Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Maxaa maanta I nala gudboon?

Bisinka. Waa maalmihii ay ayeeyooyinkeen Tiirka Bir ah cuskan jireen, innagana Ilaahay inama seejiyo. Waan qabaa dareenkiinna. In badan oo idin ka mid ah ayaa leh ama saaka odhanaya waa kaa taxane kale bilaabay,

 

Maxaa maanta I nala gudboon?

“Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade,

Ganbo-xoorka waayaha haddii, laysu minan-guursho,

Dad uun baa ma-guurtada lahaa, goobihii baxaye,

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide,

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede,

Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu gororshaaye,

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne,”

Maansadii Gudgude ee Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Bisinka. Waa maalmihii ay ayeeyooyinkeen Tiirka Bir ah cuskan jireen, innagana Ilaahay inama seejiyo. Waan qabaa dareenkiinna. In badan oo idin ka mid ah ayaa leh ama saaka odhanaya waa kaa taxane kale bilaabay, halka ay qaarkiinna ka naxayaan. Waa intiinna biyaha uurkooda ku jira ka didaysa. Bal se waxaan jeclahay in Qormadaydan ku koobo hal maqaal oo miid ah ama rib ah, haddii uu ila taraarana kollay laba ila dhaafi maayo.

Qalin-hollashadaydan maantu kama foga hadal-haynta iyo hadaaqa bulshada Somaliland ee maanta. Aan idiin qodobbeeyo si aad dhakhso ugu garataan:

1. Digniintii Dawladda Ingiriisku ugu baaqaysay muwaaddiniinteedu in ay ka soo baxaan Somaliland,

2. Dawladda Mareykanka oo digniintaa ku celisay muwaaddiniinteedana ugu baaqday in ay Somaliland ka soo baxan,

3. Xadhigga hadal-haynta batay ee Nadra Maxamed Jaamac,

4. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka,

Intani waa qodobbada ugu muhiimsan ee loogu hadal-haynta bdan yahay Somaliland. Seyladaha waa lagaga sheekaysanayaa, makhaayadaha, Internet-yada, basaska dhexdooda, xaafadaha ayay kaga sheekaysanayaan iyo meelo kale oo badan. Qaarna si gurracan oo aan dal iyo dad midnaba dan u ahayn ayay uga hadlaan.

Xukuumad iyo dawladba waa la DHALLIILI karaa, laakiin in la EEDEEYAA waa hawl kale oo hubinteeda iyo soo-oogiddeda u baahan. Waxaan is-leeyahay waa labada dadka iskaga qaldan. Aan xabbad-qaado dhowrka qodob ee aan kor idiin ku soo taxay:

Digniinaha ingiriiska iyo Mareykanka:

Ingiriis iyo Mareykan waa laba dawladood oo inaga madax-bannaan oo danahooda gaar ahaaneed sida ay hadba doonayaan u maammusha oo aynaan saamayn caynkaas ah ku yeelan karin, waxna ka beddeli karin. Waxa inala gudboon oo keliya in aynaan afka iska xumeyn, in aynaan caytamin iyo in aynaan degdegin. Waxaynu u baahan nahay in aynu hubsanno waxa dhacay, gurigeennana hagaajisanno. Awalba sidaa la inaguma odhan jirin. Maxaa si’ ah haddaba? Jawaabta ama jawaabahaba in aynu baadi-goobno weeyaan.

Arrinta Nadra Maxamed Jaamac:

Waa waxaan sakaaro ka biirsan oo aan u baahnayn in la sii wad-wado. Ma hubno e’ xataa haddii ay Nadra Maxamed Jaamac hadallo aan fiicnayn qaar ka mid ah madaxda Qaranka farriin tilifoon oo aan milgahooda ahayn u dirtay, in ay u yeedhaan oo ay waaniyaan ayaa ka fiicnayd inta saldhig iyo silic-dilka laga sanqadhiyay iyo hadal-hayntan demi weyday la beeri lahaa. Maxaa loo sheeganayaa? Maalin kasta waxaynu arkaynaa cay, af-lagaaddo, meel-ka-dhac, boob iyo dhagar kale oo qaran-jebis ah oo dalkan iyo dalkanba lagula kacayo. Bal waxa dal iyo dadba haysta ee Nadra Yar carrabka lagu dhejinayo eega. Ma maqli jirteen: “fallaadhi gilgilasho, kaagma go’do.”

Ma aanu arag e’, ereyada Nadra Maxamed Jaamac lagu haystaa ma dhagarta intaa le’eg ee qaylo la og yahay ka dhacday ayay ka weyn tahay. Ninka Nadra Maxamaed Jaamac hadalladeeda, haddii ay jiraanba, u adkeysan waayay ama wax ka soo qaadayaa xilka uu sido magacii. Wax lagu talax-tago ma aha, ee Madaxtooyada Somaliland waxaan ku odhan lahaa Nadra Maxamed Jaamac yaanay idin ku noqon Samsamtii 2013ka. Waa talo, haddii aad diiddaanna waxaad ka heshaan ayaad leedihiin. Ma is-tidhaahdeen, waxa ka caqli badnaa inantii yareyd ee tidhi: “Naaska walaalkay I qabtay waa hadba sida aan ka dhigtaa.” Haddii ay dhacdayba oo Nadra yar wax ka duuleen, ma inta gabadhaa yar ee maahmaahda laga reebay garatay ayay garan waayeen oo weliba ay luuqda sii daba-dhigayaan. Waxaan kaga baxayaa tuduc aan ka soo qaadanayo Ibraahin-gadhle oo ahaa:

“Tuug waa is-qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajow,

Mid tiriig sitaa yimid,”

Ma Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkaa:

Wax lafo-jab ah oo dhacay ma jiro. Warar rasmiya ama qoraal ah oo aynu aragnay ma jiraan. Hadallo aynaan hubin ayaa inagu soo duulaya. Madaxweynihii wuu baxay oo waa shaqo tegay isaga oo soo fulinaya hawlihii dastuuriga ahaa ee aynu u igmannay. Ma aha madaxda inta aynu dooranno in aynu ka daba qaylinno. Wax kasta oo dhacayba waxa muuqata in ay Madaxweynaha iyo ku-xigeenku arrin ku kala tageen oo midna dibadda ka soo hawl-gelayo, midna gudaha lagu og yahay oo uu ka hawl-galo.

Waxaynu nahay reer Odeygii ka maqan yahay. Waxaynu ku qasban nahay in aynu Madaxweynaha sugno oo aynaan war-baahinta ku wada hadlin. Arrintu mid qoys ma ha sida ragga qaarkii u haysto. Arrintu mid qabiil iyo mid qolo midna ma aha. Sida dadka qaarkii u haystaan ee ay shirarka u abaabulayaan. Arrintu mid qofeedna ma daarrana. Doqon iyo fiqi-duurrayaasha siyaasadda socod-baradka ku ah ayaan garanayn e’, waa mid QARAN. Waa hawl Somaliland oo dhan u taal. Madaxweynihii waa imanayaa haddii Eebbe idmo waana la sugayaa. Waxa inala gudboon midnimo Qaran oo buuxda iyo in aynu toltolanno dildillaaceenna.

Wa billaahi towfiiq.

Dhammaad.

Additional information