Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM)

SNM Emblem

Waa Go’aammadii oo aan idiin ku soo gudbinayo sidii ay u qornaayeen. Waxa keliya ee aan raaciyay waa sawirrada qaarkood si’ aad uga buuxsataan indhaha oo warkii iyo sawirkii isula heshaan:

 

 

 

Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM)

Go’aammadii Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM

ee ku qabsoomay Burco: 8/5/91kii – 4/6/91kii

SNM Emblem

Gudbinta: Boobe Yuusuf Ducaale: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Waa Go’aammadii oo aan idiin ku soo gudbinayo sidii ay u qornaayeen. Waxa keliya ee aan raaciyay waa sawirrada qaarkood si’ aad uga buuxsataan indhaha oo warkii iyo sawirkii isula heshaan:

“Kal-fadhiga 2aad ee Caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM oo socday 8/5/91kii – 4/6/91kii, wuxu markii ugu horreysay taariikhda Ururka, qabsoomay mar gebi ahaanba Gobollada Woqooyi laga xoreeyay Taliskii Faashiga ahaa ee Siyaad Barre, oo uu weliba u bilaabmay Beelaha Gobollada waa cusub, nabad iyo walaalnimo ku dhisan danta loo dhan yahay ee dadweynaha.

Hawlaha Kal-fadhigu  waxay la kowsadeen marxalad cusub oo taariikhi ah soona food-saartay ururka iyo dawladda, taas oo si looga gudbo imtixaanka waqtiga ee adag, lama-huraan ka dhigtay in la dejiyo si hal-abuuritaan lehna loo dhaqan-geliyo istaraatejiyad cusub oo si macquul ah ula socota lana jaan-qaadaysa duruufaha cusub ee guud ahaanba hor yaalla halganka dadweynaha iyo xaqiijinta tayada leh ee ula-jeeddooyinka muddada dhow leh isla markaana halbowlaha u ah sal-u-dhigga iyo kobcinta hawlaha dhaqaale, kuwa bulsho iyo siyaasad ahaaneed iyo kuwa mudnaanta iyo ahmiyadda gaarka ah leh ee la xidhiidha sugidda amniga iyo xasilloonida dalka oo fure u ah dhisid kasta oo xukuumadeed iyo horumar kasta oo ijtimaaci ah.

Kal-fadhigu isagoo is-tusay in ay tahay in xaaladda adag go’aanno laga qaato ayuu si qoto-dheer u falanqeeyay heerka uu hadda marayo taxanihii taariikheed ee halganka SNM iyo tallaabooyinka ay tahay in laga qaado dhinac kasta oo saameeya nolosha bulshada Somaliland oo ay ugu horreyso arrinta Aayo-ka-talinta, taasi oo ahayd mid dareenka koowaad ku haysay oo dadwenaha saaqday, wele-wel weynna ku haysay, taasi oo laga gaadhay Go’aan ah in arliga Somaliland laga dhiso Dawlad madax-bannaan oo uu hoggaaminayo Ururka SNM (Eeg Go’aanka gaarka ah ee arrintan ku saabsan).

Sidaa awgeed wuxu kal-fadhigu Dawladda cusub u doortay Madaxweyne iyo Madaxwene-ku-xigeen oo kala ah: Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Guddoomiyaha SNM iyo Xasan Ciise Jaamac, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM iyagoo u kala sarreeya siday u kala horreeyaan.

Waxa kale oo uu Kal-fadhigu ansixiyay habkii dhismaha iyo golaha wasiirrada ee ay ka kooban tahay xukuumaddu oo ah 17 Wasiir taasoo muddo laba sannadood gudahood ah si dimuqraadiyadda waafaqsan dalka ugu diyaarinaysa nidaam ku dhisan axsaab badan, dejin dastuur Qaran oo afti lagu ansixiyo iyo qaban-qaabin doorashooyin madax-bannaan.

Kal-fadhigu waxa kale oo uu oggolaaday in la sameeyo Hay’adaha madaxa bannaan ee kala ah: Maxkamadda Sare, Xeer-ilaalinta, Hanti-dhowrka Guud, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddida Shaqaalaha Dawladda iyo Xafiiska Xidhiidhka Kaalmada samo-falka.

Kal-fadhigu isagoo arkay baahida loo qabo dhisidda Hay’ad Sare oo sharci-dejineed oo ah “Majlis-ta’siisi” (Constituent Assembly) ama Baarlamaan, ayuu si buuxda u oggolaaday hirgelinta fikraddaa isaga oo isla waafaqay in duruufaha gaarka ah ee lagu jiro awgood uu qaabka ku-meel-gaadhka ah ee fikraddaa camali lagaga dhigi karaa yahay in Golaha Dhexe ee Ururka (isagoo xilkiisii dastuuriga ahaa ee Ururnimo halkiisii ka sii wata) haddana uu isu beddelo Baarlamaan ku-meel-gaadh ah ama Gole-Qaran oo sharci-dejineed; iyadoo si la isugu dheelli-tiro miisaanka siyaasadeed ee qaybaha dalka la oggolaaday in Baarlamaanka ay ku soo biiraan xubno aan Golaha Dhexe ka mid ahayn oo tiradooda la isla gartay, inta ka horreysa 15/7/91ka, waqtigaas oo uu Baarlamaanku yeelanayo fadhigiisa ugu horreeya.

Kal-fadhigu isagoo qaadaa-dhigaya kaalinta cusub ee ay tahay in Ururka oo ah hormoodka siyaasadeed ee muran-la’aaneed, uu ka ciyaaro nolosha ijtimaaciga ah ee ruuxiga (spiritual) iyo maaddiga (material) ah, wuxuu Kal-fadhigu ka qaatay go’aammadan:

Caqiidada Islaamka:

Maa daama dadka Soomaaliyeed 100% yihiin dad muslim ah, maa daama uu nidaamkii dulmiga ku dhisnaa ummadda dahaqan-xumo ku beeray, wuxu Kal-fadhiga Golaha Dhexe ee SNM go’aamiyay in xukuumaddu ay fuliso Shareecadda Islaamka iyo qiyaamka bilicsan;

Ammaanka iyo nabadgelyada Beelaha:

Dharaaro.com

Bidix: C. A. Cali (Tuur): Guddoomiyihii SNM, I. M. Samatar: Guddoonshihii Golaha Dhexe, Boobe: Xoghayihii Warfaafinta ee SNM, R. X. Cabdillaahi: Xoghayihii Golaha Dhexe, Siciid-Faroole: Radio Hargeysa

Iyadoo ay nabadgelyada iyo amnigu yihiin saldhigga nolosha la’aantoodna aanay si’naba suurto-gal u ahayn in la helo maamul tub toosan haysta iyo horumar ijtimaaci ah, ayuu Kal-fadhigu goostay: in geed-ka-go’an laga dhigo amniga iyo nabadgelyada dalka iyada oo la qaadayo tallaabooyinka soo socda:

1. In la sii adkeeyo lana sii laba-jibbaaro hawlaha nabadgelyada Beelaha iyadoo dhinac looga soo wada jeedsanayo  cid allaale ciddii iyo wax allaale wixii facaa’il ah ee arrintan carsha-carshaynaya,

2. In si fir-fircoon deg-degna ah dalka oo idil looga sugo amniga iyo nabadgelyada, magaalooyinka laga saaro ciidammada aan ahayn kuwa loogu talo-galay ilaalinta nabadgelyada,

3. In ciidammada si’ nidaamsan xulashana ku jirto dib loogu habeeyo lana mideeyo, taasoo looga gol leeyahay abuuritaan ciidan Qaran oo xubnihiisu ka kooban yihiin goballada dalka oo idil,

4. In si’ tallaabooyinkaas loo dhammaystiro la qorsheeyo lana daboolo baahida dibudhiska, tan tababarka iyo dib-u-carbinta ciidanka iyadoo tix-gelin gaar ah la siinayo sidii halganka loogu kala mudnaa,

5. In teknikada, hubka kale iyo rasaastaba la adkeeyo hanashada xafidaaddooda, looguna talo-galo difaaca Qaranka oo keliya,

6. In gadoodka, boobka, dhaca iyo facaa’ilka kale ee nabadaynta Beelaha iyo midnimada dalka wiiqaya gacan birr ah lagu isticmaalo iyadoo si buuxda loo fulinayo sharciyada Ururka ee arrimahaa ka yaalla kuwaasi oo la socda Shareecadda Islaamka,

Qaybta: 2aad

Maamulka Dhaqaalaha:

1. In dhismihii Hay’adaha adeegga iyo dhaqaalaha ee dalka sidiisii ahaado ilaa inta sharci cad oo lagu kala baxo la hirgelinayo, sharcigaa isaga ah oo xukuumaddu soo saarayso Baarlamaankuna ansixinayo, taasi oo looga jeedo in aanay xaaladdu ka bilaabmin caddaalad-xumo, qaraabo-kiil, mususq-maasuq abuuri kara xiisado cusub, boob iyo xasillooni-darro. Qodobkan oo loola jeedo u-talinta hay’adihii jiray ee caamka ahaa iyo hantidooda dadka ka dhexeysa, macnihiisu ma aha in la sii wadayo siyaasadihii xukunkii hore ee awoodda dhaqaalaha iyo iliilihiisaba ku ururinayay gacanta dawladda, siyaasdahaas oo dhaxalkeedu noqday dawladdii oo culays ka weyni saarmay, hay’adihii oo qaar badani is-bixin waayeen, maalkii dadweynaha oo si’ beretan-la’aan ah iyo eex ugu qulqulay jeebab khaas ah iyo ugu danbayn horumarkii dhaqaalaha oo intuu cidhiidhi galay heer socod la’aan ah ku danbeeyay.

Iyadoo la tixgelinayo mabaadii’da ku qeexan Barnaamajka Ururka dawladuu waxay ku soconaysaa siyaasad dhaqaale oo fur-furan, taasoo dawladdu xooggeeda saarayso dhinacyada qorshe-habaynta, sharciyaynta adeegga guud iyo wixii dadku gaar ahaan aanay u qabsan karayn isla markaana la dhiirri-gelinayo firfircoonida dhaqaale ee shacbiga iyo hal-abuurkooda, wax dabar ahna lagu xidhayn,

2. In wax allaale wixii hanti ah ee dawladdu leedahay si buuxda loo diiwaan-geliyo oo aan marnaba loo oggolaan in ay cid gaar ahi ku takri-fasho ilaa inta sahrciyadoodu dhammaystirmayaan, iyadoo isla markaana xukuumaddu ku dhaqaaqayso, in wax allaale wixii Qaranku lahaa ee la bililiqaystay ama si’ gaar ah loo qaatay, sida: gaadiidka, guryaha, qalabka wershedaha, kuwa beeraha iyo biyaha iwm sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo gacanta dawladda,

3. In wax alle yaale wixii ku saabsan baadhista iyo ka-faa’iidaysiga macdanta, badroolka, kalluumaysiga iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah ay ku dhisnaadaan, hab sharci ah oo ku salaysan caddaalad iyo tartan loo siman yahay,

4. In iyadoo la fiirinayo marxaladda adag ee aynu marayno dadka lagu jiheeo dhinaca wax-soo-saarka iyo tabcashada, lalana dagaallamo wixii faakihaysi ah ee aan loo baahnayn, xaaraanna ah iyo caadooyinka xun xun ee ma-shaqaystannimada dhiirri-gelinaya,

5. In maal-gelinta shisheeyaha la dhiirri-geliyo iyadoo loo diyaarinayo jawigii lagu soo jiidan lahaa loona samaynayo shuruuc macquul ah oo isla markaa dhawraya gobannimadeenna,

Dhinaca Siyaadda:

Siyaasadda Gudaha:

1. In la xoojiyo midnimada loo siman yahay ee Beelaha dalka, dhismayaasha hay’adaha siyaasiga ah iyo kuwa bulsho ahaaneedba ay si cad uga muuqato caddaalad iyo isu dheelli-tir iyadoon laga tegayn aqoonta iyo khibradda,

2. Iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo-aragnimadii xanuunka lahayd ee laga dhaxlay nidaamkii digtaatooriga ahaa, kaasi oo ku dhsinaa habka maamul xarumaysan (excessive decentralization), in xukuumaddu dhaqan-geliso habka maamul degaamaysan, kaasi oo leh astaanta baahin xukun gaadhsiisan ilaa unugyada ugu hooseeya ee gobolka, degmada iyo beesha,

3. In xukuumaddu kafaal-qaaddo xuquuqda aadamiga, xorriyadaha madaniga ah iyo soo-saarista wargeysyo madax-bannaan kuwaasi oo u adeegaya dimuqraadiyadaynta nolosha siyaasadeed,

4. In dadyowga kale iyo Beelaha kale Soomaaliyeed la raadsho sidii loola yeelan lahaa xidhiidh walaaltinnimo iyo mid is-kaashi oo loo siman yahay, dhinac kastana ah,

Siyaasadda Dibadda:

1. Inay siyaasaddeenna dibaddu ahaato mid fur-furan oo fir-fircoon una adeegaysa aqoonsigeenna caalamiga ah iyo is-kaashi loo siman yahay oo aan beesha adduunweynaha la yeelanno,

2. Inaynu dhacdooyinka gobolka aynu ku nool nahay ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ka ciyaarno kaalin munaasib ah oo wax-ku-ool ah una adeegaysa danteenna iyo tan dadyowga dersika ahba,

3. In maa daama uu taliskii Faashiga ahaa dalka ku sameeyay dhaqaale-burbur buuxa , aynu culays weyn saarno raadinta kaalmo deg-deg ah iyo mid loogu talo-galo dibudhiska dalka iyo dibudejinta dadka qaxootiga ah iyo kuwa baro-kacay, si nolosha dadweynaha caadi loogu soo celiyo,

4. Inaan iska dhowrno wax allaale wixii facaa’iI ah ee madax-bannaanideenna wax yeelaya, inagana fogeyn karaya ra’yal-caalamka adduuneynaha oo aynu ficil ahaan u muujinno inaan diiddan nahay wixii leh saansaan argaggixisannimo iyo faro-gelin arrimaha daakhiliga ah ee dalal kale, innaga oo aan marnaba oggolaanayn arrimaheenna gudaha oo la soo faro-geliyo,

5. In dadkeenna qurbaha ku nool si rasmiya oo buuxda loola socdo oo dhibaatooyinka qabsada gacan laga siiyo, Wasaaradda Arrimaha Dibaddana u samayso wax arrimaha dadkeenna qaabbilsan, si’ ay si’ joogto ah dalka ugu xidhmaan,

Arrimaha Bulshada:

1. In si’ caadiya loogu celiyo nolosha ummadda deg-deg, dib loogu bilaabo adeegyadii bulsho ahaaneed ee lagama-maarmaanka ahaa sida: tacliinta, daryeelka caafimaadka, korontaynta, biyo-gelinta magaalooyinka, hawlaha is-gaadhsiinta gudaha iyo dibadda,

2. In mudnaan gaar ah la siiyo daryeelka iyo xannaanaynta agoonta iyo naafada ururka, loona sameeyo barnaamaj cad oo isu dhan,

Go’aammo kale:

  1. Iyadoo tan iyo Kal-fadhigii 1aad ee Golaha Dhexe ay shahiideen saddex halyay oo Golaha Dhexe ka tirsanaa oo kala ah:

· Aadan Saleebaan Cali,

· Axmed Yuusuf Xuseen,

· Cabdinaasir Sh. Cali,

Ayna xubin kale oo ah Maxamed Ibraahin Warsame istiqaalad ka bixisay xubinnimada Golaha Dhexe ayuu Kal-fadhigu go’aansaday inuu buuxiyo jagooyinkaa bannaanaaday kuna buuxiyo Mujaahidiinta kala ah:

· Siciid Yuusuf Cabdi,

·

Cali Maxamed warsame (Cali-tuur) & Barre Nuux Xaaji Cabdillaahi oo fadhiya

Maxamed Maxamuud Aadan,

· Cabdikariim Yuusuf aadan,

· Siciid Nuur Faarax (Waana siday u kala horreeyaan)

Qaybta: 4aad

SNM oo dalka u diyaarin doonta doorashooyin xisbiyo badani ka qayb-galaan haddii la qiimo-tiro, urur siyaaasiya oo kal danbe la sameeyaa mujtamacan hadh u jiidi maayo.

- Haddaba iyadoo arrintan laga dhaqaaqayo,

- Iyadoo marxalad cusub la galay oo la dhammaystiray halgankii hubeysnaa,

- Iyadoo Ururka SNM qaadanayo kaalin hoggaamineed oo uu ku hagayo dawladda iyo dhismaha dalka iyo mujtamaca cusubba,

- Iyadoo ay tahay in Ururku adkeeyo midnimada xubnihiisa ballaadhiyana saldhiggiisa,

Wuxu Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe go’aansaday:

  1. In xarunta Ururku noqoto Hargeysa,
  2. In hawl-maalmeedka Ururku ay si’ joogto ah xarunta uga wadaan: Guddoonshaha Golaha Dhexe, Xoghayaha Golaha Dhexe, Guddi-hoosaadyada iyo Guddida Fulinta ee Ururku iyagoo hawsha ay ku hoggaaminayan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Ururku,
  3. In dibuhabayn lagu sameeyo Guddida Fulinta ee Ururka si’ ay u socodsiiyaan qorshayaasha Ururka taas oo la waafajinayo waayaha cusub ee abuurmay,
  4. Wixii qalab iyo hanti ay hay’adaha Ururku hayaan, Ururka ayaa iska leh, wixii maan-gal ah ee ay dawladda cusubi u baahtana waa in laga siiyaa iyadoo Ururka iyo dawladdaba la tixgelinayo si’ ay hawlahooda u gutaan,
  5. In dhismaha Ururka loo daaddejiyo gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka iyadoo:

- Hoggaanka Ururka iyo ka maamul mideysnaanayo,

- Xidhiidh joogto ah oo habaysan loola samaynayo xarunta dhexe,

  1. In la bilaabo diiwaan-gelinta xubnaha Ururka iyo aqoonsi-u-samayntaba si’ deeq-bixinta loo hirgeliyo,
  2. In dibuhabayn lagu sameeyo laamaha dibadda ee Ururka si’ ay ula jaan-qaadaan marxaladdan kala-guurka,
  3. In gun-dhigga dhaqaale ee Ururku ay noqdaan:

- Deeqda laamaha dibadda,

- Deeq-bixinta xubnaha Ururka,

- Wixii ilo-dhaqaale ah ee kale ee Ururku samaysto,

  1. In dhammaan xarumihii ururradii siyaasiga ahaa ee lixdammadii iyo kuwii XHKS ay noqdaan xarumo ay SNM leedahay oo hawlaha Ururka laga hoggaamiyo,
  2. In dawladdu dejiso qorshe-hawleed/hawleedyo muddeysan oo ku qotoma go’aammadii Shirweynihii 6aad iyo Kal-fadhiyadii Golaha Dhexe si’ ay ugu fududaato Guddi-hoosaadyada Golaha Dhexe inay kormeeraan tilmaanna siiyaan wasaaradaha dawladda,
  3. Goluhu isagoo maanka ku haya gudasho-la’aanta xilkii is-waafajinta Dastuurka iyo Habka Xeerka Dastuurka ee Kal-fadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe u xil-saaray Guddida Arrimaha Garsoorka iyo Diinta, ayuu unkay Guddida hoos ku qoran:

- Cabdi Yuusuf Ducaale,

- Daahir Maxamed Yuusuf,

- Maxamuud Ibraahin,

- Yaasiin Maxamed Cabdi,

Loona saaray gudashada hawsha is-waafajinta inta ka horreysa 10/7/91ka,

  1. Goluhu isagoo dhegeystay, falanqeeyayna warbixinihii Guddi-hoosaadyada Golaha Dhexe ee Ururka, isna tusay goldaloolooyinkii shaqadooda haysatay, wuxu go’aansaday in hawlihii Guddi-hoosaadyada la sii labanlaabo, lana xoojiyo kaalinta ururnimo ee siyaasadeed iyo wacyi-gelineed ee Guddi-hoosaadyada Golaha Dhexe,

Go’aammo gaar ah oo kale:

- Iyadoo laga duulayo taariikh-nololeedka labada dal (British Somaliland iyo Itaalian Trusteeship of Somalia) oo xornimadoodii lixdankii kala duwanaa,

- Iyadoo Axdigii Midnimada ee labada dal marnaba si’ sharci ah u dhaqan-gelin,

- Iyadoo dadweynaha Woqooyi ku nooli si’ cad u diideen dastuurkii Midnimada ee sannadkii 1961kii aftida loo qaaday,

- Iyadoo soddonkii sannadood ee xorriyadda ka danbeeyay Woqooyigu la kulmay, si’ ula-kac ah caddaalad-darro, burbur iyo xasuuq joogto ah, waayayna dariiq nabadeed oo uu xuquuqdiisa ku helo,

- Iyadoo lagu jawr-falay qaybta Woqooyi ka helayay horumarka bulsho-dhaqaaleed iyo siyaasadeed ee dalka, asbaabahaas oo dhaliyay in Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed kaashado dadweynaha iyo qoriga,

- Iyadoo tixgelin weyn la siinayo rabitaanka dadweynaha, kaasoo ku qeexnaa Go’aammadii iyo talooyinkii ka soo baxay Shirkii Aayo-ka-talinta ee Beelaha Woqooyi ee 3/5/91ka – 6/5/91ka ee Burco, lana xidhiidhay xaqa ay u leeyihiin ka-talinta Aayahooda, ayaa Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM ansixiyay go’aansadayna:

  1. In Gobollada Woqooyi dib loogu soo celiyo xaaladdii sharciyeed ee qarameed ee ay ku sugnayd 26kii Juun, 1960kii,
  2. Dibudhiska Dawlad madax-bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland taas oo ku eg xuduudaheedii loo aqoonsanaa kolkay dal xor ah noqotay, sugidda jiritaanka ka dib, Golaha Dhexe ee SNM wuxu dalka ay walaalaha yihiin ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ugu baaqayaa:

- In dhidibbo cusub loo aaso xidhiidhka labada dawladood iyo dad la isna weydaarsado aqoonsi siyaasadeed, aqoonsigaas oo labada dalba u fududaynaya hawlaha dibudhiska,

- Ka-fogaansho hurin khilaafyo dhexdooda ah oo soo jiida dacaayado iyo is-maan-dhaaf aan midkoodna dan u ahayn siina murginaya dhibaatooyinka laxaadka leh ee labada dal hor yaal,

- Si’ himilooyinkaas iyo ula-jeeddooyinkaas wac-wacan loo gaadhana waxay Jamhuuriyadda Somaliland diyaar u tahay inay la kulanto Jamhuuriyadda Soomaaliya si’ looga wada xaajoodo danaha wadaagga ah.

Qaybta: 5aad

Nabad-ku-wada-noolaanshaha shucuubta Geeska Afrika iyo Badda Cas

Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM, wuxuu isagoo maanka iyo maskaxda ku haya danaha waaritaanka leh ee shucuubta Geeska Afrika iyo Badda Cas, kana tarjumaya walaaltinnimada xoogga leh ee shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland u qabo shucuubta walaalihii ah ee ku kala nool dalalka Geeska Afrika iyo Badda cas, ugu baaqayaa in nabaddu tahay himilada ugu weyn ee loo higsan karo ku-taallaabsiga wax wada-qabsiga , is-kaashiga, faro-gelin la’aanta ammuuraha daakhiliga ah ee midba midka kale, kuwaas oo shaki la’aan u horseedaya xasilloonida, horumarka iyo dibudhisidda nolosha bulsho ee dalalkaa.

Baaqan Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe wuxu aamminsan yahay in nabad-ku-xallinta khilaafyadu tahay jidka ugu toosan ee aynu kaga guulaysan karno dhib walba oo inaga hor timaadda, taasoo isla mar ahaantaa ka markhaati-kacaysa heerka xilkasnimo iyo mas’uuliyadda siyaasadeed ee aynu gaadhsiisan nahay.

Waxaanu hoosta ka xarriiqaynaa in shucuubta iyo xukuumadaha Geeska Afrika iyo Badda Cas ay baal cusub noloshooda u furan, baalkaas oo ku astaysan: wax-wada-qabsi, is-kaashi iyo u-heellanaan danaha shacbiyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka tiigsanaya.

Jamhuuriyadda Somaliland, shacbi iyo xukuumadba heegan ayay u yihiin inay kaalin fir-fircoon oo wax-ku-ool ah ka qaataan golayaasha iyo hay’adaha dhexda u ah xukuumadaha iyo shucuubta Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe wuxu taageerayaa halganka xaqa ah ee shacbiga Falastiin iyo halganka Ururka ANC uu ugu jiro tir-tiridda nidaamka Midab-takkorka.

Codsi iyo kaalmo loo fidiyo qaxootiga guryahoodii ku soo noqday

Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM isagoo qaddarinaya baaxadda weyn ee mushkiladda qaxootiga guryahoodii ku soo noqonayaa leeyahay, dareensanna kobnaanta awoodda xukuumadda cusub ee Somaliland, wuxu hay’adaha Qarammada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah ee samo-falka iyo dawladaha saaxiibka ahba ugu baaqayaa in si’ hagar la’aan leh kaalmo iyo gargaar loogu fidiyo qaxootiga Somaliland ee nus-malyuunka kor u dhaafay ee dalka Itoobiya hore ugu sugnaa, hadda se dib ugu soo laabanaya dalkoodii hooyo.

Wuxu baaqu ku nuux-nuuxsanayaa sida dadkan qaxootiga ahi muddaba dhib laxaad lihi uga haysatay dhinaca daryeelka iyo nafaqaynta, taas oo ku lug leh xaaladdii degganaansho-la’aaneed ee ka jirtay dalka ay martida ku ahaayeen. Xaaladdan murugsan awgeed ayay boqollaal iyo kumannaan qoys ay jidka isa soo daba hayaan iyagoo miciin bidaya guryihii ay hore uga baro-kaceen.

Hase ahaatee, waxa cad in nolosha Somaliland ay aad uga fog tahay mid caadi ah, iyagoo aanay qaxootigaasi helayn guryo iyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha beni-aadamku u baahnayd. Awoodda xaddidan ee Jamhuuriyadda cusub iyo burburka dhinac walba ah ee dalku ku sugan yahay ayaa intuba lama-huraan ka dhigaya inay hay’adaha qaxootiga ee Qarammada Midoobay, hay’adaha kale ee samo-falka ee caalamiga ah iyo dawladaha saaxiibka ahi gargaar iyo gurmad u fidiyaan shacbigayaga tabaalaysan ee maanta garab-is-taagga u baahan. Waxa intaas u dheer miinada dadnimada ka baxsan ee loogu aasay magaalooyinka.

Iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland ku dhibaataysan xal-u-helidda dhibaatooyinka qaxootigeeda ka dhashay, ayaa maalmahan danbe deggenaansho-la’aanta dalka Itoobiya iyo is-beddellada ka aloosmay dalkaasi boqollaal iyo kumannaan qaxooti ah ku soo jebiyeen Jamhuuriyadda cusub. Sidaas awgeed ayaa Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe ee SNM adduunweynaha uga codsanayaa inay mucaaswino u fidiyaan mawjadaha cusub ee qaxooti ahaan Itoobiya uga soo qulqulay.

Hambalyo iyo bogaadin

Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM wuxu hambalyo iyo bogaadin u jeedinayaa dhammaan shacbiga taageeray halganka hubeysan, Mujaahidiinta, dawladihii iyo ururradii halganka tabantaabiyay, gaar ahaan shacbiga iyo dawladda Itoobiya ee fududaysay ridista taliskii dooxatada ahaa.

Ugu danbayn wuxu Kal-fadhigu u mahad-naqayaa, dadweynaha, maamulka iyo ciidammada, gobolka Togdheer oo qayb wanaagsan ka qaatay suuro-gelinta Shirweynihii Beelaha iyo Kal-fadhiga 2aad ee caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM, waxaanu ku guubaabinayaa shacbiga Somaliland oo idil inay sidii caadada u ahayd ducooyin mahad-naq ah dhigaan.

GUUL IYO GOBANNIMO KHEYR LEH

Rashiid Xaaji Cabdillaahi                                                       Ibraahin Meygaag Samatar

(saxeexa)                                                                                  (saxeexa)

Xoghayaha Golaha Dhexe ee SNM                     Guddoonshaha Golaha Dhexe ee SNM

Intaasi waxa ay ahayd Go’aammadii Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo ku qabsoomay magaalada Burco 8/5/1991kii – 4/51991kii. Inta badan waxa lagu doodaa SNM waxba uma qornayn ama uma oollinba. Waxa aan halkan idiin ku soo bandhigayna waa Go’aammadii Kal-fadhi keliya oo ka mid ah kuwii badnaa ee SNM soo yeelatay intii ay ku soo jirtay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran. Waxa intaa weheliya intaas oo Go’aammo ah oo ka soo baxay lixdii Shirweyne ee ay SNM soo gashay tan iyo maalintii la aasaasay. Waxa aad ku darsamaya intaas oo Go’aammo ah oo ay gaadheen Guddiyadii Fulinta ee SNM oo labadii toddobaadba mar shir isugu iman jiray. Waxa kale oo aad ku darsanaysaan Go’aammadii Guddiyada Joogtada iyo Guddi-hoosaadyada Golaha Dhexe. Waxa intaa sii raacaya Dokumentigii aasaasiga ahaa iyo Xeerarkii Ururka SNM u yaallay oo aan dhowr iyo toban ka yarayn. Bal ka warrama?

Su’aasha is-weydiinta mudani waa:

Ma SNM baan waxba u oollin? Mise wixii u yaallay ayaan sidii loo rabay loo fulin? Halka ay sheekadu ku jirtaa waa halkaas ee meel baas ha ula kicina urur soo halgamay oo Ilaahay ka sokow sabab u ahaa xornimada aad maanta hadhsanaysaan.

Dhammaad

 

 

 

Additional information