Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadii Hadi dhaco oo Hareerigu hoosta ka engago...

 

Waxaan ayaamahan danbe hadal haynteedu ku badatay Jaraa’idka ayna ka doodeen asxaabta mucaaridku Guddi dawladeed oo loo xil saaray goballadda bari gaar ahaan Sanaag iyo Sool.

 

 

 

Hadii Hadi dhaco oo Hareerigu hoosta ka engago oo hadhyare Qudhac hablo diirtaan oo Higlada Bari libaaxu hadhgalo, adaa hoogeye xagaad hadh u Dayan

Waxaan ayaamahan danbe hadal haynteedu ku badatay Jaraa’idka ayna ka doodeen asxaabta mucaaridku Guddi dawladeed oo loo xil saaray goballadda bari gaar ahaan Sanaag iyo Sool.

Waxaa hadaba is waydiin leh Xukuumadda iyo Asxaabtu xog intee le’eg ayey ka hayaan wadada dheer ee loo soo maray nabadaynta iyo dib-u dhiska Soomaaliland gaar ahaan goballadda bariga.

Gobalka Sanaag waxaa ku dhaqan oo Illahay ku beeray Beello badan oo aadse loo yaqaano afar beelood oo kala ah ( Habar yoonis, Habarjeclo,Dhulbahanteiyo Warsangeli)

Intaan Sanaag noqon gobal waxay ahayd district Cerigaabo, juqraafi ahaana wuxuu ka bilaabmaa dhinaca galbeed Cadaad kulaaleed ilaa bari waylo oo magaalada Qardho u jirta 25km waana xadkii mustacmaradihii Ingriiska iyo Talyaaniga, qiyaasta dhulka uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasa saddex meelood meel ahaan dhulwaynaha Soomaaliland (1/3).

Dhulka intaa le’eg magaallada ugu wayni waa Ceerigaaabo oo ah magaalo madaxda gobalka taas oo ahayd meeshii uu fadhiyi jiray DC ingriiska ee xukumi jiray degmadaas , magaaladaas ayuun bay beelaha ku dhaqan gobalku wada degaan taas oo cid waliba degan tahay oo aad u kortay , gobalka intiisa kale waa magaalooyin yaryar iyo tuulooyin ay degan yihiin reer keliya oo u sii kala baxa ardaayo iyo tuulooyin.

Hadaba waxaa maamul dawli ahi ka samaysmi karaa meesha la wada degan yahay kaas oo astaan maamul u noqan kara gobalka kana sii fidi kara markuu hana qaado.

Maanta Ceerigaaabo waa la wada degan yahay mahad Alle weeye, wixii dumay dib ayaa loo dhisay, dhismayaal cusubina waa laga dhisay wayna dhismaysaa waxay leedahay baahidii nolasha intii u muhiinsanayd xagga horumarka casriga ah sida biyo,laydh, telifoon ,internet . Waxaa ka furan Isbitaal, dugsiyo hoose, dhexe iyo sare waxaa taga diyaaraddo ganacsigu waa isu furan yahay bari iyo galbeed. Waxaa jooga macalimiin iyo hayaddo samafal oo ajanebi ah.

Hadaba xaaladu sidaas may ahayn mudo hadda laga jooga 10 sano gushaas waxay ku timi dadaal qunyar socod ah oo ay iska kaashadeen kana wada qayb galeen Guurtidda, Aqoonyahanka, & Haweenka beelaha wada degan gobalkaas iyadoo aanay cidna dibada uga iman.

Waxaa xusid mudan halhays ah Rooma maalin qudha laguma dhisin sidaa darted wafti xukuumadda ah oo maalmo ku qayila wiilalna qaad u qaada ka weyn xaajaddu.

Waxay u baahan tahay in la derso xaalada maanta iyo waxii loo qaban karo oo meeshi baahi jirto si cilmi ah wax looga qabto taas oo noqota mid joogta ah oo aan wax yeelayn wixii hore u jiray

Haddii aan xusuusta dib ugu noqono 10 sano mudo laga joogo taas oo ahayd dib u yagleelkii nabada shirwaynihii beelaha reer Sanaag ee lagu qabtay Ceerigaaabo. Waxaa shirkaas ka horeeyey shirar doceedyo ka soo bilaabmay 1991 markii dawladiii Maxamed Siyaad  burburtay iyo dagaaladii sokeeye ee dadkii wada degana ku kale qaxeen magaaladi Ceerigaaabo oo ay beel waliba ku noqotay tuulooyinkii u gaarka ahaa ee aan soo sheegay.

Shir doceedyadaas waxaa ka mid ahaa Yubbe1, Yubbe 2 iyo Jiidali ooo dhex maray Warsangeli iyo Habaryoonis bari.Ceelqooxle, Shinbiraale oo dhaxmaray Warsangeli iyo Habarjeclo. Darar weyne oo dhex maray Dhulbahante iyo Habar yoonis.Garadag oo dhexmaray Warsangeli, Habarjeclo iyo Dhulbahante.

Shirar kale oo dhawr ah oo dhexmaray Dhulbahante iyo Habarjeclo.Shirar beeleedyadaas ay isugu imanayeen laba beelood ama saddex waxaa laga wada hadli jiray xabad joojin iyo wixii danta ah sida daaqa waxa danbe ee dhaca wixii laga yeelli lahaa iyo biyaha. Marwalba tuulada lagu qabanayo beesha taal ayaa marti gelin jirtay, hase yeeshe shirarku waxay ahaan jireen shirar nabad –dagaal oo qollo walbaa ciidankeeda iyo tignikadeeda way la iman jirtay.

Inkastoo shirar bilaabmeen oo lawa hadlay oo xabad joojin jirtay hadana waa lakala yaalay oo isu socod caadi ahi ma jirin oo xad ayaa lakala lahaa, waxaa jirtay gooba laysugu iman jiray oo ay ugu weynaayeen labada goobood oo ganacsigu ka socday oo baabuurtu rarka iyo rakaabka ku kala wereejin jireen oo mid walbaa dib uga noqan jiray

Waxay ahaayen goobahaasi xagga sare oo ahayd Higlo kala noqod oo u dhaxaysa Yubbe iyo Jiidali.Xagga hoosena waxay ahayd Ceel qooxlle.Laysuma gudbi jirin oo qola walbaa halkas ayey ka noqon jirtay, xaaladu halkaas ayey joogtay intaan laysugu iman shirwaynihii beelaha sanaag ee Ceerigaaabo.

MagaaladiiCeerigaaabo oo ahayd xaruntii gobalka waxay ahayd meel aan baabuur soo gelin oo ay beel qudhi joogto beeshaas oo ahayd Habaryoonis bari inkastoo Habarjeclona cidi ka joogtay waxayna la mid noqotay tuulooyinkii aan soo sheegay ee ay deganaayeen beesha keliyi.

Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo ka mid ah beelaha degan Sanaag ayaa jeclaa in arrintu sidaas noqoto oo aan laysku soo noqon oo sidaas loo kala xidhnaado, dadkaasina ilaa maanta way jiraan ha jogeen soomaliland ama meel kale fikirkoodina isma bedelin.

Waxaa xusuus mudan markii shirwaynaha loo balamay july 1993 waxay Habaryoonis bari ergo u soo diray Warsangeli sidii ay balantu ahayd oo ka koobnaa 7-10 nin oo ay dhamaantood warsengeli dhaleen intooda badanina ay xidid la ahaayeen Warsangeli, waxay soo gaadheen tuulada Yubbe halkaas oo lagu nageeyey iyagoo doonayey in ay u soo gudbaan Hadaftimo oo ka socday shirweyne Warsangeli

Waxay shirweynihii Hadaaftimo u soo direen ergadii koox odayaal ah   waxaanna  la soo dhexgeliyey oo lagu soo daray niman xag-jirayaal ah oo doonayey in dadku sidii hore u kala xidhnaado oo aan lays ku soo noqon shirkuna burburo kuwaas oo ugu yimi ergadii yubbe.

Markii aan arrintaas ogaanay qolyahayagii doonayey in la nabdo oo shirka la qabto dadku isku soo noqdo, ayaa waxaannu soo raacay gaadhi tikniko ah (Baroon) niman ay ka mid yihiin Aniga Maxamed Saciid, Axmed Cadami, Maxamuud Cabdi Xaamud, Saciid Bidaar, soo raacista baroonka waxaa nagu kaliftay  anagoo ka baqayna in ay xagg-jirayaasha beeshayadu na dilaan , sidaas ayaanu ku inimi Yubbe,  iyadoo  ergadii  ay habeenkii hore is maan dhaafeen qolyahii laga soo diray Hadaftimo oo shirka burburinayey , habeenkii labaad ayaan la kulanay ergaddi oo aan u sheegnay in balantii sidii hore tahay oo aan shirka imanayno .

Waxaa dhacday markii ay nimankaas ergada ahi ka soo anbabaxayeen Ceerigaaabo sida uu ii sheegay ninkii soo raacay ee Warsangeli  (Siciid Bidaar) in la geeyey darista Ceerigaaabo oo la dhaariyey oo lagu yidhi wax laydin faro mooye wax kale ha sheegina, markii la dhaarinayey ayaa waxa soo booday ninkaas Warsangeli oo yidhi war mid xanta noo sheega dhaarta nooga reeba, markaas ayaa lagu yidhi Hebel ayaan waxba qarin ee isaga hala reebo.

Dhulbahantahana sidaas oo kale ayaa waxa loogu diray ergo ay wada dhaleen dhulbahante kana qabay.

Waxaan ku heshiinay ergadii in aan soo dirno shan qof oo ka mid noqda gudiga qaban qaabadda shirweynaha beelaha sanaag.

Markii aan ku noqonay shirkii Warsangeli ee Hadaaftimo waa laysku khilaafay oo waxaa loo kala jabay laba garab, oo loo badan yahay garabka ka soo horjeeda shirka iyo nabada o leh sidaa ha loo kala xidhnaado xadkuna ha jiro iyo garab leh shirka hala tago nabadana hala qaato waanna shirkii horeeyey ee Warsangeli isku khilaafo kaas oo lagu kala qaybsamay Odayaal, Siyaasiyiin, ciidan iyo tignikadii.

Anagoo fulinayna balantii iyo heshiiskii aan la soo galnay ergadii Yubbe waxaan hoos ahaan u dirnay oo si qarsoodi ah uga baxay hadaaftimo habeenimo shantii nin ee aan ugu talagalnay in ay ka mid noqdaan qabanqaabiyaasha shirka Ceerigaaabo kuwaas oo ahaa

1.Axmed xaaji Cali (Cadami)

2.Marxuun Cabdi Shire Diiriye

3.Marxuun Ciise Sharmaake Caamir

4.Siciid Maxamed Ismaaciil (Bidaar)

5.Ismaciil Maxamed Maxamuud (Jarafle)

6.Iyo direewalkii gaadhiga Marxuun Maxamuud Xussen Cismaan oo markii uu soo noqday lagu dilay Laas-qoray iyadoo jiray go’aan hoose oo ay gaadheen garabkii naga soo horjeeday ooahaa ciddi Ceerigaaabo tagta in la dilo

Nimankaasi waxay gaadheen Ceerigaaabo si lama filaan ah iyagoo ay isugu yimaadeen shantii nin ee qabanqabada u socotay beesha dhulbahante oo ka soo anbabaxay Fiqifuliye oo kala ahaa

1.Maxamuud Foolmadoobe

2.Xuseen Axmed Cabdileh

3.Maxamed Xasan Ilaalo

4.Cabdi Xuseen Mataan

5.Nin aan hada xusuusan magaciisi

Nimankaas si fiican ayaa loogu soo dhaweeyey Ceerigaaabo iyadoo lagu dejiyey qolo walba ciday qaraabada ahaayeen

Waxaa ku soo biiray oo xagga Jabuuti ka soo raacay diyaarad oo siday raashinkii shirka iyo agabkii loogu talagalay shirka oo ay bixinaysay hayadda wadaniga ee SDR oo Warsangeligu lahaa taas oo bixisay wixii shirka looga baahna iyadoo qaar soo saartay Doon uu lahaa Cali Ducaale oo ahayd doontii Warsangeli ee ugu horaysay ee soo gasha maydh, diyaarada waxa la soconay Aniga Maxamed Saciid, Maxamuud Cabdi Cali (Bayr) iyo Maxamuud Cabdi Xaamud.

Wixii raashin iyo agab shirku u baahna sida qalabka hurdada, ka wax lagu cuno weelka biyaha iyo laydh anagaa keenay beelahu waxay iska bixinayeen khusaarta iyo iidaanka.

Markii ay kulmeen gudigii qabanqaabada shirku waxay soo jeediyeen hab dhaxal gal ah oo ka duwan hababkii loo qaban jiray shirarkii hore waxayna ku heshiiyeen qodobadan hoos ku qoran oo ay soo diyaariyeen habka fikirkan Aniga Gees, Beyr iyo Saciid Jaamac Cali oo ay gudigii intiisi kalena nagu raaceen oo la gudoonsaday in lagu dhaqmo

1.Habkii nabad-dagaalka oo laga baxo oo aan tigniko iyo ciidan aan magaalada lala soo gelin

2.Beelaha jooga Ceerigaaabo in ay ka saaraan magaalada ciidankooda iyo tignikadooda marka laga reebo wixii looga maarmi waayo nabadgelyada

3.Nabada shirka ay ka masuul yihiin beelaha habaryoonis bari iyo habarjeclo, halkii awal beel walba shirarki hore iyadu iska masuul ahayd nabadeeda

Qodobka kowaad waxa ka biyo diiday beesha dhulbahante oo ay ka maqnaayeen odayaal iyo siyaasiyiin ay tuhmayeen , markii aan anagu gooni ula shirnay oo u damaanad qaadnay iyaguna way nagu raaceen oo way gudoonteen

4.Waxaa loo qaybiyey nabada shirka in ay ilaaliyaan 200 nin oo calaamad gaar ah leh raashin gaar ahna la siiyo

5.Waxaa lagu heshiiyey in shirgudoon la sameeyo ka kooban 9nin oo beel walba 2qof laga soo doorto marka laga reebo beesha habaryoonis oo 3qof laga soo doortay

6.Waxa la qorsheeyey in laba qolaba ay mar shirto oo ay darista tagaan shirgudoonkuna ku daro xoghayn wax u qorta , waxay ku heshiiyaana shirwaynaha laga ansixiyo sidaa awgeed ayu shirka intiisa badani dibada ku soo dhamaan jirtay

7.In la sameeyo gole Salaadiin Iyo garaado ah oo wixii laga maarmi waayo lagala tashado salaadiinta timi waxaa ka mid ahaa

a) Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac

b) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

c) Garaad Ismaciil Ducaale

d) Suldaan C/laahi Suldaan Cali

e) Marxuun Suldaan Ciise Xirsi Qani

f) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

g) Suldaan Siciid Suldaan Cali Ducaale (wakiil)

Waxaa halkaa xusid mudan in aan beesha Warsangeli aanu iman suldaankeedi isagoo Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud uu xanuunsanayey oo uu soo wakiishay Ismaciil Suldaan Maxamuud  amarna ku siiyey in uu shirka tago oo magaciisa kaga qayb galo

Ismaciil shirkii ma uu iman wuxuu raacay garabkii shirka diidanaa wuunna ka dhego adaygay amarkii Suldaan C/salaan, sidaas awgeed waa la saluugay ergadii beesha Warsangeli ee shirka timi iyadoo ka koobnaa 3 ardaa caaqiladoodii iyo niman  siyaasiyiin iyo odayaal ah.

Markii uu xaalku halka marayey ayaa waxaa soo dhexgalay Marxuun  jiif Caaqil Ismaaciil Muuse oo jiray da’ ka badan 120 sano oo ahaa tiir ka mid ah tiirarka shirku ku socday ayaa isagoo dhiiri geliya waxaa uu yidhi halhays cajiib ah oo ku tusaya hido samidii nabad jacaylka soomaaliyeed kaas oo ahaa “Ergo nabadeed haddii uu yahay xitaa hal qof waa la aqbalaa, colaadse qof qudha laguma colaad qaato”sidaa ayuu ku hirgalay qabashadii shirku.

Aniga iyo Bayr markii aan diyaarada ka soo degnay waxa lana dejiyey guri uu ku jiray Mayarka maanta ee Ceerigaaabo Ismaciil Xaaji Nuur.

Gurigaas oo ka koobna laba qol oo isu furan qol aniga iyo beyr ayaa seexan jirnay qolka kale oo u furan oo xigay dhanka albaabkana nin qori sita oo anaga na ilaaliya taas oo ku tusaysa khatarta ay u soo badheedheen dadka shirka yimi ee dhinac walba leh waxa jirta in magaalada Ceerigaaabo dhaxan badan tahay marka dadka waaweyni ay qayilaana kaadidu ku badato sida la wada yaqaan sidaa awgeed guriga oo ahaa guryihii hore ee musqushu dibada ku taalay oo markasta oo aan u baahano godka ay khasab nagu noqotay in uu ninkii na raaco sidaa darteedna ay nagu kaliftay in aan kaadidii isku celino ilaa subaxii si aan u ixtiraamno ninkaas.

Waxaa kale oo dhacay mudadaas aan ahayn gudiga qabanqaabada intii aan shirka lawada iman arrimo xiiso badan marka dib loo eego, ninkii fekerayana uu wax ku qaadan karo waxaa ka mid ahaa

I.  Waxaa beelaha Hartiga magaalada ka joogay gudigaa ka hor laba nin oo keliya oo iyagu aan marna ka bixin oo ahaa Warsangeli

Kan hore wuxuu ahaa nin la yiraahdo Magan oo ahaa doobiile ahna nin bulshaawi ah markii aan la kaftanay oo nidhi maxaa kugu reebay meesha waxuu noogu jawaabay anigu mar walba dhar ayan dhaqaa oo ciddi ii dhiibata yaan u dhaqaa ee dharku ima kala xigo, waxa uu iigu daray intii aad iga maqnaydeen jaadkayga bilaash ayaa meeshayda laygu keeni jiray oo maalin ma waayi jirin hada markaad timaadeen ayaa layga jaray oo la yidhi tolkaa ayaa yimi ee jaad isiiya

Kan labaadna wuxuu ahaa Cadami oo ahaa nijaar ahna wadaad ninkaas oo markii dagaaladii socdeen ee ciidankii Siyaad joogay dad badan oo dhaawac ahaa oo isaaq ahaa qaaday oo gurigiisa ku daweeyey oo markii ay bogsadeen magaalada dhuumasho kaga saaray isna cidna godob kama filayn

II.  Waxaa dhacday maalin in qolyahaygii qabanqaabada ee Warsangeli iyo qolyihii hayada SDR u baahanay meel aan ahayn guryihii aanu deganayn oo aanu gooni isugu xan qarsano dabadeedna waxaa dhacday in laba gabdhood oo Warsangeli ahi ay yiraahdeen guri qol nooga kiraysan yahay yaan idin geynaynaa. Markii aan gurigii galnay aya waxa naga helay laba arimood oo yaab leh anagoo ka koobnayn afar nin Aniga, Beyr,Cadami iyo Xaamud

§ Guriga markii aan soo galnay ayaa anigu is bedelay oo dareen I galay marki ay saaxiibaday I waydiiyeen waxa igu soo kordhay ayan u sheegay guriga gabdhuhu inagu martiqaadeen ee laga  kireeyey in uu yahay gurigii awoowgay Maxamed Gees ee aan ku soo koray

§ Anagoo qayilayna hawshayadiina ku guda jira ayaa waxaa gurigii isa soo hortaagay gaadhi tigniko ah (suug) oo ciidan habaas lihi saran yihiin markii ay soo degeen ayey gabdhihii albabkii ku soo jebiyeen oo qolkii aan fadhinay soo galeen iyagoo sita qoryahoodi, nimankaas oo aanay garanayn anaga iyo gabdhaha tooni. Anagoo yaaban oo fajac iyo amakaag ku jirna maskaxdayaduna arrimo badani ku soo dhaceen oo garan la wax socda ayaa nimankii mid ka mid ahi na salaamay (salaama calaykum), waan ka qaadnay salantii (calaykuna salaam) markaas ayuu yidhi mee Maxamuud Cabdi Xaamud markaas ayey su’ashii naga sii nixisay nina wuu tilmaami kari wayey isna wuu aamusay anagoo ka baqnay haddi aan sheegno in xabad la raacsho. Markay halkaa maraysay ayaa mid naga mid ahi yidhi miyaad garanaysaan, markaas ayey yiraahdeen maya, midkale oo naga mid ah ayaa yidhi maxaad ka doonaysaan haddii aydaan garanayn. Waxay yiraahdeen xigtaan nahay, markaas ayuu yidhi waa aniga waa laysa salaamay oo lays waraystay waxay noqdeen niman habaryoonis ah (urursuge) oo ay xidid yihiin oo markay maqleen in uu yimi ka yimi Jiidali si ay ugu ciidamiyaan waxna uga doontaan

III. Magaalo Ceerigaaabo u jirta 40km oo Warsangeligu dego (Carmale) ayaa nin gabadhi kaga foolatay ayna hore u umuli wayday markii uu maqlay Ceerigaaabo ayaa laysugu tegay ayuu gabadhii soo qaaday oo ku soo dhiiraday isbitaalkii Ceerigaaabo. Nasiib daro gabadhii iyo ilmihiiiba way isku dhinteen. Waxaa na qabsaday aaskii anagoo yar una badan odayaal xabaalaha ceerigaabana gacantaa lagu qotaa wayna adagyihiin waxaa dhacday goor casar gaaban ah anagoo weli wadna xabashi aan saka bilownay, in magaaladii lays ka kaayo waydiiyey oo la yidhi nimankii Warsangeli ilaa saaka lama arag ee maxaa helay markaas ayaa la ogaaday in aan aas jirno, maqribkii ayaa waxaa noo yimi iskarogo rag ah oo buuxda oo uu hor kacayo Dacar Aadan Cade oo sita tiriigyo iyo qalabkii wax lagu qodayey, markay na soo gaadheen ayey yiraahdeen ka soo baxa xabaasha oo iska nasta anaga dhamaynaynee

IV. Habeenkii aan magaaladda nimi ee diyaarada ka soo degnay waxaa dib u dhacay qaadkii magaalada oo burca uga iman jiray, inta badan qaadka Ceerigaaabo dhexdaa lagu dhici jiray oo jidkaa loo geli jiray, waxaa lakala garan waayey in la dhacay iyo in si kale wax u dhaceen. Markii qoraxdii dhacday ee la waayey ayaa gaadhi waxaa kaxaystay koox dhalinyaro ah oo yidhi meelahas ayaan ka soo eegaynaa in gaadhigii qaadku ku xumaaday, dhalinyaradaas qaadka raadisay waxaa sii raacay Marxuun Ciise Sharmaake oo ka mid ayaa gudigii qabanqaabada ee Warsangeli. Alle ha naxariistee Ciise oo in badani taqaanay oo ka mid noqday Golaha Wakiiladda Soomaaliland wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo kaftan badan. Waxaa dhacday nasiib wanaag in gaadhigii qaad laga helay isagoo ku xumaaday meel u dhaw Yufle, waxay isla goobtaas ku wada kulmeen gaadhi ka yimi burco oo ay wataan Marxuun Cali warsame Dheere iyo Aadan Baxnaan.  Markii ay is garteen oo ay isa salaameen ayaa Ciise u tagay Cali Warsame oo ku yidhi caawa dhalintii Sanaag way dhantahay oo ana waan la socdaa Cali intuu qoslay ayuu ku yidhi warkii aan u jeclaa ee dhegtaydu maqasho ayaad ii sheegtay waadna ii bushaaraysay (labadoodaba Alle ha un raxariistee) ii waran ayuu ku yidhi yaa joogay magaaladdi markii uu magacyadayadii u sheegay Gees, Bayr, Cadami iyo Xaamud ayuu ku yidhi waan ka balansanayne I geeya guriga ay joogaan, sidaas ayey anagoo war hayn noogu soo dul dhaceen  gurigayagii Cali iyo Aadan oo sita joonyad qaad ah . halkaas ayan habeenkii oo dhan isku waraysanay oo war bixin ku siinay halkuu marayo shirka iyo wixii aan ka soo gudubnay oo ilaa subaxdii fadhinay

Ku soo biirida shirka ee Cali Warsame wax weyn ayuu shirka taray wuuna dardar geliyey shirki wuxuu ahaa nin maalqabeen ah, waayo arag ah siyaasi ah dad iyo dal aqoon ah oo fahansan waxtarka nabada iyo waxay faa’iido leedahay, wuxuu ahaa ninrayigiisu dhaafsiisan yahay ceshiimada yar ee laysku haysto run ahaan markii uu noo yimi shirkii wuu noo furfurmay gaar ahaan dhinaca beeshiisa wuxuu ahaa nin ay afarta beeloodba ku kalsoon yihin taas oo wax badan noo fududaysay

Cali waxa uu ka mid ahaa niman dhawr ah oo aanu ka wada hadalnay anagoo xamar joogna sidii aan beelaha Soomaaliland u nabdayn lahayn. Hawshaas gaar ahan Cali Warsame waxanu ku sii qorshaynay magaaladda Nayroobi Kenya waxan raggii kale ee nagula jiray qorshahaa ka xusuustaa Maxamed Cumar Jiir oo ka mid ah golaha Wakiiladda iyo Cabdiqaadir jirde Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee wakiilada iyo nin la yiraahdo Cabdilaahi Xaaji Jaamac (talaata xajaar) oo aanan hada garanayn meel uu jogo

v Maalin maalmaha shirku socday ka mid ah, ayaa dhalinyaro hubaysan oo habaryoonis ahi waxay yimaadeen huteelkii ay degganayd ergada Warsangeli, waxay albaabka kula kulmeen dhawr ka mid ah ergada oo uu ku jiro Maxamuud Warsame Xagar oo curyaan ah, waxay ku yiraahdeen magaalada deg-deg ugaga  baxa  mudo saacado ah haddii kale waxa idin gaara waad arki doontaan, intay ku soo jeesteen curyaankii ayey ku yidhaahdeen “adigu saacad kaga bax”. Curyaanki intuu qoslay ayuu yidhi ninkaygii gurguuranayey waxaad u qabateen saacad nimankii lugaha qabayn dhawr saacadood, sidaasi ma cadaaladbaa.Dadkii meesha joogay ayaa wada qoslay ooo ay ku jiraan dhalintii qoryaha sidatay. Sidaas ayaa arrintii qasnayd si yar ugu dhamaatay

v Waxaa jirtay in meesha shirka loo qorsheeyey in lagu qabtaa ay ahaan jirtay hanuunin xaafadeed oo ay dhistay dawladdii Siyaad oo la fadhataystay waxaa loo baahday in dib-udhis iyo dib u habayn lagu sameeyo hoolka iyo xafiisyadda si hawsha shirka loogu qabto, hawshaas waxaa loo xilsaaray nin la yidhaahdo Siciid Maxamed Nuux. Waxaa dhacday maalin in aan soo kormeernay meeshii xafiisyadda ahayd ee la dhisayey Aniga, Cadami iyo Siciid ninkii hawsha waday waxaannu furnay albaabka mid ah dhismaha waxaa naga soo baxay arrin naxdin iyo amakaag ah waxaan ku aragnay lafo dad iyo dharkii ay gashnaayeen taas oo noo cadaysay in meesha dad lagu xasuuqay, taas oo ay nagu soo dhacday haddii dadku ogaadaan waxa dhici karta in shirka dhexdiisa laysku laayo oo shirku burburo iyadoo aan garan waynay waxaan samayno oo diidayna in dad kale arkaan, ayaa nasiib wanaag ninkii Siciid na dejiyey oo ku xidhay albaabkeedii oo isku awday meeshii iyo wixii ku jiray oo yidhi inta shirku socdo sidaas ha inaga  ahaado markuu dhamaado ayeynu  aasi doonaa. Taas waxay ahayd arrin shirku ku burburi gaadhay

v Markii hoolkii shirka la isugu yimid oo uu maalmo socday ayaa dadkii ka hadlayay waxaa ka mid noqday nin madaxdii SNM ahaa oo layidhaahdo Siciid Maxamed Nuur, ninkaas oo hadalkiisii dhawr jeer ku celceliyey kalmada ah (Allaahu akbar). Taas oo dadka badidiisu waxgaar ah ama xumaana aanay u arkayn. Waxaa si lama filaana u kacay ninka layidhaahdo Fu’aad Aadan Cade oo ka mid ahaa ergadii Beesha Dhulbahante hadana ah Wasiirka horumarinta reer miyiga iyo deegaanka, isagoo  ku dhawaaqay dhawr jeerna ku celceliyey kalmada (jaalle) kadibna hoolkii ayaa isla kacay iyadoo aad moodo indadkii u kalabaxeen kooxihii dagaalami jiray laguna sigtay in gacanta laysa saaro, dadka badankiisii albaabaday boobeen shirkiina waa laxidhay. Olole danbe ayaa dib loo galay shirkiina afar maalmood ayaa lafasaxay oo la bilaabay shirar gooni –gooni ah oo turxaanbixin ah taasina waxay ahayd maalin uu ku sigtay in kalmadaas shirku ku burburo.

Markii uu dhamaaday shaqadii gudiga qabanqaabadu laguna heshiiyey qaabkii shirku u socon lahaa.Lana dhamays tiray habkii loo dajinlahaa ergooyinka beelaha iyadoo labo beeloodba laysa saaray (Warsangali&Habaryoonis) iyo (Dhulbahante & Habarjeclo).

Beel waliba waxay soo xulatay ergadii loo qoondeeyey inay shirka uga qaybgasho inkastoo ay yimaaden dad badani.

Waxaa shirka ku soo biiray saladiin gobalada kale ka timid oo aan hore u soo magacaabay oo iyaguna kaalin wayn kaqaatay oo ay marka wax adkaadaan furfuri jiray

Waxaa aad loo xiisayn jiray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac, ninkaas oo marka uu hadlayo sacabka aad loogu tumi jiray markuu ducaynayana aamiinta aad loo badin jiray si tiisa uun la aqbalayo isagoo beelaha oo dhami ku kalsoonaayeen.

Wuxuu arrintaas ku mutaystay markii uu Siyaad iyo dawladiisi oo jirta uu u badheedhay heshiisiinta beelaha Soomaaliland oo uu Hawd tegey ilaa Baligubadle oo ahayd xarruntii jabhadii SNM halkaas oo uu kula soo shiray Madaxdhaqameedyadii beesha Isaaq iyo madaxdii jabhada SNM oo uu ka bilaabay nabadaynta beelaha ku uuman dalkan Soomaaliland iyo isagoo ka qayb galay shirarkii Oog, Berbera, Burco, iyo Boorame.

Waxaa jirtay markii Garaad Cabdiqani iyo weftigii la socday ee beesha Dhulbahante oo uu ka mid ahaa Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ay ka soo noqdeen Baligubadle ay la xidhiidheen Beesha Samaroon oo ay ka codsadeen inay iyaguna wefti u diraan Baligubadle oo la bilaabaan wada hadal iyo nabadayn Beesha Isaaq iyo jabhadiiSNM, ayaan darro madaxdii Samaroon way diiday inay codsigaa fuliyaan. Waxaa yaab badan in 13 sano ka dib Madaxweynaha Soomaaliland oo ka dhashay beesha Samaroon uu ergo u diro Garaad Cabdiqani si uu Soomaaliland uga qayb noqdo.Tollow isbedelka intaas le’eg maxaa keenay, waqtigaa ka jawaabi doona.

Shirku wuxuu bilaabmay bishii July 1993 waxaa la soo gabagabeeyey bishii November 1993, mudadaas shanta bilood ah ee uu socday shirku waxaa laga soo saaray axdi nabad galyo oo lawada saxeexay iyo go’aan dhaxal gal ah oo ay qodobadiisu ugu muhiisanaayeen sida: adkaynta nabad galyada iyo in wixii hanti maguurto ah sida guryaha, beeraha, ceelasha gaarka loo qotay IWM. Loo celiyo cidii lahayd

Waxaa xusid mudan in mudadii shirku socday uu Ceerigaaabo yimid taliyihii ciidanka booliska Somaliland ee waqtigaas oo ahaa Cabdi Saxardiid (cabdi dhiboo) oo u dhashay Ceerigaaabo.Magacna ku lahaa, wuxuu halkaas ku sameeyey booliskii u horeeyey ee gobolka oo ay ku jiraan beelaha oo dhami mushaarna u qoray.

Rag kale oo badan oo magac ku leh gobalka ayaa ka soo qayb galay shirka oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi Karin oo ah Siyaasiyiin , odayaal iyo waxgarad kale waxaa ka xusaya oo ka  mid ahaa

Maxamed xaaji ducaale (dhoolayare)

Marxuun Maxamed Axmed Cabdule (sakhraan)

Maxamuud Saalax Nuur (fagadhe)

Jaamac Maxamed Qaalib (jamac yare)

Axmed Sheel

Shirku wuxuu noqday mid guulaystay oo horseeday dhismaha iyo nabada hada jirta, mudadii shirku socday waxaa dhacday in dad badani ay magaaladii dib u soo degeen oo ganacsigii isu furmay oo baabuurtii dhinac walba magaaladii ka soo galeen(Burco, Laascanood &Badhan), waxaa suurta gashay in ay Maydh ka dhoofaan xoolo lo’iyo adhi ay leeyihiin Dhulbahante iyo Warsangeli. In shirkado la wada samaystay sidas Shirkada ka dhaxaysa Maxamed Shire (Taallo), Saalax Mire & Siciid Bare.In NGO la wadaago la samaystay oo dadkii si fiican isu dhexgaleen.

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa “wixii rag u kaco oo Rabi aqabo waa rumawdaa”. Nabadgelyada Sanaag waxay ka bilaabantay laba nin oo tog labadiisa daan kala jooga oo go’ isu riday, labadii ninba waxay geeriyoodeen intaan la soo gaadhin shirkii Ceerigaaabo,hase yeeshe rag ayaa halkii ka sii bilaabay , ragaas oo aan dawladka socon, lacagna loo dhiibin, askar badanina aanay gaar ka hayn, baabuur dawladeedna aan wadan iyagoo ku xisaabtamayey jebkooda ayey gaadheen guusha intaa le’eg

Markii shirkii dhamaaday waxaa hargeysa yimi wefti afarta beelood ah oo sita go’aamadii shirka oo Madaxweynihii Marxuun Cigaal iyo golayaasha qarankuba ku soo dhaweeyeen Hargeysa.

Waxaa dhacday 1997 in laba ardaa oo ka kala tirsan beelaha Habaryoonis iyo Habarjeclo uu dagaal ku dhex maray magaalada  Ceerigaaabo gudaheeda waxaa isla habeenkii dhexgalay oo colaadi joojiyey labadii beelood ee  Hartiga ee magaalada la deganaa oo ku dhex jiray ilaa gurmad hargeysa ka soo baxay ay soo gaadheen, taasina  waxay ku tusaysaa in  Ceerigaaabo wax ku tahay wada deganaashaha beelaha.

Hadaba xukuumadan cusub ee aan la socon wadada dheer ee loo soo maray nabadgelyada waxaan leeyahay u fiirsada wareegtooyinkiina (degreeto) oo ha isku dhufanina beelaha wada degan,  waxaa is weydiin leh weftigan dawlada ee kharashaysani muxuu u soo kordhin doona Sanaag.

Shirarka ay Soomaaliland ku dhaadato waxaa ka mid ah shirwaynihii beelaha Soomaaliland ee 1996 lagu qabtay Hargeysa oo laagu doortay Marxuun Cigaal mar labaad Madaxweynaha Soomaaliland mudo 5 sano ah, laguna ansixiyey Distoor ku meel gaar ah. Cigaalna uu dhisay waqtigaa Dawladii ugu waxtarka badnayd dawladihii soo maray dalkan Soomaaliland ee ummadda gaarsiisay horumarka, dimuqraadiyadda,iyo nabadda maanta la hadhsanayo.

Waxaa markii shirkaa la qabanayey aanu hargeysa isugu nimi anagoo ku balansanayn Aniga iyo Cadami oo aan anigu ka soo dhoofay Yaman isaguna ka soo dhoofay Masar, labadaqyadu midna kama mid ahayn ergadii ka qaybgalaysay shirka. Waxaa si lama filaan ah ula kulanay iyadoo beesha Habarjeclo iyo Shirgudoonkii shirku is hayaan dabadeedna ay beeshii habrjeclo xanaqday oo shirkii dibada uga baxday. Ergada Beesha Habarjeclo waxaa markaas hogaaminayey labadii Suldaan ee ay beeshu lahayd waqtigaas oo kala ahaa 1) Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali 2) Suldaan Maxamed Guuleed

Salaadiinta iyo Siyaasiyiintii beeshu waxay go’aansadeen inay shirka ka tagaan oo ku noqdaan Yiroowe , beelihii kale ee Isaaq oo Salaadiin Siyaasiyiin iyo odayaal ahaa baa ergo ugu tegay in ay joogaan way ka diideeen

Markii ay halkaas maraysay oo aan ogaanay in ay maanta baxayaan oo cid waliba ka quusatay ayaannu isku urursanay xubno ka mid ah Beelaha Harti ee Soomaaliland oo aan hada ka xusuusto xubnahas hada iyagoo badnaa

1. Marxuun Maxamed Axmed Cabdileh (Sakhraan)

2. Marxuun Bile Xaaji Jaamac (Bile dheere)

3. Axmed xaaji Cali Cadami

4. Maxamed Saciid Maxamed (Gees)

5. Maxamuud Cabdi Cali (Bayr)

6. Fu’aad Aadan Cadde

Markii aan isu nimi ee kulanay ayaannu isla garanay in aan beesha habarjeclo u tango oo aan negayno si aanay shirka uga tegin, halkii ayaan ka dhaqaaqnay oo ugu tagnay ergadii beesha habarjeclo goobtii ay deganaayeen iyagoo isu diyaarinaya in ay anbabaxaan markii aan la kulanay ayaan ka codsanay in ay noo nagaadaan maanta ,una sheegnay inay berrina anagu macsuun oo yihiinoo aannu wadda fadhiisanayno isna waraysanayno kuna tashan doono. Nasiib wanaag way naga aqbaleen Salaadiintii iyo ergadiiba sidaas ayeyna noogu nagaadeen. Markii aan is afgaranay in ay noo nagaadaan ayaannu hadana u tagnay Shirgudoonkii shirka iyaguna wixii aan ula tagnay way naga aqbaleen. Nimankayagaas waqtigaa naguba jirin mid Dawlada ka tirsan ama Golaayasha qaran ma jirin cid hawshaa noo dirtay oo ka danbaysay kharashka aanu ku casumaynayna angaa iska ururinay.

Waxaannu maalintii danbe wada fadhiisanay guriga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) anaga iyo labadii Suldaan iyo ergadii kale waannu wada hadalnay oo is afgaranay waxayna naga yeeleen in ay shirkii dib ugu noqdaan. Sidaas ayey uga qayb galeen shir waynihii beelaha Soomaaliland ee Hargeysa 1996.

Haddii aan halkaas kaga yara joogsano nabadayntii beelaha Soomaaliland aan wax yar ka iraahdo Dimuqraadiyentii inagoo ka bilaabayna samayntii Distoorka.

Shirweynihii qaran ee Hargeysa lagu qabtay 1996waxaa barber socday Gudi ka kooban 15qof oo Shirgudoonkii shirkuu doorteen inay isku began laba distoor oo mid uu sameeyey Khabiir Soodaani ah oo markii hore loo keenay inuu la taliyo guddigii baarlamaanka ee loo magacaabay oo loo xilsaaray in ay sameeyaan distoor sidi uu Axdi qarameedkii Boorame dhigaayey. Waxaa dhacday in ay is qabteen Khabiirkii oo Madaxweyne Cigaal ku xidhnaa lagana urinayey iyo gudigiiBaarlamaanka. Sidaas darteed waxay arrintii keentay in laba distoor la soo saaro mid Khabiirkii sameeyey iyo mid Gudigii Baarlamaanku sameeyeen .

Gudigaas ka koobnaa 15 qof waxay ahaayeen

1.SH.Cabdiilaahi sh. Cali Jawhar Guddoomiye

2.Maxamed Axmed Cabdulle Guddoomiye-ku-xigeen

3.C/qaadir  X. Ismaaciil Jirda xoghaye

4.SH. Maxamuud Suufi Muxumed xubin

5.Maxamed Siciid Maxamed {Gees} xubin

6.SH.Cali sh. Cabdi Guuleed  xubin

7. Faysal Xaaji Jaamac {Qareen}  xubin

8.Cismaan Xusseen Khayre {Garsoore} xubin

9.Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid  xubin

10.Prof. Maxamuud Nuur Caalin  xubin

11.Xasan Cabdi Xabad xubin

12.Axmed Macalin Jaamac xubin

13.Yuusuf Aadan Xiseen xubin

14. Cismaan Cali Bille xubin

15. Maxamed Jaamac Faarax xubin

Gudigaas waxay hawshoodu ahayd in ay labada distoor mid iskaga dhigaan si loo helo xal dhaxdhexaad ah. Gudigaasi mar waxuu ka koobnaa oo loogu tala galay in uu wada matalo inta badan beelaha Soomaaliland, dhinaca kalena wuxuu ka koobnaa dad gorsoorka yaqaanna, dad Diinta islaamka aqoon u leh, dad si fiican uyaqaana luqadaha sida (English, Carabiga), dad yaqaana Suugaanta, dad maamulka dawliga ah ku soo jiray mudo badan iyo siyaasiyiin hore.

Markii aan hawshii bilownay waxaa lanoo keenay nuqul ku qoran af Soomaali oo ahaa distoorkii ay sameeyeen gudigii Baarlamanku iyo saddex nuquloo ku qoran Af soomaali, English, iyo Carabi oo ahaa distoorkii uu sameeyey Khabiirkii Soodaaniga ahaa. Anagoo hawshii ku dhex jirna ayaa waxaa noo yimi Shirgudoonkii shirka ee na magacaabay si lama filaan ah ayey noo fareen in aan Axdi qarameed samayno kii hore ee Boorame ka balaadhan sidaa ayaannu ku samaynay Axdi qarameed cusub muddo koobanku dhamaynay. Mar labaad ayey nagu soo noqdeen Shirgudoonkii shirku oo ay na yiraahdeen distoor sameeya oo labadii distoor oo hore ka soo dhex saara distoor cusub.

Gudigayagii waannu fekernay oo tashanay intaan albaabkii hoosta ka xidhanay markii aan aragnay kala hadalka Shirgudoonka, waxaannu isku raacnay in aan wadanka lagu maamuli Karin Axdi qarameed cimrigiisu 2sano yahayee ay lagama maarmaan tahay in uu wadanku distoor yeesho, waqti ay maanta kaga haboon tahay samayskiisa aannu jirinlana heli doonin.sidaas darteed hawshayadii ayaannu ku dhaqaaqnay waxaa hadaba noo muuqday in labada distoor iyo Axdi qarameedkuba ay xagga qaab dhismeedka dawladeed isku waaafaqsan yihiin iyagoo dhigayey habka Madaxweyne , madaxweyne ku xigeen iyo gole fulimeed oo hoos yimaadda iyo laba gole oo sharci dejin Guurti iyo Wakiillo iyo Garsoorka oo madax banaan sidaas darteed wax khilaaf ah oo badani ma jirin. Waxaase nala kulantay arrin kale oo aanan filayn taas oo ahayd in xubno ka tirsan beelaha  aan Isaaq   ahayn ee gudiga ka mid ahaa qaarkood ayaa la yimi dood ah in distoorka lagu qeexo in  beelaha Soomaaliland ay qaydhiinka ku qaybsadaan xilxlka dawlada oo la yiraahdo tusaale ahaan beel hebel ayaa leh Madaxweynaha , beel kalena ku xigeenka ilaa wasiirada ,taliyaasha ciidamada ilaa madaxda hay’adaha sidaa loo cadeeyo.

Anigu mar walba waxaan qanbay inkastoo aanan ka tirsanayn beesha Isaq in aan waxba lakala cayimin ee wax walba loo sinaado oo qof walbaa nasiibkiisa qaatooo aan waxba laka qaybsan arrintaas oo iska kayo horkeentay xubnihii dooda watay iyo Aniga. Waxaa loo batay oo la qaatay figradii ahayd in wax walba loo sinaado oo aanan waxba la qaybsan.

Arrintaas Aniga iyo Daahir Rayaale waan ka faa’iidaysanay oo haddii figradaa hore la qaato Daahir maanta madaxweyne ma noqdeen Aniguna laba xil oo waaweyn oo aan soo qabtayoo ahaa Wasaarradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibada ma qabteen oo beeshaydu iskuma hesheen.

Hase yeeshe marka aad hadda aragtid dawladdan cusub sida wax loo qaybiyey iyo tiro yaraanta iyo tayo la’aanta wasaarradaha la siiyey beelaha Hartiga iyo sida aanay waxba ugaga jirin madaxda sare dawladda waxaa ii muuqatay waxay ka cararayeen qoladii lahayd aan qaydhiinka ku qaybsano oo distoorka halagu qaybsado, mararka qaarkood waxaan is iraahdaa iyagaa kaa saxsanaa.

Marka aan arrintaas ka baxo waxaa noogu adkaa qaybta ka hadlaysa Garsoorka gaar ahaan Maxkamada Sare iyo Gudiga Cadaalada. Markii aan qaybtaa qoraynay waxaa gudoomiye ka ahaa maxkamada sare nin aad u yaqaana sharciyada kana soo baxay jaamacadaha dalka England. Magaciisuna ahaa Xaashi Sheekh Muuse Cabdi, ninkaasi wuxuu warqad u soo qoray gudigayagii loo xil saaray Distoorka wuxuuna nagu la taliyey inaan maxkamada sare ka dhigin hay’ad maamusha maxkamadaha kale ee ay ku koob naato eegista racfaanka loo soo qaato iyo fasiraada distoorka marka loo baahdo.wuxuu ka digay hadii gudoomiyaha maxkamad sare uu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada oo distoorku sidaa qeexo waxay shaqadii maxkamada sare noqonaysaa badelid, xilka qaadis, dalacsiin, iyo casilaada garsoorayaasha maxkamadaha hoose. Sidaa darteed waxay ka baxaysaa shaqadeedii waynayd waayo shaqada gudiga cadaaladu waa shaqo maamul ee maaha mid garsoor. Waxaa laga rabaa gudiga cadaaladu inuu ururiyo, dabagalo, xog ka helo garsoore kasta in uu laaluush qaato, in aanu shaqada iman, inuu eex yaqaan,iyo inuu caadil yahay. Sidaana garsoore walba loogu abaal mariyo shaqadiisa.

Nasiib daro taladaas lama qaadan oo garsoore Cimaan Shunuu oo kamid ahaa gudigayaga iyo xubno kale oo ku raacay ayaa taladaa diiday kadibna waxaa laqaatay in gudoomiyaha maxkamada sare noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada. Sidaas ayuu gudoomyaha maxkamada sare ku noqday inuu qabto sadex xil oo kale ah:

v Gudoomiyaha maxkamada sare

v Gudoomiyaha gudiga cadaalada

v Gudoomiyaha maxkamada dastuuriga ah

Arintaasi waxay keentay iska hor imaad dhexmaray Golaha wakiilada iyo Dawlada gaar ahaan madax waynihii marxuum Cigaal. Markii la arkay gudoomiyihii maxkamada sare oo sidii hore looga digay wakhtigiisii ku qaatay kale badalka garsooreyaasha kale uu hadba gobol tagaya oo noqday nin maamula maxkamadaha hoose. Sidaa awgeed wuxuu madax wayne cigaal ku qanciyey Cismaan shunuu oo ahaa gudoomiyihii waqtigaas ee maxkamada sare inuu iskaga dago xilkii gudoomiyaha gudiga cadaalada.Waxaanu ku magacaabay wasiirkii cadaalada inuu noqdo gudoomiyihii gudiga cadaalada halkaas waxaa ka bilaabmay buuq wayn oo ka dhex dilaacay xukuumadii iyo golihii wakiilada. Waxaa dhacday in cismaan shunuu ay colaad u qaadeen golihii wakiiladu ayna diideen inay an sixiyaan iyagoo ku eedaynayey iyadoon qodob dastuuriya aan labadalin sided u aqbashay soo jeedinta madax waynaha oo aad uga dagtay xilkii, isagii larabay inuu ilaaliyo ayaa jabiyey dastuurkii kuna xad gudbay.madaxa wayne cigaalna waxay ku qaadeen olole ah inuu jabiyey dastuurkii.

Waxaa xusuus mudan in shir gudoonkii golaha Guurtidu ay arinta soo dhexgaleen oo labadii dhinacba lahadleen oo ahaa golihii wakiilada iyo xukuumadii gaar ahaa madax waynihii, taas oo ay labadii garaba ay aqbaleen dhexdhexaadintii dabadeedna shir lagu qabtay madax tooyada oo ay sadexdii goleba xubno uga qayb gala u soo dirsadeen .markii shirkii furmay oo uu fadhiyo madax wayne cigaal, labadii shirgudoon, wasiiro,  iyo xildhibaanadii. Waxaa dhacday in doodii adkaato oo la is mariwaayey, waxaa meesha dhexdeedii isku dhacay gudoomiye Qaybe iyo wasiirkii maaliyada Axmed siilaanyo oo hadalkii ka xumaaday, arintiina cirka isku shareertay, qoladii guurtida ee wax dhexdhexaadinaysay waxay ku hadlaan ayey waayeen.

Markii xaalku halkaa maraayey Anigoo kamid ahaa xubnihii wasiirada ee shirkaa ka qayb galayey ayaa ku dhiiraday wuxuu xalku ahaa waxaan ka soo sheekeeyey markii dastuurka la qorayey qodobkan hada muranka keenay iyo dhaliilihii laga digayey oo soo baxay.Markaasaan idhi hadii aan nahay xukuumada waan kanoqonay gefkayagii ahaa magacaabidii wasiirka cadaalada inuu noqdo gudoomiyaha gudiga cadaalada, goluhuna gacan naga siiyo sidii wax looga bedeli lahaa dastuurka. Arintaasi waxay ahayd arin dhiiranaan ah oo madax waynihii oo fadhiya aan xilkiisii sheegtay, cigaal inta uu yaabay oo isoo eegay ayuu yidhi wax gef ah oo aan samaynay majirto haseyeeshee sida uu gees sheegay ayaanu ku raacsanahay dadkii shirka joogay oo dhan ayey neefi ka soo booday meeshiina waxaa ka dhacay is afgarad. Arintaas iyo arimo kale oo badani waxay ka marag kacaysaa in uu ahaa madax wayne cigaal nin talada qaata oo sidii ay mucaaridku sheegi jireen aanu ahayn nin keligii taliye ah.

U malayn mayo in madax wayne kale oo Soomaaliyeed yeeli lahaa in wasiirkiisii oo aan latashan uu go’aamiyo arin isagoo fadhiya.Way dhacday waana ogolaaday oo ku qancay Cigaal.

Waxaa ka mid ahaa qodobadii kale ee anugu adkaaday oo muran badani ka dhacay markii aan dastuurka samaynaynay gudigayagii loo xilsaaray Xilka qaadida gudoomiyaha maxkamadda sare, xubno gudiga ka mid ah ayaa waxay ku doodayeen dastuurka Maraykanka oo aynu wax badan iskaga mid nahay wuxuu qorayaa in gudoomiyaha maxkamadda sare iyo xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare in haddi la magacaabo oo golayaasha sharci dejintu ansixiyaan aan laga qaadi Karin ilaa ay ku geeriyoodaan ama ay iskood iyagu u hawl gabaan. Xubnaha kale waxay ku doodayeen weli uma bislin nidaamkaa oo waxaynu abuuraynaa xukaam keligood taliyayaalah oo aan cidna eryi karinhaddii ay xumaadaan, sidaa darteed waxaa la doonay xal labadda u dhaxeeya waa la waayey. Markii danbe waxaa laysku raacay in Madaxweynuhu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo isagoo la tashanaya shirgudoonadda labada gole ee kale.arrintaasi waxay laciifisay awoodi Garsoorka mar haddi uu madaxweynuhu eryi karo. Taasina waa arrin qabyo ah oo weli ku jira dastuurka oo ah gef muuqda oo lagu gefay madaxbanaanidii hay’adda garsoorka waanna arrin fudud oo la sixi karo.

Arrinta kale oo iyana gefka ku ah dastuurka oo wakhtigaa muranka keentay waxa weeya qodobka xafiiska Xeerilaaliya guud, waxaana waaga aad uga dooday oo soo ahaan jiray xeerilaaye Garsoore Cismaan Shunuu hase yeehse waa laga batay oo taladiisi lama qaadan iyo waayo aragnimadiisi waxaannu ku doodayey in xafiiska xeerilaayiha aan lagu darin qaybta garsoorka ee uu yahay xafiis maamul oo ka tirsan qaybta xukuumadda tasna waa laga diiday laakiin marka sharciyadda aduunka la eego wuu ku saxsanaa.

Waxaa kale oo dhacday intii aan guddigayagu ku jirnay hawshaas markii la gaadhay qodobka ah shuruudaha looga baahan yahay qofka Madaxweyne noqonayamuran ka dhacay ka dibna ay shirgudoonkii shirku ay noo keeneen isagii oo qoran oo aanu sidii ugu darnay oo ilaa maanta uu sidii ugu jiro.

Waxaa dastuurkii aanu horgeynay shirweynaha si loo ansixiyo ku jiray qodob ahaa haddii ay dhacdo in dalkan Soomaaliland uu ku biro ama la midoobo waddan kale loo baahan yahay in labda gole Guurtiga iyo Wakiilada oo isu tegay ay ku ansixiyaan aqlabiyad ah 2/3 saddex meelood marka loo qaybiyo in laba meelood isku raacaan ka dibna afti dad weyne la qabto, qodobkaas oo aannu ka soo qaadanay dastuurkii ay sameeyen Baarlamaanku, waxaa dhacday markii loo akhriyey ayey ergooyinkii shirku mar keliya isla kaceen oo yiraahdeen deg-deg halooga saaro , anagayagii gudiga ahaynna lana canbaareeyey oola yidhi waxaad dooraysaan Soomaali weyn. Sidaas ayaannu kaga sarnay qodobkii dastuurka.

Dastuurkii waannu dhamaynay waxanu u geynay Shirgudoonkii shirka isna waxaa uu hor dhigay shirwaynihii oo halkaas ku ansaxiyey in si ku meel gaar ah loogu dhaqmo mudo saddex sanno ah ka dibna loo qaado afti dadweyne.

Bishii kowaad ee 1999 anigoo markaas ahaa Wasiirka Qorshaynta ayaa Madaxweyne Cigaal ayaa shirkii golaha wasiiradda soo hor dhigay baraamij lagu dejinayo Shuruucdi doorashooyinka oo loo gudbinayo golayaasha sharci dejinta. Baraamijkaa oo sheegayey in maalin walba golaha wasiiradu isugu imanayaan hoolka shirarka markay saacaddo ka soo shaqeeyaan wasaaradaha.Waxaa Wasiiradii loo qaybiyey saddex guddi.

vGuddi loo xilsaaray wax ka bedelka dastuurka

vGuddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerarka doorashooyinka

vGuddi loo xilsaaray in ay soo habeeyaan xeerka Asxaabta

Sidaas ayey hawshii ku bilaabantay maalin maalmaha ka mid ahayd ayuu noo sheegay Cigaal in uu idaacad ka dhageystay xeer ay waddanka Naajeeriya ay soo saareen oo ku saabsan doorashooyinka iyagoo wakhtigaa ka baxayey nidaamka askarta oo mudo soo xukumayey doonayeyna nidaamka dimuqraadiga xeerkaas oo ah in marka hore la samaysto ururo siyaasadeed oo aan xadidnayn ka dibna ay ka qayb galaan doorashooyinka Dawlladaha Hoose, ka dibna sadexda urur ee ugu horeeya doorashada dawladaha hoose ay noqdaan saddex xisbi qaran.

Markaas ayuu yidhi tolow xeerkaas oo dhan xaggee ka helnaa wakhtigaa Soomaaliland ma lahayn qalabka Internet. Waxaan la xidhiidhay ninSoomaaliyeed oo u shaqeeya UNDP oo la yiraahdo Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen isagoo Nayroobi tegaya oo aan ku dhahay markaad tagto Nayroobi internatka nooga soo saar xeer doorashooyinka dalka Nayjeeriya iyo dalal kale oo Afrikaan ah. Ninkii wuxuu ii keenay xeerkii Nayjeeriya aan doonaynay iyo xeerarka dalalka Ugandha iyo Keenya aniguna waxan u geeyey Madaxweyne Cigaal isna aad iyo aad ayuu ugu farxay oo wuxuu u gudbiyey gudigii ku shaqada lahaa

Markii gudiyadaasi soo dhameeyeen hawshii loo diray aye golihii wasiirada dib ugu soo celiyeen. Sidaas awgeed ayuu golihii maalin walba shir ka geli jireen arrintaas iayadoo qodob-qodob looga doodi jiray mudo yar ayey hawshaasi ku dhamaatay dabadeedna waxaa loo gudbiyey golaha wakiilada bishii labaad ee 1999

Ayaan darro golahii wakiiladdu hawshii way ku daahday dastuurkii oo ugu horeeyey waxay dhameeyeen aakhirki sanadkii 2000. Waann tii aftida dad weynaha lagu ansixiyey 31 may 2001oo ay 97% u codeeyeen kaas oo noqday furihii u horeeyey ee dimuqraadiyada Soomaaliland iyo tartanka asxaabta badan .

Waxxa iyana nasiib daro ahayd in nuqulkii dastuurka ee loo gudbiyey golaha wakiilada uu ka koobnaa 99 qodob iyadoo lag asoo yareeyey kii hore oo ahaa 156 qodob. Nuqulka ay ansixiyeena uu noqday 130 qodob.Qodobo badan oo ay xukuumadu soo jeedisay in wax laga bedelo sidoodii ayey ugu soo celiyeen gaar ahaan qodobkii gudiga cadaalada sidaas ayuu ku hirgalay dastuurkii.

Xeerka asxaabta waxay ansixiyeen isla sanadkii 2001 wax dhibaato ahi kama dhicin

Waxaa adkaaday xeererkii doorashooyinka oo ka koobnaa saddex xeer.

v Xeerka doorashada golayaasha deeegaanka

v Xeerka doorashada madaxweynaha iyi ku xigeenkiisa

v Xeerka doorasha golayaasha Guurtiga iyo Wakiilada

Xeerkaas golaha wakiiladdu waa isku qabteen xildhibaanada beelaha qaarkood ayaa ka baxay ilaa ay dhacday in kooramkii goluhu buuxsami waayo. Maalin maalmaha ka mida ayaan nasiib wanaag la kulmay Cabdilqaadir X. Jirde oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wuxuu iiga waramay xaalada golaha iyo sida xeerkii laysugu afgaran la’yahay iyo waqtigii oo gabo gabo ah. Waxaanu usoo jeediyey talo uu qaatay kuna guulaystay oon ku idhi kala qaad xeerarka oo xeerka doorashada golayaasha dib u dhig.Waxaad soo hormarisaa qaybta golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Sidaa ayuu yeelay oo golihii ku ansixiyeen xeerarkii doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada oo is wata. Sidaas ayey ku hirgaleen labada doorasho  oo ay u qabsoomeen inkastoo kii sadexaad weli laalanyahay.

Waxaa xusid mudan in markii xeerarkaas goluhu ansixinayey madaxwayne Cigaal uu booqasho ku joogey Gobolka Sanaag, markii uu ku soo noqday caasimada wuxuu isla markiiba telefoon kula hadlay Cabdiqaadir Jirde oo uu ka waraystay halkay marayaan xeerarkii horyaalay golaha wakiilada, wuxuu u sheegay inay ansixiyeen xeerarkii dorashada golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada. Wuxuu Cigaal u sheegay inuu diyaar u ahaa inuu sii kala daayo golaha wakiilada lakiin hadase aad iga baxsateen.Waxaa kale oo xusid mudan barnaamij uu marxuumkii damacsanaa oo uu lageeriyooday iyadoo aan cidna ogayn Alle ha u naxariistee.

Waxaa dhacday sadex maalmood ka hor geeridiisii inuu siiyey BBCda waraysi anagoo joogna qolkii uu ku jiray ee cusbitaalka magaalada Biritooriya uuna la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad.Waraysigaa ka hor wuxuu la soo xidhiidhay Yuusuf Garaad wasiirkii warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo uu waydiiyey war ahaa waxaa geeriyooday madaxwaynihii.Cabdilaahi intuu ladagaalamay ayuu telefoonkii ku dhigay.

Aniga ayuu ila soo hadlay Yuusuf aroortii oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada oo isla su’aashii iwaydiiyey, waxaa u sheegay inaanu warkaasi waxba ka jirin oon waliba u balaminayo madaxwaynaha si uu ula soo hadlo waxaan siiyey lambarkii mobilka madaxwaynuhu haystay waxaana la balamay todobada fiidnimo inuu nalasoo hadlo. Wuxuu nala soo hadlay anagoo lafadhina qolkii madaxwaynaha Cigaal kana kooban.

1. Marwadii Madaxwaynaha Kaltuun X. Daahir Cigaal

2. Wasiirkii Arimaha Dibada, Maxamed Siciid Gees

3. Wasiirkii warfaafinta, Cabdilaahi Maxamed Ducaale

4. Gudoomiyaha Baanka, Cabdiraxmaan Ducaale

5. Dr, Cali Qaadi

6. wakiilka Soomaaliland ee S/Africa Iqbaal

markii waraysigii dhamaaday ayaa Yuusuf garaad waydiiyey madaxwaynihii maxaan dadkii iyo dalkii kaa gaadhsiiyaa Cigaal waxa uu faray fariin ay ku jirtay inuu yidhi waxaan maqlayey inla yidhi waxbaa la kordhinyey  majirto wax la kordhin karaa. Waxaa jirtay in telefoon naloogu soo sheegay intaan soo maqnayn in golihii guurtigu u kordhiyey golaha wakiilada mudo halsano ah iyadoo waqtigoodu ku ekaa may 2002 warkaas ayuu ku maqlay S\Africa oo uu kaxanaaqay, iyadoo ay cadayd in aanu doonayn in loo kordhiyo.

markii aan ku noqday hutelkii aan deganaa aya waxa ila soo hadlay Yusuf Garaad intii aanu siidayn waraysigii madaxwaynaha waxa uu I waydiiyey in uu sii daayo fariintii madaxwaynaha isagoo abaal iiga dhigayey balantii aan usoo sameeyey. Waxaan ku dhahay ka goy anigoo ka fakerayey in aanay qurux badnayn in madaxwaynuhu amar ka bixiyo BBCuu kula hadlayo golihiisi kale oo ay ku fiican thay in marka laysu tago laga wada hadlo. Waraysigii waa la siidaayey anagu nasiib uma aanu helin in aanu dhageysano lakin waxaa lanoo sheegay in fariintii iyo hadalkale oo madaxwaynuhu kula hadlayey Cabdiqaasim lag ajaray.

Markii uu ogaaday madaxwaynihii in aan fariintii BBC laga sii dayn ayuu igu amray in aan raadiyo waraysigii la siidaayey oo aan hargeysa la hadlo, lama oga waxaa uu ka yeeli lahaa kordhinta golaha wakiiladda iyo marka uu ogaado in aan anigu waraysigaa fariinta ka reebay waxa uu yeelli lahaa.

Waxaa xukuumadda cusub iyo golaha wakiiladda horyaalla xeerkaa doorashooyinka golayaasha oo aan fari ka qodnayn.Doorashooyinka hore ee qabsoomay waxaa xeerarkooda iyo miisaaniyadii ku baxday sii habeeyey Madaxweyne Cigaal iyodawladiisioo ku tala gashay in ay sidaa u qabsoomaan.

Dhamaystirka dimuqraadiyadda sidaa ku bilaabantay waxaa laga sugayaa xukuumadda hada jirta iyo in dawlad iyo shicibba la ilaashado nidaamka uu inoo sii jeexay madaxweyniheeni geeriyooday Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

Bishii june bilawgeedii 2001 markii ay aftida dastuurku dhamaatay ayaa shirkii golaha wasiiradda si lama filaan ah uu madaxwayne Cigaal ugu sheegay in hadda haboontahay in xukuumadu bilowdo sidii loo abuuri lahaa axsaab siyaasi ah, waxa uu markaa ku dhawaaqay ayaa u diyaar ah in uu xisbiga xukuumada galo, dabadeedna golihii gacanta ayey wada taageen iyadoo aaney cidna ka hadhin, dabadeedna wuxuu sheegay in uu xisbiga magaciisa u bixiyey “UDUB” wuuna sii fasilay magacii oo uu yidhi waa  “URURKA DIMUQRAADIGA UMMADDA BAHOWDAY”

Waxaana loo baahan yahay in aynu samayno xeerarkiisii wuxuuna magacaabay guddi  soo diyaarisa howshaa oo uu gudoomiya ugu magacaabay anigoo ah wasiirkii maaliyada ee waqtigaa Maxamed Siciid Gees, iyo wasiiro kale oo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusuf Ducaale wasiirkii waxbarashada, Cabdi Aw daahir wasiirkii caafimaadka. Markii hore gudigu waa koobnaa markii danbe wasiiro badan ayaa jeclaystay in ay ka midnoqdaan, markaa waxaa laga dhigay gudigii sadex iyo toban xubnood (13).

Sida caadiga ah marka gudi loo xilsaaro hawl inta badan hawshu waxay qabsataa xubno gaar ah sidaa darteed hawshii waxay ku dhacday saddexdayadaas aan soo magacaabay, anaga ayaa diyaarinay distoorkii, barnaamijkii, calaamadihii, iyo tiradii golaha dhexe ee xisbiga, markii aan hawshaa soo dhamaynay waxaa dib ugu celinay Madaxwaynaha iyo gudi kale oo balaadhan halkaas oo lagu ansixiyey kadib waxaa lamagacaabay gudi kale oo kashaqaysa qabanqaabada shirka gudigaas aniga ayaa marlabaad la iiga dhigay gudoomiya shirkaa waxaa lagu qabya guriga shaqaalaha halkaas oo aanu dhignyey buug lagu qoro magaca lagana saxeexo qofka doonayo inuu kamid noqdo xisbiga, iyadoo qof kasta halkaas lagu sawirayey si loo siiyo aqoonsigisa xubin ee xisbiga. Shirkaas ayaa lagu ansixiyey dastuurkii, barnaamijkii, calaamadi, calankii, gudigii fulinta, golaha dhexe iyo gudoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo xoghayeha xisbiga.

Sidaas ayey ku bilaabmatay oo lagu dhiiraday in ururadii kale la samaysto oo uu ugu horeeyey UCID.Dastoorka xisbiga waxaan ka soo dheeganay markii aan samaynaynay Dastoorka xisbiga ANC ee Koonfur Afrika oo aanu inter-natka kala soo baxnay, ururada kale intooda badani iyaguna waxay ka sii dheegteen UDUB.

Sidaas darteed haddii aanay dawladu bilaabin in ay samaysato xisbigeedda u malaymaayo in  ay asxaabtu samaysmi lahayd oo cid kale ku dhiiran lahayd, ku dhawaaqiddi UDUB waxay ka cadhaysiisay koox mucaarad ahayd iyo Salaadiin ku shiray Burco oo ku dhawaaqay in UDUB la baa’biyo, xubnahaas mucaaradka ahi waxay markii danbe isugu biyo shubteen ururkii ASAD ee uu hogaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan, xubnaha ururkaasi waxay u badnaayeen kooxdii SNM ee la oran jiray Calan cas mar danbena la baxday Dib-u habaynta SNM. Waxayna ahaayeen qoladdi la gashay tartankii doorashada madaxweynaha Mudane Cigaal shirkii beelaha Soomaaliland ee Hargeysa 1997 ee uu ka guulaystay.

Hadaba waxaa xusid mudan halka ay madaxweyne Cigaal iyo xukuumaddiisu 1999 ka bilawday dhaqdhaqaaqa hanaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka asxaabta badan ee ay xeerarkeedi samaysay una gudbisay golahii wakiiladda, in ay mucaaradku ku dhaqaaqeen isla sanadkaas samaynta Salaadiin cusub iyagoo xooga saarayey beelaha Samaroon, Habrjeclo, iyo Arab iyagoo isu diyaarinayey oo kharash iyo hanti ku bixinayey sidii loo qaban lahaa shirbeeleed marka ay dhamaato mudada Madaxweynuhu, iyagoo ku ciil qabay doorashadii 1997 ee laga guulaystay ay sabab u ahayd madaxdhaqameedka oo raacsanaa madaxweyne Cigaal iyagoo taa ka duulaya ayey samaysteen Salaadiintoodi.

Halkaas waxaa ka cad in laba wado oo kala jeeda ay mareen Xukuumadda iyo Mucaaridku. Waxaa lama filaan ku noqotay markii la yidhi aftidii dastuurka la qabanayaa sida Warbaahinta iyo doodihii ay qabatay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Soomaaliland laga arkay waxay isku dayeen in ay joojiyaan dadkana shaki ka geliyaan aftidii dastuurka, hase yeeshe markii ay dadwaynuhu u dhaqaaqeen in ay codkooda dhiibtaan waxaa khasab ku noqotay in ay dadka dhinac ka raacaan, waxaa iyana jahawareer ku sii riday ku dhawaaqidii xisbiga UDUB waxay marmarsiiyo ka dhigtaan way garan waayeen.

Markii ururo kale oo badan la sameeyey sida UCID, HORMUUD, BIRSOL, ILAYS, SHAHAN, iyoUMMAD oo diyaar u noqday in ay is diiwaan geliyaan aye ASAD diiday in ay is diiwaangeliyaan markii hore iyagoo aaminsanaa in aanay la tartami Karin madaxweyne Marxuun Cigaal iyo xisbigiisaHaseyeeshe geeridii Marxuun Cigaal ka dib ayey isdiiwaan geliyeen isla markaas ayaa la aasaasay xisbiga weyn ee mucaaradka Kulmiye. Sidaas ayey doorashooyinkii ku bilaabmeen iyadoo u horaysay tii golayaasha deegaanka oo ay ka qayb galeen lix (6) urur oo ay ka soo baxeen saddexda xisbi ee hadda jira saddexdii urur ee hadhayna iyagoo qof-qof ah ayey ugu kala biireen xisbiyadii soo baxay. Saddexdii xisbi ee soo baxay ayaa ka qayb galay doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeeenkiisa waxaanna ku guulaystay xisbiga UDUB.

Waxaa xiiso leh siday u dhacdayba in xukuumaddii uu soo dhisay madaxweynne Daahir Rayaale Kaahin ay ka mid noqdeen lix(6) xubnood oo ka tirsanaa Ururkii ASAD, ururkaas oo sidaan hore u soo sheegay ka soo horjeeday dimuqraadiyadda dalka iyagoo diidanaa aftidii dastuurka iyo furitaankii ururadda siyaasadda.

Ragii sameeyey UDUBna ay iyaguna bananka uga joogaan qaybna ay ka mid noqdeen xisbiyo kale oo siyaasadeed , hadaba su’aashu waxa weeye ma UDUB ayaa ku biiray ASAD mise ASADayaa ku biiray UDUB .

Taasi waxay ku tusaysaadimuqraadiyadda ka bilaabmatay Soomaaliland iyo habka xisbiyadda badan in aanay ahayn mid caafimaad qabta oo ku dhisan mabda’ iyo aragti siyaasadeed ee ay tahay mid ku salaysan danaysi iyo maslaxad shakhsi oo uu qof meeshi dantiisa ka helayo uu u wareego markii uu doono.

Madaxda asxaabta iyo dawladuna aanay waxba kala dooranayn ee ninkii u yimaadaba iska qadanayaan oo kii shalay cadawga u ahaa iyo kii la shaqaynayey isugu mid yihiin. Waxay ahayd arrintu in urur walbaa ku fara adaygo aasasayaashiisa oo aanu dhiiri gelin in ay ku soo biiraan kuwo ururo kale ka yimi, madaxdii saddexdii urur eeku hadhay  doorashooyinkii ee waayey kalsoonidii dadweynaha waxay ahayd in ay ku milmaan bulshada oo aan ururo ahaan loola dhaqmin halka laga siinayo sadka oo lagu daray maamulka xisbiyada kale iyo dawladaba haddii aan sidaas la yeelin ma samaysmi karto asxaab leh mabda’ iyo aragti siyaasadeed mar haddii maalinba meeshi doog leh la raacayo , waxayna xaajadu ku soo arooraysa maahmaahda Soomaaliyeed ee ahayd (Geel,geel watdaartay geeddo la’aan dheh ). Sidaas ayey ku bilaabantay geedi socodkii dimuqraadiyentii Soomaaliland.

Dibloomaasi u dhashay wadanka Maraykanka oo la yirahdo Devid Shiin ayaa mar uu hadal ka jeediyey sanadkii hore Akaadeemiga Nabadda iyo Horumarinta Somaaliland waxaa uu cadeeyey in wadan loo aqoonsan karo inay dimuqraadiyaddu ka hirgashay marka ay ka dhacaan saddex doorasho oo madaxweyne oo isku xiga oo si hufan oo lagu qanacsan yhay loo qabto iyo sadex dorasho oo baarlaman, sidaas haddii loo eego waxaa Soomaaliland lagu sheegi kara dimuqraadiyad marka la qabto laba danbe oo doorasho madaxweyne iyo saddex baarlamaan oo ku beegmaysa sannadka 2018.

Hadaba ciddi u haysata kana dhigata ajende siyaasadeed hirgelinta dimuqraadiyada in lagu ictiraafo waxay ictiraafkaas sugaysaa ilaa sanadka 2018 kaas ooo micnihiisu yhay marka ay xijaabtaan ama ka baxaan inta maanta ku jirta saaxadda siyaasadeed ee dalka oo ay markaas wadanka u taliyaan kana hormood yihiin xisbiyadiisa dad ku soo barbaaray 15 sano oo dimuqraadiyad ahayd kana fiyoob dagaaladii sokeeye iyo dawladihii keligi taliyaha ahayd iyo ti musuqmaasuqa ee dalka soo martay.

Akhristayaasha la socday taxanahan geedi socodkii nabadaynta iyo dimuqraadiyenta Soomaaliland waxaan ku soo gabagabaynayaa maqaalkan dimuqraadiyadii sababta oo ah soo gelitaanka bishan barakaysan ee Ramadaan waxynu mar kale ku kulmi doonaa saxfadaha wargeyska Jamhuuriya marka Ramadaanku dhamaato anigoo bilaabi doona dib-u dhiskii Soomaaliland.

Waxaan ka afeefanayaa haddii cid gef uga yimaado taxanahas maa aha mid loo la jeeday loolamana kicin ee waa taariikh aan anigu goobjoog uhaa ee maaha mid aan cid ka soo weriyey ama meelkale ka soo min guuriyey.

Additional information