Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hoombaro libaax bay soo waddaa (Istanbuul maxay ii soo waddaa)

Hadal-haynteenna maalmahan ayaa u badan bishan barakaysan iyo waayaha inagu xeeran dal ahaan iyo dad ahaanba. In la wada hadlo ama tiraab wax la isugu sheego wax ka fiicani ma jiro.

 

 

 

Hoombaro libaax bay soo waddaa

(Istanbuul maxay ii soo waddaa)

 

http://cdncms.todayszaman.com/todayszaman/2013/04/13/nrfwp3ao.jpg

“Haddaan kuu gabayaba,

Kuu godob miyaa?

Ma ka aar-gudaa?

Ma go’doomi baa?

Ma gondaa jar baa?

Ma ha gaaggaxaa?

Ma guhaadiyoo,

Ha ku gaabsadaa?

Ma ha guuxin baa?

Ma in aan gudhaa?

Hadal waa gunnee,

Ma gar-diidnimaa?

Gar-naqsi, Gaarriye, 25/4/1983kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. www.dharaaro.com

19/7/2013ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Ramadaan Kariim

Ilaahay dembigeenna ha dhaafo, dariiqa toosanna ha inagu hanuuniyo. Taasi waa tii Duco iyo bishan Ramadaan ee barakaysan. Ta daneed:

Hadal-haynteenna maalmahan ayaa u badan bishan barakaysan iyo waayaha inagu xeeran dal ahaan iyo dad ahaanba. In la wada hadlo ama tiraab wax la isugu sheego wax ka fiicani ma jiro. Tixdu waxay timaaddaa marka tiraabta laga caal-waayo. Xukuumaddeenna iyo Golayaasha Qaranka ee kale waxa laga rabaa dul-qaad in ay u yeeshaan mararka carrabka lagu dhufto dhalliilaha ay leeyihiin. Cay iyo habaarba dibadda weeyaan. Qof madaxdiisa caayayna, waa qof is-caayay. Dastuur ummadi u codeysay oo dal iyo dadba ka dhexeeya oo ay u siman yihiin Doorte iyo La-doorte ayay qoondaysteen in ay intooda ama qodobbadooda adeegsadaan intii shacbiga awoodda iyo xurmada siinaysayna ay laalaan. Mindida daabkeedana waxa haya Doortaha. Illeyn haddii aanu Doortuhu jirin La-doorte meesha iman maayo e’.

Eeg waa anigaa durtabaa qalin-taraaray e’. Aan ku soo noqdo mowduuca aan u holladay. Waa wada-hadalladan dhiillada iyo dhabanno-haysta reebay ee ka dhex socda Soomaaliya iyo Somaliland sida aynu war-baahinta ka maqlayno. Dal isagu waa Soomaaliya oo arrimihiisu dadkiisa iyo dawladdiisa ayay u yaallaan.

Wada-hadalladan la sheegayo in ay Soomaaliya iyo Somaliland dhex marayaan, markan immika Istanbuul lagu shiray ayaa kii afraad ah. Ilaa maalintaa la bilaabay ilaa maalinkaa maanta ah, wax la taaban karo oo ka soo baxay ma jiraan. Mid walba marka uu dhammaado dhowr Qodob ayaa la taxaa oo la yidhaahdaa waa la isku af-gartay. Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Meyd maxaa ugu dambeeyay iyo kaa la sii sido.” Shirarkan mahadhada iyo dhabanno-hayska reebay waxa ugu dambeeyay kulankii ka dhacay magaalada Istanbuul 9/7/2013ka. La-ye saddex Qodob ayaa ka soo baxay. Laba Qodob wax sidaa u sii ridan ma ay ahayn oo waa kuwii lagu celcelin jiray: wada-hadallada oo sii socda iyo in 120 maalmood ka dib isla Istanbuul lagu kulmo.

Qodobka kale ee soo hadhay wuxu ahaa in Soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in ay QM kala soo wareegaan maamulka hawadooda. Waxa intaa lagu daray in Xarun Hargeysa ku taal laga maamulo iyada oo la hawl-gelinayo Guddi wada-jir ah oo ay labada dhinac soo doorteen.

Aniga oo aan ku talax-tegayn, shalay (18/7/2013ka) Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya wuxu go’aamiyay in ay heshiiskaas aqoonsan yihiin isla markaana uu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca midnimada. Waa mowqifka rasmiga ah ee mid ka mid ah labadii dhinac ee heshiiska wada galay oo ah Soomaaliya.

Docda kale aan iska taagno. Wefdigii ka socday Somaliland isaguna halkan ayuu ka sacabbo-tumanayaa oo ka sheeganayaa in uu goolal soo dhaliyay. Labaduba waa ay xarragoonayaan. Soomaaliduna, waxay ku maah-maahdaa: “gari laba ruux kama wada qosliso.” Xaliimo Khaliif Cumar, Magool, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, dhowr iyo lixdankii beryihii ay Hargeysa ka heesi jirtay, maah-maahdan waxay ugu luuqayn jirtay: “Ogow garina laba ruux, ilkaa uma guduuddee.” Riwaayadda Saxardiid Maxamed, Jebiye ayaa iska lahaa.

Waxaan xusuustaa 80kii aniga oo barqo joogay Hargeysa, gaar ahaan Harbeysa ‘Club’. Odayaal reer Hargeysa ah oo xarragoonaya oo go’yaal shaal ah huwan ayaa soo gelayay. Waxa weydaartay oo sii baxayay Odayaal kale oo xarragoonayay oo go’yaal shaal ah sitay oo ka tirsanaa qaxootigii Hargeysa deggenaa. Kolley Xaaji Axmed Il-dab iyo Cumar Jees ayaan ka sii xusuustaa. Cali Sugulle Dun-carbeed oo meesha taagnaa ayaa daymada ku raagay. Markii ay is-dhaafeen ayuu yidhi: “Wallee labadaa xarrago mid baa been noqon doonta.”

Bartaa barteedii ayay taagan tahay maantana. Wasiir reer Somaliland ah ayaa habeen dhaweyd oo uu TV-ga ka hadlayay sheegayay in labada dhinacba guulaysteen. Aniga taasi run ilama aha. Waxaan aamminsanahay sidii ay maah-maahdu sheegaysay.

Hoos aan u daaddego. Dadweyne iyo dawladba heshiis ayaynu ku ahayn in la wada hadlo. Waxa kale oo aynu heshiis ku ahayn in aynu hawshan ballaadhan ee halisteeda leh si wada-jir ah oo joogto ah uga wada tashanno. Haddii aad xusuusataan maalmihii ama beryihii ugu horreeyay ee wada-hadalladan la hayayna mar baa la soo saaray Guddi tiro badan oo la-tashi, laakiin aan dib dambe loo arag loona maqal, sidaana ay talaba faro kaga haadday.

Marka aynu dhinacan Somaliland iska taagno dhacdooyinka wada-hadalladan la xidhiidha, waxaynu ogaannaa oo keliya marka loo ambo-baxayo iyo marka ay dhammaadaan oo had iyo jeer la yidhaahdo waxaasaa ka soo baxay. Intaa kale juuq iyo jaaq cidna lagama maqlo. Waxa laga yaaba in ay qolyaheennu xarfaan yihiin oo aanay waqti badan oo wada-tashiba u baahan. Waxay u badan tahay in ay ku kaaftoomaan, marka ay dayuuradda fuulaan in ay afka is-yar geliyaan oo aanay waqti caynkaas ahba ku qaadan. Waa niman soo gubtoo jabay, sida ay isu qabaan. Haddana Ceel-gaabtii garan maayaan, Baraako-cabdoona bur-saliid kama ay cunin.

Wada-hadalladan dhiillada dhaliyay ee halista ku haya qarannimadii Somaliland wax qoran lagama arko. Ma aynu arag istaraatejiyad qoran oo cad oo ku taxan wada-hadalladan: waxay yihiin, qaabka loo gelayo, dulucda laga leeyahay, xeesha loo adeegsanayo iyo hababka koormeerkooda iyo qiimayntooda. Shaqo-qaybsi isaga hadalkiisa daa. Waxba ma dhaanno dhallaan dhamac holcaysa ku ciyaaraya. Ma aynu arag weedh-murtiyeed siyaasadeed (policy statement) ku saabsan wada-hadalladan oo aynu leenahay, Somaliland ahaan. Waxaynu ku dhego-barjownay shirar-jaraa’id oo aynaan garanayn meel aynu hadhow u raacno. Marka uu shirku soo dhawaado waxa la isku laynayaa cidda wefdiga ka mid noqonaysa. Waa halkii Timocadde e’: “Dan Soomaaliyeed lama hayee, waa dabbaal kale.” Waxaaba la sheegayay qaar lacagtana qaata, wufuuddana iskaga hadha. Ergooyinka inaga tegaya wax kale looma eego oo aan ahayn in ay qabiil iyo qudhun aynu eednay ku salaysnaadaan. Xukuumaddii ayaa caynkaas iska noqotay oo dooceedii iyo dareenkeediiba qabiil noqday. Wejiga ayaa la iska saarayaa iyada oo xafisyadii la dhex joogo. Miyaydaan akhriyin Agaasimihii Guud ee Ganacsiga qorta hadh cad laga soo qabtay iyo qaabka uu sheegay in loola dhaqmay. Waa taas oo saacad walba, maalin walba iyo habeen walba joogta.

Qormada: 2aad

Intan lagu dhawaaqay Golahan Wada-tashigana waa ay ka sii dartayba oo sidii xoolaha ayaa Madaxtooyadii loogu sunsumayaa. Hadda waa sida ay lahaayeen, iyaga iyo Allahood e’. Waa in madaxa la isku keen geliyaa oo aynu innagu kala dhammaan weynaa, ka dibna aayaheennii lala ambadaa oo hadhow waagu dabadeenna ka beryaa. Sow tii aynu ciyaarihii gobollada isku madhan gaadhnay ee reer hebeltu badatay ee magaalo-madaxdeennii labaad ee Burco loo sadqeeyay. Bal hadda u fiirsada tuducan Gaarriye ee aan idiin ka soo dheegay Maansadiisa ‘Dabo-taxan’, waxaanu yidhi:

“Indhahaan ku deyi laa,

Kii deynta iga qabay,

Waxa aan ku dabayaa,

Mid sidayda dulugle ah,”

Innagii ayaa isku maqan iyada oo geeleenni circa lagu maalayo. Haddii uu qof immika kuu soo sheego ruux gaadhi jiidhay, su’aashaada ugu horreysaa waxay noqonaysaa: “Oo qolama ayuu ahaa?”

Wada-hadallada waxay ahayd in ay xukuumadda dalka ka jirtaa hagto oo maammusho. Waxay ahayd marka ay siyaasadda wada-hadallada dejiso iyada oo wada-tashi ballaadhan samaysay, ka dib in ay u gudbiso Golayaasha Sahrci-dejinta si loogu xalaaleeyo. Waa hawl ay ahayd in ay dhex cararto Golayaasha Qaranka oo mid waliba xilkiisa ka guto. Xataa kaalinta ay Golaha wasiirradu kaga jiraan ayaan shaashadda ka muuqan. Dhowr qof ayuun baa ina hor taagan oo weliba aan danaynta iyo war-gelinta  ka sinnayn. Waxay ku odhanayaan waa la is-wada raacayaa: xukuumad, xeer-dejin iyo Xisbiyaba. Leesh! Maxaa la isu raacayaa, miyaanay hawluhu kala qarqarrooayn. Haddii ay wefdiga raacaan laba Guddoomiye-xigeen oo Xeer-dejinta ka socdaa, ma Golayaashii Xeer-dejinta ayaa tegay ayay ka dhigan tahay. Xaasha! Waa laba qof uun. Waxa laguu raacinayaa beelaha oo dhan waa la masilayay oo wefdiga waa laga wada muuqdaa. Oo haddii uu Mudane Garaad raaco ma waxay ka dhigan tahay Awdal oo dhan ayaa joogtay. Ma innagii baa sidii dhallaanka isu sabayna. Turkigan baas ee sidan loogu xarrigayaa se, goor ma ayuu ina kala bartay?

Waxay noola muuqataa in isku-dhafka caynkan ah waxa lagu qarinayo. Maxaa u diiday Xukuumadda in ay hawlaheeda si dastuuriya u gudato iyada oo Golayaasha kale wixii ay hadba qabato u gudbinaysa. Maxaa isku cufay, waxan isku murgay ee la kala saari la' yahay. Ma maansadii Jiitama ee Hadraawi murtidii ku jirtay baa? Sow kii lahaa mar uu dhugucdadii bishii Oktoobar ee aan la mahadin ka hadlayay:

“Dhugucdada xajiinta leh,

Waxa loo dhabdhabayaa,

Toddobaatan iyo dhowr,

Ama boqol dharaarood,

Ama tiro wax sii dheer,

Nafta loogu dhibayaa,

Dadka loogu dhacayaa,

Dhaxan loogu joogaa,

Dhafar iyo hurdo la’aan,

Dibad loogu dhaxayaa,

Dalka oo dhan nuurjiyo,

Dharka loogu xidhayaa,

Dhaanto loogu tumayaa,

Dhaldhalaalka beenta ah,

Ayaan dhuux ka hoosayn,”

Shirarkan Istanbuul ayaa iska caynkaas ah oo haddii dhuux ka hooseeyo looma baahdeen xilal aan is-geyin oo la isku cayn iyo beyd gooyo. Gole waliba xilkiisa ayuu gaar u gudan lahaa, sawirka qarannimaduna waa uu buuxsami lahaa oo Golayaal xukuumaddu ka qaylisaa ma ay soo baxeen. Miyaanay u muuqanayn wax ay xukuumaddu abuurtay in ay qaylo-dhaan ka wadhay. Tubtii hore ku soo noqo, Istanbuul wixii yiil.

Waxay ergadii shirkaa inooga qayb-gashay ku faanaysaa: “Guul ayaanu soo hoynay oo hawadeennii ayaanu soo celinnay.” Oo haddii ay hawadu inaga tegi lahayd ama la inaga qaadi lahaa miyaynu neefsan lahaynba! Riwaayado ayaa la isu dhigayaa. Hawo ayaa la inaga qaaday ayaa riyo iyo riwaayadba ahayd. Innaguna waynagii Riwaayadda kale qaadnay ee innaga oo taagteenna iyo tamarteennaba og dayuuradihii QM xannibnay dalkeennana ka mamnuucnay. Iyaduna Riwaayad kale ma idiin la eg tahay. Markii immika laga yimid Istanbuul ayuu Wasiirka Duulista Hawadu xayiraaddaa qaaday isga oo leh waxaan cuskanayaa Go’aankii Istanbuul. Hadda Go’aankaa uu sheegayo Muqdisho Golaha Wasiirrada ayaa ka fadhiistay oo oggolaaday. Innaga se weli cidi kama fadhiisan. Ma mooddaa in ay xagga dawladnimada inagaga yar horreeyaan. Mise waan yar degdegayaa? Bal adba!

Ka-qayb-galayaashii Shirkaa London ee ‘TFG-da’ iyo Somaliland ka socday ee bishii Juun, 2012kii, waxay go’aansadeen oo ay ku heshiiyeen 8da Qodob. :Si fudud iyo si-dalag ayaynu Shirkaa ku gallay. Waxa ka-qayb-galkiisa isku koobay madaxdii xukuumadda oo intooda badani aanay waxba uga soo joogin soo-yaalkii taariikheed ee dalka iyo dadkanba. Bal hadda aan soo qaadanno Qodobka: 4aad oo odhanaya:

“Labada dhinac waxay ugu baaqayaan Beesha Caalamka in ay sii wadaan fududaynta wada-hadallada, iyaga oo labada dhinac ku kaabaya Xeel-dheereyaal dibadeed oo xagga: shuruucda, dhaqaalaha iyo amnigaba ah,”

Bal tabaaladaa daya. Sannadkii hore ayaa fursaddaas la ina siiyay. Maanta oo bishii Juulay, 2013ka aanay waxba ka hadhin marnaba fursaddaas lagama faa’iidaysan. Wasiirradeennii waayo-aragnimada iyo taariikhdaba saboolka ka ahaa ayaa mar kasta u lebbisanaya in ay shirar aan la mahadin ka qayb-galaan iyaga oo aan waxba diyaarsan. Mararka qaarkood ayaad is-odhanaysaa malaha shirarkaba wax kale looma tago oo aan ahayn in sawirro la iskaga soo qaado.

Haddii aynu fursaddaa ka faa’iidaysan lahayn oo aynu xeel-dheerayaal dibadeed iyo kuwo maxalliyaba isku dari lahayn, maanta waxaynu ahaan lahayn niman xaraar-butaystay oo qaddiyaddoodii oo wixii ay daliil u baahnayd wadata dibadda soo dhigay. Waa sheekadeenniiye: “Hadal uun baa ka dambayn lahaa.” Bal maxaynu maanta la shir- tegaynaa? Ma laga yaabaa in dhinaca inaga soo hor-jeeda ka diyaar-garoobay oo waxyaabaha la ina soo hor dhigo daafici kari weyno? Ha aammusina e’, ka sheekeeya dee. Markaas ayaynu dhabanka iyo gacanta isku illownaa!

Haddii aynu ka faa’iidaysan lahayn fursadahaa ku jiray Qodobka 4aad ee kor ku xusan maanta waxa diyaar inoo ahaan lahaa intaas oo buug ama ‘Dokumenti’ oo aynu raad-raac iyo markhaatiba ka dhigan lahayn. Hoogga iyo ba’a taagan ma maanta ayay qaddiyaddeennii dhiig la og yahay ku daatay mar kale marti u tahay dhawaan-soo-bixii iyo fiqi-duurrayaashii siyaasadeed. Ma innamadii dorraato waa ay fogayd e’, shalay wixii dhacay ogeyn ayaynu doogsin-cararka in ay haamo inoo soo dhaamiyaan u dirannay. Wallee! Innaga iyo harraad waa is-hurran nahay.

Hadda magaalada Hargeysa dadka jooga waxa ka mid ah Mudane Axmed Maxamed Aadan, Qaybe, oo tan iyo kontonnadii soo lignaa maamulkana ku soo dhex jiray. 31 sannadood ayuu ahaa safiir, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasiir Arrimo Dibadeedba. Odey Soomaaliyeed oo Somalilander dhalad ah oo aan biyo is-marin. Intii qalalaasaha Soomaaliya bilaabmay, Hargeysa sidii uu u yimid meelna kama tegin. Waa mid ka mid dadkii u soo taagnaa ee u soo lignaa waxyaabahan aawan ee maanta laga wada hadlayo. Buug kama uu akhrisan, mana bowsan ee wuu u soo taagnaa oo weliba ka adeegay.

Qormada: 3aad

Hoos aan u sii sii sii sii sii sii dego. Hawadan la isku haysto yaa la aamminsan yahay in ay leeyihiin? Innagu Somaliland ahaan waxaynu amminsan nahay in aynu hawadeenna leenahay. Waa run taasi oo laaxin laga jari maayo. Adduunyada kale iyo Soomaaliyadan aynu wada hadlaynaana, waxay aamminsan yihiin in ay tahay hawadu mid ay Soomaaliya leedahay oo ay dawladdeeda aqoonsan yihiin, safiirrana ay is-weydaarsadeen.

Intaa waxa soo raaca in la yidhi waxa laga maamulayaa Hargeysa oo xarun u noqon doonta iyo Guddi isku-dhaf ah oo labada dhinac masisha ama ka wakiil ahba. Caqliga fayoobi wuxu ina siinayaa in ay dawlad waliba xubnaheeda soo xulan doonto. Xubnahaasi ugu yaraan laba iyo laba ayay noqon karaan. Ugu badnaanna intii la doono. Waajibaadkooda, shaqo-qaybsiga, mushaharka, xuquuqda, awoodaha, go’aan-qaadashada, halka laga hagayo, cidda hagaysa iyo waxyaabaha kale ee la xidhiidha, dabcan, waa laga wada hadli doonaa. Ergada shirarkaa inoo tagtaa waxay inoo haystaan dad caammo ah oo wax walba lagu odhan karo. Caqligeennii iyo aqoonteennii ayaa saacad kasta la caayayaa ma is-tidhaahdeen. Mareegaha qaar waxaan ka akhriyayba: “Somaliland waa ay ku qasban tahay in ay go’aankan oggolaato.” Nin Wasiir ah oo shirkaa ka qayb-galay ayaa la soo xiganayay. Innagii ayuu inagu leeyahay: “Qasab ayay idin ku tahay.” Laakiin waxaanu raacin sababta ay qasab inoogu tahay iyo cidda inagu qasbi karta wax aynaan doonayn oo aynaan daafadba u hayn. Wax milgaheenna iyo maqaamkeennaba dhaawacaya cidina qaadan meyso. Hortii jiraba laga yeeli waa. Ma soo xusuusateen maah-maahdii Carabiga ahayd ee la odhan jiray: “Kaam shaafna maraakiib, macadallaa huudhi.”

Miyaanay idiin ku muuqan khiyaamo dhab ah oo ku dhacday wefdigii Somaliland ka wakiilka ahaa. Ajendeyaashii Soomaaliya soo dhigtay waxa ku jiray in siyaasiyiintu ay labada dalba iskaga gooshaan. Waxa inagu maqaalo ahayd in ergadeennu diidday qodobkaas. Laakiin, markii ay oggolaadeen Guddidan isku-dhafka ah miyaan daaqadda looga soo gelin indhahooda oo shan ah. Macnaheedu waxa weeye in ay dawladda Muqdisho ciddii ay doonto Hargeysa u soo diran karto. Oo haddii lagu heshiiyay in labadaa Guddii hawl-galaan, maxaa u diidaya in ay ciddii ay doonaan soo dirtaan.

Halkii hore waxaynu ku soo qaadannay in aynaan weli arag is-taraatejijad cad oo qoran oo ay Somaliland ka leedahay wada-hadalladan aan la mahadin. Dhinaca Soomaaliya marka aad ka soo joogsato ama aad ka eegtaba, qudhooda anigu wax qoran kama arag. Bal se waxaan shaashahada iyo mareegahaba ka dheehday in ay dadweyne iyo dawladba ku xisaabtamayaan in wada-hadalladani ay yihiin geeddi-socod siyaasadeed oo muddo dheer qaadanaya. Taasna, Soomaaliya dan ayaa ugu jirta ay wax badan ku kasban karaan. Innaga haddaba danteennu xaggee ayay ku jirtaa, mise waxaynu iska nahay dameeri dhaan raacdaydii la odhan jiray. Geeddi-socod  gaaban iyo mid dheer kee ayaynu labada wax ku leenahay?

Dadseynuhu waxay sugayaan in laba midkood ka soo yeedho wada-hadallaadan u muuqda in ay cid u af-duuban yihiin: Midnimo iyo kala-tag. In labadaa mid soo yeedho ayaa la sugayaa, in kasta oo aynaan innagu wefigan u diran in ay muran iyo dood midnaba geliyaan Qarannimada iyo madax-bannaanida Somaliland. Bal se sida xaalku u socdo waxa ka muuqata meydhaan iyo milan qun-yar-socod ah. Dhallaan-habaabis ayaa la inoo dhigayaa. Waxa kaaga daran hadallada iyo wararka Xamar ka imanaya ee aan laga jawaabayn. Bal ka warrama shirka ay sheegeen in ay Hargeysa ku qabanayaan oo loogu diyaar-garoobayo shirka Sebtember lagu qaban doono Beljim. Bal Mareegaha war iyo wacaalba weydiiya.

Adduunyadu marka ay wada-hadallada ku jirto, waxay ku dhaqantaa dhafandhaaf ah: “I sii aan ku siiyee.” Si kale haddii aan u dhigo maalinna ama marna adiga ayaa lagaa rabaa in aad xadhigga debciso, marna adiga ayaa laguu debcinayaa. Sidaas ayaanay cidina ku bursan ee labada dhinacba ay guul u suntadaan, haddii aan la is-khiyaamayn oo aan cid laga sad bursan. Haddii uu wefdigeenna wada-hadalladu sidan guul u arko, waa xadhig loo debciyay oo iyagana laga rabo in ay berrito markooda debciyaan. Waxa la ballamay 120 maalmood ka dib. Soomaaliya go’aan-qaadashadani qiimo la yaab leh ayay ku fadhiday, waxay siisatayna waa ay sheegtay oo kama ay ammusin oo waxay tidhi: “Waa tallaabo dhinicii midnimada loo qaaday.” Waa sida ay xukuumadda Soomaaliya u dhigtay. Boqol iyo labaatan maalmood ka dib marka la kulmo, haddii Eebbe inagu simo oo ay codsadaan in dhulkana Xamar laga maamulo oo Guddi isku-dhaf ah loo saaro maxaa la yeelayaa. Ama baddaba oo ay yidhaahdaan hawadii ayaad qaadateen e’, annagana waa nagu badda ama dhulka.

Yaa huba se in aanay Guddidaa ay Hargeysa u soo diranayaan noqon doonin waddo halaq-mareen ah oo aynu ku soo qaadanayano ama amaahanaynaba dhinbiilo dhuxul ah oo qas iyo qalaanqal ka dhaliya Somalilandtan deggan.

Cabdi Iidaan Faarax, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, tuduc ku jiray Deelleeydiisii ayaa ahaa:

“Bal se dira-diraalow,

Ama daba-ka-naaxow,

Damacdaba an raacnee,

Doontaba an yeellee,

Hadduu Qaranku kala dido,

Sidu yay u daran tahay,

Dantu wadajir noqotaye,

Diiddani muxuu helay,

Dirir iyo ul yaa neceb,

Dawadii ayaa furay?”

Halkan dabin ayaa ku qarsoon. Wada-hadalladu waxay ahayd in ay u adeegaan oo aanay ka hor iman ama dibindaabyada aanay ku noqon jiritaanka Qarannimada Somaliland. Bal hadda aan eegno waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee adduunka, mid ka mid ah. Waa xilliyadii dagaalkii qaboobaa ee adduunka ee labada daamood la kala ahaa: Bari iyo Galbeed ama Xoogaggii Naato iyo Warsaw. Midna Mareykanka ayaa qab-qable ka ahaa, xoogga kalena Midowgii Soofiyeti. Hanta-goosi iyo hanta-wadaagna waa la kala ahaa. Xilliyada qaar ayaan dabka la kala qaadan jirin. Markaasaa la isu dirayay kooxo kubbadda laliska ama koleyga wada ciyaara si aan look ala go’in ee look ala lusho. Labada dhinacba waxay ka soo buuxin jireen kooxooda basaasiin iyo mukhaabaraad hawlo kale u soo qabta oo ku meydhaaman in ay ciyaartoy yihiin. Hoosta waa ay iska ogaayeen oo iskuma ay qabsan jirin ee raalli ayaa lagu kala ahaa, in kasta oo qolaba kooxda loo soo diray ay daba-gal ku samayn jirtay.

Haddi aynu Soomaaliya is-dhaafsanno Guddiyo, wax la yaab leh ma aha in ay qolo waliba sida ay ugu badinayso uga faa’iidaysato. Kaba soo qaad in aynu oggolaannay in ay labadaa Guddi hawl-galaan. Is-weydiinta ugu horreysaa waxay noqonaysaa Guddida Xamar ka imanaysaa ma ‘Visa’ iyo ‘Iqaamad’ ayay Hargeysa ku joogayaan, mise waa niman yimid gobol dhulkoodii ka mid ah, sidii waxay Berbera, Ceeri-gaabo ama Booramaba ka yimaaddeen? Innagu ma ka yeelaynaa? Iyagu se dal ay sheeganayaan in ay leeyihiin ma ku qasbi karaynaa in ay ‘Visa’ ku soo galaan? Mise aniga ayaa keyn jafaya e’, Xafiiskan Qarammada Midoobay ee Hargeysa lagu sheegayo ayaa daany-qaad u noqonaya oo arrinta basrinaya? Miyaynu ka qallaynaynaa?Bal adba!

Wada-hadalladu in ay shaasheeyaan qarannimadeenna iyo madax-bannaanideenna ma aha. Waxa kale oo iyaduna meesha ku jirta in aanay wada-hadalladu noqon qaar gil-gili karin deggenaanshaheenna iyo nabadgelyadeenna. Ma aha in ay ina ruxaan. Kaba soo qaad in labadii Guddi la hawl-geliyay. Qubanaha Xamar ku daadsan ee reer Somaliland u dhashay ee aan tanna aamminsanayn, taan quud-darraynaya maxaa laga yeelayaa marka la soo dirto ee la soo wakiisho. Xukuumaddeenan Hubaal iyo Calooley u dul-qaadan kari li’I maxay yeelaysaa?

Arrintani mid sahlan ma aha. Waxay u muuqataa dabin si fudud loo galay oo aan laga fiirsan.

 

Qormada: 4aad

Su’aalaha arrintan la iska weydiin karaa waa ay badan yihiin. Waa kuwii kunka habeen iyo habeenka, haddii aynu u soo jeedi karayno. Mar kale anigu waan idiin bilabayaa e’, idinkuna qalinka iyo warqadda isu qaada oo bal is-weydiiya, waxani wuxuu noqon karo.

Waxa lagu dawakhsan yahay magaca xafiiska noocan ah loogu wan-qalayo. Reer Somaliland waxay jeclaan lahaayeen in uu noqdo: Xafiiska Maamulka Hawada Somaliland. Saaxiibbadeenna Reer Soomaaliya iyaguna waxay jeclaan lahaayeen: in uu noqdo Xafiiska Maamulka Hawada Soomaaliyeed. Waa sida ay hadal-hayntoodu u badan tahay. Ku yar ilaa Madaxweynaha waxaan Soomaaliyeed ahayn ka maqli meysid. Wax kaleba ma maraan. Innaga iska daaye Soomaalidii daafaha dunida iyo Geeska Afrikaba ku noolayd ayaa la wada sheeganayaa oo aan indhaha la iskaga duwayn.

Xafiiskani, haddaba marka uu Hargeysa ka furmo maxaa loogu wan-qalayaa? Ma Xafiiska Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya? Oo ma inaga yeelayaan? Oo markaa Puntland, Jubba Land, reer Baydhabo iyo kunkii meelood ee kalena ka warrama? Miyaynaan xiisad aynaan u baahnayn soo amaahanayn? Waraaqaha xafiiskaa lagu isticmaalayo ma bilaa astaan ayay ahaanayaan mise astaamaha labada dawladood ee jaarka ah ayaa ku wada qoormaya? Oo ma inaga yeelayaan?

Baabuurtooda lambarkee la siinayaa? Ma GD mise GT? Bal Ingiriiskan inagaga baxay maxa innaga ina daba dhigay. Annagaa yaab aragnay. Miyeynaan eedin ‘British-tii’ aynu ku riyoon jirnay. Alleylehe, jac baa inagu dhacday.

Tu’ Alleba badan e’, haddii ay Guddida isku-dhafka ahi muranto oo is-qabsato yaa kala saaraya? Ma Mudane Siilaanyo mise Mudane Xasan Sheekh? Oo haddii ay Xasan Sheekh noqoto ma halkan ayuu ugu imanayaa, mise isaga ayaa Muqdisho loogu tegayaa? Mise tilifoon buu ku soo hadlayaa? Ma Mudane Siilaanyo iyo Mudane Xasan Sheekh ayaa iska arkaya? Ma Istanbuul ayay ku kulmayaan? Mise Xamar ama/iyo Hargeysa? Ma laga yaabaa in ay labada Wasiir ee duulista Hawada wakiishaan? Ma se laga yaabaa in ay labada wasiirna laba Guddi u kala saaraan? Ma se laga sii yaabaa in labadaa Guddi ee dambena is-qabsadaan, ka dibna Guddi kale ay labada Madaxwryne u saaraan? Ugu dambaynta ma laga yaabaaba in Qarammada Midoobay wixii ay maamulaysay dib ula noqotaba. Miyaan hore loo odhan: “Karis xun iyaduna ku la’.”

Waa wax aan laga fiirsan. Waa mushkiladda inaga haysata wada-hadalladan aan dabka loogu xiddigin. Xidaar iyo xaydho-daye midna ma helin. Waa xaal la huursaday oo sida ay dadka qaarkii la tahay lagala dhuuntay ummaddii iska lahayd.

Bal aan ku yar daaddegno labadan Guddii markii ay Istanbuul ku kulmeen waxyaabihii ay isula yimaaddeen. Kan ku horreynno wefdigii Somaliland waxyaabihii uu meesha la tegay.

Innaga oo soo xiganayna wargeyska Waaheen, cadadkii 1132aad ee soo baxay Shacbaan 30dii, 1434ka Hijriyada, kuna beegnaa 9kii juulay, 2013ka, Wargeysku wuxu yidhi:

“Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu tafaasiil ka bixiyay  ajandaha ay shirka soo hor dhigeen ee ay wateen ergadii reer Somaliland,  isaga oo arrintaasi, iftiiminaya waxa uu yidhi: ‘Ajandihii annaga waftigii reer Somaliland ka socday ay wateen waxa uu ahaa Qodobka koowaad ee u horreeyay in ay aqbalaan oo aqoonsadaan la-soo-noqoshadii madaxbannaanida  iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland………………

Qodobka labaadna waxa uu ahaa: In ay oggolaadaan oo nidaamkeedii la mariyo wixii dhibaato loo geystay dal iyo dad reer Somaliland ee ka soo gaadhay taliskii keli-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre………………..Qodobka saddexaad ee aanu shirka soo dhignay waxa uu ahaa inta uu socdo wada-hadalku in ay oggolaadaan waxa la yidhaahdo de facto status oo ah Somaliland inta aanay gaadhin aqoonsiga in la sameeyo nidaam ama hab lagu macaamilo oo macaamilo inagu dhex mari karto……..Waxa kale oo aanu miiska shirka soo dhignay in muranka laga saaro arrinta khilaafka taagan ee maamulka hawada Somaliland iyo in kheyraadka dabiiciga ah oo is-na lagu murmo in dhinacba wixiisa Ilaahay u calfay qaadato. Annagu qodobbadaas

Ayaanu miiska soo dhignay, iyaguna kuwaas oo kale ayay soo dhigeen.”

Intaa, waxaan iska saaraa Waaheen oo aan soo xigtay, isu-geyntoodu waa shan Qodob oo aynu ku soo ururin karno:

  1. In ay aqbalaan oo aqoonsadaan la-soo-noqoshadii madaxbannaanida  iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland,
  2. In ay oggolaadaan oo nidaamkeedii la mariyo wixii dhibaato loo geystay dal iyo dad reer Somaliland ee ka soo gaadhay taliskii keli-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre
  3. Inta uu socdo wada-hadalku in ay oggolaadaan waxa la yidhaahdo de facto status oo ah Somaliland inta aanay gaadhin aqoonsiga in la sameeyo nidaam ama hab lagu macaamilo oo macaamilo inagu dhex mari karto
  4. In Somaliland ay maamusho hawadeeda maa dama ay la soo noqotay madaxbannaanideedii,
  5. In kheyraadka dabiiciga ah oo is-na lagu murmo in dhinacba wixiisa Ilaahay u calfay qaadato.

Soomaaliya Qodobbadii ay la timid waxa iyagana lagu sheegayay:

  1. In Midnimada Soomaaliya ay tahay muqaddas isla markaana ay lama-taabtaan tahay,
  2. Inn loo oggolaado in siyaasiyiinta dawladda Soomaaliya in ay iman karaan Somaliland isla markaana ay shirar ku qabsan karaan ama kaga qayb-geli karaan,
  3. In shirarka wada-hadallada dambe lagu qabto Soomaaliya gudaheeda: Muqdisho ama Hargeysa,
  4. In la isu furo isu-socod ka dadka iyo ganacsiga,

Qormada: 5aad

Aniga oo dembigana iska dhowraya, idinkana idiin nasteexaynaya, bal hadda aan cabbaar ku yara hakanno Qodobbadan la sheegay in Somaliland madasha Istanbuul la tagtay oo aanan caawa garanayn meel laga keenay iyo cid is-la oggolaatay oo arrin iyo is-la-eegba ka yeelatay.

Qodobka la-soo-noqoshada madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland cidna marti loogama aha. Soomaaliya ayaan marti looga ahayn, dawlad kalaan marti looga ahayn. Ummaddii lahayd ayaa ka tashatay oo go’aansatay. Sow tii la yidhi: “Rabitaanka shacbigu waa rabitaanka Eebbe.” Laaxin laga jari maayo, qaran-sheegato qaamowday iyo qudhaanjaba ha ku quustaan.

Qodobka labaad ee nidaamkii Siyaad Barre iyo dhibaatooyinkii uu geystay: eedeysanayaal la maxkamadeeyo iyo magdhow. Beer-laxawsi iyo qiiq-isku-qarin ayuu u muuqdaa. Bal ka warrama xukuumaddeenna marna mowduucyadan la-shir-tegaysa, marna aan arki karinba SNM iyo wixii sheegta. Xaalku: “Ma magaalo ha deyn, qeyrkaana u cay baa.” Somaliland intaas oo shir ayay soo qabsatay tan iyo 1991kii. Miyaan dib loo heshiin? Miyaan la isa saamixin? Mid soo halgamay, mid ka maqnaa, mid nidaamkii Siyaad Barre u soo shaqaynayay, mid wax basaasay, mid qudheenna jaray, mid naafoobay iyo mid jooge-maqan ahaaba miyaan maanta  la wada noolayn oo aynaan nabad ku wada joogin? Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Siilaanyo intii aanu Guddoomiyaha SNM muddada shanta sannadood iyo badhka ahayd noqon, ka hor miyaanu nidaamkii Maxamed Siyaad Barre muddo toban sannadood ka badan kaalin hoggaamineed oo wasiir iyo hoggaan xisbiba ahayd kaga jirin? Ma ku eed baxayaa haddii taladan baas la raaco? Daahir Ra’yaale Kaahin miyaanu dalkan siddeed sannadood Madaxweyne ka ahayn? Ka hor miyaanu ciidankii Nabadsugidda ee aan la mahadin ka mid ahaan jirin? Mise eedaysanayaashan la doon-doonayaa waa wixii aan reer Somaliland ahayn ee Wanlo-weyn ahaan jiray?

Qofku eedaysane laba hab ayuu ku noqdaa: Mas’uuliyad gaar ah uu lahaa ama leeyahayba waa uu ku noqdaa. Mas’uuliyad wadareedna waa uu ku noqdaa oo uu cid xukun haysay la wadaagay. Waxa intaas oo dhanba ka sii xag jira marka uu qofku mas’uuliyad hoggaamineed qabto.

Bishii ina dhaaftay ee Meey 2013ka waxay ahayd 25guuradii ka soo wareegtay maalmihii 1988kii Burco iyo Hargeysa la soo kala galay. Qof waliba waa og yahay waanu ka dheregsan yahay. Mudane Siilaanyo oo SNM laba jeer Guddoomiye u noqday ayaa dalka Madaxweyne ka ah. Ma casho-sharaf xusuuseed ayuu kari waayay? Ma raashin yar oo xusuuseed ayuu maatida u qaybin kari waayay? Maya ma kari waayin, mana xusuusan waayin. Xukuumadda iyo Madaxtooyaduba waa ay neceb yihiin waxyaabahaa marka la soo qaado. Wasiirka Warfaafinta ayaan ahaan jiray. Hoos uguma daaddegi jirin barnaamajyada maalinlaha ah ee TV-ga Qaranka iyo Idaacaddaba ka baxa oo dad baa ka mas’uul ka ahaa. Maalmaha SNM la xusayo oo u badnaa 6da Abriil iyo 17ka Oktoobar, marka TV-ga laga sii daayo waa laga xanaaqi jiray. Mid keliya ayaan joogayba oo ahayd 6dii Abriil 2012kii. Dacwaddeedii Madaxweynaha ayay gaadhay. Aniga igama qasnayn oo waan ku adkaystay in maalmaha SNM la xusayo oo si weyn loo maauusayo, noloshaydana aanay ka tirmayn. Dad baa maalin-dagaalkoodu intaa ku xidhnaa ilaa maantana ku xidhan yahay. Markhaatiyaal goob-joog ah ayay lahayd..

Miyaanay haddaba yaab lahayn in ay ergadeennii tidhaahdo aynu dib uga fekerno dagaalladii sokeeye iyo dhagartii la kala galay? Maxaa maanta arrinkaa keenay?

Qodobbada hawada iyo Kheyraadka dabiiciga ah waxba ku hakan maayo oo cid aan ka martiyayaa ma jirto, Xamarna fasax uga soo qaadan meyno, Mahiigana waa kii iska tegay markii ay dani u run sheegtay.

Aqoonsi De facto ah ayaanu doonaynaa waxa la idin ka yidhi: “Waxaan ahayn aqoonsi buuxa oo na marayaa ma jiro.” Ku jar hadalka ku jar waa halkii Xasan Aadan Samatar e’.

Sida ay aniga ila tahay, wada-hadalba yaanu ina dhex marin Muqdisho iyaga oo aan aqoonsiga soo qaddimin. Maxaa lagu wada hadlayaaba. Dad iyagiiba lafahooda u yaabban, adduunyadiina la yaabban tahay ayaynu innaguna yabooh aabbaheed goblamay la hoos joognaa.

Reer Muqdisho ama dawladda Federaalka ahina waxba lama iman meesha oo aan ahayn mindi minidi ku tag. Iyagana yaahuu ayaanu ku nidhi.

Inta aanan gunaanadka gelin hal nabar oo aan mid labaad lahayn ayaa ii hadhay. Habeen aan sidaa u sii fogayn ayuu Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtidu TV-yada ka hadlayay isaga oo eedaynayay dadka fikirka kiisa ka duwan ka qaba wada-hadalladan mahadhada reebay. Ninkaa weyn ee mas’uulka ahi wuxu lahaa dadkaasi waa dad lacag qaatay oo annaga ayaa caddaynayna. Weliba isaga oo cadhaysan ayuu miiska garaacayay. Maxaa cadho iyo miis garaacba keenay, waa qof mas’uul ah e’ miyuu maxkamadaha tago. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee wefdi xukuumadeed malahayga lagu daro inta aan garanayo. Hadalkaasi hadal milgihiisa ah ma ahayn. Aniga oo aan jeclayn in aan mowduucan ku talax-tago, waxaan u sheegi lahaa in uu muwaaddinku fikirkiisa xor u yahay. Wixii qarannimada ku lid ahna maxkamado ayaa u jooga. Guddoomiye-xigeen lababa aan ku idhaahdo:

  1. In ku gubtaa waa ay ku hoos taal e’ gondahaaga eeg oo sharciyadda Golaha aad hoggaaminayso ka feker,
  2. In mar qof wefdi raacay yidhaahdo waad tidhi e’, hadalka ha u noqon,

Ma gunaanadkaygiyo gebegebeda sheekada

Qof baa maalin dhaweyd E-mail ii soo diray. Waxaan is-idhi waa mid ka mid ah dhallinyarada maqaalladaada akhrida. Wuxu I soo weydiiyay, haddii aan ka mid noqon lahaa ama la igu dari lahaaba wefdiga Somaliland waxaan ka beddeli lahaa. Qasab ma aha in aynu wefdiga ka wada qayb-gallaa. Cid ayuun baa tegi lahayd, aniguna haddii la igu dari lahaa, waxaan ka beddeli kari lahaa ma jirto. Horaa loo yidhi: “Far keliyi fool ma dhaqdo.” Waxaan talo ku soo jeedinayaa:

1. In ay arrintan wada-hadalladu noqoto mid ay Somaliland leedahay ee aan cid gaar ah u af-duubnayn. Waa saan-saanka hadda ka muuqda,

2. In dhulka la dhigo oo la isugu yimaaddo oo dooddeeda la badsado oo laga wada qayb-galo,

3. Gole kasta oo Qaran xilka uu hawshan ku leeyahay waa in uu gutaa,

4. Wefdiga hawshan loo dirayaa waa in aanu kala yeelan xil-gudashada wada-hadallan,

5. Waa in ay noqotaa hawl si qarannimo oo wadajir ah loo wada maamulo, loona wada leeyahay,

6. Waa in laga saaraa hummaagyada iyo madmadowga ku gedfan ee mararka qaarkood war-baahinta soo gelaya,

7. Wada-hadalladu waa hawl-maalmeedka xukuumadda ee iyada oo isku kalsoon xilkeeda ha gudato oo ha ka baxdo Golayaasha kale ee ay isku badhxayso,

Intaa iyo in ka badanba waa la odhan karaa. Ayaan-darrada ina haysata waxa ka mid ah innaga oo aan ilaa maanta garanayn Wasaaradda hawshan wada-hadallada gadh-wadeenka inooga ah.

Arrintan wada-hadallada ha lagu celiyo majaraheedii. Ma ay ahayn arrin Madaxweynaha ka timid ama Madaxtooyadaba oo la inagu qasbay. Waxay ahayd talo iyo arrin guddoon dhexe oo la wada leeyahay ku timid. Golayaasha qarankaa ka shiray. Beelaha laga tirada badan yahay ayaa ka shiray. Bulshada rayidkaa ka shirtay. Ganacsatadaa ka shirtay. Culimadaa ka shirtay. Madax-dhaqameedkaa ka shiray. Xisbiyadaa ka shiray. Dhallintiyo haweenkaa ka shiray. Nuur iyo Naalleeyaba waa loo dhammaa.

Sidaa ay tahay ayaa koox waliba Madaxweynaha markeeda u tagtay oo kalsooni buuxda siisay. Sheeko iguma aha oo ergadii Bulshada rayidka ah ayaan ka mid ahaa ee Madaxweynaha hor fadhiisatay arrinkana u sakhirtay. Sidaas ayaa wada-hadallada lagu galay. Gole ballaadhan oo reer Somaliland ah oo aan u malaynayo in uu dhowr labaatan qof ahaa ayaa la magacaabay oo la baahiyay. Sida aan aamminsanahay Golahaasi mar keliya ma fadhiisan.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Allaa baday.” Aniguna qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa waxaan kaga baxayaa:

“Arrin ummadeed oo aaran la durduriyay asqo iyo ambadba Allaa baday.”

Wa Billaahi Towfiiq. Waa inoo qormooyin dambe oo xiiso leh, haddii qoonsimaad yimaaddo raalli ha la iga ahaado, wax toosi mooyaan e’, wax taban sheeg kolka horeba uma soo ambo-bixin. Ciddii u hollanaysa, qormooyinkaygan jawaabtoodu qoraal ayay noqonaysaa, ee tororog kamirad la hor fadhiisto cidna loogama fadhiyo.

Dhammaad

 

 

 

 

 

 

 

 

Additional information