Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa?

‘Tabaaragga’ iyo Tiirka ‘Bir’ ah…….Waa tusbax kale…….waa taxanaheennii oo tufkii iyo taxliishiiba wata…….Tummaati inagu soo maqan ayaynu ka sii tabaabushaysanaynaa si aanay inoo taf-wareemin…

 

Kulmiye wuu karayaaye: Miyuu kabmayaa, korayaa, mise wuu kadmayaa?

(Kala-codlaynta & kal-ka-collowgu ma kiis-iska-waal baa, mise waa kadeed dihin)

images“Duqii Maarkoos waa kaa,

Waddadii dayacan koray,

Jidka aaran-dubatadu,

Ku danbeyso weeyaan,

Dawga weeye loo maro,

Sannadaha dul-saarka ah,

Iyo nolosha daalka ah,

Dawga weeye loo maro,

Duni aan tilmaannayn,

Duuggeedu male yahay,

Qof ku daaya mooyee,

Qof ku doonayaa jirin.”

Maansadii Isa-sudhan ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

‘Tabaaragga’ iyo Tiirka ‘Bir’ ah…….Waa tusbax kale…….waa taxanaheennii oo tufkii iyo taxliishiiba wata…….Tummaati inagu soo maqan ayaynu ka sii tabaabushaysanaynaa si aanay inoo taf-wareemin…….Si aynaan tubta toosan uga lumin waa aynu is-tilmaamaynaa is-na toosinaynaa.

Maantana toddobku wuxu ka dul hoorayaa Xisbi aynu tirsanaynay oo tubtii kuwii hore ku tawalleeyeen isaguna taayirradii la helay: In taako loo dhigi……in uu taraar-dhaafkaa ku tegi……iyo in tunkiisa iyo tafeenihiisaba taababka laga buuxsan, waa tu’ Alle ku maqan. Tabantaabada Eebbena waa mid inoo taal oo aynaan ka tagganayn. Tafaafuli meyno e’ dabka ayaa fooxa loogu tuuri, tusbaxaa la rogi, ha tegin e’ nala taagnowda ayaa la badin, kuwa toocsanaya ee Taajka aan hortood-jiraba mahadin taakada ugu dhigaya ee ulaha boocda ah tukubayana, tookha beenta ah weynu ka tumi, waynu ka toobi oo tuurrin baa looga qori, haddii aynaan toocsanba.

Tusmo ma aha sheekadu iyo ‘Tol waa tolane’. Dalku tuu lahaa iyo tusmadiisii baa dagan. Tu’ aynu leenahay oo aynu ku tacabnay oo toogasho ugu badheedhnay iyo tu’ la inagu tallaalayo oo ‘Tusbaxlay-tammuujadley (Baastoolad)’ ah ayaa isku takhlan oo in la kala tuuro u baahan. Tusmo-habaabi meynno e’ teenna ayaynu ku tirsanaynaa oo ta aynaan geyin waa aynu ka tallaabsanaynaa. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Shahiid Maxamed Mooge Liibaan ayaa ereyadaa ‘Tusbaxley iyo tammuujadley’, halhays u lahaan jiray beryo aanu magaalada Harar ee Itoobiya wada joognay oo ku beegnayd Juulay, 1983kii. Hore ayaynu u ogeyn in abwaannada iyo hal-abuurkuba tuf leeyihiin oo wax badan looga soo joogay. Beryahaa uu Maxamed Mooge Liibaan hal-hayskaa ku cel-celin jiray laba ayay kala ahayeen ‘Tusbaxleyda iyo Tammuujadleydu’. Maanta se Tusbaxii ayay Tammuujaddiina raacday. Bal adba!

Hoobalkii Maxamed Moogena, dadba waa uu ka sii xag-jiray oo hibooyin badan oo curineed ayuu Ilaahay ku mannaystay. Bal haddii uu maanta joogi lahaana, muxuu odhan lahaa. Ma is-tidhaahdeen heesaagii Maxamed Mooge Liibaan dhowr laambadood ayuu lahaa.

Si aynaan u kala amban, aynaan u kala hadhin ama isuba fahmi waayin, aan idiin qodobbeeyo sheekada. Waa taxane…..ha ahaado e’ waa mid gaaban oo aan sidaa u sii dheerayn, si aydaan ii hiifin.

Wuxu taxanahani daarran yahay ama ku saabsan yahayba, haddii aan jilciyo:

  • Tagtadii iyo taariikhdii xisbiyadeennii hore ee lixdannadii oo kooban,
  • Dul-joogsi SNM: Dulucdii, dedaalkii, dagaalkii, duuggeedii danbe iyo diga-rogashadeedu waxay noqon karaysay,
  • Burburka joogtoobay ee xisbiyadeenna maxaa u sabab ah?
  • Adduunyadu sida ay xisbiyada u taqaan iyo xil-gudashadooda,
  • Aragtida aynu xisbiyada ka haysanno iyo sida aynu innagu ugu hawl-gallo,
  • Waayaha xisbiga Kulmiye ee maanta aloosan ama taaganba: waxa dhici kara iyo sida looga badbaadi karo,
  • Gunaanadka sheekada,

SLN (1) usp (1)Haa……Ma hurdaan ka toosay mise waan hadrayaa. Hantaaq iyo hadimo aan dhammaanayn. Maxaa xisbiyo, Jabhado iyo ururro iga foos-bururay. Ma SNL (Somali National League), USP (United Somali Party) iyo NUF (National United Front) ayaan cidi is-weydiin. Hadda dibad loogama iman ee iyaga ayaa is-maax-dumiyay; Xamarba loogama horreyn. Ilaahay hortii in aanay sannado badan joogin markii ay SYL ku milmeen, ee ay xataa iyadii qudheedii, sida haddaba aawan mar-la-arag iyo doorasho-soo-bax noqotay. Xisbiyadii lixdankii xornimada dhaliyay waxay ahaayeen xisbiyo dhab ah. Xataa markii ay baaba’een ee ay saaxadda ka baxeen kuwii beddelay, waxaynu ka soo qaadan karnaa Somali Democratic Union (SDU) iyo Somali National Congress (SNC) oo labaduba ka dambeeyay 1960kii.

Xisbiyadaasi markii hore ee ay samaysmayeen, waxay ku bilaabmeen ururro. Laba tusaale oo nool ayaynu soo qaadan karnaa. Somaliland haddii aynu ku horreyno, xisbiyadu waxay ku bilaabmeen ururro samo-fal. Intii aanay SNL samaysmin, ka hor waxa magaalada Burco ka dhisnaa urur bulsho oo la odhan jiray Somali National Society (SNS) oo markii danbe u digo-roganaya SNL.

SYL

Marka aynu u leexanno Soomaaliya oo Talyaanigu gumeysan jiray, xisbiyadu waxay ku bilaabmeen urur dhallinyaro oo la odhan jiray Somali Youth Club (SYC). Ururkaas dhallinyarada ayaa isaguna markii danbe u digo-roganaya Somali Youth League ama SYL. Bal hadda u fiirsada labadaa dal ee Soomaaliyeed sida ay wax uga bilaabmeen oo ahayd: Markii hore “Club iyo Society”, mar labaadkii labada dhinacba “League”, mar saddexaadkiina Xisbiyo siyaasadeed. Sidaas ayaa loo il-baxayay ama digo-rogashada siyaasadeed ay u dhacaysay.

Dhallinyarada maanta joogtaa si ay u fahamto ereyga ‘League’, waxay tusaale u soo qaadan karaan Naadiyada ciyaarta kubbadda ee ay waqtigoodii inta badan siiyeen: Mar ay ciyaaraan, mar ay daawadaan, mar ay akhriyaan iyo mar ay fagaarayaasha kaga sheekaystaan oo ay ku murmaan, haddii aanay mararka qaarkood taageeradooda iskuba faro saarin. Miyaanay taasi godob ahayn ay nolosha inteedii kale ka galeen? Waqtigaba sow in nolosha loo qaybiyo ma aha? Miyaanay taasi eex ahayn. Yaanu ila fogaan mowduucu, barbaartana yaannaan meesha isku seegin oo aanay u qaadan in aan jinsigooda kale uga eexanayo. Iyaguba dhalliishooda leh oo abuurta Eebbe in la nakhtiimo oo la yidhaahdo waa la beddelayaa la qurxinayaa, iyaduba waa dhagar mudan in laga toobbad keeno. Ilaahay ha ina soo hadeeyo dhammaanteen, idinkuna aammiinta igu dara.

Ma lagaa in ay barbaartuba xanaaqdo oo ay maqaalkaba tuuraan. Laakiin, taasi nagama dhexayso.

Ururradaa bulshannimada ama dhallinyaranimada ku bilaabmay ayaa siyaasad ku dambeeyay oo markii hore “League” loo adeegsaday, markii danbena erey laga soo ammaanaystay afka carbeed oo ah ‘Xisbi’.

NUFWaxa xusid mudan in markii ugu horreysay ereyga ‘Jabhad’ la adeegsaday 1955kii, beryihii Ingiriisku dal-sanka ‘Hawd & Reserve Area’ ku wareejiyay Itoobiya iyada oo aan dadka Soomaaliyeed laga talo-gelin. Maalmahaas ayaa la sameeyay ‘National United Front’ ama Jabhaddii Waddaniga ahayd ee Mideysneyd oo loo soo gaabsan jiray ‘NUF’. Dadka qaarkii waxay odhan jireenba ‘Nafta’. Jabhadna, markaas ayaa inoogu horreysay. Ma mooddaan in aynu qaxa iyo dibad-joogga berigaaba saadsanayay. Tu’ walba ka yaab.

 

Qormadii: 2aad

Xisbiyadii lixdannadii jiray, Shirweynayaal ayaa jiray. Gole Dhexe iyo Guddi-fulineed ayaa jiray. Xil iyo awoodba waa la qaybsan jiray. Xilalkii beryahaa jiray ee aawanaa mid ka mid ah oo halbowle ahaa, ayaa ahaa Khasnajiga (Treasurer). Wuxu mas’uul ka ahaan jiray in uu qaadhaanka xisbiga soo guro isla markaana maaliyadda xisbiga maamulo. Goor xilkaa araggiisa iyo maqalkiisa inoogu danbeysay garan meynno.

  • Waa mid ka mid ah sababaha xisbiyadeennu u taanaadi waayeen ee ay u tis-qaadi waayeen,
  • Waa mid ka mid ah sababaha ay xisbiyadeennu dimuqraadiyadda uga arradan yihiin, saboolkana uga yihiin,
  • Waa mid ka mid ah sababaha ay dadkeennu u yeelan waayeen xisbiyada maanta jira, halka ay SNM iyo xisbiyadii lixadannadii ka lahaan jireen ee uu shacbigu uga talin jiray,
  • Waa mid ka mid ah sababaha wax walba loo weydiisto Guddoomiyaha ee aanay cid kasta oo kaleba macno u samaynayn: Haan aan gunta ka tollayn,

Lixdannadii qabyaaladdu macno caynkaas ah ma lahayn. Xataa in ay qolannimadu hayb noqoto ayaa laga dagaallami jiray. Xisbiyada qof qof ayaa loo geli jiray ee qabiil qabiil looma geli jirin sida immika dhacda ee sida badheedhka ah loo odhanayo: “Haddii aanu reer hebel nahay.” Subxaan waa Qaaddir. Mushkiladduna dadka kama imanayso ee waa xisbiyada oo aan waxba sugi karayn oo diihaalka la sahaya. Maanta xisbi samayso isla sannadkanna Madaxweyne noqo. Xaggee laga dheelaa. Dab liqa ayaanu nidhi, waa halkii Hadraawi e’.

Sow tii uu Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ lahaa:

“Qoloqoladan loo degay,

Kama dhalan dadweynaha,

Ragga dacarta huriyaa,

Waa kooxo duumo ah,

Daaddihiyayaashiyo,

Maammulkay ku duran yiin,

Qaar baa digtoorro ah,

Digriigoodu madhan yahay,

Qaar baa durbaanno leh,

Oo daacaddii jaray,

Darna waa hagoogtaan,

Waa deniyo waaweyn,

Isku soo dabbaal oo,

Waa dabaqad maal jecel,

Waxa loo dig leeyahay,

Dhididkayga dahabka ah,

Sidii loo duddubin laa,”

Waxaan idiin ka soo dheegay Maansadii ballaysinka ama bilowgaba u ahayd taxanihii maansoo ee loogu wan-qalay: Deelleey. Waa goorma goorteed? Waa maalmihii amranaa ee Diisambar 1979kii. Bil ammaara waxay ahayd maalin Isniin ah oo ku beegnayd 10kii Diisambar 1979kii. Waa magaaladii Muqdisho ee dulmigii Maxamed Siyaad barriinsaday. Maantana ma maalmihii baa? Hanku weli ma halkii ayuu ku dabran yahay oo wax walba hunguri ayaa la dhaafsaday. Ma dalqadii baa indho lagu yeeshay oo duug iyo dareen kale ma hadhin. Bal adba!

Lixdannadaii in ay aanay qabiiladu macno samayn jirin waxa kaaga markhaati ah, doorashadii Maxamed Shuuriye ee xisbigii SNL loogu doortay in uu Baarlamaankii Soomaliya xubin ka noqdo isaga oo dadka la hayb-sooco ka mid ahaa. Wuxu ka badiyay kuwii laan-dheeraha sheeganayay. 1964kii Cumar Maxamed (Cumar Dheere) oo Ogaadeen ahaa ayaa isagana Hargeysa Baarlamaanka looga doortay isaga oo ku tartamayay magaca xisbigii SDU ee janjeedhka Hanti-wadaagnimo lahaa, loona yaqaannay ‘calan-casta’.

Waxa kale oo lixdannada dalka ka bilaabaantay erey-bixinta siyaasadeed, oo qaybo ka mid ahi laga soo bilaabo maalmahaa ilaa maanta taagan yihiin. Aniga oo aan cilmi-baadhis qoto dheer u gelin, haddana ereyada ugu da’da weyn ee tan iyo maalintaa la adeegsanayay waxa ka mid ah:

Dabo-dhilif oo u dhigmaysay ereyga carabiga ah ee ‘daneb’ (dabo). Ereyga Murashax wuxu soo baxayaa ama afka Soomaaliga soo gelayaa doorashadii 1959kii. Beryihii hore waxa la odhan jiray: “Hebel wuu isa sharraxay.” Ama qofka ayaa odhan jiray: “Waan isa sharraxay.” Markaas ayay inta badan dadka qaarkii ku adkaan jirtay sida loo fahmaa. Doorashadu marka ay dhammaato ayaa la odhan jiray: “Hebel wuu foosay (guulaystay) ama wuu dhacay.” Markaa ka dibna waxa lala yaabi jiray “Wuu dhacay.” Waxba ma ay ahayn in aad aragto hablo ooyaya oo leh:”Hebel ayaa dhacay.” Ma laga yaabaa in ay dadka qaarkii odhan jireenba: “Dee dhulka ha laga soo qaado.”

Kifaax oo u taagnayd halgan, Istiqlaal oo u taagnayd madax-bannaani ama xornimo, Rajci oo loo tarjumay dibusocod iyo qaar kale oo badan. Magacyadii beryahaa wiilasha lagu maansheeyay malahayga waxa ugu badnaa Sitiin oo ahaa lixdanka oo gobannimo iyo is-raacba u taagnaa.

Halkan aynu immika Baaqa ka soo saarno, xisbiyadii lixdannadii xornimada u dagaallami jiray, waxay soo saari jireen: Bayaan ama balaaq oo labaduba laba erey oo Carbeed ah.

Waxa kale oo ereyadii ugu da’da weynaa ka mid ah ereyga horseed. Ciidankii abaabulka ee Xisbigii SNL waxa la odhan jiray horseed, waxaanay ku lebbisan jireen direys cad iyaga oo calanka xisbiga jeeni-qaaran jiray. Madbacaddii Cabdillaahi Oomaar ee daabici jirtay wargeyska Al-liwaa iyadana waxa la odhan jiray ‘Horseed Printing Press.’

Waxa jiray erey aad mooddo in uu beryo danbe oo xilliyadii Siyaad Barre ku beegnaa soo baxay ilaa maantana aad loo adeegsado. Waa ereyga ‘Kala-guur.’ Waxaynu maqallaaa marxaladda kala-guurka. Haddana markaa aad wax aan sidaa u sii badnayn, ereygan qoddo waxaad ogaanaysaa in uu ku jiray tixihii qaaliga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan, Timacadde, maamuuska iyo muquunadaba uga dhigay calankii Soomaaliyeed ee berigaa la taagay. Sow kii lahaa:

“Maanta waa kala-guuroo,

Waa gumeysi-hayaan oo,

Waa guushii muslimiinta oo,

Guhaadshow calankeennanow,

Geyigaan tirin doono,

Kobtaan sheego ha gaadho,”

Waxaan ka soo qaatay maansadiisa Gelbis.

Waxa xusid mudan in ay erey-bixinta siyaasadeed ee ay xisbiyadaasi adeegsan jireen dhammaanteed ay afka Carabiga ahayd. Waxa intaa dheeraa in uu Xisbi waliba lahaa wargeys toddobaadle ah oo afkiisa ku hadli jiray. Qarni-ifriiqiya afka xisbiga SNL ayay ku hadli jirtay, Al-saraaxa waxay ahayd af-hayeenka Xisbiga USP, wargeyskii kale ee Al-Liwaa isaguna wuxu lahaa janjeedh dhinaca xisbigii NUF. Dhammaantood afka Carabiga ayaa lagu wada qori jiray.

Sababta uu afka Carabigu saaxadda siyaasadeed u qabsaday wax kale ma ay ahayn. Bes, intii xisbiyada hoggaaminaysay ama u hadlaysayba ayaa wax ku soo baratay afka Carabiga isla markaana lahayd dareen waddaniya oo gumeysi-diid ah. Waxay ahayd dhacdo run ah oo ay kaga duwanaayeen dhiggoodii Soomaaliyeed ee afafka kale wax ku soo bartay, gaar ahaan afka Ingiriisiga. Saamaynta labaad ee afkaa Carabiga ah raacaysay waxay ahayd tii uu ku yeeshay dalka iyo dadka Soomaaliyeed hoggaamiyihii caan-baxay ee Jamaal Cabdinaasir. Qaahira waxa ka bixi jirtay Idaacad la odhan jiray: “Sowtul Carab minal Qaahira”, oo aad loo dhegaysan jiray. Xataa, Jamaal wuxu galay suugaantii Soomaaliyeed ee hal-hayska noqotay beryihii dagaalkii Suweyska ee la lahaa:

“Jamaal Cabdinaasir Allaa la jiree,

Wixii la jihaada Allow jebiyeey,”

 

Qormadii: 3aad

Idaacaddaa ‘Sowtul Carab minal Qaahira’, waxay ka mid ahayd waxyaabihii ugu mudnaa ee dawladdii Ingiriiska ku dhaliyay in la furo laanta af Soomaaliga ee BBC-da. Sababaha loo sameeyay laantan af Soomaaliga ee BBC-da waxa ka mid ahaa si looga hor tago Idaacaddaa Qaahira laga soo deyn jiray oo saamayn la yaab leh ku lahayd degellada Soomaalidu degto oo dhan. Laanta afka Soomaaliga ee BBC-du ahmiyadda ay Ingiriiska u lahayd, waxaad ku garanaysaa afafka lala furay ee mar lala bilaabay oo kala ahaa: Sawaaxiliga oo bariga Afrika lagaga hadlo iyo Hawsada oo galbeedka Afrika ka aawan. Dadyowgaa lala qiimeeyay Soomaalidu tiro ahaan meelna kagama ay dhacayn xilliyadaas. Markii danbe Qaahira waxa laga furay Laan afka Soomaaliga ku hadasha, si loogu quus-gooyo gumeystayaashii.

Beryihii dalka la soo galay ayaan arkay feyl gaboobay oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha yaallay. Waxa ku jiray warbixino maalinle ahaa oo Xafiiska CID-du u soo qori jiray xukuumaddii Ingiriiska ee Hargeysa joogtay. Waan akhriyay. Warbixintaasi waxay ahayd barnaamajyada iyo hadallada ka baxa Idaacaddaa Qaahira oo afka ingiriisiga ku qoran. Garo’ oo habeen walba waa la dhegaysan jiray. Karka intaa le’eg ayay Idaacaddaasi iyo afka carabiguba ku lahaayeen gumeysigii Ingiriiska oo aanay tamarin kuwii uu wax soo baray, intoodii badnayd.

Halyeeyadaa dhaqanka iyo ‘taqaafadda’ Carbeed lahaa ee beryahaa Xisbiyadaa siyaasadeed u hadli jiray ama wax u qori jirayba waxa ka mid ahaa oo aynu xusi karaynaa, ilaa maantadaa aynu joognana xiska dadka qaarkii ku sii hadhsan:

Ibraahin Cali Ducaale, Cumar Maxamed (Cumar Dheere), Yuusuf Meygaag Samatar, Axmed Maxamed Guuleed (Axmed Jimcaale), Maxamed Cali Faarax, Yuusuf Ismaaciil Samatar (Gaandi), Axmed Yuusuf Ducaale, Cabdilqaadir (Tifaf-tirihii Al-saraaxa) iyo qaar kaleba. Ma aan illoobin xubnihii Xisbiyadaa hoggaanka u ahaa ee ay ka midka ahaayeen: Xaaji Cumar Askar, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Axmed Xasan, Maykal Mariano, Garaad Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahin Nuur  iyo qaar kale oo badan.

1993kii, markii lagu jiray Shirweynihii Guurtida ee Boorame, ayaan maalin gurigiisa ku booqday Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Waxaanu ka wada hadlaynay niman ay shalayto oo kale wada fadhiisteen oo ay ballansanaayeen. Waxaan u sheegay in ay mar ballantaa kaga bixi gaadheen. Wuxu igu yidhi: “Oo siyaasadda ma been ayay u yaqaanniin?” Waxaan ugu jawaabay: “Halkan siyaasadda been ayaa looga yaqaannaa e’, adigu siyaasadda ma run ayaad u taqaannaa?” Wuxu igu soo celiyay: “Haa siyaasaddu waa run”. Wuxu intaa iigu kabay mar mar aad khudbadaynayso, waxoogaa dacaayad ahi waa ay raaci kartaa. Aniga oo la yabban, ayaan ku idhi: “La arki doonee.”

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa waayadii hore ee ay ku cusbayd Madaxweynennimadu si aad ah u adeegsan jiray ereybixintaa siyaasadeed ee lixdannadii. Wax la yaab leh ma ahayn in aad khudbadihiisa ka maqasho: “Nuwaabta” (xildhibaannada oo u dhiganta wakiil), “Intikhaab” (doorasho), “Jamhuur” (dadweyne) iyo qaar kale oo badan. Waxa kale o uu halhays u lahaa oo uu ku badhxi jiray khudbadihiisa ereyga ‘Macal-asaf’ (aniga oo ka xun).

Bishii Juulay, 1983kii ayuu Shirweynihii 3aad ee SNM ku qabsoomay magaalada Harar ee dalka Itoobiya. Markii aanu Shirweynihii ka baxnay ayaan Xaaji Yaaxeen oo ka tirsanaan jiray Xisbigii SDU-da oo loo yaqaannay ‘Calan-casta’ kula kulmay magaalada Diri-dhabe. Isaga oo xiise badan u hayay in uu ka qayb-galo Shirweynihii SNM ee dhammaaday bal se ka daahay ayuu dhowr su’aalood I weydiiyay si uu u hubiyo in Shirweyne dhab ahi qabsoomay. Wuxu doonayay wixii noo qabsoomay in uu ku dhereriyo, Shirweynayaashii ay qabsan jireen.

Wuxu igu yidhi: “Ma ‘Mu’tamar’ (Shirweyne) ayaa qabsoomay?” waxaan ugu jawaabay: “Haa.” Wuxu igu yidhi mar labaad: “’Jadwal acmaal’ (Ajende) ma lahaa?” Waxaan ugu jawaabay: “Haa. ”Mar saddexaad ayuu I weydiiyay: “’Qaraaraad’ (go’aammo) ma ka soo baxeen?” Waxaan mar saddexaad ugu jawaabay: “Haa.” Intaa ka dib ayuu yiqiinsaday in Shirweyne qabsoomay oo hadalkiisii ku soo xidhay: “Haddaa waa bes, waa uu qabsoomay.” Waa aragtidii ay xisbiyada ka qabeen dadkii lixdannadii xubnaha ka ahaa ee waayo-aragga ahaa ee xisbinnimadu ku dheereyd. Lixdannadii dadka qaarkii billadda xisbiga maryaha kuma ay qaban jirin ee jidhkooda ayay ku mudi jireen, kalgacalka ay u hayeen awgii.

Axmed Yuusuf Ducaale ayaa ii ga sheekeeyay gabadh ka tirsanaan jirtay Xisbigii NUF-ta oo maalin mid ku yidhi ama kula kaftamayba in aanay lacagtii biloodlaha ahayd ee qaadhaanka xisbiga bixin. Show iyaduna waa ay bixisay oo waxba kuma ay baaqan. Axmed Yuusuf Ducaale, wuxu intaa iigu daray in ay iyada oo ooyaysa oo ninkii ka dacwoonaysa u timid. Gabadhaasi waxay cay iyo af-lagaaddaba u arkaysay “Lacagtii qaadhaanka ma aad bixin.” Iyo ta maanta taagan ee xisbiyada loo soo foof-tegayo, hoggaankuna sidaa jecel yahay oo weliba raalli ka yahay, isla markaana laga doonayo in aanay dad iyo dalba la amban. Miyay taasi suurtoobaysaa!

Sow tii Hadraawi maansadiisa Daba-huwan ku lahaa:

“Intuu bahalaha dugsado,

Intuu Dubur Hawd ka xulo,

Ayuu qofku doonayaa,

Dugaaggu in aanu cunin,”

Ma dhalanteed iyo dheel-dheel baa. Ma anigaan wax dhuganayn, ama aan wax dhaadayn.

SNM iyo waayaheedii

Ma SNM oo ka danbeysay oo 10 sannadood oo xoogga ka maso ah dagaal shacbiya oo hubeysan ku jirtay ayaan udub ka taagnayn. Ma ma-kasta iyo maan-gaabyada dhawaan-soo-baxa ah, fiqi-duurrayaasha macaan-jecesha ah ee dalqada indhaha ku leh ayaa ku maadeysta. Ma waayo-aragnimadeedii hodanka ahayd ayaan cidi ka faa’iidaysan, kol ay ku tahay intii hoggaanka u ahayd ee ku soo caano-maashay. Sow tii Hadraawi 1984kii maansadiisii Jiitama ku lahaa:


“Yaan lagaaga soo dhicin,

Dhinacaan is-bixin karin,

Dhacadiid iska ogow,

Dhagartana is-weheshada,

Ha iska dhiman sidii neef,

Horto dhiig ku faro-xalo,

Dhudhun kaa hor jeedaa,

Ku dhirbaaxi maayee,

Dhumucdaadu waar hooy,

Dhumucdaadu hooy hooy,

Dhumucdaadu yay hooy,

Dharab-roorka kugu jebin,

Inantaada Dhego-culus,

Dhiidhiibso kula tali,

Gacan baa wax dhalisee,

Ha dhursugin ayaamaha,

Hana dhowrin maalmaha,

Dheeshu xeego maahee,

Waa dhabiiltan gobannimo,

Dhidar fule gashaantida,

Boqorkiyo Dhaclaa xidhan,

Yaanu kaaga dheerayn,”


In la iskaga dheereeyay oo waliba laga badbadiyay, taas maanta muran kama taagna, bal se mar iyo marar kaleba waa innagaa goobahaa la soo maray halkoodii taagan.

Ma UDUB ayaa duhur cad lagu kala tegay oo intii dheefsanaysay ee dheecaankeeda nuugtay dhuunta ku dhufatay. Ma tagtada iyo waxaan oollin ayaynu ku tirinnaa. Ma hebello hadla ayaa ka soo hadhay. Ma ururradii baa? Oo miyaan tirin karayaa, qof kastaaba ka uu ka jecel yahay ha ku darsado. Mar danbe ayaa lagu digtaa oo lagu walacsadaa hantidii ummadda oo la yidhaahdaa halkan ayay ku soo biireen iyo halkan ayay ka onkodeen. Astaamahoodii iyo calammadoodii inta ay soo qaataan, ayaa xaflado dhalanteed ah loogu sameeyaa fagaarayaashii ay ku faran-fardayn jireen waayadii ay gacan-furnaanta, fantasiyaha iyo fool-baxsigaba ku foognaayeen.

Waa 2013kii. Waa bilow. Gu’yaal badan ayaynu soo jirnay, garaad badan oo inoo kordhay se ma jiro. Tani oo kale weli inama soo marin. Lixdannadii xilliyadii SNL-sha iyo xisbiyadii weheliyay dhaqan xisbiyeed oo mabaadii ku taxan ayaa jiray. Hay’ado xisbiyeed oo hoggaamineed oo kala qalan ayaa jiray.

SNM-tii kama liidan oo dab yar ma shidayn. Weliba iyada mood iyo noolba waa loo huray oo wax aan cidna la siin ayaa la siiyay. Naf-hurkii ugu badnaa ayaa loo sameeyay oo aan hore u dhicin, malahayga dibna u dhici doonin. Shirweyne waa la qaban karayay oo ergooyinku 151 ayay ahaayeen, kii 6aad oo ay ergooyinki 314 ahaayeen mooyaan e’. Shirweynayaashu sannadkii mar (81kii ilaa 84kii), labadii sannadood mar (84kii ilaa 86kii) iyo saddexdii sannadoodba mar (87kii-90kii) ayay dhici jireen. Sidaas ayay sannadba sannadka ka danbeeya xilliga kala-guurka shirweynayaashu u kordhi jireen. Golaha Dhexe saddexdii biloodba kol ayay fadhiisan jireen, markii kala-guurka Shirweynayaasha labada ama saddexda sannadood laga dhigayna lixdii biloodba mar ayay fadhiisan jireen. Guddida Fulintu waa ay shiri karaysay oo 7 xubnood ayay ahaayeen. Shirarka Guddida Fulintu afar-iyo-tobnaadle ayay ahaayeen.

 

Qormadii: 4aad

Shirweynayaasha SNM waxa ka qayb-geli 151 ergey, kii lixaad oo 314 ergey ka qayb-galeen mooyaan e’. Golaha Dhexe wuxu ahaan jiray 1/3 tirada ergooyinka Shirweynaha oo marna ilaa 47 ayay ahaayeen, markii danbena 99 xubnood. Guddida Joogtadu waxay ahayd 1/3 Xubnaha Golaha Dhexe oo kama ay badnayn 15 Xubnood. Guddida Fulintu waxay ahayd ½ Xubnaha Guddida Joogtada oo ahayd 7 Xubnood. Sidaas ayay SNM u kala qallayd oo aanay waxba isku huursanayn, qarsoodina u ahayn. Lix Shirweyne oo ay SNM yeelatay mid waliba waqtigiisii ayuu ku qabsoomay marka laga reebo laba:

  1. Shirweynihii 3aad oo ku qabsoomay magaalada Harar bishii Juulay 1983kii wuxu dib u dhacay laba bilood,
  2. Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay Harar si qaldan oo aan sharciga SNM waafaqsanayn ayaa dib loogu dhigay lix bilood, waxaanu qabsoomay bishii Maarj, 1987kii. Shirweynahan dibudhiggiisa hoggaankii markaa jiray halkii uu Golaha Dhexe ka fadhiisin lahaa si ay go’aan dibudhigid ah u qaataan, wuxu ka door-biday in xubin kasta oo Golaha Dhexe ku jirtay halkeeda lagaga soo saxeexo in ay Shirweynaha dib u dhigaan. Xataa qaar dibadaha joogay ayaa tilifoon lagaga saxeexay. Waa se laga nool yahay maanta,

Hadda SNM, dibuxoreyntii ka dib waa ay u digo-rogan karaysay Xisbi siyaasadeed oo dal iyo dadba ka dhexeeya. Inta keliya ee ay ahayd in la sameeyaa waxay ahayd in la isugu yimaaddo Shirweyne ay Somaliland u dhan tahay oo dib loo nakhtiimo Dastuurkii iyo Barnaamajkii Ururka. Shaki igagama jiro in uu noqon lahaa Xisbiga ugu fiican ee ka jawaabi kari lahaa rabitaanka bulshada reer Somaliland oo dhan. Hodannimadii waayo-aragnimadiisuna ma ay lunteen. Dadkuna waa uu wada sheegan kari lahaa, oo cid laga sheegto ama ka diddaa ma jirteen. Guulihiisii ayaa dadka oo dhan u wada suntanaan lahaa. Dibad loogama iman ee intii ku soo dhabar-jabtay ee ku soo tacabtay ayaa hagratay oo u qaadatay in aanay SNM iib-gelayn. Fikrad been ah ayay taasina ahayd, oo wax SNM ka shishlaa oo ka awranaa oo seylad siyaasadeed la geeyaa ma jirin. Markaa iska illow e’, maanta oo aynu marayno 2013kii ayaanay jirin cid SNM dhaantaaba. Hoggaamiye curin iyo hal-abuur leh oo aragti fog ayaa la dabbaalan lahaa. Intii ehelka u noqon lahayd ayaa u qaadatay in aan taageero laga helayn beelihii aan ka tirsanayn. Taasina waa fikrad been ah, oo haddii aan dadka laga sheegan oo aan shakiyo la aburin dadku waa uu wada sheegan lahaa. Fursad qaaliya oo ina seegtay weeyaan. Sidoodaba, fursaduhuna waa ay ku soo maraan ee ma soo noqdaan.

Intaana waxaan ku soo dhaafayaa dhaabadihii la dhigay iyo dhaxalkii hodanka ahaa ee dal iyo dadba looga tegay.

Inta aanan u gelin, qaybtan kale ee qormooyinkaygan taxanaha ah ee gaaban oo ku saabsanaan doonta ‘Aragtida Caalamiga ah ee Xisbiyada siyaasadeed’, bal hadda aan intii hore idiin ku karo dareen-celin kooban oo uu ii soo diray mid ka mid ah akhristayaashu oo ah Axmed Yuusuf Ducaale, waxaanu yidhi ama ii soo qorayba:

“Hi Boobe. Qaybtii u horeysay, taxanahan aad bilowday, waxaad xustay in SNS-ta xarunteedu ahayd Burco. Haddii aanan khaldanayn waxaan u haystay markii hore in xarunta SNS-tu ay ahayd Hargeysa, laakiin 1947kii annaga oo fasax ah, ahna koox arday ah ayay SNS-tu na geysay Jigjiga. Waxaanu ka qayb-gallay oo aanu nashiidooyin Carabiya ka akhrinay, xaflad lagu sagootiyayay Mr. RR Darlington (Gacma-dheere) oo laga beddelay shaqadii DC-nimada ee Jigjiga. Sannad ka dib ayuu isaga oo macallin ah Sheekh noogu yimid. Waxaan uga gol leeyahay waxa Xafladaa ka hadlay Muuse Cabdi Dheere oo lagu tilmaamay 'Al Mudiir-Al-Caam’. Taas oo macnaheedu yahay Guddoomiyihii SNS-ta isla markaana deggenaa magaalada Jigjiga, sidaas ayaan ugu maleeyay in xaruntu halkaa ahayd. Xoghayaha Guud wuxu ahaa Maxamuud Jaamac Uurdoox oo deggenaa Hargeysa.

Hargeysa iyo Jigjiga laba magaalo oo mataana ah oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba isku xidhan ayay ahaayeen. Qaab-dhismeedkii SNS-ta waxba kama sheegi karo waayo markaa ilaa 13-14 jir ayaan ahaa. Markaa ay SNS-tii dhammaatay ayay SNL soo baxday oo Xarunteedu Burco ayay noqotay. Haddii aanan khaldanayn waxa aan ka xasuusanahay Guddoomiyayaashii iskaga dambeeyay oo kala ahaa Abokor Xaaji Faarax iyo Sheekh Jaamac Warsame.”

Xarunta SNL waxa Hargeysa loo soo wareejiyay waqti aan is-leeyahay wuxu ku beegnaa 1956kii. Aniga qudheydu galabtaa Kheyriyada ayaan xafladdaa taagnaa aniga oo malcaamadda ka soo rawaxay. Waxaan xusuusnahay in aanan iskuulka berigaa ku jirin. Calan-saarkaa aniga oo carruur ah ayaan goob-joog u ahaa. Intaasina waa kab aan isku saxayo. Idinkana dhammaantiin dedaal idin faran, si aynu qabyada jirta u gufeynno. Odayaashii muddakarka ahaa ee SNS-ta ee Burco waxa isaguna ka mid ahaan jiray Sheekh Xasan Geelle. Dhammaantood Ilaahay ha u wada naxariisto.

Aragtida caalamiga ah ee: siyaasadda iyo xisbiyada

Waxaan jecelahay qaybtan taxahanayga gaaban in aynu cabbaar ku hakanno qeexidda ereyga aynu ku dawakhnay ee la inagu harraadiyay ee ‘siyaasadda’. Waa ereyga afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘politics’. Waxaan si fiican u dhex-qaaday Google-ka aniga oo odeygeennaa buuniga ah ka codsaday in aanu waxba inaga hagran.

Qaybtan oo aan doonayo in aynu wax badan isugu iftiiminno, waxaan idiin ka soo tarjumay macluumaadkii aan ka helay ee uu iigu deeqay odeygeenna buuniga ah ee Google-ku. Odeygu waa kaftan miidhan oo cabbaar ayuu I xiijiyay. Wuxu igu lahaa: “Cid waxan akhrida ma haysid oo reero hadal ayaad tihiin e’ maad iska kay deysid.” Waxoogaa markii aan gadhkii weynaa jiidayay ayuu markii danbe qalbiga iyo laabtaba ii furay, isaga oo sii lahaa: “kolley mareegaha ayaan ka ogaan doonaa fal-celiskooda iyo haddii ay wax ka qoraan waxan ay akhriyeen.”

Aynu ku horreynno ereyga ‘politics’ iyo halka uu ka yimid. Waxaynu dib ugu noqonaynaa il-baxnimadii Giriigga.

Ereyga  ‘politics’ oo u dhigma siyaasad waa erey asal ahaan ka soo jeeda afka Giriigga ee ah Πολιτικά (politika), oo laga soo qaatay Buuggii feylasuufkii Aristotle ee “Arrimaha magaalo-madaxda”, oo ahaa magaca Buuggiisii ku saabsanaa xukunka iyo xukuumadda oo af Ingiriisi loo tarjumay qarnigii 15aad. Markii Laatiinka laga dhigay ereygii wuxu isu beddelay "Polettiques". Sidaa darteed 1520kii ayay afka Ingiriisiga ku noqotay ‘politics’. Afka Giriigga marka aynu raacno, sida aan ka soo xiganayo ama ka soo dheeganayaba odeygeennii buuniga ahaa ee Google-ka, ereyga ‘politics’ (siyaasad) wuxu la xidhiidhaa ‘muwaaddinka’, ‘rayid’, ‘il-bax’, ‘ama wax ay dawladdu leedahay.’ Waa erey ka soo jeeda isku-darka πολίτης (polites), “muwaaddin” iyo πόλις (polis), "magaalo-madax ama xarun ah"

Bal hadda aynu isku deyno in aan macnaha ereyga ‘politics’ qeexno innaga oo raad-raac ka dhiganayna culimada aqoonta siyaasadda looga danbeeyo.

Qeexid caan ah oo daarran sharraxaadda Xisbiyada Siyaasadeed, waxa dhigay ama dhaabadeeyayba cilmiyahanka siyaasadeed ee Mareykanka ah ee lagu magacaabo Antony Downs. Caalimkaa siyaasadeed wuxu qoray:

“Xisbi siyaasadeed waa koox dad ah oo doonaysa in ay xukunka gacanta ku dhigto iyaga oo xil-qabashadaa u maraya doorasho habaysan oo xilligeedii taagan yahay.”

Aqoonyahanka Talyaaniga ah ee Giovanni Sartori, oo in badan wax ka dhigayay Jaamicadda Columbia ee New York oo caalami ahaanna ka mid ah foolaadka cilmi-baadhayaasha xisbiyada siyaasadeed ayaa isaguna xisbiyada ku sifeeyay:

“Koox kasta oo siyaasadeed oo baadi-sooc rasmiya u leh doorashooyinka, isla markaana awood u leh in ay xilalka dawladeed murashixiin ugu soo ban-dhigto doorashooyinka.”

Bal hadda aynu eegno labada xeel-dheere ama aqoonyahan ee kala ah Wilhelm Hofmeister iyo Karsten Grabow sida ay u sharxayaan xilalka Xisbiyada Siyaadeed oo ay lix qodob ku soo ururiyeen:

Xisbiyada Siyaasadeed waxay:

  1. Isku habeeyaan oo ay isku dubba-ridaan danaha ijtimaaciga ah ama bulsho: Xisbiyadu waxay muujiyaan rajada iyo filashada dadweynaha iyo baahida ururrada ijtimaaciga ah, taas oo ay u jeediyaan nidaamka siyaasadeed ee talada dalka haya (= Xil-gudashada ra’yi-samaynta siyaasadeed).

  1. Carbiyaan isla markaana tababaraan hawl-wadeennada siyaasadeed iyaga oo isla markaana barbaarinaya siyaasiyiinta mustaqbalka: Dad ayay soo xushaan oo ay u soo bandhigaan in ay murashixiin u noqdaan doorashooyinka (= Xil-gudashada xulashada).

 

Qormadii: 5aad

Xisbiyada Siyaasadeed waxay:

  1. Dejiyaan oo horumariyaan barnaamajyo siyaasadeed: Xisbiyadu waxay isu geeyaan oo ay isku habeeyaan dano kala duwan oo ay isugu geeyaan mashruuc siyaasadeed oo u xuub-siibta barnaamaj siyaasadeed oo ballaadhan kaas oo ay u ololeeyaan si ay dareen iyo taageeraba uga helaan inta ugu badan ee dadweynaha (= Xil-gudahada habaynta, isku-dubbaridka iyo is-dhex-gelinta).

  1. Horumariyaan oo kobciyaan is-dhex-galka iyo ka-qayb-qaadashada siyaasadeed ee muwaaddiniinta: Xisbiyadu xidhiidho ayay ka dhex sameeyaan dadweynaha iyo nidaamka siyaasadeed; waxay suuro-geliyaan ka-qayb-galka siyaasadeed ee qofafka iyo kooxahaba si ay u suntadaan una sahansadaan guul. (= Xil-gudashada is-dhex-galka iyo ka-qayb-qaadashada).

  1. Abaabulaan dawladda. Waxay ka qayb-qaataan doorashooyinka si ay xilal siyaasadeed u qabtaan. Badanaa, dimuqraadiyadda xisbiyadu waxay saamaxdaa in madaxda xukuumaduhu ka timaaddo xisbiyada (= Xil-gudashada adeegsiga awoodda siyaasadeed).

  1. Xoojiyaan sharciyadda hannaanka siyaasadeed: iyaga oo xidhiidhinaya: muwaaddiniinta, ururrada ijtimaaciga ah iyo hannaanka siyaasadeed, xisbiyada siyaasadeed waxay ku qanciyaan muwaaddiniinta iyo ururrada ijtimaaciga ah hannaanka siyaasadeed ee jira. (= Xil-gudashada sharciyeynta).

Marka aynu eegno ama dhuuxnaba sida ay adduunyadu u taqaanno ama u adeegsataba xisbiyada siyaasdeed, cimrigoodu kuma koobna qof Madaxweynenimo  saar u qabtay oo helay ama waayay, ka dibna sidaa xisbigii ku baaba’o. Adduunyadan aynu ku nool nahay xisbiyada uma sadqeyso damaca shakhsiyadeed ee qof hoggaamiye ka ah ama koox dano gaar ah oo gaaggaaban leh. Marka aynu eegno heerarka ay adduunyadu ka taagan tahay hawl-gallada iyo adeegsiga xisbiyada siyaasadeed, wax caadiya ma aha in inta xisbi sannadkan la sameeyo uu doorashada ugu horreysaba haweysto in uu ku guulaysto Madaxweynennimada iyo aqlabiyadda xubnaha Baarlamaanka. Taasi meel ay adduunka ka dhacday lama hayo, xisbiyada dhabta ah ee danaha shacbigooda ka tarjumayaana ma hawaystaan.

Macluumaadka aan ka soo rogay Google-ka ee aan idiin soo tarjumay ee xisbiyada siyaasadeed ku saabsan, waxa kale oo ka mid ah:

  • Xisbiyada waa in aynu u fahamnaa ururro joogtaysan oo ay muwaaddiniintu ku bahowdo oo saldhiggoodu yahay ama ku fadhiyo xubinnimo madax-bannaan iyo barnaamaj siyaasiya; oo ay ugu tafo-xayteen in ay doorashooyin sharciya ku hantaan xilalka xasaasiga ah ee dalka iyaga oo u dhiibanaya hoggaamiyayaashooda si ay u maareeyaan arrimaha taagan. Tartanka doorashadu waa in uu dhex maraa ugu yaraan laba xisbi.
  • Xisbiyadu waxay u hawl-galaan in ay saamayn ku yeeshaan qarqooridda (samaynta) ra’yal-caamka siyaasdadeed iyaga oo ujeeddo ka dhiganaya in ay raad ku yeeshaan siyaasadda guud. Saamaynta togan ee ra’yal-caamka siyaasadeed waxa lagu qorshaystaa muddo fog iyo gobollo badan, iyada oo laga dheeraanayo in la isku koobo heerar maxalliya iyo arrin keliya.
  • Xisbi waa kulan ay ku bahoobeen muwaaddiniintu oo si shakhsi-sahakhsi ah xubin uga noqday, waa in ay yeeshaan tiro xaddidan oo xubno ka ah, si ay u muuqdaan yoolalka uu higsanayaa iyo guulaha la filanayaa,
  • Xisbigu waa in uu si cad u muujiyaa rabitaanka joogtada ah ee ah in uu dadweynaha kaga wakiil yahay doorashooyinka la gelayo. Sidaa darteed, xisbigu waa in uu ka duwanaadaa: Xidhiidhada Shaqaalaha, hay’adaha aan dawliga ahayn iyo cid kasta oo aan doonayn in ay dhabarka u ridato mas’uuliyado siyaasadeed oo ay leeyihiin qaybo ballaadhan oo shacbiga ka mid ahi.
  • Xisbigu waa in uu noqdaa urur madax-bannaan oo joogto ah, ma aha in xisbi loo samaysto doorasho mar dhacda ka dibna uu baaba’o ama saaxadda siyaasadeed ka baxo,
  • Xisbigu waa in aanu ka dhuuman ee uu hor yimaaddaa dadkiisa oo fagaarayaasha taagnaadaa,
  • Xisbiga looma sameeyo si uu ugu guulaysto kursi baarlamaanka ah, bal se waa in uu u halgamaa isla markaana fuliyaa ujeeddooyinka kale ee uu u taagan yahay,

.

Dhaqan xisbiyeed oo hufan oo adduunyada la jaan-qaadaa waa uu ina soo maray, waxa se ayaan-darro ah in aynu maanta waxaas oo dhan ka arradan nahay oo ay xisbiyadeennii noqdeen af-ku-xooglayaal kur-ka-nool ah oo aanay dadku wax saamayn ah ku lahayn, bal se kor laga wado oo qof ama koox u af-duuban..

Waa maxay aayaha danbe ee Xisbiga Kulmiye?

Ma maanta iyo waayaheennaa! Ma xisbiyada jira iyo waayahoodaa! Kala-guurkii Shirweynayaashu waa shantii sannadoodba mar; haddana waa la qaban kari la’ yahay oo waa laga maagayaa ama danba lagama laha. Guddi Fulineed iyada in aad maqashaan waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Waxay u badan taay in aanay tiradooduba sugnayn. Go’aammo Gole hoggaamineed lama arko, Golahaba ha ugu darnaado e’. Guddoomiye aan war-baahinta iyo xafladaha ka dhammaan se, waa la hayaa ama aan qurbo-joogta iyo dibad ka dhammaan sidii wax ay dadka dibaduhu codeynayaan.

Wixii hore oo dhanba marka aad iska daadiso, waxa weli sii qoyan habkii iyo hannaankii foosha xumaa ee uu xisbigii Qaran ee UDUB saaxadda siyaasadeed kaga baxay, innaga oo sidaa u soo ligan. In kasta oo uu Xisbigaasi in badan soo jiray, haddana wax badan ma ay qaadan in uu jilbaha u dhaco, dibadna loogama iman ee intii ka dhex doobinaysay ayaa sabab u ahayd. Waxaynu ku qasban nahay in aynu wax ka baranno oo wax ku qaadanno si aynaan mar kale iyo marar danbeba u dumin.

Waxaan aamminsanahay in aanay Xukuumadda maanta talada dalka haysa iyo Xisbiga Kulmiye midkoodna ka arrimin kana talin burburka Xisbiga UDUB ku dhacay. UDUB isagu ha is-eersado, talo-xumaantii ay hoggaamintii xukuumadda ay ku waayeen ayaa mar kale seejisay xisbinnimadoodii.

Innaga oo xisbiyadii xakamaynay oo saddex qudh ah ku soo koobnay, ma aha danteenna in aynu hadba mid weyno oo uu saaxadda ka baxo oo weliba intii dheefsanaysay looga tag waayo. Waxyaabo badan ayaa sabab u ah burburka joogtaysan ee xisbiyadeenna haysta. Aniga oo aan cilmi-baadhis qoto dheer ku samayn, haddana qodobbadan hoos ku qoran ayaynu tusaale u soo qaadan karnaa:

  1. Aqoon-darro siyaasadeed oo haysata inta hoggaanka u ah iyo xubnaha badankoodaba. Xisbiyo hore ma ay soo arag, diyaarna uma aha in ay wax ka bartaan waayo-aragnimada hodanka ah ee adduunka. Xataa tababarro gaaggaaban ayaanay u darbanayn in ay qaataan. SNL, USP, NUF, SDU, SNC, SYL iyo SNM ayaan laga faa’iidaysan oo aan xataa la isku deyin in wax lag barto,
  2. Inta hoggaaminaysa xisbiyada oo xisbiyaba u haysata sallaan lagu fuulo Madaxtooyada ama lagu noqdo Madaxweyne, intaa ka dibna aan Xisbigiiba hoodh lagu qoysanayn,
  3. Hawlaha Xisbiyada oo si shakhsiya oo qofnimo ah loo maamulo loona hoggaamiyo.
  4. Hab-dhaqankii nidaamkii xisbiyeed ee Maxamed Siyaad Barre oo baadi-soocdiisii iyo habkiisii maamul aad uga dhex muuqdaan, gaar ahaan xafladaha iyo bannaan-baxyada oo khudbado madhan iyo hugun afka baarkiisa ah lagu muuneeyo,
  5. U-hoggaansanaan la’aan iyo ku-dhaqan la’aan xeerarka iyo shuruucda xisbiga,
  6. Xisbinnimadii oo qabiil loo sadqeeyay oo laga tegay qofnimadii iyo xuquuqdii shakhsigu lahaa: waajibaaadkii iyo xuquuqdii,
  7. Saamaynta taban ee ay xukuumaduhu ku leeyihiin xisbiyada oo ka timaadda faro-gelinta joogtada ah ee xisbiyada lagu hayo,

Dalkan aynu joogno ee tawsta iyo tabaalaha la taahaya ee taab la rogi la’ ayaa wax walba la hawaystaa: Mid maalin Madaxweyne ku noqda, mid maalin maal-qabeen ku wadh-wadhay ku noqda, iyo mid isaga oo aan meelnaba uga soo wareegin ku amar-ku-taagleeya awood aanu lahayn oo baadiya oo uu meel cidla’ ah ka helay, cidina ku qabsan weyday,

Maansayahankii caanka ahaa ee Axmed Ismaaciil (Qaasin) ayaa laga hayaa:

“Wedkii Kennedy dilay Aadan buu, soo kac leeyahay e’”,

Hadda Abwaanku waa kuhaan ayaa la yidhaadaa oo ninka tixdan tiriyay lama waayin, oo Aadan Cabdille Cismaan oo markaa Madaxweyne ka ahaa Soomaaliya lama dilin, bal se wuu sigay oo Madaxweynihii ku xigay oo ahaa Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa 15kii Oktoobar 1969kii askarigii ilaalinayay ku toogtay magaalada Laas-caanood.

Qormadii: 6aad

Alleylehe sawirkaa sawirkiisii ayaa taagan oo:

“Kulmiyaa wedkii UDUB kanbalay, kaalay leeyahay.” Sawirku sawirkii u ekaa, maalmuhu maalmihii u ekaa, dhacdooyinku dhacdooyinkii u ekaa, wasaiirradu wasiirradii u ekaa, shillalkuna shillalkii u ekaa. Inta ka adeegaysaana, intii kaa horeba ka adeegtay u ekaa. Hanku hankii u ekaa. Jabkuna jabkii u ekaa, rogmadka xisbiyeed wuxu u muuqdaa “Ina Daan-weyne’ haddii aan Ilaahay duco-qabayaal u bixin.

Sheeko aad u dheer aan soo gaabsanno oo ka soo bilowno Xisbiga Kulmiye iyo ololihii loo galay xulashadii Murashaxa Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee maryaha dhiigga leh lagu kala furtay markii xeer, xaagaan iyo xurmo kaleba la xeerin waayay ee nin kastaa soo tafo-xaytay. Madashu ceelkii Burco ayay ahayd si loo soo saaro Murashixiintii Madaxaweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.

Mudane Axmed Siilaanyo saaxiibbo fog ayaanu ahayn. Maalmahaas Kal-fadhiga Golaha Dhexe loo diyaar-garoobayay ayaan tilifoon u diray goor barqo dheer ah. Wuu iga qabtay. La ballan ayaan is-lahaa. Wuxu iigu jawaabay Burco ayaan sii gelayaa ee maxaad igula talin lahayd. Wixii aan ku odhan karayay waan ku idhi ee aan is-lahaa dal, dad iyo xisbiba waa ay ku hagaagayaan. Wixii Burco ka dhacay iyo dhaawicii xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay waxba dib ugu noqon maayo oo ‘Ka-dare’ ayaa ka sheekeyn doona oo weliba u-magac-bixin.

Ololihii doorashada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye wuxu ku galay Barnaamaj daabacan oo qurux badan oo looga gol lahaa in cod-bixiyayaasha lagu soo jiito, codkoodana lagu hantiyo oo kursiga dalka ugu sarreeya lagu fuulo. Sheeko dheer si aan idiin ku soo gaabiyo, doorashadii ayaa dhacday, waxaana ku guulaystay xisbiga Kulmiye. Maxaa intaa ka dib dhacay haddaba? Bal laba Qodob aan ka soo qaato:

  1. Iyada oo la raacayo heshiisyo iyo wada-hadallo xisbiga dhexdiisa ka dhacay intii ololaha lagu jiray Guddoomiyannimadii xisbiga iyo Madaxweynannimadii ayaa la kala saaray oo waxa kala qaatay: Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi oo si ku-meel-gaadhnimo ah loogu dhiibay,
  2. Waxa kale oo la isku raacay in ay kala baxsanadaan xisbiga iyo xukuumaddu oo Madaxda xisbigu halkooda ku ekaadaan oo aanay xukuumadda ka mid noqon. In Qodobbadan la qortay oo xeer laga dhigay iyo in kale kama war hayo, bal se waa sida ay inagu yidhaahdeen looga-qaateenka Kulmiye iyaga oo aan ku kala baydhin, isla markaana aad mooddo in qayb ahaan laga fuliyay.

Aan is-barraxo waxba yaan hoosta la iga higgaadinne. Madaxdii xisbiga Kulmiye ugu sarreysay waa laga hor joogsaday in ay xilal xukuumadeed qabtaan. Bal se marka aad dhinaca kale iska taagto xilalkoodii xisbinnimo looma deynin ee wasiir ilaa heer Madaxweyne waa lagu qabsaday oo laga faro-maroojiyay indhahooda oo shan ah.

Waxaan xusuustaa in aan habeen gurigiisa ku booqday Mudane Siilaanyo intii aanu xukuumaddiisa soo dhisin bal se uu Madaxweynaha ahaa ee aan la dhaarin. Habeenba, habeen ka tilmaaman e’, bil ammaara waa habeenkii aan bartay wiilka hal-hayska noqday ee Baashe Cawil la yidhaahdo, maa daama uu dadka odeyga u gelayay kala horayay.  Waxaan is-leeyahay waxay ku beegnayd badhtamihii bishii Juulay 2010kii. Dan gaar ahaaneed uguma tegin Madaxweynaha habeenkaa iyo weligayba. Waxaan kala hadlay laba arrimood:

  1. In aanu hoggaanka xisbiga wareejinnin oo aanu kala saarin Xukuumadda iyo xisbiga oo aanay danta dalka iyo dadku ku jirin. Waxaan u sheegay in haddii uu hoggaanka xisbiga wareejiyo ay suurto-gal tahay in uu xisbiguba farahooda ka baxo.
  2. In haddii uu sidaa yeelo uu Barnaamajkii xisbiga Kulmiye doorashada ku galay noqonayo waxba kama-jiraan oo aan cid loo raaco loo helayn, illeyn ballaan-qaadihii weynaa isaga ayuu ahaa e’,

Mudane Siilaanyo wuxu iigu jawaabay in ay xisbi ahaan sidaa ku heshiiyeen oo ay xeer tahay oo uu xisbiga hoggaankiisa wareejin doono. Wax lagu heshiiyay hirgelintiisu maba xuma.

Dhowr arrimood ayaa halkan ka soo baxaya:

  1. In laga leexday dariiqii UDUB ee hoggaanka Xukuumadda iyo ka xisbigu mideysnaayeen ee meel qudh ah laga wada hagayay, qalad iyo sax midkii ay doonto ha noqoto e’,
  2. In la xeeriyay in Xukuumaddu meel ahaato oo hawlaha Fulinta hagto, Hoggaankii xisbiga Kulmiyena ku hadho oo ku ekaado xisbigiisii,
  3. In uu barnaamajkii ballan-qaadyada ahaa ee Kulmiye ololihii doorashada ku galay agoon iyo rajaba noqdo oo la waayo cid loo raaco iyo cid hirgelintiisa mas’uul ka noqotaba,

Arrimahan ayaa inagu soo baxsaday markii la doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo. Barnaamajkii ballan-qaadyada ahaa ee Xisbigii Kulmiye oo Mudane Siilaanyo hoggaan iyo murashaxba u ahaa ayaa shacbiga cod kaga qaatay. Dadweynuhu sidii lagu ballamay intoodii badnayd xisbiga Kulmiye codkoodii waa ay siiyeen, waxaanay siisteen fulinta Barnaamajkaa ballan-qaadyada ahaa. Markii la guulaystay xisbigii iyo Xukuumaddii ayaa la kala saaray. Madaxweyne Siilaanyo, Golihii Wasiirrada inta uu fadhiisiyay ma sharciyayn fulinta Barnaamajkaa ballan-qaadyada ahaa, xisbigii iyo Xukuumaddiina waa la kala saaray. Oo markaa xaggee loo raacayaa Barnaamajkaa? Bal adba!

Ma maqasheen beyd Hadraawi lahaa oo ku jiray maansadiisa Gol-janno oo ahaa:

“Isagiyo galkiisaba,

Yaa kitaabka naga gada,

Waxaynu maqallaa ‘Xisbiga talada haya’ qaarna waa ay ka sii bad-badiyaan oo inta badan waxay ku tiraabaan ‘Xisbal-Xaakimka’. Weli hafar intaa le’eg miyaad aragteen ama maqasheenba. Halkee ayay iskaga war hayaan Xukuumaddeenna maanta iyo xisbigii Kulmiye ee ay ka soo baxday.

Bal hadda u firsada khiyaamada inagu dhacday ama shacbiga ku dhacday inta ay le’eg tahay. Waa mahadhooyinka casrigan aynu nool nahay. Xisbi Qaran oo Kulmiye la yidhaahdo ayaa 2010kii Mudane Siilaanyo u soo sharraxay Madaxweyne. Wixii ugu mudnaa ee xisbiga Kulmiye doorashada ku galay ama ku ololeeyay wuxu ahaa Barnaamajkii ballan-qaadyada ahaa. Barnaamajkaa waxa ku hawl-galay Murashax Siilaanyo iyo xisbigiisii Kulmiye. Markii uu Mudane Siilaanyo ku guulaystay madaxweynennimadii, wuxu iska casilay guddomiyennimadii xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo uu xisbigaa Kulmiye xeer ka dhigay in aan hoggaanka xisbiga Kulmiye Xukuumadda ka qayb-gelayn. Murashaxii Barnaamajkan ku ololeeyay, Xisbigii Kulmiye waa uu ka digo-rogtay oo Madaxweyne ayuu isu dhigay. Golihii Xukuumaddu Barnaamajkaa wax-qabad ma aqoonsan si sharciyana uma ay ballan-qaadin in ay fulin doonaan. Xisbigii Kulmiye meel cidlo ah ayuu taagan yahay oo waxba ma fulin karo, innagana codadkii waa la inaga urursaday oo la inooma baahna hadda, mar danbe mooyaan e’. Berritona laga yaabaa in xaalba iska noqdo: “Illowsho dhawaa ma ummul baa.” Bal tabaalahaa daya! Markaas ayaa sidii waxaynu ma-kas nahay la inagu maaweeliyaa Xisbiga talada haya iyo ‘Xisbal Xaakimka’. Ilaahay ha u naxariisto e’, waa halkii Macallin Gaarriye e’,

“Weeye baa la wada yidhi,

Hadda noo wad sheekada.”

Xisbiga Kumiye wuxu ku ololeeyay si horumar loo gaadho in Golayaasha Degaanka loo codeeyo. Dawladdii Dhexe iyo xukuumaddii ayaynu arkaynaa indhaha ay leeyihiin, markaa sidee ayay ku suurtoobaysaa in aynu Dawladaha Hoosena ugu darno. Sow markaa dumi meynno oo dal iyo dadba meesha ku hooban meynno. Iyada oo sidaa xaal yahay ayaa beryo danbe oo sannadkii 2012kii badhtamihiisii ahayd la qabanayaa kal-fadhi Gole Dhexe oo Xisbiga Kulmiye ku yeeshay Hudheelka Maansoor. Inta la illoobo go’aammadii hore u yaallay ee xisbiga iyo Xukuumadda lagu kala saaray, ayaa la sharciyaynayaa in Golaha Wasiirradu sida uu u dhan yahay ka tirsan yihiin, xubnana ka yihiin Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Weli inta xusulkiin xabaal ka sarreeyay, tan oo kale miyaad aragteen!  Go’aan-qaadashadaasi waa wax u fudud Madaxweynaha iyo inta ku xeeran, bal se waxa ku adag oo aanu marnaba yeeli karayn in uu ku dhawaaqo in afarta Hoggaanka u ah xisbiga Kulmiye ay iyaguna Xukuumadda ka mid noqdaan oo ay dhaxamaha ka soo xeroodaan, illeyn iyaguba waa ay xiiqeen e’. Oo weliba qaarkood sidii ku dhinteen oo khudabadihii munaafaqnimadu ka buuxday ee ilamada yaxaaskuna ku jar-jarnayd laga dul qubay.

Ma maqasheen: “Dambarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay.” Waa tan oo kale. Dhawaan-soo-bax, dhandhamo-raac ah ayaa dheegga kaga raran.

Qormadii: 7aad

Beryaha go’aankaa la gaadhayo ama la qaadanayaba, waxaan ka tirsanaa Golaha Wasiirrada. Waxaan xusuustaa maalin Madaxdii xisbiga Kulmiye nala soo fadhiisteen kulankii Golaha Wasiirrada oo Kal-fadhigaa Golaha Dhexe ee Kulmiye loo diyaar-garoobayay. Waxba ma aan qarsan ee bartii ayaan ka sheegay in aanu Madaxweynuhu shardi igaga dhigin in aan xisbiga Kulmiye soo galo si aan wasiir u noqdo, sidaa darteedna la ii tirinayo inta aan ku jirin Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Maanta waxaynu markhaati ka nahay oo aynu meel walba ku arkaynaa muranka iyo is-maan-dhaafka aanay ka gurman iyo dil-dillaaca ku soo fool leh xisbigii Kulmiye ee sheeganayay in uu talada dalka hayo. Intii hoggaanka u ahayd waa ay kala hadlaysaa. Midba aragti ayuu bixinayaa, midba meel ayuu go’aan kaga dhawaaqayaa. Iyada oo aan mushkiladdii la maareyn ayaa mid kale go’aan hor leh soo saarayaa. Ma kala gar-qaataan, isuma gurmadaan, ma garramaan isumana garaabaan; haddana waxay inaga dhaadhicinayaan in ay yihiin ‘xisbal xaakimkii.’ Ma aha aragti qarsoon ee waa mid war-baahinta gelaysa oo si la yaab leh ku fideysa. Mararka aad waxan oo kale aragtaan, ma idin ku soo dhacaa beydkii Ismaaciil Mire ee ahaa:

“Kasi waaye wuxu waa qabaal, waanad kabataan,”

Dhowr arrimood ayaa inooga baahan in aynu dul joogsanno:

  1. Soo-jeedintii aan sharciga ahayn ee Madaxweynaha

Qaar idin ka mid ah ayaa hanqalka la kici doona marka ay cinwaankan arkaan. Kuwaa waxaan ku leeyahay fadhiista oo codkiinna hoos u dhiga wax ku hadli meysaan e’. Ma mooddaan in aanu deyrkii Maka gubnay. Hoos u dhuuxa sheekada. Si kale haddii aan u dhigo, kaskay iyo garaadkay ayaan hadlayaaye, kiinna soo bandhiga.  Odhaah dhawaan-soo-bax ah ayaa ahayd: “Hadal, hadal u hollo, qalinna qalin u qaad oo laba aan is-qaban ha isku qobtolin.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed xishmad iyo xaq-dhowrba waa uu inaga mudan yahay, kii uu doonaba ha ahaado e’. Qof kasta oo xilkaa loo doortaa waa in uu milgo iyo maamuusba ku mutaystaa. Ma aha in isaga oo keliya la xaq-dhowro, bal se isaguna waa in uu dadka doortay, dirtay ee daba taagan xaq-dhowrkaas mid la mid ah u hayaa. Xaq-dhowrku mid dhinac keliya u socda ma aha ee waa mid labada dhinacba u socda, weliba mudnaanta koowaad shacbiga ayaa iska leh.

Madaxweynuhu ma aha oo keliya in uu isagu kelidii ilaaliyo milgihiisa iyo maamuuskiisa, bal se innaga qudheennu waa in aynaan Madaxweynaha u horseedin xumaanta iyo ku-takri-falka hantida ummadda ka dibna isaga ku caayin. Marka hore waa in uu isagu sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaaliyaa. Intaa ka dib innaguna waa in aynu sharaftiisa dhowrnaa oo aynu ka fogaannaa wax kasta oo dhaawacaya. Xika ugu horreeyaa wuxu saran yahay inta ugu dhow ee la shaqaysa.

Xilalka iyo awoodaha Madaxweynuhu waa dastuuri oo wax mugdi iyo mad-madow ku jira ma aha. Ma jiraan awoodo qarsoon oo meel iska yaalla oo uu Madaxweynuhu hadba mid la soo baxo. Ma aha Madaxweynuhu in aynu u doonanno lacag. Ma aha in aynu Madaxweynaha u doonanno in uu ina siiyo guri dawladeed oo shacabka ku yaalla. Ma aha in aynu Madaxweynaha u doonanno in uu caafimaad dibadda ah inoo diro. Ma aha in aynu shaqo u doonanno. Isaguna in uu inaga yeelo ma aha. Waxan oo dhami waa in ay xeer inoogu jiraan oo ay caddahay cidda awoodda u leh in ay bixisaa. Madaxweynuhuna, haddii uu isu qaato in uu wax walba yeeli karo, meel fog ayaa dal iyo dadba laga dooni doonaa.

Arrintani laba ayay u kala baxaysaa:

  1. Mar ay Madaxweynayaashu iskood u sameeyaan wixii madaxooda ku soo dhaca: ilaha keli-talisnimadu ka aroorto, iyo
  2. Marar ay dadku baraan in ay Madaxweynayaashu wax walba ku tallaabsadaan,

Bal ka warrama haddii aan wax aan sidaa u sii badnayn idiin ka soo qaado Maansadii Gudgude ee Hadraawi. Sow kii lahaa:

“Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedo sare waabye,

Gar-ma-qaatayaashiyo daadkaa, beera ruux gudhane,

Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo,

Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo,

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya,

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho,

Kelidii in uu guurti yahay, maalintaa gunudye,

Marka uu gedaan iyo gedaan, gacan-togaaleeyo,

Ayuun buu waxaan ganac lahayn, sii gorgoriyaaye,

Seetada nin goostaba wuxuu, geysto lala yaabye,

Dhaaxaa gadaal la isla tebay, wiil galbaday jeere,”

Madaxweynuhu, isaga oo aan mar qudha isku deyin in uu shushubiyo khilaafka ka dhex aloosan Kulmiye, ayuu isaga qudhiisii warqad rasmiya oo qoraal ah ka soo saaray arrintan mahadhada reebtay ee xisbigii Kulmiye ka dhex taagan.

Waa talo-soo-jeedin qoraal ah. Maalin shaqaba ma ay ahayn maalinta la leeyahay talooyin qoraal ah ayuu soo jeediyay. La ye waa 8dii bishan Maarj, 2013ka oo Jimce barakaysan ahayd goorta uu Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ka hadlaya arrimaha xisbiga Kulmiye soo saarayaa talo-soo-jeedin ah in iyada oo la raacayo Qodobka 28aad ee Dastuurka xisbiga uu Golaha Dhexe shir isugu yimaaddo oo ilaa bisha Diisambar dib loo dhigo Shirweynihii Xisbiga Kulmiye. Madaxweynuhu soo jeedintiisan wuxu ku qoray in ay dalka ka taagan yihiin xaalado xasaasiya oo maareyn u baahani.

Warqaddaa ma aan arag, war-baahintana ma ay soo gelin, bal se marka la raaco waraaqihii iyo go’aammadii aan xidhiidhsanayn ee aan lahayn baadi-soccda iyo midnimada xisbi, warqaddaa Madaxweynuhu waxay ku suntanayd: JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 oo uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Warqaddaa araggeeda maalinta qiyaame la iima soo joojiyo e’, waxa la yidhi oo looga-qaateenka kulmiye laga soo weriyay in uu Madaxweynuhu qoraalkaa ku codsaday in Shirweynaha xisbiga Kulmiye dib loo dhigo iyada oo ay jiraan hawlo qaran oo aan hawl kale laga haleelayn. Waxa kale oo uu soo jeedinayaa in dib-u-dhigistan loo cuskado Qodobka: 28aad ee dastuurka xisbiga kulmiye.

Bal hadda, idinka oo raalli iga ah aynu arrimahan is-dul-taagno:

  1. Dhibaatooyin badan ayaa la sheegay in uu taxay oo aan is-leeyahay waxa ku jiray: ka-talinta doorashooyinka is-dul fuulay, Shirkii Bisha Meey loo ballansanaa ee London iyo qaar kale oo badanba,
  2. Wuxu soo jeediyay in loo cuskado dibudhigistaa Shirweynaha Qodobka: 28aad ee dastuurka xisbiga Kulmiye oo dhigaya:

f. Haddii duruufo adag oo Xisbiga ama dalka la soo gudboonaada dartood ay muuqato inaan Shirweynahii caadiga ahaa ee Xisbigu qabsoomi karin xilligii uu qorshaysnaa, Golaha Dhexe ee Xisbiga ayaa Shirkiisa caadiga ama aan caadiga ahayn ee ugu xiga taariihda Shirweynuhu qorshaysnaa ku qiimaynaaya muddada duruufahaa lagaga gudbi karo isla markaana ka go’aan qaadanaya muddada Shirweynaha lagu qaban karo.

Si aynaan u lumin aan Qodobkan Madaxweynuhu cuskaday raacinno Qodobbada kale ee ku ladhan:

q. Muddada Golaha Dhexe uu Shirweynaha Xisbiga dib u dhigi karaa kama badan karto sannad.

k. Muddada Shirweynaha Xisbiga dib loo dhigay waxa xilka Xisbiga sii haynaya Guddoonka Xisbiga, Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta Xisbiga ee xilka haya,

Soo-jeedintii Madaxweynaha ee daarranayd ama ku saabsanaydba dib-u-dhigista Shirweynaha xisbiga Kulmiye waa taas. Haddaba maxaynu ka odhan karaynaa innaga oo aan cidna u jeedin, cidna ka jeedin, cidna la jeedsan?

  1. Awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kuma jiraan qodobbo sharciya oo uu kaga talin karaa Shirweynayaasha xisbiyada,
  2. Kol haddii uu Madaxweynuhu xilkii Guddoomiyennimo ee xisbiga Kulmiye iska wareejiyay oo uu ka doortay in uu Madaxweyne nqodo, milgihiisa ma ay ahayn in uu ka taliyo ama talo ka dhiibto goorta uu qabsoomayo shirweynaha kulmiye,

Qormadii: 8aad

  1. Qodobka: 28aad ee Dastuurka Kulmiye ee uu Madaxweynuhu soo-jeedintiisan qoraalka ah ku cuskaday hore ayaa loo adeegsaday sida la sheegayo, oo mar kale Golaha Dhexe ee Kulmiye ma adeegsan karo, hadda qoraal kuma hayo ee looga-qaateenkooda Kulmiye ayaa dhammaantood sidaa isku raacsan,

Ma hadal ayuun baa la hayn! Xanaftii iyo xadaafiirtii ka dhalatay doorashadooyinkii Golayaasha Degaanka ee 28kii Noofambar, 2012kii ayaa weli taagan? Goor ma ayaa la maareynayaa? Ma circa ayaa looga imanayaa? Tii hore oo taagan ayaa tu’ kale ku darsantay? Murugsanaanta iyo is-maan-dhaafka taagani waa muush. Cid batrool ku sii darta mooyi e’, cid maaro u haysa ama ka werweraysana lama hayo. Maalintii timaaddaba waa mid kale, mid hor leh iyo mid kale, mid curad ah iyo mid kale. Waa tusbax aan dhammaanayn.

Sow tii Timacadde ina lahaa lixdannadii:

“Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye,”

Awoodaha Madaxweynuhu waa Dastuuri oo waa ay qoran yihiin. Awoodahaa uu Dastuurku u qeexay kuma jirto in uu ka taliyo Shirweynayaasha Kulmiye iyo goorta la qabanayo. Madaxweyne Siilaanyo xil Guddoomiyeennimo kama hayo xisbiga Kulmiye, awood xeerka ugu qoran oo uu kaga arrimiyo goorta Shirweynayaasha xisbiga Kulmiye la qabanayaana ma jirto. Madaxtooyadu waa xarun xukuumadeed oo dal iyo dadba u dhexeysa. Xataa, Madaxweynaha waqtigiisa ayaa dadka ka dhexeeya oo ay tahay in uu si caddaalad ah ugu qaybiyo. Werwerkiisu waa in uu noqdaa dalka iyo dadka ee ma aha in uu xisbi uu kursiga ku soo fuulay oo uu xilkiisii wareejiyay isku mashquuliyo. Mise damac danbe ayaa ugu hadhay. Xaq ayuu leeyhay in uu mar labaad Madaxweynenimo siu sharraxo isaga oo raacaya xeer iyo xaagaan wixii ummad ahaan inooga yaalla.

Ma aan sheegin mana diidin in uu odeygu si dadban oo qarsoodiya uga talo-bixiyo xisbigii uu ka soo baxay ee uu Guddoomiyannimadiisa ka doortay Madaxweynenimada. Taa cidina uma diiddana oo malahayga ku qabsan meyso. Madaxweynuhu waa dhex. Dal iyo dadba waa u dhex. Mid doortay oo u codeeyay iyo mid diiday oo ka codeeyayba waa u dhex.

II. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye:

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa soo saaray go’aan uu ku baahinayo xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye. Aniga oo soo xiganaya wargeyska Waaheen: Tirsiga 6aad, cadadka 1051aad, oo soo baxay maalin Isniineed oo ay Bisha Maarj ahayd 18, 2013ka, waxay qortay:

“Dhinaca kale, Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa u faadhumaysanaya (diyaarinaya) ku-dhawaaqidda cayimaadda rasmiga ah ee wakhtiga Shirweynaha xisbigu qabsoomayo, iyaga oo sida uu Guddoomiyaha xisbigu ku iclaamiyay war-saxaafadeed uu ku cayimay qabsoomidda shirka Golaha Dhexe 11/4/2013ka.”

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye, marka la raaco dastuurkoodu waa uu isugu yeedhi karaa shir Gole Dhexe (Tix-raac Qodobka 30aad ee Dastuurka Kulmiye):

1. Shirka Golaha Dhexe ee aan caadiga ahayn waxa isugu yeedhi kara:

b. Guddoomiyaha Golaha Dhexe,

t. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ka dib marka ay qoraal saxeexan ku codsadaan saddex meelood meel (1/3) tirada Guddiga Fulinta ee heer qaran, ama afar meelood meel (1/4) tirada Golaha Dhexe ee Xisbiga.

Waxa weliba intaa u raaca in Shirweynaha xisbiga Kulmiye muddo sannad ah dib loo dhigi karo. Arrintaana waxa loo cuskanayaa Qodobka: 28aad ee Dastuurka Kulmiye oo sidaa dhigaya.

Kaasina waa nabar kale.

Halkaa marka xaal-marayo ayuu Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye soo saarayaa qoraalkan hoos ku qoran, isaga oo ku sheegaya shirkiisaa jaraa’id in Hoggaanka xisbiga oo la tashaday Guddida Fulinta ee xisbiga Kulmiye oo ay iyaguna dhinacooda ka soo saareen go’aankan:

“Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE kulan uu maanta oo taariikhdu 17/03/2013 isugu yimi xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargeysa, lagagana wadahadlay muddaynta qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu ku go’aamiyey waqtiga rasmiga ah ee qabashada shirweynaha xisbiga.

Hoggaanka xisbigu KULMIYE, kadib:-

Ø Markii uu la tashaday Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE.

Ø Markii uu arkay soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsanayd dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xsibiga KULMIYE, iyadoo la waafajinaayo sharciga iyo nidaamka xisbiga, soo jeedintaas oo Madaxweynuhu uu warqad rasmi ah oo sumadeedu tahay JSL/M/1654/032013, kuna taariikhaysnayd 07/03/2013 uu ugu gudbiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ø Markii uu garwaaqsaday, si buuxdana ugu qancay sababaha iyo duruufaha waaqiciga ah ee Madaxweynuhu ku saleeyey soo jeedinta dib-u-dhigista qabashada shirweynaha xisbiga.

Ø Markii uu arkay go’aanka sumadiisu tahay GDUSAASQ/17/2013 ee ku taariikhaysan 16/03/2013 ee ka soo baxay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland, go’aankaas oo guddigu ku aqbalay dib-u-dhigista muddada shirweynaha xisbiga KULMIYE (Guddida Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka waa hay’adda awoodda sharciga ah u leh ku kaantaroolida axsaabta, hannaanka iyo waqtiga qabsoomida shirweynaha caadiga ah ee xisbiyada qaranka Somaliland).

Waxa uu hoggaanka xisbiga KULMIYE si rasmi ah u go’aamiyey in qabashada shirweynaha caadiga ah ee xisbiga oo hore ugu beegnayd March 31, 2013 dib loogu dhigo December 25, 2013, waqtigaas oo uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirweynaha xisbigu. Allaa Mahad leh.”

Waa nabarkii saddexaad.

Hadda waxaynu ka hadlaynaa waa xisbi keliya oo intan go’aammada soo saaraysaaba meel qudh ah  wada joogaan. Meeshu waa ceelka Herer ee Hargeysa.

Ma laga yaabaa in qaarkiin is-leeyihiinba ninkan/odeygan Boobe maxaa waxan daba dhigay ee uu isugu mashquulinayaa? Anigu xisbiga Kulmiye kama tirsani, xisbi kalena kuma jiro. Waxaan is-leeyahayba weligaa ma aad gasheen. Laakiin qof muwaaddin ah ayaan ahay oo garaadkiisii iyo garashadiisiiba la caayayo. Waxaynu ku qasban nahay in aynu waxyaabahan iyo wixii kale ee la mid ahba ka gilgilanno oo garashadeenna iyo fahamkeennaba muujinno.

Waxaynu ku qasban nahay in aynu Xukuumadda iyo Dawladda ku ilaashanno in ay Dastuurkii Qaranka ee aftida loo qaaday ku shaqaynayaan oo ay ixtiraamayaan. Waxa kale oo aynu ku qasban nahay in aynu xisbiyada Qaranka ku ilaashanno Dastuurrada iyo xeerarka ay iyagu dhigteen ee aynaan inteenna aan ka tirsanayni la qorshayn lana agaasimin. Xisbiga Dastuurkiisa ixtiraami waayaa, mid Qaranna ka cabsan maayo mana ixtiraami doono, innagana haadaan aynaan arkayn ayuu inagala boodi doonaa.

Ha moodina hana u qaadanina in aynu ka hadlaynno xisbi arrimihii. Xaashaa lillaah! Waxaynu ka hadlaynaa waa aayaheennii, waa aayihii dalkan iyo dadkan tabaalaysan ee gurmadka u baahan ee aan u baahnayn gorgortanka, gaaf-wareegga iyo go’aan-qaadashada gurracan ee weliba siyaasadeed.

Waa halkii uu Shahiid Aadan Sheekh Maxamed oo Aadan-shiine loo yaqaannay 1987kii ka odha jiray: “Isku raalli-gelin meynno waxa dhiig la og yahay ku daadanayo.” Aniguna maanta halkaa Aadan Shiine taagnaa halkeedii ayaan joogaa oo waxaan leeyahay: “Isku raalli-gelin meynno waxa dhiig la og yahay ku daatay.” Shahiid Aadan-shiine iyo shuhadadii kalena haddii ay nool yihiin, sidaas ayay odhan lahaayeen, dhammaantoodba Ilaahay ha u wada naxariisto e’.

Qormadii: 9aad

Waxba yaan isha la isku guban, ummaddani waa ay ka soo daashay been la isku maaweeliyo e’. Hana u qaadanina inaanu niyad-jabsan nahay. Haa waanu ka xun nahay waxyaabaha dhacaya. Bal se waxaanu taagan nahay halkii Macallin Gaarriye kaga lahaa maansadiisii Gar-naqsi ee 1983kii:

“Geeddiga hakaday,

Wuu gaabiyee,

Uma noqon gadaal,”

Kaasina waa nabar. Anngaa yaab aragnay!

Halkaa markii xaal-marayay ayay Guddidii Diiwaan-gelinta oo ogeysiin ka heshay Go’aankii Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye soo saartay oo iyaduna warqad qortay ay go’aankaa iyo soo-jeedintii Madaxweynaha ku taageerayso, oo Shirweynaha Kulmiye lagu beegayo Bisha Diisambar ee 2013ka. Guddida Diiwaan-gelinta qoraalkeeda ma aan arag ee war-baahinta ayaa ka hadlaysay.

Arrintii oo sidaas isugu cayn iyo beydba go’an ayaa la isla huluulanayaa Madaxtooyada. Cidi uma maqnayn xisbiga Kulmiye, ceelna uma qodnayn. Kulankaa waxyabihii ka dhacay iyo sidii uu hadalku u taag-taagnaa, ama faraha la isugu fiiqay waxba isku hawli maayo. Waa sheeko mahadho reebtay oo maalmahanba lagu hadal-hayay: war-baahinta, mefrishyada, makhaayadaha, seyladaha, basaska iyo meel kasta oo dadku isugu yimaaddaba. Aniga oo aan xaqireyn been ku hadli maayo, haddii aan idhaahdo dumarka ayaa aroosyada, diiqooyinka iyo xafladaha fartan-baxaba kaga sheekaysanayay.

Sheekadu waxay gaadhay heerarkii ay ka faalloonaysay maansadii ‘Dallaalimo’ ee 1983kii ee Hadraawi, markii uu lahaa:

“Idin kaa na daba-guray,

Idin kaa na dagi jiray,

Idin kaa na dili jiray,”

Iyo wax la mid ah.

Shirweynaha Kulmiye sidee ayuu ku qabsoomayaa? Waa arrin u baahan furdaamin iyo ka-talinba. Looga-qaateenka xisbiga Kulmiye, madaxda qaar ka mid ah iyo xubno Golaha Dhexe ka tirsaniba waxay rumaysan yihiin in Qodobka 28aad ee Dastuurka Kulmiye mar hore la adeegsaday oo Shirweynaha dib loo dhigay. Waxay intaa ku darayaan in aanu Kal-fadhi Golaha Dhexe loo qabtaa arrintan xal u helin karin awoodna aanu u lahayn.

Sidaa ay tahay, ayuu Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye isaguna soo saaray qoraal uu kal-fadhiga Golaha Dhexe ku muddeynayo in uu bisha Abriil qabsoomi doono. Qoraallada soo baxaya iyo waxa laga qorayaa intaa kuma koobna e’, xataa Wasiirradii ayaan ka maqnayn oo olole daalacan iyo mid dedanba ku jira oo aad war-baahintii ka daalacanaysaa iyaga oo is-eryanaya. Ma maqli jirteen: “Ma annagaa waalan mise Cadan ayaa laga heesayaa?” Alleylehe waa tan oo kale.

Dadkan madax iyo minjaba lihi miyaanay xisbi Kulmiye la yidhaahdo ku wada jirin? Miyaanay isu iman karayn? Madaxweynahan calanka Kulmiye ku soo baxay miyaanu dadkan kala hadlaya isugu yeedhi karin oo aanu talo iyo tilmaanba siin karin? Ma sidan ayaa dal iyo dadba loogu talinayaa? Miyaanay ka horreyn in marka hore xisbiga arrimihiisa laga taliyo? Dadka intaa maareyn kari waayay, sidee ayay dawlad Dhexe iyo dawlad Hooseba uga talinayaan?

Malaha waan idin daaliyay ee aan ku soo dhawaado gunaanadkayga iyo gebagebada sheekada. Si aynu isula jaan-qaadno aynu dhowr dhaabadood halkan dhiganno:

  1. Shirweynaha xisbiga Kulmiye shantii sannadoodba mar ayaa la qabtaa,
  2. Hawlaha iyo arrimaha xisbiga Kulmiye ka-talintooda waxa loo raacayaa oo keliya Dastuurkooda,
  3. Maareynta hawlaha xisbiga Kulmiye waxa iska leh inta uu dastuurku awoodda u siinayo,
  4. Shirweynaha xisbiga Kulmiye waxa muddo sannad ah dib u dhigi kara Golaha Dhexe haddii ay yimaaddaan duruufo sidaa yeedhinayaa,
  5. Guddida Diiwaan-gelintu xisbiyada ayay ku ilaalisaa in ay ku dhaqmaan dimuqraadiyadda iyo xeerarka ay dhigteen, shahaadadaha xisbinnimo iyada ayaa bixisa isla markaana la noqon karta. Sidaas ayay ku tahay hay’ad garsoor oo qaran,

Intaa iyo in badan oo kale haddii aynu isla meel dhignay, bal hadda aan Shirweynahan xisbiga Kulmiye ee jaho-wareerka dhaliyay u nimaadno. Reer Kulmiye waxaad ka maqlaysaa shirka Golaha Dhexe iyo Shirweynaha, bal se baadi-sooc ma raaciyaan. Wuxu miyaanu tirsiyo iyo summado lagu kala sooco lahayn. Ma kuwii koowaad baa, ma labaad baa, ma saddexaad baa mise xaalku waa tiro ma leh.

Laba kama dhexeyso:

  1. In Shirweynihii xisbiga Kulmiye kal hore Golaha Dhexe muddo sannad ah dib u dhigay oo muddadii kala-guurka Shirweynayaasha Kulmiye ku dhammaanayso 31/3/2013ka,
  2. In dibudhiggaasi been yahay sidaa darteedna kala-guurkii Shirweynayaasha Kulmiye ku dhammaaday 31/3/2012kii,

Labadan door-bid kii aad qaadataba kala-guurkii Shirweynayaasha xisbiga Kulmiye waa gabaabsi. Haddii aan qaldanahay iyada oo aan la xanaaqin isla markaana la I hiifin oo aan hoosta la iga higgaadin, cidda murmaysaa ra’yigeeda ha u soo bandhigto dadweynaha.

Bal hadda aan giraanta taariikhda dib u duubno oo ku noqonno Jabhaddii SNM. Aynu is-weydiinno sidii ay SNM saaxadda siyaasadeed kaga baxday. Bishii Maarj 31kii 1990kii ayuu Balli-gubadle ku qabsoomay Shirweynihii 6aad ee SNM. Berigaa muddada kala-guurka Shirweynayaasha SNM waxay ahayd saddex sannadood. Sidaa darteed wuxu dastuurka SNM ahaa in Shirweynaha 7aad la qabto bisha Meey, 1993kii. Shirweynahaa 6aad markii uu furmay 31kii Maarj, 1990kii, wuxu xidhmay 28kii Abriil 1990kii. Run ahaantii Shirweynuhu wuxu socday ilaa 14kii Abriil, 1990kii maalintaas oo la doortay Guddoomiyihii iyo ku-xigeenkii SNM oo kala ahaa Cabdiraxmaan Tuur iyo Xasan Ciise Jaamac. 14/4/90kii ilaa 28/4/90kii waxa lagu hawlanaa doorashadii Golaha Dhexe oo wada-tashigeedii dheeraaday.

SNM 1993kii halkii ay iskaga hawli lahayd qabashada Shirweynihii 7aad ee SNM oo ku beegnaa Meey 1993kii, waxay ku milantay oo ay ka dhex ololeynaysay Shirweynihii Guurtida ee Boorame. Guurtidu waxay heshay fooggo bannaanaatay waanay ka faa’iidaysatay dal iyo dadna waa ay badbaadisay. Ilaahay ha ka abaal-mariyo intii waagaa ka adeegtay. Shirweynahaasi 7aad markii uu qabsoomi waayay, SNM saaxaddii siyaasadda iyo hoggaamintii dalka waa ay ka baxday. Si wanaagsanna waa ay yeeshay oo ilaa maantada aynu joogno hadal iyo hugun midna lagama maqal.

Maah-maahdaa ahayd: “Nin la tolay, talo joogtaa.” Maanta waxay taagan tahay xisbigii Kulmiye. Hore ayaan u sheegay oo xisbiyadii waxay eedeen oo dagaaleen Madaxtooyo iyo Wasiirro laba-eefka ku mamay oo xisbi iyo xukuumadba sheeganaya.

Dadku waxay u haystaan in xisbigii UDUB uu beri dhaweyd dhintay. Xaasha! Shaluu go’ay ma maqli jirteen. UDUB wuxu saaxadda ka baxay Daahir Ra’yaale Kaahin oo Madaxweyne ah. Maaliniba, maalin ka tilmaaman e’ waa maalintii ay Shirweynaha Hotel Maansoor ku qabsadeen ee ay yidhaahdeen xubnaha Golaha Dhexe Guddoomiyaha ayaa soo xulaya. Waa waxaan nolosha xisbiyada siyaasadeed ee adduunka hore u soo marin, malahayga dibna aan loo arkayn.

Su’aasha Miliniyamku waxay u taallaa Guddida Diiwaan-gelinta waxaanay tahay:

Wixii ka danbeeya 31/3/2013ka sharciyadda xisbinnimo ee Kulmiye ma sugan tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, daliilkeeda sharciyeed waa maxay iyada oo la raacayo Dastuurka xisbiga Kulmiye?

Aan taxanahaygii koobnaa ku soo xidho in aan sidaa uga fogayn cinwaankii aynu maalmahanba akhriyaynay oo ‘Kaafka’ ka higgaadsho:

Kulmiye in uu karay la iskuma haysto. Ma kabmin mana korin, in uu kadmana waa ay u badan tahay, waa se loo kitaab-furi.

Ugu danbeynna waxaan idiin ka mahad-celinayaa waqtiga iyo dareenka aad qormooyinkan siiseen. Waxa la yidhi: “Fule xantii ma mooga.” Qoraalka oo keliya kuma aan ekeyne, dareennadiinnana waan la socday. Intiinnii I dhalliishay iyo intii ii rixisayba waan u mahad-celinayaa.

Waa inoo Qormooyin danbe oo xisso leh. Waa inoo goorteed iyo goobteed, kubbaddiina waxay ku wareegtay siidhi-walaha oo ah Guddida Diiwaan-gelinta.

Dhammaad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Additional information