Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Wada-hadalladii Xukuumaddeennu ma waxay u beddeshay Dibuheshiisiin

Waa habeennimo Isniin ah oo ay maalin Salaasaad soo gelayso. Bisha Abriil waa kow, 2013ka. Waxaan daawnayay TV-ga Universal iyo warkii habeennimo ee 8.00da. 

Wada-hadalladii Xukuumaddeennu ma waxay u beddeshay Dibuheshiisiin

“Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa dix dhagaxeede,

Dadkaan la hadlaayaa baan lahayn, dux iimaane,

Bal in ay dalfoof tahay caqliga, doonni laga saaray,

Wixii hore u soo daashadeey, degeshanysaaye,”

Dugsi ma leh qabyaaladi, Timacadde, 1967kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ,www.dharaaro.com

Abwaankii weynaa ee Axmed ismaaciil (Qaasin) is-na waa kii lahaa:

“Mugdi baan ka gacan-haadiyaa, Maxamed keydoowe,

Dad musbaar dhegaa kaga jiraan, maqal ka tuugaaye,”

 

Bisinka iyo Yaasiinka….Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah,

Hassan Sheikh Mohamud-vf2.jpg Radio Halbeeg; Wasiirka Arimaha Debada Oo Shaaca Ka Qaaday In Wada Hadaladii U Dhaxeeyey Somaliland Iyo Somaliya Loo Wareejiyey Wadanka Turkiga, Kuna Dooday In Somaliland Iyo Turkigu Saaxiibo Dhaw Yihiin.Waa habeennimo Isniin ah oo ay maalin Salaasaad soo gelayso. Bisha Abriil waa kow, 2013ka. Waxaan daawnayay TV-ga Universal iyo warkii habeennimo ee 8.00da. Laba war oo aad u kala fogaa, haddana aad moodayso in aad qof keliya dhegaysanayso ayaa soo galay oo kala danbeeyay. Waxa ku horreeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya oo Jaaliyadda reer Soomaaliya kula hadlayay Abu-Dhabi. Si aan shakiba lahayn oo kalsooni la yaab lihi ka muuqato ayuu u leeyahay Somaliland waxay ka tirsan tahay Soomaaliya, midnimada Soomaaliyeedna waanu xaqiijinaynaa. Intaa kagama hadhin e’, wuxu raacinayaa in uu Somaliland iyo Puntlandba u tix-gelin doono waxay qabsadeen. Hadda ninkaasi wuxu imanayaa Abu-Dhabi malahayga maalin ka dib markii uu wefdigii Siilaanyo ka laabtay. Wararku waxay tibaaxayaan in qayb ka mid ah wefdigii Somaliland ay is-arkeen xubno ka mid ah dawladda Soomaaliya. Yool iyo mareegta Qaranba waad ka heli karaysaan faahfaahinta. Horto dhankaa dhan dheh.

Intaa ka dib ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland isaguna shaashaddii Universal ka soo baxayaa isaga oo Madaxtooyada shir-jaraa’id ku qabtay. Sidii wax kale looga eegayay, ku-ye waxa na casuuntay dawladda Turkiga oo marti-gelinaysay wada-hadalladii Soomaaliya/Somaliland. Wuxu intaa ku kabay in Turkigu Soomaaliya iyo Somalilandba saaxiibbo la yahay. Saaka oo ay tahay 2/4/2013ka, waxaan mareegaha qaar ka akhriyay in Wasiirkeennan amran laga soo xigtay in uu yidhi wada-hadalladii waxa loo wareejiyay Turkiga. Wasiirku wuxu intaa ku daray in ay kulammada Soomaaliya ay wada wadeen intaa socdeen oo la is-arkayay. Laakiin inoo ma sheegin: cidda kulantay, halka lagu kulmay, goorta la kulmay iyo waxyaabaha laga wada hadlay. Xaqiiqdu waxay tahay in ay taasi runtii tahay. Ayaan-darrada taagan ee ay xukuumaddani ku tallaabsatay waxa ugu daran in ay intaa socdaan wada-hadallo doceed oo qarsoodi ahi oo aanay xataa xukuumaddu u wada dhammayn ama aanay ka wada socon. Halka ynu ka jabynaana waa halkaas. Dadkaba turub ayay u haystaan.

Shirkan la sheegayo, muxuu ka yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkigu? Aan soo xigto mareegta halbeegnews:

Wasiirka oo la weydiiyey in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya doonayana inay wada hadalka u wadaan sidii dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo xornimadiisa ku gorgortamaya wuxuu ku jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Turkiya Ahmet Davutoglu: “Turkiga marnaba ma jecla in aanu aragno Soomaaliya oo kala qoqobanta, dadka Soomaaliya 20 sannadood ayey dhib dhex taallay wada-hadalka hadda furmayana waxaanu kula talinayna hogaamiyayaasha kulmaya ee Soomaalida (Somaliland iyo Soomaaliya) inay wax kasta ka horaysiiyaan midnimada iyo wada jirkooda taasi ayaanu ku boogaadinaynaa, Turkiguna aqoonsanyahay” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu

Oo haddii xaalba sidaa yahay, maxaynu ka doonaynaa Turkiga? Mise qaddiifado iyo roogag walaayatiya ama asliya ayaa yaal oo aynu rabnaa in aynu Madaxtooyada ku qurxinno. Bal adba!

Bal aynu dib u yar noqonno oo daalacanno wixii London ka dhacay 21/6/2012kii iyo Qodobbadii berigaa lagu heshiiyay. Qodobbada Heshiiska inta aynaan u gelin aynu eegno hordhac yar oo ka horreeyay Baaqii ‘Chevening’:

1- Iyada oo la raacayo axdiyadii lagu heshiiyay ee baaqyadii London iyo Istanbuul ee ahaa in Beesha Caalamku taageerto wada-hadallo dhex mara Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya (ama cidda beddesha) iyo Somaliland si loo sugo loona caddeeyo xidhiidhadooda mustaqbalka, labada dhinac heer farsamo ayay Chevening ugu kulmeen 20kii-21kii, Juun 2012ka,

2- Shirka ama kulankaba waxa marti-gelisay UK, waxaana ku lammaanaa (co-host)  Norway and EU, sidaas oo ay labada dhinac codsadeen,

3- Ujeeddada wada-hadalladan gogol-xaadhka ah laga lahaa waxay ahayd sidii loo samayn lahaa qaab wada-hadallo midho-dhal ah lagu xaqiijiyo,

4- Ka-qayb-galayaashii shirku waxay soo dhaweeyeen furitaanka wada-hadallada waxaanay hoosta ka xarriiqeen in ay diyaar u yihiin sii wadidda wada-hadallada,

Intaa ka dib ka-qayb-galayaashii Shirkaa London ee ‘TFG-da’ iyo Somaliland ka socday waxay go’aansadeen oo ay ku heshiiyeen 8da Qodob ee kala ah:

  1. Waxay ku heshiiyeen in ay wada-hadallada ama wada-xaajoodku dhex maraan labada dhinac ee kala ah – Dawladda Federaalka ee Ku-meel-gaadhka ah ‘TFG’ (ama beddelkeeda) iyo Somaliland, iyada oo la raacayo Sii-qaadka 6aad (paragraph) ee War-murtiyeedkii Shirweynihii London iyo Sii-qaadka 10aad ee War-mutiyeedkii Shirweynihii Istanbuul ee 2aad,
  2. Waxay labada dhinacba xuseen baahida loo qabo in la samaysto ama la yeeshaba aragti laga siman yahay ama la wadaagaba oo lagaga fogaanayo wax kasta oo carqalad ku noqon kara sii wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada sida kor ku xusan,
  3. Waxay labada dhinacba u darban yihiin nidarna (committed) ku mareen sii-wadidda iyo joogtaynta wada-hadallada, waxaanay labada madaxweyne ugu baaqayaan in ay si dhakhso ah u kulmaan si ay u qiimeeyaan horumarka wada-hadallada laga gaadhay,
  4. Waxay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in ay sii wadaan fududaynta wada-hadallada, iyaga oo labada dhinac ku kaabaya Xeel-dheereyaal dibadeed oo xagga: shuruucda, dhaqaalaha iyo amnigaba ah,
  5. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay waayo-aragnimadooda la wadaagaan Beesha Caalamka si ay horumarka iyo kaalmada aadminimo ugu daneeyaan dadyowga labada dhinac iyaga oo isla markaana Beesha Caalamka ka codsaday in ay taageeradaa kordhiyaan,
  6. Waxay labada dhinacba ku heshiiyeen in ay la dagaallamaan: argaggixisada, xag-jirnimada iyo dhagarta kale ee halista ahba,
  7. Waxay ku heshiiyeen labada dhinacba in ay iska kaashadaan la-dagaallanka budhcadnimada: bad iyo berriba, dhagarta gaadiidka badda, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wasakhda nukliyeerka ee badaha lagu daadiyo,
  8. Waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin in Soomaaliya ka baxdo, marxaladda kala-guurka,

Waan idiin soo gaaggabinayaaye, iyada oo ay sheekadu halkaa marayso oo hawlaha dhex-dhexaadinta ama marti-gelintaba ay goob-joogayaal ka ahaayeen: UK, EU iyo Norway, ayaa wefdi Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayaa u ambo-baxay Dubai si ay ula kulmaan Sheekh Shariif oo markaa ahaa Madaxweynihii TFG-da. Waa 28/6/2012kii. Si aad u garataan, waa toddooba maalmood ka dib markii la saxeexay Qodobbadaa hore. Khadkii heshiiskaa London lagu saxeexayba ma engegin. Shirkan Sheekh Shariif lala galay kuma taxnayn kumana xidhnayn shirkii London oo dawladihii reer Yurub ee xaajadan bilaabay ma ay joogin, ma ay ogeyn run ahaantiina aad iyo aad ayay uga xumaadeen. Xukuumaddu keligeed wax ma oga, adduunkanna wax u kala qarsooni ma jiro.

Waxaan aamminsanahay, isla markaana ay u badan tahay in markii halkaa la marayay xaajadii la leexiyay oo wada-hadalladii loo beddelay dibuheshiisiin. Markii horena laba dhinac ayaa wada-hadlayay, maantana xaalkii dibuheshiisiin ayuu isu beddelay oo gobol ka duday Soomaaliya ayaa lala heshiisiinayaa. Weliba mag-dhowna waa la siinayaa sida aynu maqlayno ama mareegahaba ku arkaynno. Hadalkan iskama lihi bal se waa hadaaqa ka imanaya xarunta Muqdisho ee lagu soo ridayo dhegaha dadka reer Somaliland ee qurbo-joogga ah. Waxyaabaha la yaabka leh ee laga soo werinayo dad  wefdigii Soomaaliya wada-hadallada uga qayb-galay waxa ka mid ah sidii ay ula yaabbanaayeen in ay wada hadlayeen dad Somaliland ka wakiil ah oo dhalashadooduba lixdankii ka danbeysay.

Haatan iyo dan:

Wada-hadalladii sidaa ku bilaabmay maxaa majarahan cusub ee aanay dantu inoogu jirin mariyay? Reer Yurubkii inoo bilaabay sidan inaguma qasbin. Ingiriiskan la inagu dirayaa sidaa inaguma qasbin isaguna. Xukuumaddeenna ayaa door-bidday ee maxay ka helaysaa. Turkigu kala go’ ma aamminsana. Innaga iyo Soomaaliya Turkiga uma sinnin. Haddana xukuumaddeennu waa ay ku faraxsan tahay in ay Turkiga tagto. Malahayga iyada tax-taxaashka iyo tamashlaha ayay kaga eg tahayba.

Arrintani arrin sahlan ma aha. Waa waxaan is-dhiibid, weliba rakhiis ah aan dhaamin. Kala-hadalka xukuumadda ayaa kaaga daran:

1- Shirweynaha London talo-qaran ayaa laga yeelanayaa oo wufuud wax-garad ah ayaa dibadaha ka imanaysa,

2- Shirweynihii Xisbiga Kulmiye qaban kari meynno oo shirkii London ee Meey, 13ka ayaa loo diyaar-garoobayaa,

3- Waanu qaaddacnay shirkaa London oo tegi meynno, Shirweynihii Kulmiyena dib ayaa loo dhigay,

4- Abu-Dhabi ayaanu wefdi ku tegaynaa wax naloogu yeedhayna garan meynno, halkii ay danta Somaliland nala martana waanu gelaynaa,

5- Haddii aanu talo-qaran u baahanno waxaanu la tashanaynaa golayaasha iyo axsaabta qaranka oo uma baahnin qof suuqa jooga,

6- Shirka London tegi meynno, laakiin wada-hadallada waanu ku jiraynaa,

7- Turkiga ayaa wada-hadalladii loo wareejiyay oo waanu tegaynaa,

Ma sii wadi karayo e’, waa waxyaabaha aynu maqlaynay maalmahan danbe oo dhan. Ma maqli jirteen: “Is-beddel badanaa ma jir-jirroolaa.’ Annagaa yaab aragnay.

Maye Golayaashii Qaranku? Guurtidii xaggee ka dhacday, mise waxanba ma dhaaddana? Golihii Wakiilladu qowmiyad noqon waaye, qaran noqon waaye, qolo noqon waaye, qoom xisbiyeed noqon waaye. Wax kale oo dhanba marka aad dhaafto xataa qof noqon waaye. Oo Xisbiyadii Qaranku xaggee ka dhaceen? Xaflado dibadeed ayay ku ambadeen. Qaar baa dhibsada mararka aan inahan qoro oo mooda in aan anigu iska dhigayo qof cid walba ka wanaagsan. Dadka ayaan ka mid ahay ee miyeydaan la yaabbanayn moogganaanta iyo is-maahinta intan le’eg.

Meel fogba ha ka doonina. Xilalka Qaranku waa ay kala qalan yihiin oo Dastuurka ayaa kala xadaynaya. Maanta waxba inoo ma kala soocna. Wax waliba waa ay isku cayn iyo beyd go’an yihiin. In la dhoofo ayaa macno yeelatay oo waxa macno yeelan weyday in xeer iyo xaagaanba wixii inoo yaal la dhowro. Bal u fiirsada wufuuddan badhaxa ah. Fulin, xeer-dejin, xisbiyo iyo waxaanad garanayn waxa kulmiyay ayaa la dirayaa. Waxay marag cad u tahay in wax la qarsanayo. Fulintu waa in ay xilalkeeda iyo hawlaheeda gudataa. Xeer-dejinta iyo axsaabtuna waa in ay ku kormeeraan. Iyagii kormmeerka lahaa marka ay fulintiina ka qayb-galaan maxay inoo sheegayaan? Waa si ay wax keliya inoogu wada sheegaan marka ay madaarka ka soo degaan. Xaggee markaa loo ciirsanayaa. Xalkiiba wuxuu ku danbeeyay: Xukuumad, xeer-dejin iyo xisbiyo is-xanbaar ah. Beryihii hore xisbiyo iyo xeer-dejinba waxa lagu rarnaa oo la saarnaa Daahir Ra’yaale, waxan maanta joogaana ma jirin. Ma is-weydiiseen waxay u sheeganayeen ee maanta xukuumaddan jirta loo sheegan waayay? Ma run baa ma been baa? Ma raq baa ma ruux baa? Ma rar baa ma reer baa?

Aan idin xusuusiyo maansadii Dhayalsi ee Axmed Maxamed Warsame, “Genius” iyo sababihii dal iyo dadba loo soo burburay:

“Intay dhibibidee hore,

Intay dhididday ee kale,

Intay dhaqan xumaatiyo,

Intay dhacantay Maandeeq,

Midna kuma dhadhabayee,

Yey dhalliili doonaan,

Hadday dhacanto maantana,”

Nuur iyo Naalleeyaba maanta waa aynu u noollahaye,

“Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso,”

Dhammaad.

 


Additional information