Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Xaaladda Kulmiye: Xiiso-tirka Xisbinnimada

La ye Xisbigii Kulmiye ayaa is-abaabulaya. Oo goorma ayaa inoogu dambeysay? Araggiisa waxa inoogu dambeysay 2010kii berigii ay dadweynaha beenta iyo belaayada ka siisteen codadkoodii. Beryihii Barnaamaj-baaskii.

 

 

Xaaladda Kulmiye: Xiiso-tirka Xisbinnimada

http://www.somaliland.org/images/b/k_logo.jpg

“Saddexdii dhadhaar buu ka degay, dherigi saarraaye,

In dhawayd sambiil lala ma gelin, meel sariibad ahe,

Eyguna siniintii ka waa, suuqi hilib-laaye,

Bisadaha sidaasaa ka dhab ah, siqaya keymaaye,

Cashuuraha siddeed-laabmay waa, saaca waayaha e’,

Bankiyada dul-saarkii kolkuu, saqafka soo taabtay,

Sarrif eegga kuma kaydsadaan, saalax-waatuhuye,

Kolkii jeeggi socon waayey bay, god u samaysteene,

Safrad iyo shaqaalii wataa, suuqday gaajaduye,

Waxa yarey saxeexaanna waa, saymo-lagu-reebye,

Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane,

Xasanoow Allaa Saatiree, dhimay saboolkiiye,”

Maansadii, Saxansaxo (17/10/87kii) ee Gaarriye, Jiidihii hore ee dagaalkii Dibuxoreynta Qaran.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

La ye Xisbigii Kulmiye ayaa is-abaabulaya. Oo goorma ayaa inoogu dambeysay? Araggiisa waxa inoogu dambeysay 2010kii berigii ay dadweynaha beenta iyo belaayada ka siisteen codadkoodii. Beryihii Barnaamaj-baaskii. Beryihii ay subagga marada inoo geliyeen ee ay wixiiba fuuqsadeen. Wax ay innaga ina taraan iska daaye, iyagii ayaa kala hororsaday wixii yaraa ee aynu eeganaynay. Intooda badani dhaxantiiba kama soo hoyan. Sidii ayay daleed cidla’ ah u wadhan yihiin. Duul aynaan garanayn ayaa dhaxalkii ummadeed u hadhay. Intii laga hororsadayna waxa lagu seexiyaa sidii sebiga: “Xisbal Xaakinka…Xisbiga talada haya.” Iyaguna garan waaye in ay yidhaahdaan Xisbigee dee! Intaas ayaaba ku fillaatay iyo in ay safafka hore xafladaha ka joogsadaan, haddii loo oggolaadba.

Inta xukunka haysaa intii inoo ballan-qaadday ma aha. Haa…Waa run. Inta talada haysaa ma aha Xisbigii Kulmiye ee dadweynaha ballan-qaadka u sameeyay. Waa dar meel baas iyo reero muskood laga keenay. Malaha dadku waxay eeganayaan Madaxweynaha. Laakiin qudhiisu waa kii taladii iyo hoggaamintii Xisbiga ka xuub-siibtay ee Guddoomiye Muuse Biixi inagu reebay. Iyagana aqalkii yaraa ee dalcadda saarnaa ayaa lagaga soo guuray.

Ma immika ayaa la is-leeyahay Xisbigii naf geliya oo neef ku afuufa si mar kale la inoogu dago? Miyaan hore loo odhan: “Mar I dage, Alle ha dago, laba goor-i-dage se anigaa dagan.” Haddii aynu Xisbi u naqaanno Xisbi, iyagu xaafad, qolo, reer iyo wax baas oo lagu ba’ay ayay u yaqannaan. Xaggooda Xisbigu macno caynkaas ah ma laha. Waa sallaan lagu fuulo Madaxtooyada oo keliya, marka derbigaa dheer lagu fuulana waa la ridaa oo la iska tiiriyaa. “Bal tu kalena aan idiin sawiro, saad u garataan.” Waa murtidii aynu ka dhaxallay Qaryaan Macallin Dhoodaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Hangoolka miyaad ka habaabaysaan. Intan ina wareerisay Xisbiyadu waxay u yihiin Hangoolkan maalin oo dhan lagu adeegto, habeenkiina muska iyo dhaxamaha lagaga hoydo. Kama xishoodaan e’, sidaas ayay Xisbiga u yaqaannaan. Waa wax soo taxnaan jiray oo ka buuxa taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Intaa kale lama arko, maalinta ay doorasho soo dhawaato ayaa la maqlaa. Ha moodina wax cusub. Waa xaajo duug ah oo abid soo taxnayd. Dadka ayaan il-baxayn oo hadba koone lagaga soo wareegayaa.

La ye Guddi Qabanqaabo ayaa la magacaabay. Waxay intaa ku dareen waa 18 oo waxa soo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga. Mar waa Guddoomiye ayay yidhaahdaan, marna Shirweyne laguma dooran oo waa Ku-sime ayay yidhaahdaan. Mar dambe ayaad waxaad maqalaysaa waa la isku qabsaday oo 8 xubnood oo kale ayaa lagu daray. Markanna waa 27. Oo maxaa lagu soo xulay? Maxaa loo cuskaday? Maxaa loo tix-raacay? Waxyaabahaa aynu innagu ka fekerayno, cidi wax kama soo qaaddo. Xisbiga dad kama tirsana oo magacyo u diiwaan-gashani ma jiraan. Qolooyin ayaa hadba intii la doono la mala-awaalaa in ay Xisbiga ka tirsan yihiin. Xaalku waa Qolooyin ama ha u codeeyeen ama yaanay u codayn e’, murtidu waa qolo. Haddii ay wax soo raacaan waa qofaf loo muraad-qumminayo.

Xaalku waa sidii caddo-loolkii carruurta iyo ii “cug.” Wixii raacaaba waa “cirka.” Maxaa intaa ku xiga? Waa qolooyinkii. Laba Reer Qadhoon ah…..laba Reer Qadoodi ah….Laba Reer Qudhac ah…..Laba Reer Qowdhan ah…..Laba Reer Qummane ah…..Laba Reer Qaldane ah….Laba Reer Quwaax ah…. Nus Reer Qablan ah….Nus Reer Qowrax ah iyo waxaan sakaaro ka biirsan oo la soo eeday oo la soo dagaalay.

Waa wax soo jiray oo in badan soo taxnaa. Wixii soo raacaaba waa: Qabax, Qardhac iyo qaad horeba loo eeday. La ye geed ma ii qaadaysaa? Iyo qedada ka horreysa? Waa hanka halkaa ku dabran. Waa dadkii Timacaddeba ka quustay ee uu lahaa:

“Irsiqiinnii waa taad nadalo, ka oggolaateen e’,

Aadmiga xoroobaa wasiir, uma ilmeeyaan,”

Markaasaa innagii la inoo xarakadaynayaa. Oo maxaa la ina odhanayaa? Kooxdaas ayaa intaa soo xushay. Waa laga diiday. Toban maalmood ayaa la is-hor-fadhiyay? Wax baa lagu daray oo waa la heshiiyay. Xaqiiqaduna waxay tahay in aanay kooxo ahayn ee ay yihiin koox keliya oo dadweynaha u heshiisay. Is-ma laayaan….Is-ma dagaalaan…..Waa fadhi-ku-dirir….Waa qayilaad-ku-heshiis. Madaxtooyadaa la isku soo maagayaa……madasha Ku-xigeenkaa lagu heshiinayaa.

Saaka ayaan Mareegaha ku arkayay ergooyinka Shirweynaha Kulmiye waxay noqon doonaan 801 Ergey ama xubnood. Waxa warkan ku saxeexnaa Xoghayaha Guud. Waa wax ka baxsan milgaha iyo miisaanka adduunyadu wax ku cabbirato. Wax alleyaale wax loo cuskaday garan meysid oo aan ahayn reero iyo qolooyin aan jirin oo la raalli-gelinayo.

“Bal tu kalena aan idiin sawiro, saad u garataan.”

Bal hadda aynu tusaaleyaal nool adduunyada ka soo qaadanno. Ummadda Shiinaha ayaa adduunka ugu badan. Waxa lagu qiyaasaa dadka dhulkaa deggen 1,357 Bilyan. Xisbiga talada dalkaa hayaa, waa Xisbiga Shuuciga ah. Xubnaha Xisbigaa u diiwaan-gashan waxa lagu sheegaa 80 malyuun oo xubnood. Ergooyinka Shirweynayaasha ka qayb-gala ee dalka oo dhan laga soo xulaa waa: 2,270 qof. Xisbiga Kulmiye oo aanay cidina sheegi karin xubnihiisa, bal se la mala-awaali karo reeraha ka tirsanna ergooyinka Shirweynuhu waa 801 xubnood. Saddex meelood marka loo qaybiyo ergooyinka Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, waxay ka noqonayaan meel. Bal tabaalahaa daya.

“Bal tu kalena aan idiin sawiro, saad u garataan.

Tu kalena aan ku daro oo aan soo qaato dalka labaad ee ugu tirada badan adduunka oo ah dalka Hindiya. Dadka ku nooli waa: 1,237 bilyan. Xubnaha Xisbiga ‘Congress-ku’ waa 15 malyuun oo xubnood. Ergooyinka Shirweynuhuna waa 3,000 oo xubnood.

Ta wax walba ka yaabka badani waa: sababta loo qabanyo Shirweynahan Kulmiye. Ajendayaal badan ma maqashaan. Waxaad maqashaanba waa Ajende keliya: Muuse Biixi ayaa la dooranayaa. Iyo Samaale ayaa la dooranayaa. Carrabkiiba wuxu idin kaga dhegay: Muuse….Samaale ama Samaale….Muuse. Ma garanayo inta badani ka ay horreysiiso. Aayaheennii Kulmiye inoo hayayba intaas ayuu noqday. Horumarkeennii, himiladeennii iyo higsigeenniiba laba magac ayuu saran yahay. Taasina mid aynu meel ku tegaynno ma aha.

Bal ergooyinkan 801-da ah qaybiya. Isku daya in aad qaybisaan. Bal Hargeysa iyo Maroodi-jeex oo la hafri doono u daaya kala badh oo 400 oo ergo. Shanta Gobol ee kale u qaybi waxa soo hadhay. Ma idin la tahay in midkiiba 80 ergo la siin doono. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Qofaf Hargeysa deggen oo jooga ayaa wakiil ka noqon doona Gobollada dalka.

Gebegebedu waa:

 

“Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso.”

Additional information