Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

TV-yada Soomaaliyeed: Taran Tayadoodu Taban Tahay

Shinku waa shinkoodii……..Sheeg-sheegga qaarkii…..sharka ay shubaayaan……Shaqadooda weeyaan………Shawahaad ma daayaan……Iyo sheeko-baraley……Shushubin, shareer, erey shaqal leh iskumaba shiddeeyaan.

 

 

TV-yada Soomaaliyeed: Taran Tayadoodu Taban Tahay

“Mar waxaad dhadhamisiyo,

Mijin Qaad ah haw dhiman,

Hana  talin masiibiyo

Wax makhluuqa kala dila.

Maskaxdaadu yay noqon,

Maqal lagula leeyahay,

Yaan toban muftaaxiyo,

Lagu furan masaabiir.

Maalkaagu yuu noqon,

Mus-dambeedka reerkiyo,

Maqsinkaad u hoyatiyo,

Masallaha Rasuulkiyo,

Ku Masaajid lagu gubo.”

Maansadii Mullaax ee Ibraahin-gadhle

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

Shinku waa shinkoodii……..Sheeg-sheegga qaarkii…..sharka ay shubaayaan……Shaqadooda weeyaan………Shawahaad ma daayaan……Iyo sheeko-baraley……Shushubin, shareer, erey shaqal leh iskumaba shiddeeyaan.

Adduun badan iyo itaalba waxba lagama hagran……Waa loo hagar-baxay……baahintooda buur iyo bannaanba waa loo maray…….badahaa loo jiidhay……milyannaa ku baxay…..xoolo geel gooyaa laga bixiyay….. Shubanka qaylada…….iyo shaamo-reerkuba……Waa shishe…….Qaar dibad ku sheelan……Shaash iyo khamaar….niigtaynno shucubbo leh……iyo sharaf madhnaan badan….Runta way ka sheexaan…….Shacni waa u fool-xumo……sharaftoodu waa faan……sharaddoodu waa tookh…….iyo shalaan shukaansiga…….shansho dhacan ku soo helay……..Shinkoodu ma foga……Waa shalay……Ama shalay-maantaba sidii reer Xamarka……Medadaalo shuban……Shax-shax muuqaallo ah…

Waxaan jecelahay in aan halkan ku xuso dhacdo aanan dhaafi karin, in kasta oo aanay markii hore qayb ka ahayn qormooyinkan. Waa xafladdii 10-guuradii HCTV oo in kasta oo aanan ka mid ahayn dadkii lagu marti-qaaday, haddana aanan ka amuusi karin oo hambalyo iyo bogaadinba inaga wada mudan. Waxaan hambalyaynayaa xusuusta ay is-xusuusteen ee ay maalintan 29ka Meey ku suntadeen. Waxaan hambalyaynayaa in ay karti u yeeshaan in ay xaflad caynkan ah qabtaan. Waxaan hambalyaynayaa in ay weriyayaashoodii qaar badan oo ka mid ah goob keliya iskugu keeneen. Waxaan hambalyaynayaa in ay shahaadado ka wada simeen, 19 ka mid ahna dhiirri-gelin lacageed siiyeen. Hambalyo ayaan leeyahay.

Haddana bogaadintani ma aha gorfayn aan ugu ambo-baxay HCTV wuxu galo iyo wuxuu gudaba. Ma aha gorfayn aan ugu ambo-baxay wuxu gabay iyo waxa gadmayba. Waxaan ugu ducaynayaa in Ilaahay ka dhigo kuwii aan ka jirin ee la jira dalkooda, dadkooda iyo dawladdoodaba. Ilaahay ha ka dhigo kuwii aan baylahda dalka taalla  iyo maalmaha goonyaha kululba aan ka gelgelin doonan. Kuwii garnaqee aan gaabsannin. Aammiin. Aan ku soo noqdo mowduucaygii xuddunta u ahaa taxanahan.

Guud ahaanba adduunyada shaashadaha TV-gu waxay ka soo bilaabmayaan xilliyo ku beegnaa 1880kii markii ay Alexander Garaham Bell iyo Thomas Edison hindiseen fikrado la xidhiidha tebinta iyo gudbinta muuqaallada iyo maqalkaba. 1884kii ayuu Paul Nipkov ku guulaystay in uu muuqaallo dhex mariyo giramo bir ah oo wareegaya.

1900kii ayaa Carwadii Caalamiga ahayd ee Paris lagu dhex qabanqaabiyay Shirweynihii Caalamiga ahaa ee Korontada. Halkaas ayaa ugu horreysay in caalimkii Ruushka ahaa ee Constantin Perskyi uu markii ugu horreysay adeegsado ereyga ‘Television’.

Hindisihii TV-gu ma ay ahayn wax qof keli ahi la yimid. Xaasha! Soo-if-baxii TV-gu waa hawl ay dad badani isugu tageen oo ka soo bilaabantay tijaabooyin bilow ahaa oo ku sinnaa xilliyo hore, gaar ahaan tan iyo sannadihii 1830aadkii. Markii hore wuxu ku bilaabmay TV-gu madow iyo caddaan ama ‘Black and White.’

Horumarkan ay adduunyadu ku tallabsatay wuxu u badan yahay 70kii sannadood ee ugu danbeeyay. Waxaan si fiican u xusuustaa in aan dalka Talyaaniga waxbarasho Jaamicadeed u tegay dabayaaqadii 1968kii. Beryahaas dalka Talyaaniga waxa ka socday TV madow iyo caddaan ah oo markaa lama gaadhin TV-yada midabka ah. Koobkii Adduunka ee Kubbadda cagta oo 1970kii lagu qabtay Mexico, waxaan rumaysanahay in aanu ku daawannay madow iyo caddaan.

Dalka Maraykanka waxa lagu qiyaasaa in 1954kii markii ugu horreysay seyladaha la soo geliyay TV-ga midabka ah bal se qiimaha oo aad u sarreeyay iyo barnaamijyada hawada gelaya oo liitay awgood aanu suuq wanaagsan helin. Dabayaaqadii lixdanaadkii iyo bilowgii toddobaatanaadkii qarnigii 20aad ayay shaashadaha midabka lihi suuqyada qabsadeen.  Dadab-galka arartan kooban waxaan ka martiyay oo aan idiin ka soo minguuriyay inteeda badan gaaxda iyo xusuusta odeygenna guunka ah ee Google. Is-na waa uu ku mahadsan yahay.

Marka aynu dalalka horumaray ka nimaadno ee aynu ku soo noqonno dhulka ay Soomaalidu degto, TV-gu wuxu ugu soo horreeyay dalka Jabuuti oo aan filayo in xaruntii ugu horreysay laga furay 1967kii sidaan aan qabo iyada oo madow iyo caddaan ahayd. Xaruntii labaad waxay ahayd Muqdisho oo aan filayo in laga furay xaruntii ugu horreysay Oktoobar, 1983kii.

Waxa inoogu xigay xarumihii TV-yada ee ka furmay Hargeysa laga soo bilaabo 1997kii iyo kuwii ka danbeeyay ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, gaar ahaan kuwa laga furay magaalada London.

Dhinaca togan:

Waxaan is-leeyahy dadka iyo dawladaha TV-yadaa sameeyay ee maal-geliyay waa ay mahadsan yihiin oo naf-hur la yaab leh ayay sameeyeen. Tamar iyo hanti aan la qiyaasi karin ayay ku bixiyeen samaynta xarumahan TV-yada iyo joogtayntoodaba. Waxa kaaga daran kharashka kaga baxa in ay hawada geliyaan oo sii dhex mariyaan Cir-jiidhada wararka sawiran laliya. Kun jeer aan hambalyayno.

Wax badan ayay TV-yadu soo kordhiyeen. Waxaan is-leeyahay tebinta barnaamijyada Diiniga ahi waa kuwa ugu mudan.

Waxa kale oo aan is-leeyahay haddii la is-yidhaahdo sii hagaajiya in wax badan laga qaban karo, gaar ahaan iyada oo la sii xulo culimada aqoonta iyo gudbinta ama tebinta fiican leh.

Waxa kale oo aad looga hawl-galay curinta iyo tebinta barnaamijyada suugaaneed iyo dhaqameed oo ay abaal weyn inaga mudan yihiin hal-abuurka curiyaa ama inoo soo tebiyaaba. Ma ogi in ay TV-yadu wax dhiirri-gelin ah ku leeyihiin iyo in kale.

Waxa iyaguna wax-ka-soo-qaad leh barnaamijyo laga sameeyo magaalooyin ama degello Soomaaliyeed oo run ahaantii qaarkood xusuus gaar ah kugu reebayaan. Waxa kale oo aad ka ogaanaysaa horumarka ama dibudhaca degaankaa ku dhacay.

(La soco……………………….)

Qormadii: 2aad

Waxa jira iyaguna barnaamaijyo kale oo nabadgelyada iyo ammaankaba wax ka tara. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa shirarka jaraa’id ee dadka qaarkii qabtaan mararka ay wax tawdaan ama caddaalad-darro tirsadaan. Mararka ay sidaasi qof ku dhacdo inta uu soo diyaar-garoobo ayuu shir-jaraa’id qabtaa isaga oo warqad iyo tixraacyaba sita. Wadhiisa marka uu rito ayuu inta uu go’iisa ka hurgufto iska dhaqaaqaa isaga oo ku qanacsan in uu dadweynihii ogeysiiyay wixii ku dhacay iyo ciddii u geysatay. Sidaas ayuu ku gam’aa kagana maarmaa in uu qori ama hub qaato. Qaybtaasina waa qayb togan oo xasilloonida door ka ciyaarta. Waxa xusuus gaar ah mudan baaqyada nabadeed ee xasilloonida wax weyn ka tara.

TV-yadu gees kale marka aad ka joogsato aqoon iyo medadaalaba dadweynaha waa ay u yihiin. Waxaan is-leeyahay intaa in le’eg ayay u yihiin dadweynaha qurbo-joogga ah ee ka baaday dalkoodii iyo dadkoodiiba.

Waxa iyaduna xus gaar ah mudan kaalinta ay mararka qaarkood ka galaan wacyi-gelinta dadweynaha ee la xidhiidha barnaamijyada caafimaadka sida Gudniinka Fircooniga ah, AIDs-ka iyo kuwa la midka ah. Waxa kale oo ay ka qayb qaataan barnaamijyada ciyaaraha, dhiirri-gelinta dhallinyarada iyo haweenka. Mararka qaarkood ayay wax ka taabtaan mashaakilka ijtimaaciga ah sida dadka la hay-sooco. Iyo qaar kaloo badan.

Geesta kale marka aad iska taagto TV-yadu waxay aqoon iyo tababarba u yihiin barbaarta wiilal iyo gabdhaba leh ee ka hawl-gala. TV-yadu waa xarumo lagu keydiyo barnaamajyo iyo suugaan badan oo halkaa ka baxda. Waa dhaxal ummadeed oo wax badan ka tari doona wixii cilmi-baadhis iyo raad-raac taariikheed loo baahdo.

Dhinaca taban:

Maxaa loo sameeyay TV-yadan faraha badan? Is-weydiintu se waxay tahay: maxay uga gol lahaayeen? Miyay soo bandhigi karayaan ujeeddooyinka ay ka lahaayeen? Ma wax qumman ayay uga jeedeen, oo dadkan shaashadaha wada ayaa leexsaday, mise qudhoodan hantida huray ayaan ujeeddaba ka lahayn? Su’aalo badan ayaa la iska weydiin karaa shaashadahan iyo waxyaabaha ay u taagan yihiin. Waa mindi laba af leh oo qof danaysanayaa ujeeddoyin gaar ahaaneed ku fushan karo. Idaacadihii af Soomaaliga ku hadlayay ee shisheeyuhu lahaa ayaa badbaadi waayay oo lagu qadhaabtay, ee ma waxa badbaadaya shaashad Soomaaliyeed oo cid maamusha aanad garanayn? Bal adba!.

Dhibaatada kale ee jirta ee meel kasta taallaa waxay tahay shaqooyinkii oo aan kala soocnayn. Waxaan kala baxsanayn lahaanshihii iyo tifaf-tirkii ama wax-soo-saarkii. Waxa laga geyoon la’yahay xaqlihii agabka war-baahinta lahaa oo doonaya in uu isla markaana noqdo soo-saarihii barnaamijyada iyo tifaf-tirihiiba isaga oo aan anshaxa iyo dhowrsoonaanta saxaafadda waxba uga bilownayn. Cid ku odhan karta ka joogna ma jirto oo qof waliba in shaqada laga saaro ayuu ka baqayaa. Ka dibna waxa halkaa ka soo baxaysa in agabkii war-baahintu noqdo wax dad iyo dawladba lagu maago ama lagu aar-goostaba.

Waa sillan-sugan. Dhinac waad ka farxaysaa marka aad maqasho tobaneeyo TV oo afka Soomaaliga ku hadla ayaa jira. Marka aad lambarka iyo shaashadda isla hesho ayaad dawakhaysaa oo aad garan waayaysaa mid aad ku daysato. Markaas ayaad is-odhanaysaa malaha Dhaantadaa galbeed ka socota wax dhaamaa ma jiro.

TV-yadu waa laba qaybood. Qayb dalal shisheeye laga soo daayo iyo qayb Geeska Afrika laga sii daayo. Mar kale ayay haddana laba qaybood oo kale u sii kala baxaan: qayb dawlado leeyihiin iyo qayb gaar loo leeyahay.

Jadwal hagaagsan oo la isku hallayn karo ma laha midkoodna, marka laga reebo saacadaha ay wararka soo daayaan. Xayaysiis aad ku dhego-barjoobayso oo aad indho-daraandar ka qaadayso, oo haddana malahayga aanay ka maarmayn, marka laga tago, wixii soo hadhaaba waa barnaamij. Mid midka ay danta gaarka ah ka leeyihiin ayay ku qoraan ama ku sheegaanba Barnaamij Gaar ah inta ay heesaha caanka ah mid ka mid ah u sadqeeyaan oo ay miyuusig uga dhigaan oo ku qaleeyaan. Ogaansho la’aan uma yeelaan sidaas ee mararka qaarkood kii heesta qaadayay ama lahaa ayaa raalli kala noqda. Hadda barnaamijkaa gaarka laga dhigay, wax gaarnimadiisaa muujinayaa ma jiro. Cidda leh ama qofka leh ayaa lagu cammaynayaa si uu uga samro wixii adduun ahaa ee uu ku bixiyay. Qayb kale ayaa iyaduna ah tebinta Xaflado meelo kala geddisan lagu qabtay oo dadka ka hadlaya aad durdur moodayso oo weliba inta badan ay dumarku ka madhan yihiin.

Saacado badan waxa qaata wadaaddo si casriyaysan u dawarsanaya oo dahab iyo dollar mooyaan e’ aanay dalqadooda wax kale mareyn. Beri-samaad iyo wadaaddadii wanka loo loogi jiray ama shaadaliga loo karin jiray ee hankooduba intaa ku ekaa, reerkana ducada iyo nabaadiino-xidhka daacadda ah aan la dhaafin jirin. Wadaaddadii taxliisha qabow iyo Burdaha lagu yaqaannay.

Maantana meel aan London ahayn kama soo hadlaan dalabkooduna waa wax aan loo daafad hayn: takham, bedlado dahab ah iyo sijaadado dollar iyo gini ku sar-go’an. Dadkiiba wuxu noqday wax marna qori caaradii iyo duub-cas lagu dhaco, marna shaashadaha shaashada loo adeegsado oo iyaga oo guryahooda fadhiya wixii ay haysteenba laga furto iyaga oo xiskooda qaba. Haweenka ku dayoobay Yurub iyo qurbaha ee dulucooda la furanayo ayaad ka tiiraanyoonaysaa. Markas ayaad hoosta ka habaaraysaa shaashadaha shaashada ee dhagarta intaa le’eg loo adeegsanayo ee aynu habeen walba daawanayno ee aynaan ka hadlayn. Innaga qudheenna Ilaaha Maxamed samo ku uumay inagu saamixi maayo dhagarta intaa le’eg ee ynu daawanayno iyo denbiga intaa le’eg ee mujtamaca laga gelayo.

Qormadii: 3aad

Barnaamijyada TV-yadan dibad-joogga ah intooda badan ka baxaa waxay u badan yihiin doodo. Waxa raaca Lambar baas oo aan la mahadin oo xagga hoose kaga qoran oo dad inta badan dibbiro-dhacsanayaa ama dhawakhsan oo cidlo-joog ahi ku soo hadlaan. Meel baas iyo reero muskood ayay joogaan, haddana inta badan waxay ka hadlayaan Somaliland, Soomaaliya ama degellada kale ee Soomaaliyeed. Waa ay ka dheregsan yihiin in aanay waxba ka qaban karayn ama aanay saamaynba ku lahayn xaaladaha dalalkaa ka taagan, bal se kama waantoobaan, kamana khatoobaan barnaamijyo minjo-xaabiya ama isku-diraba. Fadhi-ku-dirir ayaad maqasheen e’, qoladanna waxa la yidhaahdaa: ‘Shaashad-ku-dirir.’

Dadkan shaashadaha shaasheeyay, magacyadooda waxa u raaca xilal inta badan been ah oo aan jirin oo ay sheegtaan marka ‘kamirada’ lagu qabto oo aanay caddayn u haysan, taas oo aan cidiba weydiin. Waxaad khaati ka joogsanaysaa:: Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, Guddoomiyaha Dhallinyarada Soomaaliyeed, Guddoomiyaha haweenka Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Culimada Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Fannaaniinta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ama Afrikaba, Guddoomiyaha Bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed  iyo….iyo….iyo. Marar kale ayaad maqlaysaa qof aad daawanayso oo aan jirin, bal se la leeyahay wuxu ahaan jiray. Hadda mana dhiman ee waa nool yahay oo wuu ku soo hor fadhiyaa, waxa uu maanta yahayna la sheegi maayo. Waa beri-hore-jire. Cidi ma weydiiso waxa uu maanta yahay ee waxa lagugu wareerinayaa ‘Hebel/heblaayo oo ahaan jiray/jirtay’. Marar kale ayaa waxa ku soo gelaya daad kale oo rogmanaya: safiirka wareega, safiirka kadleeya, safiirka jadhleeya, safiirka qalleeya, iyo wax la mid ah oo aanad liqi karayn. Dee adigu iska wad uun. Ma waayaan magac ay sheegtaan oo ku dhammaada Soomaaliyeed. Hadda Soomaali dooratayna ma jirto oo Soomaaliyi meel iskuguma iman karto. Waxa la isku haystaa ee Soomaali halkaa dhigayna wax kaleba ma aha ee waa qofkii oo soo ligan oo lagu leeyahay: “Aniga ayaa kaa wakiil ah oo kuu hadlaya.” Ma maqli jirteen: “Dhow-dhowdu Cadduur uma ay dhicin.” Waa tan oo kale ma is-tidhaahdeen! Waar annagaa yaab aragnay.

Jabuuti Soomaali ayaa deggen. Itoobiya Soomaali ayaa deggen. Kiiniya Soomaali ayaa deggen. Soomaaliya, Somaliland, qurbaha iyo qaaradaha kaleba Soomaali ayaa deggen. Bal adba! Miyaynu ka geyoonaynaa. Haddana TV-yadaasi kama xishoodaan in ay ummadda Soomaaliyeed hafarka ka daayaan iyo habeen kasta qof aanay daafad u hayn oo ay hor keenaan ama magacoodaba ku hadla kuna qadhaabta.

Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay in aad aragtaa barnaamij TV-yadaasi soo saareen oo raad-raac taariikheed leh ama wax-soo-saar TV-gu leeyahay ah. Wax duluc sidaa u sii ridan lihi ma jiraan. Waxooduba waa san-dareerto iyo sar-ka-xaadis aan qiimo caynkaas ah lahayn. Xataa waxay ka wahsadaan in ay qoraal ku taxaan dadka ka soo shaqeeyay miyuusig yar oo Soomaaliyeedna raaciyaan. Markaas ayuu qofkii waday sidii idaacadaha iska odhanayaa: Aniga oo hebel/heblaayo ah ayaa idin la socodsiinayay, waxaana igala soo shaqeeyay hebel iyo hebel. Waa kaalmo aan dumarkaba loo quudhin. In qof dumar ahi wax sheegto la rakee, laakiin kuwaa ka soo shaqeeyay laguma daro.

Wejiyada iyo magacyadan la wareysanayaa ma badna. Wax aan labaatan qof gaadhin ayaa shaashadaha ku meeraysanaya oo ku wareerinaya, sida ay xafiisyada madaxda tiro aan intaa ka badnayni u wareeriso ee ay ugu shaqeeyaan, isuna haystaan in ay dal iyo dad u shaqeeyeen. Camal kale ayaanay haynin.

Madaxda iyo shaashaduhuba ma jecla haweenka oo waa ay ku yar yihiin, haddana dhibta qoyska iyo qarankuba iyaga ayay ku dhacdaa. Bal adba!

Caawa haddaad daawato TV-ga Qaran-kade hebel baa ku jira. Habeen danbe haddaad daawato TV-ga Qolo-quud isla hebelkii oo dhar kale xidhan ayaa ku jira. Mararka qaar ayaad moodaysaa in aad carwadii qaranka ku dhex jirto.

Dadka shaashadaha qabsaday ma dhammaadaan. Habeen waa Qoor. Habeenno kale waa Qaar. Habeenka xiga waa ‘Qirin’. Habeenno kalae waa Qaran-qiir iyo Qaran-qaar. Sidaas ayuu Qaran-qaadna kuugu hadhay. Hadda intani waa in yar oo ‘Qa’-da’ ka kacda ee bal idinku xarfaha oo dhan mara.

Weriyayaasha qaybo ka mid ah ayaa idaacado ka yimid. Waxay u haystaanba in ay isku mid yihiin ka-hadalka idaacadda iyo ka-hadalka TV-gu. Midi waa maqal oo muuqaalkaagu macno caynkaas ah samayn maayo. Midna waa maqal-muuqaal oo labaduba macno weyn ayay u samaynayaan daawadaha.

Iyagu waxay aamminsan yihiin in qof kasta oo idaacad ka hadlaaba, TV-gana ka hadli karo oo ay CViiyada ku darsan karaan. Xaasha! Waa kala laba. Waa laba baab. In ay dadka qaarkii ku guulaystaanna xabka, ama laga yaabee. Haddaad u sii fiirsato se, waad dareemaysaa in ay wax ka dhiman yihiin kol ay dhar-xidhashadu kala dhantaalan tahay ama aanay kabuhuba direyska raaci karin. Hub-qaadka naftiisu waa ka badh gole-joogsiga.  Bal u fiirsada, qof heesa oo aad maqal ahaan codkiisa aad u jeceshahay, ayaa laga yaabaa in aanad jeclaysan marka aad muuqaal ahaan u daawanayso ama aanad indhahaba siin karin. Qofku marka uu idaacadda ka hadlayo ayaad garanaysaa in uu makrifoonka la hadlayo, in uu isagu isla hadlayo iyo in uu dadka la hadlayo. Bal ka warrama qofka aad sidaa u garanayso oo shaashad kuu soo fadhiistana. Gole-joog-wanaaggu waa arrin kale oo mararka qaarkood qiimaheeda u leh fannaanka, siyaasiga iyo inta hadalka booshaaqda ee shaashadaha looga taag la’ yahayba.

Weriyayaashaa qaarkood ayaad arkaysaa sida ay ugu mashquulsan yihiin warqadda hor taal akhriskeeda. Markaas ayaad garanaysaa in aanay gaadhin heerarka ay haabanayaan weriyayaasha ay ka midka tahay Hodan Cali Cajabi oo aan marnaba indhaha ka qaadin ama ka libiqsan daawdayaasheeda. Warqad ay wax ka akhridaba uma baahna, lebbiskana wax qumman oo qurux badan oo aan sidaa u sii murugsanayn ayay ka qaadataa oo soo jiidasho iyo jalleecaba leh. Weji furan iyo daymo aanay indhuhuba ka didayn. La ye Hodan ayaa meel iska fadhida oo aan shaqayn. Bal ka warrama TViiyadeenna Hodan oo kale iyo qaar badan oo la mid ah u baahan waayay. Waxaasaa TViiyo la yidhaahdaa!

Ma weriye Leyla Careef oo Daad-madheedh ka soo warrantaa! Hadalkeedu sida luulida ayuu u taxan yahay. Wararka sawiran ee ay soo dirayso iskumaba dhejiso ee mus-dambeedka ayay ka soo warrantaa. Kalsooni la yaab leh ayay isku qabtaa.

Dadka weriyayaasha ah qaarkoodna waad arkaysaa oo warqadda akhriskeedii ayay ku daalayaan, markaas ayay isku daadanayaan.

Qormadii: 4aad

Ma maqli jirteen: “Nimaan aqoon baa waraabe lax ka rita.”

Dadka qaar baa saar baasi ku jiraa, iyaga ayaaba saxaafadda u yeedha iyaga oo is-leh magaca iyo maamuus ayaad ka heli doontaan. Nimaan aqoon ayaa saxaafad u yeedha. Waa dad aan ogeyn in ay Amiiraddii Diana u dhimatay saxaafad ay ka ordaysay. Bal ka warrama qofka saxaafad iyo shaashad doonanaya isaga oo aan kala garanayn in uu goolal dhashanayo, in uu cadawgiisa u dhalinayo iyo in uu isaguba iska dhalinayo.

Soo-saarista barnaamij idaacadeed iyo samaynta filim muuqaal ahi waa laba wax oo aad u kala duwan. Labaduba aqoon iyo khibrado gaar ahaaneed ayay u baahan yihiin. Sida ay ugu adag tahay filimyahanka in uu barnaamij idaacadeed sameeyo ayay idaacadyahankana ugu adag tahay in uu filim sameeyaa.

Iyo beri-samaadkii! Waayihii heesaaga rag iyo dumar kii uu noqdaba Guddida Qiimaaynta la soo marin jiray. Ma beryihii Radio Hargeysa qofka la qorayo lagu imtixaami jiray codkii qaraamiga ahaa ee ‘Beer-dillaacshe.’ Maantana qofkii doonaaba badka wuu ku soo dhacayaa. TV-yadii iyo shaashadahoodii ayaa sidaas oo kale noqday. Qaar aad mooddo in aabbahood hadda la dilay oo adeerkiina la dul dhigay oo qiirada gadhoodhsan ayaa kaaga soo baxaya shaashadda oo aan il-bidhiqsi indhaha iyo dareenkooda midnaba siinayn daawadaha. Weriyannimoy dabkaa ba’! tanina ma kuu danbaysay.

Waxa intaas oo dhanba ka daran sida aanay u sal-dhigin weriyayaashu. Caawa halkan ayay ka hadlayaan, habeenno kale mid kale ayay ka hadlayaan. Markaas ayaad dawakhaysaa. Illeyn mararka qaarkood uma baahnid in aad shaashadda eegto oo weriyaha ayaad ku sunatanaysaa. Show waa qof digo-rogtay.

Ma isku-dirka iyo fidmo abuurkaa! Waa TV-gii Qaran-ciil iyo barnaamaj aan la habayn  oo ku saabsan madax-dhaqameed beesha dibadaha ka soo galay oo la duubay, la shuumay ama la boqrayba. Farxad iyo damaashaad…….caleemo-saarka…….caano-ku-shubka……khudbadaha. Dhabanno-hays ayay kugu noqonaysaa. Ka-rog oo haddana saar.

Waa TV-geennii kale ee Qormo-gube. Boqorkii/Garaadkii ama Suldaankii la duubayay warba kama hayn. Mar danbe ayaa weriyahoodii ku hambaberayaa col kale oo beesha ka tirsan oo Nayroobi shir-jaraa’id ku qabtay. Mise waxay deedafaynayaan madax-dhaqameedkan la duubay. Ku-ye: “Arrintaasi mid aanu u dhan nahay ma ahayn. Waa been iyo arrin aan sal iyo raad midnaba lahayn.” Dawakhaad iyo dayow. Carruurihii oo dadka waaweyn iyo waalidkood la daawnayay shaashadaha ayaa yaabaya, markaasay waalidkooda su’aasha ku boobayaan: “Kee ayaa run sheegaya?” bal adba maxaad odhan lahayd. Af kala qaad!  Marar kale waa Qolo-raar, Qudhun-raac, ‘Qurum-qaram’ iyo wax aanad ka dhammaanayn. Qiimo-tirka wararka iyo barnaamajyadaba waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa TViiga Hadhka Qaranka. Kaaga-daranta maxaa kaa xumaan lahaa haddii uu hadh-qoodaal (dhan) noqon lahaa. Waa hadh-dacaar (teel-teel). Kolley Qaranka laguma sheegayn, waxa se loo badinayay in qof leeyahay ama qoysba. Qaar kalena waxaaba laga sheegayay Qurbaan-wadaag ayaa iska leh. Waxba ku dheeraan maayo e’, warka waa quluul, ama waa huluul. Ma Barnaamajyadaa! Waa qal-qalan ama waa ‘hal-halan’. Xayaysiiskaa! Waa qab-qaban aan qub-quban.

http://t3.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcTrzZRJvbqlOduFkqFRl_gieiKooIK8vNFahk1P58zlLEycEXLkIntaa waa ay dhurmayaan hugmayaan…..hadrayaan. Tanna waa ay ka wada siman yihiin inta naxliga iyo naca beertaa. Waa TVii kale. Waa Qalin-raar. Waa ‘marfuucal qalam’. Xaaskayga, Mujaahid Faadumo-cawo oo I ag fadhiday ayaa yaabtay oo gacmihii dhabannada ku engegeen. Ku-ye: “Nimankani miyaanay hadalka ka daalin?” Waxay ku cel-celinayeen kow iyo labaatankii sannadood ee dagaallada sokeeye socdeen. Garo’ oo waxa laga soo bilaabayaa 1991kii. Haddana waa ay xanaaqayaan marka ay reer Somaliland yidhaahdaan dal gaar ah ayaanu nahay. Yaa dalka iyo dadka kala jaray? Dhagaxtuurkii Ardayda ee Hargeysa ma been baa? Xasuuqii ka dambeeyay ee aan Soomaali hore u soo marin ma been baa? Dayuuradihii Hargeysa ka kacay ee haddana duqeeyay ma been baa? Sow tii Ibraahin-gadhle yidhi:

“Durba miyaad illowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Daydayo la odhan jiray,”

Durba miyaad illowdeen,

Waqti aan digaag hoyan,

Dadkeennii xeroon jiray,”

Waa nimanka u haysta in dalku kala go’ay 1991kii. Annaguna waxaanu aamminsan nahay in 1981kiiba aanay jirin Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo nidaamkii Siyaad Barre dalka kala jaray. Waayo? Tan iyo maalintaa gobollada woqooyi waxa ka talinayay Saraakiil millateri, halka gobollada kale ee Soomaaliya ay guddoomiyayaal gobol oo rayid ahi ka talinayeen. Tan iyo maalintaa gobolladani xukun-degdeg ah ayay ku hoos noolaayeen oo labada duhurnimo la hoydo, halka ay gobollada kale si’ caadiya uga noolaayeen.

Dagaalladii xoreyneed ee gobollada woqooyiga ka dhacay waa ay ka boodaan. Ka dib waxay u gudbaan ‘Leegadii’ (Xisbigii SYL) iyo halgankii dheeraa ee uu soo galay. Wax kale ma sheegaan. Wallaahi ayay ka tahay. Bal ka warrama dee taas oo habeen walba joogta.

Waa 6dii Bishii Maarj 2012kii oo aan habeennimo daawanayay TV London ka darnaa ama ka dhurmayay. Wiil yar ayaa wareysanayay laba oday oo kala ahaa Cali Boolaay iyo Cumar Altedsa (Altezza). Waxaan ka yaabay sheeko-baraley Cumar Altedsa marinayay.

Ku-ye Cabdillaahi Ciise oo ahaa Xoghayihii Guud ee SYL oo waqti 1948kii ku beegnaa u ambo-baxayay Qarammada Midoobay ayaa lagu yidhi isa soo tallaal. Waxa laga baqday in Talyaanigu irbad sun ah ku mudo. Ka dib waxa loo yeedhay nin ‘Muuro’ la odhan jiray oo ‘Leegada’ ka tirsanaa. Kii ayaa la muday oo laga dhigay Cabdillaahi Ciise. Bal waxa uu inaga dhaadhicinayo ee telefishannada ka sheegayo eega. Ma dawladdii Talyaaniga ayaan kala garanayn Cabdillaahi Ciise iyo ‘Muuro’? Bal beentaa rakhiiska ah daya. Sidaas ayaa lagu sameeyaa ‘geesiyaal’ been-been ah oo aan jirin.

Ma taas oo keliya ayaad moodaysaan. Khuraafaadkaa aan raadka lahayn waxa kale oo ka mid ah beri ay odhan jireen: Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya Ra’iisal-wasaare ka ahaan jiray ayaa warqad lagu qaban lahaa oo sir ahayd liqay xilliyadii gumeysigii Talyaaniga, sidaa darteedna sambabbadii ayaa caddaaday oo ilaa maanta uu u liitaa. Innagu waxaynu garanaynaa wax kasta oo aynu liqnaa haddii ay hunguriga dhaafaan in ay caloosha tagaan oo ay dhex qaadaan xubnaha dheef-shiidka ee aadamaha. Waxaynu aamminsan nahay oo dhab ah in sambabbadu ku lug leeyihiin neefisiga. Laakiin iyagu ma si kale oo inaga duwan ayay u uumman yihiin oo wixii la cunaa marka hore sambabbada ayay sii maraan.

(La soco………………………….)

 

 

 

 

Additional information