Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Xuska 20-Guurada Meey

Waa hees Dhaanto ah oo ka warramaysa sidii loogu dabbaal-degay 20-Guuradii 18kii Meey ee 2011ka.

 

Xuska 20-Guurada Meey

Ereyadii: Boobe Yuusuf Ducaale,

Laxankii: Mustafe Kiiko,

Codkii: Xiddigaha Geeska Afrika,

24/5/2011ka, Hargeysa,

Waa hees Dhaanto ah oo ka warramaysa sidii loogu dabbaal-degay 20-Guuradii 18kii Meey ee 2011ka. Waa dareen ka dhashay sidii la-yaabka lahayd ee xuskan loogu soo baxay gude iyo dibadba, miyi iyo magaalaba. Waa hees ka warramaysa dhibtii loo soo maray xoreyntii dalka iyo sidii uu cadaw kastaa u quustay ee candhuuftiisa dib ugu liqay, waxaanu yidhi:

Barbaar miyi iyo magaalo tubnayd,

Malkada dibadaha intii ku maqnayd,

Mowjado dad ah oo jacayl ku marraa,

Miyirka socodkiyo mushaaxii billaa,

Muskiyo ciidan teedsan marinnada,

Cadowgii milicsaday maryaha tuur,

Miyay miyir-beel asqoobeen,

Muraaro-dillaac ma quusteen,

Innana muxibbiyo kalgacal milan,

Maansho e’farxaddii maggaabinnay,

Doqmihii murankiyo makeekiga,

Cakuye muusannowga mooday dantee,

Ereyga mililka ah la meeri yiqiin,

Muddoba ma-kastii majiirreyd,

Ee beenta malaasan miisi tiqiin,

Kuwii malafsiga miciinsaday gaal,

Miyay miyir-beel asqoobeen,

Muraaro-dillaac ma quusteen,

Innana muxibbiyo kalgacal milan,

Maansho e’ farxaddii maggaabinnay,

Hablihii midabbada mullaaxda ah,

Ma-huraan dhabankiyo indhaha marsadee,

Muusoodka ku daray mashxarad dheer,

Calanka mulkiyee maansheeyay dalkow,

Da’-yarta mitidkaa ku muunayso,

Muraad nin lahaa u diidday mirtee,

Miyay miyir-beel asqoobeen,

Muraaro-dillaac ma quusteen,

Innana muxibbiyo kalgacal milan,

Maansho e’ farxaddii maggaabinnay,

Mudh weeye siddeed midnimo dhab ah,

Tobanku milgo iyo marriin u yihiin,

Ma Meey baa labaatan meersatayoo,

Maatidu magan iyo martiba u tahoo,

Dadkii madax iyo midoobay minjoo,

Maan-gaabkii saluugay murugoodoo,

Miyay miyir-beel asqoobeen,

Muraaro-dillaac ma quusteen,

Innana muxibbiyo kalgacal milan,

Maansho e’ farxaddii maggaabinnay,

Ma-naxaan cadowgii la maaruqay,

Mujaahid cartamoon mildhaabayn,

Maarriyo madfac baa maaleydii liqoo,

Yaa maali jiraa la magansadayoo,

Mowlaha Rabbi baa miciin la bidoo,

Midigta ku xoreynay Maandeeq,

Miyay miyir-beel asqoobeen,

Muraaro-dillaac ma quusteen,

Innana muxibbiyo kalgacal milan,

Maansho e’ farxaddii maggaabinnay,

Togdheer madashiyo mareegta xidhoo,

Miscirir Awdal iyo maareyn nabadeed,

Marsada Saaxil iyo madaar ku lammaan,

Sanaag mowlacyada hiddaa mudan,

Sool waa mus-danbeed milgii Qarankee,

Maroodi-dhex-jeex mayalka xejisoo,

Rajada muuqataan miliilicnayoo,

Dhibtaan mudannaan ka meydhannayoo,

Martida timid baa markhaati ahoo,

Berrina meerisyaa la sii mudi,

Additional information