Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Qiimee qofkaaga qalloocan, si’ aad u qiimo-tirto qofkaaga qumman

 

Waa Qormooyin Qormadood. Waa qudh qudha…Waa suke….Waanay qalliban tahay, mar labaadna qalinka loo qaadi maayo oo umaba qalanto. Qadhiidh, qadhaab, qardhac, qabax iyo quud aan qoryo loo guran.

 

 

 

Qiimee qofkaaga qalloocan, si’ aad u qiimo-tirto qofkaaga qumman

“Dheeha muuqa guudkaa,

Nuxur looga dhigayaa,

Haddii ay dhabeel tahay,

Dadka lihi ku dhaataan,

Wuxuun dheef ah laga helo,

Dhag-dhag iyo durbaan iyo,

Dharba loo ma baahdeen,

Ninka dhacanta jiitow,

Dharka ceebta qariyaa,

Hadal iyo dheh maahee,

Dhaqan suubban weeyaan,”

Maansadii, Jiitama, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Waa Qormooyin Qormadood. Waa qudh qudha…Waa suke….Waanay qalliban tahay,  mar labaadna qalinka loo qaadi maayo oo umaba qalanto. Qadhiidh, qadhaab, qardhac, qabax iyo quud aan qoryo loo guran. Waa cad quudheed. Qiimayn iyo qaddarin ayaa loogu wan-qalay ‘Barnaamajkan’. Qofba se si’ ayuu ula muuqday; Soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa: “Ninba kaskii ayuu kor tagaa.”

Aniga oo ka mid ahaa kuwa la soo saaray ee lagu sheegay in ay abaal-marinta mudan yihiin oo aanay cadho iga hadlinayn, ayaan dareenkayga dhabta ah halkan ku cabbirayaa. Kama aan qayb-gelin xaflad-ku-sheeggaas, sida in badan oo kaleba u saluugtay ee ay uga maqnayd, mana guddoomin oo ma qaadan waxaa abaal-marinta lagu sheegay. In aan xafladda noocaas ah ka qayb-galo meel-ka-dhac ayay sharaftayda ku ahayd, in aan abaal-marin-ku-sheegtaa guddoomana ceeb aan iga maydhmeyn ayaan u arkayay. Guddoonka shahaadooyinkaasi, wuxu la macno yahay aqoonsiga in Hay’ad-ku-sheeg booli ahi ay sharci tahay. Madaxweynihii dhammaa ee dalka ayaaba Hay’ad ku sheegayay oo u qirsanaa. Bal adba! Horaa loo yidhi: “Muruqa laba-suul ninba si ku ah.”

Waxaan aamminasanahay in aan shacbiga reer Somaliland u qiimaysanahay. Qaar baa si togan (positive) aan ugu qiimaysanahay. Qaar kale ayaan si taban (negative) ugu qiimaysanahay. Labaduba waa ay mahadsan yihiin. Haddaan la I dhalliilin, maba dedaaleen oo qof mar walba qumman ayaan isu qaadan lahaa.

In la is-qiimeeyaa ma xuma. Waxa se ka horreysa in aynu heshiis ku nahay:

  1. Bal hor iyo horraanba in aynu is-qiimaynno,
  2. Xeerarka iyo qawaaniinta aynu isku qiimaynayno oo qoran oo sharciyeysan,
  3. Cidda/Guddida mas’uulka ka noqonaysa in ay qiimayntaas samayso oo sharciyaysan, shuruudo qeexan oo lagu soo xushana leh, cid lagu kalsoon yahay oo awooddaa lihina soo xulatay,
  4. Qeexidda iyo astaynta Qodobbada la isku qiimaynayo ama mowduucyadaba,
  5. Muddada qiimaynta oo xaddidan sannado ahaan,
  6. Miyi iyo magaalo, bad iyo berri, bari iyo bogoxba in la qiimeeyo oo aynaan isku koobin afarteenna isu muuqataa,
  7. Caddaymaha loo cuskanayo wax-qabadka hay’adaha ama dadka la qiimaynayo,
  8. Miisaaniyadda iyo qalabka qiimayntaas loo adeegsanayo iyo halka ay ka imanayso, iyo in la xaqiijiyo in aanay cidda la qiimaynayaa shaqo iyo hawl midnaba ku lahayn,
  9. Madax-bannaanida Guddida Qiimaynta si ay u haysato kalsoonida dadweynaha iyo dawladdaba, iyo hubinta dhex-dhexaadnimada iyo hufnaanta joogtada ah ee Guddidaas inta ay xilkaa qiimaynta hayaan,
  10. Dhaarinta dadka hawshan qiimaynta  gelaya,
  11. Kormeerka iyo hubinta in ay hawshu si’ aan eex iyo qaraabo-kiila ahayn u socoto,

Sida uu xaflad-ku-sheeggan bixinta abaal-marinta ku sheegay mas’uulkii ‘Qiimee Qofkaagu’ muddo siddeed bilood ah ayay hawshan ku soo jireen. Yaa doortay ama magacaabayba? Yaa u fasaxay in uu hawshan qabto oo karaamada iyo milgaha ummadda meel kaga dhaco? Yaa u sharciyeeyay in ay xilkan gutaan? Maxaa xeerar ah ama qodobbo ah ee ay u cuskadeen yaa se u sharciyeeyay? Yaa maal-geliyay? Yaa la socday dhex-dhexaadnimadooda iyo hufnaantooda hawleed? Su’aalo badan ayaa la iska weydiin karaa ‘Barnaamajkan’ mugdiga badani ku xeersan yahay ee la magac-baxay ‘Qiimee Qofkaaga.

Tolow, barnaamajkan lagu dhego-barjoobay ee ‘Qiimee Qofkaagu’ muxuu ahaa? Qofka la garay oo waa aadamaha dalkeenna ku nool, gaar ahaan inta daalacan ee magaalooyinka ku sheeggan. ‘Qiimaynta’ haddaba maxaa looga gol leeyahay. Waxaad qiimaysay oo xumaada ama jabnaada ayaa jira. Waxaad qiimaysay oo samaada oo qaali noqda ayaa jira. Haddaba ‘Barnaamajkani’ ma inta san ayuu qiimaynayay, mise inta xun. Ma laga yaabaa in ummadda Somaliland ‘cawsle’ loo ‘muuseeyay’, oo Hal-doorkeennii lagu badhxay Hal-doqon aanay is-geyin.

Timacadde ayaa laga hayaa: “Dhullaxii aan sheeg-sheegi jiray, dhuuxa ka caddaa.” Alleylehe, waa taa teedii oo “Virus”-kii sida Xarka Qarankan u dhex qaaday ee laga qaylinayay, waa kaa Billadihii iyo Shahaadooyinkiina soo gaadhay. Berritona guryihiinna ka dhex eega, haddaan la iska qaban.

Waxa iyaduna naxdin iyo murugaba lahayd in aanay madaxdeennii oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyo iyo intii ka hoosaysayba aanay malahayga dareensanayn in 20/2/2013ku ku beegnayd maalmihii amranaa ee 20ka, 21ka iyo 22ka Feeberweri ee 1982kii. Maalmo amran oo xab iyo xinjirba loo burburiyay. Waa maalmo ay barbaartii dugsiyadu xaraar-butaysteen oo ay maalmahan saddexda is-xiga ah, maalmaha kale ka doorteen sidaana ku suntadeen. Waa “Dhagax-tuurkii” ardayda. Waa maalmihii dixda dhagaxii yaalliyo, dogobyada lagu furtay, dabbaabadihii hadhay ee nidaamkii Maxamed Siyaad Barre. Waa sidii uu Hadraawi ku sifeeyay. Waa malintii Dhallinyarada Somaliland. Tuugna ma xado, cid meydhaami karta ama bixin kartaana ma jirto. Ma aha maalmo la weydiisan karo Madaxweyne Siilaanyo in uu Digreeto ku soo saaro oo wax kale u magacaabo. Ma aha maalmo ay Ban Kii Muun iyo Golaha Loo Dhan Yahay ama ka ammaanka ee Qarammada Midoobayba ay bixin karaan. Madaxweynaha iyo intii ku xeersanayd ee majaro-habaabinaysay ma waxay garan waayeen in ay 20ka Feeberweri tahay maalintii “Dhagax-tuurka”. Sidee ayay munaasibad kale uga barbar sameeyaan? Ma maalmihii qarankaa lagu meydhaamayaa xaflado qosol-ku-jab ah oo aan qoton iyo duluc midnaba lahayn?  Maa Barre Xaaji Cilmi ayaan la sadqeyn! Ma Ifraax Boodhle ayaan madfac lala beegsan 11kii Abriil 1982kii. Ma Shahiid Axmed-daahir Cabdi ayaan ka tirin oo aan ku muunayn maansadiisii “Bilicdii Dhallaannimo.”

Waxay ahayd in uu Madaxweynuhu  joogo oo ka qayb-galo madashii lagu xusayay 20ka Feeberweri. Sidaas ayay sharaftu ahayd. Sidaas ayuu milguhu ahaa. Sidaas ayaa uga magac-roonayd intii uu ka dhex muuqan lahaa ‘Barnaamajkan’ digada iyo danbaska lagu kala iibsaday ee la kala siistay quraaradaha qalfoofka ahee lagu xardhay magacyo dadkii lahaa aan looga fasax qaadan.

Ceebtii iyo dhaleecayntii dhacday Feeberweri 20dii, 2013ka, af-lagaaddo ayay ku ahayd waxa loogu yeedhay Hal-doorka Somaliland. Haa….oo kun jeer ayay ku ahayd, madasha waa ay joogeen dad qiimo ku leh shacbiga reer Somaliland oo nabadaynta iyo horumarkaba kaalin muuqata oo aan la dafiri karin ka galay. Shaki kuma jiro in ay iyaguna joogeen kuwii loogu nebcaa ee hadal-haynta dadka ugu badnaa, illeyn qiimaynta dhabta ahi waa taas e’. Halka ay dhagartu ku jirtaana waa halkan oo laba aan wax wadaagi karin oo aan is-geyin ayaa meesha la wada keenay. Laba aan is-qabanayn ayaa qof qarad lahaa doonayay in uu isku qobtolo. Laakiin is-ma qaataan ayaa lagaa yidhi. Gaarriye, iyo intii dhimatayna annaga ayaa xaal ka siinnay.

Waxa wax walba ka darnaa dadka ku hawlanaa ‘Barnaamajkan’ oo iyagu isu fasaxay in ay ku takri-falaan milgo iyo maamuus wixii ay foolaadka ummaddani lahaayeen. Xataa marka aad u sheegto ee aad ku tidhaado magacayga ii badbaadiya ayaan dhegba jalaq laguu siinayn. Yaa u idmay bal in uu na qiimeeyo? Miyuu nala lahaa magacayaga? Yaa u fasaxay in uu magacyadaa milgaha iyo maamuuska mudan kula xardho meel Hay’ad-ku-sheeg aan bireysnayn?

Qiimaynta ummaddu ma Hargeysaa? Ma Burcaa? Ma Booramaa? Ma Golaha Wasiirradaa? Ma Golayaasha Qarankaa? Ma madaxda xisbiyadaa? Ma qolooyin gaaraa? Ma inta qaad ku siisaa? Ma inta kuu qadhiidhaa? Maye dadkii dalkan dhisay? Maye dadkii Nabadda xidhay? Maye kuwii bananka adhiga ku dhaqayay ee dhaqaalaha kaabay? Meeday Beeraleydii dadka quudinaysay ee wax-soo-saarka ku hawlanayd? Maye kalluumaysatadii? Maye kuwii Beeyada gurayay ee xaraarta iyo geedaha ka laalaaday ee mingaafka haystay? Maye dal-jirradii heeganka ahaa ee dal iyo dadba ilaalinayay? Maye qurbo-joogtii hadh iyo habeenba heeganka ahayd? Maye kuwii qararka jafay ee waddooyinkii loo caal waayay samaystay? Maye intii ganacsiga iyo dhaqaalaha kobcisay ee Qaranka hiilka u ahayd? Maye haweenkii iyo dhallinyaradii?…..Maye…..Maye.

Qaran iyo Qoomiyad lama hayo. Qabyaalad iyo Qof ayaa meel walba lagu hadal-hayaa, Qiimayntii ka soo baxdayna waa taas. Nidaamka maanta dalka ka taliyana ceebtii ma aha ee waa caadadii in uu qof qiimeeyaa oo qarannimada illaawaa.

‘Barnaamaj’ ma ahayn e’ wuxu ahaa wax la meydhay, la maroojiyay, la meydhaamay oo muunad-baxay. Ilaahay ayaanu ka magan gallay.

Gebegebada sheekada, ‘Barnaamajkani’ wuxu iska ahaa sida ka muuqatay mashruuc yar oo caantayn ah oo cimri gaaban oo xukuumaddu ku raad-gadanaysay isla markaana ay is-lahayd ku fool-dhaqo bal in aad wax qurux badan u muuqato ama u ekaataba. Waxaanu se leenahay Tuduc Gaarriye lahaa oo ahaa:

“Nin muraayad daawaday,

Fool-xumo is-diidsiin,

Kuma doorin karayee,

Ma in uu dillaacaa!”

Dhammaad

 

Additional information