Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Suul-cayn (Xaaladda taagan)

Si qaldan in loo qaato ma aha. Waxaan ka hadlayaa waa ‘Fursad’. Waa la helaa…..Waa la waayaa. Waa wax ku soo mara. Qof baa ka faa’iidaysta…..Qofna si fudud ayay ku dhaaftaa. Waa ay ku soo martaa, lagama yaabo se in ay in badan soo noqnoqoto.

 

Suul-cayn (Xaaladda taagan)

“Dhabaq dooday baa yidhi,

Damcad lama wadaagee,

Dacarta uga guud baxay, Dano naga dhexeeyaan,

Anna waxan ku dabo-karay,

Nimaad hal isku diiddeen,

Dab cas lagama bixiyee,

Ku dar talada weligaa,

Docaa idin mideeyee,”

Maansadii dabo-taxan, 5/1/1997kii, Gaarriye

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Si qaldan in loo qaato ma aha. Waxaan ka hadlayaa waa ‘Fursad’. Waa la helaa…..Waa la waayaa. Waa wax ku soo mara. Qof baa ka faa’iidaysta…..Qofna si fudud ayay ku dhaaftaa. Waa ay ku soo martaa, lagama yaabo se in ay in badan soo noqnoqoto. Waana la is-weydiiyaa sababta aad fursadda u heshay iyo sida ay kuugu timid. Taasi waxay ku dhaxalsiisaa in aad ogaato qiimaha ay kugu fadhido iyo naf-hurka lagaa doonayo.

Waa sheeko-baraley kooban. Waa sheekadii Demmen ee ubadka weyday. Beryo dambe oo ay aleel, turub iyo tusbaxba ka quusatay, waa tii wiil derderan, curad guri-dambeysna ah, hoosteeda laga deyay, sida aynu Hadraawi ka haynno.

Dhowr arrimood ayaa taagan. Run ahaantii arrimaha murugsani waa ay badan yihiin, bal se hadal-haynta ayaa ugu badan qodobbadan hoos ku taxan:

1. Nabadgelyadan ku dhow in ay faraha ka baxdo ee duhur cad xabbadaha la isu qaadanayo iyada oo ay intaas oo ciidan ahi dhisan yihiin,

2. Debecsanaanta aynaan hore u arag ee khatarta ku ah madax-bannaanida Somaliland ee dhaqanka u noqotay nidaamka dalka ka talinaya iyo xidhiidhadan la caadaystay ee lala samaynayo dawladda Federaalka ah, tii Caafimaadkuba ha ugu dambayso e’,

3. Xaaladda Xisbiga Kulmiye,

4. Shirka Doodda Qaran ee isbiyada Mucaaridku ku baaqeen, Madasha Wada-tashiguna soo jeedisay Xisbiyadana ku wareejisay,

Labada Qodob ee dambe waa qaar isa sudhan. Waa laba Qodob oo saamayntoodu dhinacyo badan taabanayso. Waa laba Qodob oo si dadban iyo si toosanba isu taabanaya. Waa laba Qodob oo saamayn togan iyo mid tabanba isku leh.

Ma xusuusannaa tuduc uu Gaarriye lahaa oo ahaa:

“Dhegihii daboollaa,

Hadday ii daloolaan,

Damqashaa ku dhalisay,”

Ma idin la tahay in uu meesha madhan I noo buuxinayo tuducani. Waa idinka iyo dareenkiin. Jiq baa la isku noqday. Jifaba jifo ayay wareentay. Xisbiyo iyo camalladood laga jaan-qaad. Sidii xaalba ahaa ayaa dib loogu noqday. Waa biyihii berkedda ee la iibinayay. Dusha waa ka-saddex ganbo, hoostana waa ka-sumuni. Qalfoofka sare xisbiyo ayaynu u aragnaa, qudhooda hoose marka aad u dhaadhacdana waa qolooyin iyo wax horeba loo eeday. Xubnahooda ayaad ka garataa. Qolooyin ayaa ka tirsan ee sida aynu moodayno qofaf kama tirsana.

Xisbigeennii Kulmiye ee loo haystay in uu doorashadii Madaxtooyada ku gulaystay ayaa qasmay. Haa…Sida muuqata isagu kuma uu guulaysan. Waa la-mood se noqon weyday. Salaad hore ayaa laga dhex toosay oo ay gaadhiga shidhkiisii dad aan hore loo aqoonnini u fadhiisteen, shukaantiina u qabsadeen. Sidii ayay u haystaan oo u shufeerinayaan, intii u soo dagaallantayna jeedaaladii indhihii qalloocdeen.

Shir xisbi ma dhicin. Bal se shirka shirkii ayaa dhacay. Shaqlan baa hoggeedii sharad lagaga soo faqay. Shirix shirix ku doorsiyo, ma shanshaa la qaybsaday. Shaadir hoosti lagu showr. Shinkan riix, shinkaa keen, sheekada ku soo jare. Jifo weeye sheekadu, waa ay kala jifoobaan. Jifo kale jaf soo tidhi, jiid-jiidkii sheekada, waan af-jaray ku soo jare. Waqtigiisii maahee, Wadaadkaa go’a u tuur. Waranlaha ku soo durug, weylaalistana u dhiga. Waa xilligii warmaha iyo, wedka iyo waxyeellada.

La iska tuur shareerkii. Dhankan xisbi baa ka daahiray amaba se ka daalacay, dhanna dawlad baa mudh soo tidhi. Jir-jirroolannimaduna shuqul weeye soo jiray.

Waxa maanta dhacay ma aha wax cidina u hawl-gashay. Waa xaalad abuurantay iyo ka-dareen-celinteed. Doc waxa lagaga baaqay Shir loogu wan-qalay Dood Qaran. Waxa isku bahaystay Madasha wada-tashiga iyo labadii Xisbi Mucaarid. Waa miisaan culus. Xoggii bardaamin lahaa waa kala daadsan yahay oo waa Kulmiye. Waxa laga cabsaday in dhinacii badraanka ahaa xaggaa  malaha u dillaamo. Hadda waa male ee hubanti ma aha. Mala-awaalkuna waa xaq uu muwaaddinku leeyahay oo aanay cidina ka qaadi karin. Waa xaq Dastuuriya.

Xaaladdaas iyo wixii kale ee lagu dari karo ayaa abuuray waayahan cusub ee aynu ku waa-bariisannay. Waa fursad ay cidi heshay. Waa fursad ay cidi weyday. Waxa la is-weydiinayaa in ay sii taagnaan doonto iyo in kale.

Ma aha fursad sahlan oo si fudud loo bixiyo. Waa fursad sayme soo socda lagaga baxsanayo. Waa fursad aan hore loo arag. Sida ay ku samaysantay ama ay ku timid waa mid ugub ah oo aan looga baran nidaamka ka taliya Madaxtooyada Somaliland. Waa dhaqan cusub…… waa mid ugub. In uu sii socon doono iyo in saymo gaaban lagaga baxsanayay mooyi.

Bal ka warrama haddii aynu iska yar danbaabno oo is-weydiinno, waxay ka doonayaan dhinacan ay dhinaca kale ka doorteen? Ma male-awaali karnaa? Khayaalkeenna dabar iyo seetaba ma ka goynaa oo ma sii daynnaa, ha khushi-tallabsado e’?

Bal hadda aan isku dayno. Dhinacan go’aanka qaatay ee labadii tartame sifada reer ahaaneed u kala saaray ama u kala doortay, waxay docdan dabbaal-degaysa ka rajayn karaan ama ka dooni karaanba:

  1. In ay marka hore u eedoobaan nidaamka dalka ka taliya oo ay af labadii ku canbaareeyaan Shirkan Doodda Qaran ee ay ku baaqeen saddexanka: labada Xisbi-mucaarid iyo Madasha Wada-tashigu,
  2. In ay taageeraan haddii uu Madaxweynuhu dalbado muddo-kordhin saansaankeediiba iska muuqdo, maa daama aan doorasho loo diyaar-garoobayn ama aanu muuqanba diyaar-garowgaasi. Hadda Khudbaddiisii sannadlaha ahayd Madaxweynuhu wuxu ku caddeeyay in aanu diyaar u ahayn in saacad loogu kordhiyo muddo-xileedkiisa,
  3. In ay taageeraan in Madaxweynuhu mar kale isu soo sharraxo jagada Madaxweynaha iyada oo la isla dhex marayay in ay tahay xilligii cid kale la guri lahaa, taas oo sida ay sheegayaan hore looga heshiiyay,
  4. Iyo waxyaabo kale oo aad idinkuba male-awaali kartaan,

Waa fikrado qofka ku soo dhici kara. Dhankan kale ee dabbaal-degga ku jiraa, ma intaas oo keliya ayay ku qanceen? Fursaddan mar-la-aragga iyaga u ah, ma durbaankaas iyo demdemtiisa ayay ku dhaafayaan? Wax ka badan ma ku goosan karaan? Wax kale ma ka tuujin karaan inta aanay fursaddani qaadhin oo caleemuhu ka daadan? Sidee ayay u sharxayaan ama u fahmayaan in ay fursaddani ku timid? Xaaladda duruuftan abuurtay ma waxay u haystaan mid weligeed taagnaan karta? Miyaan is-beddel ku iman karin?

Waxaanu aamminsan nahay in ay tahay fursad ku timid xaalad siyaasadeed oo abuurantay, sidii ay doontaba ha ku abuuranto e’. Xaaladdaa is-beddelkeeda, fursaddani ma ku suuli kartaa oo xaaladdu sideedii hore ma ku noqon kartaa? Ama si kale ma isu beddelei kartaa? Garabka dabbaal-degayaa fursaddan muxuu ka tuujin karaa?

Haba u liidato e’, ma ku dhiirran karaan in ay beddelaan Guddidii Qabanqaabada ee Xil-dhibaannada aan la diran karin lana adeegsan karin u badnayd? Qabanqaabadu shirweynuhu waa farsamo e’, guddi farsamo oo fudud oo aan reero ahayn ma magacaabi karaan?

Wax badan ayaa la is-weydiinayaa.

Ma se laga yaabaaba in;

“Suul-cayn dur-duriyoo,

Dubur uu ka xulo Hawd,”

Additional information