Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Ma anigaan wax dhaadayn!

Haa………….Waa run. Maalin Isniineed habeennimadeedii ayay ahayd. Bil ammaara bishan idman ee Meey ee aynu ka yeelannay bilihii baas 27dii ayay ahayd. Gurigayga ayaan joogay. Waa caways iyo xilliyadii wararka.

 

Ma anigaan wax dhaadayn!

“Miyaan dheelalaysnahay,

Mise waan dhadhabayaa,

Dhammaan guulahaygii,

Riyo iyo ma dholol baa,

Ma dhibaad nin bixiyaa,

Ma runtaan dhacdo ahayn,

Dhagax-tuur ma been baa,

Labadii dharaarood,

Mee ninkii is-dhinac sudhay,

Miyaan daayay dhagartii,

Mise dhiilladaan jirin,

Mise tolow dhalooshaa,

Dhidibkeedu adag yahay?

Maansadii Jiitama, Hadraawi, 1984kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Haa………….Waa run. Maalin Isniineed habeennimadeedii ayay ahayd. Bil ammaara bishan idman ee Meey ee aynu ka yeelannay bilihii baas 27dii ayay ahayd. Gurigayga ayaan joogay. Waa caways iyo xilliyadii wararka. Waxaan daawanayay wararkii TV-yada. Saa waa warkii oo kooban. Qodobkii ugu horreeyay ee warkuba waa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Somaliland oo madaarka Berbera ku sugan.

Markii aan daalacday sawirkiisii isaga oo qolkii dhowrsoonaa (VIP) fadhiya ayaan is-illoobay oo hoos isu idhi: “Ha beenaan.” Meel aan joogo, goor aan joogo iyo goobta aan joogayba waan illoobay. Waxaan u qaatay haba iska habsaamo e’ in uu u ambo-baxayo Addis-ababa oo dhacdadii Qarnigu ka socotay maalmahan ugu dambeeyayba - 50-guuradii Midowga Afrika. Warkii oo fidsan ayaa soo galay. Show Wasiirkan I farxad geliyayba wuxu ku socday Nayroobi. Illeyn wadnuhu kuma go’o. Ka dibna wuxu ka sheekeeyay wax aan loo fadhiyin iyo xidhiidhka Somaliland iyo UN-ka ka dhexeeya. Belo ku degtay. Tabtii Hadraawi, ayaan is-lahaa: “Nimankaad is-hayseen, kala hoyatay guushii.”

Caku! Waxaan soo xusuustay maansaadii Deelleeydii ee Cabdi Cali Weyd. Waxaan soo xusuustay tuduc ku jiray oo ahaa:

“Ninkii dabin libaax dhigay,

Daf u tidhi sakaaradu,

Markuu soo dul joogsaday,

Wuxu yidhi umaba daban,”

Alleylehe shacbiga reer Somaliland ayaan u daban saacadahan la joogo ayaa Nayroobi loo baxayaa. Nayroobina maxaa inoo yaal ee laga waayay Addis-ababa. Maxaa inoo soo arkay? Meelaha inoo qaaliban kumaba jirto e’. Waxaan soo xusuustay beri Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Maxamed Faarax Caydiid, labadoodaba Ilaahay ha u naxariisto e’, la isugu geeyay Nayroobi huteel ku yaal oo Serena huteel la yidhaado. Waa 1994kii. Daniel Arap Moi ayaa labadaba casuumay. Looga-qaateenkii wefdiga ka midka ahaa ayaa iiga sheekeeyay badhtamihii bishii Ogos 2012kii. Labadii odey waa is-mari waayeen. Cigaal wuxu u taagnaa in Somaliland la ictiraafo, Maxamed Faarax Caydiidna wuxu u taagnaa midnimadan madhan ee meelahaa aanay runtu oollin lagaga hadaaqo ee ereyga ‘Muqaddas’ ee dhowrsoon lagula kufo. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa markii dhowr iyo toban maalmood la is-hor fadhiyay u tegay Daniel Arap Moi oo ku yidhi: “Waanu is-mari weynay ee na soo dhex gal.” Codsigaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, wuxu Daniel Arap Moi kaga jawaabay: “Maxamed Faarax Caydiid ayaanu xuduud wadaagnaa, idinku waad iga fog tihiin.” Sidaas ayaanay sheekada Kismaayo mid dhow oo fudud u ahayn, Nayroobina intaa Daniel Arap Moi sheegay ayay inoo jirtaa.

Hadda dagaalladii sokeeye innagu uma aynaan qixin Kenya oo Danieel Arap Moi waa runtii. Innagu Itoobiya ayaynu u qaxnay, ilaa maantadaa aynu joognana ku xidhan nahay. Waa dalka keliya ee Hargeysa ku leh xafiis diblomaasiyadeed. Waa dalka keliya ee baasaboorkeenna shaabbadaha la dhaca ee aan kala xishoon ee aan kala maagin cidna ugu habran isla markaana sida dawladaha qaarkood warqad la shaabbadeeyay aan baasaboorkeenna dhex gelin, sida Ingiriiska iyo wax la mid ah.

Maalin dhaweyd oo sii qoyanba oo malahayga laba toddobaad ka danbeysay, Ra-iisal Wasaaraha Itoobiya innaga oo aan ka hawl-gelin, wuxu si cad oo badheedh ah u sheegay in u Somaliland difaacayo. Goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo dadkiiba dhabankii iyo gacmihii isku engegeen ayuu Madaxweynaha Somaliland hiilkaa ka mahad-celiyay. Ciyi waa ka beryay ayuu ahaa, waxaana u dhaantay in uu iskaga aammusaba.

Dawladdii hore ee UDUB ee Daahir Ra’yaale Kaahin hoggaaminayay haddii ay fursaddaa 50-guurada heli lahayd guulo la yaab leh ayay ka soo hoyn lahayd. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal haddii uu noolaan lahaa oo uu fursadahan heli lahaa, cadowga Somaliland sankooda ayuu caano ka lisi lahaa. Labadaa hoggaamiye midkoodna ma taageeri jirin oo la igu xaman maayo. Ereyga xaqa ah se waa la odhanayaa. Maalin dhaweyd qaar yar yar ayaaba qalin-daraaleynayay gabay-dheeg maansadii Qaasin oo laga sheegayay:

“Allow yaa Darwiishkii Cigaal, arrin dareensiiya,

Allow yaa dalluuntiyo qabriga, dib uga soo saara,

Allow yaa Darmaantuu jeclaa, duqa u heenseeya,

Allow yaa duleeddada Togdheer, uga damaashaada,

Allow yaa dadkaagii yidhaa, kuu darsade maanta,”

Bal dawladdii Itoobiya ee awalba inoo jajabnayd oo immikana sidaa badheedhka ah u muujisay taageerada ay Somaliland u hayso ayaan cidina dheg jalaq u siin. Durba miyaa illowdeen Wasaaradihii Arrimaha Dibadda ee Cigaal iyo Ra’yaale iyo wacdarihii ay shirarkaa ka geysan jireen. Maxaa maanta dhacay? Maxaa cusub? Ee aan ahayn in ay dawladahaa hore tageen oo ay timid mid cusub oo baadi-soocdeeda la garan la’ yahay.

Su’aalaha la is-weydiinayaa waa ay badan yihiin. Maxay dawladihii hore ugu suuro-gashay in ay galangal la yaab leh ku yeeshaan shirarka goboleed iyo kuwa qaaradeedba, ee xukuumaddeennan maanta jirta fadhiidka ka dhigay! Xukuumaddeennu si ay uga qayb-gasho 50-guurada Midowga Afrika oo Addis-ababa ka dhacayay kor iyo hoosba waa loogu sheegay, bal se dan kama ay gelin.

Shirarka adduunaydu ka qayb-gal aad madasha rasmiga ah fadhiisato oo keliya ma aha. Adiga oo aan madasha si rasmiya u fadhiisan ayaad luuqyada (corridors) ka adeegan kartaa, oo aad qaddiyaddaada iyo ujeeddooyinkaaga oo qoran ku qaybin kartaa. Saxaafad iyo ergooyinba waad la kulmi kartaa. Haddii aad fursaddaa weydo, hudheellada magaalada ee wufuuddu ku degtay ayaad kireysan kartaa oo aad fadhiyada kula kulmi kartaa. Shirarka lagama qayb-galo oo keliya ee waa la kulaalaa, waa la dugsadaa, waa laga ag dhawaadaa, waa la quudaa, waa la hungureeyaa, waa la uumiyaa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Qudhaanjana qoodho qaniintay.” Joogitaanka aad magaalada shirka joogto ayaa cadwgaaga iyo inta aan ku rabinba culays ku ah. Wargeysyada dalkaa ka soo baxaya oo aad aroortii ka muuqato ayaa wajigooda gubaysa oo xaajadooda oo dhan kala daadinaysa. Ilaahay ha inoo sahlo e’ innagu waxaynu doonayno iyo waxaynu diidayno la garan maayo. Saaxiibbadeen iyo dunidii ina taqaannay ee ina taageeraysayba, dhabankii iyo gacantii ayaa isku engegay.

Wufuuddeennu waa laba mid, aan wax ka dhexeeyaa jirin. Wasiir keligii shandad la ordaya oo isagu keligii wax walba isu ah, wax walbana keligii yaqaanna oo aan Ilaahay mooyaan e’ cid kale wax la ogeyn. Haddii uu wefdigeennu sukahaa ama kelidaa noqon waayo waa habqan is-daba yaac ah oo meel qaaddaba la waayo. Habaqlihii Koonfurta Soodaan, habaqlihii London iyo habaqlayaal badan oo kale. Labadaa miyaan wax ka dhexeyn karaa jiri karin. Waa su’aalaha ugu badan ee la is-weydiiyo.

Bal dabbaal-degyadii 22-guuradii Meey u fiirsada. Intaas oo wefdi ayay xukuumaddeennu dibadaha u dirtay oo xoolo maraakiib gooya sii qaatay. Intaas oo wufuud ah oo kale ayay dibadaha ka keentay oo xoolo baabuur gooyaa ku baxeen. Annagu yaabnaye, xukuumaddeennu taajirsanaa. Qabyadeennu badanaa, hanti-hurkeennuna macno-daranaa oo qiimo-la’aa. Wufuudda xukuumaddana wax laga jecel oo wixii lagu sii siiyo ama lagu soo siiyo ‘Risiidh’ lagaa weydiin maayo. Halkan marka aad ka tegayso khasnadaha xukuumadda ayaad sii faaruqinaysaa, markaad dibadaha tagtana daasadda qarafada ayaad la dhex meeraysanaysaa duluglaha halkaa ku nool oo bakhtiguba xalaal u yahay. Waa boob iyo dawarsi laba eef ah. Waxa dhegehaaga ka badanaysa wefdigii hebel ayaa lacag loo gurayaa. Mid hudheel ku degaa waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Mid waliba mid reerkooda ah ayuu furaash la dhigtaa. Haybadda, milgaha iyo karaamada qarannimo macno caynkaas ah uma samayso. Waxyaabaha la sheegayo waxa ka mid ah xataa haddii aad kharashka qaadato oo aad dhoofi weydo amaba soo dhoofi weydo cidina wax ku weydiin meyso. Subxaan! Hindida London ayuun baan ka maqli jiray ‘Free Money.’ Dab liqaanu idin nidhi.

Haddana waa kan Wasiirkeennii Arrimaha Dibaddu halkii uu Addis-abab ka tegi lahaa,  ka hillaacay magaalada Nayroobi. Oo tolow maxaa halkaa ka jira? Haddii aad dhex-qaaddo mareegaha ku caan-baxay tebinta wararka, maanta oo ay taariikhdu tahay 28/5/2013ka, hal dhacdo oo keliya ayaa ka aawan Nayroobi, taas oo ah: Shirka Maal-gelinta Somalia.

Bal hadda aan ku yar hakanno shirkan:

· Madasha: ‘Kenyatta International Conference Centre’ oo Nayroobi ku yaal,

· Maalmaha: 28ka – 29ka Meey, 2013ka,

· Magaca: ‘The Somali Reconstruction and Investment Conference and Exhibition,

· Wuxu noqon doonaa shirkii ugu horreeyay ee ay Qaybta Gaarka ah (private sector) ee dhaqaaluhu qabanqaabiso oo lagu maal-gelinayo Somalia,

· Waxa abaabulka shirkan ku jira Wasaaradda ganacsiga iyo Somalia,

Maanta, Guugguulihii Geeska Afrika ayaa arrintan dadka u dacal-saaray. Is-weydiintu se waxay tahay: Waa maxay danta Nayroobi maanta laga helay ee laga waayay Addis-ababa oo 70 Madaxweyne wax ku dhawi 50-guurada u yimaaddeen?

Waa ayaan-darro. Wararkii cawayska ee caawa waxa lagu sheegay in Wasiirkeennii Arrimaha Dibaddu uu ka qayb-galay shirkaas aynaan shuqulka ku lahayn ee Somaliya loo qabtay. Waxa ayaan-darro kale ah in uu keligii dhex fadhiyay boqollaal qof oo xilal ka haya Somalia. Waxa ka sii darnayd in uu weliba shir-jaraa’id qabtay. Maxaa kallifay. Weligay indh-adayg intaa le’eg. Ma maqli jirteen: “Maba dhalan ee dhowrtaysan ogaa.”

Tan aynu manta arkaynno:

“Dib baa looga sheekayn,

Ka-daraa u-magac-bixin,”

Dhammaad

 

Dhammaad

Additional information