Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Maantana ma Jiitama iyo jidiin-caddaadkii

 

Barinaye ma barideen. Maqaalkan gaaban waxaan u holladay in aan qoro maanta oo ay bisha Abriil tahay 26, 2013ka. Waa maalin Jimce ah.

 

Maantana ma Jiitama iyo jidiin-caddaadkii

(Weerarkii Xarunta Wargeyska Hubaal)

“Dhaqan iyo hiddaa jiray,

Dheg la xeeriyaa tiil,

Dhaqashadu hal ma ahayn,

Dhiigna waa la huri jiray,

Dhumuc waa la ridi jiray,

Badna waa la dhuri jiray,

Guulna waa la dhalin jiray,

Dhiirri buu hubku ahaa,

Dhaadashaa hanku ahaa,

Marka dhabi dhabteed tahay,

Dhidar wayska tegi jiray,”

Maansada Jiitama, Hadraawi, 1984kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Markan waa markaa:

Barinaye ma barideen. Maqaalkan gaaban waxaan u holladay in aan qoro maanta oo ay bisha Abriil tahay 26, 2013ka. Waa maalin Jimce ah. Goor barqo ah ayaan soo toosay. Aw Yuusuf oo innamadayda ka mid ah ayaa goor uu ka soo noqday ciyaar kubbadeed ii keenay nuqul wargeyska Hubaal ah oo saaka soo baxay. Bogga hore ayaan mowduucyadii ku yaallay dul cararay. Mid, laba iyo saddexba waan ku hakaday. Kulankii Madaxweynaha ee Gaashaandhigga Mareykanka iyo Hay’adda CIA-da. Waxa kale oo aan isha mariyay mowduuc ku suntanaa: Taliye Fadal oo difaacay tuhunka laga qabo cidda soo qorshaysay weerarkii Wargeyska Hubaal. Bogga 4aad ayaan isagana ka daalacday maqaal aad u xiiso badnaa oo ay ku saxeexnayd Nada Yuusuf Cumaar. Maqaalku wuxu ku suntanaa: Raalliyoy tumaad tahay? Bal ka warrama. Malaha wuu idin seegay.

Mowduuca kulankii Madaxweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo CIA-da ayaa xusuus aad u fog igu dhaliyay. Waxaan soo xusuustay bishii Abriil. 1984kii SNM oo kal-fadhi Gole Dhexe ku lahayd magaalada Awaare. Damal Cabdilqaadir Koosaar ayaa beryahaa SNM Guddoomiye u ahaa. Go’aammadii kal-fadhigaa ka soo baxay ayaa waxa ka mid ahaa in ay Badda Cas iyo Badweynta Hindiya nooqdaan goobo ka caaggan saldhigyo millateri iyo xero-guullo ciidammo shisheeye, bari iyo galbeedba. Go’aankaa waxa u codeeyay aqlabiyaddii xubnihii Golaha Dhexe. Saaxiibkay, Mujaahid Ciise Curaagte oo ay maaweeladiisa iyo kaftankiisuba saacado iyo maalmo adkaa na soo dhaafiyeen aa ka xanaaqay. Markii aanu golaha ka sii baxaynay ayuu yidhi hadal u ekaa, annaga ayaa saldhigyada bixinayna e’, ma cid baa nagu qabsan karta. Bishii Ogos 6dii Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay magaalada Jigjiga ayaa markii ugu horreysay Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo oo markaa London ka yimid muddo laba sannadood ah loogu dooranayaa Guddoomiyaha SNM.

Wargeyskii Hubaal ayaan gudaha u galay. Saa waa boggii 3aad. Innaa Lillaah! Waa maansadii Jiitama ee Hadraawi oo aan midh laga tegin. Waa waxyaabaha aan is-leeyahay Wargeyska Hubaal ayaa eeday. In kasta oo aan in badan oo hore akhriyay, haddana macaankeeda awgii ma aha maansooyinka laga xiiso gooyo ee laga dhergo, weliba ararteeda dheer ee aqoonta fardaha ee hodanka ahi ku dheehan tahay. Haddii uu Hadraawi heensayn jiray fardihii lahaa: geenyadii Daalacan iyo faraskii Dayax-weerar ee dhambaallada culus qaadi jiray, doorkan xiisuhu waa geenyadii Dhudi.

Sida aad arartaa ku dhaafto oo aad uga gudubto ayaa iska adagba. Qaabka maansada loo falkiyay ee ereyada loogu xulay, wax aynu shuqul ku leenahay ma aha. Tabta miyuusigga ayay u dhacaysaa markaas ayaad carrab iyo dhegba la raacaysaa. Cid kaleba uma baahnid, adiga ayaa isu tumaya.

Qormadii weerarkii Hubaal ku saabsanayd iyo akhriskii maansada Jiitama ayaa igu dhaliyay in aan qormadan kooban u qalin-qaato. Run ahaantii maalintii Khamiistii oo dhan waxaan raadinayay halkii aan ka bilaabi lahaa. Arrin werwerkeeda iyo walaaceeda leh ayay ahayd.

Xilliyadu isu ekaa. Beni-aadamkuna illowshiiyo dhawaa, illowshiiyo badanaa. Maxaa dhacay habeennimadii 24kii Abriil, 2013ka? Waxaan dhegaystay VOA-da oo wareysanaysa Maareeyaha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac. Waxa kale oo aan dhegaystay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo ay wareysatay BB-du. Labadan mas’uulba waxay iskaga mid ahaayeen:

1. In uu weeraarkaasi dhacay isla habeenkaas iyo saacaddaas,

2. In ninka la qabtay ka tirsan yahay ciidammada Booliska,

3. In ninkaas ay gacanta ku hayaan ciidammada Boolisku,

4. In ninkii kalena la baadi goobayo,

Maxamed Axmed Jaamac, Maareeyaha wargeyska Hubaal wuxu warbixintiisa ku daray oo idaacadda ka sheegay in wareerkaasi ay ka dambeysay Madaxtooyadu, gaar ahaan madaxa gaadiidka oo lambarkiisa ay ka heleen tilifoon ‘mobile’ ah oo ay ka qaadeen askarigaa ay qabteen.

Taliye Fadal, wuxu ku celceliyay in aanu baadhista boolisku wado ka hor dhacayn, bal

se aanay xukuumaddu ku lug lahayd. Aan is-barraxo, si aanu anigana kiis boolis ii qaban. Waxaan xiganayaa wargeyska Hubaal VOL. 01 cadadka 226, Jimce, 26ka Abriil, 2013ka, boggiisa 2aad oo qoray: “Ma jirto mas’uuliin xukuumadda ka tirsan oo ka dambaysay, manay ahayn in qolada wargeysku baadhista ka hor dhacaan, aniguna baadhitanka socda ka hor dhici maayo.” Taliye, Fadal ayaa intan wargeysku ka soo xiganayaa.

Wargeyska Hubaal iyo Taliyaha midkoodna in uu ka hor dhaco baadhista la wado ma aha. Laakiin, halkan waxa ka cad in Taliyaha boolisku kiiskii oo aan la bilaabinba daafacayo xukuummadda oo ay qolada wargeysku eedaynayso. Weliba qolada wargeysku mas’uulka xukuumadda ka tirsan waa ay magacaabayaan.

Kiiskan marka aad si qoto dheer u eegto dhibbanuhu ma aha wargeyska Hubaal oo la weeraray oo keliya. Waxa kale oo dhibbane ah ciidanka booliska Somaliland oo magaciisii qof sitaa ku eedaysan yahay dhacdo dhagareed oo aan hore inoo soo marin. Halkan, aniga oo ka xun falkan, ayaan ka tacsiyadaynayaa ciidanka booliska Somaliland oo aanay milgihiisa iyo sharaftiisa midnaba ahayn in lala xidhiidhiyo falal dhagareed oo baadi-soocdan oo kale leh.

Saaxiibkay, Taliye Fadal, waxa ka muuqata in uu si fudud iskaga leeyahay ninka la qabtay booliska ayuu ka tirsanaa, qof booliska ahina waa uu geli karaa kiiskan oo kale. Oo sidee ayuu qofkii ammaanka dal iyo dadba lagu aamminay inta uu af iyo wejiba soo duubto, dadka bakoorad iyo baastoolad ugu qaadan karaa. Miyaanay mid ‘subxaanalla’ ahayn. Fadeexaddaa aanay galabsan ee booliska Somaliland soo gaadhay, waxa ku tallaabsan kara qof aan soo marin, soona arag dalkan iyo dadkan oo aan dawlad iyo boolis midnaba aan lahayn. Ilaahay waa og yahay wixii inaga soo qabsaday in dawlad iyo boolisba la dhiso. Maxay kala yihiin xukuumdadda iyo boolisku? Miyaanay ahayn intii xilku saarnaa ee Ilaahay ka-sokow dal iyo dadba mas’uulka ka ahaa? In ciidanka booliska la eedeeyo iyo in qof xukuumadda ka tirsan la eedeeyo, midkee fudud.

Waa sida aynu u nool nahay iyo qaabka aynu wax u qiimeynno oo qofka ayaa wax walba ka weyn. Xaqiiqaduna waxay tahay in ay dadku qofka ka badan yihiin, in ay danta guud qofka ka mudan tahay. Laakiin, maxaa ka dan ah kol haddii aynu cawajka u shaqaynayno.

Dhacdadani waa tii labaad ee Somaliland ka dhacda. Xalay SOLJA mar ay shir jaraa’id qabatay ayay ku sheegtay in bishii Oktoobar, 2012kii weriye Laas-caanood ku sugnaa weerar hubeysnaa lagu dilay. Waa suuro-gal in aanay labadan weerar isku abtirsiin ahayn oo baadi-soocdooda iyo sowracooduba kala duwan yihiin. Bal, se waa dhacdooyin dhagareed oo ummadda dhabbahooda halabsataa adhaxda iyo meelo aan laga tamarinba kaga jabto.

Waa dhacdo hor leh oo aan ina soo marin. Waa dhacdo dhagareed oo aan la dhowran karin, xukuumadduna haddii lagu eedeeyay in ay ka aammusto ma ay ahayn. Waa dhacdo aan dhayal lagu illoobayn. Waa dhacdo aan soo noqodkeeda iyo ku celceliskeeda aan la dhowran doonin.

Weriyayaal la xidho oo muddo yar ka dibna la sii dasayo waa aynu u soo joognay. Waxa aan weli ina soo marin weriyayaal la garaaco iyo qaar la isku dayo in la laayo. Waa dhacdooyin hor leh oo dibudhac iyo mustaqbal madow saadaal u ah. Ilaahay  ayaynu ka magan gelaynaa. Garaadkeenna iyo garashadeenna ayaynu kaashanaynaa, Ilaahay idamkiina waa aynu ka gudbaynnaa. Wax ka daran ayaa laga soo gudbay, dad se waxa ugu liita ka is-illowsiiya waxyaabihii shalay dhacay ee is-yidhaahda filimmadii Macallinkii ku soo celceli.

Waxaynu dhowrnaaba waa ciidanka baadhaya oo aynu ka dhur-sugno, iyo feejignaan laga yeesho falalkan argaggixisada iyo axmaqnidaba ah.

Aan kaga baxo tuduc kale oo aan Jiitama idiin ka soo dheegay:

“Dhugashada ayaamaha,

Haddaan dheehdo waayaha,

Sooyaalka dhaxalka ah,

Waxay dhaayo joogeen,

Hadda shalay ma dheerayn,

Waxa dhacay ma fududeyn,

Weli dhaar ma beenayn,

Maalmihii dhanaanaa,

Wixii dhiif la soo maray,

In kastoo la dhabar-jabay,

La is-ma dhiibin goobii,

Dhederbiga la geylamay,

Mana jirin qof dhawrsaday,

Wa Billaahi Towfiiq,

Dhammaad

 

Additional information