Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hubaal miyaa la Hilmaamay…..Miyaan Hiil la Hureyn!

 

Marka hore aanu hambalyada iyo bogaadintaba ku darsanno Golaha La-tashiga iyo Toosinta ee lagu dhawaaqay. Suurto-gal ma aha in la iska aammusnaado

 

 

Hubaal miyaa la Hilmaamay…..Miyaan Hiil la Hureyn!

“Wallee qalin-daraalaha,

Denbi Qaranka laga galay,

Kama qariyo wadhatada,

Wallee qoonta mililka leh,

Qarka sare ma dhay-dhayo,

Haddii ay qudh-gooyiyo,

Joogto qoorta soo dhigo,

Walle gabay ma qurux-tiro,

Shacbi qowdhamoo kacay,

Qar-qarsiga hadduu furo,

Wallee qoofal kuma xidho,

Hadba wiilka qooqane,

Maalintaasi qoodha ah,

Qushuuciisa ma akhriyo,

Ways kala qab-weynahay,

Qofna kabaha uma tiro,”

Qasab kuma balweyn karo, Gaarriye, 1978kii.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Qormada: 1aad

Marka hore aanu hambalyada iyo bogaadintaba ku darsanno Golaha La-tashiga iyo Toosinta ee lagu dhawaaqay. Suurto-gal ma aha in la iska aammusnaado. Dhibaato ma jirto. Dimuqraadiyaddii Madaxweynuhu sheegtay in uu af iyo addinba ugu soo halgamay oo dhudhub cidhiidhiya gashay ayaa la baadi-goobayaa. Berrina bannaan-baxyadii uu ku baaqi jiray iyo dibad-baxyo nabadgelyo ku dhaca ayaa xiga. Waa xaq ay dadku leeyihiin oo dhiig iyo dheecaanba loo soo huray.

Deelleeydii, sow tii Cabdi Iidaan Faarax ku yidhi:

“Digba waa digteedee,

Deelleeydu tiro ma leh,”

Sidaas ayaanay golayaashu tiro u lahayn, waxaana xigi doona intaas oo Madal ah oo xuquuqda dadka iyo dalkaba daafacda kol haddii Xukuumaddii, Xeer-dejintii iyo Xisbiyadiiba is-xambaar noqdeen. Ma maqli jirteen: “Yaa is-gaadhay buu yidhi.”.

Wargeyska Hubaal oo ka mid ah foolaadka saxaafadda daabacan ee Somaliland, wuxu ku jiraa kuwa loogu akhriska badan yahay ee gelin horeba ama goor horeba yar yarka iibiya aan gacmahooda ku hadhin. Barqadaba la is-lama soo gaadho oo saambuuse laga addimay ma ay ahayn ama maba ahaba sida waraaqaha qaarkood oo afka la iska mariyo. Qaar baa u haysta in ay joogsatay, weli se waxa la sheegayaa in iyada oo aan daabacnayn si joogto ah ilaa maantadaa aynu joogno loo helo oo looga bogto. Ma laga yaabaa in Dul-yar Dareen-nugul Damqasho-dhow ay rumaysato oo ay anigaygan wax idiin qorayana isku kay duubto.

Hubaal waxyaabaha lagu nacay ee ay xukuumaddu kula collowday waxa ka mid ah halkudhegyada foodda hore kaga qoran ee marka aad iibsataba isha ku dhufanayso. Dad Islaam ah ayaynu nahay e’, midigta aan ka soo bilowno. Xagga sare waxa kaga qoran:

“Runey lagu neceb,

Lagu rookee,

Layska kaa reeb,

Ristaad daaqdaba,

Lagu raad-goob,

Fule kaa roor,”

Heestan waxa kale oo ku jira oo nin ogi laymanka dhexdooda ka akhriyayaa:

“Ribo-doon iyo,

Ra’iis daallin ah,

Midna kuma rabo,”

Tuducan maansada ah ee aan qoraalkaygan kooban ku ballaysimay ee aan ka soo qaatay ma-waabtihii geesiga ahaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye),  wuxu ka mid yahay baadi-soocda wargeyska Hubaal ee inta talada dalka haysaa ku xajiimooto, dantana moodday in ay xidhaan, xabbisaan, xag-xagtaan, mararka qaarkoodna xabbad loola tago sida laga soo weriyay looga-qaateenka wararka ay tebiyaan loo wan-qalo. Sow tii hore loo yidhi:

“Warka looga-qaateen sidaa, loo wan-qalayaaye,”

Marka aad bogga hore ee Hubaal isha ku dhufato, dhinaca bidix waxa ku qoran tuduc laga soo qaatay “Qasab kuma balweyn karo.”

Waa meelaha aan is-leeyahay waa laga raacay Hubaal, maxaa yeelay dadkii ku soo gudbay kuna soo caano-maalay saxaafaddii madaxa-bannaanayd ayaa maanta markii ay xukunkii dalka gacanta ku dhigeen ay hoodh kala qudhmuunaatay. Waa ay ku xajiimoodaan wixii ay ku raaxaysan jireen. Waa ay ku cadanyoodaan maqaalladii ay sida culayga isu marin jireen. Waa ay ka haddaaran hadalladii ay ku hadaaqi jireen. Wareeg 360 ‘digree’ ah ayay wareegeen. Dadka qaarkii waxaabay leeyihiin maanta xaalkoodu waa khalli-duur.

Halganow adna dabkaa ba’. Ma tan ayaa kuu dambeysay oo aad la soo dig iyo ham lahayd. Nin soo-jireen ah oo nolosha soo jitaabiyay oo bad iyo berriba ka soo cabbay, waa Xildhibaan Bashiir Tukaale e’ ayaa laga hayaa: “Tacab ba’ay beer uun ma aha.” Hoggaankuba mararka qaarkood waa uu kaa ba’aa…….Doorashadaa kaa ba’da…..Ololaha ayaa kaa ba’a…….Xisbigaa kaa ba’a……Xeer-dejintaa kaa ba’da…….Xaq-soorka iyo xeer-ilaalintuba mar ayay kaa ba’aan………Xeer-beegtida ayaa kaa ba’da oo kaa xumaata haddii xeer iyo xaagaanba laga guuro….Waa tacab-khasaarka taagan. Oo yaa u fadhiyay maamul la doortay oo aan qasab iyo cabbudhin midna ku iman, ayaa saxaafadda Somaliland afka qaban doona.

Inta maan-gaabka ah ayaa u haysata in Hubaal la xidhay iyo intii qoraysay. Warqaddii iyo khadkiiba hore ayaa loo xidhay. Madbacaddii ayaa la raaciyay. 3dii bishan Juulayna Guddoomiyihii Wargeyska iyo tifaf-tirihii ayaa la raaciyay. La-ye midna sannad ayaa lagu xukumay midna laba sannadood. Ganaaxa lacageedna waa ay ka siman yihiin oo waa min laba milyan oo Somaliland ah. Waxay intaa ku darayeen goobtii Maxkamadda ayaa laga qaaday oo Xabsiga Dhexe ee Hargeysa ayaa la  geeyay.

Bal hadda aan daalacanno saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland waxay dhagartan ka tidhi. Waa Ururka SOLJA, waxaanu baahiyay:

“Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cod dheer ku canbaaraynayaa xukunka sharci-darada ah ee ee maanta 7/3/13 cabbaaro 10:00 subaxnimo garsoore ka tirsan maxkamada gobolka maroodi jeex oo lagu magacabo Cismaan Ibraahim Daahir (Fanax) uu ku riday labada masuul ee wargayska madaxa banana ee HUBAAL.

1. Maxamed Axmed Jaamac (aloolay) oo ahaa mareeyaha wargayska waxa lagu xukumay hal sano oo xadhiga iyo hal milyan SLSH.

2. Xasan Xusen C/lahi (keef keef) oo ahaa tafatiriihii wargayska HUBAAL waxa lagu xukumay laba sano oo xadhiga iyo laba milayan SLSH.

Waxa kale oo wax laga xumaado ah in hore wargayska HUBAAL hore weerar hubaysan  loogu soo qaaday  24-April-2013 oo dhawacyo loogu gaystay masuuliyiinta HUBAAL oo gaar ahaan dhawac kazoo gaadhay mareeyaha wargayska Mr. Caloolay  iyadoon waxba laga qaban oo ay xukumadu sheeg tay in labadaa nin ee weerar ka gaystay ahayeen in ay labaduba POLICE  ahaayeen.

 

Qormada: 2aad

Bayaankii SOLJA ayaa weli inoo socda:

“Sidaa darteed iyadoo ururka SOLJA  oo ka xun go’aamada sharci darada ah ee iskaga daba dhacay wargayska HUBAAL , Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan daneeyayaasha madaxa banana ee xoriyatal qawlka gudo iyo dibadba ay si toosa faragalin ugu sameeyaan kiiskan foosha xun ee lagu mijo xaabinay Dimuqraadiyadii iyo Xoriyatal qawlkii Somaliland.”

Bayaankaa geesinnimada leh ee ay soo saartay SOLJA waxa raacay bayaannadii iyo war-saxaafadeedyadii: xisbiyada, siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, dadka daafaca xorriyatul-qowlka iyo qaar kale oo badan. Bal immikana aan eegno dhacdadaa dhagareed ee Hubaal dhowrka jeer loo geystay waxay ka yidhaahdeen CPJ oo ah Guddida Ilaalinta Suxufiyiinta oo isla maalintaaba bayaankoodii soo saaray, waxaanay qoreen:

Somaliland oo xabsi lagu xukumay suxufiyiintii Hubaal

 

“Nayroobi, Juulay 3da, 2013ka: Maxkamad ku taalla Jamhuuriyad-u-egta (semi-autonomous Republic) Somaliland ayaa maanta ku eedeeyay Guddoomiyihii iyo Tifaf-tirihii wargeyska maalinlaha ah ee Hubaal eedo magic-dil ah kuna xukumay in xabsiga loo taxaabo.”

 

Waxa weli inoo socda warkii Guddida Ilaalinta Suxufiyiinta, CPJ oo intaa hore ku kabtay qiyaasta xadhiggii iyo ganaaxii lagu xukumay Guddoomiyihii iyo Tifaf-tirihii Hubaal.

Hay’adda CPJ iyada oo soo xiganaysa Qareenkii Hubaal u hadlayay ama daafacayayba waxay sheegtay in ay qalad ahayd in weriyayaasha Hubaal lala tiigsado Xeerka Ciqaabta oo sharci ahaan ay ahayd in la mariyo ama loo adeegsado eedeyntooda Xeerka Saxaafadda ama Xeerka Madaniga ah.

“Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.” Waxaynu intaa u ordaynaa ha nala ictiraafo, qiyamkii iyo akhlaaqiyaadkii caalamkana waa aad arkaysaan sida aynu ugu tumanayno ee uga arradan nahay.

Tii aad maqashaaba tii kale ka daran. La-ye 4/7/13ka ayaa haddana la soo daayay. Warkii dadka ma aan rumaysan. Hawl adag ayaan ku jiray oo idaacado ma haleelin. Waxaan iska sugay wararkii TV-yada. Ku-ye madaxdii Hubaal ee la xidhay shalay ayaa xorriyaddoodii loo soo celiyay maanta. Warkii oo dhanna waxa lagu sheegay in la soo dammiintay iyo Caloolay oo war kooban sii daayay.

‘Ka annamaa’ ama sidii oo aanay waxbaba dhicin ayaa suuqa la isla dhex-marayay: “Waa la soo daayay innamadii.” Niman waaweyn ayaaba ku tar sheeganayay sidii waxay derbigii Baarliin dumiyeen.

Maansadii Deelleeyda ee Xasan Xaaji Cabdillaahi’ Ganey, oo magaceedu ahaa: “Ka-dartaye ma dibi baa, maxay dihatay maansadu,” ayaa waxa ku jiray tuduc ahaa:

“Meeshuu ilkaa daro,

Doolli baa afuufee,

Ha dareemin miciyaha,

Ma dabeecad jiir baa?”

Da’yarta aan garanayn aynu u sheegno in “doolligu” af-xamariga ku yahay jiirka.

Dib u raaca sheekada:

Ballaysinkii Wargeyska Hubaal: 20/7/20132kii

Marka loo eego wargeysyada kale ee daabacan, Hubaal isaga ayaa ugu da’yar. Shinka uu tirsadaaba ma gaadho sannad. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland ayaan ahaa markii ugu horreysay ee tirsigii ugu horreeyay la daabacay. Dhinbiil shidmaysa ayuu ku noqday xukuumadda. Waxa la damcay in la ii adeegsado joojintiisii oo ay Madaxtooyadu sida fiinta uga qaylisay, bal se anigu iskuma hawlin sabab aan isugu hawlaana ma jirin oo Ilaahay ayaan ka magan galay in ay waxyaabo caynkaas ahi ka mid noqdaan taariikh-nololeedkayga (CV-gayga). Sidii Gaarriye, ninna khushuuciisa ma akhriyo. Laakiin qaylada laga qayliyay iyo xanuunka ay Madaxtooyada iyo xukuumaddaba ku haysay ma ay yarayn.

Marka tirsiyadii ugu horreeyay ee Hubaal la daabacayaa, waa 20/7/2012kii. Waqti badan oo laga qayliyaba ma ay soo jirin, laakiin xukuumaddeenna iyo Madaxtooyadaba waxay ku ahayd kuna tahay wax qarniyaal soo jiray. Waxay u tahay dhamac shidmaysa oo aanay kulaylkeeda iyo kaarkeedaba xejin karin.

Weerarkii Hubaal: 24/4/2013ka

Waa goor habeennimo ah. Waxa la joogaa Xarunta wargeyska Hubaal. Waxa la soo weriyay in ay laba nin oo bakoorado iyo baastoolad ku hubeysnaa soo weerareen innamadii oo shaqaynaya oo iska fadhiya oo weliba qayilaya. Waxa kale oo la soo weriyay in dad kalena la fadhiyeen. Weerarkii waxa ka dhashay in Guddoomiyihii Wargeyska Hubaal gacan laga jebiyo. Waxa kale oo la soo tebinayaa in dagaal gacmaha la isula tegay oo xataa xabbado bastooladeed ay rideen nimankii weerarka ahaa.

Wararku waxay sheegayaan in ay laba nin ahaayeen oo midkood la qabtay. Waxa lagu qabtay, sida la soo weriyay baastoolad iyo tilifoon ‘Mobile’ ah. Taliyaha Booliska Somaliland dhacdadaa ka dib mar uu shir-jaraa.id qabtay wuxu si cad ugu sheegay in ninka la qabtay ka tirsan yahay ciidanka Booliska. Waxay intaa ku dareen in ninka baxsaday yahay ka baastooladda riday. Haddana baastooladdii ninkan la qabtay ayaa laga helay.

Tan iyo maalintaa ninkii Maxkamad lama hor keenin. Kii labaad ee baxsaday lama soo qaban xataa magaciisana lama sheegin. Ma maqli jirteen: “Annagaa yaab araganay.” Waa tan oo kale.

Ciidan-weynaha Booliska Somaliland aan ka xaal-siinno ceebahan aanay galabsan ee la mar-marinayo. Tacab badan ayaa galay dhismahoodii in la xajiimeeyana ma aha oo weliba kuwii u talinayay ee magaca iyo manfacaba ku qabay in ay ceeb la doontaan ma aha. Ma Booliska Somaliland ayaa soo qaban kari waayay qof eedeysane ah oo kii ku lammaanaa la hayo. Ceeb! Weliba waa mid aanu ciidanka Boolisku geyin oo aanu galabsan. Xaal…..Xaal…..Xaalal aan dhammaan naga gudooma haddii aanu shacbigii nahay.

Dhacdadani waxay inala gelaysaa sheeko-baraleydii Carbeed ee ‘Kunka habeen iyo habeenka.’ Si aynu kunkaa habeen iyo kunkooda maalmoodba u soo jeedno, sheekadii aynu ku soo jeedi lahayn ayaa halkan ku jirta. Waa dhacdo la yaab leh oo aynu kun iyo kow su’aalood iska weydiin karayno.

Anigu waan idiin bilaabayaa idinku dhammaystirta oo maaweelo iyo medadaalaba ka dhigta. Aan hormo-geliyo su’aalihii si aad u kabtaan, jawaabahoodana u raadisaan oo weliba aynu u wadaagno oo loo daabaco. Ballankeennu waa: facebook-yada, Twitterrada, Blogyada iyo baraha kulanka ee barbaarta ee aanay odayaasha liicay hiigsan karin.

Aniga intaydii waa tan:

Ma dhab baa in Hubaal la weeraray? Goor ma ayay ahayd? Ma habeen mise maalin? Ma 24/4/2013ka ayay ahayd? Yaa soo weeraray? Ma dhab baa in ay laba nin ahaayeen? Ma run baa in ay wejiga soo duubteen? Ma ciidammada Booliska Somaliland ayay ka tirsanaayeen? Ma hubeysnaayeen? Oo baastoolado iyo bakoorado ayay siteen? Ma dhab baa in mid la qabtay? Oo Xabsiga Dhexe ayuu ku jiraa? Ma run baa in baastoolad, bakoorad iyo ‘Mobile’ lagu qabtay? Kii kale miyaan la weydiin? Maxaa loo soo qaban waayay kii labaad? Denbi-baadhisteenna, Sir-doonkeenna, kabo-jaqaf iyo kabo-calaf marka aynu is-raacinno, ma waxaynu tahli weynay in aynu soo qabanno eedeysane lammaanihiisii la hayo? Meeday mefrish-joogteennii? Dhego-miishaartii maxaa helay? Oo san-la-raacdii iyagana ma ka bes baa? Bal joogay taa xaggee laga dheelaa? Ma dhab baa in Caloolay la jebiyay? Mise wuu iska duubtay? Ninka dhaawacan lagu eedaynayaa muxuu u xidhan yahay? Haddii Maxkamad la keeni waayay miyaan isaga qudhiisa eed laga gelin?

 

Qormada:3aad

Mee Xisbigeennii amranaa ee Kulmiye ee ballan-qaadyada aan intoodii badnayd fulin codadkeennii inaga siistay? Mise meel uu ku dhibcayba lama hayo? Ma waxyaabihii ay ka cabanayeen wax ka daran oo aan hore inoo soo marin ayay inagula kaceen? Ma maantaa maammulladii hore loo ooyayaa?

Waa tii hore aan idiin ku sheegay oo kunkii su’aalood ayaan idiin bilaabay ee idinkuna maararrow ka dhigta oo sii dhammaystira.

Sow tii Timacadde lahaa: “Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye,”

Malaha su’aalihii waa ay idin la qalin-taraareen ama ‘computer’-taraareenba? Hubaal waxay ahayd foolaadka wargeysyada sida tooska ah ee ba’an u maqdiya Xukuumaddeenna neceb hay’ad-dhiska ee ka jecel qof-dhiska ama qof-qiimayntaba. Waa halka aynu ka jabnay. Haa oo la iskuma haysto in ay xukuumaddan maanta jirtaa wax badan oo maaddi (material) ah qabatay, bal se ta macnawiga ah ee ay dhaawacday ayaa ka badan, dadkuna uga xiiso badan yihiin. Waa waxa loo arki waayay wax-qabadka ay ku faanaan ee ay ku cel-celiyaan. Guul aan laguu ogeynina guul ma noqoto e’ waa hal bacaad lagu lisay. Guul aad keligaa isu og tahay, adiga ayaa isugu sacab tuma, markaas ayaad dadka intiisa kale la collowdaa. Derbiyo qurux badan, Xarumo wasaaradeed oo qurux badan, bal se aanay wax badani ka hooseyn waa la dhisay. Hadda intaasiba wax la’aanta waa ay dhaantaa. Hambalyo. Yaan lagaga masuugin bogaadinta waxyaabaha ay ku guuleysteen, si tabashadeennana loo arko ama loo maqlaba.

Hubaal, teennii ku soo noqo. Maalin kasta qaylo iyo baroor ayay xukuumadda u ahayd oo intaa waxay ka caban jirtay: “Hubaal baa waxaa qortay.” Hubaal xadhiggeeda iyo xayiraaddeeda meel kale loogama iman. Waxyaabahaa isa soo biirsaday ee kellifay in Rugtooda lagu weeraro, laguna dhaawaco, waxa u xigay warqaddii, khadkii iyo madbacaddii oo la xidho. Waxa u raacay Guddoomiyihii iyo Tifaf-tirihii oo iyagana la xidho, iyada oo aan laba Cali is-weydiin ciddii dhaawacday iyo ciddii soo weerartayba.

Xukuumaddeenna Dul-yar adkaysigiiba show goor hore ayuu ka dhammaaday. Hubaalna aammusi weyday. Haa……waa dhab saxaafadda inteeda badani jaamicado saxaafadeed kama soo bixin. Laakiin, dalka oo dhan ayaa iska caynkaas noqday intii xukuumaddan Kulmiye timid oo, CV-giiba wuxu ku soo ururay: “Waa qolo ma?” Bes, wax kaleba uma baahnid. Inta siyaasadda dalka gacanta ku haysaaba waa barbarad ee cid ayaan ku qabsanayn. Waxay u muuqataa in saxaafaddii la tun-jileecsaday.

Hubaal, dalqo bahal waxay gashay 8dii iyo 9kii bishii Juun ee 2013ka. Oo maxay qortay? Ka durduurta waa kuwan maqaalladii ay eedday ee dagaashay e’.

Juun, 8dii, 2013ka, Cadadkii 262aad ee maalintii Sabtida, Cinwaanka maqaalkuna wuxu ahaa: Milicsiga Taariikhda Iyo Qorshayaasha Weerar ee Masaarida ee Maanta iyo kii 1998kii:

Hadda sidii Wargeysku u soo qoray ayaan u soo xiganayaa ee ha moodina in aan anigu qoray. Bisinka e’, waxay ku bilowday:

Muxuu Daaran Yahay Socdaalka Wasiir Daakhiligu Ku Tegey Dal Carbeed oo Gacan-saar La Leh Masar  Maxayse Ahayd Tiraabtii Cigaal Ka Yidhi Weerarkii Masar?

Hargeysa (Hubaal)

“Wararka isa soo taraya ee ka imanaya Muqdisho oo ay ugu dembeeyeen Saraakiishii Sare ee ka socday dalka Masar oo markii ugu horreysay gaadhay halkaasi, tan iyo intii ka dembeysay afgembigii shacbi ee Xukuunka lagaga tuuray Taliskii Siyaad Barre iyo warar kale ee sheegaya in dalka Masar ay hub xad dhaaf ah ku dal-dalayaan xukuumadda Muqdisho ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu tilmaamo inuu yahay nin ay  isku mabaadii’ yihiin isaga iyo rag kale oo ka tirsan madaxda Soomaaliyeed, ayaa waxa aanay illaa hadda xukuumadda Somaliland wax jawaab ah ama dareen ah ka bixin, marka laga reebo siyaasiyiin aan xil hayn hadda oo uu ugu horreeyo Cali Maxamed Waran-cadde oo dhawr jeer sida fiinta uga qayliyey damaca Masaarida ee ay ku doonayso in ay saldhigyo ka hesho dalkii Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Wararkani markii ay soo baxeen ayaa waxa dhawaan socdaal aan la shaacin oo warbaahinta laga qariyey   inta la og yahay dalka Imaaraadka Carabta ku tegey  wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ah Madaxdii Somaliland ee markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya si aan gabasho lahayn ugu dhawaaqay in Guusha Xasan Sh. Maxamuud  uu ku gaadhay Madaxweynenimada ay Somaliland  doorka koowaad ku lahayd, sidoo kalena isla markii lagu dhawaaqay guushiisa oo ay ka soo wareegeen  doorashadiisii wax aan dhawr saacadood gaadhin ay xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Somaliland u kala dheereeyeen Hambalyayntiisa iyagoo toos u tegey Telefishannada Somaliland qaarkood sida HCTV,  iyadoo aan Weli Madaxweynaha JSL laga maqal xilligaasi Hambalyada Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba, waxa hadda ay shacbiga Somaliland wax garadkiisu shaki ka galay socdaalka  qarsoodiga ah ee uu wasiirka arrimaha guduhu  ku tegey Imaaraadka, iyadoo geesta kalena xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo war rasmi ahi kasoo yeedhin oo la xidhiidha siyaasadda Cusub ee ka unkantay Mandaqada, gaar ahaanna Soomaaliya oo ay Masar si aan qarsoodi lahayn isugu diyaarinayso inay dhulka Soomaaliya iyo Somaliland-ba ka samaysato saldhigyo ay kaga duusho dawladda Itoobiya ee aynu deriska iyo Saaxiibkaba nahay, kadib markii ay si rasmi ah dawladda Itoobiya ugu dhawaaqday inay biyo xidheen ka samaysanayaan webiga Blue Nile-ka oo ah ka ay biyuhu uga tagaan webiga Niilka.

Tallaabadan faro-gelinta ah ee dalka Masar uu hadda ka bilaabay  Soomaaliya iyo Somaliland,  iyagoo gabbaad ka dhiganaya aqoonsiga  caalamiga ah ee loo fidiyey Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaan ahayn markii ugu horeysay, balse waa jirtay in faro gelin tan la mid ah ay damceen inay ku tallaabsadaan bishii Jan. 1998-kii, waqtigaas oo uu dalkan Somaliland Madaxweyne ka ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Haddaba, Qoraal deg-deg ahaa oo xilligaas uu Marxuum Cigaal u diray Ururka Midowga Afrika, IGAD iyo UN-kaba waxa uu soo qaatay  war rasmi ah oo uu xafiiska waaxda arrimaha dibbeda ee dalka Masar ay ku war gelinayeen dagaal-oogayaashii xilligaasi ee Soomaaliya oo uu shir dib u heshiisiin ahi uga furmayay Baydhabo in Masar ay diyaar  u tahay   haddii ay shirkaas dib u heshiisiinta ah ku guuleystaan kooxihii ku hirdamayay Soomaaliya  ay markaa  ballan-qaadayaan in tallaabo Militari oo  fir-fircoon oo lagu qaado  Somaliland ay wax walba oo suurto gelinaya kaga  gacan geysanayaan sidii  loo qabsan lahaa, iyagoo Masar geesta kalena ka waday inay afduubaan shir isla waqtigaas ka dhacayay Magaalada Harare ee wadanka Simbabwe oo kooxaha Soomaaliya loogu qabanayay shir kale oo dib u heshiisiin ah isla sanadkaas.

Haddaba si uu uga hor tago Mu’aamaraadkii Masaarida waxa uu Marxuum Cigaal Qoraal rasmi ah u diray OAU, IGAD iyo UN, kaas oo uu ku sheegay in Masar au xidhayso dhammaan dhabbeyaashii dib u heshiisiineed ee ay ururradaasi wadeen, isla markaana ay u tafa-xayteen sidii ay dagaal lagu hoobto oo mandaqada oo dhan saameeye  uga dhex dhalin lahaayeen labada dal ee walaalaha ah ee Somaliland iyo   Soomaaliya, waxaana  taasi muujinaya sida uu Marxuum Cigaal sheegay faro-gelinta tooska ah ee ay Masaaridu kula dhex jirto Soomaaliya iyo afduubka ay doonayso inay kula wareegto hawshii dib u heshiisiinta, igasoo Madaxweyne Cigaal hoosta ka xariiqay in ujeedada Masar tahay oo keliya sidii ay danahooda Istaraatiijiyadeed ee Juquraafi ee ay ku leeyihiin Mandaqada uga fushan lahaayeen, kuwaas oo ugu horreeyo ilaalinta biyaha webiga Niilka oo ay Masar 87%  biyahaas keli ahaanteed Manaafacaadsato.”

Warka 2aad wuxu ku soo baxay Hubaal: Cadadkii 264aad ee Isniintii Bishu Ahayd 10kii Juun, 2013ka:

Waxaanu ku saabsanaa Warqad uu qoray nin kahbiir ah oo Mareykan ah oo Gregory R. Copley la yidhaahdo, kaas oo Madaxweynaha iyo qalalaasaha Masar ay mandaqadda ka waddo ka hadlay.

Bishii Juun 11diiba, Xaruntii Hubaal tabtii shabadaantii carruurtu ciyaari jirtay, waxay ahayd: “Xidhan oo xayaayiran.” Gabbal baa u dumay. Weerarkii hubeysnaa ee aan geedna loogu soo gabban ee garsoor, dembi-baadhis iyo xukuumad midina ka gar-niqin ayaa taasina u raacday. Ma maqli jirteen: “Gar-darro aan geedna loogu soo gabban.”

Gegebegaba sheekada:

Qormada: 4aad

Gebegebeda sheekada:

Wax la soo maalin-gaalo, la soo galab-carraabo oo la soo guureeyaba waxa la soo gaadhay 3/7/2013ka. Maamulkii wargeyska Hubaal ayaa Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa la hor keenay. Waxa Maxkamadda Garsoore ka ahaa: Cismaan Ibraahin Daahir iyo Kaaliye Khadar Jaamac Xuseen.

Dhibbanayaasha dacwaddani waxay kala ahaayeen: Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qunsuliyadda Itoobiya (safaaradda Itoobiya),

Eedeysanayaasha dacwaddani waxay kala ahaayeen: Maxamed Axmed Jaamac (Coloolay), Ina Aamina Cismaan, l/36 jir ah, iyo Xasan Xuseen Cabdillaahi,

Waxa lagu soo eedeeyay: Qodobbada 287,328,452, 45 XCG,

Sidii dhaqanka garsoorku ahaa Eedeysanayaashii ayaa la weydiiyay in ay eedahan qabaan. Dhammaantood waxay ku jawaabeen in aanay eedahan qabin.

Hadalkan iskama qorayo e’, waxaan xiganayaa oo raad iyo tix-raacba ii ah Go’aankii Maxkamadda Hargeysa ee Gobolka, ee summaddiisu ahayd MGH/DDL/598/013 ee soo baxay 3/7/2013ka.

Soo-jeedin: Is-hortaag Qareenka 1aad ee Eedaysanayaasha:

Qareenkii daafacayay Eedeysanayaashu wuxu dooddiisii ku soo jeediyay in nimankan lagu haysto Mihnaddooda oo saxaafad ah, sidaa darteedna ay daw tahay in lagu abaal-mariyo Xeerka Saxaafadda. Isaga oo soo jeediyay Qodobbadii uu cuskanayay, wuxu Maxkamadda sharafta leh ka codsaday:

  1. In haddiiba ay jirto dhibaato iyo xad-gudub loo tirsanayo Eedeysanayaasha iyo wargeyska Hubaal, ay tahay in sharci-yaqaan dawladdu in uu Madani ugu dodo,
  2. In Wargeyska oo aan eedda ku jirin, isla markaa aan lahayn wax denbi ah, sida ku xusan Qodobka 3aad in xayiraaddii laga qaado,
  3. Hubaal lafdigiisa xad-gudubyada laga galay in lagu soo oogo oo Maxkamadda la hor keeno ciddii ka gashay,

Majarihii dacwadaha lala mari jiray ee su’aalaha, weydiimaha iyo caddaymaha lahaa iyo dood dheer ayay labadii dhinac isla galeen, ka dibna Garsoorihii ayaa xukunkii riday.

Garsooruhu Go’aamkaa Maxkamadda ka dib shir-jaraa’id oo uu qabtay, oo kollay aan anigu ka daawaday HCTV wuxu kaga sheekeeyay sidii ay wax u dhaceen iyo go’aanka Maxkamadeed ee uu qaatay.

Looyarradii wargeyska u doodayay mid ka mid ah ayaa isaguna Shir-jaraa’id qabtay oo ku dacwiyay in ay ahayd in kiiskan lagu qaado Xeer Saxaafadda ama Xeerka Madaniga ah.

Gude iyo dibadba afkaar badan ayaa laga bixiyay xukunkan ku dhacay Hubaal iyada oo aanay laba Cali si-weydiinin wixii iyaga loo geystay.

Laba eedood ayaa meesha ka muuqday oo kala ahaa mid la yidhi waxa loo geystay safaaradda Itoobiya iyo mid la sheegay in loo geystay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Tan Itoobiya haddii aynu ku horreynno, Guddoomiyaha iyo Tifaf-tiraha Wargeyska Hubaal waxay ku doodayaan in aanay warkan u qorin siidan loogu soo eedeynayo, bal se ay u qoreen qaab digniineed oo ay Safaaradda ugu sheegayeen in magacooda lagu adeegto. Hubaal warkan waxay qorayaan 26/1/2013ka oo lix bilood ay ka dambeysay. Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay maxaa intaas oo dhan lala sugayay dacwaddan qaadisteeda?

Eedda labaad waa warqaddii ay tarjumeen ee ninka Mareykanka ahi qoray. Su’aasha is-weydiinta mudani halkanna waxay tahay ma keligood ayay qoreen, mise Websiteyada (Mareegaha) Somaliland qaar badan oo ka mid ah iyagana waa lagu qoray, bal se cid ku qabsatay ma jirin. Xataa iyaga naftooda ayaa la sheegayaa in ay xigasho ku ahayd oo ay soo xigteen.

Adduun hawli kama dhammaato e’, waxa la yidhi odey Qurbo-joog ah ayaa aad uga fekeri jiray carruurtiisa iyo in aanu dhaqanku ka xumaannin oo aanay ku dayan dadkan shisheeye ee ay la nool yihiin. Waxa la sheegay in uu culayska saaray in uu aad uga ilaaliyo barnaamajyada TV-yada ee aan akhlaaqiga ahayn ama qaawanba. Inta badan wuu la joogi jiray oo suuq iyo seylad qaad oo uu tagaba waa uu daayay. Sidii ayuu u dhex fadhiyay isaga oo ‘Remote’-ka gacanta ku haysta oo aad u digtoon. Mar alle yaale marka muuqaal xumi soo fool leeyahay ayuu ka bakhtiiyaa. Cabbaar inta uu sugo ayuu mar danbe u shidaa oo ay sheekadii halkii kala sii socdaan, iyada oo ka yar kala go’day.

Waxa la yidhi maalintii danbe iyaga oo tareen dhulka hoos mara la socda, ayaa laba isku cindanaa oo isku dheggenaa aad isugu dhawaadeen. Waxa lagu dhawaaday in dharkiiba la isu dhaafo oo la is-dhex galo. Kalgacalkii ayaa la jiitay, markaasaa la isku dhegay. Odeygii feejignaanta badnaa iyo qaar carruurtii ka mid ah ayaa tareenka saran. Mid yar ayaa aabbihii eegay, markaasuu ku yidhi: “Aabbo bakhtii.” Odeygii ayaa inta uu foorarsaday gacmihiisii eegay, markaas ayuu arkay in aanu ‘Remote-kii’ gacmihiisa ku jirin. Muraara-dillaac ayuu halkii la foorarsaday, joogsigii tareenka ee ugu soo horreeyayna carruurtii ayuu kula degay.

Ma laga yaabaa in ay halkan Hargeysana bakhtiidaasi ka socoto ‘remote-‘ kiina la la’yahay. Bal adba!

Dalka Dastuur Qaran oo afti dadweyne lagu oggolaaday ayaa ka jira. Ma aha Dastuur wareegto Madaxweyne iyo G’aan Baarlamaan ku yimid. Waa Dastuur oggolaansho shacbiya ku yimid. Dastuur Qodobbadiisa qaarna la bakhtiisan maayo, qaarna lagu dhaqmi maayo. Baabbacadaa timo ka eeg. Haddii aad sidaa u garan weydaan: “Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay.” Waa sidii loo yidhi: “Bulshadaa tix-raaciyo, taladiyo guddoonka leh.” Shacbiga iyo xuquuqdooda ayaa ka mudan madaxda. Laba ayaynu u kala baxnaa oo Dastuurka Qaranku inoo kala saarayaa: Waa Doorte iyo La-doorte.

Doortaha ayaa ka mudan La-doortaha. Haddii aanu Doorte jirin, La-doorte ma jirayo. Sidaas ayaa loo kala mudan yahay. Doortaha ayaa dirta La-doortaha oo marka xilligiisu gaadho beddela ama soo celiya. Waa kaa xaqa la duudsiyayaa. La-doortuhu, Madaxweyne iyo Xildhibaan kii uu yahayba, waa adeege u shaqeeya Doortaha. Ma cid baa nagu haysata. Ina Sanweynana u geeya.

Waa Ramadan, waanan iska daalayba e’, waxaan hadalkii kaga baxay:


“Nin dawee la leeyahay,

Dembi uu badh leeyahay,

Xalka doon la leeyahay,

Isaguu u daranyoo,

In uu daaro ma oggola,

Daaraanta mililka leh,

Anna deyso ma oggoli,

Deebaaqda igu mudan,

Talaa maanta ii daran,

Talo dug ka hadhi karo,

Oo dalabta lagu saxo,

Talo aan la duri karin,

Talo aan dib loo arag,

Hebello isu dooddiya,

Oo shicibka dala’sada,

Waxa maanta ii daran,

Horto nabadda doocaan,

Nabad loo diyaar yahay,

Nabad dira-diraaliyo,

Nin dan lihi ku quustaan,

Nabad waysla daallee,

Deggenaansho lagu helo,

Waxa maanta ii daran,

Qaran haga dadweynaha,

Qaran damal sidiisii,

Loo dallaalimeeyoo,

Soo taabta darifyada,

Qaran aan dir-sooc jirin,

Qaran aan ahayn dulin,

Nabad-doonka beeshiyo,

Raacatada dul-saar ku ah,

Isku soo dabbaaloo,

Waxan doonayaa Qaran,

Qaran dhaama kii hore:

Dabo-taxan, 5/1/1997kii, Gaarriye.


Dhammaad

 

 

 

 

 

 

 

 

Additional information