Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh

Aynu ku bilowno hees uu qaado Maxamed Axmed (Kuluc) oo aan filayo in uu ereyadeeda iska lahaa Naxariisto Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, hal-abuurkii caan-baxay ee Maxamed Cali Kaariye.

 

 

 

 

Shirka Doodda Qaran

Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh

“Ilaahay ka-sokowna,

Annakaa leh awoodda,

Oggolaanna ma-doonno,

Intuu taago unuunka,

Nin yidhaahda anaa ah,

Af-weynaanu ka diidnay,

Nin kastoo anafooda,

Nin kastoo laba-eefa,

Nin kastoo is-afuufa,

Annakaa ka shanayna,

Lays amaahinna maayo,

Axmed Weyso-caddow,

Ciddidaa uskaggeeda,”

Maansadii Ergo ee Gaarriye, 30/4/1992kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

21/11/2013ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Aynu ku bilowno hees uu qaado Maxamed Axmed (Kuluc) oo aan filayo in uu ereyadeeda iska lahaa Naxariisto Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, hal-abuurkii caan-baxay ee Maxamed Cali Kaariye. Aynu ku bilowno midho heestaa ku jiray oo ahaa:

Shar gudban, Sheydaan xijaaban. Allahayow na nabad-geli. Aammiinta nagu dara. Ereyadaa markii uu ku luuqaynayay laba Buuroodba wuu fuulay: Shar-laga-naadi oo koonfur-galbeed Boorame kaga beegan oo aan ka fogeyn iyo Shaan-shaan (Shamsaan) oo magaalada Cadan ku taal, gaar ahaan meel xaafaddaTawaahi kaga beegan koonfur-bari. In uu ceelkii Shilaabo ee Shan-xadhigle qudhiisa shubayna sheekada wax kaga dara.

Si aanay Xukuumaddeenan xanaaq-badan xakame-jecel inoo qabsan oo aanay u odhan nalama xusin, marka hore aan is-barraxno. Oo maxaynu isku barraxaynaa? Marka hore waxaynu subcinaynaa guulaha ay soo hoysay xukuumaddeenna waxyaabihii ay u taagnayd intoodii badnayd in ay ka soo hor jeedsatay u muuqataa. Saarka ayaa kaga soo dega e’ waxba luuqda, durbaanka iyo sacabka midna ha ka hagranina, sidaad ku badbaadi doontaanba mooyaan e’.

Si aynu uga badbaadno aynu subciska bilowno oo nidhaahno: Derbiyada cas-casi sheeGan, waddooyinka aan dhammaan ee shanta kiiloo-mitir ahi sheeGan, darajooyinka la bixiyay sheeGan, mushaharka la kordhiyay sheeGan, madaarrada dhismahoodii kala dhantaalmay sheeGan. Wixii aad ku darsan kartaanna ku darsada. Shardigu waxa weeye in aanay Ga’-du laban-laabnayn. Maxaa yeelay, waa Ga’-doodii ee ma aha teennii. Weli ma aynu arag wax yidhaahda xilka aanu leenahay ee aanu buugga ballan-qaadka ah ka qornay ee codkii shacbiga siisannay, nagu ammaana. Xukuumad dhaqankaa leh ma aynu arag. Bal adduunka dhex-qaada oo ka soo hela.‘

‘Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.’

Wax badan oo kale ayaa sheeGGan. Ha illoobina markan waa markeennii oo innaga Ga’-deennu waa ay laban-laban tahay. Waa ay shedan tahay. Waa ay shidan tahay. Waa ay shirraban tahay. Ma shaadirna mana shukaysna, hidde iyo dhaqan baa ku shaxan oo shollaha u yaal oo waa ay shuurinaysaa marna shaanbinaysaa.

Wax badan oo kale ayaa sheeGGan. Inta taban ee aan xilkeeda la gudan ayaa ka badan. Nabadgelyada rukummadeedu ruxmeen ee suuqa duhurka cad xabbadda la isula soo baxayaa sheeGGan. In doorashooyinkii la sadheeyay oo rajadoodii liidataa sheeGGan. In dhismayaashii qarannimo, dhismayaal qofeed beddeleen ayaa sheeGGan. In madax-bannaanidii Somaliland hoos u dhacday oo laga dardaar-werinayaa sheeGGan. Musuqa dalka hadheeyay ayaa sheeGGan. Eexda iyo qaraaba-kiilka aan hore loo arag ayaa sheeGGan.

Run ahaantii halkaas ayaan kaga hadhi lahaaye, Ga’-dii ayaa hadba I gujinaysa oo igu leh: “Kol haddaad noo gacan-qaadday ha na hagarn ee na sii wad.” Sidaas ayaan u go’aansaday in aan sii yar hinjiyo waxyaabaha la tabanayo iyo tabaalaha ummad aan galabsan ku habsaday.

Cashuurta cirka lagu laalay iyo baabuurta cagaagtay ee xabaalaha dul-cararaysaa sheeGGan. Anigoon xil gudan ii soo bannaan-baxaa sheeGGan. Ga’-deennu raalli ha iga ahaato, maxaa yeelay inta aad hoos u leedihiin iyo higgaaddiinna ayaan ogahay.

Inta sheelan ee aan sheeGGanayn marka shinkoodu buuxsamo ayaa shubaal quruxsan oo sharraxan lagu shirbin doonaa.

Yaa yidhi lama shiri karo? In la shiraa waa dhaqan? In la shiraa waa Diini? In la shiraa waa dastuuri? In la shiraa waa curfi iyo caado beni-aadamku leeyahay oo uu xoolaha iyo dugaaggaba kaga duwan yahay. In la shiraa waa dan. In la shiraa waa duug aan tirmin iyo wax duunka aadamaha ku abuuran.

Qofka ayaa keligii shiri kara oo naftiisa la showri kara. Balwed iyo aafo haysata ayuu duunkiisa iyo dareenkiisa hoose kala faqi karaa. Dantiisa ayuu ka shiri karaa. Dan qoys ayuu ka shiri karaa. Dan qowmiyadeed iyo dan qaranba wuu ka shiri karaa.

Qoyska ayaa shiri kara. Qolo ayaa shiri kartaa. Dad degmo ku wada nool ayaa shiri kara. Gobol baa shiri kara. Beel ayaa shiri karta. Golayaasha Qarankaa shiri kara. Xisbiyada ayaa shiri kara. Bulshada rayidka ah ayaa shiri karta. Ururrada xirfadeed ayaa shiri kara. Xoolo-dhaqatada, beeraleyda, kalluumaysatada, xijileyda, iyo danley oo dhan ayaa shiri karta. Yaa ku haysta? Yaa ka joojin kara? Madaxweynaha iyo mas’uuliinta qaranka ayaa intii ay dan bidaan ee xeerarku oggol yihiin la shiri kara. Muxaafidkaa shiri kara. Marka ay sidaa tahayna Mucaaridkuna wuu shiri karaa.

 

Dadku wuu shiri karaa. Dantooda iyo ta dalkaba waa ay ka shiri karaan. In ay Madaxweynahooda mar labaad soo doortaan ayay ka shiri karaan. In aanay dib dambe u dooran ayay ka shiri karaan. In ay xukuumadda taageeraan oo ay wixii wanaagsan ku garab galaan ayay ka shiri karaan. In ay wixii xun kaga hor yimaaddaan ayay ka shiri karaan. In ay bannaan-baxyo ku taageeraan ayay dadku ka shiri karaan. Sidaana xukuumaddeennu – Kacaan-u-eg Kadeed-badan - waa ay jeceshahay oo in ay hanti u hurto ayay u badan tahayba.

Qormadii: 2aad

In dadku dawladda bannaan-baxyo ku taageeraan ayay ka shiri karaan. In dadku bannaan-baxyo ku diidaan xukuumadda iyo waxa ay waddo ayay ka shiri karaan. Dastuurka ayaa u dammaanad qaadaya. In aan loo diidin in ay shiraan ayay ka shiri karaan. Si ay u shiraan ayay u shiri karaan.

Waa xeer. Waa xaagaan. Waa xaq. Waa xurmo. Waa xil. Waa xishmad. Waa xasilin. Waa xaraarad-jebin. Waa xanaaq-jebin. Waa xuquuq aanay dadka cidina ka qaadi karin. Waa deeq Ilaahay ku mannaystay. Waa murtida iyo mugga halgankoodii hubeysnaa ee ay ‘Sidaa yeel’ ku diideen qorigana ka qaateen. Naf iyo maalba waa tii loo huray ee loo hurushoobay.

Si’ aad u debecdaan oo xusuus dib ugu noqotaan ma-hadhooyinkii la soo maray aynu quluubta iyo arwaaxdaba culay iyo cidaadba uga dhigno tuducyo uu lahaa Ibraahin-gadhle oo ku jiray maansadiisii Dir-sooc ee uu ka tiriyay Shirweynihii 6aad ee SNM, 6dii Bishii Abriil 1990kii oo ku beegnayd, sannad-guuraadii 9aad ee SNM. Waxaynu soo qaadanaynaa qayb maansadaa Dir-sooc ka mid ah oo aynu ku suntanayno:

Durba miyaad illowdeen

Waar hooy dadkaygow,

Laba daan dhexdoodiyo,

Dalqo bahal qof galayoo,

Dirqi iyo tu’ fool adag,

Dibaddawgu soo baxay,

Halkii shalayto lagu dilay,

Ma dareemi waayee,

Durba miyaa illowdeen,

Duunyadeenni dhacantiyo,

Inuu deynki maqan yahay?

Durba miyaa illowdeen,

Xeerkii dalkaw yiil,

Kuwii uu deldelayiyo,

Kuwuu daaya odhan jiray?

Durba miyaa illowdeen,

Nimcadii dalku lahaa,

Kuwuu daajinaayiyo,

Kuwii dayro laga dhigay?

Durba miyaa illowdeen,

Adigoon dembiba gelin,

Jeel-u-daaddahayntii?

Durba miyaa illowdeen,

Diric iyo ninkii raga,

Doqon dhaafintiisii?

Maalintii dadkaygow,

Daabicii dur laga dhigay,

Durna daabac loo rogay?

Durba miyaa illowdeen,

Adigoo dibbiray cadho,

Ku-sii-digashadiisii?

Durba miyaa illowdeen,

Maalkii dadweynaha,

Kii la yidhi daldalo iyo,

Kii shilinka lagu dilay?

Durba miyaa illowdeen,

Hablihii dednaa iyo,

Dibadaha u-saarkii?

Saw dorraato ma ahayn,

Maalintii dadkaygow,

Daba-gaabta loo xidhay?

Durba miyaa illowdeen,

Dhaqankii la doorshiyo,

Diintii la dhalan rogay?

Sow dorraato ma ahayn,

Xaqa kii daliishiyo,

Markuu culimadii dilay?

Durba miyaa illowdeen,

Waqti aan digaag hoyan,

Dadkeennii xeroon[1] jiray?

Durba miyaa illowdeen,

Dhiiggii la daadshiyo,

Wixii dooxa meyd yiil?

Durba miyaa illowdeen,

dayuuradii lalaayee,

Dusha kaa rushayn jiray?

Durba miyaa illowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Daydayo la odhan jiray?

Durba miyaa illowdeen,

Daleeddaan wadhnayn iyo,

Dib-u-weerarkiisii?

Waar hooy dadkaygow,

Nin ku dagay markii hore,

Oo ku dilay markii xigay,

Ka-digtoonidiisay,

Dooddani ku faraysaa.

Waa in yar oo ka mid ah dhaxalkii suugaaneed ee uu inooga tegay Mujaahid, hal-abuur Ibraahin Sheekh Saleebaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Bal ka warrama goorta uu tiriyay iyo goorta aynu joogno. Waa 23 sannadood hortood. Ma is-tidhaahdeen xagga garaadka waxba iskama keen beddelin, gaar ahaan hoggaammada aan la mahadin ee ummaddii tabaale la og yahay soo martay la hadhay.

Hal-abuurku waa ka aanay maansadiisu duugoobin ee ay mar walba taagan tahay. Maalmuhu isu ekaa. Maalmuhu maalmahaa u ekaa. Gu’ inoo kordha mooyaan e’, miyaanu garaadba inoo kordhayn. Aroor walba ma inta aynu gegego habaas weyn ka toosno, ayaa dirir hooray iyo doog la inoogu misaalaya. Goor ma ayaynu muraayadahan baas iska tuuraynaa oo runta iyo xaqiiqda u daaddegaynaa.

 

Qormadii : 3aad

Durba miyaad illowdeen

Qaybtaa hore tixdii ayay ahayd e’, bal dhacdooyinka aynu durba illownay laba ka mid ah, aan tiraab ahaan idiin ku soo tebiyo, aniga oo ka xun in aanan farshaxannimadaa Ibraahin-gadhle oo kale ku soo tebin karayn. Waa laba dhacdo :

Shirkii Doodda Qaran ee Kulmiye iyo UCID : 2006dii

Dhacdada: 1aad

Waxba yaanan arar tiigsan iyo toocistii hadal, waa halkii Timacadde e’. Beydka gabayga ah ee Timacadde ayaa ahaa:

Waxba yaanan arar tiigsan iyo, toocistii gabay e’,

Sannadku wuxu ahaa 2006dii, bil ammaara beryihii ay dagaalladii ugu xumaa ka socdeen Muqdisho. Magaalada ama madashuba waa Hargeysa. Waxa la joogaa hudheel la odhan jiray Obama oo immika lagu magacaabo Fish & steak House.

Labadii xisbi-mucaarad ee Kulmiye iyo UCID oo ay weheliyaan siyaasiin madax-bannaani ayaa shir dood qaran ah ku qabsaday. Mowduuca dooddu wuxu ahaa dagaalladii Maxaakiimta iyo Ciidammada Itoobiya ku dhex marayay Muqdisho. Madaxweynihii markaa xilka hayay iyo dawladdii jirtay dan iyo muraad kama gelin. Shirkaasi wuu qabsoomay oo nabadgelyo ayuu ku dhammaaday. Wasiirkeenna Arrimaha Gudaha ee xukuumadda maanta jirtaa, xukuumaddaa Ra’yaalena wasiir ayuu ka ahaa. Shir jaraa’id kama qaban. Iyada oo Xamar iyo dagaalladii ka socday laga hadlayay, nimankii hawshaa waday feylasha uu maanta ku hanjabayo kama hayn.

Wasiirkeenna Arrimaha Gudaha ayaa ku hanjabaya in uu feylal ka hayo dad u adeegaya Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Shirkan Doodda Qaran qabanqaabinaya si ay Somaliland ugu minjo-xaabiyaan. Hadda wuxu ku doodayaa oo war-baahinta ka sii daynayaa in uu feyalshaa hayo. Weli tan oo kale ma aragteen! Sheeko iyo shaahid midna miyaad ku haysaan. Hadda dadka jeelasha ku jira ee xukumani waxay u xidhan yihiin eedo la sheegay in ay galeen oo maxkamad horteeda lagu go’aamiyay. Bal hadda u fiirsada Wasiirkii Ammaanka ka mas’uulka ahaa wuxu ku hadlayo. Meeday Xeer-ilaalintii eedayn lahayd? Mee Bilayskii qaban lahaa? Meeday Maxkamaddii xukumi lahayd? Xukuumaddii dhammayd iyo Madaxweynihiina waa ay daawanayaan…..maqlayaan…..qoslayaan…..oo weliba sacabbada u tumayaan.

Belo afka lagama dhowree, bal hadda Waran-cadde aynu waxoogaa su’aalo ah weydiinno. Ma Madasha Wada-tashiga ayuu feylasha ka hayaa oo lacagta soo qaadatay iyo qandaraaskaba? Ma Xasan Ciise Jaamac baa? Ma Xasan Guuraa? Ma Ibraahin Dhega-weynaa? Mise tolow ninka uu haystaaba waa Maxamed Xaashi Cilmi? Hadda Waran-cadde intii aan Wasiirka laga dhigin, subaxda hore guriga Maxamed Xaashi ayuu ku soo kallihi jiray. Muu sugi kari jirin inta uu soo toosayo Maxamed Xaashi ee uu Maansoor imanayo. Danjire Axmed Xasan Cigaal iyo intii la socon jirtay maye? Illeyn af aan kugu ool ma qabatid !

Tolow, mise odeygeennan Waran-cadde wuxu haystaa Feysal Cali Waraabe iyo ku-xigeennadiisa? Mise eedayntu waxay ku socotaa Guddoomiye Cirro iyo ku-xigeennadiisa?

Mise, waxaniba waa meel soke e’, ninka Ina Waran-cadde u adeysani waa Dr. Maxamed Cismaan Fadal? Oo Dr. Maxamed Cismaan Fadal muxuu ku haystaa? Ma waxa kiis looga dhigayaa Zeynab Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille, ayaa xaaskiisa ah oo ay walaalo yihiin Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya? Ma taas ayuu kiis uga dhigayaa? Waran-cadde yuu haystaa dee?

Beri ayaa waxa isu gabyay Ibraahin-gadhle iyo Yam-yam, Ilaahay labadoodaba naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’. Tuduc uu Ibraahin-gadhle ku jawaabayay, ayaa ahaa :

Yam-yam baa Gob baan ahay,

Gabay noogu soo diray,

Annagana Gun nagu yidhi,

Alleylehe waa tii oo kale iyo tii teedii.

Maansayahan waqtigu hayo oo na ag marayay markii aanu intaa dareerinaynay, ayaa na yar dul joogsaday oo yidhi : ‘Anigana intan iga qora.’ Iyo intee, waxaanu yidhi :

Waran baa sir baan helay,

Iyo dabinno suuryo ah,

Siinleey ku soo diray,

Annagana dad saabulay,

Qarannimo sunuud iyo,

Caantaynba siistuu,

Gabay noogu soo diray,

Waxba yaan ku xiiqin e’, aan ku soo xidho tuduc Ibraahin-gadhle lahaa oo maansooyinkaa ku jiray, gaar ahaan tixdiisii Tuhun-reeb, kaas oo ahaa :

Tuug waa is-qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajow,

Mid tiriig sitaa yimid,

Ma isagaa ahba kii dadka ku odhan lahaa feylal baan ka hayaa. Qofku haddii uu eedoobo sow tii Xeer-ilaalinta iyo dembi-baadhistu la wareegi jireen ee maxkamadaha la geyn jiray. Aflaam aynu beri hore soo daawannay ayaa Waran-cadde maanta weli u daaran. Xilow lagu jecel. Waxay kaga dheggan tahay xilliyadii Kacaan-sheegatadii ee hal-haysku ahaa : ’Waa laga dambeeyaa.’ Show odeygu kamaba war hayo in arrinkii isu beddelay : ‘Waa laga horreeyay. ‘

Sababtu wax kale ma aha oo aan ahayn in aan dad badan laga abaal-marin wixii ay dhibaato hore u geysteen, kuwan la eedeynayana aan laga abaal-marin dhibtii ay dal iyo dadba u soo muteen. Dhiilladeennu waa taas. Sidii Gaarriye sheegay, weli garoonkii aan biraha goolka lahayn ayaynu ku ciyaaraynaa. Bal u fiirsada dhufaysyadan cusub ee samaysmay iyo sida loogu kala jiro. Odhaahdaa ahayd : ‘’Lababa isa saaray oo laba tagoogood is-ma saarin.’’

Bal amarka Ilaahay shirkaa 2006iina Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa gadh-wadeen ka ahaa. Labada xisbiba madax iyo minjo waa ay u dhammaayeen. Maantana Dr. Fadal ayaa Guddida Qabanqaabada Guddoomiye u ah, inta ay murmayaanna waa intii shirkaa horeba kula jirtay. Goor ma ayaa la qaldan yahay? Ma shalay mise maanta? Mise xaalba waa shalay-maantadii reer Xamarka ?

Mise, waa halkii Hadraawi e’:

Waxa la isku dilayaa,

Xil-daryeeliddiisiyo,

Dad-u-hiilin maahee,

Geenyada dekaanka ah,

Anna aan dul-buuxshoo,

Dala’sado markaygoo,

Daadka aan ku dhaafee,

Iiga soo deg weeyaan,

Waa Maansadii Dallaalimo ee 1983kii iyo jiidihii hore ee dagaalkii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran.

Dr. Fadal iyo intii goob-joogga ka ahayd idin kama foga ee u wareysi taga. Kaasi waa nabar.

Durba miyaad illowdeen

Dhacdada 2aad:

Qormadii: 4aad

2010kii, iyada oo Hargeysa la joogo ayuu Xisbiga Kulmiye heshiis qoraal ah oo rasmiya la galay Urur-siyaasadeed aan sharciyeysnayn oo aan shahaadad qaadan oo u sharraxnaa in uu urur-siyaasadeed noqdo. Anigu urur ku sheegi maayo e’, wuxu ahaa aqoontayda gaaban, u-sharraxane urur-siyaasadeed. Heshiiskaasi mid qarsoodiya ma ahayn. Daahir yaa shamis ayaa loo soo bandhigay.

Nidaamkii tallaabadaa qaaday ayaa maanta Madasha Wada-tashiga canbaaraynaya. Ma marba sida uu doonaa? Ma doociisa iyo dareenkiisa hadba markaa jooga ayaa xeer inoo noqonaya?

Miyaanay taasi daw-darro ahayn? Miyaanu Kulmiye markaa qaldanayn? Miyaanay tallabadaasi markaa la joogay gef ku ahayn xeerarka QARANkan u yaallay? Mise QARANnimadu waxay ka bilaabantaa marka uu qofka xilka doonayaa kursiga ugu sarreeya ku fadhiisto? Miyaanay dadkii hoggaaminayay urur-u-sharraxanihii QARAN xilalkii u sarreeyay xukuumaddaadii ugu horreysay loo dhiibin? Miyaan KULMIYE intii hal-doorka u ahayd dhaxamaha lagaga tegin, maantana aanay ku dhawayn in shadaafta loo laabo oo uu daadku qaado. Waa haddii Eebbe idmo iyo qoryashayaasha aawan ee fulintooda la sugayo, sida aanu maqallay.

Nidaam xadhig ku cago-jugleeyay xoor kama maalo. Xoolaha ayaa xadhigga loo sameeyay iyo ma-yeedhaanka aynu dhaqanno. Dadka xeer baa dabbaala. Dadka xurmo iyo xishmayn baa lagu xakameeyaa. Xaq-dhowrka iyo xaq-soorka ayaa deeqa. Dad xadhig loogu hanjabaa kow ma aha. Waa wax soo jiray. Tan aynu joogno ayay ka  dhacday oo wixii laga dhaxlay maanta laga nool yahay.

Nidaam xadhig ku gooddiyay, waxay marka xigta la gashaa in uu dadka xabbad la dhacao. Wixii intaa ku xigaana waa xasuuq. Xinjir iyo xab la bururshoo ayaa ku xigta. Xawawar iyo xuduudo laga tallaabo ayaa ku xigta. Xanaf iyo xadaafiir aan hadhin ayaa ka dhalata. Waa loo soo joogay oo nidaamkii sidaa u dhaqmaa waa kii eeda ee dagaala. Cirkaa looga xero-dhigaa. Dadka iyo dalka lama qab-qaban karo. Duugga wixii soo hadhaa waa dadka iyo dalka.

In la shiraa dembi la galo ma aha. Waa la shiri karaa oo waa xaq uu muwaaddinku leeyahay oo aanay cidina ka qaadi karin. Waxa wax la iska weydiin karaa waxa laga shirayo. Bal hadda u fiirsada inta danayste muraadle habeenba soo fadhiisata shaashadaha ee tidhaahda: “Madaxweynaha oo keliya ayaa Shir Qaran qaban kara?” oo xaggee ayay ku qoran tahay? Bal Qodob Dastuuriya ha cuskadaan.

In la shiro in la doodaa dembi ma aha. Waxa keliya ee wax la iska weydiin karaa waa Ajendaha iyo maxaa laga shirayaa.

Xisbiyada Qaran ee Mucaaridka ah iyo Madasha Wada-tashiga ee Shirka ku baaqay waxay ku suntadeen: SHIRKA DOODDA QARAN. Waa saddex erey oo sharfan. Tuugna ma xado. Dadka shirka ku baaqay iyaga ayaa la weydiinayaa sababta ay shirka ugu baaqeen, bal se doc-ka-yeedhku u odhan maayo oo iyaga u hadli maayo. Miyaa la illoobay maah-maahihii Soomaaliyeed! Sow tii la yidhi: “Af jooga looma adeego.” Doc-ka-yeedhadan shirka ka soo hor jeedaa ma intaas ayay garan la’yihiin. Caqligeennii iyo garashadeennii ayay caayayaan maalin walba.

Wuxu marka hore waa SHIR. Waana la shiri karaa. Mar labaadka waa DOOD. Waana la doodi karaa. Mar saddexaadka waa mid QARAN. Mid qolo ma aha. Mid qabiil ma aha. Mid qoys ma aha. Mid qofeed ma aha. Waa mid QARAN. Arrimo Qaran ayaa lagaga hadlayaa. Dhuxushan gadbaddii boqolka kun ee shilin marayso ayaa laga hadli karaa. Xaalufka ba’an ee dhirtii ku socda ayaa lagaga hadli karaa. Tahriibkaa laga hadli karaa. Cudurka ‘AIDS-ka’ ayaa lagaga hadli karaa. Cashuurahan cirka isku shareeray iyo baabuurtan cagaagan ayaa lagaga hadli karaa. Aafada bacda iyo nadaafadda ayaa lagaga hadli karaa. Sidii aynu dooraashooyin xaq ah oo xalaal ah oo nabadgelyo ku dhaca loo qabsan lahaa ayaa lagaga hadli karaa. Sidii aynu xisbiyada iyo qabyaaladda u kala saari lahayn ayaa lagaga hadli karaa. Ammaankeenna liicay iyo sidii hay’adaha amniga loo xoojin lahaa ayaa lagaga hadli karaa. Waxa la isku weydiin karaa su’aasha ah: MAXAA INAGA SI’ AH? Maxaa ka si’ ah Xisbiyada, midabkuu doono ha yeesho e’? Maxaa ka si’ ah Xukuumaddeenna? Maxaynu ugu bognaa? Maxaynu ugu baannaa?

Bayaannada Doodda Qaran se maxay noqon karaan?

Qormadii: 5aad

Kol haddii uu shirku DOOD QARAN yahay maxaa ka soo bixi kara?

1. Waxa ka soo bixi kara marka ugu horreysa waa in warbixino cilmiyeysan oo lafo-guran oo qoraal ah la isu akhriyaa oo la dhegaystaa oo xaaladda taagan dhinac kasta laga warramaa ama inta mudnaanta leh la soo horreysiiyaa,

2. Intaa ka dib waa in qiimayn lagu sameeyaa warbixinahaas oo la faalnqeeyaa si loo suntado halka la joogo iyo halka geeddiga loo yahay,

3. Mar saddexaad wixii ka soo baxaaba waa laba: Go’aammo mudan in la fuliyo iyo talo-bixin ku wajahan ummadda iyo hay’adaha Qarankaba.

Maxaa xumaan ah ee ku jira? Ee aan ku jirin Maratoonkii dheeraa ee aynu soo orodnay ee aynu maal iyo milgaba ku burburnay: Gar-adag ilaa Gar-jilic iyo inta magac aan la mahadin u dhexeysay. Xukuumaddeennu shirarka noocas ah ayay ka heshaa, maal u hurtaa oo ay isku mashquulisaa, war-baahinteeduna ka dhammaan weydaa. Hawlaha caynkaas ah xukuumaddeennu dadka wada feylal kama hayso. Wasaaradda Arrimaha Guduhu feylashaa ma hayso, kuwan kale sida ay ku heshay mooyi. Miyaanay ka war-qabin in iyada ay feylasheedii buuxsameen oo ay meel walba daadsan yihiin? Ma kuwii maanta feylal sheegi lahaa baa?

Dal iyo dad dimuqraadiya ayaynu nahay. Iskama aynu noqon ee dan ayaynu moodnay. Weynu ku dab iyo reerba keennay. Waa aynu ku soo caano-maallay. Intaas oo doorasho ayaynu ku gallay. Wax inoogu kordha mooyaan e’, waxba inagagama dhicin. Bal tii ugu dambeysay doorashooyinkii Madaxtooyada eega. Deero deero ma hirdiyin. Wax Ilaahay lagu mahadiyo miyaanay ahayn!

Tiirarka dimuqraaddiyadda noocaas ah waxa ugu mudan ixtiraamka ra’yiga kale. Isku wada ra’yi iyo fikrad ma wada noqon karno, xataa iyada oo laga yaabo in aynu meel u wada soconno. Horumarka iyo badhaadhuhuba waxay ku jiraan kala-duwanaanshaha lagu wada deggan yahay. Car juuq dheh…..car shira…….Car isu taga…..Car waxaan samaynayo arag…..waxba kuma hagagaan ee wax ayaa inagaga xumaanaya.

Xisbiyadu waa xisbiyo qaran: muxaafid iyo mucaarid kii ay yihiinba. Waa jilayaal qaran, waxaanay ka mid yihiin kuwa ugu sarreeya jilayaasha. Xukuumaddu waa jile kale. Waxay ka mid tahay kuwa ugu sarreeya. Xukuumaddu waxay macno ku leedahay jiritaanka xisbiyo mucaarid ah. Xukuumaddan iyo hoggaankeeduba mucaarid waa ay ahaan jireen oo loo sheegi maayo. Dhibaatadu waxay imanaysaa markii ay doorashadii Madaxtooyada ku guulaysteen ee ay Wadaad iyo Waranle u kala baxday. Sida ay u muuqato Wadaaddadii waxay u hadheen xukuumaddii, Waranlihiina waa la caammeeyay oo xisbigii ayaa looga tegay. Wadaaddadu, waxay u muuqdaan, kuwa nooca cusub ee Gaarriye odhan jiray, Ilaahay ha u naxariisto e’: Waa wardi xeeli daba taal.

Nimankii Waranlaha la odhan jiray sidaa lagagama hadhin e’, xisbigiina hadda ayaa la rabaa indhahooda oo shan ah in laga faro-maroojiyo. Sidaas ayuu ku fasakhmayaa Kulmiyihii aynu naqaannay ee aynu codka siinnay, waxna ka sugaynay. Belo ku degtay.

Aniga oo jecel in aynu Qormooyin dambe ku lafo-gurno bal ka warrama qoladan Kulmiye isku sheegaysa ee leh Shirweyne Xisbi ayaanu qabanaynaa, haddana Ajendayaashii ay la shir-tegi lahaayeen hadba guri isku oodanaya ee hadba mid gafuurka taagayo. Miyaanay xarun Xisbi lahayn? Miyaanay hay’ado Xisbi oo go’aan qaata lahayn? Ma nin walba u jabaa? Ma Xisbibaa? Ma reer baa? Ma koox baa? Ma Waranlaa? Ma Wadaad baa? Waxani wax soconaya oo ummad lagu maamuli karo ama danaheedaba lagu hanan karo ma aha e’ wax intaa ka door roon oo la dugsado ma hidisaan?

Yaa doonaya shirka doodad qaran? Waa su’aal u baahan in la is-weydiiyo. Jawaabtu waa ay fududdahay: DADKA INTIISA BADAN AYAA DOONAYA SHIRKA DOODDA QARAN.

Daliilkeedu wuxu yahay: Saddexdii xsibi-qaran laba ayaa doonayaa in shirkaa la qabto. Madashii Wada-tashiga ayaa doonaysa in la qabto. Aqlabiyadda aammusan ee xisbiga Kulmiye ayaa doonaysa in shirkaa la qabto. Inta cabbudhsan ee xorriyatul qawlka u halgamaysa ayaa doonaysa in shirkaa la qabto. Inta dulman ee xuquuqdoodii la duudsiyay ayaa doonaysa in la qabto. Inta dal iyo dadba muraadka ka leh ayaa doonaysa in la qabto. Ma jirto cid diiddan in la qabtaa marka laga reebo inta dus-duska iyo khiyaamada ku dhaqanta. Codadka diiddani halkee ayay ka baxaan? Waa in ku hadlaysa afka xukuumadda.

Yaa diiddan? Waxa diiddan xukuumadda iyo inta u hadlaysa ee ereyada madhan telefishannada iyo saxaafadda ku wareerisay. Shaashadda ayay soo fadhiisanayaan iyaga oo aan soo diyaar-garoobin oo aan garanayn waxay ka hadlayaan. Waxay yidhaahdaanba waa: lama qaban karo shirka doodda qaran. Madaxweynaha oo keliya ayaa qaban kara. Xeer ma sheegaan. Xaagaan ma soo xigtaan. Qodob dastuuriya ma xusaan. Haddana intaa waa ay xiiqsan yihiin oo dadkaba caammo ay duufsan karaan ayay u haystaan.

Cabbudhintii saxaafadda iyo xorriyatul qawlka, naafayntii xisbiyada mucaaradka ah iyo hawl-gabkii ay ku dhawaadeen, waxa ka dhashay Madasha Wada-tashiga. Dadku ma dhiman ee waa nool yahay. Haa, waqtigu waa adag yahay, dadku se ma aha mid ay soori wada qaadi karayso oo shilin u wada dhiman kara. Yaan lagu dagan.

Sidaas ayay Madasha wada-tashigu ku timid.  Waa salleello Madasha wada-tashigu. Doonniidaa maanta baxaysa ee Shirka Doodda Qaran loo raacayo haddii ay xukuumaddeenna ‘Kacaan-u-eg’ ha hadho waxa bilaabmi doona kuwo kale. Waxa dhismi doona Is-bahaysiyo. Waxa samaysmi Is-xulafaysi ururro, xisbiyo, madalo iyo dhismayaal la mid ah. Waxa samaysmi  doona Kulammo. Waxa samaysmi doona Wadaago. Waxa samaysmi intaas oo urur ama hay’adood oo isu tagta oo difaacda xuquuqda muwaaddiniinta.

Haatan iyo dan:

Xukuumaddaydaay, talo-san-ma qaadatooy! Xukuumaddaydaay talo-baas-ku rooraay!

Xukuumaddaydaay sidan iyo si baasba jecelay. Annagu xukuumadda ma nebcin. Dadku xukuumaddu in ay jabot ma jecla, waayo iyagaa ku jabaya. Xukuumaddu in ay fashilanto cidna dan uma aha.

Wada-joogga, wada-tashiga, wada-arrinsiga, wax-is-weydiinta, wadaagga hadalka iyo doodda, ra’yi-is-weydaarsiga ayay danteennu ku jirtaa. Cidina ma laha xukuumaddu ha dhacdo. Waxa la leeyahay xukuumaddu ha hagaagto, hagaaggaas idinkaa ammaan ku mutaysan doona. Waa wixii aad markii aad dariiqa soo ordayseen dadka ku wareeriseen ee aad Daahir Ra’yaale ku dhego-barjayseen. Waa tii oo hadal ah oo aan muddaharaad iyo qab-qab wadan.

Miyaad illowdeen murtidii Cali Sugulle Dun-carbeed ee ahayd:

“Diric keli ahaantii,

Daleed guusha kama helo,

Dadkaa geesi lagu yahay,”

Ilaahay xukuumaddeenna dariiqa toosan ha waafajiyo. Ilaahay ha garansiiyo in aanay dadka iyo dalka u talin ee ay u yihiin adeegayaal la dirtay.

Wa billaahi Towfiiq,

Waa la aqbalay ma is-tidhaahdeen.

 

Dhammaad.

 

 

 

Additional information