Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Somaliland: Ma liicin, ma laalmin, mana lumin

 

Sas iyo sakati……..Dad iyo dawladba saaq…….Waa sir…….Waa sakalo xidhan iyo boholo saynsaaban……Waa suuryo oodan iyo surimmo cidhiidhyoon…

 

Somaliland: Ma liicin, ma laalmin, mana lumin

https://encrypted-tbn0.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcTnKVtStt-jryg2PWpWcvX8lOQAtCubNqI6rZFD6CMJHMktn_J8“Faraskuna ma daallana,

Sidaan doorarkii hore,

Duullimaadka ugu galay,

Kaba sii dur-duro dheer,

Daabki waranka kama jabin,

Wax siduu u dili jiray,

Kaba sii dar-dara-kulul,

Dantu seexo ima odhan,

Siday ii diraysay,

Weli ii dudduucdaa,”

Maansada Dir-sooc ee Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

Sas iyo sakati……..Dad iyo dawladba saaq…….Waa sir…….Waa sakalo xidhan iyo boholo saynsaaban……Waa suuryo oodan iyo surimmo cidhiidhyoon……Suuqyadeenna maahee waa sekedo iyo saro aynaan gaadhi karin….Saan-cad iyo seymo laga ducaysto…..Wax sawaaban oo sawiranna ma noqon karayno……London saarku inooma hayo……Xamarna laga subxaanallaysay oo silic iyo saxariirba kama horreyn…..Allahayow sidii roon…….Allow sahal umuuraha, adaa noo aqoonee.

Intaasi waa ballaysin iyo belaayada oo inaga beydha….Buur iyo bannaan……Bad iyo berri……Bari iyo bogox. Weli sheelan iyo Weli sheeganba aan ka ducaysanno, Saloolka iyo shaadaligaba aan badsanno.

Hadallada iyo hadaaqa dadka ayaa u badan: “Shirka Bisha Meey, 2013ka ee London loogu qabanayo Soomaaliya iyo Somaliland ka qayb-geli meynno.” Dar kale ayaa yidhaahda: “Waa xaaraan ka qayb-galkiisu.” Qaar kale ayaa hal-hays ka dhigtay: “Ha laga qayb-galo, laakiin waxa lala tegayo, talo-qaran ha laga yeesho.” Marka aad dhadhan xukuumadeed yeelato ee aad indhaheeda qudhaanjo-la-moodka ah wax ku biniiniso weedhiba weedh, ayay uga ilko-qabowdahay.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Murti-dhaadhigii Cabdikariin Xaaji Ducaale ayaa laga hayaa: “Immika ma aynaan lumin e’, saaka ayaynu lunnay.” Cabdikariim wuxu ka hadlayay wefdi Soomaaliyeed oo la sheegay in Xuseen Kulmiye Afrax watay oo xilliyadii nidaamkii Siyaad Barre hilbo loo karinayay oo dabka u saarnaa ka kallahay, oo goor ay duhur tahay ku baraarugay in ay anbadeen, markaas ayuu Cabdikariim ku odhanayaa: “Saaka ayaynu lunnay.”

Soomaalidaa hal-hays u leh: “Canaan-ka-yaab, reer ma doojo.” Meel laga cataabo iyo meel laga calaacalo midna ma joogno. Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Bishii Feeberweri 2012kii, waa aynu ka qayb-gallay, Shirkan hadda Bisha Meey 2013ka lagu dhawaaqay ee la qoondeeyayna waa sii-wadidda kaas ee yaan loo qaadan wax cusub oo ugub ah oo maanta ka-qayb-galkiisa loo baahan yahay in laga tashado. Waxa lala tegayo ayaa talo iyo arrinba u baahan, go’aankuna cidda mindida daabkeeda haysa ayuu u yaallaa. Miyaan hore loo odhan: “Nin la tolay, talo joogtaa.”

Xukuumaddeenna, Dawladdeenna iyo Hoggaankeennuba mid ha iska daayaan:

“Xog bixin meynno, wixii aanu dawladaha ku soo wada-hadallayna sheegi meynno, cidna la wadaagi meynno, talana waanu idiin ka baahan nahay.”

Dadweynuhuna, oo ay xisbiyadu ugu horreeyaan mid ha iska daayaan:

“Waanu ku doorannay oo ku dirannay e’ noo dood oo dunida soo mar, dareenna waanu kaa qabnaa oo waa ku dabo-gelaynaa, dantayadana kugu daawan meynno.”

Dadka qaarkii ayaa laga yaabaa in ay u haystaan dareennadan iyo shakiyadan wax cusub oo nolosheenna ugub ku ah. Waxaan idin leeyahay: “Ka waaweyn oo waa tan iyo aammanuu.” Beryihii aanu SNM-ta ahayn ee halgankii hubeysnaa ku jirnay ayay ugu darraan jirtay oo Guddoomiye kasta oo SNM ah oo Mengistu Xayle Maim la ballamaba aanu odhan jirnay: “keligii yaanu tegin, ee ha la sii raaco wuu ina dhaxal-wareejinayaaye.” Halkaa aanu berigaa taagnayn taako lagama soo dhaqaaqin. Bal adba garo goorta la il-baxayo ee Hoggaanku dadka xog-siinta iyo war-gelinta ugu hagar-baxayo, dadkuna Hoggaankooda aamminayaan ee ay kalsoonidooda siinayaan. Saaxiibkay, Mudane Siilaanyana isagu dadba waa uu ka sii xag-jiraayoo, taana shalay ayuu u soo joogay, maantana taa teedii ayuu u nool yahay oo weliba hoggaan ka yahay, Ilaahay ha ku asturo’ inta u hadhay e’.

Sow tii Timacadde beri hore inagu yidhi:

“Bisad iyo shacbiga Jiir noqdaa, baylah waw halis e’,

Caqliga is-wada biirsadaa, waa biro o kale e’,

Mar hadduu ra’iyigu kaa banjaro, kuuma buuxsamo,”

Gartan, haddii aynu naqno, waxaan odhan lahaa Hoggaanku xilkiisa ha guto oo dadka ha hago oo ha dhaqaajiyo oo macallin ha ugu noqdo qaybaha kala duwan ee nolosha. Qofku haddii la barbarian waayo, tacliin la bari waayo, wax loo sheegi waayo oo la hanuunin waayo, isaga ayaa sida uu doono u dhaqmaya oo baydh-baydhkiisa nololeed wax badan galaafanayaa.

Waxaan aad u daawdaa ESTV-ga oo ka soo baxa ama laga baahiyo Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya. Maaweelo iyo horumar la taaban karaba waad ka dhergaysaa. Habeen dhaweyd oo aan daawnayay ayaan arkayay/maqlayay Mudane Madaxweyne Cabdi Cumar oo leh: “Baahidayada 1aad waa biyo, ta 2aad waa biyo, ta 3aad waa biyo, ta 4aadna waa biyo.” Farriin ka fudud oo ka culus oo dad lagu baraarujiyo garan maayo. Iyada oo aan durbaanno la tumayn, oo aan ubaxyo qoorta loo gelinayn oo aan la lahayn: “Waa yahay walaal, waa yahay,” ayaa hadalkaa dhaabbadda ah ee Madaxweyne Cabdi Cumar lagu ladhayay muuqaallo kooban oo il-bidhiqsiyo soconayay oo tiro-koobyo ah oo lagu muujinayay: Boqolleyda biyo saafiya cabta ee magaalooyinka ama miyiga iyo sida tiradaasi u kordhaysay sannadba sannadka ka danbeeya. Farriin kooban oo aragtida qofka daawanayay hubaal beddelaysay dareenna ku abuuraysay ayay ahayd.

Hees Xasan Aadan Samatar qaado ayaa waxa ku jirta: ”Ku jar, hadalka ku jar.”

 

Qormadii: 2aad

Innagu in aynu sas qaadno ma aha, xukuumaddeenuna in ay inaga darto oo sakati sii qaaddo ma aha. Ma aha in ay ku waalato oo sidii cajaladaha ku cel-celiso talo-qaran ayaa shirkaa London laga yeelanayaa. Xukuumaddu waa in ay Xukuumad noqotaa, dadku waa in uu dad noqdaa, dalkuna waa in uu dal noqdaa. Beesha caalamka ayaynu ka tirsan nahay. Shirar ayaynu Feeberweri iyo Juun 2012kiiba gallay, ee bal horto aan is-xusuusinno wixii aynu saxeexnay ee heshiiska ku gallay ee adduunyadu inagu ogeyd. Ka-sokow Beesha Caalamka oo si ballaadahn Shirarkaa uga qayb-gashay waxna uga ogeyd, waxa si gaar ah la inoogu halleeyay oo goob-joogayaal ka ahaa: EU-da, Boqortooyada Britain iyo dalka Norway. Berigaa waxa lagu heshiiyay oo aynu innaguna saxeexa qalinka ku duugnay Qoddobbadan 8da ah ee hoos ku taxan oo aan ka soo dheegtay, Mareegta Somalilandpress iyaga oo Af-ingiriisi ku qoran, tarjumadduna rasmi ma aha ee aniga ayaa sameeyay:

Ka-qayb-galayaashii Shirkaa London ee ‘TFG-da’ iyo Somaliland ka socday waxay go’aansadeen oo ay ku heshiiyeen 8da Qodob ee kala ah:

  1. Waxay ku heshiiyeen in ay wada-hadallada ama wada-xaajoodku dhex maraan labada dhinac ee kala ah – Dawladda Federaalka ee Ku-meel-gaadhka ah ‘TFG’ (ama beddelkeeda) iyo Somaliland, iyada oo la raacayo Sii-qaadka 6aad (paragraph) ee War-murtiyeedkii Shirweynihii London iyo Sii-qaadka 10aad ee War-mutiyeedkii Shirweynihii Istanbuul ee 2aad,
  2. Waxay labada dhinacba xuseen baahida loo qabo in la samaysto ama la yeeshaba aragti laga siman yahay ama la wadaagaba oo lagaga fogaanayo wax kasta oo carqalad ku noqon kara sii wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada sida kor ku xusan,
  3. Waxay labada dhinacba u darban yihiin nidarna (committed) ku mareen sii-wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada, waxaanay labada madaxweyne ugu baaqayaan in ay si dhakhso ah u kulmaan si ay u qiimeeyaan horumarka wada-hadallada laga gaadhay,
  4. Waxay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in ay sii wadaan fududaynta wada-hadallada, iyaga oo labada dhinac ku kaabaya Xeel-dheereyaal dibadeed oo xagga: shuruucda, dhaqaalaha iyo amnigaba ah,
  5. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay waayo-aragnimadooda la wadaagaan Beesha Caalamka si ay horumarka iyo kaalmada aadminimo ugu daneeyaan dadyowga labada dhinac iyaga oo isla markaana Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageeradaa kordhiyaan,
  6. Waxay labada dhinacba ku heshiiyeen in ay la dagaallamaan: argaggixisada, xag-jirnimada iyo dhagarta kale ee halista ahba,
  7. Waxay ku heshiiyeen labada dhinacba in ay iska kaashadaan la-dagaallanka budhcadnimada: bad iyo berriba, dhagarta gaadiidka badda, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wasakhda nukliyeerka ee badaha lagu daadiyo,
  8. Waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin in Soomaaliya ka baxdo, marxaladda kala-guurka,

Intaasi ma ina kala gaadhay. Si aynu wax u sii iftiiminno oo aynu jaanta mar u wada qaadno oo aynaan u kala hadhin bal aan xabbad-qaadno Qodobba qaarkood iyo raad-raacoodaba. Waxaan iftiimintan u cuskanayaa qaybo ka mid ah faallo ay Mareegta Somalilandpress raacisay iyo wax aan sidaa u sii badnayn oo aan anigu ku kabay.

Qodobka 1aad wuxu gabbaad ama mus-danbeedba ka dhiganayaa: Sii-qaadka (paragraph) 6aad ee War-murtiyeedkii London oo odhanaya:

“Shirweynuhu wuxu aqoonsaday baahida loo qabo in Beesha Caalamku taageerto wada-hadal kasta oo Somaliland iyo Dawladda Federaalka ee Ku-meel-gaadhka ah ama beddelkeedu ku heshiiyaan in ay hirgeliyaan si ay u qeexaan xidhiidhka ay mustaqbalka yeelanayaan.”

Kaasi waa nabar, oo wada-hadallada Somaliland iyo TFG-da ama beddelkeeda Qodobkan ayaa ka mid ah tiir-dhexaadyada loo cuskanayo.

Bal hadda u fiirsada ‘TFG-da’ ama beddelkeeda. Ma wax laga saso ayaa halkan ku jira. ‘TFG-da’ ayaa carrifan, halka beddelkeedu aanu macno sidaa u sii ridan lahayn. Waxa looga jeedaa wixii ‘TFG-da’ beddela wuxuu doonaba ha noqdo e’. Xataa ‘ xarafka Ba’-da ee ereyga beddelkeeda ugu horreeyaa ma weyna (capital). Bal ka warrama dadka waxaa ‘beddelkeeda’ lagu sheegay saska ka qaadaya.

Cuskashada ama xigashada labaad, waa Sii-qaadka: 10aad ee War-murtiyeedkii Shirweynihii Istanbuul ee 2aad oo isaguna odhanaya ama dhigayaba:

“Shirweynuhu wuxu sii xoojiyay baahida ma-dhaafaanka ah ee loo qabo in Beesha Caalamku taageerto wada-hadallada ay Somaliland iyo TFG-du ku heshiiyeen in ay sii wadaan.”

Halkan waxaynu ku soo aragnay 8 Qodob oo lagu heshiiyay iyo laba Qodob oo dhaabad u ah oo loo cuskanayo wada-hadallada. Sidaas ayay Somaliland kaga soo baxday Shirweynayaashaa London iyo Istanbuul ka kala dhacay. Waxa kale oo jiray mid aan aad loo baahin oo doc-ka-tuur ahaa oo  isaguna Dubai ka dhacay.

Wada-hadalladan bisha Meey, 2013ka loo ballansan yahay, waa qaar ku taxan dhacdooyinkan iyo Qodobbadan aynu kor ku soo xusnay.

Bal hadda aan Qodobka: 2aad ku horreynno oo soo qaadanno:

Waxay labada dhinacba xuseen baahida loo qabo in la samaysto ama la yeeshaba aragti laga siman yahay ama la wadaagaba oo lagaga fogaanayo wax kasta oo carqalad ku noqon kara sii wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada sida kor ku xusan.”

Weligiin miyaad maqasheen labadii dhinac ee wada-hadalladu ka dhexeeyeen oo arrintan ka shiray, qodobbo laga mideysan yahayna ka soo saaray? Miyaad maqasheen Xukuumaddeenna amran oo wax dacwad ah ka qortay ama ka soo saartay Qodobkaas oo ay ‘TFG-dii’ ama dawladda maanta Xamar ka jirtaa ku gabbood-fashay oo ay cabashada caynkaas ah ka soo saartay. Alleylehe, haddii laga tegi waayo, mararka qaarkood ayaynu maqallaa Wasiir shir-jaraa’id wax sidaa u eg ka sheegay oo aan innagaba ina soo wada gaadhin. Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayaynu ku bararugeynaa shirkii wada-hadallada ayaa London ka furmaya markaas ayay af-kala-qaad inagu noqonaysaa. Innaguna garan weynay maxaa lala tegayaa oo waxaynu ku mashquulnay “Yaa ka mid noqonaya wefdiga ee soo faro-qabsanaya.” Waxaynu ku waalannaa; “talo-qaran ha laga yeesho, tegi meynno, waa xaaraan iyo waxyaabo la mid ah oo aan la inaga iibsanayn, qayrkeenna aanay seladah geyn.”

Qormadii: 3aad

Innaga oo aan Qodobbada oo dhan soo wada qaadanayn, bal aan ku yar hakanno Qodobka: 3aad oo isaguna dhigaya:

Waxay labada dhinacba u darban yihiin nidarna (committed) ku mareen sii-wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada, waxaanay labada madaxweyne ugu baaqayaan in ay si dhakhso ah u kulmaan si ay u qiimeeyaan horumarka wada-hadallada laga gaadhay,”

Qodobku sida uu u dhan yahay khad madow ayaan idiin mariyay. Waxaan ogaan hoosta uga xarriiqay ereyada ah ‘labada madaxweyne’ (two presidents). Bal hadda labadan erey u fiirsada. Waxa Qodobkan lagu sheegayaa ‘laba madaxweyne.’ Waa laba aan la kala saarin. Waa laba aan kala mudnayn. Waa laba aan astaamo kala sooca loo samayn. Waa laba aan la odhan dalal kala duwan ama kala weyn ayay ka socdaan.

Run ahaantii in labada madaxweyne la simaa innaga ayay nusqaan inagu tahay oo Mudane Siilaanyo cod dadweyne ayaa lagu doortay. Buruud iyo burhaanba waa uu ka sarreeyaa nin ay Baarlamaan la soo dhoob-dhoobay soo xusheen, illeyn taas oo kale doorasho laguma sheegi karo e’. Sidaas ayuu Mudane Siilaanyo kaga sarreeyaa oo aanu ninkaa kale meel la taagnayn. Innaga oo Burjigii iyo Buruudkii Libaaxa leh, ayaynu isu qaadanaynaa Biiq yar oo la qabtay. Innagii ayaa babbiso iyo go’aba isu ridayna oo meel aynaan taagnayn is-dhigayna. Ma waxaynu odhan kari weynay: “Buus iyo ban ayaa la idin ka yidhi.”

Dal ahaan ma liidanno, dad ahaanna ma liidanno. Waxaynu qabsannay adduunyadu waa ay la yaabban tahay, innaguna ma iibin karaynno. Koox wanaagsan oo garoommada caalamiga ah kubbadaha siyaasadeed ka ciyaarta waa aynu noqon karaynay, immikana waa aynu noqon karnaa, bal se ‘Kowjka’ iyo ‘Kabtan-xumida’ ayaa inala hadhay.’

Hogaanka ayaa debecsan. Hoggaanka ayaa ina hagraday. Hoggaanka iyo inta hareero joogta ayaa haadaan inagala dhacaysa haddii aynaan is-qaban. Marba waxa kugu soo dhacaya tuducyo ku jiray maansadii Gudgude ee Hadraawi oo aan ka soo qaadan karayo:

“Xil uun buu guddoontaye ka beydh, gudashadiisiiye,

Ka galgalay habaar-qabe halkuu, gool ku cuno weyne,

Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto,

Gaaraayucuuntiyo shinnida, gurucyo dhaadheerta,

Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma-guuraanka,

Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga,

Gungunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan quudhin,

Kun nin oo guraangur ah hadduu, goob isugu keeno,

Dadka kale intii gudan haddii, gararka loo jiido,”

Ma wadi karayo e’, inta ka hadhsan idinku ku darsada idinka oo soo xiganaya hal-abuurka aad doontaan, illeyn ilaa aammanuu ayaa muuqaalladan maansooyinka laga falkinayay e’. Maxaynu meel madow filimmo caynkan ah oo murugo badan ku daawannay, haddana sidii ummusha illownay oo u qaadannay in aynu xalay dhalannay. Maxay hal-abuurka iyo abwaannadu inagu daaleen, markii ay dhegeheennu waxba shuban waayeen.

Si fudud iyo si-dalag ayaynu Shirkaa hore ku gallay. Waxa ka-qayb-galkiisa isku koobay madaxdii xukuumadda oo intooda badani aanay waxba uga soo joogin soo-yaalkii taariikheed ee dalka iyo dadkanba. Bal hadda aan soo qaadanno Qodobka: 4aad oo odhanaya:

“Labada dhinac waxay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in ay sii wadaan fududaynta wada-hadallada, iyaga oo labada dhinac ku kaabaya Xeel-dheereyaal dibadeed oo xagga: shuruucda, dhaqaalaha iyo amnigaba ah,”

Bal tabaaladaa daya. Sannadkii hore ayaa fursaddaas la ina siiyay. Maanta oo bishii Meey 2013ka aanay waxba ka hadhin marnaba fursaddaas lagama faa’iidaysan. Wasiirradeennii waayo-aragnimada iyo taariikhdaba saboolka ka ahaa ayaa mar kale u lebbisanaya in ay shirar aan la mahadin ka qayb-galaan iyaga oo aan waxba diyaarsan. Mararka qaarkood ayaad is-odhanaysaa malaha shirarkaba wax kale looma tago oo aan ahayn in sawirro la iskaga soo qaado.

Haddii aynu fursaddaa ka faa’iidaysan lahayn oo aynu xeel-dheerayaal dibadeed iyo kuwo maxalliyaba isku dari lahayn, maanta waxaynu ahaan lahayn niman xaraar-butaystay oo qaddiyaddoodii oo wixii ay daliil u baahnayd wadata dibadda soo dhigay. Waa sheekadeenniiye: “hadal uun baa ka danbayn lahaa.” Bal maxaynu maanta la shir tegaynaa? Ma laga yaabaa in dhinaca inaga soo hor-jeeda ka diyaar-garoobay oo waxyaabaha la ina soo hor dhigo daafici kari weyno? Ha aammusina e’, ka sheekeeya dee. Markaas ayaynu dhabanka iyo gacanta isku illownaa!

Haddii aynu ka faa’iidaysan lahayn fursadahaa ku jiray Qodobka 4aad ee kor ku xusan maanta waxa diyaar inoo ahaan lahaa intaas oo buug ama ‘Dokumenti’ oo aynu raad-raac iyo markhaatiba ka dhigan lahayn. Hoogga iyo ba’a taagan ma maanta ayay qaddiyaddeennii dhiig la og yahay ku daatay mar kale marti u tahay dhawaan-soo-bixii iyo fiqi-duurrayaashii siyaasadeed. Ma innamadii dorraato waa ay fogayd e’, shalay wixii dhacay ogeyn ayaynu doogsin-cararka in ay haamo inoo soo dhaamiyaan u dirannay. Wallee! Innaga iyo harraad waa is-hurranahay.

Hadda magaalada Hargeysa waxa jooga Mudane Axmed Maxamed Aadan, Qaybe, oo tan iyo kontonnadii soo lignaa maamulkana ku soo dhex jiray. 31 sannadood ayuu ahaa safiir, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasiir Arrimo Dibadeedba. Odey Soomaaliyeed oo Somalilander dhalad ah oo aan biyo is-marin. Intii qalalaasaha Soomaaliya bilaabmay, Hargeysa sidii uu u yimid meelna kama tegin. Waa mid ka mid dadkii u soo taagnaa ee u soo lignaa waxyaabahan aawan ee maanta laga wada hadlayo. Buug kama uu akhrisan, mana bowsan ee wuu u soo taagnaa oo weliba ka adeegay.

Waxaad la sii yaabaysaa mararka ay wufuuddu baxayaan iyo dhibaatada Madaxweynaha lagu hayo ee aanu isaguna maya odhan karayn. Cudur-daarrada loo samaysto raacista wufuudda waxa ka mid ah: Waan isa soo baadhayaa caafimaad ahaan, waan soo gacan-marinayaa, xaaskii oo aanan beryahaa arag ayaan ku yar hadhi doonaa, baasaboor ayaan doonanayaa iyo waxyaabo aanay waxba inooga shan iyo toban ahayn. Madaxweynuhu mararka ay noocyadaasi la hadlayaan, juuq uma celiyo ee liiska ayaa lagu daraa. Berigii ugu horreysay ee London la tegayay, mefrish keliya ayay malaha  afar qof wefdiga kaga qornaayeen. Ma waxaad moodaysaan in dan ummadeed loo dhoofayo inta badan? Xaalku waa daawasho, dalxiis iyo tamashle. Waxaan is-idhi xukuumaddeenna talada haysa Ma-dhoofka iyo Mar-dhoofka ayaa ku badan. Dhar-xidhashada iyo suudh-qaadashadana wax kaga dara. Waxaan innaga inoo muuqan oo aanay waxba inooga cabbayn ayaa loo doogsin-cararayaa ama loo doog-dhabanayaaba. Dhullaxii Timacade sheeg-sheegi jiray ayaa si walba u dhex qaaday, malmalkii iyo dab-qaadkii lagaga cuudin lahaana weli ma haynno.

Qormadii: 4aad

Somaliland waa Somaliland, Mudane Siilaanyana waa Mudane Siilaanyo. Waa laba kala duwan oo haddana isa sudhan. Somaliland aan Somaliland u deynno, iskumana diiddanin. U soo noqo haddaba Mudane Siilaanyo. Waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waa Guddoomiyaha Golaha Xukuumadda, saamayntiisana waa uu ku leeyahay dal iyo dadba. Saamayn togan iyo mid tabanba waa uu yeelan karaa. In la iska nebcaado ma aha, in la iska caashaqana ma aha. Hadba sida uu u hawl-galo ee uu xilakiisa Dastuuriga u guto waa in wax loogu qaadaa. Waa in loogu sed-kordhiyaa ama lagu dhalliilaa. Dedaalka iyo digtoonida waa lagu dugsanayaa, demmenaanta iyo dareen-la’aantana waa lagaga durkayaa. Wax kale ma jiraan oo aan ahayn dhalliil la dhalliilayo, taasina waa mid Dastuuriya oo xaq iyo xeerba loogu leeyahay. Waxba Xukuumaddiisu ma qaban lama odhan karo oo taasi waa been in kasta oo xaalku daar iyo derbi u badan yahay oo weliba sidaa ay tahay Daartii Daaruhu weli dunsan tahay (State House), tabashaduna waa ay badan tahay. Weliba mid aan iska dheh ahayn, bal se garowshiiyaheeda wadata. Kaasi, ma aha mowduuca aan maanta u anbo-baxay e’, aan soo kala fireeyo aniga oo dulucdeennii ku soo noqonaya, tuducan Cashuurna ku soo xidhaya:

“Cayduba mar bay tahay nasteex, Cali-sandheerow,

Oo ad cawradaadoo dayacan, calalka saartaa,”

Haddii ay xukuumadda jirtaa xagal-daacdo ama ay xilkeedaba gudan weydo oo dhalliilo muuqdaan, taas macnaheedu ma ahaa Somaliland ayaa liicday, laalantaya amaba luntay. Xaasha! Somaliland waa xoog aan lagu khuukhin karin Soomaaliya iyo dhismayaasha la dhoob-dhoobayo ee ka jira. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Lax (Ri’) waliba shillalka ay is-dhigto ayaa lagu qalaa (gowracaa).”

Somaliland shillal ma taal, mana oolli karto. Somaliland cid shillal dhigi karta oo Ilaaha Maxamed samo ku uumay ahayni ma jirto. Shillal Somaalilaand qaadaaba ma jiro. Shillalka cid ayaa is-dhigi karta oo waa Xukuumaddeenna aynu maanta u tirinayno in ay  ka gaabisay xilalkeedii in badan oo ka mid ah, weliba waqtiyadan xasaasiga ah ee aynu marayno. Waxan aan idiin qorayaa waa ra’yigayga shakhsiga ah, qasabna ma aha in aad wada qaadataan. Waa wax la igu diidi karo, taasina wax la yaab leh ma aha oo dood dadweyne ayay gelaysaa, gar-naquna halkaas ayuu ku jiraa, Ilaahay ayaa garsoore ah e’.

Soomaaliya kama ay bixin xukunkii ku-meel-gaadhka ahaa, bal se Somaliland ayaa xilliyo hore ka baxday. Dastuurkii ayaa loo codeeyay oo aanu Baarlamaan qabiilooyin lagu soo soocay dejinnin. Golayaashi Degaanka, Golihii Wakiillada iyo Madaxweynuhuba doorashooyin goob-joogayaal caalami ahi ka gar-naqeen oo ka war bixiyeen ayaa lagu soo doortay. Doorashooyin aan dhiggooda lagu arag Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waa laga markhaati-furay in ay ahaayeen doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Annagu keligayo ma aanu odhan ee Caalamka ayaa marag ka ahaa. Waa halkaa halka ay Somaliland taagan tahay. Waa meeqaan iyo maqaam aan cidina kaga gacan-sarrayn karin, inta hagaysa ama hoggaaminaysa oo hagrata mooyaan e’. Somaliland meel looga cabsado ma joogto.

Ma aha in aynu ku dawakhno Soomaaliya ayaa ka baxday ku-meel-gaadhkii, Mareykankuna waa uu ictiraafay iyo safiirro ayaa yimid oo waraaqahoodii aqoonsiga qaddimay. Ma aha maantana in ay aynu beyr ka sii qaadno Golihii Ammaanka ee QM ayaa cuno-qabatayntii hubka ka qaaday. Ma hub ayaa wax inaga qaadaya? Sow tii la wada ogaa wixii aynu u soo joognay iyo farxaddii aynu ugu heesnay geelahii fircoon waday, waa halkii Hadraawi e’. Hubka se miyaynaan wax ku lahayn?

Soomaaliya awalba waa la aqoonsanaa ee iyada ayaa la la’aa. Immika ayay is-yidhaahdeen malaha waad hesheen, bal se baadideedii wax u eg ayay arkeen. Burburkeeda iyo baaba’eeda ma jeclin ee Ilaahay ha badbaadiyo, xaqana ha tuso.

Sow tii uu Hadraawi, maansadiisii Sirta Nolosha ku lahaa:

“Qof saluugay maankiisa,

Ka sal-kacay xaqiiqdiisa,

Qabku saami ladha maaha,”

Xaqiiqada dhabta ahi waa taas. Somaliland waa xaqiiqo dhab ah oo ka jirta geeska Afrika cid dafiri kartaana ma jirto. Ma aha in aynu u qaadanno in aynu keligeen adduunka u baahan nahay. Xaashaa Lillaah! Innaga qudheenna adduunka ayaa inoo baahan oo aan inaga maarmayn. Is-ma arkaynno innagu, laakiin xaqiiqada jirtaa waa taas.

Gebegaba Sheekada:

Maalin ay shacbiga Soomaaliland ka shaki badan yihiin inama soo marin. Taasina wax iska yimid ma aha. Gude iyo dibadba dadka dhegaha ayaa taagan. Qurbo-joogtii waa ay qaylinaysaa. Gudihii waa uu qalaadayaa. Qoon ku dhacday iyo qac nabar ah ma aha. Qaylo-dhaantu waa qawad......Waa saluug aan lagu qanaqcsanayn xukuumaddeennan fadhiidka ah ee aan isku-xidhka iyo wada-shaqaynta lahayn. Waa qanac ka yimid hawl-galka taban ee xukuumaddan aynaan mahadin ee inala anbatay. Waa quus ka timid qaddiyaddan ummadeed ee qof xukuumadda ka tirsani shandadda ku qaatay ee hadba sida uu doonayo uga tarjumayo ee aanay taladeeda iyo tusmaynteeda cidi la wadaagin.

Bishi Ogos 1984kii goor ay casar ku beegnayd ayuu shirweynihii 4aad ee SNM ka furmay magaalada Jigjiga. Wuxu Shirweynuhu ku furmay Aayado Quraan ah. Ka dib koox faneed oo Itoobiyaan ahayd oo aan u malaynayo in ay ka timid Magaalada Jinacsani oo Jigjiga waqooyi-galbeed kaga toosan ayaa heeso noo qaadday. Waxa ka dhex muuqday oo fan-jacaylkii la jibbooday Mujaahid Shahiid Axmed Maxamed Warsame (Genius) oo hees jaceyl ah oo Qaahira la yidhaahdo noo qaaday. Halkudheggeedii haddii aan xusuustu i dagin waxa uu ahaa: “Webigow Dalaa, dala.” Wuxu la hadlayay webiga Niilka oo uu ku lahaa: “ha ila anban ee aayar ila dulundulcee.” Axmed ‘Genius’ oo galabtaa suudh buunniya xidhnaa ayaa wuxu madashaa ka qaaday maanso caan-baxday oo la yidhaahdo ‘Dhayalsi’ dadka intiisa badanina u taqaanno ‘Dharaaraa na soo maray.’

Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo maantana ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maalintaa ama galabtaa goob-joog ayuu ka ahaa oo waa uu soo lignaa oo waxay ahayd markii koowaad ee loo doortay Guddoomiyaha SNM. Maansadaa ‘Dhayalsi’ tuduc ku jiray ayaa ahaa:

“Intay dhibibidee hore,

Intay dhididday ee kale,

Intay dhaqan xumaatiyo,

Intay dhacantay Maandeeq,

Midna kuma dhadhabayee,

Yey dhalliili doonaan,

Hadday dhacanto maantana,”

Ilaahay, waa ka Mudane Axmed Siilaanyo, labadaa maalmoodba soo wada joojiyay. Haddii uu taa hore illoobay maantaba waa iga xusuusin ee mar labaad dhegihiisu ha maqlaan, idhihiisuna ha arkaan wixii loo soo shahiiday iyo dardaarankii Shahiid Axmed Maxamed Warsame (Genius).

Qormadii: 5aad

Maalintaa waa la joogay, haddeerna waa la jooga, hadhowna waa la nool yahay oo cimriga ummaduhu sida cimriga qofka uma koobna.

Tan iyo maalmihii wefdigii Madaxweyne Siilaanyo ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska wararka war-baahinta dhex wareegayaa ma yara. Wax la qaatana ma aha. Waxa se qiimo u yeelaya aammusnaanta aan garowshiiyaha lahayn ee xukuumadda Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo ugu horreeyo.

Dhibaatooyinka ugu badan dal ahaan iyo dad ahaanba inoo haysta waxa ugu mudan xanta iyo waxyaabaha aynu hoos isugu odhanayno. Waxa ka fiicnaan lahayd in aynu si toos ah isugu nidhaahno oo is-qancinno ka dibna ka boqsanno.

Aniga oo aan idin la faqayn isla markaana aan idin la xamanayn xukuumadda qiimaha iyo qaddarintaba inaga mudan, aan is-yar xusuusinno, waxyaabaha aynu ku xamanno ama mararka qaarkoodba ka daalacanno mareegaha iyo qaababka kale ee war-baahinta – mid caalamiya iyo mid daakhiliyaba.

Iyaga iy Allahood e’ waxay yidhaahdaan:

  1. Wada-hadalladii Soomaaliya/Somaliland waxay ku soo af-jarmayaan in dib loo midoobo. Mararka qaarkood waxay yidhaahdaan qaab Federaal ah ayaa la wada gelayaa,
  2. Muddo toban sannadood ah ayay Somaliland qaabka federaalka ka mid ahaanaysaa, ka dibna afti ayaa laga qaadi doonaa,
  3. Koonfur iyo woqooyi ayaa la kala noqon doonaa oo Ra’iisal Wasaaraha ayaa Somaliland la siin doonaa,
  4. Dawladaha Khaliijka oo Qadar u horreyso ayaa hawlaha dhex-dhexaadinta gelaya, Somalilandna mag-dhow khasaarihii gaadhay ah ayaa la siin doonaa,

Intaasi waa inaha aad isku tidhaahdaan ama aad meelaha ku qortaan. Waa inaha aad tilifoonnada ama e-maillada iskugu dirtaan. Waxan idin dheerahay in aan qoray uun, haddana qaar idin ka mid ah oo ku haasaawa oo aad u xiiseeya ayaa igu maagi doona. Maagis ku ekaan meyso e’, waxay u badnaan doontaa in ay weliba e-maillo ii soo qoraan. Anigu wax aan qoray in la igu maago ma aha, waa in waxa aan qoray wax laga yidhaahdaa. Ma aha in hadal laga yidhaahdo, bal se, illeyn waan ku dhibtooday e’, waa in qoraal lagaga jawaabay, markaa war-baahinta ayaynu ku doodi doonnaa, dadkuna waa ay inoo gar-naqi doonaan. Waxba yaanay sheekadaasi ila fogaan. Dulucda aan u soo dego.

Qodobbadaa afarta ah waxa dheeraa oo aad u adkaa hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ninkaa odeyga ah waxa laga soo wariyay in uu 2/3/2013ka, Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheegay in ay xukuumadda Somaliland xidhiidho yeesheen oo ay qoraallana is-weydaarsadeen. Nin looga-qaateen ah oo codkiisa dhegaysanay wuxu ii sheegay in uu yidhi: “Midnimada Soomaaliyeed dheer iyo geed gaabanba waanu u fuulaynaa.”

Malaha Madaxweyne Xasan Sheekh midhkiisii lama odhan e’, waxaanu ku leenahay: “Annagu madax-bannaanida Somaliland geedo uma aanu soo fulin e’, hore ayaanu dhiig iyo dhecaanba ugu daadinnay’.” Weliba saaxiibbadeenna koonfureed heestii ay qaadi jireenna ha raaciyaan ee ahayd: “Gadaal gadaalaad, geed u fuushaane, gar maydiinka go’daaye.”

Xukuumaddan aammuska iyo arrin-xumada isku darsatay ee Mudane Siilaanyo waxaanu leenahay ka jawaaba waxyaabahan dadku ku dhego-barjoobeen. Mudane Madaxweyne, waa maxay waxan uu sheegayo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. In wax laga yidhaahdo miyaanay ahayn. Maxaad London la tagteen, maxaad se kala timaaddeen? Maalintii aad soo noqotay markii aad madaarka ka soo degteen waxaad sheegtay in aad Ingiriiska ku tidhaahdeen dadkayagii ayaanu la soo tashanaynaa. Mudane Madaxweyne maxaa laga tashanayaa?

Mudane Madaxweyne, booqashadii Turkiga waadigii ka baaqday, laakiin wefdi wasiirro ah ayaa tegay oo booqashadii waa halkeedii. Cudur-daar kama haynno xukuumadda Turkiga, bal se af-hayeen xukuumaddeenna Somaliland u hadlay ayaa u cudur-daaray oo sheegay in Ra’iisal Wasaare Erdogan hawl deg-deg ah yeeshay. Diblomaasi ahaan weedhaa miyaynu xaq ugu leenahay xukuumadda Turkiga? Miyeydaan ka baqeyn in xukuumadda Turkigu warkaa ogaato?

Madaxweynaha Soomaaliya, booqasho rasmiya ayuu ku tegi doonaa Dubai 10/3/2013ka. Waa wararka ay soo tebinayaan looga-qaateenku. Ma laga yaabaa in aynaan Bisha Meey, 2013kaba isla gaadhin. Ilaahay baa og, illeyn xukuumaddeennii wax mowqif ah kama haynno e’.

Waxa kale oo la sheegayaa haddii Eebbe idmo in Madaxweynaha Somaliland 21/3/2013ka ka degi doono madaarka Dooxa ee dalka Qadar. Ma dhab baa? Waxa intaa lagu darayaa in aad 24/3/2013ka halkaa ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya. Ma dhab baa iyaduna?

Hadda labada Madaxweyne in ay kulmaan wax la yaab leh ma aha oo taas waxaynu jidaynay Feeberweri 2012kii. Waxa aan ummad ahaan iyo xukuumad ahaan inoo qaban in aynu kulammadeenna cid kale ka maqallo. Shakigu halkaas ayuu ka dhalanayaa.

Mudane, Madaxweyne, wada-hadalladii arda walaaya aanu ku ogeyn, ma Diricyo-dheertii aan inoo dubaaxin ee aan inoo damqan ayaa la wareegtay? Kulan-beenaadkii Sheekh Shariif ee Dubai miyaanu waayo-aragnimo iyo wax-ku-qaadasho inoogu fillayn.

Maah-maahaha caan-baxay, waxa ka mid ah: “Xagalo (gojoxo) geel wax gunti lagu qaado ka weyn.” Waxa kale oo jirtay: “Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn.” Xukuumaddu waxay macno samaynaysaa ama macno leedahay marka ay dadkeeda wadato. Miyaanu Cali Sugulle Dun-carbeed, Deelleeydiisii ku odhan:

“Diric keli ahaantii,

Daleed guusha kama helo,

Dadkaa geesi lagu yahay,”

Waa taa runta biyo-kama-dhibcaanka ahi. Cid aan dal iyo dad wadanini waa daasad qab-qab leh.

Madaxbannaanida Somaliland waa lama-taabtaan, go’aankuna wuxu la yaallaa ciddii qaadatay markii horeba oo ah dadweynaha. Waa taas xaqiiqadu, masiirkeennuna gacanteenna ayuu ku jiraa. Wax laga cabsadaana ma jiro.

Dhammaad.

 

 

 

 

Additional information