuraakowno, oo urur baan furayaaye, oo inaad ururka ila gashid.” Waxaan u sheegay inaan kalsooni weyn ku qabo Siilaanyo ahaan, “Haseyeeshee, sababo badani ay arrintaa ii suurtogelinayn, waa midda hore’e waxaan ahay ninkii aasaasay xisbiga UDUB, distoorkiisa, calankiisa, astaantiisa iyo qabanqaabadiisiiba hormood baan ka ahaa, waxa kale oo aan ka mid ahay Guddiga Dhexe ee xisbiga, xukuumaddana jagada Wasaaraddan [Arrimaha Dibedda], ayaan ka hayaa Arrimaha Dibadda meel aan hadda kaga baxo ma joogo, sidaa darteed raali baad iga ahaanaysaa.”

Sidaasi ayuu ku qancay oo aannu isugu gacan-qaadnay oo uu igaga tagay, ururkii uu furayna wuxuu noqday xisbiga weyn ee mucaaradka ah ee KULMIYE, waxa waqtigaa isna siyaasiyiintii aan la kulmay ka mid ahaa Engineer Maxamed Xaashi Cilmi, oo isaga aan anigu ballanta ka codsaday, dabeeto xafiiska iigu yimi.

Xisbiga UDUB iyo Wasiirradii ku Jiray Golaha Dhexe

Kooxdii Wasiirrada ahaa ee ku jiray Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB waxaanu ahayn shan;

1. Maxamed Saciid Maxamed (Gees),

2. Axmed Yuusuf Ducaale

3. Rashiid Xaaji Cabdillahi

4. Qaasim Sheekh Maxamed iyo

5. Cabdillahi Maxamed Ducaale, waxaanna wehelinayay Xoghayaha Guud Dr. Cabdi Aw Daahir oo isna Wasiir ahaan jiray oo ahaa nin aad uga shaqeeyay Wasaaradda Caafimaadka ee barnaamijka ‘Cost Sharing’ hirgaliyay intuu aqoonyahanno la tashaday iyo hay’ado, barnaamijkaas oo ahaa inay dadweynuhu cusbitaalladooda maamushaan.

Dr. Cabdi Aw Daahir wuu ka dhex muuqan jiray golaha Wasiirrada dhexdooda dooddaha ka dhaca, waxaannu ka mida ahaa Wasiirrada tirada yar ee Madaxweyne Cigaal erayga kula dhaca oo uu isna tixgaliyo. Waxa kale oo arrimaha xisbiga xil weyn iska saaray; Axmed Yuusuf Ducaale, Rashiid Xaaji Cabdillaahi iyo Maxamed Siciid Gees.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaannu ku kulanay fadhi Dr. Cabdi Aw Daahir oo Xoghayaha xisbiga UDUB ahaa iyo Rashiid Xaaji Cabdillaahi, waxa aannu ka faaloonay sida xisbigu u dooranayo murashaxiintiisa, cidda u noqon karta iyo sida loo xulanayo, markaanu taladii rogrognay waxa Dr. Cabdi Aw Daahir uu soo jeediyay fikrada odhanaysa, “Inaanay hadda haboonayn in arrintaa laga hadlo ee marka hore ururka UDUB uu ku soo baxo saddexda xisbi qaran, markaasaa laga hadli karaa hawlihiisa kale.” Halkaasaana arrintaa ku afjarnay, waqtigaas oo uu socotay ololihii doorashooyinka dawladaha hoose la galaayay.

Waxa taa noogu xigtay isqabashadii Xoghayihii UDUB Dr. Cabdi Aw Daahir iyo Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo xil-ka-qaadistiisii xilka laga qaaday. Waxa Madaxweyne Rayaale ii sheegay mar aan arrintaa is qabsashadooda wax ka weydiiyay. “Mudane Cabdi Aw Daahir iyo odayaal la socday waxay i weydiisteen in doorashada soo socota Madaxweyne-ku-xigeenkiisu uu ii noqdo Cabdi Aw Daahir, taa soo haddii aan ka diiday, isla markaana ku adkeystay in doorashada soo socota Madaxweynaha uu igu wehelinayo ninka aan hadda doortay Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.”

Arrintaa ka bacdi waxaan ku war helay warsaxaafadeedka in Mudane Cabdi Aw Daahir murashax Madaxweyne xisbiga UDUB dhexdiisa uu kula loollamayo Madaxweynenimada Madaxweyne Mudane Daahir Rayaale Kaahin, halkii arrintaa si Dimuqraadi ah loo dayn lahaa, isla markaana loo oggolaan lahaa tartanka murashxnimada xisbiga UDUB wuxuu ka helo Golaha Dhexe dhexdiisa oo sharci ah, xilkii xoghayanimada ayaa waxa xilkii ka qaaday sida ay caddeeyeen Guddiga Fulinta, taas oo aan sharci ahayn, waxa ka qaadi lahaa sida uu dastuurka xisbigu dhigayo gole-shir guud ah oo kii lagu doortay ah.

Halkaa waxa ka muuqata xisbiyada Somaliland u samaysmay inay ilaa hadda dimuqraadiyada iyo sharci ku dhaqanka (Rule of Law) ka fog yihiin oo meel walba ninka madaxda ka ahi, siduu doonayo loogu fuliyo, inta sharciga meel la iska dhigo.

Guddoomiye xisbiyadaas ka mid ah baa shirweynihii xisbiga laga weriyey “Dimuqraadiyaddu ma aha uun in madaxda la beddelo.” Arintaasi waxay keentay in tiradii Golaha Dhexe ee UDUB, oo sharciyan sagaashanka ahaa, kuwaas oo kala ahaa siddeetan shirweynihii xisbiga lagu doortay iyo toban Madaxweynaha awood loo siiyay inuu ku daro oo uu magacaabo, waxa maanta tiradiisii ay boqolaal dhaaftay, iyadoo sharcigii dastuurka waxba laga beddelin. “Awrka dambe Awrka hore yuu socodkiisuu leeyahay” xisbiyadii mucaaradka ahaana waxay raaceen waddadii UDUB oo mid walba nin uun baa iska yeeshay iyo magaca beeshiisa.

Waxa aanu gaar isugu dhaweyn Axmed Yuusuf Ducaale oo markaa ahaa Wasiirka Waxbarashada, ka sokaw Cabdi Aw Daahir oo ahaa xubinta kale ee saddexaad ee igu wehelisay dhismaha iyo yagleelida xisbiga UDUB, sidoo kale baan isagana la soo qaaday sida loo dooranayo murashaxa xisbiga uga qaybgalaya doorashada Madaxweynaha, waxaanse weydiiyay: “Miyaanay fiicnayn in ciddi isla sharraxdo xisbiga gudihiisa Madaxeyne Daahir Rayaale Kaahin, taasoo kobcinaysa Dimuqraadiyadda xisbiga dhexdiisa, haba ku soo baxo Madaxweynuhu eh.”

Mudane Axmed Yuusuf Ducaale arrintaa ma jeclaysan, waxaannu igu yidhi: “Geesow fikradaa naga jooji, xisbiga UDUB baa ku kala jabayee.” Maadaama uu odey weyn oo ixtiraam igu leh ahaa arrintaa ka hadlay halkaasaan ku jaray, dibna uma soo qaadin.

Iyada oo uu fikirkaas Axmed Yuusuf qabay, ayaa haddana looga dhigay Madaxweyne Rayaale nin ku kacsan oo kursigiisa doonaya. Waxa weliba jirtay in Marxuun Cigaal socdaalkiisii ugu dambeyey ee uu Itoobiya ku tegay ee aniga iyo Axmed Yusuf Ducaale aan wehelinay inuu u sheegay Ra’iisal-wasaaraha Meles Sinaawi ee Itoobiya; “Xilka ka fadhiisanayaa oo uu ku wareejinayo Axmed Yuusuf Ducaale.” Haddana Axmed marna ma hungurayn inuu ku qabsado kursiga Rayaale.

Booqashadii Wafdigii Madaxweyne Rayaale ee Jamhuuriyadda Jabuuti

Mudane Madaxweyne Rayaale markii xilka loo dhiibay, waxa uu igu amray inaan dawladda Itoobiya la xidhiidho oo aannu ka codsano booqasho rasmi ah oo uu Madaxweynuhu ku tagayo dalkooda. Dawladda Itoobiya waxay noogu ku soo jawaabtay in aanay hadda diyaar u ahayn oo madaxdii dalka ka wada maqan tahay, waxaanay jawaabtaas naloo soo mariyey wakiilkooda Somaliland u fadhiya. Mar labaad baanu haddana weydiisanay in aannu booqasho ku tagno dalkooda, waxay ku soo jawaabeen in ay markanna mashquul yihiin.

Waxa Madaxweynuhu ii sheegay in uu casuumad martiqaad ah ka helay dawladda Jabuuti, oo markaas xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti aannu wanaagsanayn, kadib markii sigaarkii ina Boore lagu gubay magaalada Berbera, taas oo keentay in Jabuuti xidho xadka dhankeeda iyo Elsiiyadii ganacsatada reer Somaliland ka furan jirtay Bangiyada Jabuuti ku yaal, isu socodkii dayaaradaha, badda iyo dhulkuna waa la joojiyey.

Xaaladda ka dhex taagan labada waddan [Somaliland iyo Djibouti] iyadoo meel xun maraysa ayuu marxuum Cigaal kaga dhintay. Wuxuu Madaxweyne Rayaale jecleystay inuu Itoobiya ku horreeyo inta aannu Jabuuti tagin, haseyeeshee dawladda Itoobiya ayaa ka madax-adaygtay booqashadaasi, markaa wuxuu ku go’aan qaatay in uu martiqaadkii Jabuuti uu ka helay fuliyo.

Waxa xiiso mudan waqtigii uu Marxuum Cigaal Madaxweynaha ahaa Somaliland, waxa wada xidhiidhka iyo wararku loo soo marin jiray ee dhinaca Jabuuti niman Habar-awal ah oo maamulka Jabuuti wax ka ah, sida Mudane Cali Cabdi Faarax, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Jaamac Xeyd Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dawladda Jabuuti, hadda markii uu Mudane Rayaale madaxnimada qabsaday waxa isku xidhkii bilaabay isaga iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle niman Samaroon ah oo maamulka Jabuuti ka mid ah, gaar ahaan ninka Shay la yidhaa ee Qunsulka Safaarada Jabuuti ee dalka Sucuudi Arabiya magaalada Jiddah ay ku leedahay, marna ahaan jiray maamulaha Air Djibouti ee Hargeysa sannadihihii 80aadkii, markaas oo Mudane Daahir Rayaale uu laanta socdaalka Hargeysa haystay.

Haddaba markii Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale uu ila socodsiiyay arrinta martiqaadka Djibouti, waxaan ku dhiirrigeliyay inuu iska hubiyo martiqaadku inuu dhab yahay oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu toos ula hadlo si aannu sidii marxuum Cigaal aannu ku hungoobin. Maalintii dambe ayuu ii sheegay Madaxweynuhu inuu toos uga helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, tagayana berrito aniga iyo Cabdillahi Darawalna [Wasiirka Dib-u-dejinta] raacayno, sidaasaanu ugu ayaanu ku tagnay magaalada Jabuuti 20-kii June 2002, sagaalkii subaxnimo (9:00 am), halkaas oo nalagu soo dhaweeyey, oo naloo galbiyay qasriga madaxtooyadii oo uu nagu qaabilay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Markii aannu kulankii Ismaaciil Cumar Geelle dhammaysanay, ayaa nala dajiyey hoteelka Sheraton, maalintaas oo Khamiis ahayd, waxa qado iyo fadhi gurigiisa noogu sameeyay Ra’iisal-wasaaraha dawladda Jabuuti Daleyti Maxamed Daleyti oo ka soo jeeda qoomiyadda Canfarta, halkaas oo Wasiirro kalena ka soo qaybgaleen martiqaadka.

Maalintii Jimcaha waxa gurigiisa nagu martiqaaday qado iyo fadhi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan xusuustaa waxaan ag-fadhiyey Madaxweyne Ismaaciil miiskii qadada, oo ah nin aad u ururiya taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed, halkaas waxaan uga yar sheekeeyay cilmi-baadhis aan ku sameeyay xidhiidhka dadka Soomaaliyeed iyo ilbaxnimadii dadkii Masaaridii hore dhinaca afka iyo dhaqanka ee ay wadaagaan.

Haddaan ka yar baxo dhinaca siyaasadda, waxaannu arrintaas taariikhdii hore ee Soomaalida ka bilaabantay magaalada Jabuuti mafrash uu lahaa Xildhibaan Antuwaa Faransuwaa, halkaas oo ay isugu iman jireen Soomaali ka kala timi arlada Soomaalidu deggan tahay oo leh Abwaanno, Qoraayo, Aqoonyahanno iyo Heesaayo, halkaasay ka bilaabantay in ummaddii Soomaaliyeed oo is dishay oo kala qaxday oo burburisay wixii ay soo dhisatay oo dhan Jaamacado, Warshado, Tiyaataro, Maktabado, Cusbitaallo mood iyo maalba wixii hoosyaalay burburisay oo u kala qoqoban tahay ardaayo, sidii karaamadoodii loogu soo celin lahaa mar hadday ku kala faquuqantay xagii siyaasadda iyo wada noolaanshaha. Bal dhaqanka ay wadagaan in cilmi-baadhis lagu sameeyo, dadka hawshaa galay dad is-og may ahayn, qofba meel uun buu ka bilaabay, dabadeedna mafrashkaas ayaa lagaga sheekayn jirey sheekooyinkaa oo ku fiday arlada Soomaali deggan tahay oo dhan, sidii qofba qof ugu sii tabinayay, waxay noqotay wax laga sheekaysto oo qabyaaladdii iyo siyaasaddii ka baxsan oo ay dadku wada raali ka yihiin oo aan la isku qabsanayn.

Cilmi-baadhistii ninba meel ayay la gashay, anigu waxaan xiiseeyay fartii hore ee Masaarida, halkaas oo aan ka helay waxyaalo badan oo dadka Soomaaliyeed ay wadaagaan iyo afkooda, dadbaa waxay galeen dhinaca diimaha iyo kutubta samaawiga ah sida Qur’aanka iyo Baybalka, waxay ka soo heleen erayo, weedho afka Soomaaliga la macno ah oo la mid ah iyo sheekooyin carrada Soomaaliya laga yaqaan, dad waxay ka galeen xagga afafka, iyagoo afka Soomaaliga saldhig uga dhigaya afafka kale ee dunida lagaga hadlo, qaar way ku talax tageen iyagoo ku doodaya in dadkuba markii abuurtoodu ka bilaabmaantay arlada Soomalida iyo Geeska Afrika.

Arrimahaas waxay daaha ka fureen taariikhda duugan ee aan cidi war u hayn ee Geeska Afrika, gaar ahaan inta Soomaalidu ka degto, waxay noqotay mawduuc qurux badan oo laga sheekaysto oo lagu faano muddadaa dadka Soomaalidu tiiha galeen.

Waxaan xusuustaa anoo Wasiirka Maaliyadda ah waqtigii Marxuum Cigaal, waxa ila soo xidhiidhay mac-had taariikhda baadha oo Faransiis ah sannadkii 2000, kuwaas oo aan ku martiqaaday inay Somaliland yimaaddaan, arrintaasu waxay keentay taariikhda laga helay Degmada Laas-geel ee caan baxday, waxa kale oo iyana xiiso badan yeelatay jaamacad ku taala Denmark oo baadhitaan ku sameysay dad Soomaali ah oo qaxooti ah oo dhinaca DNA-da laga helay inay yihiin meesha ay ka soo unkantay dadyawga caalamka deggan ee Ilbaxnimada iyo sida wax loo beerto qaarada Yurub iyo Bariga Dhexe ee Aasiya ku fidiyay, dadkaas oo wadaaga DNA-da (E3B1), dadkaas oo laga helo Iraq, Syria, Turkey, Lebanon, Israel, Greek, Italy, Spain, Portugal, Waqooyiga Afrika sida Morocco iyo Algeria, Faraaciinadii hore ee Masar, dalalkaas inta badan boqolkiiba Labaatan ilaa Soddon (20% - 30%) ayaa DNA-daa leh, Soomaalidana boqolkiiba siddeetan (80%) ayaa leh, waxay dadkaas asal ahaan ka soo jeedaan Geeska Afrika ayaa la odhan karayaa.

Waxa kale oo dadkaasi laga helaa Waqooyiga Yurub iyo labada Maraykan Koonfurta iyo Waqooyiga, dadkaa iska leh DNA E3B1, halkaa waxa ka muuqanaysa sheekooyinkii aannu mafrishka Antuwaa ee aannu dhibaatooyinka isku ilowsiin jirnay in wax badani ka tisqaadeen, kana rumoobeen.

Haddaba Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle xiisaha dhaqanka Soomaalida uu u hayo ee gacan u siiyo ciddii kor u qaadaysa dhaqanka ama taariikhda dadka Somaaliyeed, oo ilaa hadda uu wado iyo xidhiidhka uu mafrashkaa la lahaa, ayaa wax badan suurto geliyey.

Haddaba markii aannu qadadii arrimaha kaga haasawnay ayaanu wada fadhiisanay mafrash caan ah oo gurigiisa ku yaal oo si qurux badan loo habeeyay, oo bahashii badeecada la odhan jiray wada taalo. Dhinaca Somaliland waxaannu ahayn Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Mudane Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Anigoo ah Maxamed Siciid Maxamed (Gees). Dhinaca reer Jabuuti waxay ahaayeen Mudane Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cali Cabdi Faarax Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdiqaadir Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Wasiirka Shaqaalaha Mudane Barkhad, La-taliyayaal Madaxweyne oo kala ah Mr. Taani, Aadan Sheekh iyo Ambassador Shay.

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaa nagu soo dhaweeyay fadhigii, waxaana uu ku martiqaaday Mudane Madaxweyne Daahir Rayaale inuu furo hadalka. Madaxweyne Rayaale ayaa hadal kooban oo ka hadlaya dadka labada dal ku nool sida ay isugu xidhan yihiin iyo in khilaafkii siyaasadeed meel la isla dhigo oo ay labada dal xaashi amma bog cusub furtaan dhinaca xidhiidhkooda, waxna wada qabsadaan ayuu hadalkii ku soo gunnaanaday.

Madaxweyne Rayaale uma dhalan qof hadal badan amma aftahan ah, aniga iyo Cabdillahi Darawal ayuu hadalkii nagu soo wareejiyay, guud ahaan waxaannu uga warranay nabadda iyo horumarka, maamulka iyo dib-u-dhiska, halka Somaliland ka gaadhay, iyadoo taageero muuqata ka helin bulshoweynta caalamka, haddana aan ku taalaabsaney doorashooyin is daba joog ah oo mabda’a xisbiyada badan ku dhisan, sidaas oo nabaddu ay ku jirto.

Intii Somaliland ku soo korodhay Geeska Afrika in marba marka ka dambaysa xuduuda aan la leenahay dalalka jaarka ah nabadgalyadoodu ay sii xoogaysanayso iyo xidhiidhka ganacsiga ay la leeyihiin Somaliland uu sii kordhayaan, waxaan ku adkaynay dawladda Jabuuti in xil-gaar ahi ka saaran yahay inay gacan ka siiso Somaliland xagga xidhiidhka guud ee ay la leedahay, gaar ahaan wadamada Carabta.

Anigoo dul maray wadahadalkii waxa xiiso mudan inaan idiin soo gudbiyo hadalkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo aragtidiisii ku wajahnayd dhinaca Somaliland yidhi, taas oo dad badan oo reer Somaliland ahi aanay fursad u helin inay wax ka ogaadaan oo warar ku tiri-kuteen ah ay soo gaadheen.

Mudane Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle: wuxuu hadalkiisii ku furay isaga oo ka sheekaynaya taariikhdii dawladda Jabuuti intii ay xornimada qaadatay iyo xidhiidhka ay la lahayd waddankii la odhan jiray Soomaaliya ilaa markan aannu joogo, wuxuu yidhi; “Waxaannu xornimada qaadanay 27-kii June 1977, wax yar kadib waxa dilaacay dagaalkii dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya dad badan oo askartii iyo dadweynihii reer Jabuuti ah ayaa ku biiray jabhadihii iyo ciidammadii Soomaaliyeed ee ka dagaalamayay degaanka ballaadhan ee Soomaalidu degto ee Itoobiya ka tirsan, dhaawaca dadka Soomaaliyeedna waxa la keeni jiray cusbitaalada Jabuuti. Dawladda Itoobiya waxay nagu eedaysay in aannu dagaalka ka qaybgalnay, iyadoo caddaymo ku keentay teesarooyinkii ay siteen dadkii ka dagaalamayey jiidaasi oo Jabuutaawi ah, dhinaca kale madaxdii dawladda Soomaaliya waxay nagu dhaliilayeen maxaad dagaalka noogala qaybgeli weydeen, waxa aanayse war ka hayn in waqtigaasi dawladda Jabuuti aanay ciidan qaranba lahayn. (War la’aan baa wadaadadda hoday), is afgaran la’aantu halkaasay ka bilaabantay, markii dagaalkii lagu jabiyay Soomaalida ee isqabadkii siyaasi ka dhex bilaabmay dalka Soomaaliya waxa dawladda Jabuuti isku dayday in wadahadal iyo dib-u-heshiisiin ka dhex furto jabhadihii la dagaalamayay iyo maamulkii Xamar.

Haseyeeshee, nasiib-darro qolo walba waxay nagu eedaysay in aannu dhinaca kale la socono, markii maamulkii laga riday Xamar, waxaanu isku daynay inaanu heshiisiino, markiiba shir baanu ku qabanay Jabuuti oo iskugu yeedhnay kooxihii oo dhan, isla markaana aannu isku daynay in aannu dawlad lagu wada jiro oo heshiis lagu wada yahay dhisno.

Qolodiinan Somaliland shirkii Burco ayaa socday, iyagana wefti ayaanu u dirnay, ku warkeenay inay iyagu taladoodii goosteen oo aanay shirka Jabuuti shaqo ku lahayn, sidaasi baanu kaga aqbalnay oo kula shaqaynay.

Ayaan-darro wax yar ka bacdi Cali Mahdi-gii Jabuuti Madaxweynaha lagaga caleemo-saaray General Caydiid ayaa ka qaaday, Cabdiraxmaan Tuurkii Madaxweynaha Somaliland ee Burco lagu doortayna intuu Jabuuti yimi buu yidhi, waxba kama jiraan Somaliland, waan ka noqday, labadii qayboodba dagaallo hor leh ayaa ka bilaabmay Koonfurtii Soomaaliya iyo Waqooyigii Soomaliyaba [Somaliland]. Haddaanu dawladda Jabuuti nahay waxaanu go’aansanay in aannu siyaasadda Soomaaliya faraha kala baxno, dadweynaha Soomaaliyeedse ay Jabuuti u furnaato kii degaya, kii ka ganacsanaya, kii ka dhoofaya oo aan lagu cidhiidhyin iyo passport-ka aan dawladda lahayn laga oggolaado oo aannu ictiraafsan nahay, muddo ayaanu arrintaa wadnay sidaasay ahayd, haddana waanu ka joogi waynay telefoonnadoodii iyo waraaqahoodii wufuudooda oo nagu dhago hadlaysa, iyagoo leh waar yaad nooga heelinaysaan ma Axmaarada iyo Kukuuyada ayaa na heshiisiinaysa, idinkaa cid walba noogu xiga ee wax nala qabta, taasaa mar saddexaad nagu kaliftay in aannu galno dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed oo aannu qabanay shirkii Carta. Annagu [Djibouti] Somaliland waxaanu ku marti qaadnay in ay yimaaddaan oo warkooda ka dhiibtaan halkaa, annagu shaqo kuma lihin haddaad kala go’aysaan iyo haddaad isku noqonaysaan idinka ayay idiin taallaa, ma waxaad noogu cadhoonaysaan oo na leedihiin: Soomaali ha heshiisiinina oo ha isu keenina? Wuxuu tilmaamay weftigii reer Jabuuti ee airport-ka Hargeysa laga celiyay ee Guddoomiyaha Baarlamaanku watay, wuxuu sheegay dadka waxaad doonaysaan waa loo sheegaa ee maxaad diyaaradda dib ugu celiseen qof idiin marti ah, ciddina idimay khasbayn, dhaqankii ayaad meel kaga dhacdeen, wuxuu kaloo tilmaamay aaskii Cigaal diyaarad wefti Jabuuti ahaa oo iyana cirka laga ceshay, waar goormaa tacsi la isu diidi jiray dhaqankii baad ka baxdeen, weftigiina iyadoo diyaaraddu cirka mareysa ayaa lagu ceshay, wefti Xabashi ahina wuu joogay.”

Wuxuu ku dheeraaday arrintii sigaarkii Cabdiraxmaan Boore ee waqtigii Cigaal la gubay, wuxuu yidhi; “Halkan Jabuuti dadku waa wada Jabuutiyaan, waanna laga wada ganacsadaa oo laga wada shaqaystaa, ganacsato reer Jabuuti ah ayaa dhinaca Berbera ganacsi ka bilawday, iyagoo isticmaalaya baananka Jabuuti ku yaal, nimankaasu waxay u badnaayeen rag beelaha Isaaq ka soo jeeda, laakiin reer Jabuuti ah, waxa soo raacay hal nin oo Ciise ah, oo ah Cabdiraxmaan Boore, kiibaa la yidhi reer Somaliland ma tihid oo xoolihiisii la gubay, waar arrintaa arrin dhaqanka ka baxsan baanu u aragnaa.” Halkaasuu la maray Mudane Madaxweyne Ismaciil isaga oo baanaya.

Madaxweyne Ismaciil wuxuu soo saaray oo uu na tusay warqad qoraal uu yidhi Madaxweyne Cigaal baa ii soo diray uu yidhi, mar dawladda Jabuuti weydiisatay in qaxooti Jabuuti jooga lagu soo celiyo Somaliland. Jawaabta Cigaal waxay leedahay: “Ciise dhul uma hayo anigu, dhulkiisii Samaroon baa qaadatay,” hadalkiisa ku soo xidhay Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrintaa waan la yaabay qoraalkaas ah, waxa kale oo la yaabay waxa uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga dan lahaa markuu na tusaayay qoraalkan isagoo Madaxweyne Daahir Rayaale Somaroon ah. Sheekadii dheerayd intaasay ku soo xidhantay. Wasiirradiisii ciddina kamay daba hadal, fadhigiina sidaas ayuu noogu soo xidhmay.

Maalintii Sabtidii Aniga, Cabdillaahi Darawal iyo Cali Cabdi Faarax Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti iyo Wasiirka Daakhilaga ayaa wada qornay heshiish dhowr qodob ah oo nuxurkiisu ahaa in gacancsigii iyo xidhiidhkii la isu furo, dacaayadahana la kala daysto, in muwaadiniintu labada dhinacba ka wada ganacsan karto, in guddi wadaag ah la sameeyo oo nabadgelyada xuduuda ka shaqeeya.

Heshiiskaa waxa lagu soo saaray war murtiyeed ay labada dhinacba saxeexeen, labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda anoo Maxamed Siciid Gees ah iyo Cali Cabdi Faarax oo dhinaca Jabuuti ah, iyada oo laba nuqul lahayd, nuqul Soomaali ah iyo nuqul Faransiis ah, waa markii ugu horraysay uguna dambaysay ee wefti reer Somaliland ah oo booqasho ku tagay waddan kale ay waddankii soo wada saaraan war murtiyeed lagu wada saxeexan yahay, horena uma dhicin gadaalna kama dhicin. Arrintaas waxay furtay dhaqaalihii Somaliland wax weyn bay ka tartay, isu-socodkii dadka iyo ganacsatadaba waa lagu liibaanay heshiiskaas.

Haseyeeshee, markii weftigii dalka ku soo noqday jaraa’idka iyo mucaaradka ayaa aad u dhaliilay socdaalkii Madaxweynaha iyo weftigiisii, iyagoo iska indho saabaya waxtarka weyn ee laga helay. Maalintii Axaddii ayaanu dib ugu soo laabanay Hargeysa 23-kii June 2002.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa si aan cilmi ahayn u dhaliila xidhiidhka siyaasadeed ee dalka Jabuuti, waxase aan qabaa in Somaliland aqoonsigeedu ku xidhan yahay Jabuuti oo aqoonsata, taas oo fure u noqonaysa waddamada Carabta iyo Afrikaba, markay ka markhaati kacdo jiritaanka Somaliland.

Ayaan-darro hoggaankii Somaliland waa ku guuleysan waayey in uu xitaa xidhiidh caadiya la yeesho oo joogto ah. Waxa la yaab leh haddii arrinteeda Somaliland ka dhaadhicin kari weyday dawladda Jabuuti oo dadka madaxda ka ah qof-qof loo garanayo oo la isku wada xidhan yahay, kuma guuleysan karto inay ka dhaadhiciso arrinteeda Xabashi iyo Kukuuyo. Ha ka yaabin!!!

12-kii November 2003 aniga oo markaa dawladdii ku jirin ayaan tagay Addis Ababa, waxa isla maalintaa Hargeysa baabuur ku soo galay safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Itoobiya oo markaa kadibna isla baabuurkii ugu sii gudbay Jabuuti, halkaasna uu kula kulmay Maxweyne Ismaciil Cumar Geelle. Waxa aan ka war helay meelo xogogaal ah in uu ku yidhi safiirka Ingiriiska: “Wax la qabta Somaliland wax bay qabsataye, qolodii kale waxba noqon waayee,” hiilkaasu wax badan buu u taray Somaliland, laakiin dad badani ma oga, wax badan buu sidaas oo kale ka qaban kari lahaa waddamada Carabta hadduu inoo hagar baxo.

Martiqaadkii Madaxweyne Rayaale ee Itoobiya

Martiqaadkii uu ka sugayay Itoobiya Madaxweyne Rayaale ayaa dhaboobay 22-kii July 2003, waxa aannu ka soo noqonay 25 July 2003, saddex casho ayaanu joognay. Madaxweynaha waxa ku weheliyay socdaalkaas Aniga [Wasiirka Arrimaha Dibadda] iyo Wasiirka Ganacsiga oo markaa uu ahaa Rashiid Xaaji Cabdillaahi, Madaxweynaha iyo weftigiisa uu hoggaaminayey waxa qaabiley Ra’iisal-wasaaraha Waddanka Itoobiya Mudane Meles Zanawi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Mudane Sayun Misfin iyo Madaxweynaha Itoobiya. Xukunku wuxuu gacanta ugu jiraa Ra’iisal-wasaaraha, Madaxweynuhu waa iska xil-sharafeed, madaxdaasi mid waliba gaar ahaantii ayuu weftiga uu Madaxweyne Rayaale hoggaaminayey ula kulmay, waxa toos Madaxweyne Rayaale u weydiistay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zanawi aqoonsi, maadaama laba dal oo saaxiib ah la yahay, arrintaas wuxuu kaga jawaabey Meles sheeko baraley laga yaqaano carada Itoobiya oo murtideedu tahay: “Sida loo karin lahaa rah biyo ku dhex jira iyada oo aannu rahu ku dareemin.” Sidaasaanu Somaliland ictiraafkeeda u wadnaa, Sheekadaasu waa naga qoslisay, mase garan wuxuu ula jeeday Zanawi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya isagu quraac shaqo ayuu ugu sameeyey weftiga Hotelka Sheraton ee uu degganaa weftigu, hadallo fiican baa la is dhaafsaday, Madaxweyne Rayaale wuxuu ku yidhi Wasiirka: “Labada waddan ee Itoobiya iyo Somaliland waxa xukunkii hadda gacanta ku haya niman dhallinyaro ah, sidaa darteed waa inaynu xidhiidh cusub oo saaxiibtinimo oo kii hore ka duwan ka dhisnaa Geeska Afrika.”

Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya isaga oo arrintaa ka jawaabaya wuxuu yidhi: “Waa dhab oo labadeenu isku da’ baynu nahay oo kontonkii waxbaa inoo dheer, haseyeeshee Ra’iisal-waasaruhu [Meles Zanawi] waa innaga yar yahay oo waa 45 jir.” Hoosta ayaan iskala hadlay oo waxa ii muuqatay inaan anigu ka wada weyn nahay.

Dawladda Itoobiya marnaba ma noqonayso tii ugu horraysa ee siisa aqoonsiga amma ictiraafka Somaliland, sababta oo ah qaybta kale ee Soomaaliya ayay iyaduna danaynaysaa, waxa iyada dantu ugu jirtaa oo ay ku dedaalaysaa inay hesho dawlad Soomaaliyeed amma dawlado Soomaaliyeed oo la saaxiiba ah Itoobiya, haseyeeshee dhinac kaliya dani uguma jirto.

Maamulka Itoobiya ka dhisani ee ERDPF ka soo jeeda waa nidaam xoog ku qabsaday Itoobiya oo aan rabitaan dad ku iman oo qoomiyada Tigreega oo dad yar ah ka soo jeeda oo lagaga badan yahay dalka, sidaa darteed wuxuu had iyo goor u dhego nugul yahay wixii ka imanaya dhinaca nabadgelyada waxa siyaasaddiisa xukuma qolooyinka nabadgalyada (security) gacanta ku haya oo la dhageystaa. Sidaa darteed, waxa suurtogeli wayday in siyaasad firfircoon oo dhinaca bulshada iyo dhaqaalaha ah uu dhexmaro Somaliland iyo Itoobiya.

Muddadaa labada maamul ay ku soo biireen Geeska Afrika waxa hirgalay diyaaradda Itoobiyan Airline-ta ee oo isku xidhaysay Hargeysa iyo Addis Ababa iyo laba xafiis oo ku kala yaal magaalo madaxyada oo fiisayaasha laga qaato iyo wax xoogaa alaabo ah oo haya’daha dawladda Itoobiya leeyihiin u soo mara Dekadda Berbera. Inkastoo dawladda Itoobiya lagu martiqaaday inay baanan iyo caymis ka furato Somaliland iyo Telefoonka microwave-ka ah la isku xidho, nalka xoogga korontada ah noo soo gudbiyaan oo laga iibsado oo mashaariic wadooyinka ah la wada raadsado, wax badani kama hirgelin dhinaca Itoobiya, maamulka Somaliland-na kama faa’iidaysan waxyaalo badan oo ay Itoobiya u diyaar ahayd inay la qabato. Maamulka dawladda Itoobiya wax weyn uun baa la waydistay, wax yar oo la heli karo cidina iskuma dayin, lamana dabagelin, haddii la weysdiisto, haseyeeshee waxa lagu guulaystay in cilaaqaad caadi ah oo kalsooni leh la wadayeesho.

Waxa lagu qiyaasayaa muddo labaatan sanno ka bacdi ah in tirada dadka ku nool Itoobiya oo hadda ah 70 milyan ay noqon doonto 140 milyan oo laba-laabmi doonto, sidaas darteed kuma filnaan doonto dekadda Jabuuti si kasta oo loo wayneeyo, waxay ku qasbanaan doontaa inay hesho adeegsiga dekadaha Eriteriya ee Badda Cas ku yaal amma kuwa badweynta Hindiya iyo gacanka Cadmeed ee carrada Soomaalida ku yaal, si heshiis nabadeed ah amma xoogba ah, arrintaasina waxay u baahan tahay in maskaxda lagu hayo oo lagu talogalo intay goori-goor tahay.

Martiqaadkii Shirkadda SGS ee Swizerland

Bishii August 8-dii sannadkii 2002, ayaan martiqaad ka helnay shirkad reer Switzerland ah oo la yidhaaho ‘SGS’, Aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ah iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo markaas ahaa Saleebaan Koore iyo dhakhtar xannaanada xoolaha ah oo la yidhaaho Cali Yuusuf, haddana xildhibaan ah, weftigayagaas waxaanu tagnay Geneva, kharashkayaga tigidhada iyo Hotel-ka waxa qabtay shirkadda, soo dhawayn heer sare ah ayaa nalagu qaabilay.

Waxaanu kala hadalnay in dawladda Somaliland iyo shirkadaasu ay yeeshaan heshiis ay shirkadu shahaado caafimaad oo magaceeda ah xoolaha lagu dhoofiyo, iyado xeryo karantiimo ah oo xoolaha lagu tallaalo intaanay dhoofin iyo shaybaadho ay maamusho ka sameyso Somaliland gudaheeda meel Burco ah, meel Hargeysa ah, Tog-wajaale iyo Berbera iyo waliba hubiso in maraakiib xoolaha loogu talogalay lagu qaado xoolaha oo si casri ah xoolaha loo dhoofiyo, iyadoo neef waliba uu leeyahay shahaado caafimaad, heshiiskaas ayaa naloogu yeedhay, halkaas oo aannu qaybtiisii hore ku soo saxeexnay. Haddaba dadku kama warqabaan sheekadaasi shirkada SGS sida ay u bilaabantay iyadoo mar-marka qaarkood magaceeda lagu soo qaado warbaahinta oo dad madaxda ah ay mar-mar ka hadlaan.

Waxa warkeedu bilaabmay shirkadaasi SGS oo ah shirkad caan ku ah waddanka Switzerland, xafiisyadana ku leh waddamo boqol kor u dhaafay oo xaqiijisa alaabta la isu iibgaynayo noocyadeeda iyo waxa ay tahay, iyo iyadoo hubinaysa sidii lagu heshiiyay inay tahay waxaan xidhiidhkeeda bilaabay 1998-kii kadib markii bishii February ee sannadkaasi ay dawladda Sucuudigu xayiraad ku soo rogtay xoolihii u dhoofayey dhulkeeda ee uga imanaayay dhinaca Soomaaliya iyo Somaliland.

Sannadkii ka horeeyay ee 1997, waxay Somaliland dibadda u dhoofisay 3 Milyan oo neef xoolo nool, oo lagu qiyaasay in ay ka soo gashay dalka iyo dadka xoolaha ka ganacsada lacag dhan 120 ilaa 150 Milyan oo dollar, dawladduna waxa ay dakhliga cashuurta ka heshay ilaa 10 Milyan oo dollar, markii dawladda Sucuudigu ay ku dhawaaqday xayiraada xoolaha waxa muuqatay in dhaqaalihii Somaliland dhabarka ka jabay, waxa loo baahday in la helo hab casri ah oo xoolaha looga gacansado, waxa ii cadaatay markaa aniga oo Wasiirka Qorshaynta ah in shahaado caafimaad oo sheybaadh Somaliland ku yaallaa uu bixiyo aannu noqonaynin wax dawladi ictiraafto, haddii xitaa Somaliland la icitiraafo, inaanay cidina ku kalsoonaan karayn aqoonta sheybaadhyadeeda, waxaad moodaa halka maanta adduunku marayo oo ay fududaatay in cudurradii dadka iyo xayawaanka isaga gudbayaan in loo baahday sheybaadho iyo aqoon casri ah, kaas oo ay ka bixi karaan qudha shirkadaha waaweyn ee caalamiga ahi ee aannu ahayn mid dal yar oo sabool ah oo aan la ictiraafsanayni aannu awoodi karayn , xitaa haddii la ictiraafo.

Dad badan baan kala kaashaday sidii aan u heli lahayn shirkad noocaasi oo kale ah, waxase caqabad nagu noqday markiiba Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi Fooyaan oo dhakhtar xoolaha ah, oo filanayay in sidii xilliyadii hore ee Soomaaliya mucaawino laga helayo dalal deeqbixiyaal ah oo u samayn doona shaybaadho, wuxuu igula qanci waayay inaanu heerkaasi aannu suurtogal ahayn adduunyadan maanta joogta ee aqoon intan ka sareysa loo baahan yahay, Hay’ada WSP oo Swiss ah ayaa igu soo xidhay shirkadaa SGS, sidaasaan xidhiidh kula sameeyay, iyadoo xidhiidhkii noo socdo ayaa sannadkii 1999 ayaa la igu magacaabay bishii May Wasiirka Maaliyadda.

Nin xafiiskooda Addis Ababa joogay ayaa nala soo xidhiidhay oo dhawr jeer Hargeysa noogu yimi oo wixii tirakoob ah ee xoolaha nool la dhoofiyo iyo badeecadda kala duwan ee la soo dejiyo oo aannu buug sannadkaa ku soo saarnay naga qaatay (Export-Import Statistics 1999). Booqashadaasu iyo xidhiidhkaasu waxay dhalisay in hay’adaasu u soo dirto Somaliland khabiir xannaanada xoolaha ah, kaas oo dalka soo maray oo soo calaamadiyay meelaha dalka xoolaha lagu karantiimaynayo, ninkaas oo nin Faransiisa ahaa warbixin la yaab leh ayuu ka qoray, wuxuu dabadeedna shaqo ka helay oo warbixintii uu Somaliland ka sameeyay ku qaadatay hay’ad France ku taala oo marka la soo gaabiyo magaceeda la yidhaaho (O.I.E) hay’adaas oo uu qaabilsan waddamada xoolaha nool dhoofiya oo shuruucda ku saabsan arrintaas soo saarta, waanna sharcigii ay inoo adeegsatay dawladda Sacuudigu markii ay xoolaha Somaliland xayiraysay. Shirkaddii nin kale oo cusub ayay arrintii u soo dirsatay, dhakhtar kale oo isagu reer Switzerland ah, nasiib-wanaag Wasaaradiina Wasiir cusub baa lagu magacaabay Saleebaan Koore, inkastoo aannu isagu dhakhtar xoolaad ahayn nin firfircoon oo inuu wax qabto ay ka muuqatay ayuu ahaa, si fiican ayaanu markaa u wada shaqaynay oo isula jaanqaadnay.

Warbixin labaad ayaa laga soo saaray mashruucii iyo sida loo hirgalinayo xagga farsamo ahaan sannadkii 2001 December ayaa Wasaaraddii Maaliyadda la iga beddelay, xidhiidhkii shirkaddu markaa wuu joogsaday ay la lahayd xukuumadda Somaliland, haddana markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda la igu magaacabay March 2002, ayaa xidhiidhkii shirkaddu dib-u-cusboonaaday, taas oo keenay martiqaad la soo mariyay nin la yidhaaho Maxamed Cumar Dubad, oo safaaraddii hore ee Soomaaliya sii jooga oo aannu in badan is naqaanay, wuxuu ii sheegay mar dambe oo ii warramay sida ay ku dhalatay martiqaadkani, wuxuu yidhi: “Ninkii madaxda u ahaa shirkadda SGS ayaa la beddelay, markii xil-wareejintii loo tirinayay ayaa waxa loogu daray xil-wareejintii warbixintii mashruucii xoolaha ee Somaliland, ninkii maamulaha ee shirkadda oo dhan haystay ahaa aad buu u xiiseeyay mashruucii, waxaannu sheegay inuu noqonayo mudnaantiisa koowaad, saamilayda shirkaddana la ogeysiinayo mashruucan oo ah mid ay magac ku helayso shirkaddu wadan yar oo aan la ictiraafin oo dhaqaalihii noloshiisu ku xidhnayd laga xayiray haddaynu wax u qabano waxay shirakadda u noqonaysaa borobagaandhe aad u fiican oo sumcaddeeda kor u qaada, sidaasuu deg-deg naloogu fidiyay martiqaadkan.”

Heshiiska qaybtiisii labaad waxaannu ku saxeexnay Hargeysa oo wefti ay u soo diratay shirkaddu oo Madaxweyne Rayaale uu qaabilay, waxa waddanka Switzerland xidhiidh fiican la leeyahay boqortooyada Sucuudiga iyo dalalka Carabta ee kaleba, waa waddan siyaasaddiisu dhexdhexaad tahay oo aan is-bahaysiyada caalamiga ka mid ahayn oo aan dal kale isticmaarsan amma gumaysan, sidaa darteed qoysaska reer Boqor ee Sacuudiga ayaa ku raaxaysta oo guryo ku leh, waxay shirkadu sannadkii 2003 ku guulaysatay in wax alaale wixii Sucuudigu dibadda ka soo iibsanayso ay ka noqoto cidda ka hubinaysa oo ay xafiis ka furato Jiddah, waxa halkaa ka muuqatay inay iyadu labada darafba ka hubinayso markay Berbera ka tagayaan iyo markay xaggaa tagaanba oo ay shahaadadooda la ictiraafsan yahay.

Wefti shirkada ka socda ayaa Somaliland yimi bishii March dhexdeedii oo ujeeddadoodu ahayd inay heshiiskii u dambeeyay la saxeexdaan dawladda Somaliland. Markan waxay ahayd mar ay doorashadii Madaxweynaha wax yari ka hadhsan tahay, waxa markaa lagu mashquulsanaa doorashada, weftigaa anigu lammaan kulmin la imana ogeysiin markaas oo aniga la igama jeclayn madaxtooyada, waxa qaabilay Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo markaa ahaa Saleebaan Koore iyo Wasiirka Ganacsiga Rashiid Xaaji Cabdillaahi, Madaxweyne Rayaale-na wuu qaabilay, waxa la ii sheegay inay markay dhoofeen in xaggii kharashka lagu heshiin waayay oo lagu kala tagay, halkaasi bay faro madhni weftigaasi dib uga noqdeen, halkaas ayay ku dhimatay himiladii lagu casriyayn lahaa dhaqashada xoolaha haddii ay hay’adaasu ku guulaysan lahayd waxa Somaliland ka hirgeli lahaa oo dadka soo jiidan lahaa inay kor u kacdo oo maalgalin loo helo xoolo dhaqashada, taas oo ah kheyraadka qudha ee ay leedahay.

Waxa xiiso leh in dalka Switzerland uu dhaqaalihiisu ka soo jeedo oo uu ku dhisan yahay ilaa hadda xoolaha, gaar ahaan caanahooda. Bal eeg shirkada NESTLE oo ah shirkad Swiss ah oo caanaha samaysa.

Arrintaa lagu guulaysan waayay, aniga aad bay ii dhibtay oo dadaalkaygii shanta sanno wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay, madaxdii middida daabkeeda haysayna waxa ay dareemi waayeen miisaanka ay leedahay shirkaddu ee Illaahay gacanta u soo geliyay, horaa loo yidhi: “Geeso goodir kulaylkaa lagu gooyaa,” marar dambe ayay xukuumadda Somaliland isku dayday inay heshiiskii dib u noolayso waxa kaloo galay dad dilaaliin ah, arrintaasu way socon weyday.

Waxa xiiso mudan in dawladda Jabuuti oo danaha siyaasadeeda aad ugu adag oo qorshe ku dhaqanta, ayaa dekaddii ay lahayd si ay hore ugu mariso la kaashatay shirkado caalami ah, taas oo keentay inay dekaddo kale sii dhasho, marka aqoon iyo maalgelin la yimaaddaan iyo maamul wanaagsan oo aanay kari-karayn xukuumaddaha caalamka saddexaad, waxay doontay inay xoolaha Geeska Afrika oo dhan ka dhoofiso Dekadda Jabuuti, iyadoo taageero Maraykan ah adeegsanaysa, si ay Berbera uga soo jiidato xoolo dhoofinta, waa waxay xaq u leedahay inay kula tartanto mar haddii aan innagu ka habsaanay.

Waxa kale oo iyana xiiso mudan markii aannu heshiiska qaybtiisa hore la soo saxeexanay shirkada SGS ee aannu Geneva tagnay, waxa noo weydaartay Geneva oo Nayroobi ka soo duulay nin Talyaani ah oo la odhan jiray Tamanini, oo ahaa ninka labaad madaxda hay’adda UNDP ee Soomaaliya qaabilsan ee fadhigeedu Nayroobi yahay, ninkaas wuxuu u tagay shirkadii SGS, waxaannu waydiistay inay tusaan heshiiskii Somaliland la saxeexdeen, waxa jirtay in qodob ka mid ah qodobadda heshiiska uu xaaraamaynay in daraf saddexaad la tuso heshiiska haddii aan oggolaansho laga helin labada daraf ee wax kala saxeexday (Confidentiality Clause), shirkaddii SGS way nala soo xidhiidhay, waxayna noo sheegtay in ninkaas doonayo inuu arko heshiiska ee ma tusnaa, waxaan u sheegay inaan ninkaas shaqo ku lahayn lana tusi karin, sidaas ayaa Talyaanigii faro madhnaan ugu noqday Nayroobi. Arrintaas waxay na dareensiisay in dad badani aanay ka raali ahayn heshiiska lala galay shirkadda, taas oo macnaheedu tahay in aan raali laga ahayn horumarinta dhaqaalaha Somaliland oo ku xidhan horumarinta xoolo dhaqashadiisa. Haseyeeshee, ilaa maanta xukuumad iyo shiciba ciddina uma soo jeedsan horumarintiisa xitaa carwooyin tuulooyinka iyo degmooyinka lagu qabto oo lagu tartansiiyo xoolo dhaqatada ninka dibiga ugu miisaanka weyn dhaqay amma wanka ugu miisaanka weyn amma kuwa ugu caano badiya, oo abaalmarin lagu siiyo sannadkiiba waxay kor u qaadi lahayd xoolo dhaqashada iyo horumarinta xoolo dhaqashada, taas oo ah laf-dhabarta Soomaalida meel kasta oo ay joogto.

BOOQASHADII MADAXWAYNAHA EE LAASCAANOOD:

Madaxweyne Rayaale markii xilka loo dhaariyay geeridii Cigaal ka bacdi, wuxuu ku dhaqaaqay tallaabooyin nabadayn ah oo wuxuu shir la yeeshay salaadiintii iyo ururkii ASAD ee ku kacsanaa xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, arrintaas waxay soo afjartay khilaafkii siyaasadda ee ka taagnaa dhinaca ka qaybgalka doorashooyinka iyo samaynta ururrada siyaasiga ah, shirkaa uu salaadiinta ASAD raacsan la yeeshay waxa loo malaynayaa inay ka soo baxday talo ay u soo jeediyeen in muddada loo kordhiyo oo uu doorashada iska daayo, arrintaas oo uu Rayaale ka dhigtay hadal-hays oo ciddii soo booqataba uu la soo qaado isagoo u sheegaya inuu diiday kordhinta oo uu u badheedhay doorasho aan natiijadeeda la hubin in uu ku guulaysanayo, isaga oo yidhaahda waxaan uga dan lahaa in dimuqraadiyeyntu ka hirgasho Somaliland taas oo danta dalku ku jirto.

Haseyeeshee, ciddina marna ma waydiin cidda uu kordhin lahayd muddada ilayn salaadiinta iyo ASAD wax ma kordhiyaane dastuuriyan, mise waa arrin Guurtida ka timi cidda xaqa kordhinta leh, si kastaba ha ahaatee Madaxweynuhu arrintaa hadal-hays ayuu ka dhigtay, wuxuu bilaabay in xubno qoladii ASAD ka mid ah iyo xubno labada gole ka mid ah, Wakiillada iyo Guurtida, in loo diro magaalada Laascaanood, halkaas oo ay muddo dheer joogeen iyagoo wax ka qabtay shaqaaqooyin kala dhexyaalay ardaayada reer Sool iyo dilal la isku haystay, haseyeeshee dhinacii siyaasadda ujeeddadii laga lahaa oo ahayd in la soo mustafeeyo reer Sool laguma guulaysan, taas oo ay keentay reer Sool oo iska xidhay in siyaasad laga hadlo, kharash badan oo boqolaal kun oo dollar ah ayaa ku baxay hawlgalkaa Laascaanood.

Arrintaas waxay ahayd arrin uu Madaxweynuhu kelidii uu qorshaheeda lahaa isaga oo aan Golaha Wasiirrada waxba kala tashan.

Mar aan Aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibedda ah iyo Madaxweynuhu kulan yeelanay labadayadu qasriga madaxtooyada waxaan kula taliyay in aannu waqti badan iskaga lumin arrimaha bariga oo arrinta Sool ka mid tahay, haseyeeshee Madaxaweynaha oo mar madax ka ahaa xafiiskka NSS-ta ee Gobolka Sool wuxuu aaminsanaa inuu cid walba uga aqoon roon yahay waxa ka jira Gobolka Sool iyo dadkiisaba, waxana muuqatay inaannu qaadan taladaydii.

Wax yar kadib markii waftigii Guurtida odayaasha ahaa ka soo laabteen Laascaanood waxa Madaxweynuhu u diray tiro Wasiirro ah, kuwaas oo xabbad lagala daalay markii ay galayeen magaalada Laascaanood oo ku sigtay in baabuurta laga dhaco iyagana wax la yeelo, waxa dib-u-soo laabtay ayaamo ka bacdi laba Wasiir oo ka mid ah Wasiirradaa, Qaasim Sheekh Maxamed iyo Cabdillaahi Darawal, waxay warbixin siiyeen Madaxwaynaha. Madaxweynaha iyo labada wasiir midkoodna golaha lama ay socodsiin arrimaha Laascaanood, waxa Madaxweynuhu hadal-hayn jiray oo odhan jiray waxaan tagayaa Laascaanood, dabadeed waxaan uga gudbayaa bariga Sanaag oo aan bariga ka soo gelayaa Ceerigaabo, magaalo madaxda Gobolka Sanaag.

Waxa dadku u qaatay in arrintaas tahay xeelad siyaasadeed oo uu ku qancinayo qolada ururka ASAD oo had iyo goor Cigaal iyo xukuumaddiisa ku xujayn jiray, maxaa wax looga qaban waayey Sool iyo Sanaag-Bari. Cigaal wuxuu odhan jiray marka la waydiiyo maxaad Laascaanood u tagi wayday, maamul iigama dhisnee ardaagee ayaan marti u noqdaa oo aan ku degaa ma Jaamac Siyaad? mise Baho Ararsame? mise Ugaadhayahan? Kuwaas oo ah ardaayada beesha Dhulbahante ee Laascaanood deggan.

Bishii December toddobadeedii goor galab ah anoo gurigaygii fadhiya ayaa Xoghaynta Madaxtooyadu ii sheegtay in madaxtooyada la iga rabo 7-da fiidnimo. Waxaan ka war helay in loo diyaar garoobayay in loo baxo Laascaanood oo Madaxweynuhu tegayo habeenimadaa. Arrintaas way igu adkaatay waan la yaabay, waxaan la xidhiidhay Mudane Axmed Yuusuf Ducaale oo waayo-aragnimo badan ku leh dalka, waxaan la socodsiiyay arrinta booqashada Madaxweynaha iyo waftigiisa oo aan ka mid ahay, waxaan ka codsaday in uu Madaxweynaha kala taliyo arrintaa oo ka joojiyo socdaalka, wuxuuse iigu caqli celiyay in Madaxweynuhu mar haddaanu talo ina waydiin inaan loogu tegi karin arrintaas, haddiise aad adigu waxqabtid adigay kuu taallaa inaad raacdid iyo inaad ka hadhid, Aniga oo talo igu caddahay oo ka fakaraya arrintaas ayaa waxa gurigii igu soo booqday Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ah Guddoomiyah Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isaguna wuxuu igu dhiirriyay inaan raaco Madaxweynaha oo aanan ka hadhin. Sidaas ayaan waftigii kaga mid noqday.

Habeen badhkii ayaa Hargeysa oo huruda 12-kii habeenimo ka baxnay Madaxtooyada, kolonyo baabuur ah oo ilaa soddomeeyo ah oo ay ka mid yihiin ciidankii ilaalada Madaxtooyada oo tiknikadoodii wata, booyad shiidaal ah, dhooliyo iyo Land Cruiserro badan oo madaxdu ku jirtay, maadaama oo annagu intii aan Wasiirka ahaa gaadhi Land Cruiser ah damcin oo aanan yeelan, waxa la i siiyay gaadhi bangigu lahaa oo Land Cruiser ah, waxaannu guure ku dhaafay Berbera oo huruda, isaga oo nalkii baabuurtu isqabsaday dhawr kilomitir, mar Burco iyo Berbera dhexdooda la istaagay ayaan hadal la gaadhay Cabdillaahi Darawal, Wasiirka Dib-u-dejinta, oo aan weydiiyey maxaa Madaxweynuhu ka qabanayaa Laascaanood? Wuxuu igu yidhi: “Wuu ka khudbadaynayaa habeen baynu joogaynaa.”

Waxa waagii noogu beryay meel Caynabo iyo Burco u dhaxaysa, waxaannu galnay Laascaanood abaaro 9-kii subaxnimo, tuulooyinkii aannu sii marnay intaanaan gelin Laascaanood ee degaanka Dhulbahante ahayd sida Guumeys, Yagoori, Adhi-cadeeye, Canjiid waa nalagu soo dhaweeyay dadbaa tubnaa waddada caleemo qoyan lulaya iyo calanka Somaliland, haseyeeshee markaanu galnay buurta kala jeexan ee magaalada laga galo oo kolonyadii baabuurta ahayd qaybtii u horaysay ku leexatay gurigii lagu degayay ayaa labada dhinac ee laamida aannu maraynay xabbad oodda nalagaga qaaday, dabadeedna baabuurtii way kala yaacday, xabbadii way joogsatay, dabadeedna waxa la gaadhay gurigii weftigu degi lahaa, halkaas oo maamulkii Laascaanood ee Somaliland uu nagu sugayay, dadkii waxay noqdeen wax quraacda iyo wax iska seexda hurdo la’aan aawadeed oo meel isku tuura, magaalada dad badani noogama iman, markii la qadeeyay ayaa qaad la dalbaday, waa la fadhiistay ninba meeshuu joogay, Madaxweynihii wuxuu soo fadhiistay hoolkii weynaa ee gurigii lagu deggay, qaadkii oo dadkii soo wada gaadhin nin xoogaa sii haystay mooyee, ayaa Madaxweynihii wuxuu yidhi: “Wasiirradii naga soo horreeyay baynu warraysanaynaa” intaan hadalkii afkiisa ka soo dhammaan ayaa nalagu bilaabay xabbad oo markaana rasaas qoryo waaweyn ka dhacaysa baasuukayaal iyo hubkale, ninba meel buu isku nabay Madaweynaha qolkiisii baa loolla cararay, dhawr askari oo daarada guriga taagnaa xabbadihii baa ku dhacay, talo faraha ayey ka haadday qofba meel buu isku nabay, tiknikadii askartii la socotay baa dibadda looga saaray gurigii oo ka hortagtay qoladii nagu soo duushay, waxa la iswaydaarsaday rasaas oo dhinac walba u dhacaysay, Madaxweynihii baa si degdeg ah gaadhigiisii loo saaray, qof waliba baabuurkiisii buu ku booday xabbadii oo dhacaysa, waxa loo cararay dhinaca koonfureed ee maagaalada oo ay degaan ardaaga Bah-Ararsame Wasiirka Caddaaladda oo ka soo jeeda ardaagaa oo sarkaal ciidammada aahaan jiray ayaa dalyaqaan ka ah, kolonyadii baabuurta ahaa ayaa si habaqle ah isku soo dabagashay, markii magaalada laga baxay ayaa la joogsaday si la isu soo gaadho oo la isu tiriyo wixii dad maqan iyo wixii baabuurta maqan, DC-gii Caynabo ayaa baabuur kaxaystay si uu casho ugu sii sameeyo waftiga, isaga oo weftiga intii kale meesha taagan yahay markiiba waddadii laamida ahayd ayuu ku dhacay oo Caynabo ayuu gaadhay, haseyeeshee weftiga intiisii kale waxa afka loo saaray hawd iyo wadada Buuhoodle, nimankii Dhulbahante ee dalyaqaanka ahaa wadadaa dheer ayay na mariyeen, gabalkii baa noo dumay, warkiina BBC-daa sii daysay wixii ka dhacay Laascaanood, tuuladii aan soo marnaba rasaas bay nagu soo ridaysay anana waan ku celinaa, tuulada Widhwidh baanu ka soo laabanay, waa’ soo dhawaadkii ayaanu soo galnay tuulada Oog, markaasaanu Caynabo soo gaadhnay, dabadeedna Madaxwaynihii guri baa lagu dajiyay iyo weftigiisii dadkii kalena meelaa lagu kala dajiyay, casho qabowday oo galabtii la sii sameeyay baanu halkii ku cunay, dabadeedna waa la iska kala daatay.

Aroortii waxaanu nimi gurigii Madaxweynuhu degganaa oo quraacda lagu sameeyey, markaan anigu gurigii imi, waxa markiiba gacanta i qabtay Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isagu la deganaa Madaxwaynaha guriga, dabadeedna banaanka iila baxay meel guriga ka baxsan wuxuu ii sheegay isagoo si u werwersan inuu xalay magaalada uu soo gaadhay Mudane Ismaaciil Aadan Cismaan Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka yimi Hargeysa, dabadeedna uu Madaxweynaha gaadhsiiyay farriin, inkastoo aan luloonayay waxa ay farriintu ahayd: “In golihii Wasiirrada intii ka hadhay ay shir ku yeesheen Hargeysa oo uu guddominayey Madaxwayne-ku-xigeenku Mudane Axmed Yusuf Yaasiin, waxa lagu go’aansaday inuu Madaxweynuhu Burco fadhiisto oo uu xaalad degdeg ah ku soo rogo dalka, dabadeedna la qaado dagaal lagu qabanayo Laascaanood oo lagaga hor tegayo Puntland.” Waxa aannu isla garanay Wasiir Cabdillaahi in ay arrintaasi dhabar-jab ku keenayso barnaamijkii dimuqraadiyaynta. Doorashadii ugu horraysay ee dawladaha hoose oo ay ka hadhay 7 casho haddii la galo dagaal aan la garanayn wuxuu ku dhammaanayo iyo intuu soconayo, Madaxweyne Rayaale-na muddadii Madaxweynimada dhammaystirka ahayd waxa markaa uga hadhsan bil qudha waxa waddanku galayaa khalkhal dastuuri ah oo si looga baxo aan la garanayn.

Waxaannu isku raacnay in arrtintaas wax laga qabto oo aanay dhicin, saaxiibkay Cabdillahi Madaxda kuma dhiirrana Madaxweynayaasha

(Waxa uu ku kaftamaa waxan ahay loyal kukuyo), haseyeeshee waa siyaasi hal-abuur leh, oo qunyar socod ah, ku dedaala adkaynta nabadda, dhinaca siyaasadda dibadda aad ugu fiicaan oo diblomaasi ah, bashaash ah oo kaftama, waxa uu mar hore gartay laxaadka Dawladda Itoobiya ku leedahay siyaasadda Geeska Afrika, toddobadda dal ee ku jira ururka IGAD lix ayey Itoobiya xad la leedahay, biyaha webiyada dalalkaasi maraa waxay ka yimaaddaan Itoobiya, weliba dadka Geeska ugu badan ayaa ku nool dalkaas, sidaas darteed Cabdullahi waxa u wax weyn ka qabtay xidhiidhka labada dal, markuu Wasiirka Duulista ahaa ayuu oggolaaday diyaaradaha Itoobiya inay Hargeysa ka duulaan iyo markuu Wasiirka Warfaafinta ahaana waxa uu oggolaaday in raadiyaha Somaliland laga sii daayo banaamijyo afka Amhaarada ah, maanta oo uu hayo xilka Arrimaha Dibadda wax weyn ayuu ka qaban doonaa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu ku kaftamaa xidhiidhkiisa Itoobiya oo yidhaahdaa saw reer ayayday ma aha oo nin H/Xabuusheed ah ma ihi. Siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ah ayaan arrinta Itoobiya aan miisaankeeda weli garan oo u dhaqma sidii lixdamaadkii.

Haddaba, saaxiibkay kuma aan hallayn ee waxaan markaa ku tashaday inaan hawshan anigu bilaabo oo aan Cabdullaahi kaga horeeyo.

Markii la quraacday ayaa Madaxwayne Rayaale shir isugu wacay intii Wasiirradii la sacday ahayd oo ay weheliyaan laba xubnood oo Shirguddoonka Guurtida ah Sheekh Axmed Aw. Nuux iyo Siciid Jaamac Cali, Madaxweynihii waxa uu u holaday inuu hadalkii bilaabo markii afkiisa ay ka soo baxday erayga ah : “Xukun degdeg ah.” ayaan ka hortagay anoo ka cabsi qaba haddii hadalku ka soo wada baxo oo uu go’aan noqdo way adkaanaysaa sida loo jabiyo, madaxda Afrikaanka ahi ma jecla in go’aankooda laga daba hadlo, sidaa darteed baan ku gar-darooday Madaxweynaha oo hadalkii ka joojiyay oo aan ku idhi, Madaxweyne go’aanka adigaa iska leh kama dambaysta ah, haseahaatee intaas oo Wasiir oo kula socota bal horta ra’yigooda dhagayso oo hadhow siday kula noqoto ku go’aanso, Madaweynuhu si cadho leh ayuu iigu yidhi: “Haye, bal adigu bilow!”. Waxaan si kooban ugu sheegay in xaaladda Laascaanood wixii laga yeelayo aan dib u dhigano markaan Hargeysa ku noqono, oo golayaashu isu dhammaadaan, haddase waxa inala gudboon inaan doorashada dawladaha hoose ee toddobada casho, maalintii la qaban lahaa ka hadhay aan hirgelino, oo Ololihii ururka UDUB aan galno. Wasiirradan kula socda aad nin walba gobolkiisii u dirtid si uu uga qeybgalo ololaha doorashada, Madaxweynaha iyo Wasiirrada Sanaag aan ilaa Ceerigaabo socono oo ololihii doorashada aan bilowno oo aan ku soo khatino Hargeysa innaga oo soo marayna Ceerigabo, Burco, Sheekh, Berbera. Waxa arrintaas igu raacay Cabdillahi Maxamed Ducaale oo aannu isla ogayn, Xuseen Faarax Doodi, Dr. Xasan Ismaaciil, waxa taladii ka hor yimi Cabdillahi Darawal, Qaasim Sheekh Mohamed, Sheekh Axmed Aw Nuux intaan ka xasuusto. Mar labaad baanu haddana meertadii hadalka ku wada noqonay, markaas ayaa Madaxweyne Rayaale ku qancay taladaydii oo weftigii kala ambabixiyay.

Wuxuu olalahii doorashadu ku bilaabay khudbad lagala hadlay dadka Caynabo annagoo sii marayna Gar-adag, Ceel-afwayn, ilaa aannu Ceerigaabo gaadhnay, meel walba Madaxweynaha si diiran ayaa loogu soo dhaweeyay, meel walbana fagaaruhuu kala hadlay iyo Wasiirradda qaar ka mid ihi, soo noqodkiina wuxuu ka hadlay Madaxweynuhu fagaaraha Burco iyo Berbera iyadoo maalini ka hadhay doorashadii ayaanu ku soo noqonay Hargeysa, halkaas oo Madaxweynuhu kala hadlay khayriyada dadweynaha.

Doorashadii dawladaha hoose si nabadgalyo ah ayay ku dhammaatay, waxa 6-dii urur ee ka qaybgalay ugu sad roonaa ururka UDUB oo ahaa kii xukuumadda oo helay kala badh tiradii foodadka, shantii urur ee kalena waxay heleen badhkii kale doorashadaas oo xalaalaysay sida dastuurku dhigayay in saddexdii xisbi qaran kala noqdaan UDUB, UCID iyo KULMIYE.

Waxaan mararka qaarkood aniga oo aan xil siyaasadeed hayn kana hadhay siyaasadda, igu soo dhaca haddii subaxdaas Caynabo ee la cadhaysnaa aan Cabdullaahi Ducaale iyo Aniga iyo Wasiiraddii nagu raacay talladii, gaar ahaan Wasiiradii reer Sanaag ee Xuseen Doodi ka mid ahaa, maanta Dimuqraadiyadda lagu faanaa ma jiri lahayd waddanku ma jiri lahaa, Rayaalese Madaxweyne ma ahaan ahaa?

Raadkii ay ka tegtay Booqashadii Madaxweynaha ee Lascaanood.

Waxaan weli ka yaabaa ciddii maamulaysay socdaalkan, guddi iyo qofba ha ahaatee, Wasiirro xayn ah ayaa Madaxweynaha ku weheliyey socdaalkan, kuwaas oo aan ka mid ahay waxa aan qabanayno iyo waxa wefdiga xaddigaas lehi ka qabanayo Laascaanood ciddina isma weydiin, xagga nabadgelyadda Madaxweynaha iyo wefdiga cid gaar ah oo u xil saarayd ma jirin, waxa iigu yaab badnayd taliyaha booliska iyo taliyaha ciidanku labadooduba qol aannu dhawr Wasiir ku jirnay ayey iyana hurdeen, markii rasaastu nagu bilaamantay, go’aanka ka soo bixidda waxa lahaa Madaxweynaha, waxa uu ahaa go’aan sax ah, waxa uu uga tudhay dadweynaha reer Lascaanood dhibaato dagaal iyo burbur, ma noqon sida xukuumadda Imbigaati oo dadkii Xamar madfaca ku garaacday oo wax dhintay iyo wax qaxay ka yeeshay, Madaxweyne Rayaale damiirkiisu waa u oggolaan waayey inuu sidaa yeelo, qalbi ra’xiim ah ayuu leeyahay in kasta oo arrintaas ay ku dhaliileen mucaaradku oo ay isku dayeen inay uga faa’iidaystaan ololaha doorashada, waxase dhacday in waqti dambe uu Madaxweynuhu go’aamiyey isaga oo aan golaha u sheegin oo aan kala tashan uu ciidan beeleedkii iyo booliskii Laascaanood ee maalintii la soo weeraray waxba ka celinwaayey iyo Madaxdii kale ee gobolka ku magcaabnayd ayaa mushaharkii iyo kharashkii kale xayiraad laga saaray muddo saddex bilood ah, markii dambena Laascaanood ayaa laga soo raray oo Caynabo ayaa la isugu keenay, taas ayaa fursad u siisay in Puntland ay qabsato Laascaanood oo ku soo dhiirato. Maalintaas kadib uma suurtagelin madaxdii Gobalka Sool ee Somaliland ka tirsanayd inay Lascaanood ku noqoto amma tegto, arrintaas mushahar ka joojintu waxay iyana ku dhacday dhinaca Sanaag-Bari ciidammadii iyo booliskii ka qornaa degmooyinka Bariga Sanaag inkasta oo aanay ku jirin xayiraadda Sool la saaray, waxa arrintaas iska fidsaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Taliyahii Booliska, waxay sababtay Saldhigga Booliska Badhan oo dhul weyn ka fadhiyey oo weligii ku jiri jiray gacanta askarta Somaliland u qoran oo xitaa iska horimaadyo badani ka dhacay, ayaa markii seddex bilood mushahaaro la siin waayey ayey askartii ku wareegeen Puntland oo mushaharkii siisay sidaas ayaa saldhiggii gacanta u galay qolooyinka Puntland u ololeeya.

Hawlihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Siyaasiinta Somaliland waxay jecel yihiin inay qabtaan xilka wasaaraddan, wax lala yaabo ma aha oo waxay kaga cararaan dayaca iyo baahidda taalla dalka gudahiisa, habeennada ay dibadda joogaan oo ay ku dhaxaan huteellada waaweyn ee Hilton iyo Sheraton ayey ka nastaan dhibaatada oo Wasiirro u ekaadaan kuwooda xarfaanta ihi muddada iyo bixitaanka dibadda ayey badsadaan, si ay xoogaa dhigaal ah u soo samaystaan, haseyeeshee waa Wasaaradda ugu shaqada liidata, meel qof xishoonayaa ka shaqeeyo ma aha; dal aan la aqoonsanayn oo aan lagu siinayn borotokool dawladeed iyo habmaamuskii Wasiirnimo, safaaraddo shaqeeya oo la aqoonsan yahay oo kula shaqaynayaa aanay jirin, waxay ku haboonaan lahayd in la isku daro iyada iyo Wasaaradda Qorshaynta, siday mar ahaan jirtay oo loo bixiyo Wasaaradda Iskaaskiga Caalamiga, waayo-aragnimo ayaan ka hadlayaa.

Aniga oo labada Wasaaradoodba xilka Wasiirnimo ka soo qabtay. Wasaaradda Dib-u-dejintuna waxay ku fiicnayd inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay qayb ka noqoto. Muddadii 14 bilood ahayd ee aan xilkeeda hayey waxaan isku dayey bal inaan wax ku soo biirsho, waxa ii muuqatay inaan wax qoraal ah oo ka hadlaya qaddiyadda Somaliland iyo ictraaf-doonkeeda aannu jirin oo aan hore loo qaban, markaas sida Soomaalidu u badan tahay waxay ahayd uun in la murmo oo hadal uun ayey ku koobnayd arrinta Somaliland. John Drysdale ayaa igu yidhi mar aan la sheekaystay Wasiir ka mid ahaa Wasiirradii badnaa ee xilka Wasaaradda soo maray, waxa u igu yidhi looma baahna qoral ee hadal ayaa loo baahan yahay, Wasiir kalena waxa uu hadal hays ka dhigtay waanu ku garaacnay Arrinta Somaliland madaxdii aan la soo kulmay.

Haddaba Aniga oo macallin Jaamacadeed ahaan jiray waxa iga dhaadhacsanayd in erayga daabacani uu madhax iyo xasuus ka tegayo hadalkase la iska ilaawo. Sidaas darteed Wasaaradihii aan soo qabtay xilkooda waxan kaga tegay qoraallo Maaliyadda iyo Qorshayntaba, Wasaaraddana waxaan diyaarinay anagoo la kaashnayna, xafiiska Somaliland ee London iyo Matt Brydan oo khabiir reer Canada ah: briefing Paper: The case For Somaliland’s International Recognition as Independent State. Buuggaasi oo noqday in ciddii wax ka qoraysa Somaliland ay marjac ka dhigatay la soo qaado, waxa ay ahayd in daabacaad labaad lagu sameeyo oo wixii qoraallo cusub ee la helo lagu daro, gaar ahaan, nuqulladda tilmaamaya dawladahii ictiraafay Somaliland markii ay madaxbannaanida ka qaadatay Dawladdii Ingiriiska, 26-dii Bishii June sannadkii 1960.

Waxa Safiir David Shiin ku sheegay qoraal uu kaga hadlay Somaliland taar bogaadin ah oo uu soo diray Xogyahii Arrimaha Dibadda ee Marykanku waagaas oo uu ku bogaadinayo Somaliland xoriyadeeda, haddii la raadsho meelo badan ayaa laga heli lahaa qaar la mid ah, waddamada ay ka mid yihiin Ghana, Geni, Masar, Hindiya, Indoonisiya, Jogoslafaakiya, dalalkaas oo waagaa u ololayn jiray xornimada dadka la gumaysto, Somaliland waxa kaga baxa 400,000$ (afar boqol oo kun oo doolar) sannadkii xafiisyo ay ku leedahay dalalka dibadda. Waxaase ka sheeqeeya oo la ictiraafsan yahay xafiiska Addis Ababa inta kale xafiisyaba ma laha rag ayaa iska qaata oo lagu naasnuujiyaa oo shaqo looga dhigaa, dawladaha ay la joogaan ma ictiraafsana oo wax madax ah ma arkaan marka laga reebo Proofisar Iqbaal oo Waddanka Koonfur Afrika jooga mooyaane, waxaan kula taliyey Madaxweynaha inuu lacagta ka joojiyo dadkaas oo xafiiska Itoobiya la siiyo lacagta oo nin waayo-arag ah oo heer Wasiir ah la geeyo oo loo hagar baxo, haddii sidaasi la yeelo waxa uu ka mid noqon lahaa safaaradaha ugu awoodda badan ee Addis Ababa jooga, waxa loo awoodi lahaa guryo waaweyn iyo xafiisyo, baabuur fiican, Addis Ababa waxa ka furan 89 safaaradood iyo xafiiska AU-da, halka maanta ay ka hawlgalaan shaqaale laba boqol qaata oo shaxaadaya cidda ay la kulmaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa igu yidhi waar xafiiska soo maalgashada oo wax uu dadka ku dhexgalo soo siiya ninka aad meesha ku soo qorteen, dhinacayaga albaab kasta waan u furaynaa, nasiib-darro taladaas lama qaadan, waxaan ku war helay in nimankaas wakiillada isku sheega mid ka mid ihi igu yidhi waan maqlay inaad xafiiskayga xidhaysid waa inoo tahay oo uu bilaabay aflagaado iyo dacaayad. Waxa la heli kari lahaa in la adeegsado dad reer Somaliland ama ajnebi ah oo mu’tadawacnimo ku shaqeeya, haddaba qaar badan ayaa ku shaqeeya oo guulo waaweyn u soo hooyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Somalilandba, oo ciddina wax maalgelin ah siin, shaqaalaha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala xafiisyadii wakiillada Somaliland ee Jabouti, Yemen iyo Itoobiya, waxay uun qaadan jireen xoogaa gunno ah marka ay dibadda joogaan marka la soo beddelo wax mushahaaro ah ma aanay lahayn, sidaas darteed waxaan u soo gudbiyey Madaxeynaha iyo Wasiirka Maaliyadda in la siiyo mushahaar u dhiganta ka shaqaalaha Wasaaradda gudaheeda joogaa ay qaataan, dibadda marka ay joogaana ay gunnada qaataan, taas oo la iga aqbalay oo markii u horaysay hirgashay.

Waxa xusid mudan in la sheego in sidii aan hore uga soo sheekeeyay Wasaaradihii aan soo maray ugu sameeyey musqulaha, in aan tanna ugu sameeyey, waxa jirtay musqul xun oo aan qof xishoonayaaa aan geli karin, markii aan waydiiyey, xagga ay geeyaan martida u timaaddaa haddii ay u baahdaan musqul, waxay ii sheegeen sheeko xiiso leh waxay yidhaahdeen wafti Masaari ah ayaa mid ka mid ihi u baahday musqul markii aan tusnay musqushii ayuu dibadda u soo booday marku arkay oo uu awoodi kari waayey inuu isticmaalo.

Qorba-joogta Somaliland ayaa iyaga oo ay dedaal ka tahay keena dalka shirkado iyo qofaf doonaya inay maalgashadaan dalka, kuwaas ayaa dawladdu gacmo furan ku soo dhowaysaa iyada oo uga dan leh inanay niyad-jebin, dadkaas dedaalayaa. Heshiisyo ayaa lala galaa inta badani midho ma dhaliso, taas oo lagu canaanto dawladda, sidaas darteed waxa ii muuqatay baahidda dalka u qabo xafiis garyaqaan (Law Office) oo caalami ah oo dunida horumartay ka jira inay dawladdu qabsato oo qaddiyaddeeda iyo wixii heshiis ah ee lala gelayo caalamka uu ka hubiya oo kala taliya tubta loo marayo si sharci ah aqoonsi-raadinta ee aanay arrintu noqon muran oo maalinba hadal goonni ah aanay madaxdu ku kala hadlin marka laga hadlayo arrinta ictiraafka Somaliland, Garyaqaanadaas wax igu soo xidhay dad ajanebi ah oo daneeya aqoonsiga Somaliland, heshiiskii hore waan kala saxeexanay, haseyeeshe cid dambe ma dabagelin waxay garyaqaano u ahaayeen Dawladda Naajeeriya .

AQOONSI–RAADINTA

Hawsha ugu mudan ee ay qabato Wasaaraddu amma laga filaa waa aqoonsi inay u raadiso Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiirradii soo maray Wasaaradda ayaa qaati ka joogsaday joornaallada su’aasha ah aqoonsi ma sidaa marka ay garoonka ka soo degaan, mid ka mid ah oo safar dibaddeed ka soo laabtay ayaa bixiyey odhaah caan ah oo ahayd, haddii aad ii sheegtaan dukaan laga soo iibsado aqoonsiga waa soo iibin doonaa.

Waddamada jaarka ah iyaga lagama filayo ictiraaf, Itoobiya cilaaqaad wanaagsan ayaa innaga dhexeeya lagama filayo inay ina aqoonsato, waxa jirta in dawladda Maraykanku uga digtay 1991 markii Somaliland lagu dhawaaqay Itoobiya inaanay aqoonsan Somaliland, iyaga oo ka duulaya cadaawadii u dhexaysay Soomaaliya iyo Itoobiya awgeed. Dawladaha kale iyana danahooda siyaasadeed ayaanay ku jirin aqoonsiga Somaliland, Jabuuti mooyaane, Jabuutina marna la islama jaanqaadin, siyaasad jacbur ah ayaa ka jirtay oo marna lala heshiinayo marna la coloobayo, taas oo jahawareer dhalisay, waxa noo soo codsaday safiir hore oo Maraykan ah oo Itoobiya iyo Soomaaliyaba ka soo shaqeeyey, haddase Jaamacad waxa ka dhiga David Shiin, waxa uu ka bixiyey soo jeedin Akaadamiga Nabadda, uu kaga hadlayo Arrinta Somaliland nuxurkiisu ahaa waddamada wax ka tari kara aqoonsiga Somaliland, kuwaas oo ku sheegay: Konfurta Afrika, Naajeeriya, Senigaal, Aljeeriya, iyo Itoobiya. Arrintaas annaga oo ka duulayna, waddanka Koonfur Afrika waxa toos ula xidhiidhnay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaadhsiinay in wixii uu soo gaadhsiiyo Iqbaal ay tahay wax ka soo baxay Dawladda Somaliland, isagana waxaan u sameeyey Miisaaniyad baabuurna waa loo iibshay soo jeedintaas oo Madaxweyne Rayaale iga aqbalay oo uu fuliyey waxa dardar u hawlgalay Profisar Iqbaal waxa uu aad uga shaqeeyey dhinaca bulshada rayidka ah iyo hay’adahoodu inay yimaaddaan Somaliand oo ay goobjoogayaal ka noqdaan doorashooyinkii ka dhacay dalka suxufiyiinta iyo madax ka socota jaamacadahooda, ayaa booqasho shaqo ku yimi dalka, waxaannu ku guulaysanay inaan xidhiidh la samayno dalka Senigaal oo ku yaalla Galbeedka Afrika oo martiqaad rasmi ah u fidisay Madaxweyne Rayaale, halkaas oo wefdigiisu ku tegay lana kulmay Wasiirka Arrimaha Dibbadda ee dalkaas, Wasiirka Qoyska iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Madweynaha Cabdale Waad, dhinaca wafdiga Somaliland waxa uu ka koobnaa Madaxweyne Rayaale iyo Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Qoyska iyo Waxbarashada.

Dad ayaa ku doodda waddamada Nayjeeriya iyo Senigaal yaan loo tegin, waayo Biyaafra ayaa Nayjeeriya isku dayday inay ka goosato oo dagaal ba’an ka dhacay, sidaas darteed yaan arrinta Somaliland lala soo qaadin ma jeclaysanayso, Sinigaalna gobol ayaa dagaal iyo muran siyaasadeed ka jiraa oo goosasho raba, iyana maxaa loogu tagay, waxa loogu tegayaa in loo sheego in qaddiyadda Somaliland ka duwan tahay, kuwaas oo ay Somaliland ahayd mustamarad Ingiriis oo ka goonni ahayd Soomaaliya oo ahayd mustacmarad Talyaani oo mid waliba goonideeda xorriyad u qaadatay, xuduud gaar ahna la kala lahaa halka Gobolka Biyafra uu ka mid ahaa weligii Nayjiiriya oo aan gaar ahaan weligii u jirin. Sidaas oo kale ayaa Gobalka Kasmaas uu weligii ka mid ahaa Senigaal.

Dad ayaa qaba in lala dhuunto oo aan loo tegin oo laga dhaadhicin qaddiyadda Somaliland dalalkaas waaweyn ee Afrika iyo AU-da wax ka ah, haddii aanay ku taageerin in aanay kaa hor iman ayaa la isku dayey. Si kastaba ha ahaatee, muruq laba suule’ ninba si ku ah, waxaan ku soo ogaanay sodcaalkaas in ictiraafka Somaliland aannu ku xidhnayn muran iyo xaq (rights) ee ku xidhan yahay danaysi iyo masaalix, (Recognition is declaratory) waa wax ciddi maslaxadii ugu jirtaa ay ku dhawaaqdo danteeda awgeed, fiiri wadamada badhtamaha Aasiya, waddamdii ka go’ay Yuguslaaviya, midna weligeed ma ahayn wadamo jira, haddana waa la ictiraafay. Bal eeg Jamhuuriyadda Saxaaraha Galbeed ee AU-du ictiraafsan tahay ee safaaradda ku leh Itoobiya ee aan dal xukumin ee kursiga ku leh Ururka AU-da.

Madaxweyne Rayaale waa u og’yahay meesha u u marayo ictiraafka Somaliland iyo waxay ku xidhan tahay haddii ciddi weydiiso. Waxa uu ku xidhan yahay aan war sheekoodee waa, LACAG!! LACAG!, Haddu hayn lahaana dhawr waddan ayuu hayn lahaa ictiraafkooda.

Wasiirro Xilkii Laga Qaaday

Madaxweyne Rayaale dawladdii uu ka dhaxlay Madaxweynihii geeriyooday ee Cigaal sideedii ayuu u daayey markii hore, haseyeeshee waxa uu bilaabay inuu beddelo Wasiirro dhawr ah, waxa uu ku bilaabay Wasiirradda aan Isaaqa ahayn, isaga oo xilkii ka qaaday Wasiirradii Caddaaladda, Ciyaaraha iyo Qorshaynta oo ahaa xubno ka soo jeeda beelaha aan Isaaq ahayn. Intaa kadib waxa uu beddelay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Marxuun Cabdullaahi Cadde oo u ku beddelay Ismaciil Aadan, waxa ku xigay Wasiirkii Hawlaha Guud Injineer Caynab, Wasiir aqoon leh oo hufan oo hawshiisa ka adag oo ixtiraam badan ku lahaa hay’adaha deeqda bixiya iyo Wasiirro kale oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Gaashandhigga, Biyaha iyo Macdanta, waxaase ugu sanqadh weyneyd tii dhinaca siyaasadda xil-ka-xayuubintii Mudane Axmed Yuusuf Ducaale Wasiirkii Waxbarashada.

Arrintaas dhawr jeer ayaan Madaxweynaha kala hadlay oo aan is lahaa waa dhammaatay maalin waxa igu weheliyey Cabdiraxmaan Ducaale waxse kama tarin, waxa uu Axmed Yusuf ii sheegay in toddoba casho ka hor inta aan xilka laga qaadin ay Madaxweynaha ay habeenimo is-arkeen oo is-calool xaadheen oo ay heshiiyeen, waxa is-qabadku ku sal lahaa arrin soo noqnoqta oo ka soo jeedda hab-beeleedkii lagu soo kabkabay nidaamka dawladnimo ee Somaliland oo marwalba muran iyo is-qabad ka dhex abuurta madaxda.

Wasiirka Daakhiliga ayaa uga mas’uul ah xukuumadda maamulka goballada iyo degmooyinka, haseyeeshee Wasiirka degmada ka soo jeeda ayaa ku haysta oo siyaasad ka dhigta in ciddii dawladda u magacaabayso uu isagu magacaabayo, waxaad mooddaa in hab-beeleedkii innaga dhigay Madaxweynayaal beeleed oo wadaaga xukun Fadaraal ah oo nin waliba ka wakiil yahay degmadiisa, la yaab ma laha Wasiirradu haddii ay sidaas u dhaqmaan isaga ayaa loo dirayaa degmadiisa, haddii wax looga baahdo oo Wasiirkii shaqada ku lahaa ma tegayo, sidaas darteed waxa uu u arkaa inuu xaq u leeyahay magcaabidda ciddii ka hawlgelaysa degmadiisa uu ka soo jeedo.

Haddaba mar haddii Axmed Yusuf uu ahaa xubin Golaha Dhexe ee UDUB ka mid ahaa siyaasiyiintii, waxa uu soo magcaabay xubnihii doorashada degaanada uga qaybgeli lahaa xisbigga UDUB degmada Gabilay oo uu ka soo jeeday 1964 laga soo doortay 1960-kiina uu iska-sharraxay, haseyeeshee lagaga guulaystay doorashadii.

Wasiirkii Daakhiliga Ismaaciil Aadan ayaa liis kale ka daba geeyey liiskii hore oo u geeyey Guddigii Doorashooyinka Qaranka, Guddigii waxay aqbaleen liiskii hore ee Axmed Yusuf uu taageersanaa, kii Ismaaiil Aadan oo dabcan Madaxweynuhu raaliga ka ahaa way diideen, iyaga oo ku sababeeyey in muddadii wax ka beddelka liisaska murashaxiinta xisbiyadu soo qadimeen ee la oggolaa ay dhammaatay oo aan la qabanayn dalab dambe. Haddaba muddadii muranku socday ayaa xubno ka mid ah liiskii Axmed Yusuf watay ayaa ka aflagaadeeyey Tiifiiga Madaxweyne Rayaale, nimankaas mid ka mid ah ayaa Axmed Yuusuf u olaleeyey si uu noqdo Maayarka magaalada Gabilay, arrintaas oo Madxweyne Rayaale aannu ka raali ahayn mar aan ku la taliyey Madaxweyne Rayaale inuu soo celiyo Axmed Yusuf, waxa uu iigu jawaabay “Ma ninka raggii tiiviiga iga aflagaadeeyey watay ee soo saaray ayaan soo ceshaa?” Waxa isu kay qabanweyday arrin kale oo aan ka maqlay Madaxweynaha iyo jawaabtan.

Booqashadii Jabuutii ayaa markii aan la fadhiisanay Madaxweyne Ismaaciil Geelle ayaa waxa uu fayl ka soo saaray Mudane Madaxweyne Geelle warqad INTERNET-ka laga soo saaray oo ah Haatuf ay ku qoran tahay weedh nuxurkeedu ahaa boqashada Rayaale ee Jabuuti waa khiyaamo qaran Madaxweyne Rayaale, iyada oo wefdigii wada fadhiyo ayuu yidhi waa waxayagii sidaas ayaanu isugula hadalnaa, haddaba halkaas waxa uu ku caddeeyey dulqaad iyo habka siyaasadda ee Somaliland, markaa waxa uu hibanaayey aflagaadadii xubnihii tiifiga ka hadlay, waxa ayaan-darro ahayd Axmed Yusuf si gaar ah ugu dedaalay xisbiga UDUB, kana shaqaynayey inuu ku guulaysto xisbigu doorashada ayay ku kaliftay inuu toos ugu biiro xisbigii Mucaaradka ahaa ee KULMIYE, halkaas oo Degmadaii Gabilay ee doorashadii hore u codaysay UDUB ay markan u leexatay dhinaca KULMIYE oo siisay aqlibiyad weyn, taas oo uu ku sigtay in Madxwyne Rayaale lagaga guulaysto doorashadii, waxa layaab leh waxa ku kaliftay xil-ka-qaadidaas xilli waqti yari ka hadh sanayd codayntii doorashada “Faraskaaga laguma beddelo adoo ka tallaabayo biyo soconaya.”

Cadde Muuse oo soo Irkaday Somaliland

Macallin Jirde ayaa markii 1971 askartii dalka qabsatay ay ku shubtay wixii macallin ahaa xeradi tababarka askarta ee Bootiko (Xallane), ayuu arkay saraakiil ardadiisii ahayd oo aan wax xushmad ah iyo abaal ah aan u hayn oo uu ka filayey markaasu gabay tiriyey aan tuducan ka soo qaatay:

Tamaashiirta oo aan eersado

Iyo tu aan la eegayn dhe

Somali wixi aan u taray

Tacab khasaarruun dhe

“Ilaahay ha u naxariistu Macallin jirde Haddii uu noolyahay iyo haddii uu dhintayba”.

Siyaasiin badan oo reer Soomaaliya ah ayaa markay meel ay miciinsadaan waayeen u soo irkaday Somaliland xilligii Cigaal iyo xilligan Madaxweyne Rayale-ba, waxa caado u noqotay si kasta oo loo soo dhoweeyo in haddana marka ay xil ka qabtaan Soomaaliya inay abaalkii Somaliland iyo dadkeeda ay hilmaamaan, waxa la wada ogyahay inuu Cali Geeddi uu Hargeysa deganaa oo hay’ad samafal u shaqayn jiray oo uu sida kumanyaalka kale ee reer Soomaaliya uu u deganaa Somaliland, markuu madax ka noqday xukuumadda TFGiiga waxa uu dhacdadii tuulada Dhahar ku tilmaamay in argagixiso ka dambayso reer Somaliland ihi.

Haddaba Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cadde Muuse waxa uu ka mid ahaa qolooyinkaas miiciinka soo biday Somaliland, marka arrintii jiq ku tiri waxa uu Hargeysa soo gaadhay dabyaaqadii bishii Noofembar oo uu ku soo degay Huteelka Iid Huteel ee Biriijka Hargeysa ku agyaal. Halkaas ayuu ka kiraystay laba Landkuruuser oo ay leeyihiin dad ka soo jeeda beesha galbeedka Burco oo dal aqoon ah waxay geeyeen xadka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ay ku sugayeen gaadiid iyo ciidan ardaagiisa ah Cismaan Maxamuud ah, kuwaas ayaa u gelbiyey ilaa Dhuudo. Labadii baabuur ee uu kiraystay waxay kaga soo noqdeen xadka markay gaadhsiiyeen ciidankiisii sidii ballantu ahayd.

Arrintii Lascaanood kadib iyo doorashadii Golayaasha Degaanka ee Somaliland waxa ka dhacay jiidda Qardho iyo Dhuudo dagaallo ay iskaga horyimaaddeen ciidamo ku kacsan Cabdullaahi Yusuf oo markaas xukuma Puntland oo uu hoggaaminayo Cadde Muuse iyo kuwii maamulka Puntland. Waxa lagaga adkaaday ciidammadii Cadde Muuse. Firxadkoodii oo uu hoggaaminayo Cadde ayaa soo galay Somaliland waa ay soo dhaafeen carra Wersangeli iyo Dhulbahanteba meelaha uu hadda ku doodo oo sheegto waa isku aamini waayeen. Waxay nafta ku aamineen xera Isaaq degmada Ceel-afwayn meel magaalada u dhow, halkaas uu u dejiyeyey Boqor Buurmadow. War uma hayo inuu la soo xidhiidhay Madaxweynaha iyo in kale, haseyeeshee arrintaas Cadde Muuse marna laguma soo qaadin Golaha Wasiirradda dhexdiisa sidii arrintii Laascaanood oo kale. Waxa loo oggolaaday kooxdii Cadde inay kala soo degaan Dekadda Berbera baabuuro tiraba saddex inta aan ka war helay oo dawladdu siisay cashuur-dhaaf. Joogitaanka ciidammada Cadde Muuse Gobalka Sanaag, waxay ku abuurtay nabadgelyo-darro goballada bari, Togdheer, Sool iyo dabcan Sanaag.

Ciidammada Cabdulaahi Yusuf u daacadda ah oo dabajooga Cadde Muuse ayaa galaabixi jiray degaankaas bari, taasi waxay keentay in hay’adaha samafalku ay ka maageen goballada bari oo hawlahoodii ay hakiyeen.

Guddigii Doorashooyinka oo u diyaar garoobay doorashadii Madaxweynaha, iyana waxa ku adkaatay oo ay ka shakiyeen sidii codayni uga dhici lahayd jiidaas. Waxay arrintaasi ka sii dartay markii Dawladda Itoobiya dhawr goor nagala soo xidhiidhtay joogitaanka ciidammada Cadde Muuse ee Somaliland. Axsaabta mucaardka ah iyo saxaafadduba aad ayey uga hadleen, haseyeeshee ma ay jirin siyaasad xukuumaddu ka leedahay arrintaas, haddii ay jirtayna ma ahayn mid laga wadahadlay ee waxay ahayd mid Madaxweynaha uun ku kooban. Marar aan Madaxweynaha arrintaas kala hadlay waxa uu igu yidhi dhaqso ayuu inoo dhaafayaa, alaabo ayaan meel ka sugaynaa, nasiib-wanaag doorashadii Madaxweynaha oo ahayd inay dhacdo bishii Janawery 2002 sida distuurka dalku dhigayo codsi ka yimid Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Guurtidu u kordhisay xilkii Madaxweynaha ilaa bisha May 2002 si doorashada loo qabto bil ka hor ama bisha April 2002.

Waxa markaas muuqatay in waqti loo helo sidii ciidammadan Cadde Muuse la isaga furdaamin lahaa si doorashadu u qabsoonto, si kastaba ha ka ahaatee waxa arrintan hirgeliyey Boqor Buurmadow isaga oo la kaashaday oo soo geliyey arrinta Suldaan Siciid Cabdisalaan. Waxa uu kalsooni ka soo helay labadii nin ee is hayey Cadde Muuse iyo Cabdulaahi Yusuf, dabadeeto waxa uu u soo gudbay Hargeysa oo uu kula kulmay Madaxweyne Rayaale. Xogogaal uma ihi waxay isla garteen, waxaanse u malaynayaa inaan la isku afgaran waanwaanta uu Boqorku ka dhexwaday labadaa nin’e Majeerteen .

Waxa taas u marag ah waxa Hargeysa yimid Suldaan Siciid Cabdisalaan oo uu Boqor Buurmadow u yeedhay markii aan Suldaanka ka warsaday arrinta keentay waxa uu ii sheegay inuu Madaxweynaha ka hubiyo, waxa uu ka qabo waanwaanta aan wadno iyo inuu isagu wax xal ah uu u hayo. Isla markaana uu u sheego dhibaatada iyo nabadgelyo-xumida ay joogitaanka ciidammadaasi ku abuurtay Gobalka Sanaag.

Haddaba markii uu la kulmay Suldaanku Madaxweynaha waxa uu ii sheegay in aannu Madaxweynahu ka raalli ahayn waanwaanta ay wadaan Suldaanka iyo Boqorku. Suldaankii waxa uu ku laabtay Sanaag iyo gurigiisii, waxaase Hargeysa ku sii negaa Boqor Buurmadow iyada oo xaajadu halkas marayso oo dawladda Itoobiya ay noo muujisay werwerka ay ka qabto joogitaanka Cadde Muuse iyo ciidankiisa ee Somaliland, iyagoo markaas u arkeysay inay wada socdaan Jaamac Cali Jaamac oo Cabdullahi Yusuf ka saaray Puntland, kana qaaday Madaxweynanimadii, dabeeto iska xaadiriyey dawladdii Carta lagu dhisay ee Cabdiqaasim Salaad Xasan uu Madaxweynaha ka ahaa iyada oo lagu eedaynayey inay xidhiidh la leedahay wadaado Al-itixaad ah.

Waxa ila soo xidhiidhay Abdette Dirirbasa wakiil Itoobiya u fadhiya Somaliland, waxa uu ii sheegay in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) uu codsaday inuu tego Addis Ababa si uu la kulmo madaxda Itoobiya, waxa uu i weydiiyey waxa uu xukumaddu ka qabto arrintaas. Waxaan kula taliyey si Itoobiya ay ugu muuqato in ay dhexdhexaad ka tahay arrinta doorashada Madaxweynaha Somaliland. Waxa habboon in wafdi Itoobiyaan ihi halkan Hargeysa yimaaddo oo uu halkan ku wada arko madaxda tartamaysa sidaas ayey ku dhammaatay arrintii.

Waxa Hargeysa yimid Wasiira-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Dawladda Itoobiya Dr. Takade iyo Janaraal Nabadgelyada qabilsan waftigii waxay la kulmeen Madaxweyne Rayaale, Aniga oo goobjoog ah waxay si adag noogu sheegeen inaanay ka raalli ahayn ciidammada Cadde Muuse ee Somaliland martigelisay oo degdeg ay arrintaas wax uga qabato.

Sidoo kale ayaa wafdigu arkay madaxdii axsaabta kale, haddaba waxaan ugu tegay Wasiirka Itoobiya Huteelkii Maansoor ee uu ku jiray, waxaan u sheegay inay arrintu adag tahay cid magangelyo soo doonatay inaan lagu celin Karin, meeshii ay ka soo qaxday ilaa heshiis laga dhexdhaliyo kooxihii is hayey. Haddaba sidii caadada noo ahayd haddii aan reer Somaliland nahay waxa arrintan galay laba madax-dhaqameed oo reer Sanaag oo heshiis ka dhexdhalinaya labada docood. Waxa idinku dhiniciina kala hadashaan Cabdulaahi Yusuf si uu ugu hoggaansanaado wixii go’aan ah ee ay gaadhaan salaadiintu. Waxaan tusay oo nuqul ka siiyey laba qoraal oo Cadde Muuse iyo Cadulaahi Yuusuf oo ay soo qoreen Boqor Buurmadow iyo Suldaan Siciid Cabdisalaan oo ku cadeeyeen inay raali ka yihiin dhexdhexaadinta labada madax-dhaqameed, qoraaladaas oo afka Soomaaliga ku qornaa waa uu qaatay Wasiirku, markuu Addis Ababa ku noqday ayaa Cabdulaahi Yusuf diyaarad loo diray oo Addis Ababa la keenay laguna wargeliyey inuu oggolaado heshiisiinta odayaashu wadaan laguna adkeeyey. Hal habeen ayaa ciidammadii Cadde Muuse iyaga oo ay la socdaan labadii madax-dhaqmeed ayaa galay Magaalada Boosaaso si nabadgelyo ah taas oo soo afjartay colaad ka taagnayd bari.

Waxa Guddigii Doorashooyinka u suurtagashay inay doorashadii ka qabtaan Sanaag oo sidaasi ayey ku dhacday doorashadii Madaxweynuhu tallaabadii labaad ee Dimuqraadiyaynta Somaliland ayaa hirgashay. Libtaas ayaa u soo hoyatay Somaliland oo aan dhacdeen haddii ciidammada Cadde Muuse sii joogi lahaayeen oo dagaallo ka dhici lahaayeen jiidaas.

Xumaddii Doorashada

Doorashadii Golayaasha Deegaanka kadib waxa bilaabantay xummaddii doorashada Madaxweynaha saddex urur ee dhacay ayaa taageerayaashoodii loogu kala tartamay oo saddexdii soo baxay ay ku beratameen inay ku kala guulaystaan waa la kala qaybsaday, waxa aan ka qaybgalay wadahadalkii dhexmaray ururkii ASAD iyo xisbiga UDUB, waxa ASAD uu ahaa xisbi ay asaasayaashiisu ka soo jeedaan Jabhaddii SNM.

Haddaba mar haddii xisbiga mucaaradka ee tartanka UDUB kula jire ee KULMIYE uu isna yahay xisbi ka soo jeeda jabhadii SNM, waxa xoogga la saaray in xisbiga ASAD uu ku soo biiro UDUB. Waxa shirku ka dhacay Madaxtooyadda oo fadhi ahaa dhinaca UDUB waxa ka mid ahaa Madxaweynaha Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Yusuf, Xoghayaha xisbiga UDUB Bullaale, Axmed Oomane, Cabdilaahi Darewal iyo Aniga oo Gees ah, dhinaca ASAD waxa maalintii hore ka mid ahaa, Sulaymaan Gaal, Cabdiraxmaan Aw Cali, Marxuumkii Quule iyo qolooyin kale oo aanan hadda xusuusnayn.

Maalintii labaad Waxa qoladii ASAD ka maqnaa Cabdiraxmaan Aw Cali oo mar dambe oo aan arkay ii sheegay inuu KULMIYE ku biiray oo ay sidaas ku qurux badan tahay inaan ana raaco Siilaanyo, Sulaymaanna uu Rayaale raaco haddii kale weji qabiil ayey yeelanaysaa, arrintaas waan ku bogaadiyey, guud ahaan ururkii ASAD waxa u xoog batay KULMIYE xayn Suleymaan la socotay mooyaane, haseyeeshee qayb weyn ayey xukuumaddii ka qaateen, waxa Madaxweyne Rayaale laga dhaadiciyey inuu Axmed Yusuf Ducaale uu kula loollamayo murashaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB. Haseyeeshee, waxba kama jirin arrintaas oo aniga ayuu Axmed Yusuf iga diiday in la isla sharraxo Rayaale xisbiga dhexdiisa mar hore oo aan la soo qaaday arintaas, sidaas darteed markii uu Madaxweyne Rayaale ila soo qaaday werwerka uu arrintaas ka qabo, waxan u sheegay inaanay waxba ka jirinoo uu inta wefdiga aniga iyo Axmed Yusuf uu Galbeedka Afrika ku maqan nahay uu qabsado shirweynaha xisbiga oo ka soo baxo, sidaas ayuu yeelay oo ku noqday murashaxa xisbiga UDUB ee tartanka doorashada Madaxweynaha.

Siday u dhacdayba waxa Haya’daha ka hawlgala ee caalamiga ah iyo kuwa Jimciyadda Quruumuhu ka socdaa waxay filayeen in xisbiga KULMIYE ku adkaan doono doorashada oo aanay qarsan jirin, sidoo kale waxa wakiilka Itoobiya u fadhiya Hargeysa uu isaguna qabay fikrad taas la mid ah.

Haddaba maalin ayaa waxa ballan ku yeeshay Huteelka Ambaasadoor Mudane Axmed Siilaanyo, wakiilka Itoobiya iyo Dahabshiil kulanka kadib waxa Siilaanyo soo raacay baabuurkii wakiilka Itoobiya Mudane Abdete Diridbasa, warkaas ayaa Madaxweyne Rayaale loo soo sheegay, taas oo uu aannu jeclaysan, degdeg ayuu iigu yeedhay, dabeeto waxa uu yidhi waxaan codsanayaa in la iga beddelo, waxan ku qanciyey inuu horta arko sidaas ayaan ballan uga soo qabtay kulankii, Madaxeyne iyo wakiilkii Itoobiya ayaa wadahadlay si deggan ayaa wakiilkii u sheegay inuu xaq u leeyahay inuu si cad ula kulmi karo madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee sharciga ah ee xukuumadda Somaliland aqoonsan tahay, waxase uu qiray inuu baabuurkiisa magaalada ku soo dhexmariyo ay baratoolka dhaafsanayd oo loo qaadan karo in Itoobiyo ay KULMIYE raacsan tahay.

Madaxweyne Rayaale oo laga yaabo xog aanan ogayn inuu ogaa ayaa si cadho ku jirto ku yidhi isaga oo la hadlaya wakiilka Itoobiya “Adigu saw ma tihid Oromo, haddana Meles Sinaawi oo Tigree ah ayaa Itoobiya xukuma oo idin xukuma maxaad igu diidan tahay inaan aniguna Madaxweyne ka noqdo Somaliland”

Arrintii waxay noqotay af-kala qaad wakiilkii waxa uu ku adkaystay inaanay Itoobiya ay isugu mid yihiin xisbiyada tartamayaa oo aanay cidna gaar ahaan ula socon, markii aan ka baxnay Madaxtooyada ayaan ka baryey wakiilkii inaannu weedhaa u gudbin madaxdiisa Addis Ababa fadhida, taas oo keeni karta in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu xumaado, waxa uu iigu jawaabay inuu gudbinayo warkaas mar haddii uu ka soo baxay afkii Madaxweynaha ma qarin karo; waxa iigu xigtay inuu ii sheegay mudda yar kadib in laga fekarayo in Itoobiya ay xidho xafiiska ay ku leedahay Somaliland ma hubo inay dhab ahayd iyo inuu ku hanjebayey. Madaxweyne Rayaale waxa uu ii sheegay inuu codsan doono in laga bdedelo Wakiilkaas. Arrinta waxa hurinayey nin Tigree ah oo sirdoonka Itoobiya ahaa oo Hargeysa joogay; kii oo degdeg loo beddelay, Wakiilkiina waa la dalacsiiyey oo jago weyn ayuu qabtay oo weli arrimaha Soomaalida ayuu gacanta ku hayaa.

Waxa uu Madaxweynuhu madax iiga dhigay guddi Wasiirro ah oo u qaabilsan doorashada, waxaannu xarun ka dhiganay Idaacadda Hargeysa, waayo waxa xubin ka ahaa guddiga Cabdulahi Maxamed Ducaale, oo noo fidiyey martiqaadka, iyada oo ay ahayd meel had iyo jeer laga shaqaynayo oo cidi joogto goor walba toddobadii cashoba mar ayaanu Madaxweynaha talo ka siin jirnay, waxa loo baahan yahay in la qabto ololaha doorashada waxa ka mid ahaa talooyinkaas magacaabidii Wasiira-dawlayaalka, taas oo wax badan ka tartay xaggii codaynta doorashada dhinaca UDUB Wasiirradaas oo loo bixiyey “Wasiirradii Sanaadiiqda” Waxase dhacday in goballadii loo kala baxay, dabeeto guddigii uu sidaa ku burburay oo la isugu iman waayey maalin ayaa aan la fadhiisanay Madaxweynaha aniga iyo Wasiir kale oo beesha ah iyo nin madax-dhaqameed ah oo isla beesha ah salaadii casar oo loo kacay ayaan ka hadhay safkii jamaca. Wasiirkii kale ayaa yidhi soo gal safka, markaas ayuu Madaxweyne Rayaale yidhi dhowaantan ma tukado Gees ee iska da’aa. Maalintaas kadib kama qaybgelin olalahii doorashada, waxaan isku koobay sidii aan ula xidhiidhi lahaa goobjoogayaashii iyo soo-dhoweyntooda dhinaca garoonka diyaaradaha iyo fiisayaashooda si aan loo qashqashin oo habsami loo qaabilo dadkaas ka marag-kacaya doorashada, weedha Madaxweynaha ayaa wax badan ii sheegtay anigu wax aan u dhashay qof (IQ) sare leh ama maskax badan, waxaanan ku takhasusay cilmiga fisigiska oo dad yari duniga bartaan oo weliba aan aad ugu fiicnaa, waxa ii soo baxday in raggii wax sheegi jiray ay cajalad iga duubeen oo warar la siiyey Madaxweynaha oo kalsoonidii hore jirin, sidaas darteed afkayga ayaan xidhay, waana ka gaabsaday hawlihii socday aniga soo arkay sidii Axmed Yusuf Ducaale loo khaarajiyey isagoo aan marna diyaar u ahayn inuu taageero mooyaane inuu wax ka xumeeyo, waxa aan u taagnaa Axmed Yusuf isaga oo Madaxweyne Rayaale hortiisa ugu dhaartay inuu isaga taageerayo, siyaasadda waxa tiir u ah is-aaminaad iyo kalsooni haddii ay meesha ka baxdo ma jirto wada shaqayni. Waan ka talogalay amma ka talobixiyey kooxdii madaxda ahayd ee loo diray dhinaca beesha aan ka soo jeedo, haseyeeshee anigu kama qaybgelin.

Madaxweynaha ayaa yidhi Gees halkan ayaan uga baahannahay, waxa aan ka dhiibtay codkaygii Guriga Shaqaaalaha waxa aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey, halkaas oo aan kula kulmay warfidiyeenadii caalamiga ahaa iyo goobjoogayaashii.

Markii natiijadii doorashadu hore u loogu dhawaaqi waayey cilado farsamo awgeed, waxa batay wararkii kutiri-kuteenta ahaa. Galab aniga oo guriga keligay fadhiya, ayaa waxa iigu yimid Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Mudane Siciid Farax Dhabooke (Gacamay). Ninkaas oo aan anigu Hargeysa keenay shaqadana la raadshay, haseyeeshee aan waqtigan i jeclayn oo iga kabaweynaaday, waxa uu igu yidhi waxa i wareershay dacwadihii xisbiyada ee doorashada, waxan ku idhi oo weli natiijadii laguma dhawaaqin ee maxay ka dacwoonayaan waxa uu yidhi, haddana dacwado ayaa yaalla maxkamadda. Waxan xasuustay eray uu igu yidhi dareewalkaygu Cabdi Madoobe oo ahaan jiray mujaahidiintii, oo qolada Arab ee aannu gacalka nahay ahaa isaga oo ila kaftamaya “Geesaw Guddigii Doorashooyinka iyo Maxkamadii Sareba idinka (Warsangeli) ayaa jooga ee ha isku kaayo dilina.” Waxan ku idhi Gacamay waar wax baa la kabkabayaa ee natiijadda uu ku dhawaaqo Komishanku sideeda ku ansixi oo ha innagu furfuran, lagama dabaalan karo muranka Soomaaliyeed oo maadaama uu Komishanka uu u madax yahay nin beesha ihi haddii aad laba war oo kala jaad ah soo kala saartaan, waxa rumoomaya waa ay isku kaaya dilayaan.

Sidaas ayey u dhacday markii natiijadii soo baxday, ma garan karo waxa uu yeeli lahaa haddii natiijadu ay ahaan lahayd mid xisbiga KULMIYE ee mucaaradka ihi uu ku guulaysto.

Gelinkii dambe ee Jimcaha ayaa waxa magaalada laga maqlay sawaxan iyo dabaal-deg ay samaynayaan taageerayaashii xisbiga KULMIYE, iyaga oo leh waa aan guulaysanay, haddaba fiidkii mar ay saacaddu tahay abaara 7-dii ayaan telefoon kula hadlay Maxamuud Garaad Maxamed (Qaw) oo ahaa xubin Komishanka Doorashooyinka ka mid ah, waxa uu ii sheegay inuu i soo marayo mar haddaan keligay ahay, dabeeto waa uu kaga dhabeeyey oo ii yimid. Markuu ii warramay waxa uu igu yidhi; “Aniga sida aan u xisaabiyey waa la idinka guulaystay, oo KULMIYE ayaa idin dheer 280 cod.” Isaga oo weli ila jooga ayaa waxa ku soo dhacay telifoon, cabbaar kadib waxa noo yimid Xildhibaan Dhulbahante ah oo lagu magacaabo Dhakool, waxa uu noo sheegay inuu soo maray Madaxtooyadii oo Madaxweynihii keligii fadhiyo, waxa uu ii sheegay inuu dhawr jeer isku da’yey telifoonkii Cadami oo la iga qabanwaayey.

Haddaba Garaad ina keen aan Madaxweynaha u tagnee, ninkii kale ee Harti ayaa la hadli waayey, waxa uu yidhi Qaw, “Waar habeen Komishanku tago madaxtooyada maaha ee i daa.” Waxaan ku biirriyay orod oo u tag oo u sheeg wixi ay kula tahay ee aan wax kuu dhimayn, sidaas ayey igaga tageen.

Aniga iima kala duwanayn ciddii heshaa, waayo waxaan ogaa inaanan xukuumadda la dhisi doono midna ka mid noqonayn, waxa uun ii darnaa in si nabadgelyo ah ku dhammaato oo aan la isku qabqabsan. Markaas 12 sanno ayaan ku jiray siyaasadda Somaaliland oo lixdii u dambeysay aan dhexda u fadhiyey talladda dalka, waxase ii muuqatay hadda in waqtigaasi soo dhammaaday, oo aan si qurux badan uga baxo saaxadda siyaasadda tooska ah ayaan goostay.

Subaxdii waxan tegay xafiiskii Wasaaradda, waxa aan u sheegay Agaasimihii Guud, Cabdi Aadan iyo Xoghayntii Yuusuf inay diyaariyaan xil-wareejin, mar haddii maanta lagu dhawaaqayo natiijadii, intaas markii aan u sheegay kadib waxan tegay Madaxtooyadii xafiiskii Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay dhawr Wasiir fadhiyaan oo aan ka xusuusto Edna Aadan Dhakhtar, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaan doonay inaan la faqo, dabadeed Wasiirradii waa naga baxeen, waxa aan u sheegay warkii Garaad ii sheegay, waxaan ku idhi haddii sidaas tahay oo aanay wax isbeddelin, si nabadgelyo ah loogu tiriyo nimankan kulul ee jabhadda ahaa, waxan ku daray innaga ayaa iska badinay, markii aan Axmed Yusuf Ducaale erinay waa taas Gabilay innaga leexatay, waxa uu yidhi; “Waa run oo waan kala hadlay arrintaas Madaxweynaha, waa taas natiijadii.” Sidaas ayaan kaga tegay oo gurigaygii iska qabtay. Haddii KULMIYE helo shaqo kuma lihi haddii UDUB helna kuma jiro dawladda dambe ee Rayaale.

Waxa deggan Waqooyiga Ameerika, Canada iyo Maraykan, Aabbe, Hooyo iyo lix walaaladey ah iyo carruurtoodii oo qaarkood carruuro sii leeyihiin oo aanan qaar arag, kuwa kalena muddo dheer isugu kaayo dambeysay.

Haddaba waxa xafiiska maalin dambe oo la sheegay natiijadii oo lagu dhawaaqay in UDUB ku guulaystay, igu soo maray nin ka socda Safaaradda Maraykanka ee Nayroobi oo aan muddo badan iqiin, markaan cabbaar sheekaysanay ayaan u sheegay inaan rabo inaan booqdo Maraykan, waxa uu igu yidhi; “Baasaboorka u soo dhiib nin Soomaali ah oo la socday.” Sidaas ayaan yeelay, sidii uu iigu ballanqaaday waxa la ii soo diray baasaboorkaygii oo fiisihii Maraykanku ku yaal, waxa ii keenay Yasiin Kiilo.

Waxa uu ii yimid sidii aan filayey aniga oo xukuumaddii cusbayd ee Madaxwayne Rayaale dibadda ka jooga, ayaamahii muranka natiijadu taagnayd ee arrintu Maxkamadda Sare ku jirtay ayaan Madaxweyne Rayaale u tegay oo kala hadlay martiqaad ka yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika oo doorashada awgeed aan dib u dhigay, waxa uu ii sheegay in Edna Aadan iyo Cawaale ay i raacayaan, sidaas ayaan anna u sheegay Iqbaal oo qoladii na martiqaaday isna gaadhsiiyey. Waxanu gaadhnay wadankaas maalintii 23-kii bishii May 2003, waxa qosal lahayd markii aannu ka degnay garoonka Johaanisbeeg ayaa nala weydiiyay in aannu haysanno buuggii talaalka, dabadeed halkii ayaanu shaadhadhka xaydanay oo nala talaalay, waxa qolka hab-maamuska fadhiyey Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, kooxdayada aniga ayaa ka garanayey markii aan u tegay oo salaamay, ayaa qoladayadii kale loo sheegay ayey si Soomaali ah, haseyeeshee aan baratakool ahayn ayey u soo wada carareen oo Wasiirkii salaan ku boobeen, wasiirkii Koonfur Afrika oo na casuuntay ayaan la kulannay waa islaan qabiilka Suuluuga ah, waxay ku bilaabatay hadalkeedii in Wasiirkii Arrimaha ee Soomaaliya (CARTA) Yusuf Dheeg ayaa naga codsaday in aannu idin wadahadalsiino ee maxaad ka qabtaan, waxa aannu u sheegnay in dawladdaas waqtigeedii dhammaaday oo hadda shir Nayroobi ka socdo aanaan ka qaybgeli,n waxa aannu ka dhursugaynaa dawladda ka soo baxdaa sida ay kalsooni uga hesho Soomaaliya oo ay nabad iyo dimuqraadiyad ku soo dabaasho, markaas oo ayaanu la hadli doonaa haddii ay guulaysato.

Waxa aanu ugu sheekaynay doorashooyinka ka dhacay Somaliland iyo Dimuqraadiyadda iyo nidaamka xisbiyada badan ee ka bilaabantay, waxay tidhi haddii aad fiicnaataan yaad uga tegaysaan walaalahiin, yaa idinka xiga oo aad ku halaynaysaan, sidaad nabad u gaadheen ugu sameeya, anigu waxan ka soo jeedaa dadka Suuluuga oo mar doonayey inay dawlad Koonfur Afrika ka go’an inay yeeshaan.

Arrintaas waa ka hortagnay hadda dadka Suulugu waa 12 milyan oo ruux. Sidaas ayey ku soo gebgebaysay hadalkii, annaga oo joognay toddobo casho dalkaasi, kadibna waxaannu boqosho ku tagnay dalka Mosambiik oo bisha July 2003 qabanaysay shirkii Madaxweynayaasha Afrika, halkaas oo aannu kula kulanay Wasiirkii kowaad ama Ra’iisal-wasaarihii dalkaas.

Waxa kale oo aannu tusnay warbixin dhinaca sharciga caalamiga ah oo soo saaray garyaqaanka dawladda Koonfur Afrika oo ku saabsan qaddiyadda Somaliland, taas oo uu u ku soo gabagabeeyey, waxa loo ictiraafi waayey Somaliland iyada oo sharci ahaan mutaysatay ictiraaf. Warbixintaas waxa nuqul la keennay Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, haseyeeshee meelna uma dhaafin, xitaa jaraai’dka laguma qorin, lamana soo xigto xitaa marka madaxda dalku ka hadlayaan qaddiyadda Somaliland.

Ayaamihi Maxkamaduhu Koonfurta qabsadeen ayaa la isku yaacay oo dawladda Itoobiya iyo ururka Yurub dooneen inay ictiraafaan Somaliland, waxa la i soo warsaday nuqulkaas, ayaan-darro cid kale war kama hayso amma muhiimada uu leeyahay lama siiyo.

Maalin Britooriya aannu joognay ayaan Cawaale u sheegay in dawladda cusub ee la magcaabayo, labadayaduba ka maqan nahay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee cusub uu yahay Edna Adan-tan innala socota, waa uu la yaabay, waan ogaa markii aan Hargeysa ka soo tegayey iyo ka horeba iyo inuu Cawil noqonayo Wasiirka Maaliyadda iyo in Sacad Sheekh oo Khaarijiyada doonayey aannu helayn. Arrimahaas waa ay wada dhaboobeen, markii aannu ku soo noqonay Hargeysa 2-dii bishii June ee 2003.

Waxa isbeddeley oo keliya iyadoo la igu magcaabay Wasaaradda Kalluumaysiga oo dawladdii la igu soo daray, magacaabistaydaas iskama iman ee rag badan oo Madaxweynuhu qadirinayey oo Isaaq ah ayaa arrintayda kala hadlay anoo maqan. Kalsoonidaas badan ee ay muujiyeen odayaashii Isaaq ee uu arkay, ayuu la yaabay oo uu iga soo daray dawladdii isaga oo aan ka raalli ahayn haseyeeshee aniga ayaan u diyaar ahayn inaan xilkaas qabto, waxase igu qasbay raggii awal hawsha soo dhammeeyey.

Waxa kale oo loo sheegay Madaxweynaha inaan goluhu i ansixin doonin, markii ay 70 xubnood i ansixiyeen ayaa dharaartaa waxa u sheegay warbixinta ansixinta Wasiirrada Marxuumkii Cabdi Idiris. Sida marxuumku ii sheegay markuu u sheegay Madaxweynaha codka i ansixiyey ayuu Madaxweyne Rayaale ku yidhi Cabdi Idiris, “Maxay noo waalayeen ee ay u lahaayeen ma helayo ansixinta.”

Maalin dambe ayaan doonay inaan Madaxwynaha la kulmo, markii aan Xoghaynta u tegay waxan ogaaday inay kula jiraan laba Wasiir oo Dhulbahante ihi oo kala ahaa; Fu’aad Aadan Cadde iyo Yaasiin Xaaji Maxamuud, dabadeed intaan albaabkii iska furay ayaan kaftan ahaan u idhi intaan dhaafay Xoghayntii, ‘Wasiiradda Hartiga ayaan boobayaa.’

Madaxweyne Rayaale ayaa kaftankii ka jawaabay oo igu yidhi; “Adigu ma Harti ayaad tahay?” Jawaabtii waan kala xishooday, waanan is dhaafiyey oo waxaan u sheegay inaan laba casho Jabuuti gaadhayo. Waxa igu soo dhacday in hadalka uu ka keenay hibasho uu hibanayo Isaaqii badnaa ee arrinkayga kala hadlay iyo Labada Wasiir oo u ololaynayey Marxuumkii Oday ee i beddeli doona, waxase ka maqnaa inaan mar hore qorshaystay inaanan ka qayb noqon dawladdiisa. Waxan xasuustaa habeen xayn Wasiirro ah oo aan ka mid ahay uu Madaxweynahu fadhigga gurigiisa noogu yeedhay, aad ayaan u xiiseeyey shirkaas, waayo waxa ka soo qaybgalay Wasiirraddii cusbaa, waxay arrintu ku saabsanayd warqad uu soo qoray xisbiga KULMIYE oo ka dambeysay markuu aqbalay xukunkii Maxkamadda Sare ka soo saartay natiijadii doorashada oo caddaysay inuu Daahir Rayaale ku guulaystay doorashadii warqadda waxa ku saxeexnaa Xoghayaha xisbiga KULMIYE oo waqtigaas Marxuun Daa’uud Maxamed Geelle, Xoghayihii Madaxweynaha Daahir Cali Xuseen ayaa warqadii akhriyey waxay isugu jiraan soo jeedino macquul ah iyo kuwa aan suurtagal ahayn oo laga rabo inay fuliso xakuumaddu. Wasiirradii cusbaa ayaa u holaday hadal. Wasiir aan u hanweynaa ayaa ugu horreeyey oo shicibku aad u jecel yahay, waxa uu yidhi “Madaxweyne haddii Axmed Siilaanyo oo kaaga heli lahaa 80 cod miyuu kula hadli lahaa, waxba ha ka soo qaadin soo jeedintooda.” Halkaas ayaa wasiirradii cusbaa iska dabagaleen cambaaraynta KULMIYE iyo guddomiyihiisa, waxa ka duwanaa Maxamed Xaashi oo soo jeedintii aan waxba ka odhan ee ku taliyey in shaqada aynu badino sidii aynu u shaqayno ayaynu kalsooni uga helaynaa shicibka, markaas ayaan soo jeediyey in arrinta qodob qodob looga talobixiyo oo sidaas loogu jawaabo kuwa macquulka ah lagu raaco, kuwa aan suurtagal ahayn sidaas iyo sababta loo sheego.

Madaxweyne Rayaale taladaydii ayuu qaatay, waxa uu arrintii u xilsaaray Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirradii inay jawaab soo diyaariyaan, kama aan qaybgelin shirkaas dambe, haseyeeshee fikradaydii oo qoraal ah ayaan u dhiibay Xoghayaha Madaxweynaha.

Soo-jeedintii KULMIYE waxa ka mid ahayd in saddexda xisbi miisaaniyad la siiyo, taas oo aan tageeray, waxa igu maqaala ah in hadda xukuumaddu ay siiso waxoogaa dhaqaale ah xisbiyada.

Laba bilood ayaan ku sii jiray dawladdii aroortii dambe, waxa xafiiska igu soo booqday Dr Maxamed Samatar oo ah khabiir xagga dhaqaalaha ah oo muddo badan ka soo shaqeeyey Bankiga Islaamka oo markuu Daktooraha ka samaynaayey Jaamacadda Sussex ee ku taalla England aniguna markaas magaaladaa wax ku baranayey toddobaatannaadkii. Subaxdaas waxa noo soo galay Xoghayahii Madaxweynaha Daahir Cali Xuseen oo warqad buqshad ah gacanta ku sita oo ii dhiibay, ma aan furin anoo garanaya waxa ku yaalla ee sheekadii ayaan iska wadanay. Markuu iga tegay Maxamed Samatar ayaan warqadii furay, intaan isugu yeedhay shaqaalihii oo aan u sheegay in xilkii laga cafiyey oo ay xil-wareejin sameeyaan.

Subaxdii dambe ayaan ku wareejiyey Wasiir-ku-xigeenkii sidii warqadda uu Madaxweynuhu igu fartay. Warbaahinta afkayga ayaan ka xidhay, halkaas ayaan ku soo xidhay siyaasadda oo aan ku jiray muddo 13 sanno ah, iyada ayaa i soo doonatay ee marna maan doonan.

Waxase Siyaasi Talyaani ah oo caan ahaa Faanfaani uu yidhi mar la waydiiyey in siyaasigu siyaasadda ka baxo, waxa uu ku jawaabay marka aad aragtid siyaasiga oo naxash saaran ayuun baa la odhan karaa waxa uu dhab ahaaan ka baxay siyaasaddii.

Waxa dhacday in Islaan Talyaani ah oo magaalada Boorama ka waday hawlo samafal ah oo ka koobnaa hawlo caafimaad iyo waxbarasho dadka tabaalaysan lagu gargaarayo, ayaa lagu dhex toogtay magaalada Boorama, halkaas oo islaantaas ku dhimatay Aneeliya iyada oo dadka baahan u adeegaysa, bil kadibna waxa lagu dilay lammaane macallimiin ah oo hayey Dugsiga Sare ee Sheekh oo Ingiriis ah, iyagoo goor habeen ah gurigooda dhex fadhiya, ayaa daaqadda laga soo toogtay oo ay halkaas ku naf-waayeen. Labadaas dhacdo ayaa dhacday dhawrkii bilood ee aan xukuumadda ka sii maqnaa.

Aniga waxa aad ii dhibay dilka ka dhacay Dugsiga Sheikh, waxaaan dib u xusuustaa aniga oo yar 1964-tii markaan ku soo biiray dugsigaas oo aad u magac weynaa, afartii sanno ee aan ku jiray waxaan xusuutaa inay ahaayeen waxa wax ka beddelay noloshayda dambe, aqoonta iyo ixtiraamka korniinka dhinaca maskaxda iyo jidhkaba ee ardaydu ka heleen dugsigaas. Ciyaaraha kubadda, Xeegada iyo kubadda laliska oo heer sare laga gaadhay, maktabad buuxda ayaa ka mid ahaa fursadaha yiilay, meeshaas oo 24-ka saacadood furan Ardaydii ka baxday waxay noqdeen Dhakhaatiir, Injineerro, Saynisyahanno, Dhaqaaloyahanno, qaarkoodna siyaasiyiin iyo madax qaran oo caan noqday, abwaano magac ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.

Waxa aan soo booqday 1998 Dugsigii oo la fadhataystay oo ah kharaabad aniga oo aan is ogayn ayaa ilmo iga soo daadatay oo aan u adkaysan waayey muqaalka ii muuqda iyo xusuustii igu soo dhacaysay, nasiib-wanaag aniga oo ah Wasiirka Qorshaynta xukuumaddii Cigaal (1997 – 2002) ayaa waxa xafiiska igu soo booqday Marxuumkii Ashcari oo u wakiil ah SOS oo wada mashruuc lagu hagaajinayo Dugsigii Sare ee Sheekh, waxa uu igu yidhi Madaxweyne Cigaal ayaanu u tagnay oo nagu yidhi u taga Wasiirka Gees, haddii uu idinka oggolaado waa aan oggolaanayaa. Markaas waxa mashruucu ahaa in dugsi carruurta lagu daryeelo loo rogo dugsiga waxa aan u sheegay inaan idiin oggolaanayo mashruuca haddii aad dugsigii sidiisii ku soo celinaysid oo uu ahaanayo dugsi sare, sidaas ayaa heshiiskii ku dhammaaday uu dib-u-dhis la yaab leh oo ka qurux badan tii hore lagu sameeyey. .

Mar labaad ayuu iridihiisa u furay arday cusub oo waxbarasho u haraadan. Fajac iyo amakaag ayey igu dhaliyeen labadan dil, yaa arrintan oo kale fali kara, waxa isla arrintaas i weydiiyey nin safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya xoghayaha labaad ka ahaa oo la odhan jiray Richard Owen. Ninkaas oo Somaliland marar badan yimid oo aannu shaqada isku baranay, waxa aan u sheegay inaan u malaynayo inay yihiin Islaamka ismiidaaminta ah ayaa fuliyay dilalkaas. Soomaali waxa mar kasta burburka maamulka dhexe sabab u ah laba arrin oo kala ah qabiil iyo diin.

Hadda waxa laga soo kabanayey dagaalladii qabiilka, waxa muuqday ifafaalihii dagaal diimeedka ee Islaamiyiinta ismiidaaminta ah sidii dagaalladii Daraawiishta oo isugu jiray dagaallo qabiil iyo kuwa Islaamka ismiidaaminta ah, boqol sanno ka hor.

Waxa aan gaadhay dalka Maraykanka oo ahayd markii iigu horraysay ee aan tago anoo sii maraya Jabuuti iyo London, tigidhka iyo jicsinka waxa iga bixiyey niman aannu macaruf ahayn ee xoolo aan haystay oo lixdii sanno ee Wasiirka ahaa aan ka tabcaday ma jirin aqal reerku lahaa ayaan intaas ku jiray oo aan degenaa, waxa iga soo hadhay yaab iyo amakaag, inkasta oo dalal badan oo Yurub iyo Eshiyaba leh aan hore u tegay ma filayn isbeddelka intan le’eg waa qaarad dhan oo waddan qudha ah waa jannadii adduunka dad ayaa Maraykan wax ka sheega.

Nin aannu aqoonin ahayn ayaan idhi maxaad waddankii ugu soo noqon wayday, waxa uu igu jawaabay; “Waar GDP amma wax-soo-saarka Soomaalida Gobolkan Minasota joogta ayaa ka badan waxa Soomalida oo dhammi soo saarto amma GDP-eeda ee maxaan ka doonaa.” Waa dhab waa ka raysteen dadkii qaxootiga ahaa Soomaaliya, waxayna gaadheen nolol la yaab leh, waxay ahayd intii aan xoogga lahaa inaan imaado. Halka aan ratiga caanaha uga lisayey oo aan suurtagal ahayn in maamul dhexe loo sameeyo Soomaali amma ha kala go’do amma ha is-huwanaato’e. Inta dhaqanka Soomaalidu ku dhisan yahay qabiil iyo diin aanay garanayn, oo wadaad-xume dhex joogo oo diinta oo ku qoran af aannu garanayn si kale u fasiraya; wataa la gashay dirayskii Afqaaniga iyo isqarxintii Sumraawiga, iyana waa yaab.

Inkasta oo Soomaalida Maraykan degtay ka raysatay darxumadii iyo rafaadkii haystay, haddana waxa aan la yaabay inay weli horjoogaan oday-beeleedkii iyo wadaad xumuhii oo aanay dhinacaas waxba iska doorin, taas oo dhibaato ku noqotay sidii ay bulsho ahaan wax u wada qabsan lahaayeen amma ula dhaqmi lahaayeen dadka waddankan ay ku soo biireen ee kafaala qaaday. Waxa ii suurta gashay inaan Aabbahay iyo Hooyaday iyo walaalahay iyo caruurtooda oo aanan arag tobaneeyo sanno aan soo arko, waxase iigu xiisa badnayd nin aannu isku fasal ahayn ilaa dugsiga sare oo dabeeto Maraykan goor hore degay, ayaan la kulmay isaga oo Doktoor weyn ah (PhD) oo ku qaatay cilmiga kimikada, haatanna agaasime ka ah Shaybaar Dawladda Dhexe ee Maraykanku leedahay oo ku yaalla Gobalka Mariland, waxa uu leeyahay alaabooyin cusub oo uu ikhtiraacay.

Waxan xusuustaa isaga oo dhawr jeer igu qalqaaliyey inaan Maraykan imaado, mar aan Ingiriiska wax ku baranayey, mase aan yeelin. Waxa markaas igu soo dhacday bal inaan internet-ka ka raadiyo inamo Ingiriis ah oo aannu isla koorso wada qaadanay shahaadada Majasteerka cilmiga Fisikada, gaar ahaan qaybta (Semiconductors), waxan helay oo ii soo jawaabay Dr. Harry Whitlow oo wax ka dhiga Laba Jaamacadood oo ku kala yaalla Sweden iyo Finland, waxaba iskuma ciil kaambiyin ee markaan joogay afar bilood dalka Maraykan ayaan gaadhay inaan qodaxley, boodh badan, bilaad wax-i-sii inaan ku soo laabto Geeska Afrika, halkaas oo dunida ugu saboolsan uguna colaad iyo qaxooti badan, oo aan goostay inaan ku idlaysto inta baytariga nolosha iiga hadhay. Waxa igu soo dhacday tuduc gabay ah,

Mugdi baan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydaw eh

Maangad abaar ah iyo diri baan maax ka deyayaa eh

Mawjada badeed iyo webaan moos is leeyahay eh

Dad masaamiiri dhegaha ka jirtaan maqal ka tuugaa eh

Soomaali midab doorsantaan meeday leeyahay eh

Mindidii adoogay dishaa madaxa ii taal eh

Micno ma leh adoonyadu haddaanad magac ka rabayn eh

Ma aan mahadin maalintaan dhashee ay ii mashxaradeen eh

Alla ha ku naxariisto Maxamuud Ismaaciil “Qaasim” waxa badan buu ku daakiray xaqa oo naga dahsoonaaye.

Sannadkii 2004-tii ayaan ku biiray duni aniga ii cusub oo hore dusha uun aan ka arki jiray dunida NGO-yada, Hay’adaha Jimciyada qaroomaha amma sida lagu naanayso Amiirada Saboolnimada

 

Additional information