Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

11 sannadood ayaa ka soo wareegtay markii la soo gebagebeeyay aaskii, baroor-diiqdii iyo tacsidii Hoggaamiyihii, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

 

 


Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

“Xaq la duudsiyi maayee,

Dalalkeennan is-raacay,

Haddaan lays dafireynin,

Nin kastaa ha dumaalo e’,

Madaxweyne la doortana,

Adigawgu da’ weyn,

Sida doollida hoorta,

Ninna soo di’I maayoo,

Dooxyo soo rogi maayoo,

Durdur liin iyo dhey ah,

Cidina u dudi meyso e’,

Dalka maamulistiisiyo,

Dulqaad uu hayinoobuu,

Wax ku deeqi karaa,”

Maansadii, ‘Adaa noo Duq ahaa’ ee Timacadde, 1968kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com  

Qormada: 1aad

11 sannadood ayaa ka soo wareegtay markii la soo gebagebeeyay aaskii, baroor-diiqdii iyo tacsidii Hoggaamiyihii, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo 3/5/2002dii ku geeriyooday cisbitaal ku yaal magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Marxuum Cigaal 6/5/2002dii ayaa si aad u sarreysa oo heer Qaran ah loogu aasay magaalada Berbera iyada oo la raacayo dardaarankiisii ahaa in aabbihii oo Berbera ku aasan, xabaashiisana laga ag qodo oo isagana lagu duugo. Naxariistii Janno Alla ha siiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Dhammaanteen marka aan leeyahay waxa aan uga jeedaa gaar ahaan Somaliland, guud ahaanna dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waayo? Cigaal ma ahayn oo keliya hoggaamiyaha Somaliland bal se sida ka muuqatay tacsidiisii iyo baroor-diiqdiiba wuxu ahaa hoggaamiye Soomaaliyeed, halyey Geeskan Afrika u dhashay, hoggaamiye qaaraddan Afrikan ka dhashay. Geeridii Cigaal iyada oo naxdinteeda lahayd, haddana waxaanu shaki ku jirin in ay milge iyo maamuus aan hore loo ogeyn u yeelatay Cigaal iyo shacbiga Somalilandba. Gude iyo dibadba waxa ka curtay dareen ididiilo leh oo dadkii isu soo dhaweeyay.

Ma hawl yara sida Cigaal wax looga qoraa. Haddii aad damacdo in aad Cigaal wax ka qorto waa in aad u badheedhaa konton sannadood iyo waxyaabihii ka dhacayay saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna ta Somaliland. Intaas oo keliya ma aha e’, waa in aad u tafo-xaydataa wax-ka-qoridda shakhsiyaddii ballaadhnayd ee Cigaal oo mar walba ku lammaanayd. Waa hawl mudan baadhis iyo xog-urursi qoto dheer. Anna maanta taa, uma soo ambo-bixin.

Waxa aan jeclahay Qormooyinkan in aan si sar-ka-xaadis ah wax uga taataabto aragtidii Cigaal ee ku wajahnayd Qalalaasha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo aad xiisayn kartaanba. Qormooyinkan waxa aan baroor-diiq, xus iyo maamuusba uga dhigayaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo suulkiisii iyo saxeexiisiiba kaga tegay saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliyeed, Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradda Afrika.

Waxa kale oo aan si kooban oo guud-mar ah u dul carari doonaa aragtiyihii kala duwanaa ee Hooggaamiye Cigaal ka lahaa qaybo badan oo saameeya wejiyada badan ee waayaha Soomaaliyeed iyo Somalilandba.

Maqaalkan, qaybtiisa danbe waxa kale oo aan si guud-mar ah ugu qiimayn doonaa sidii Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, loogaga baroor-diiqay geeridii Cigaal. Waxa aan ku yar hakan doonaa dhacdadii Hotel Shaamow oo Muqdisho ku yaal, halkaas oo 8/5/2002da tacsi loogu sameeyay geeridii Hoggaamiye, Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Cigaal, naxariistii Janno Alle ha siiyo e’ isku da’ ma aanu ahayn. Maqal ka sokow waxa aan bartay oo gacan-qaadkiisa iigu horreysay 19kii Meey 1991kii. Buurta Sheekh ayaanu gelin danbe laba Land-cruiser oo aanu kala wadannay isu joojinnay. Anigu xagga Berbera ayaan ka imid, is-na xagga Burco ayuu ka yimid oo uu ka socday Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo lagu go’aansaday la-soo-noqoshadii madaxbannaanidii Somaliland iyada oo dalka lagu celiyay xaaladdii sharciyeed ee 26kii Juun 1960kii. Galabtaa isaga, dirawalkii baabuurka u waday iyo Ciise Curaagte ayay ahaayeen. Labadayaduba baabuurtii ayaanu ka degnay oo dhinaca jarka ayaanu is-taagnay oo isku gacan-qaadnay cabbaarna ku sheekaysannay. Aniga oo ka yaabban timihiisii madoobaa, sida uu iiga weynaa iyo cirrada igu taallay ayaan si kaftan ah ugu idhi:

(la soco..................................................)

Qormada: 2aad

“Oo weli timahaagu waa madow e’.” Inta uu ilko-caddeeyay oo madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: “Jihaadka ayaa idin caddeeyay.” Waxa ay ahayd markii iigu horreysay ee aan noloshayda gacan-qaado lana sheekaysto.

Intii danbe Boorame ayaan kula kulmi jiray oo muddo bilo ah uu ka socday Shirweynihii 1aad ee Guurtidu oo Cigaal loogu doortay Madaxweyne, Meey 1993kii. In badan ayaanu halkaa ku kulannay oo ku sheekaysannay, bal se aan u gudbo dhacdada aan u socday oo ah mar aanu Addis Ababa wada tagnay bishii Maarj 1993kii.

Maarj 1993kii waxa magaalada Addis-Ababa lagu qabtay wareeggii 2aad ee shirar ku suntanaa Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabiyeen Qarammada Midoobay oo beryahaa Xoghaye Guud uu ka ahaa Butrus Qaali oo ku dhex ambaday Qalalaasaha Soomaaliyeed, raad-gadka loo maareyn la’ yahayna kaga tegay.  Wareeggii 1aad waxa la qabtay bishii Jeeniweri 1993kii waxaana ka soo qayb galay Butrus Qaali iyo wefdi uu hoggaaminayay, si aan mugdi ku jirinna waxa u muuqatay sida aan qarsoodiga ahayn ee Butrus Qaali u af-duubayay qadiyadda Soomaaliyeed. Shirarkaa waxa isugu iman jiray Ururrada Siyaasadeed ee Soomaaliya, ururka SNM-na waxa uu u tegi jiray goob-jooge ahaan. Labadaa shirba waan ka qayb galay.

In yar haddii aynu dib u noqonno, 1991kii markii Somaliland lagu dhawaaqay Cigaal mar ayuu soo gaadhay Burco oo lagu shirsanaa. Isla sannadkaa, Jabuuti waxa uu kaga qayb-galay laba shir oo ahaa dibuheshiisiin Soomaaliyeed oo go’aammadii ugu mudnaa ee ka soo baxay aynu ka xusi karno:

  • Dastuurkii 1961kii oo lagu dhaqmo,
  • Cali-mahdi oo loo doortay Madaxweyne ku-meel-gaadh ah,

Cigaal shirarkaa ka dib waxa uu ku noqday dalkaa Imaaraadka Carabta oo uu deggenaa, wax hawl siyaasadeed ahna kuma uu lug lahayn. Waxa kale oo jirtay in Cali-mahdi markii uu Muqdisho ku noqday uu dhisay dawlad uu Cumar Carte Qaalib ka noqday Ra’iisal-wasaare, kaas oo Golihiisii Wasiirrada ku soo daray Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Xukuumaddaa Cigaal kama uu qayb gelin.

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu yimid Somaliland 1993kii markii uu Shirweynihii Guurtidu ka socday magaalada Boorame, halkaas oo uu mar kale ka bilaabay hawlihiisii siyaasadeed ilaa 3/5/2002da oo uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalkaa Koonfur Afrika.

Aan u soo noqdo shirkii 2aad ee Maarj 1993kii iyo Addis-Ababa. Saddex wefdi ayaa Somaliland uga aqyb galay: wefdi SNM ka socday oo aan hoggaaminayay, wefdi Guurtida ka socday oo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Nuux, marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo rag kalena ka mid ahaayeen oo 20 xubnood ahaa iyo wefdi ka socday ururrada samo-falka oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xirsi Galow.

Dhaqan ahaan wefdiyada rasmiga ah ee Ururrada waxa la dejin jiray Hotel Ghion. Halkii ayaanu ku degnay. Wefdigii Guurtida waxa lagu dejiyay Hotel Afrique. Waxa aan xusuustaa Cigaal oo galab noogu yimid Hotel Ghion. Waxa uu xidhnaa surwaal boor ah iyo garan bunni madow xiga ah oo ku giigsan. Waxa uu sitay shandad yar oo “samsonite” ah oo maas ah oo cas. Shandaddaa Boorame waa uu ku haysan jiray, markii uu Madaxweynaha noqdayna xafiiska ayuu ku haysan jiray.

Markii uu Hotel Ghion soo galay annaga oo halkaa degganayn ayuu noo yimid. Hawl ayuu Hotel Ghion u yimid waxa aanay la noqotay inta aanu hawl gelin in uu horto na arko oo noo sheego hawsha uu u socdo, ka dibna ku hawl galo waxa aanu ku heshiinno. Wax la yaab leh ma ahayn. Waa siyaasad iyo caadadeed. Cigaal ma uu jeclayn in aanu meel kale ka maqallo waxa uu wado, bal se waxa ay la noqotay oo uu ku hagaagsanaa in uu nala socodsiiyo hawsha uu u socdo. Intayadii halkaa degganayd ee ahayd wefdiga rasmiga ah ee SNM iyo Cigaal ayaanu meel ku wada fadhiisannay. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Waxa uu yidhi:

“Adeer, waxa aan halkan galabta u imid in aan arko qaar ka mid ah madaxda wefdiyada Ururrada Soomaaliya oo aanu afka is-gelinno inta aan shirka si rasmiya loo furin. Waxa aan doonayaa in aan ku qanciyo haddii ay ila qaataan in shirkani hawlihiisa ku koobo Soomaaliya oo aan shirkan lagu soo qaadin arrinta Somaliland. Sidaa darteed ayaan idiin ku imid si aan idiin la socodsiiyo oo aanan ugu dhaqaaqin wax aydaan la socon.”

Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo ahaa Guddoomiyaha SNM nala ma socon, aniga oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa markaa ahaa madaxa wefdiga SNM oo si ku-meel-gaadh ah u masilayay Guddoomiyihii SNM oo aan goobta joogin. Waxa kale oo jirtay intii aanaan Boorame ka soo ambo-bixin in Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Guddoomiyaha SNM iyo Madaxweynaha Somaliland uu warqad rasmiya noo soo dhiibay taas oo uu ku soo qoray in uu Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal madax u yahay wefdiyada Somaliland ee shirka ka qayb gelaya.

Aynu ku noqonno Hotel Ghion iyo kulankii gaabnaa ee aanu Cigaal galabtaa la yeelannay. Markii uu Cigaal hadalkii ka baxay naxdin iyo khajilaad ayaa nagu habsatay. Da’dayadii iyo da’dii Cigaal ayaanu isu eegay. Waayo-aragnimadiisii iyo taayadii ayaanu isu eegay. Waxa aanu la yaabnay su’aashan uu na weydiiyay. Haddana is-la markiiba waa aanu garawsannay in ay daw ahayd. Markiiba aniga ayaa hadalkii qaatay:

“Adeer hawshan aad u socoto waxa aanu u aragnaa mid inoo wada dan ah. Waa hawl aad ku dhaqaaqi karto waxna ka ma qabno. Waxa kale oo aanu kuu sheegaynaa in aanad u baahnayn mar walba in aad noo timaaddo ee marba wixii aad dan mooddo ku dhaqaaq, adiga oo aan nasoo wargelinna ogsoonow in aanu kugula jirno.”

Miiskii intii aanaan ku kala kicin ayaanu is-la eegnay madaxda wefdiyada ee uu la kulmayo iyo meelaha ay deggan yihiin. Waxa aan ka sii xusuustaa in aanu is-la qaadannay in la arko: Caydiid, Cali-mahdi, Cabdillaahi Yuusuf iyo qaar kale. Hawshii isaga ayaanu u daynay oo ku dhaqaaqay. Galabtaa aanu Hotel Ghion ku kulannay isaga oo ogsoonaa in aan wefdiyada Somaliland wax kharash ah la soo siin, waxa uu nagu yidhi:

“Adeer, laba kun oo Doollar ayay niman aanu xidid nahay sooryo iigu keeneen, ee aan wax idin ka siiyo.”

Mar kale ayaanu haddana naxnay. Waxa aan ku idhi:

“Adeer, annaga ayaa kaa galaangal roon e‘, iska hayso waxba waayi meynno e‘.”

Shirkii ayaa si rasmiya loo furay. Dhaqan ahaan maalintaa furitaanka shirarku hawl ma qabtaan ee wefdiyada rasmiga ah ee dawladaha, Ururrada Goboleed, kuwa caalamiga ah iyo Ururrada Soomaaliyeed ayaa ereygooda yidhaahda. Markii ay kuwii ajnebiga ahaa hadleen, ayaa waxa dhankii wefdiga SNM fadhiyay u soo dhaqaaqay nin reer Simbaabwi ahaa oo la odhan Liyonaardo Kapuungu oo la-taliye siyaasadeed u ahaa Wakiilkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya. Aniga oo madaxa wefdiga ahaa ayuu igu soo dhawaaday isaga oo warqad yar sita. Isaga oo warqaddii ii dhiibay waxa uu ii raaciyay:

“Waxa aanu jecel nahay in ereygiinna uu yidhaahdo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Soomaaliya ‘Ra’iisal-wasaare’ ka ahaan jiray.”

Intii aanan u jawaabin ayaan warqaddii eegay, waxaana ku qornaa: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ex-Prime Minister. Liyonaardo Kapuungu waxa aan ugu jawaabay:

“Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal in uu halkan ka hadlo waxba kama qabno, bal se ereyga SNM ee shirkan ku wajahan annaga ayaa jeedin doonna goorteeda”.

Goobta lagu shirayay waxa ay ahayd ‘Hall’-ka shirarka ee ECA-da ee ku yaalla Addis- Ababa. Qol bilicsan oo aad looga shaqeeyay ayuu ahaa. Waxa uu ahaa wareeg ama gool badhkii oo kala sarreeya, goob-joogayaasha oo hay’adaha diblomaasiyadeed ee Addis-Ababa jooga ahaa wareegga ugu sarreeya ayay fadhiyeen. Wareegyada hoose waxa fadhiyay ergooyinka Ururrada Soomaaliyeed oo mid walba warqad magaca Ururka muujinaysaa hor taallay. SNM ahaan waxa aanu fadhinay wareeggaa hoose dacalkiisa bidix, waxaana naga yar shisheeyay oo meel naga yar sarreysa kuraasidan la qaado loo dhigay wefdigii Guurtida Somaliland oo Cigaal ku jiray.

Shirku waxa uu ku furmay ereyo ay meesha ka soo jeediyeen ergooyinkii ajnabiga ahaa. Waxa ku xigay ergooyinkii Ururradii Soomaaliya. Waxa xusuus gaar mudan ereygii uu jeediyay Gen. Maxamed Abshir Muuse oo markaa ku hadlayay magaca SSDF. Waxa uu kaga duwanaa ergooyinkii kale isaga oo hadalkiisii ku daray soo dhaweyn uu u soo jeediyay SNM, isaga oo yidhi:

“Waxa aanu shirkan ku soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM.”

Shirkii ayaa cabbaar la yar xidhay oo shaah ayaa loo dareeray. Intayadii Somaliland ka socotay ayaa dhowr miis oo isu dhow fadhiisannay. Cigaal aad ayuu u xanaaqsan yahay oo waxa uu ku celcelinayaa:

“Aniga ayaa u jawaabaya Maxamed Abshir, anigaa u jawaabaya, nimaan aniga ahyni u jawaabi maayo.”

Annagii waa aanu yaabban nahay oo wax turxaan ah kuma aanu arkayn hadalkii Maxamed Abshir ee ahaa waanu soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM. Cigaal waa xanaaqsan yahay. Cabbaar ayaanu isku daynay in aanu dejinno. Waa aanu kari weynay. Mar danbe ayaanu ku nidhi:

“Adeer, SNM annaga ayaa u joogna e’ iska daa waxba ha isku lurin e’”.

Tiisii ayuu ku adkaystay oo ahayd in uu isagu jawaabi doono, annaguna waa aanu iska daynay.

Qolkii shirka ayaa lagu soo noqday. Liyonaardo Kapuungu ayaa isaga oo faraxsan u kacay dhankii ay Guurtida Somaliland fadhiday. Markiiba wixii weriyayaal joogay ayaa iyaguna dhankaa u ruqaansaday. Laambado aan tiro lahayn ayaa la soo riixay oo la shiday. Makrifoonnadaa ka darnaa. Miiskii shir-guddoonka ayaa lagaga dhawaaqay in uu hadal jeedin doono Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo Ra’iisal-wasaare Soomaaliya hore uga ahaan jiray. Sacab iyo sawaxan ayaa lala oogsaday. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Markii hore af-ingiriisi ayuu cabbaar ku hadlayay, markii danbena af-Soomaali ayuu u rogtay. Aniga oo aan hadalkiisii oo dhan halkan ku soo wada qaadayn, waxa aan jeclahay in aan soo garoocdo.

Maxamed Abshir ayuu ku bilaabay, isaga oo hadalkiisa ballaysin uga dhigay weedh deggenayd oo xurmo iyo maamuusba lahayd. Waxa uu yidhi:

“Walaalkay, Maxamed Abshir oo ahaa saaxiibkaygii xabsigu (af-carabi ayuu ku yidhi: ‘Sadiiqii fi sijn’) waa aad og tahay wixii uu Maxamed Siyaad Barre ina soo mariyay.”

Cabbaar ayuu xabsigii dheeraa ka yar sheekeeyay. Waxa uu raaciyay:

“Maxamed Abshiroow, SNM waxa aad u soo qaadday sidii wax ay ka maqnayd saaxadda dagaalka. Waxa aan kuu sheegayaa in aanaan ka maqnayn, Ururrada Soomaaliyeed ee halkan joogaana giddigood waa walaalahayo oo dibad is-kuma soorno.”

Kuma uu raagine markiiba waa uu ka baxay mowduucaa, shakina kuma jiro in uu ogaa wax aanaan ogeyn oo intayadii kale sidaa uma aanu dhadhansan hadalkaa Maxamed Abshir.

Khudbaddii Cigaal maalintaa ka jeediyay shirkaa ayaan hadba in idiin ka soo garoocayaaye, bal immikana aan eegno mar uu ka hadlayay maareynta xiisaddii Soomaaliya ka taagnayd. Waxa uu yidhi:

“Diinta Kiristanka marka aynu soo qaadanno, haddii uu dhinto wadaadka (Pope) ugu sarreeyaa waxa meel kiniisad ah lagu xereeyaa nimanka la yidhaa Kaardinaallada (Cardinals) si ay u shiraan oo ay u soo saaraan ninkii ‘Pope’-ka noqon lahaa. Cuntada iyo biyaha waa laga jaraa ilaa ay qof doortaan. Marka ay doortaan ayay dab shidaan si qiiqu meel sare uga baxo oo inta dibadda ku sugaysaa u aragto. Marka qiiqaa la arko ayaa biyaha iyo cuntada loola cararaa oo la gartaa in ay go’aan gaadheen oo wax doorteen. Anigu waan garanayaa raggii aan xerayn lahaa ee aan soomin lahaa.”

Soomaalidu waa ta ku maahmaahda: “Tol nin u taliyay iyo nin tuugay ayaa yaqaan.”

Cigaal isaga oo hadalkiisii wata ayuu isaga oo meel dhexe maraya soo geliyay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah:

“Haddaad xilo dooni Xamaro ag joog, haddaad xoolo dooni Xamaro ag joog, haddaad xarrago doonina Xamaro ag joog”.

Maalintaa Qolkii shirka lagu qabtay waxa si laxaad leh oo aan la qiyaasi karin u joogay dad faro badan oo dumar u badnaa oo Soomaaliya laga keenay oo lagu meydhaamayay Ururrada Siyaasadeed. Dhaqan ahaan urur walba waxa rasmi ahaan shirarkaa uga qayb geli jiray shan xubnood. Annaga marka nalaga reebo Ururrada Soomaaliya ka socday waxa ay ahaayeen ilaa 16 urur oo u kala qaybsanaa laba kooxood: afar urur oo ku bahoobay SNA oo Caydiid u madax ahaa iyo 14ka kale oo is-bahaysi Cali-mahdi u madax ahaa ka tirsanaa. Maahmaahdaa Cigaal markii ay maqleen ayay oogsadeen oo bilaabeen:

“Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey, hadba kiinna taag daran, taageera weligiin”.

Garo’ oo ereygii Xamaro ayay u qaateen Xamar oo waxa ay moodayeen in uu Cigaal leeyahay mar walba Xamar ag jooga. Cigaal ayaa hadalkiisii sii watay, waxa aanu yidhi isaga oo dareen-habowgaa ka jawaabaya:

“Cadkii uu hadalkaasi damqi jiray waa uu naga go’ay.”

Waa halkii uu Cigaal ka taagnaa midnamada madhan ee ragga qaarkii halhayska u noqotay. Waxa uu maalintaa Cigaal hadalkiisii ku daray in uu niman halkan fadhiya la soo qaaday hadal ah in halkan lagaga hadlo arrinta Soomaaliya oo aan ta Somaliland lagu soo darin oo ay ku gacan saydheen; iyaga oo uu ku sheegay in iyaga oo 700 oo kun oo qof Xamar ku dilay ay maanta halkan kaga doodayaan in ay aayaha Soomaaliyeed ka talinayaan.

Isaga oo hadalkiisii sii wata, Cigaal waxa uu yidhi:

“Arrinka Somaliland halkan maanta ma yaal. Boorame ayaa loo fadhiyaa oo uu yaallaa.”

Qas iyo wareer ayaa Qolkii shirka saaqay. Waa la isku yaac-yaacay. Fadhi iyo joog midna waa la xammili waayay. Shir-guddoonkii ayaa dhegta wax isu saar-saaray. Liyonaardo Kapuungu ayaa kursigii uu ku fadhiyay hayn waayay.

Dadka meesha fadhiyay wixii aan af-Soomaaliga qoon, waa loo tarjumayay oo samaacado ayaa dhegaha ugu jiray. Kolleyba inta aan xusuusto afafka wax lagu tarjumayay waxa ay ahaayeen: Ingiriisi, Faransiis iyo Carabi. Intaa markii uu yidhi ayaa buuqii sii batay. Liyonaardo Kapuungu ayaa u tegay Shir-guddoomiyihii oo ahaa nin diblomaasi ah oo reer Gini ah oo la odhan jiray Ambassador Lanzana Kouyate oo beddelay ninkii la odhan jiray Admiral Howe.

Liyonaardo Kapuungu ayaa si cadho leh u soo dhaqaaqay oo weriyayaashii Cigaal hor tubnaa inta uu askar soo kaxaystay qasab kaga dhaqaajiyay halkii ay taagnaayeen ee Cigaal hortiisa ahayd. laydhadhkii Cigaal ku shidnaana waa la bakhtiiyay. Laakiin makrifoonkii uu shirka kula hadlayay lagama bakhtiin. Rikoodh yar oo aan sitay oo Cigaal hor yaallay ayaan inta aan kacay makrifoon sudhay oo aan Cigaalna makrifoonkii raqabaddii shaadhka ugu xidhay. Khudbaddaa inteedii danbe cajaladdaa ayaanu ku duubannay.

Maalintaa subaxnimo ayuu shirka ka hadlayay. Markiiba annaguna waa aanu xanaaqnay oo dhaqdhaqaaq laxaad leh ayaanu samaynay. Malaha Cigaal waxa ay u majeeranayeen wax kale ayay ka filayeen. Tirada ayaa se nimankaa maalintaa ka gedmatay. Cigaal iyo wefdigii Guurtida waxa aanu ku celinnay Hudheelkii ay degganaayeen.

Annagu waxa aanu ku soo noqonnay Qolkii lagu shirayay. Markiiba warqad martiqaad iyo ogeysiis isugu jirtay oo af-Ingiriisi ah ayaanu garaacnay. Dabaqii hoose oo waraaqaha lagu badin jiray ayaanu la tagnay. Markii aanu soo badsannay waxa aanu la dhex qaadnay Qolkii shirka, wefdiyadii, diblomaasiyiintii iyo weriyayaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudahaba. Waxa aanu qabanqaabinnay shir-jaraa’id oo Cigaal ku qabanayo Hotel Afrique galabnimada oo si faahfaahsan ugaga hadlayo Qalalaasaha Soomaaliyeed iyo sida loo maaraynayo.

Hotel Afrique ayaanu tagnay si ay ugu diyaar-garoobaan. Maamulkii Hotel-ka ayaanu arrintii is-la qaadannay. Lacag kiro ah ayaa nala weydiiyay annaguna wax caynkaas ah oo lacag ah ma aanu hayn. Waanu la gorgortannay oo wax ayay naga rideen maa daama aanu maamulka garanaynay oo beryihii aanu halgamaynay ay ka shaqayn jireen hudheelladii Raas iyo Kaara-mardha ee Diri-dhabe ee aanu macmiisha la jecel yahay u ahayn.

Sidii ayuu ku hirgalay shirkii-jaraa’id ee Cigaal oo uu si cad ugu qeexay gooni-isu-taagga Somaliland, weriyayaashii oo ka xanaaqsanaa sidii Qolkii shirka looga dareeriyayna warkii meel walba waa ay ka tuureen. Subaxnimadii dayuurad ayaanu dalbannay sidiina wefdigii Guurtida waxa aanu ugu dirnay Boorame oo uu ka socday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland.

Maalin iyo laba ka dib ayaanu annaguna ka ambo-baxnay Addis-Ababa annaga oo Qolkii shirka iyo wefdiyadiiba u qaybinnay mowqifkii SNM oo qoraal ah.

Intaasi waxa ay iga ahayd hordhac ah, Cigaal waxa uu ka qabay Qalalaasaha Soomaaliyeed ka hor intii aan loo dooran Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland. Laga bilaabo maalintaa ilaa 3dii Meey 2002da oo ahayd maalintii uu geeriyooday Cigaal waxa uu aamminsanaa in:

  • Maareynta Qalalaasaha Soomaaliyeed lagu koobo Soomaaliya,
  • Ka dibna labada dal ay ka wada hadlaan aayahooda iyaga oo laba Jamhuuriyadood ah, sidii ay lixdankiiba u ahaayeen labada dal,

Bal aynu u soo daadegno Aragtidii Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliyeed intii uu hayay xilka Madaxweynenimo ee Somaliland.

Markii uu dhammaaday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland ee Boorame, halkaas oo Cigaal loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ergooyinkii waxa ay u kala baxeen meelihii ay ka yimaaddeen. Cigaal waxa uu u soo ambo-baxay magaalada Hargeysa 26/5/1993kii, isaga oo habeenkaa ku dhaxay magaalada gebilay. 27/5/1993kii ayuu soo galay Hargeysa oo loogu soo dhaweeyay si la yaab leh oo aan hore loo arag. Xusuusteenna ayaan fiicnayne, haddaad aad dib u daawato cajaladihii maalintaa la duubay waxa aad la xidhiidhinaysaa sidii loo bilay aaskiisii. Maalintaa Kheyriyada ayuu dadkii isu soo baxay kala hadlay.

30/5/1993kii Cigaal waxa uu ku dhawaaqay dhowr ka mid ah xubnihii Golihiisa Wasiirrada, dhowr maalmood ka dibna waxa uu khudbad ka jeediyay Kheyriyada. Waxa aan ka mid ahaa dadkii goob-joogga ka ahaa ee dhegeysanayay. Dadkii maalintaa dhegaysanayay aad ayay uga yaraayeen dadkii soo-dhawayntiisa u soo baxay 27/5/1993kii. Sida ay ila tahay yaraanta dadkii soo baxay maalintaa waxa u sabab ahaa saluug ay dadku ka muujiyeen xubnihii Golaha Wasiirrada ee uu magacaabay. Dareen aan qarsaday ma ahayn ee Cigaal inta aan xafiiskiisa subax ugu tegay ayaan weydiiyay sida uu u macnayn karayo dad badnaantii maalintii uu Hargeysa soo galay iyo dad yaraantii maalintan danbe. Taasi waa mowduuc kale e’ aan ku soo noqdo khudbaddii uu maalintaa danbe Kheyriyada ka jeediyay. Hadalku waa uu dheeraa, waxa se wax kasoo qaad lahaa Aaragtidii Cigaal ee maalintaa ee Qalalaasaha Soomaaliyeed.

Maalintaa isaga oo ka hadlayay Soomaalinnimada, hadalladii uu ku tiraabay waxa ay ahaayeen isaga oo yidhi kama aynu bixin Soomaalinnimadii. Waxa uu intaa raaciyay: “Lixdankii ciid xun ayaa lagu abaqaalaye, maanta ciid wanaagsan ayaynu doonaynaa in aynu ku abaqaalno.”

Isaga oo xilka ku cusub ayuu hadalkaa Kheyriyada ka yidhi. Markiiba dooddu waa ay bilaabantay, maalintaa iyo maalmihii xigayna waa lagu qayilayay. Cigaal laguma aqoon qof dareenkiisa qarsada. Kor iyo hoosba waa uu u odhan jiray. Cigaal waxa uu ahaa nin haladag. Sidaa ayuu midnimada u arkayay. Eedda midnimada ma uu saarayn. Midnimadu isaga waxa ay ugu xidhnayd ujeeddada laga leeyahay, sida loo hanto iyo sida hadba loogu adeegsado himilooyinka laga leeyahay. Ma ahayn nin inta uu meel fog tago ibriiq ku addima oo midnimo madhan ka sheekeeya.

Bal aynu in yar dib ugu noqonno lixdankii oo ay xummadda Midnimadu heerkeedii ugu sarreeyay taagnayd. Midnimadu beryahaa hadaaq iyo halhaysba waa ay noqotay. Xuduud ma ay lahayn. Waxa laga hadli jiray beryahaa Shanta Soomaaliyeed oo kala ahaa: Somalilan, Soomaaliya, Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysan jiray (Jabuutida maanta), N.F.D iyo Soomaalidii Galbeed (Kililka 5aad ee maanta). Midnimada Soomaaliyeed iyo Soomaali-weynba waa la odhan jiray. Waxa ay ahayd riyo la jeclaa in ay rumowdo. Waa loo hawl galay suugaan badanna waa laga tiriyay.

Iyada oo aragtidaa la wada rumeysnaa laga dhaqaaqayo, 26kii Juun ee 1960kii waxa xoroobay Somaliland, afar maalmood ka dibna oo ku beegnayd 1dii Juulay 1960kiina waxa xorowday Soomaaliya, is-la maalintaana waxa la xaqiijiyay oo la dhaqan geliyay midnimadii labadii dal ee xornimada qaatay. Sababta midnimadaa loo hirgeliyay waxa ay ahayd iyada oo la daba socday xaqiijintii Soomaali-weyn ama mideyntii shantii dal ee Soomaaliyeed. Maalmaha cidina midnimada qalad uma arkayn oo waa la aamminsanaa, mar danbe ayaa la haaraamayaa. Cigaal waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii midnimadaa dhaqan geliyay raadintii gobolladii kalena u hawl galay.

Waxba ku noqon maayo wixii dhacay, waxa aan se jeclahay in aan halkan ku caddeeyo in aanay Midnimadu hiifka iyo haaraanka geyin ee ay canaanta lahaayeen dadkii majaro-habaabiyay ee milgaheedii lumiyay.

Soomaaliyi ha midowdo wax badan oo ka hooseeyay ma jirin, cawaaqibkeediina waa aynu aragnay. Midnimadii berigaa la raadinayay ninka maanta doon-doonayaa waa qof riyoonaya. Waxyaabo badan ayaa is-beddelay oo aanan jeclayn in aan waqti iskaga lumiyo.

Maanta hadal-hayntu waxa ay taagan tahay labadii dal ee ku mideysnaa Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliyeed. Somaliland maa daama ay iskeed Soomaaliya ula midowday, iskeed ayay 18kii Meey 1991kii ula soo noqotay madax-bannaanideedii. Waa xaq ay leedahay oo aanay cidina ka qaadi karin.

Sidii ay wax ahaan jireen ma ahaanayaan, mana aha oo waa ay caddahay. Cigaal waxa uu u arkayay maareynta Qalalaasaha Soomaaliyeed in laba loo kala  qaado: Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa uu u arkayay Somaliland wax baa ka dhismaye, in arrinta Soomaaliya maaro loo helo, ka dibna iyaga oo laba dal oo xor ah oo jaar ah ay aayahooda ka wada tashadaan. Sidaa waa uu ku shaqeeyay oo cidna caad kama saarna.

Cigaal intii uu hayay hoggaanka Somaliland wax faro-gelin ah kuma yeelan Qalalaasaha ka taagan Soomaaliya oo kooxna gacan-saar lama lahayn, kooxna colaad gaar ah uma hayn. Soo-dhawayn iyo sooryaba waa uu u geystay intii Hargeysa ugu timid iyada oo aanay dad badani raalli ka ahayn. Cigaal kama aammusnayn masiibada Soomaaliya ka taagan e’ in badan ayuu ku dedaalay in uu ka hawl galo sidii maaro loogu heli lahaa. Dalalka aynu deriska nahay ee ku bahoobay IGAD oo arrinta Soomaaliya gacanta ku haya af iyo qoraalba waa uu ku weydiistay haddii aan loo oggolayn in Somaliland xubin ka noqoto in loo oggolaado in ay talo-bixin ku yeelato maareynta masiibada Soomaaliya ka taagan. Wax qarsoodiya ma ahayn.

Maareynta Qalalaasaha Soomaaliya ka taagan Cigaal waxa uu u arkayay in ay tahay arrin u taalla dadka Soomaaliyeed ee masiibadaasi haysato. Aragtidiisu waxa ay ahayd in xalku gudaha yaal ee aanu dibad ka iman. Waxa uu u arkayay in ay dersaan oo ay wax ka qaataan waayo-aragnimada hodanka ah ee Somaliland. Waxa uu heegan la ahaa hiil iyo hooba in ay maamulkiisa, Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ka geysan doonaan.

Cigaal qorshihiisii ku beegnaa maareynta masiibada Soomaaliya waxa uu si cad u soo bandhigay shirkii Carta ka hor isaga oo si aan mugdi ku jirin ugu marti-qaaday Hargeysa dhinacyada Soomaaliya isku haya, oo weliba intaa raaciyay in uu diyaar u yahay ergooyin gaadhaya ilaa 500 oo qof oo inta ay hawlahooda dhammaysanayaan fadhiya, kharashkana ay Somaliland qabto. Waxa uu deeqdaa ugu daray in aanay Somaliland ku masuugi doonin waayo-aragnimadeedii ee ay ergooyinka iyo dhinacyada is-haya ku soori doonto. Qorshahaa Jabuuti ayaa hororsatay wixii ka soo baxayna waxa uu noqday dawlad-ku-sheeggii ku-meel-gaadhka ahayd ee aan hadimada mooyaane hagar-baxa lahayn ee ku ragaadday bacaadka Muqdisho.

Cigaal iyo cid kasta oo si dhab ah oo mowduuciya u arkaysay waayaha Soomaaliyeed, midnimo ajendaha ugu ma jirin ugu mana jiri karayn. Waa wax aad u fog marka la eego xaaladda maanta taagan.

Cigaal sida uu u arkayay Qalalaasaha Soomaaliyeed waxa uu markii ugu danbaysay ku xaqiijiyay dareenkii af iyo qoraalba ahaa ee uu siiyay wefdigii ugu danbeeyay ee ururka IGAD ee u socday qabanqaabada shirka Nayroobi lagu qaban doono. Cigaal waxa uu mar kale caddeeyay in aanay Somaliland qayb ka noqon doonin ee ay tahay in shirkaa lagu heshiisiiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya ka dibna la wada hadli doono iyada oo laba dal oo deris iyo xorba ah la yahay. Sidaas ayuu ku god-galay, naxariistii Janno Alle ha siiyo e’.

Geeridu waa xaq e’ maa daama ay si kedis ah ku timid laga wada nax. Ma ahayn naxdin Somaliland ku kooban bal se Soomaali inteeda badan xadanto iyo xaradhaamoba waa ay ku yeelatay. Sohdimaha Soomaaliyeed naxdintaasi waa ay ka gudubtayoo dad iyo dalal kalena saameynteeda ayay ku yeelatay. Dhambaalladii tacsida ahaa ayaa ilaa maanta socda, gogoshaa badatay, meerisyada Quraanka ah ayaa la wareejiyay, tusbaxaa la rogay, raatubkaa la riday, af muslin iyo af-gaalaadba waa loogu duceeyay.

Geeridiisii iyo aaskiisiiba ididiilo hor leh ayay ka dhaliyeen gude iyo dibadba. Yuhuunta, kalgacalka, isa-saamaxa iyo isu-soo-dhawaanshaha gudaheenna ka dhashay waxa u dhigmayay ka dibadda ka dhashay, gaar ahaan Soomaaliya iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbo-joogga ah.

Xasan  Bariise oo magaalada Muqdisho BBC-da uga soo warramaa waxa uu inoo noo sheegay in dadweynuhu ku soo xoomeen idaacadda iyaga oo ka naxsan geeridaa isla markaana ka tiiraanyaysan aayaha danbe oo Somaliland oo ah meesha ugu deggan. Waxa uu intaa ku daray in ay werwer iyo walaac badan ka qabeen in dagaallo hor lihi ka curtaan oo xukunka la isku laayo, bal se ay degeen markii ay maqleen Madaxweyne ayaa la doortay. Waa shacbigii ma-kasta iyo maatada ahaa ee Muqdisho. Waa dareen la yaab leh oo mudan in laga mahad-celiyo. Dareenkaa mid la mid ah ayaa ka abuurmay halkanna oo shacbiga Somaliland sidaas oo kale ayay uga xun yihiin deggenaansho-la'aanta ka taagan Soomaaliya. Intaas oo keliya ma aha e’ waxa ay diyaar u yihiin in ay walaalahood gurmad u fidiyaan tamari meel ay dhigtaba. Bal hadda aynu eegno dareennadaa Muqdisho ka dhashay qaarkood sida ay Jamhuuriya inoogu soo gudbisay. Waxa aan xiganayaa Jamhuuriya, Vol. 11, cadadkii 1796 ee ku taariikhaysnaa 14/5/2002da. Waxa ay qortay:

“Idaacaduhu waxay sameeyeen barnaamaj ay ku cabbirayaan ra’yiga dadweynaha khadka tilifoonnada laguna xiriiriyay dadka. Waxa kale oo ay sameeyeen barnaamajyo dood-wadaag ah, waxay dadku u bateen 98% in ay Cigaal ku tilmaameen nin weyn oo Somaliland oo keli ah aan ka tegine Soomaali weyn oo dhan ka tegay.”

Taasi sharaf ayay u tahay Cigaal iyo Somalilandba ee ma aha wax Cigaal canbaar looga dhigo sida ay dadka qaarkii la tahay.

Dareenka walaalnimo iyo baroor-diiqdu waa ay badnayd. Waxa aan jeclahay in aan halkan ku xuso dareenkii la yaabka lahaa ee Cabdillaahi Majoor oo aanay ahayn markii ugu horreysay ee uu sidaas oo kale uga hadlo Somaliland. Waxa uu ka mid ahaa odayaal la keenay Hargeysa oo burburtay markii ay garaaceen madaafiicdii iyo dayuuradihii nidaamkii bahalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

Hadalladii Cabdillaahi Majoor waxa ka mid ahaa maalintaa BBC-du wareysanaysay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah: “Rag cadaab ciil ka dooray.”

Waxa kale oo aan jeclahay in aan halkan ku xuso hadalladii xadantada lahaa ee Sheekh Mukhtaar oo ahaan jiray Guddoomiye Barlamaan. Sheekh Mukhtaar maalintaa waxa uu ku soo gebagebeeyay hadalkiisii Ilaaheey baa og ninka Madaxweyne noqonaya  ee nabaddiinna iyo deggenaanshihiinna ha ku ciyaarina oo dagaal ehliyi yaanu bilaabmin. Sheekh Mukhtaar iyo inta ay dareen-wadaagta ahaayeen Somaliland dal iyo dadba lexejeclo ayay ka qabeen. Waa ay u naxayeen. Waa ay u baqanayeen. Waxa ay ku naalloonayeen oo naruuro u ahaa nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland. In badan oo kale ayaa dareenkaa la wadaagtay oo aan fursad u helin in ay idaacad kaga hadlaan ama E-maillo ku soo diraan.

Hotel Shaamow maxaa ka dhacay 8/5/2002da? Faahfaahin badan ka ma hayo oo aan ahayn intii aynu BBC-da ka maqallay. Xafladdaa oo loogu baroor-diiqayay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa soo qabanqaabiyay ururro ay ka mid yihiin: INXA, CRD (Xarunta Wada-tashiga iyo Cilmi-baadhista) iyo qaar kale. Sida aan aamminsanahay niyad-samaan ayay ka ahayd oo ujeeddooyin xun ka ma ay lahayn. Soomaalidu se waxa ay ku maahmaahdaa: “Baruur keliya ayaa baruuro qudhmisa.” Ururradaasi tacsidii ay niyad-samida u abaabuleen waxa ka sadheeyay Cismaan Jaamac oo aan abidkii kob caano leh ka soo durdurin.

Cismaan Jaamac inta uu makrifoonkii qaatay ayaa waxa uu yidhi waxa aan ka sheekeynayaa wixii uu jeclaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo nimanka qaban doona hoggaanka Somaliland. Cismaan Jaamac hore uma aqoon Cigaal, immikana ma aqoon. Hore uma aqoon oo Cismaan Jaamac tuutihii Maxamed Siyaad Barre ayaa keenay oo waxa uu ahaa nin towraddii la kowsaday. Cigaalna waa uu xidhnaa baa lagaa yidhi. Intii uu Cigaal Somaliland hoggaaminayayna Cismaan dalka cag ma soo dhigin oo London ayuu iska deggenaa. Halkee ayuu Cigaal iyo waxa uu jecel yahay ku yaqaannay? Bal adba.

Inkasta oo aanu mudnayn in aan waqti badan iskaga lumiyo, bal hadda u fiirsada laba arrimood:

Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Cigaal canbaaree markii uu ceeb kale u waayayna waxa uu yidhi:” Cigaal waxa uu jeclaa in uu Villa Baydhaba ku noolaado”,

Mar kale Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Somaliland bac ku xidh. Markaana waxa uu yidhi: “Ragga madaxnimada u soo socdaa waa rag midnimada jecel.”

Ninkii odeyga ahaa intaas ayuu la shir yimid. Laf buu toobin ku hayaa. Cismaan ma oga in Cigaal sidii uu jeclaa loo yeelay oo iyada oo dardaarankiisii la raacayo aabbihii agtiisa, magaalada Berbera lagu aasay. Deelleydii Cabdi Iidaan, Alla ha u naxariistee, ee Awrka Dooh ma lagu yidhi ayaa waxa ku jirtay:

“Doontaba aan yeellee,

Damacdaba aan raacnee”,

Bal hadda taa Cismaanba aan raacnee, maxaa ku jaban haddii uu Cigaal jeclaa Villa Baydhaba? Sow waayo kuma noolayn? Sow dal Soomaaliyeed ma aha? Miyaanu Sheekh Mukhtaar Hargeysa jeclayn? Cabdillaahi Majoor miyaanu Somaliland u damqanayn? Haddii aanu Muqdisho u damqanno ma canbaar iyo denbi baa? Waa nin iyo garaadkii, Cismaan Jaamacna daaqsin-geel wax kama arko e’ aragtidiisa ayaan gurgur-qaanso dhaafsiisnayn.

Is-weydiintu waxa ay tahay waxa uu Cismaan jecel yahay. Cismaan ma annaga ayuu midnimo nagu khuukhin karaa? Soomaaliyi waa tii midowday ee yaa gaadhsiiyay halka ay maanta kala taagan tahay? Labaatankii sannadood ee uu ka tirsanaa nidaamkii Siyaad Barre miyuu Cismaan illoobay? Maanta Cismaan ma hadal baa u bannaanaa?

Cismaan waxa aanu ka war-qabin in garaadka dadku la korayay dibudhiska iyo horumarka. Dareenka maanta Hargeysa iyo Muqdisho yaallaa ma oollin sannado ka hor. Maalintii timaaddaba dadka waayo-aragnimo hor leh ayaa u kordhaysa. Waa la soo dhaafay xilliyadii dadka la isku soofayn jiray ee la isku diri jiray.

Ugu danbaynna waxa aan Cismaan Jaamac ku leeyahay:

“Ha salaaxin naas gudhan,

Ninkii gaaggaxshaa tee.”

Qormada: 2aad

“Oo weli timahaagu waa madow e’.” Inta uu ilko-caddeeyay oo madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: “Jihaadka ayaa idin caddeeyay.” Waxa ay ahayd markii iigu horreysay ee aan noloshayda gacan-qaado lana sheekaysto.

 

Intii danbe Boorame ayaan kula kulmi jiray oo muddo bilo ah uu ka socday Shirweynihii 1aad ee Guurtidu oo Cigaal loogu doortay Madaxweyne, Meey 1993kii. In badan ayaanu halkaa ku kulannay oo ku sheekaysannay, bal se aan u gudbo dhacdada aan u socday oo ah mar aanu Addis Ababa wada tagnay bishii Maarj 1993kii.

 

Maarj 1993kii waxa magaalada Addis-Ababa lagu qabtay wareeggii 2aad ee shirar ku suntanaa Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabiyeen Qarammada Midoobay oo beryahaa Xoghaye Guud uu ka ahaa Butrus Qaali oo ku dhex ambaday Qalalaasaha Soomaaliyeed, raad-gadka loo maareyn la’ yahayna kaga tegay.  Wareeggii 1aad waxa la qabtay bishii Jeeniweri 1993kii waxaana ka soo qayb galay Butrus Qaali iyo wefdi uu hoggaaminayay, si aan mugdi ku jirinna waxa u muuqatay sida aan qarsoodiga ahayn ee Butrus Qaali u af-duubayay qadiyadda Soomaaliyeed. Shirarkaa waxa isugu iman jiray Ururrada Siyaasadeed ee Soomaaliya, ururka SNM-na waxa uu u tegi jiray goob-jooge ahaan. Labadaa shirba waan ka qayb galay.

 

In yar haddii aynu dib u noqonno, 1991kii markii Somaliland lagu dhawaaqay Cigaal mar ayuu soo gaadhay Burco oo lagu shirsanaa. Isla sannadkaa, Jabuuti waxa uu kaga qayb-galay laba shir oo ahaa dibuheshiisiin Soomaaliyeed oo go’aammadii ugu mudnaa ee ka soo baxay aynu ka xusi karno:

 

  • Dastuurkii 1961kii oo lagu dhaqmo,
  • Cali-mahdi oo loo doortay Madaxweyne ku-meel-gaadh ah,

 

Cigaal shirarkaa ka dib waxa uu ku noqday dalkaa Imaaraadka Carabta oo uu deggenaa, wax hawl siyaasadeed ahna kuma uu lug lahayn. Waxa kale oo jirtay in Cali-mahdi markii uu Muqdisho ku noqday uu dhisay dawlad uu Cumar Carte Qaalib ka noqday Ra’iisal-wasaare, kaas oo Golihiisii Wasiirrada ku soo daray Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Xukuumaddaa Cigaal kama uu qayb gelin.

 

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu yimid Somaliland 1993kii markii uu Shirweynihii Guurtidu ka socday magaalada Boorame, halkaas oo uu mar kale ka bilaabay hawlihiisii siyaasadeed ilaa 3/5/2002da oo uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalkaa Koonfur Afrika.

 

Aan u soo noqdo shirkii 2aad ee Maarj 1993kii iyo Addis-Ababa. Saddex wefdi ayaa Somaliland uga aqyb galay: wefdi SNM ka socday oo aan hoggaaminayay, wefdi Guurtida ka socday oo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Nuux, marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo rag kalena ka mid ahaayeen oo 20 xubnood ahaa iyo wefdi ka socday ururrada samo-falka oo uu hoggaaminayay Yuusuf Xirsi Galow.

 

Dhaqan ahaan wefdiyada rasmiga ah ee Ururrada waxa la dejin jiray Hotel Ghion. Halkii ayaanu ku degnay. Wefdigii Guurtida waxa lagu dejiyay Hotel Afrique. Waxa aan xusuustaa Cigaal oo galab noogu yimid Hotel Ghion. Waxa uu xidhnaa surwaal boor ah iyo garan bunni madow xiga ah oo ku giigsan. Waxa uu sitay shandad yar oo “samsonite” ah oo maas ah oo cas. Shandaddaa Boorame waa uu ku haysan jiray, markii uu Madaxweynaha noqdayna xafiiska ayuu ku haysan jiray.

 

Markii uu Hotel Ghion soo galay annaga oo halkaa degganayn ayuu noo yimid. Hawl ayuu Hotel Ghion u yimid waxa aanay la noqotay inta aanu hawl gelin in uu horto na arko oo noo sheego hawsha uu u socdo, ka dibna ku hawl galo waxa aanu ku heshiinno. Wax la yaab leh ma ahayn. Waa siyaasad iyo caadadeed. Cigaal ma uu jeclayn in aanu meel kale ka maqallo waxa uu wado, bal se waxa ay la noqotay oo uu ku hagaagsanaa in uu nala socodsiiyo hawsha uu u socdo. Intayadii halkaa degganayd ee ahayd wefdiga rasmiga ah ee SNM iyo Cigaal ayaanu meel ku wada fadhiisannay. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Waxa uu yidhi:

 

“Adeer, waxa aan halkan galabta u imid in aan arko qaar ka mid ah madaxda wefdiyada Ururrada Soomaaliya oo aanu afka is-gelinno inta aan shirka si rasmiya loo furin. Waxa aan doonayaa in aan ku qanciyo haddii ay ila qaataan in shirkani hawlihiisa ku koobo Soomaaliya oo aan shirkan lagu soo qaadin arrinta Somaliland. Sidaa darteed ayaan idiin ku imid si aan idiin la socodsiiyo oo aanan ugu dhaqaaqin wax aydaan la socon.”

 

Cabdiraxmaan Axmed Cali, oo ahaa Guddoomiyaha SNM nala ma socon, aniga oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa markaa ahaa madaxa wefdiga SNM oo si ku-meel-gaadh ah u masilayay Guddoomiyihii SNM oo aan goobta joogin. Waxa kale oo jirtay intii aanaan Boorame ka soo ambo-bixin in Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Guddoomiyaha SNM iyo Madaxweynaha Somaliland uu warqad rasmiya noo soo dhiibay taas oo uu ku soo qoray in uu Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal madax u yahay wefdiyada Somaliland ee shirka ka qayb gelaya.

 

Aynu ku noqonno Hotel Ghion iyo kulankii gaabnaa ee aanu Cigaal galabtaa la yeelannay. Markii uu Cigaal hadalkii ka baxay naxdin iyo khajilaad ayaa nagu habsatay. Da’dayadii iyo da’dii Cigaal ayaanu isu eegay. Waayo-aragnimadiisii iyo taayadii ayaanu isu eegay. Waxa aanu la yaabnay su’aashan uu na weydiiyay. Haddana is-la markiiba waa aanu garawsannay in ay daw ahayd. Markiiba aniga ayaa hadalkii qaatay:

“Adeer hawshan aad u socoto waxa aanu u aragnaa mid inoo wada dan ah. Waa hawl aad ku dhaqaaqi karto waxna ka ma qabno. Waxa kale oo aanu kuu sheegaynaa in aanad u baahnayn mar walba in aad noo timaaddo ee marba wixii aad dan mooddo ku dhaqaaq, adiga oo aan nasoo wargelinna ogsoonow in aanu kugula jirno.”

Miiskii intii aanaan ku kala kicin ayaanu is-la eegnay madaxda wefdiyada ee uu la kulmayo iyo meelaha ay deggan yihiin. Waxa aan ka sii xusuustaa in aanu is-la qaadannay in la arko: Caydiid, Cali-mahdi, Cabdillaahi Yuusuf iyo qaar kale. Hawshii isaga ayaanu u daynay oo ku dhaqaaqay. Galabtaa aanu Hotel Ghion ku kulannay isaga oo ogsoonaa in aan wefdiyada Somaliland wax kharash ah la soo siin, waxa uu nagu yidhi:

 

“Adeer, laba kun oo Doollar ayay niman aanu xidid nahay sooryo iigu keeneen, ee aan wax idin ka siiyo.”

 

Mar kale ayaanu haddana naxnay. Waxa aan ku idhi:

“Adeer, annaga ayaa kaa galaangal roon e‘, iska hayso waxba waayi meynno e‘.”

Shirkii ayaa si rasmiya loo furay. Dhaqan ahaan maalintaa furitaanka shirarku hawl ma qabtaan ee wefdiyada rasmiga ah ee dawladaha, Ururrada Goboleed, kuwa caalamiga ah iyo Ururrada Soomaaliyeed ayaa ereygooda yidhaahda. Markii ay kuwii ajnebiga ahaa hadleen, ayaa waxa dhankii wefdiga SNM fadhiyay u soo dhaqaaqay nin reer Simbaabwi ahaa oo la odhan Liyonaardo Kapuungu oo la-taliye siyaasadeed u ahaa Wakiilkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya. Aniga oo madaxa wefdiga ahaa ayuu igu soo dhawaaday isaga oo warqad yar sita. Isaga oo warqaddii ii dhiibay waxa uu ii raaciyay:

 

 

Qormada: 3aad

“Waxa aanu jecel nahay in ereygiinna uu yidhaahdo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Soomaaliya ‘Ra’iisal-wasaare’ ka ahaan jiray.”

Intii aanan u jawaabin ayaan warqaddii eegay, waxaana ku qornaa: Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ex-Prime Minister. Liyonaardo Kapuungu waxa aan ugu jawaabay:

“Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal in uu halkan ka hadlo waxba kama qabno, bal se ereyga SNM ee shirkan ku wajahan annaga ayaa jeedin doonna goorteeda”.

Goobta lagu shirayay waxa ay ahayd ‘Hall’-ka shirarka ee ECA-da ee ku yaalla Addis- Ababa. Qol bilicsan oo aad looga shaqeeyay ayuu ahaa. Waxa uu ahaa wareeg ama gool badhkii oo kala sarreeya, goob-joogayaasha oo hay’adaha diblomaasiyadeed ee Addis-Ababa jooga ahaa wareegga ugu sarreeya ayay fadhiyeen. Wareegyada hoose waxa fadhiyay ergooyinka Ururrada Soomaaliyeed oo mid walba warqad magaca Ururka muujinaysaa hor taallay. SNM ahaan waxa aanu fadhinay wareeggaa hoose dacalkiisa bidix, waxaana naga yar shisheeyay oo meel naga yar sarreysa kuraasidan la qaado loo dhigay wefdigii Guurtida Somaliland oo Cigaal ku jiray.

Shirku waxa uu ku furmay ereyo ay meesha ka soo jeediyeen ergooyinkii ajnabiga ahaa. Waxa ku xigay ergooyinkii Ururradii Soomaaliya. Waxa xusuus gaar mudan ereygii uu jeediyay Gen. Maxamed Abshir Muuse oo markaa ku hadlayay magaca SSDF. Waxa uu kaga duwanaa ergooyinkii kale isaga oo hadalkiisii ku daray soo dhaweyn uu u soo jeediyay SNM, isaga oo yidhi:

“Waxa aanu shirkan ku soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM.”

Shirkii ayaa cabbaar la yar xidhay oo shaah ayaa loo dareeray. Intayadii Somaliland ka socotay ayaa dhowr miis oo isu dhow fadhiisannay. Cigaal aad ayuu u xanaaqsan yahay oo waxa uu ku celcelinayaa:

“Aniga ayaa u jawaabaya Maxamed Abshir, anigaa u jawaabaya, nimaan aniga ahyni u jawaabi maayo.”

Annagii waa aanu yaabban nahay oo wax turxaan ah kuma aanu arkayn hadalkii Maxamed Abshir ee ahaa waanu soo dhawaynaynaa walaalahayaga SNM. Cigaal waa xanaaqsan yahay. Cabbaar ayaanu isku daynay in aanu dejinno. Waa aanu kari weynay. Mar danbe ayaanu ku nidhi:

“Adeer, SNM annaga ayaa u joogna e’ iska daa waxba ha isku lurin e’”.

Tiisii ayuu ku adkaystay oo ahayd in uu isagu jawaabi doono, annaguna waa aanu iska daynay.

Qolkii shirka ayaa lagu soo noqday. Liyonaardo Kapuungu ayaa isaga oo faraxsan u kacay dhankii ay Guurtida Somaliland fadhiday. Markiiba wixii weriyayaal joogay ayaa iyaguna dhankaa u ruqaansaday. Laambado aan tiro lahayn ayaa la soo riixay oo la shiday. Makrifoonnadaa ka darnaa. Miiskii shir-guddoonka ayaa lagaga dhawaaqay in uu hadal jeedin doono Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo Ra’iisal-wasaare Soomaaliya hore uga ahaan jiray. Sacab iyo sawaxan ayaa lala oogsaday. Cigaal ayaa hadalkii bilaabay. Markii hore af-ingiriisi ayuu cabbaar ku hadlayay, markii danbena af-Soomaali ayuu u rogtay. Aniga oo aan hadalkiisii oo dhan halkan ku soo wada qaadayn, waxa aan jeclahay in aan soo garoocdo.

Maxamed Abshir ayuu ku bilaabay, isaga oo hadalkiisa ballaysin uga dhigay weedh deggenayd oo xurmo iyo maamuusba lahayd. Waxa uu yidhi:

“Walaalkay, Maxamed Abshir oo ahaa saaxiibkaygii xabsigu (af-carabi ayuu ku yidhi: ‘Sadiiqii fi sijn’) waa aad og tahay wixii uu Maxamed Siyaad Barre ina soo mariyay.”

Cabbaar ayuu xabsigii dheeraa ka yar sheekeeyay. Waxa uu raaciyay:

“Maxamed Abshiroow, SNM waxa aad u soo qaadday sidii wax ay ka maqnayd saaxadda dagaalka. Waxa aan kuu sheegayaa in aanaan ka maqnayn, Ururrada Soomaaliyeed ee halkan joogaana giddigood waa walaalahayo oo dibad is-kuma soorno.”

Kuma uu raagine markiiba waa uu ka baxay mowduucaa, shakina kuma jiro in uu ogaa wax aanaan ogeyn oo intayadii kale sidaa uma aanu dhadhansan hadalkaa Maxamed Abshir.

Khudbaddii Cigaal maalintaa ka jeediyay shirkaa ayaan hadba in idiin ka soo garoocayaaye, bal immikana aan eegno mar uu ka hadlayay maareynta xiisaddii Soomaaliya ka taagnayd. Waxa uu yidhi:

“Diinta Kiristanka marka aynu soo qaadanno, haddii uu dhinto wadaadka (Pope) ugu sarreeyaa waxa meel kiniisad ah lagu xereeyaa nimanka la yidhaa Kaardinaallada (Cardinals) si ay u shiraan oo ay u soo saaraan ninkii ‘Pope’-ka noqon lahaa. Cuntada iyo biyaha waa laga jaraa ilaa ay qof doortaan. Marka ay doortaan ayay dab shidaan si qiiqu meel sare uga baxo oo inta dibadda ku sugaysaa u aragto. Marka qiiqaa la arko ayaa biyaha iyo cuntada loola cararaa oo la gartaa in ay go’aan gaadheen oo wax doorteen. Anigu waan garanayaa raggii aan xerayn lahaa ee aan soomin lahaa.”

Soomaalidu waa ta ku maahmaahda: “Tol nin u taliyay iyo nin tuugay ayaa yaqaan.”

Cigaal isaga oo hadalkiisii wata ayuu isaga oo meel dhexe maraya soo geliyay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah:

“Haddaad xilo dooni Xamaro ag joog, haddaad xoolo dooni Xamaro ag joog, haddaad xarrago doonina Xamaro ag joog”.

Maalintaa Qolkii shirka lagu qabtay waxa si laxaad leh oo aan la qiyaasi karin u joogay dad faro badan oo dumar u badnaa oo Soomaaliya laga keenay oo lagu meydhaamayay Ururrada Siyaasadeed. Dhaqan ahaan urur walba waxa rasmi ahaan shirarkaa uga qayb geli jiray shan xubnood. Annaga marka nalaga reebo Ururrada Soomaaliya ka socday waxa ay ahaayeen ilaa 16 urur oo u kala qaybsanaa laba kooxood: afar urur oo ku bahoobay SNA oo Caydiid u madax ahaa iyo 14ka kale oo is-bahaysi Cali-mahdi u madax ahaa ka tirsanaa. Maahmaahdaa Cigaal markii ay maqleen ayay oogsadeen oo bilaabeen:

“Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey, hadba kiinna taag daran, taageera weligiin”.

Garo’ oo ereygii Xamaro ayay u qaateen Xamar oo waxa ay moodayeen in uu Cigaal leeyahay mar walba Xamar ag jooga. Cigaal ayaa hadalkiisii sii watay, waxa aanu yidhi isaga oo dareen-habowgaa ka jawaabaya:

 

 

Qormada: 4aaad

“Cadkii uu hadalkaasi damqi jiray waa uu naga go’ay.”

Waa halkii uu Cigaal ka taagnaa midnimada madhan ee ragga qaarkii halhayska u noqotay. Waxa uu maalintaa Cigaal hadalkiisii ku daray in uu niman halkan fadhiya la soo qaaday hadal ah in halkan lagaga hadlo arrinta Soomaaliya oo aan ta Somaliland lagu soo darin oo ay ku gacan-saydheen; iyaga oo uu ku sheegay in iyaga oo todoba boqol oo kun oo qof Xamar ku dilay ay maanta halkan kaga doodayaan in ay aayaha Soomaaliyeed ka talinayaan.

Isaga oo hadalkiisii sii wata, Cigaal waxa uu yidhi:

“Arrinka Somaliland halkan maanta ma yaal. Boorame ayaa loo fadhiyaa oo uu yaallaa.”

Qas iyo wareer ayaa Qolkii shirka saaqay. Waa la isku yaac-yaacay. Fadhi iyo joog midna waa la xammili waayay. Shir-guddoonkii ayaa dhegta wax isu saar-saaray. Liyonaardo Kapuungu ayaa kursigii uu ku fadhiyay hayn waayay.

Dadka meesha fadhiyay wixii aan af Soomaaliga qoon, waa loo tarjumayay oo samaacado ayaa dhegaha ugu jiray. Kolleyba inta aan xusuusto afafka wax lagu tarjumayay waxa ay ahaayeen: Ingiriisi, Faransiis iyo Carabi. Intaa markii uu yidhi ayaa buuqii sii batay. Liyonaardo Kapuungu ayaa u tegay Shir-guddoomiyihii oo ahaa nin diblomaasi ah oo reer Gini (Conakry) ahaa oo la odhan jiray Ambassador Lanzana Kouyate oo beddelay ninkii ka horreeyay ee la odhan jiray Admiral Howe.

Liyonaardo Kapuungu ayaa si cadho leh u soo dhaqaaqay oo weriyayaashii Cigaal hor tubnaa inta uu askar soo kaxaystay qasab kaga dhaqaajiyay halkii ay taagnaayeen ee Cigaal hortiisa ahayd. laydhadhkii Cigaal ku shidnaa ee kamirooyinkii loo adeegsanayayna waa la bakhtiiyay. Laakiin makrifoonkii uu shirka kula hadlayay lagama bakhtiin. Rikoodh yar oo aan sitay oo Cigaal hor yaallay ayaan inta aan kacay makrifoon sudhay oo aan Cigaalna makrifoonkii raqabaddii shaadhka ugu xidhay. Khudbaddaa inteedii danbe cajaladdaa ayaanu ku duubannay.

Maalintaa subaxnimo ayuu shirka ka hadlayay. Markiiba annaguna waa aanu xanaaqnay oo dhaqdhaqaaq laxaad leh ayaanu samaynay. Malaha Cigaal waxa ay u majeeranayeen wax kale ayay ka filayeen. Tirada ayaa se nimankaa maalintaa ka gedmatay. Cigaal iyo wefdigii Guurtida waxa aanu ku celinnay Hudheelkii ay degganaayeen.

Annagu waxa aanu ku soo noqonnay Qolkii lagu shirayay. Markiiba warqad martiqaad iyo ogeysiis isugu jirtay oo af Ingiriisi ah ayaanu garaacnay. Dabaqii hoose oo waraaqaha lagu badin jiray ayaanu la tagnay. Markii aanu soo badsannay waxa aanu la dhex-qaadnay Qolkii shirka, wefdiyadii, diblomaasiyiintii iyo weriyayaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudahaba. Waxa aanu qabanqaabinnay shir-jaraa’id oo Cigaal ku qabanayay Hotel Afrique galabnimadaa, kaas oo uu si faah-faahsan ugaga hadlayay Qalalaasaha Soomaaliyeed iyo sida loo maaraynayo.

Hotel Afrique ayaanu tagnay si ay ugu diyaar-garoobaan. Maamulkii Hotel-ka ayaanu arrintii is-la qaadannay. Lacag kiro ah ayaa nala weydiiyay annaguna wax caynkaas ah oo lacag ah ma aanu hayn. Waanu la gorgortannay oo wax ayay naga rideen maa daama aanu maamulka garanaynay oo beryihii aanu halgamaynay ay ka shaqayn jireen dhudheelladii Raas iyo Kaara-mardha ee Diri-dhabe ee aanu macmiisha la jecel yahay u ahayn.

Sidii ayuu ku hirgalay shirkii-jaraa’id ee Cigaal oo uu si cad ugu qeexay gooni-isu-taagga Somaliland, weriyayaashii oo ka xanaaqsanaa sidii Qolkii shirka looga dareeriyayna warkii meel walba waa ay ka tuureen. Subaxnimadii dayuurad ayaanu dalbannay sidiina wefdigii Guurtida waxa aanu ugu dirnay Boorame oo uu ka socday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland.

Maalin iyo laba ka dib ayaanu annaguna ka ambo-baxnay Addis-Ababa annaga oo Qolkii shirka iyo wefdiyadiiba u qaybinnay mowqifkii SNM oo qoraal ah.

Intaasi waxay iga ahayd hordhac ah, Cigaal waxa uu ka qabay Qalalaasaha Soomaaliyeed ka hor intii aan loo dooran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Laga bilaabo maalintaa ilaa 3dii Meey 2002da oo ahayd maalintii uu geeriyooday Cigaal waxa uu aamminsanaa in:

  • Maareynta Qalalaasaha Soomaaliyeed lagu koobo Soomaaliya,
  • Ka dibna labada dal ay ka wada hadlaan aayahooda iyaga oo laba Jamhuuriyadood ah, sidii ay lixdankiiba u ahaayeen labada dal,

Bal aynu u soo daadegno Aragtidii Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliyeed intii uu hayay xilka Madaxweynenimo ee Somaliland.

Markii uu dhammaaday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland ee Boorame, halkaas oo Cigaal loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ergooyinkii waxay u kala baxeen meelihii ay ka yimaaddeen. Cigaal waxa uu u soo ambo-baxay magaalada Hargeysa 26/5/1993kii, isaga oo habeenkaa ku dhaxay magaalada gebilay. 27/5/1993kii ayuu soo galay Hargeysa oo loogu soo dhaweeyay si la yaab leh oo aan hore loo arag. Xusuusteenna ayaan fiicnayne, haddii aad dib u daawato cajaladihii maalintaa la duubay waxa aad la xidhiidhinaysaa sidii loo bilay aaskiisii. Maalintaa Kheyriyada ayuu dadkii isu soo baxay kala hadlay.

30/5/1993kii Cigaal waxa uu ku dhawaaqay dhowr ka mid ah xubnihii Golihiisa Wasiirrada, dhowr maalmood ka dibna waxa uu khudbad ka jeediyay Kheyriyada. Waxa aan ka mid ahaa dadkii goob-joogga ka ahaa ee dhegeysanayay. Dadkii maalintaa dhegaysanayay aad ayay uga yaraayeen dadkii soo-dhawayntiisa u soo baxay 27/5/1993kii. Sida ay ila tahay yaraanta dadkii soo baxay maalintaa waxa u sabab ahaa saluug ay dadku ka muujiyeen xubnihii Golaha Wasiirrada ee uu magacaabay. Dareen aan qarsaday ma ahayn ee Cigaal inta aan xafiiskiisa subax ugu tegay ayaan weydiiyay sida uu u macnayn karayo dad badnaantii maalintii uu Hargeysa soo galay iyo dad yaraantii maalintan danbe. Taasi waa mowduuc kale e’ aan ku soo noqdo khudbaddii uu maalintaa danbe Kheyriyada ka jeediyay. Hadalku waa uu dheeraa, waxa se wax ka soo qaad lahaa Aaragtidii Cigaal ee maalintaa ee Qalalaasaha Soomaaliyeed.

Maalintaa isaga oo ka hadlayay Soomaalinnimada, hadalladii uu ku tiraabay waxa ay ahaayeen isaga oo yidhi kama aynu bixin Soomaalinnimadii. Waxa uu intaa raaciyay: “Lixdankii ciid xun ayaa lagu abaqaalaye, maanta ciid wanaagsan ayaynu doonaynaa in aynu ku abaqaalno.”

Isaga oo xilka ku cusub ayuu hadalkaa Kheyriyada ka yidhi. Markiiba dooddu waa ay bilaabantay, maalintaa iyo maalmihii xigayna waa lagu qayilayay. Cigaal laguma aqoon qof dareenkiisa qarsada. Kor iyo hoosba waa uu u odhan jiray. Cigaal wuxu ahaa nin hal-adag. Sidaa ayuu midnimada u arkayay. Eedda midnimada ma uu saarayn. Midnimadu isaga waxay ugu xidhnayd ujeeddada laga leeyahay, sida loo hanto iyo sida hadba loogu adeegsado himilooyinka laga leeyahay. Ma ahayn nin inta uu meel fog tago ibriiq ku addima oo midnimo madhan ka sheekeeya.

 

Qormada: 5aad

Bal aynu in yar dib ugu noqonno lixdankii oo ay xummaddii Midnimadii Soomaaliyeed heerkeedii ugu sarreeyay taagnayd. Midnimadu beryahaa hadaaq iyo halhaysba waa ay noqotay. Xuduud ma ay lahayn. Waxa laga hadli jiray beryahaa Shanta Soomaaliyeed oo kala ahaa: Somaliland, Soomaaliya, Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysan jiray (Jabuutida maanta), N.F.D iyo Soomaalidii Galbeed (Kililka 5aad ee maanta). Midnimada Soomaaliyeed iyo Soomaali-weynba waa la odhan jiray. Waxa ay ahayd riyo la jeclaa in ay rumowdo. Waa loo hawl-galay, suugaan badanna waa laga tiriyay.

Iyada oo aragtidaa la wada rumeysnaa laga dhaqaaqayo, 26kii Juun ee 1960kii waxa xoroobay Somaliland, afar maalmood ka dibna oo ku beegnayd 1dii Juulay 1960kiina waxa xorowday Soomaaliya, is-la maalintaana waxa la xaqiijiyay oo la dhaqan geliyay is-raacii labadii dal ee xornimada qaatay. Sababta is-raacaa ama isku-darkaa loo hirgeliyay waxa ay ahayd iyada oo la daba-socday xaqiijintii Soomaali-weyn ama mideyntii shantii dal ee Soomaaliyeed. Maalmaha cidina is-raacaa qalad uma arkayn oo waa la aamminsanaa, mar danbe ayaa la haaraamayaa. Cigaal wuxu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii is-raacaa dhaqan geliyay raadintii gobolladii kalena u hawl galay.

Waxba ku noqon maayo wixii dhacay, waxa aan se jeclahay in aan halkan ku caddeeyo in aanu is-raacu hiifka iyo haaraanka geyin ee ay canaanta lahaayeen dadkii majaro-habaabiyay ee milgaheedii lumiyay. Bal hadda aynu ku yar nasanno Maansadii Timacadde ee Guubaabo ee uu tiriyay 1970kii, taas oo uu ku guud-marayay waxyaabihii dhacay:

Muddaba gabayga waa taan ka tegay, mahadhadiisiiye,

Mankii ararta iyo faalladii, wayska meel-dhigaye,

Ma muquunin maansooyinkaan, maakibayn jiraye,

Ma makeekiyee gabay markaan, aad u kala miidho,

Mayalkiisa goortaan qabteen, meydalka u fuulo,

Ama uu muuqdo weligiiba wuu, ii macaan yahaye,

An macneeyo caawana tixday, muhatay laabtaydu,

Muramii gumeysiga markii, la isku maan-dhaafay,

Magliyada markii laysla galay, labada meeloodba,

Muqdishiyo Hargeysaba markay, murugtayee reentay,

Maatida markay guranayeen, labadii maalooti,

Maandeeq markay foolatee, madasha loo joogay,

Mataanaha dharaartay dhashee, loo mashxaradaayay,

Kala meer intaan labada calan, miridh is-weydaarshay,

Rabbi mahad-niqiisii markaan, anigu miisaayay,

Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,

Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,

Maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,

Nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,

Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,

Ma-naxaannadii baan arladan, meerisna u toline,

Marnaba yaydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,

Miyigeenna nimankii mindida, meel walba u dhiibay,

Kuwii muusannow iyo tollaay, nagula meeraystay,

Nimankii mashaqadey dhigeen, reerba dhan u moosay,

Suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay,

Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,

Muddaahanada beenta ah kuwii, nagu maqaar-saaray,

Mas waabaydii lama dhuunyadiyo, midho-dhunkaaleede,

Manfac aan la cunin baa jiroo, mawdka kuu sida e’,

Maraykan iyo waa kay baxshaan, madaxda Naato e’,

Nimankii mabda’a reer Galbeed, nagu maddiiddeeyay,

Haddii maamulkii hore dhintoo, maasuq lagu beeray,

Maantaba malkaa inagu qummane, yaan la gees marine,

Marka aanad hammoon noloshu waa, mooyi dabadeede,

Soomaaliyi ha midowdo wax badan oo ka hooseeyay ma jirin, cawaaqibkeediina waa aynu aragnay. Is-raacii berigaa la raadinayay ninka maanta doon-doonayaa waa qof riyoonaya. Waxyaabo badan ayaa is-beddelay oo aanan jeclayn in aan waqti iskaga lumiyo.

Maanta hadal-hayntu waxa ay taagan tahay labadii dal ee ku mideysnaa Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliyeed. Somaliland maa daama ay iskeed Soomaaliya u raacday, iskeed ayay 18kii Meey 1991kii ula soo noqotay madax-bannaanideedii. Waa xaq ay leedahay oo aanay cidina ka qaadi karin.

Sidii ay wax ahaan jireen ma ahaanayaan, mana aha oo waa ay caddahay. Cigaal waxa uu u arkayay maareynta Qalalaasaha Soomaaliyeed in laba loo kala qaado: Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxu lahaa Somaliland wax baa ka dhismay e’, in arrinta Soomaaliya maaro loo helo, ka dibna iyaga oo laba dal oo xor ah oo jaar ah ay aayahooda ka wada tashadaan. Sidaa waa uu ku shaqeeyay oo cidna caad kama saarna.

Cigaal intii uu hayay hoggaanka Somaliland wax faro-gelin ah kuma yeelan Qalalaasaha ka taagan Soomaaliya oo kooxna gacan-saar lama lahayn, kooxna colaad gaar ah uma hayn. Soo-dhawayn iyo sooryaba waa uu u geystay intii Hargeysa ugu timid iyada oo aanay dad badani raalli ka ahayn. Cigaal kama aammusnayn masiibada Soomaaliya ka taagan e’ in badan ayuu ku dedaalay in uu ka hawl galo sidii maaro loogu heli lahaa. Dalalka aynu deriska nahay ee ku bahoobay IGAD oo arrinta Soomaaliya gacanta ku hayay af iyo qoraalba waa uu ku weydiistay haddii aan loo oggolayn in Somaliland xubin ka noqoto in loo oggolaado in ay talo-bixin ku yeelato maareynta masiibada Soomaaliya ka taagan. Wax qarsoodiya ma ahayn.

Maareynta Qalalaasaha Soomaaliya ka taagan Cigaal wuxu u arkayay in ay tahay arrin u taalla dadka Soomaaliyeed ee masiibadaasi haysato. Aragtidiisu waxay ahayd in xalku gudaha yaal ee aanu dibad ka iman. Wuxu u arkayay in ay dersaan oo ay wax ka qaataan waayo-aragnimada hodanka ah ee Somaliland. Wuxu heegan la ahaa hiil iyo hooba in ay maamulkiisa, Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ka geysan doonaan.

Cigaal qorshihiisii ku beegnaa maareynta masiibada Soomaaliya waxa uu si cad u soo bandhigay shirkii Carta ka hor isaga oo si aan mugdi ku jirin ugu marti-qaaday Hargeysa dhinacyada Soomaaliya isku haya, oo weliba intaa raaciyay in uu diyaar u yahay ergooyin gaadhaya ilaa 500 oo qof oo inta ay hawlahooda dhammaysanayaan fadhiya, kharashkana ay Somaliland qabto. Wuxu deeqdaa ugu daray in aanay Somaliland ku masuugi doonin waayo-aragnimadeedii ee ay ergooyinka iyo dhinacyada is-haya ku soori doonto. Qorshahaasi markii danbe waa kii Jabuuti u wareegay sida la aamminsan yahay.

Cigaal iyo cid kasta oo si dhab ah oo mowduuciya u arkaysay waayaha Soomaaliyeed, midnimo ajendaha ugu ma jirin ugu mana jiri karayn. Waa wax aad u fog marka la eego xaaladda maanta taagan.

 

Qormada: 6aad

Cigaal sida uu u arkayay Qalalaasaha Soomaaliyeed waxa uu markii ugu danbaysay ku xaqiijiyay dareenkii af iyo qoraalba ahaa ee uu siiyay wefdigii ugu danbeeyay ee ururka IGAD ee u socday qabanqaabada shirkii Nayroobi lagu qabtay 2004kii. Cigaal wuxu mar kale caddeeyay in aanay Somaliland qayb ka noqon doonin ee ay tahay in shirkaa lagu heshiisiiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya ka dibna la wada hadli doono iyada oo laba dal oo deris iyo xorba ah la yahay. Sidaas ayuu ku god-galay, naxariistii Janno Alle ha siiyo e’.

Waxa kale oo iyaduna xus iyo xusuusba mudan in uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal soo bandhigay aragti cusub oo uu ka yeeshay qaabka lagu xoreynayo ama ay ku xoroobayaan dalalkii ama gobolladii kale ee Soomaaliyeed ee la haystay ee saddexda maqan ahaa. Aragtidan cusub wuxu ku soo bandhigayaa Shir ka dhacay magaalada Caruusha oo ku taal dalka Tanzania. Waxay ahayd mar Madaxweynihii Zambia ee Keneth Kaunda halkaa ku wada-hadashiinayay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Soomaaliya u ahaa Ra’iisal-wasaare iyo Jomo Kenyata oo Madaxweyne u ahaa dalka Kiiniya. Waxay ahayd 1967kii.

Berigaa Cigaal wuxu soo jeediyay aragti cusub oo ay dadka qaarkii ku naqdiyeen, qaarna ku taageereen. Wuxu soo jeediyay in ay dadyowga dalalka Soomaaliyeed ee maqani qaadaan mas’uuliyadda ay dalalkooda ku xoreynayaan, Jamhuuriyadda Soomaaliyeedna ay taageerto, laakiin aanay safka hore gelin.

Maxamed Siyaad Barre, aragtidan wuxu ku soo bandhigayaa Khudbaddiisii 10-guuradii Inqilaabkii uu talada dalka ku maroorsaday. Buuq iyo sawaxan badan ayay ka dhex-dhalisay Golihii Dhexe ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Waxaan xusuustaa in ay aad uga xanaaqeen xubnihii Golaha Dhexe ee XHKS ee ka soo jeeday gobolka Ogaadeeniya.

Marka aynu intaa ku soo dhaafano Aragtidii Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliyeed, waxaan jeclahay in aynu u gudubno, aragtidii Cigaal ee qaybo badan oo nolosha ka mid ah.

Cigaal marka aynu ka hadlayno, waxaynu ka hadlaynaa Hoggaamiye ee kama hadlayno Madaxweyne  ama Ra’iisal-wasaare keliya. Madaxweyne sida lagu noqdaa waa ay ka fududdahay sida lagu noqdo Hoggaamiye. Madaxweynaha waa loo codeeyaa, laakiin Hoggaamiyaha looma codeeyo. Hoggaamin la mahadiyay iyo hawl-gal togan yaa lagu noqdaa hoggaamiye ummadeed.

Sidii aynu kor ku soo sheegnay, Madaxweyne Cigaal waxa lagu doortay Boorame. 1993kii iyada oo la siiyay laba sannadood oo kala-guur ah oo lagu soo diyaarinayay Dastuur Qaran. Muddadaa labada sannadood ahayd ayay suuro-geli weyday in Dastuurkii lagu diyaariyo, ka dibna labada Gole ee Xeer-dejinta ayaa u kordhiyay 18 bilood oo kale. Weedhan ‘Cahdiga Cusub’ wuxu kaga hadlayaa muddadaas loo kordhiyay iyo hawlaha hor yaal, waxaanu yidhi:

“Cahdiga cusub ayaynu bilaabaynaa, marka ay Labada Gole,  cahdigaa cusub gud-biyaan, dhowr nin oo iigu yimi, in ay ii hambalyeeyaan ayaan ku idhi malaha is-hambalyeynta waxa inooga meel mar noqon lahayd, in aynu is-tacsiyadeyno, hadalkaygii si kale ayaa loo beddelay, dadna waa ka naxay, oo tacsidu xaggay ka timid ayaa la yidhi.

Waxaan doonayaa in aan taas idiin yara sharraxo. Waxay tahay laba sannadood oo inaga lumay, oo waxay inagaga lumeen iyo waxaynu isku haysannay iyo wax aynu diiddaneyn iyo wax aynu doonaynay, aynaan midna garanayn. Labadaa sannadood oo wax badan oo inaga baaqday, aynu qabsan lahayn, ayaan lahaa bal in aynu taas iska tacsiyadeyno, si aynu markaa ‘cahdiga’ cusub ugu dedaalno in aanu sidii kii hore inagaga lumin khasaare iyo nacasnimo.”

Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal, wuxu aad iyo aad uga qoommamoonayay laba sannadood oo macno la’aan ku lumay. Waxaan jecelahay in aan halkan ku xuso oo aan hoosta ka xarriiqo in aan halkudhegyadan ka soo xigtay buug uu Maxamed Faarax ku ururiyay qaybo ka mid ah khudbadihii Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Isaga oo hadalkiisii sii wata, wuxu intaa ku daray:

“Odayaashii isu tagay ee Labada Gole, aad iyo aad ayay ammaan iyo abaal inooga wada mudan yihiin kulligeen. Sababtu waxa weeye, sida ay wax u qabteen, talo wanaagsan ayay ku taliyeen. Haddii afar sano, saddex sano, ay wax kordhisan lahaayeen, waxa la odhan lahaa, kursi-jacayl ayaa meesha ka muuqda, iyaga ayaa kordhistay si ay meesha ugu daahaan. Waxay ku taliyeen, si’ aad ah inta ay uga fiirsadeen hawsha hor taalla, mudadii lagu qaban lahaa, intii ugu gaabnayd ee hawshaasi ku fuli lahayd ayay ku gooyeen in ay kordhiyaan, waddanninimo iyo dal-u-danayn ayaa ka muuqday, waa ay muteen xaqiiqatan.

Markaa saddexdayada Goleba waxa ballan naga yahay, muddadii la qabtay in aan mar labaad lagu noqon wax kordhis ee muddadaa lagu dhammeeyaa, wixii hawl ah ee inaga baaqday.”

Halkan, waxaynu ka dheehan karaynaa aragtidii Cigaal eek u saabsanayd Qodobka: 83aad ee Dastuurka ee aynu ku dawakhnay ee muddo-kordhintii noqotay tusbax furtay oo aan dhammaad lahayd. Bal u fiirsada werwerka iyo walaaca uu ka qabo muddo-kordhinta.

Isaga oo hadalkiisii sii wata, wuxu intaa hore ku kabay:

“‘Cahdiga’ cusub ee aynu bilownay waa inaynu ka baydhno waddadii labadii sanadood ee hore aynu u marnay, laba sano oo qas iyo is-ka-horjeed, is- haysi, wareer ayuu inagu dhaafay. 18ka bilood ee danbe waxaan ku talo jiraa, in ay noqoto ‘cahdi’ wax la dhiso, ee hawshu aanay noqon uun intii inaga habsaantay ee (Dastuurka qoristiisa iyo doorasho-sameyntii iyo aftidii la qaadi lahaa, 18 ka bilood ka bacdi waa in aynu dal-dhisan wareejinaa) oo dadka aad dooran doontaan ee doorasho ku soo bixi doona, aynu ku wareejinaa dal dhisan iyo dad dhisan, danta caamka ah ayaa kulligeen danteennu ku wada jirtaa, dan khaas ah wixii lagu qabtaa wax meel mar ah ma noqdaan, ta caamka ahi marka ay fusho ayaa kulligeen wax inoo wada fulayaan.”

Bal immikana aan u gudubno aragtidii Cigaal ee Madaxbannaanida Somaliland, waxaanu yidhi:

“Ma oggolin in cid I hoggaan gashato sidii lixdankii la inoo jiho-wareeriyey, mid ina neceb iyo mid ina jecelba caalamka dood ayaanu la yeelanaynaa, siday odhan jirtay Soomaalidu: “Oodi qaadis iyo jiidis waa isla guri-geyn.” Waxa muqaddas ah oo aan ka leex-leexasho lahayn oo aan (Compromise) geli karin ujeeddada qudha ee aynu kulligeen wada qabno ee aynu kuwada soconno taas oo ah in ay Somaliland jirto, oo joogto iyada oo madax-bannaan oo xor ah oo qaran siyaasiya leh oo mujtamaca caalamka ka mid ah, taa weeye waxa muqaddaska ah, meelba se sida loogaga dhirin-dhirinayo ee looga hir-gelinayaa waxay ku xidhan tahay, hab-siyaasadeedka duruuf waliba ka dhigto daruuri, mid la isu dhul-dhigo, mid dhiif lagu wajaho.”

Qormada: 7aad

Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, inta badan khudbadihiisa warqad kama akhriyi jirin. Wuxu ahaa hoggaamiye ku soo tababartay makrifoonnadii xisbiyadii gobannimo-doonka iyo kuwii mucaaradka ahaaba xilliyadii danbe ee madaxbannaanida la xaqiijiyay. Khudbado dhaadheer oo dacallo badan ayuu inta badan jeedin jiray oo taabanayay hadba arrimihii xilliyadaa taagnaa ama aawanaaba. Marka aad dhex qaaddo khudabadihiisa ayaad ka yaabaysaa murtida hodanka ee ku jirta iyo sida aanay wax badani u seegin ama uu uga hadlayo mowduucyo nolosha taabanaya.

Waa kan mar kale isaga oo ka hadlayay Hay’adaha Caalamiga ah. Waa Hargeysa iyo 6dii Jeeniweri 1996kii, waxaanu yidhi:

“Ama Nayroobi ayaad nagu sugeysaan ama waad nala shaqeynaysaan, maxaa yeelay, halkan soo-dhaweyn uma hayno ciddii aan wax nala qabaneyn.

Waxa aan qabaa in Laamaha Qarammada Midoobay & Hay’adaha Samo-falka caalamiga ah ee ‘INGOs’, badankoodu ay carqalad ku yihiin tallaabooyinka dalkan wax lagu qaban lahaa. Sidaas awgeed, waxaanu idin ku war-gelinaynaa in aan raalli halkan lagaga noqon karin ciddii turxaan iyo turunturro ku noqota tallaabooyinka wax loogu qabanayo waddanka ee aanu ugu horseedayno in uu ka soo kabto burburkii ku dhacay.”

Intaas wuxuu Madaxweynuhu ku daray:

“Qarammada Midoobay & Hay’adaha in aan looga fadhiyin shaqana aanay ku lahayn, aqoonsi oo ah arrin siyaasadeed, laakiin ciddii jiritaanka (de- facto reality) nagu tix-gelin weyda, anaguna tix-gelin meynno.”

Mar isaga oo ka hadlaya saxaafadda xorta ah oo run ahaantii ku hoos barbaartay hoggaamintii Cigaal, dulqaad badanna uu u lahaa in kasta oo aanay meesha ka madhnayn in mararka qaarkood la xidhi jiray dadka ka shaqeeya, mar uu ka hadlayay wuxu yidhi:

“Waxaanu ku nidhi in saxaafaddu xor tahay, qaynuunna aanu immika sameynayno oo la siiyo ‘tawjuh’, illeyn immikaanu wax walba unkaynnaaye oo curdin baanu nahay e’. Dhowr jeer ayaanu hore uga hadalnay oo ku idhi, kol buu wasiir cadhaysan yidhi: ‘Waar maxaynu nimankaa u eeganaynaa maynu wax ka qabanno.’ Markii immika qaabkii la sameeyeyna, waxa laga wadi waayey in aanu is nidhaahno, waar haddii maanta aynu is nidhaahno aynu kaantaroolno, halkee ayaynu hadhowna ku joojin doonnaa?”

Waa 7/12/1997kii iyo magaalada Hargeysa. Waa mar ay booqasho ugu yimaaddeen wefdi ka socday ‘Congress-ka’ Maraykanku. Bal hadda u fiirsada ereyada carabiga ah ee uu adeegsanayo Cigaal oo aad mooddo ama ahba kuwii lixdannadii la adeegsan jiray intii aanu af Soomaaligu qormin ee aanu aad u tanaadin. Bal u fiirsada erayada: ‘Qaynuun’ iyo ‘Tawajuh.’ Xagga danbe wuxu adeegsanayaa ereyga ‘Irshaadaat’ oo noqonaya tilmaan ama hanuunin.

Intaa horena wuxu ku sii kabay oo raaciyay:

“Markaa waxaanu isla garanay in faraha laga qaado, oo sidoodaa loo daayo, laakiin, qaynuunka cusubi ‘Irshaadaat’ ka bixiyo mas’uuliyadda oo ninkii caytama, qofka uu doono ha ahaado e’ uu qofkii la caayey uu heli karo, oo uu Maxkamad tegi karo, laakiin waxaanu isla garanay, in aan xorriyadda la taabanin.

Qaynuunku, xagga saxaafadda ayuu ka yimid oo iskaashi aanu sameyn lahayn, waanu se oggol nahay inta aan Baarlamaanka la hor geyn, in aanu idin nidhaahno ra’yi waxa aad ka qabtaan keena, waxaana fiican in aad sameysataan Jimciyad aanu ku soo hagaagno.”

Isla maalmahaa ay la joogeen wefdigaa ‘Congress-ka’ Maraykanka ahi ayuu hadlay xisbiyada siyaasadeed, waxaanu yidhi:

“Axsaabta, dhakhso ayaanu u furaynaa, oo iyagana sida saxaafadda, waxaanu u sameynaynaa (Xeer Tilmaameed) sida in aanu noqon xisbigu: xisbi qabiil ama Gobol uu noqdo Xisbi ummadeed (National Party) laakiin fikirkooda iwm, iyagaa sameysanaya.”

Tallaabadan xisbiyada lagu sameeyay waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu mudan ee ay taariikhda culani ku xusi doonto Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal.

 

8/2/1998kii mar uu booqasho ku joogay magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska ayay BBC-du wareysatay. Galabtaana halkudhegyada aanu ka soo qaadannay waxa ka mid ahaa mid uu si gaar ah ugaga hadlayay keli-talisnimada iyo fikirka uu ka qabo, waxaanu yidhi:

“Ceeb baan u aqaan Keligii Taliyaha. Waxaan u aqaan, nin aan isku kalsoonayn, oo aan arrinkiisa dood ku dhammeysan karin oo doonaya, in uu af-duub ku dhammeysto. Markaa ceeb ayaan u arkaa, arrintaa iyada ah, Wasiirradana raggii meesha ka tegay in aan wax ceebeeyo ma doonayo, laakiin, nin aan ka gar-darnaa ma jiro.”

Mudane Cigaal isaga oo ka hadlaya dhinaca dhakhaatiirta, wuxu yidhi:

“Caalamka ma jirto dhakhtarnimo lagu taajiraa, xitaa kuwa wadnayaasha isku beddelaa, xaaskooda ayay biilka kula xisaab-tamaan, dhakhtar-nimaduna waa ‘Profession’.

Cigaal isaga oo sii faah-faahinaya wuxu yidhi:

“Nin ayaa la weydiiyay dhakhtarkee ayaa ugu wanaagsan, wuxuu ku jawaabay: “Kii qofka buka raalli-galiya, sidaa darteed, dhakhtarnimadu ma aha Degree ama shahaadad ee waa naxariista.”

Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal 1997kii mar uu dadweynaha kala hadlayay dareenkooda iyo sida ay u mooggan yihiin danahooda, iyada oo la dul joogo lafihii Malko-durduro ee daadku soo saaray, Odeyga waxa laga guntay:

“Inta arrinkeenu yahay dhandhamo-raac ee aynu leenahay maxaa aniga la ii qabanayaa ama danteennu ku dhisan tahay mid qabil, mid qof, mid qoys... mijin Jaad ah caqligeennu la mid yahay waxba inoo hagaagi maayaan.... taa shalay dhacday ayaa berrina dhici doonta.”

Bal hadda aynu u gudubno 30kii Meey, 199kii iyo khudbad uu ka jeediyay Kheyriyada oo kaga faalloonayay dawladnimada iyo marxaladda kala-guurka, waxaanu yidhi Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal:

“Dowladnimadeennu ilaa maanta waxay ku dhisnayd hab beelo ka soo baxay, ilaa maanta aynu meel fiican ku gaadhnay, hab-beeleedkii aynu aasaaska uga dhignay dowladnimadeenna, halkii uu nidaamkaasi ina gaadhsiin karayeyna dhamaadkiisii ayeynu maanta joognaa. Waxa loo baahan yahay  in aynu maanta tallaabadii labaad qaadno, oo qabiil qaran ku beddelno, ‘cahdiga’ maanta dhamaaday mid loo baahnaa ayuu ahaa, oo ay lagama maar-maan ahayd in aynu ku dhaafno oo kaga baxno ‘fowdaddii’, qaskii iyo isku-taagnidii ay xabbaddu iskugu keen jirtay ee qoloba qolo hiifsanayd ee hagar-daameynaysay.”

Qormada: 8aad

Waa Hoggaamiye/ Madaxweyne Cigaal oo weli sii wata hadalkiisii, waxaanu intaa hore ku kaabay:

‘Maanta Min-fadli Laahi’,  waa la wada joogaa nabad iyo wada-dhaqan ayeynu haynaa, haddii se la rabo in ujeeddooyinkii, qarannimo iyo dawladnimo ka dhabayno waa in aynu tallaabo cusub qaadno oo aynu qaran noqonno, taas oo qudha ayaa baasaaboor ah oo mujtamaca caalamka kaga qeyb-geli karnaa. Inta hay’adaheenu  ku dhisan yihiin beel iyo qabiil ee qarankani qiimo lahayn oo hiil iyo u halgan toona haysan, ma Ictiraafayo Caalamku qabaa’il isu tegay oo mid waliba ay iskeed u madax-bannaan tahay oo ay taladeedu gaar u tahay .

Mujtamaca caalamku xeer buu leeyahay, xeerkaasi waxa u horreeya in cidda ka mid noqonaysaa tahay qaran, qowmiyad isku xidhan oo ujeeddo qudh ah leh, oo guddoonkoodu fuliyo oo lagu aammini karo, waxa keliya oo taas caddeyn kara oo u markhaati kacaya, marka aynu Dastuur habaynno oo aynu qaadno cod afti ah oo shacbigu ku ansixiyo Dastuur ay raalli ka yihiin oo ay kalsooni ugu codeysay aqlabiyadda shacbiga Somaliland.

Waxa kalsoonida keenaya doodda ay labada Gole ee Baarlaamaanku ay ku doodeen oo ay qodob-qodob u qaadaa-dhigeen, faqrad wal oo Dastuurka ka mid ahba, ka dib markay Golayaashu soo dhammeeyeen, haddana Raadyaha ayaa qodob-qodob loogaga akhriyay, shacbiga si tifa-tiran loogu sharraxay oo loogu fasiray, qodob wal oo Dastuurka ka mid ahba.”

Geeridu waa xaq e’ maa daama ay si kedis ah ku timid laga wada nax. Ma ahayn naxdin Somaliland ku kooban bal se Soomaali inteeda badan xadanto iyo xaradhaamoba waa ay ku yeelatay. Sohdimaha Soomaaliyeed naxdintaasi waa ay ka gudubtayoo dad iyo dalal kalena saameynteeda ayay ku yeelatay. Dhambaalladii tacsida ahaa ayaa ilaa muddo socday, gogoshaa badatay, meerisyada Quraanka ah ayaa la wareejiyay, tusbaxaa la rogay, raatubkaa la riday, afaf badan ayaa loogu duceeyay.

Geeridiisii iyo aaskiisiiba ididiilo hor leh ayay ka dhaliyeen gude iyo dibadba. Yuhuunta, kalgacalka, isa-saamaxa iyo isu-soo-dhawaanshaha gudaheenna ka dhashay waxa u dhigmayay ka dibadda ka dhashay, gaar ahaan Soomaaliya iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbo-joogga ah.

Xasan Bariise oo magaalada Muqdisho BBC-da uga soo warramayay wuxu maalmahaa inoo noo sheegay in dadweynuhu ku soo xoomeen idaacadda iyaga oo ka naxsan geeridaa isla markaana ka tiiraanyaysan aayaha danbe oo Somaliland oo ah meesha ugu deggan. Wuxu intaa ku daray in ay werwer iyo walaac badan ka qabeen in dagaallo hor lihi ka curtaan oo xukunka la isku laayo, bal se ay degeen markii ay maqleen Madaxweyne ayaa la doortay. Waa shacbigii ma-kasta iyo maatada ahaa ee Muqdisho. Waa dareen la yaab leh oo mudan in laga mahad-celiyo. Dareenkaa mid la mid ah ayaa ka abuurmay halkanna oo shacbiga Somaliland sidaas oo kale ayay uga xun yihiin deggenaansho-la'aanta ka taagan Soomaaliya. Intaas oo keliya ma aha e’ waxay diyaar u yihiin in ay walaalahood gurmad u fidiyaan tamari meel ay dhigtaba. Bal hadda aynu eegno dareennadaa Muqdisho ka dhashay qaarkood sida ay Jamhuuriya inoogu soo gudbisay. Waxa aan xiganayaa Jamhuuriya, Vol. 11, cadadkii 1796 ee ku taariikhaysnaa 14/5/2002da. Waxa ay qortay:

“Idaacaduhu waxay sameeyeen barnaamaj ay ku cabbirayaan ra’yiga dadweynaha khadka tilifoonnada laguna xiriiriyay dadka. Waxa kale oo ay sameeyeen barnaamajyo dood-wadaag ah, waxay dadku u bateen 98% in ay Cigaal ku tilmaameen nin weyn oo Somaliland oo keli ah aan ka tegin e’ Soomaali weyn oo dhan ka tegay.”

Taasi sharaf ayay u tahay Cigaal iyo Somalilandba ee ma aha wax Cigaal canbaar looga dhigo sida ay dadka qaarkii la tahay.

Dareenka walaalnimo iyo baroor-diiqdu waa ay badnayd. Waxa aan jeclahay in aan halkan ku xuso dareenkii la yaabka lahaa ee Cabdillaahi Majoor oo aanay ahayn markii ugu horreysay ee uu sidaas oo kale uga hadlo Somaliland. Waxa uu ka mid ahaa odayaal la keenay Hargeysa oo burburtay markii ay garaaceen madaafiicdii iyo dayuuradihii nidaamkii bahalka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, 1988kii.

Hadalladii Cabdillaahi Majoor waxa ka mid ahaa maalintaa BBC-du wareysanaysay maahmaahda Soomaaliyeed ee ah: “Rag cadaab ciil ka dooray.”

Waxa kale oo aan jeclahay in aan halkan ku xuso hadalladii xadantada lahaa ee Sheekh Mukhtaar oo ahaan jiray Guddoomiye Barlamaan. Sheekh Mukhtaar maalintaa waxa uu ku soo gebagebeeyay hadalkiisii Ilaaheey baa og ninka Madaxweyne noqonaya  ee nabaddiinna iyo deggenaanshihiinna ha ku ciyaarina oo dagaal ehliyi yaanu bilaabmin. Sheekh Mukhtaar iyo inta ay dareen-wadaagta ahaayeen Somaliland dal iyo dadba lexejeclo ayay ka qabeen. Waa ay u naxayeen. Waa ay u baqanayeen. Waxa ay ku naalloonayeen oo naruuro u ahaa nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland. In badan oo kale ayaa dareenkaa la wadaagtay oo aan fursad u helin in ay idaacad kaga hadlaan ama E-maillo ku soo diraan.

Hotel Shaamow maxaa ka dhacay 8/5/2002da? Faahfaahin badan ka ma hayo oo aan ahayn intii aynu BBC-da ka maqallay. Xafladdaa oo loogu baroor-diiqayay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa soo qabanqaabiyay ururro ay ka mid yihiin: INXA, CRD (Xarunta Wada-tashiga iyo Cilmi-baadhista) iyo qaar kale. Sida aan aamminsanahay niyad-samaan ayay ka ahayd oo ujeeddooyin xun ka ma ay lahayn. Soomaalidu se waxa ay ku maahmaahdaa: “Baruur keliya ayaa baruuro qudhmisa.” Ururradaasi tacsidii ay niyad-samida u abaabuleen waxa ka sadheeyay Cismaan Jaamac oo aan abidkii kob caano leh ka soo durdurin.

Cismaan Jaamac inta uu makrifoonkii qaatay ayaa wuxu yidhi waxa aan ka sheekeynayaa wixii uu jeclaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo nimanka qaban doona hoggaanka Somaliland. Cismaan Jaamac hore uma aqoon Cigaal, immikana ma aqoon. Hore uma aqoon oo Cismaan Jaamac oo wuxu la kowsaday Siyaad Barre. Cigaalna waa uu xidhnaa baa lagaa yidhi. Intii uu Cigaal Somaliland hoggaaminayayna Cismaan dalka cag ma soo dhigin oo London ayuu iska deggenaa. Halkee ayuu Cigaal iyo wuxu jecel yahay ku yaqaannay? Bal adba.

Inkasta oo aanu mudnayn in aan waqti badan iskaga lumiyo, bal hadda u fiirsada laba arrimood:

Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Cigaal canbaaree markii uu ceeb kale u waayayna wuxu yidhi:” Cigaal wuxu jeclaa in uu Villa Baydhaba ku noolaado”,

Mar kale Cismaan Jaamac waxa uu is-yidhi Somaliland bac ku xidh. Markaana waxa uu yidhi: “Ragga madaxnimada u soo socdaa waa rag midnimada jecel.”

Ninkii odeyga ahaa intaas ayuu la shir yimid. Laf buu toobin ku hayay. Cismaan ma oga in Cigaal sidii uu jeclaa loo yeelay oo iyada oo dardaarankiisii la raacayo aabbihii agtiisa, magaalada Berbera lagu aasay. Deelleydii Cabdi Iidaan, Alla ha u naxariistee, ee Awrka Dooh ma lagu yidhi ayaa waxa ku jirtay:

“Doontaba aan yeellee,

Damacdaba aan raacnee”,

Bal hadda taa Cismaanba aan raacnee, maxaa ku jaban haddii uu Cigaal jeclaa Villa Baydhaba? Sow waayo kuma noolayn? Sow dal Soomaaliyeed ma aha? Miyaanu Sheekh Mukhtaar Hargeysa jeclayn? Cabdillaahi Majoor miyaanu Somaliland u damqanayn? Haddii aanu Muqdisho u damqanno ma canbaar iyo denbi baa? Waa nin iyo garaadkii.

Garaadka dadku wuxu la korayay dibudhiska iyo horumarka. Dareenka maanta Hargeysa iyo Muqdisho yaallaa ma oollin sannado ka hor. Maalintii timaaddaba dadka waayo-aragnimo hor leh ayaa u kordhaysa. Waa la soo dhaafay xilliyadii dadka la isku soofayn jiray ee la isku diri jiray.

(Qormooyinkan waxaan qoray maalintii Cigaal la aasay 11 sannadood ka hor. Waan yar nakhtiimay waxna waan ka yar beddelay ama ku kordhiyayba.)

Dhammaad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Additional information