Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle)

 

Ibraahim Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-gadhle, wuxu ku dhashay Tuulada Cadaadda oo ka tirsan Killilka 5aad ee dalka Itoobiya 1940kii, hase yeeshee xilligaa ka tirsanayd Maxmiyaddii Ingiriisku xukumi jiray ee Somaliland.

Taariikh-nololeedkii Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle)

(1940ii – 2006dii)

Mulaax Cover

‘Nin ku yidh masaan nahay,

Mar la qaad tallaabada,

La malayso mooyee,

Yuu midiidin kaa dhigan,

Midho aad la leedahay,

Yuu ku cunin is-moodsiis.

Hadduu tiisa maamulo,

Adna taada maaree,

Hadduu sheegto maaleey,

Mur ka sii qadhaadh noqo.’

Maansada Mullaax, Ibraahin-gadhle.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Ibraahim Sheekh Saleebaan oo loo yaqaannay Ibraahin-gadhle, wuxu ku dhashay Tuulada Cadaadda oo ka tirsan Killilka 5aad ee dalka Itoobiya 1940kii, hase yeeshee xilligaa ka tirsanayd Maxmiyaddii Ingiriisku xukumi jiray ee Somaliland. Hooyadii Shaqlan Caynaanshe waxay dhimatay isaga oo yar. Sidaas ayaa Ibraahin oo yar adeerkii oo degganaa magalaada Jabbuuti ku qaaday si uu u koriyo. Sidaas ayuu Ibraahin-gadhle ku noqday reer Jabbuuti noloshiisa intii ugu badnaydna ugu qaatay halkaas oo uu magac iyo maamuusba ku lahaa.  Wuxu ku barbaaray magaalada Jabbuuti oo uu ka galay malcaamad-quraan uu ka baran jiray Quraanka iyo afka Carabiga. Malcaamaddaas oo ku taalley Xaafadda Saddexaad (Q3) waxa lahaan jiray Macallin Maxamed, Ilaahay ha u naxariisto e’.  Ibraahin-gadhle wuxu shaqadii ugu horreysay ka qabtay Marsada Jabbuuti 1955kii oo uu ka shaqayn jiray ilaa 1967kii. Ibraahin-gadhle intii uu Marsada Jabbuuti ka shaqaynayey wuxu ka mid ahaan jiray horseedkii iyo hormoodkii shaqaalaha iyaga oo had iyo jeer dhigi jiray ama samayn jiray bannaan-baxyo iyo shaqo-joojin lagaga soo hor jeedo gumeysigii Faransiiska. Ibraahin hawlaha hoggaamineed iyo dareenkiisii waddaniga ahaa wuxu ku mutaystay xadhig badan iyada oo markii dambena shaqadii in lagaga joojiyo sababtay.

Markii dambe wuxu u wareegay dhismaha oo uu ku hawlanaa 1967kii ilaa 1978kii. Ibraahin-gadhle wuxu ka mid ahaa foolaadkii bulshada reer Jabbuuti ee dagaalka ba’an kala hor tegey Gumeysigii Faransiiska, taas oo Ibraahim ku mutaystay in uu ka mid noqdo dadka ku sajilan liisaska madow ee uu isticmaarkii sida joogtada ah u ugaadhsan jiray.

1964kii ayuu hawlaha fanka soo dhex galay waxaanu maansooyinkiisii ugu horreeyay tiriyay 1965kii.

1978kii, wuxu hawl ka bilaabay Radio Jabbuuti halkaas oo uu ka shaqayn jiray ilaa 1984kii. Intii xilligaa ka danbeysay, Ibraahin-gadhle wuxu ku hawlanaa ganacsi.

Ibraahin wuxu ahaa hal-abuur curin iyo farshaxanba lagu majeerto. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo hal-doorka Jabbuuti ayuu ahaa oo cidna laba kuma ahayn e’, raqamka koowaad ayuu ka ahaa. Heerarka Soomaaliyeed marka aynu u nimaadno, Ibraahin foolaadka xulka ah ayuu ku jiray. Gude iyo dibadba maansooyinkiisa, heesihiisa iyo riwaayadihiisuba waa ay maaxeen.

Dhammayn kari maayo e’, bal aan wax ka soo qaato riwaayadahiisa caan-baxay:

  1. Muuse iyo Maryan,
  2. Hawaale adduun, haadba haad kici,
  3. Maskaxdii dumarkeennu, malkadeedi ka guurtay,
  4. Geeddigii 1aad,
  5. Geeddigii 2aad,
  6. Halgankii ummadda iyo hoog isticmaar,
  7. Qaahira,
  8. Nolol geeridu dhaanto,
  9. Marti in aad Ilaahay u tahay,
  10. Ragow aarsi haween u adkaysta markiinna,
  11. Waa la moodaye, maaha,
  12. Ma dhab baa jacayl waa loo dhintaa,

Maansooyinkiisu waa bad aad ku hafanayso, halkudhegyada aan soo qaatay mooyaane, mucdooda iyo macaankoodaba Diiwaanka ayaad ka daalacan doontaan. Wax aan badnayn aan ka soo garoocdo heesihiisa caan-baxay, weliba saddex heesood oo hoobalkii codkiisa malabku cawryay ee Maxamed Mooge Liibaan intaba ku luuqeeyay. “Dadka ha iska weyneyn”, waa koow, “Maxaa deyr-cad geel hallaaboo”, waa laba, “Waagoow dhakhsoo”, waa saddex. Akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa in ay dhammeeyaan inta hadhay.

Ibraahin-gadhle oo ka hadlaya codkii Maxamed Mooge Liibaanna wuxu yidhi :

“Saddexdaa heesood ayuu Maxamed Mooge Liibaan qaadaa iyaga ayaana hirgalay. Aniguna aad iyo aad baan noloshiisiina ugu mahad-naqi jiray, immikana waxaan leeyahay Ilaahay ha u naxariisto. In badan ayuu I maqashiiyey oo I baray, markaas ayay dadku odhan jireen: ‘Mee ninka Deyr-cad geel sameeyey.”

Ibraahin wuxu guursaday saddex haween ah oo kala ah:

Saado Ibraahin oo leh 5 gabdhood iyo 3 wiil,

Maryan Maxamed oo leh 2 gabdhood iyo 3 wiil,

Sahra Jaamac oo leh 2 gabdhood iyo hal wiil,

Waa sagaal hablood iyo toddoba wiil iyo hooyooyinkood. Waxa kale oo uu Ibraahin ifka kaga tegay suugaanta horraanteedii aanu halkan ku soo gudbinayno iyo qaar gadaal ka qormi doonaba. Maa-shaa Allaa. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Shakhsiyaddii Ibraahin Gadhle

Fadhi-shaqo oo aanu Xarunta Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Hargeysa ku lahayn ayaan ku daahay, goor danbe oo ay saacaddu ku beegnayd ilaa siddeedii iyo shan iyo afartan daqiiqadood ee habeennimo ayaan ka soo kacay. Nin aanu saaxiibbo iyo hawl-wadaagba nahay oo dhoofayay ayaan u sii qaaday hudheelka Maansoor oo uu degganaa. Waa 29kii Jeenaweri, 2006dii. Waxaan soo hoyday kooxaha Koongo iyo Senegaal oo kubbad ciyaaraya oo ay Senegaal leedahay laba gool. Haddaan fadhiistay oo aan isu diyaariyay in aan wax aan badnayn hawl-galo ayuu Aw Yuusuf oo carruurtayda ka mid ahi tilifoon soo dhacay ii dhiibay. “Waa ayo?” Waxa ii xigay: “Waa Siciid Gurraase”.

 

Qormadii: 2aad

Cod aad u hooseeyay oo murugo iyo tiiraanyaba lahaa ayuu iigu sheegay in Ibraahin- gadhle Jabbuuti ku dhintay oo lagu aasay. Miyaanan maqlayn mise dhegta ayaa is-diidsiinaysay. Mooyi. Mar, laba iyo saddex jeerba waan ku celiyay. Halkiisii iyo warkiisii ayuu ku adkaystay. Anna xaqiiqsaday in saaxiibkay Tukaale socday. Tukaale, wuxu ahaa magac uu Riwaayad ku jilayay oo hal-hays iyo halkudhegba u noqday carruurtayda. In badan ayay iga codsadeen in aan Tukaale baro. Ma aan helin fursad aan Tukaale iyo qoyskayga isku baro, marka laga reebo Mujaahid Ayaanle oo carruurtayda ugu yar oo aan maalin uu dhoofayay garoonka dayuuradda isku baray. Gurraase ayaan mar kale su’aal dib ugu noqday oo aan weydiiyay halka uu ka soo hadlayo. Ku-ye: “Haatuf ayaan joogaa”. Gurraase, wuxu I weydiiyay wax kooban oo ku saabsan taariikh-nololeedkii Ibraahin-gadhle, Ilaahay ha u naxariisto e’. Anna waxaan ugu jawaabay in ay taasi baadhis iiga baahan tahay, Ibraahinna aanu ahayn nin aan si fudud u geli karo qoridda taariikhdiisa. Wax aan badnayn sidaana u buurnayn ayaan markii u sheegay Gurraase, aniga oo aan hagranayn. Waxaan se dareemay in aanu Gurraase ku qancin.

Sidaa ayuu warkan naxdinta lihi igu soo gaadhay. In yar markaan fadhiyay ayaan haddana saaxiibkay Xaashi Xuseen Caabbi la hadlay, waxaanu ii sheegay in uu Ibraahin-gadhle go’ay 29/1/2006kii, mar ay saacaddu ku beegnayd 4.30kii subaxnimo, isla maalintiina waxa lagu aasay Jabbuuti. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha innaga siiyo.

Intaa ka dib ayaan xusuus ugu noqday Ibraahin Sheekh Saleebaan. Waxa markiiba igu soo dhacday goortii araggiisa iigu danbeysay. Waxay ahayd maalmihii ololaha doorashadii Golaha Wakiilladu socotay. Waxay ahayd bishii Sebtember horraanteedii, 2005tii. Goor barqo ah ayaan hor maray xafiiska Daallo ee Hargeysa. Askarigii baabuurta kala horayey ayaa na joojiyay. Dhinaca midig ayaan eegay mise waxa taagan Ibraahin-gadhle oo xidhan isku-joog kaaki ah. Gabadh aan is-idhi isaga ayaa dhalay ayaa xagga bidix ka taagnayd. Markaan isha ku dhuftay, ayaan aniga oo baabuurkii ku jira u dhawaaday oo aan ku idhi: “Cajuus”. Kaftan-wadaag aan kala xanaaqin ayaanu ahayn. Hadal ayuu is-yidhi. Hag-hago aanan ku aqoon jirin ayaan ka dareemay. Waxa kale oo aan dareemay in uu ka itaal-daran yahay intii aan ku aqaannay. Naxdin! Gaadhigii intaan dhigay ayaan ka soo degay. Waxa ii xigtay Ibraahin-gadhle oo dhaqaaq holladay bal se aad mooddo in uu lug iyo gacan wax ka qabo in kasta oo uu keligii tallaabsanayay. Gabadhii ayaa ku soo dhawaatay oo gacanta qabatay. Xaqiiqsaday in Ibraahin buko aniga oo aan garan sida loo helay. Naxdintii ayaan ku booday oo isku duubay. Labadii gacmood intaan dhabarka ka mariyay ayaanu madax iyo luqunba is-dhaafsanay. Sii daayay si uu Ibraahin iigu warramo. Wuxu ii sheegay in dhiig-kar awgii dhinac la bakhtiiyay oo uu dhowr bilood yaallay cisbitaal Dubay ku yaal, bal se immika uu ka soo doogay oo iska ladan yahay. Gabadhii oo garab taagan ayuu is-kaaya baray. Waxa igu soo dhacday miyaanu wiilal lahayn, haddana waxaan isku qanciyay in ay mar walba habluhu wiilasha qaneecaad dhaamaan. Naxariisna iyaga ayaaba lagu og yahay. Wiilasha qudhooda ma nebci e’, waa se sida loo badan yahay. In aan sii qaado ayaan damcay, waxay se ii sheegeen in ay baabuur wateen. Aniga oo ogaa in uu gurigoodii xaafadda Guryo-samo (Qudhac-dheer) ku soo dego, waxaan u sheegay in aan u iman doono.

Mar kale ayaa markaa iiga dambaysey. Markan, Burco ayaanu ku kulannay. Maalmihii ugu dambeeyay ololihii doorashada ayaan goor fiid ah soo galay Hudheelka Gabay-xaddi ee Burco. Markiiba qof hudheelka joogay ayaa ii sheegay in uu Ibraahin-gadhle sakaaraad yahay oo qol hudheelka ka mid ah jiifo.  Dhankaa iyo dhankaa aniga oo aan deyin ayaan markiiba qolkii la iigu tilmaamay ku cararay. Wuu jiifaa, waxaana dul tuban dad aan badnayn oo uu ku jiray nin dhakhtar ahi. Dakhtarku wuxu doonayay in uu dhiiggiisa cabbiro, bal se agabkii ayaanu haysan. Isla markiiba tu’ aan sitay ayaan la soo cararay oo lagu qiyaasay. Caadi ayuu iska ahaa, bal se dhakhtarkii wuxu ku taliyey in cisbitaalka Burco la seexiyo si looga war hayo, sidii ayaana lagu qaaday. Habeenkaa ayaa araggiisa iigu dambaysay. Markii aan Hargeysa ku soo noqday ayaan gurigii uu degganaa habeen ka doonay, waxaana la igu war geliyay in uu Jabbuuti ku noqday. Waxa ii qorshaysnayd in aan maalmahaa wax kaga duubo halkii uu degganaa, Ilaahay baan se qaddarin. Waxaan se kaga calool-fayoobaa aniga oo ogsoonaa in Ibraahin suugaantiisii qoraal ku diyaariyay oo ay xaal-xaal yar mooyaane daabacaad sugaysay.

Waa muuqaalkii iigu dambeeyay ee aan u lahaa Ibraahin-gadhle, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.  Maqal aan maqlo xadayn kari maayo xilligii iigu horraysay. Aragga se waan muddayn karaa oo markii iigu horraysay waxaanu ku kulannay magaalada Muqdisho. Waa maalmihii ay socotay Deelleydu oo uu Jabbuuti ka yimid, safar gaabanna Muqdisho ku yimid. Deelleyduba waxay socotay Diisambar, 1979kii ilaa Abriil 1980kii. Ibraahin laba tixood oo dhamacda ka kulul ayuu ku lahaa Deelleyda.

Waxa ii xigtay mar aan 1982kii Jabbuuti ku sugnaa oo aan u qalab-qaadanayay sidii aan uga qayb qaadan lahaa halgankii hubaysnaa ee ay SNM horseedka ka ahayd. Xilliyadaa Ibraahin-gadhle dukaan cajaladaha lagu kala duubo oo Boodhari la odhan jiray ayuu ku lahaa Xaafadda Afraad (Q4) meel galbeedka kaga beegnayd. Waxaan xusuustaa in aan ka sii iibsaday 11 cajaladood oo Deelleeydii ahaa oo aan dhammaantood ku garaacay mar aan deggenaa magaalada Cadan, gaar ahaan Hudheelka Xaafadda Tawaahi ku yaal ee la yidhaahdo Bisha ama “Crescent Hotel”. Berigaa waxa kale oo aan Jabbuuti ka sii duubtay nin aanu saaxiib ahayn oo la yidhaahdo Xasan-wadaad ilaa kontameeyo cajaladood oo kale oo heeso ahaa. Sahaydii ugu buurnayd ee aan halganka u sii qaatay ayay ahayd. Maanta keydkayga cajaladaha, laba cajaladood oo keliya ayaa kaga sii hadhsan cajaladahaa. Midi waa cajaladdii koowaad ee Deelleeyda, cajaladda kalena waxa ku jira heesihii 26kii Juun ee 60kii. Mar labaad ayaan Jabbuuti ka soo duubtay cajaladihii Deelleyda intoodii badnayd.

Ibraahin Gadhle wuxu ahaa nin furfuran oo aad u kaftan badan. Wuxu ahaa nin bulshaawiya oo hasaawiye ah hadba madasha uu fadhiyo la soo buuxiyo. Ibraahin-gadhle ma aqoonin kaftanka turxaanta leh. Dadka ma xaman jirin ee hadba wixii uu dareemayo qofka hortiisa ayuu ka odhan jiray. Nin sikhiya oo gacan furan ayuu ahaa. Abaabulka iyo ururinta dadka aad ayuu ugu fiicnaa isaga oo weliba hantidiisa ku bixin jiray. Ibraahin-gadhle ma uu ahayn dadka fanka ku shaqaysta ee ku nool bal, waxa aynu odhan karnaa fanka ayaa isaga ku noolaa. Ibraahin-gadhle intii uu noolaa si karti iyo hufnaanba leh ayuu u shaqaysan jiray, mana ahayn dadka gacanta hoorsada ama shaxaadku dishooday. Qof karaamo leh oo isaga oo luqunta taagaya oo sharaf leh magaalooyinka tallaabsada ayuu ahaa.

Si caadiya ayuu shaadh iyo surwaal inta badan ugu lebbisan jiray, in kasta oo uu aad u jeclaa isku-joogyada ama ‘safaarigaba’. Malahayga yaraantiisii ayuu gadhkan uu ku caano-maalay ee lagu naanaysay lahaan jiray, bal se intii danbe ee uu weynaaday gadhka lama bixi jirin

Ibrahin-gadhle iyo Fanka

Ibraahim Sheekh Saleebaan wuxu dunida fanka ku soo galay oo uu ka bilaabay falkinta suugaanta gabay uu tiriyay waqti ku sinnaa 1965kii isaga oo degganaa magaalada Jabbuuti. Sida uu tixdaa u falkiyay ayaad ka garanaysaa hal-abuurnimada iyo awoodda curineed ee la yaabka leh ee Ibraahin-gadhle. Bal aynu wax aan badnayn ka soo qaadanno :

Rag baa hiil leh Eebbaa hodan ah, hibo Rasuul baa leh,

Cir baa hogol leh heegaa biyo leh, halalac roob baa leh,

Abaar halas ah jiilaal habsaday, hawlna socod baa leh,

Waxa kale oo aynu maansooyinkiisii bilowga ahaa ka soo qaadan karnaa mid uu curiyay 25kii Ogos 1966kii oo Madaxweynihii xilligaas ee dalka Faransiisku Jabbuuti booqasho ku yimid. Waa ninkii Jananka ahaan jiray ee la odhan jirey Jaarles Diigool. Waa maanso jacbur ah oo murti badan iyo waddaniyadba xambaarsan, waxaanu yidhi :

Waa cadow gumeystuhu hadday, qolo dul fuulaane,

Faransiis intuu joogayee, xoogga nagu haystay,

Dagaalladi na soo marayba way, faro badnaayeene,

Midkii ugu darraa bal aan, shiinka ka higgaadsho,

Maalintii Digool yimid kolkii, dawga lagu yaacay,

Cadho nagu dhabowdiyo kolkii, taahi lala yaacay,

Faarax-haad[1][1] hortiisaa ninkii, joogsadaan ahaye,

In kastoon harraadoo naftuna, barafka doonaysay,

Shaaha iyo kookaha ninkii, diiday baan ahaye,

Gaajo ima durqaynine anaa, nacay bariiskiiye,

Cirka waxanu eegnaba dabeed, yimi madaarkiiye,

Illeyn waa sugeynee haddii, gaadhi lagu keenay,

Markuu ila gudboon yahay ninkii, Noo ! yidhaan ahaye,

Maradii qarsoonayd ninkii, soo baxshaan ahaye,

Xornimada ninkii doortayee, dhiidhiyaan ahaye,

Afartaa intaan cuud u shiday, mawgu riday fooxa,

Dhool dahab ah maw geliyayoo,  mawgu daray xaydhna,

Afar kalena waan soo wadaa, baaldiyada qaata,

19kii Bishii Marj, 1967kii oo dalka Jabbuuti oo markaa Faransiisku gumeysanayaay laga qabtay Afti la odhan jirey ?OUI? iyo ?NO? oo u kala taagnaa HAA iyo MAYA oo ahayd



[2][1] Faarax-haad waa dhakhtar yar oo bukaan-socodka lagu daweeyo oo ka soo hor jeeda garoonkii hore ee kubbadda cagta ee Jabbuuti kuna yaal jidka garoonka dayuuradda ka yimaadda, oo loogu magac-daray halyey magaciisa la odhan jirey Faarax Haad oo ku caanbaxay halgankii gumeysigii Faransiiska lagula jirey ee xornimo doonka

gumeysi ama xorriyad, Ibraahin-gadhle maanso Guubaabo la yidhaa oo uu ka tiriyay waxaynu ka soo qaadan karnaa :

Gobannimada qaadaan lahaa,

Gaabis yaad noqonne,

Gumeysiga i ciilaan lahaa,

Garabka naafeeye,

Gaalada[3][1] kaxee baan lahaa,

Galab ha dhoofaane,

Geyiga oo dhan baaban is-lahaa,

Yaan la soo geline,

Gol-ka-nuugyadaasaan lahaa,     Gol-ka-nuug: Dabo-dhilif, basaas,

Jeelka wada geeye,

Nabsigii gaboobaan lahaa,

Gooshkanaad heliye,

Godobtayda maqan baan lahaa,   Godob: dakano,

Guluf ku raacdeeye,                         Guluf: dagaal, halgan,

Geelayga dhalay baan lahaa,

Gaawahaw culo e?,                           Gaawe: Hadhuub, gorof, dhiilka geela lagu liso,

Galooftiyo irmaankaan lahaa,       Galoof: Gaane, geela gudhan,

Goosan yuu lumine,              Goosan: qayb, xayn,

Ibraahin-gadhle wuxu noolaa nolol hodan ah oo uu kaga soo qayb-qaatay halgankii Jabbuuti iyo kii dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Af iyo addinba wuu ku dagaallamay, waxaanu ahaa qof aragti cad oo muuqata ka lahaa labadaa halganba. Ma ay ahayn aragti qarsoon oo isaga ku kooban, bal se waxay ahayd mid ku dheehnayd suugaantiisii iyo curintiisaba oo si fudud looga daalacan karo. Intiinna taqaannay mooyaane, waxaan jeclahay in aan intiinna kale idin baro Ibraahin Sheekh Saleebaan aniga oo idiin kala dab qaadaya. Run ahaantii Ibraahin ayaa is-kiin baraya, bal se doorka aan is-barashadan ku leeyahay ayaa noqonaysa in aan idiin soo qabto hadba tuduc ka mid ah maansooyinkiisa si aad u garataan aragtidii uu nolosha iyo halgammadii is-daba joogayba ka lahaa.

Sow kii Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) maansadiisa Hal-abuur ku lahaa:

Marna waa hummaaggii,

Qofka kula hadlaayoo,




 

[1][1] Gaalada- Halkan wuxu abwaanku uga jeedaa waa Taliskii xukumayey dalka ee Gumeysiga wakiilka uga ahaa.

Intuu soo hankaabsaday,

Iska rogay hillaabtoo,

Kugu yidhi hankaygiyo,

Habka maansadaydiyo,

Hiyigaygu waa kaa,

(Halkaraan, Bogga 140aad)

Waxaan adeegsanayaa Maanso uu ugu wan-qalay Dir-sooc oo uu ka tiriyay Shirweynihii 6aad ee SNM, 2dii bishii Abriil 1990kii, kaas oo ku qabsoomay meel woqooyi kaga beegnayd Balli-gubadle.

Aynu ku horreeyno aragtidii uu Ibraahin ka lahaa Maansada ama sidii uu arkayay curinta, waxaanu yidhi:

Maansooy nin kugu duul,

Ninna maalin kugu dood,

Ninna derejo kaa dhigay,

Ninna dhuuni kugu doon,

Ninna nabarka kugu damaq,

Ninna dakharka kugu dhayay,

Ninna doogta kugu kici,

Ninna waranka kugu demi,

Ninna nabadda kugu didi,

Ninna belada kugu deyr,

Ninna dookha caashaqa,

Kaa dhigay def loo tumo,

Oo ka doorkan joogiyo,

Dura gabayadii jiray,

Intuu heesta kugu daro,

Jaceyl kugu dalaandali,

Marna darayamuus iyo,

Dhaclihii dunta ahaa,

Aduu kuu direys yahay,

Dumar kugu buraanbure,

(la soco..............................)

 

 

 

 

Qormadii: 4aad

Maansooy duciyo kheyr,

Ninka kugu dareershiyo,

Dabka ruuxa kugu shiday,

Ninba doorku kula rabay,

Dareenkiisa kugu mari,

Boodhari dabuubtuu,

Ku dardaarmay uu yidhi,

Waa dhaxal dadweynaha,

Diiwaanka ugu yaal,

Waana lagaga daydaa,

Anna kuma dayacayee,

Dunidaan ku barayaa,

Waxan dooday kugu shubi,

Dhegihii dalooloo,

Waxa lagugu daabici,

Dugsiyada tacliintoo,

Goobaha dalxiiskaa,

Lagaa daawan doonaa,

Maansooy dulqaad badan,

Maanta kii ku deyrshaa,

Berritoba ku doon-doon,”

Bal immikana aan dhuuxno aragtidii Ibraahin ee Midnimadii 1960kii lagu sameeyay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed markii la isku daray labadii Gobol ee Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysan jireen. 31 sannadood ka dib isaga oo ku jira halgan hubeysan oo dibuxoreyn qaran ah, ayuu dhacdadaa 1960kii aragtidiisa ku wajahan ka jeedinayaa Shirweynihii 6aad ee SNM, waxaanu yidhi:

Taariikh da’ weynoo,

Degmadeenu leedahay,

Aan idiin dul-xaadshee,

Lixdankii dadkaygow,

Markaad Dawladnimadii,

Diiqada u bixiseen,

Deg-degsiinyo mooyee,

Doqonniimo ma ahayn,

Manaydaan dambaabine,

Shanta kala dab-raacdaa,

Dermo qudha ah u gogosheen,

Isku-duubnideenniyo,

Daacad baw horseeddeen,

Geeluba hadduu dido,

Duq baa loo hoggaanshaa,

Sida loogu dayduu,

Geesina u diriraa,

Anna laba-deryaalii,

Waxaan Daacad uga baxay,

Dhulku yaanu Daaliyo,

Dooloow u kala go’in,

Siday labada daamood,

Dab u wada kulaalaan,

Dibi keliday lay qalay,

Qoys qudh ah dibbiradii,

Waxa aan ka door-biday,

Duubiga shan lagu cuno,

Webigay dig siiyiyo,

Badda aan ku dalow idhi,

Waxa daacad igu daray,

Marka aad degtaan meel,

Dixi iyo caleen badan,

Kuwa kaa danbeeyiyo,

Intaad diir wadaagtaan,

Berri doogga ugu yeedh,

Ama uga digniin noqo,

Dalluun loogu talo-galay,

Shaxda kama il-duufine,

Sidaan damacsanaa iyo,

Sida Dooddi yeelaa,

Kala durugsanaatoo,

Deyrtii hillaacdiyo,

Deydo curashadeedii,

Dooggii ku soo baxay,

Diir iyo wax baa cunay,

Xeedhadaan daboolee,

Aan malabka doocaan,

Ugu shubay dadweynaha,

Doqon baa harraatiyay,

Isagana dariiqii,

Abees daallinaa yimid,

Aar baa docdii galay,

Daryaankiisii laga yaac,

Kuwaan soo duwaay idhi,

Dubur Hawd ka kala gale,

Ninka Duuda yaal baa,

Ugu dhow dadkeennii,

Wuxu deyrka ugu dhigay,

Siduu dararta Maandeeq,

U durduurto kelidii,

Duul urursanaadiyo,

Midnimaanu doonayn,

Haddaan duubi wada jira,

Dedaalkaygii lagu helin,

Dar Allee abaalkii,

Waxa dumay ku suuree,”

Bal hadda immikana aan daalacanno Ibraahin oo dadka ku disaya dhagartii laga galay, isaga oo si farshaxannimo iyo hal-abuurba leh u tidcaya maansada. Waxa la yaab leh muuqaallada, hummaagyada iyo sawirrada uu sida maadda iyo dhiilladaba leh u taxayo. Intii uu maansadaa Shirweynaha ka tirinayay yaab, naxdin, iyo qosolba waa la isku daray. Allahu Akbar ayaa lagu badhxayay oo dhex taal looga dhigay tuducyadii uu tirinayay. Marka aad maqal iyo muuqaalba ku daawato ayay jidhiidhico kugu jajabaysaa. Bal Ibraahin oo si kale isu kiin bara aan uuga baxo, waxaanu yidhi:

 

Qormadii: 5aad

Laba daan dhexdood iyo,

Dalqo bahal qof galayoo,

Dirqi iyo tu fool adag,

Dibadda ugu soo baxay,

Halkii shalayto lagu dilay,

Ma dareemi waayee,

Durba miyaa illoowdeen,

Dunideennii dhacantiyo,

In uu deynkii maqan yahay,

Durba miyaa illoowdeen,

Nimcadii dalku lahaa,’

Kuwuu daajinaayiyo,

Kuwii deyro laga dhigay,

Durba miyaa illoowdeen,

Xeerkii dalka u yiil,

Kuwii uu deldelay iyo,

Kuwuu daaya odhan jiray,

Durba miyaa illoowdeen,

Xoolihii dadweynaha,

Kuwii la yidhi daldalo iyo,

Ninkii shilinka lagu dilay,

Durba miyaa illoowdeen,

Adigoo dibbiray cadho,

Ku-sii digashadiisii,

Durba miyaa illoowdeen,

Hablihii dednaa iyo,

Dibadaha-u-saarkii,

Maalintii dadkaygoow,

Dabo-gaabta loo xidhay,

Durba miyaa illoowdeen,

Dhaqankii la doorshiyo,

Diintii la dabo-rogay,

Maalintii dadkaygow,

Ragga dumarka lala simay,

Sow dorraato ma ahayn,

Xaqa kuwii daliishiyo,

Markuu culimadii dilay,

Durba miyaa illoowdeen,

Waqti aan digaag hoyan,

Dadkeennii xeroon jiray,

Durba miyaa illoowdeen,

Dhiiggii la daadshiyo,

Wixii dooxa meyd yiil,

Durba miyaad illoowdeen,

Dayuuradii lalaaayee,

Dusha kaa rushayn jiray,

Durba miyaa illoowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Deydayo la odhan jiray,

Durba miyaa illoowdeen,

Daleeddaan wadhnayn iyo,

Dib-u-weerarkiisii,”

Curinta maansadu wax hawl yar ma aha. Curinta ka sokow, waxyaabaha kale ee la qiimeeyo waxa ka mid ah sida uu hal-abuurku u taxo amaba u xidhiidhiyo arrimaha kala duwan ee uu ka hadlayo. Bal hadda mar kale aynu dheehanno aragtidii Ibraahin-gadhle ee ku wajahnayd cududdii hubeysnayd ee SNM ama Mujaahidiintiiba. Isaga oo Shirweynihii 6aad la hadlaya, Ibraahin-gadhle tuducyadan soo socda ayuu ku sifeeyey Mujaahidiinta iyo kaalinta halbowlaha ah ee ay kaga jireen halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Bal u fiirsada sida farshaxannimada iyo quruxdaba leh ee uu Mujaahidiinta u qiimeynayo. Wuxu yidhi:

Ka ku jira dagaalkuna,

Dantaad adigu leedahay,

Mid ka sii da’ weyn ma leh,

Haddaan aqallo kaa dumin,

Is-na daari kama dhicin,

Haddaan dahab lagaa guran,

Is-na dollar kama lumin,

Haddaan laydin dili jirin,

Is-na lama dagaalayn,

Hayeeshee xil baa direy,

Badda lagu dul-tuuruu,

Ka dabbaalo leeyahay,

Xaggu dalow xaggani duud,

Xagga kale dix iyo buur,

Bal doc uu u dhaqaaqiyo,

Degel lagu baqdaan jirin,

Diintaa ku tidhi dhimo,

Inuu samo ku daaqiyo,

Inuu daaddegaw siman,

Wedkaad adigu diidduu,

U diyaar-garoobee,

Ragga cadowga daafaca,

Wuxu daanka geliyiyo,

Hubka lagu dagaallamo,

Dhan kastaba u doonoo,

La dul jooga weeyaan,

Kuwii iil ku dubuq yidhi,

Denbi-dhaaf Allaa lehe,

Janno inay durduurtaan,

Daa’in inaan u barinoo,

U ducayno weeyaan,”

Ibraahin-gadhle, sidee ayuu u arkayay nidaamkii lala dagaallamayay? Bal aynu aragtidiisii tuducyadan Dir-sooc ku jiray ka dheehanno, waxaanu yidhi:

Nin ku dagay markii hore,

Oo ku dilay markii xigay,

Ka-digtoonidiisay,

Dooddani ku faraysaa,

 

Qormadii: 7aad

Abbaanduuleyaashii,

Ina soo abaabulay,

Shalay ololaheenniyo,

Orta iyo ciyaaraha,

Addin bay ku tumayeen,

Midna Iimay buu jirey,

In ammuurtu taa tahay,

Aan idiin asdeeyee,

Ayaxii hadduu tegey,

Ugxantaa dillaacdaa,

Ummadda u markhaatiya,

Waraabaa ayaan yidhi:

Haddaad igu ogeydeen,

Baadida islaankiyo,

Anoo aaran geel cuna,

Iimaan la’aantii,

Allaa iga hadeeyoo,

Istaaqfurulla baan idhi,

Aammin baanan kala baxay,

Magacii inkaarnaa,

Isaga oo ujeeddo leh,

Orgi baa nin gawracay,

Indhashuu u sudhay laan,

Waa ammaanadaadee,

Sii ilaali buu yidhi,

Markuu tegey islaankii,

In yar haddii u maqan yahay,

Agagaas dhurwaagii,

Ambo-qaad tallaabada,

Hadba soo ogaal durug,

Eeg eeg hilbaa dagan,

Ursay jeenyihii hore,

Wuxu yidhi udgoonaa,

Amarroow markii xigey,

Af ballaadhan kala qaad,

Carrab oomman soo saar,

Awlallada ka leef-leef,

Wuxu yidhi Alleylehe,

Oon xalaal ah baan helay,

Aad buu cantuugada,

Adhaxda uga buuxsaday,

Kol ay araracdii tahay,

Alam sii laf iyo jiidh,

In yar neefki kama tegin,

Duqa imashadiisii,

Eedeysanii bood,

Ooddiyo dhirtii jiidh,

Erey baa se laga helay,

Ku arooray maah-maah,

Isagoo ordaayoo,

Afar-qaadayuu yidhi,

Waxad igu ogaataan,

Wixii aan ahaan jirey,

Gaarriyoow ma iishow,

Uf qabiilki aad tidhi,

Hadduu adiga kuu uray,

Rag ku uunsadaa jira,

Markuu se aarku soo ciyo,

Haddaan eelo-weyntiyo,

Aarankaygu iga didin,

Waan ka aarsan laa doqon,

Inta se aan afkaartiyo,

Aragtidu midaysnayn,

Nacas wayga adag yahay,”

Intii uu noolaa ayaa mar Ibraahin lagaga duubay cajalad Video ah dalka Imaaraadka, gaar ahaan magaalada Dubay. Barnaamajkaas dhammaadkiisii ayaa Ibraahin la weydiiyay su’aal ahayd, maxaad dadweynaha kula dardaarmaysaa. Ibraahin wuxu ku jawaabay tixdan Miimleyda ah ee soo socota. Bal hadda u fiirsada hummaagyada iyo muuqaallada aan adkayn, haddana uu sida fudud ee farshaxannimada leh u dhigay. Kaas ayuu ahaa Ibraahin Sheekh Saleebaan. Suugaantiisuna taas ayay ahayd. Wuxu yidhi:

Midigtaadu yay noqon,

Mid tolkeed u muruq weyn,

Murjinkaagu yuu noqon,

Magli dila walaalkii,

Magacaagu yuu noqon,

Mid xumaan ka marag-kaca,

Sida macawisaa qaar,

Ninba maalin yuu xidhan,

Hadba kii muraadle ah,

Hawga dhigin maqaar-saar,

Mar waxaad dhadhamisiyo,

Mijin qaad ah haw dhiman,

Hana talin masiibiyo,

Wax makhluuqa kala dila,

Maskaxdaadu yay noqon,

Maqal lagula leeyahay,

Yaan toban muftaax iyo,

Lagu furan masaabiir,

Waxaad shalayto mudatiyo,

Mahadhada xusuusnoow,

Halkii qorigu kaa muday,

Mar labaad lugtaadiyo,

Cagtu yaanay kula marin,

Qormadii: 8aad

Maantiyo dantaadiyo,

Yaan mililku kaa lumin,

Maalmaa dambeeyiyo,

Waxa maqanna faallee,

Maalkaagu yuu noqon,

Mus-dambeedka reerkiyo,

Makhsinkaad u hoyatiyo,

Masallaha Rasuulkiyo,

Ku Masaajid lagu gubo,

Muhmal laguma guuree,

Danni ma-hure haw dilin,

Maan fayow ha ceebayn,

Ha marmarin waxaan jirin,

Maamuuska sharaftana,

Ka ilaali meydhaan,

Miyirkiyo hubsiintuna,

Maro weeye la huwado,

Marantida haweenkana,

Hodan lagama maarmee,

Marba kii aroosiyo,

Ha maaweelin qayrkaa,

Adiguba marwada dumar,

Meher waad ku geydaa,

U miinxiiska ruux kale,

Waxa kaaga magac-roon,

Ha laguu mashaxaradee,

Adigoo mid guursada,

Gool meesha lagu qalay,

Mud haddaan lagaa siin,

Mandharaari cunisteed,

Waxa kaaga magac roon,

Ma-dhaafaanka hilibkiyo,

Adoo meydhaq daydaya,

Maxfal la isu soo baxay,

Haddii anad muftiga noqon,

Mowliidka ka akhriya,

Maamuus la’aantii,

Waxa kaaga magac roon,

Machad laga aflaxayiyo,

Adigoo maqaam fura,

Geela maalintii raac,

Makhribkiyo habeenkana,

Aan kugu ag maalee,

Ha maggaabin caanaha,

Maaheyska kugu yidhi,

Sii miliiliciisaa,

Waxa kaaga magac roon,

Macaluusha gaajada,

Haba laga masoobee,

Maarkaha adigoo rida,

Gebegabada sheekadan taariikhiga ah ee aan ku gawl-gawlayo suugaantii iyo noloshii saaxiibkay Tukaale ama Ibraahinba, bal immikana wax aan badnayn aan idiin ka soo qaado loollan suugaaneed oo dhex maray Yam-Yam iyo Ibraahin, labadoodaba Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’.

Ibraahin oo SNM ka tirsanaa iyo Yam-yam oo daafacayay nidaamkii Siyaad Barre waxa dhex maray afar maanso oo ay isugu jawaabayeen. Waa taariikh oo naxli iyo turxaan midna ugama jeedo. Yam-yam oo aanu qudhiisa saaxiib ahayn wuxu nagu soo maray Hargeysa intii aanu dhiman oo uu dhowr bilood nala joogay. Waxa nasiib wanaag ahayd in ay berigaa Hargeysa ku kulmeen oo ay wada joogeen Ibraahin-gadhle in badanna qayilaad iyo qedoba wadaageen. Yam-yam cidina Hargeysa kuma guhaadin waxna looma raacin bal se si gobannimo iyo qaddarinba leh ayaa loogu soo dhaweeyay looguna sooryeeyay. Waxa ay ka mid ahayd meelihii uu yaraantiisii ku soo barbaaray.

Soo hadal-qaadka tixahan ay is-weydaarsadeen Ibraahin iyo Yam-yam waa taariikh bal se xumaan ugama gol lihi.

Yam-yam ayaa tixaha ku horreeyay oo bilowgii tiriyay tix uu ku magacaabay “Ina Gaado-ku-nool” oo uu SNM-ta ula jeeday. Siduu hordhaca maansadaa ku sheegay wuxu ugu dabbaal-degayay Heshiiskii dhex maray Mengistu Xayle Mariam iyo Maxamed Siyaad Barre ee horraantii bishii Abriil ee 1988kii. Tuduc maansadaa ku jiray oo Yam-yam lahaa oo Heshiiskaas lagu muunaynayay ayaa odhanayay:

“Gudgudaa I miray xalay,

Daruur baa I guud timid,

Wixii haro galsho lahaa,

Xareed baa ka galac tidhi,”

Ibraahin maansadaa Ina Gaado-ku-nool ee Yam-yam wuxu kaga jawaabay tix uu ugu wanqalay Gar-naqsi. Aniga oo aan halkan ku soo wada qaadan karayn maansadii oo dhan, bal aan idiin soo qabto tuduc jawaab u ahaa tuducaa Yam-yam oo odhanayay:

“Gariir baa ku miray xalay,

Rasaas baa ku guud timid,

Wixii haro galsho lahaa,

Dhiig baa ka galac yidhi,”

Intaas oo keliya ma ahayne, Yam-yam ayaa haddana soo diray tix kale oo magaceedu ahaa: Dhuux-tagoogo. Mar kale iyo marar kale oo badanba Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee, Ibraahin ayaa tixdaana kaga jawaabay tix kale oo uu u bixiyay Tuhun-reeb.

Sidii ayuu Ibraahin-gadhle goobihii suugaanta iyo saanaddaba la isku hummaajiyay kaga soo baxay isago oo guulasytay oo goofaaf iyo xarrogaba sanka taagaya. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, wanaaggii uu Soomaali u galayna ha ka abaal-mariyo.

Ibraahin Sheekh Saleebaan waxa kale oo uu ahaa nin jilaaya oo la yaab leh oo aad iyo aad loogu jeclaa jilista caadiga ah oo uu inta badan odeynimo ku masili jiray iyo jilaannimada maadda ah oo aanad qosol afka isku dari jirin. Wuxu ahaa nin kaftaan badan oo haasaawiye bulshaawiya ahaa. Nin xarrago badnaa oo xishoodka iyo xaq-dhowrkaba lagu majeeran jiray. Wuxu aad iyo aad ugu fiicnaa abaabulka iyo dad-isku-wadka oo la’aantood aanay suuro-geli jirin in aad fanka abaabusho ama riwaaydoba samayso isla markaana jisho.

Sida aanu ka soo xigannay ee ay bah-wadaagta fanka ku ahaayeen, heesihiisa inta badan waxa codadka u samayn jiray ama u sameeyayba: Cabdiraxmaan Cali Xirsi iyo Cabdi Rooble Ducaale oo Qarshiile loo yaqaanno.

Sidaas ayuu Ibraahin-gadhle ahaa, qaybaha danbe ayaynu ku arki doonnaa sidii ay u arkayeen isaga iyo maansadiisaba qaar kale oo inaga mid ahi. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin.

Dhammaad

 

 

 

 

Additional information