Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Xil-dhibaan’: Xil-ma-dhaad xil-ma-qaad

Xarfaha xarafka ugu ayaanka daran ee Somaliland ugu xanaf iyo xumaanba badan,  waxaan is-idhi waa Xa’da. Marka horeba waa Birqaab, marna waxaad mooddaaba Kelbeddan wax lagu qabsado.


 

Xil-dhibaan’: Xil-ma-dhaad xil-ma-qaad

(Dhafan-dhaaf sheekada: Ii dhiib an kuu dhiibee….. I dhigo aan ku dhigtee)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,

Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,

Maskaxdii wacneyd iyo dadkii, meel u wada jeeday,

Nimankii mel-melay waa kuwii, maalay keligoode,

Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,

Marnaba yeydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,

Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,

Ma-naxaannadii baan arladan, meersna u toline,”

Maansada Guubaabo ee Timacadde, 1970kii Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Xarfaha xarafka ugu ayaanka daran ee Somaliland ugu xanaf iyo xumaanba badan,  waxaan is-idhi waa Xa’da. Marka horeba waa Birqaab, marna waxaad mooddaaba Kelbeddan wax lagu qabsado. Xumaan badan oo aanu xarafkani galabsan ayaa ku xadfan. Ma aha wax Xarafku xushay ee waa wax ay u xisheen inta summad ahaan u xanbaaratay. Bal hadda u fiirsada Xarafka aynu ereyada uu ku jiro ugu xamashada badan nahay. Waa Xarafka inoogu xadantada badan. Xilli wal oo aad joogtaanba isaga ayaad ka xantataan, ku xajiimootaan kuna xanuunsataan.

Xukuumadda ayaad xiisaha xamashada intaa ku xiiqdaan hadal-haynteeda. Waxa idiin raaca Xeer-dejinta. Xilalka kale ee aad ku xiiqdaan waxa kale oo ka mid ah Xil-dhibaannada. Xilalka aydaan ku xiiqin kana xishoon ee had iyo jeer xamataan waxa ka mid ah Xisbiyada. Xilalka kale ee xasaasiyadda laga qaaday inta badanna aynu ku xajiimoonno waxa ka mid ah Xeer-ilaalinta iyo Xeer-beegtida. Ereyada aynu u adeegsanno wadartooda waxaynu ka soo qaadan karnaa oo aynu ku suntannaa in ay is-xanbaar yihiin. Go’aammada ay qaataan ee xanuunnada ina haya ku xaydaaman waxaynu ka soo qaadan karnaa Xeerarka oo aynu xakamayntooda iyo xaal-xumada ay inagaga tegeen aad uga xanaaqno. Ereyada maamuuska iyo milgaha leh ee aynu xilalkan ku marriinno waxa ka mid ah xishmad iyo xaq-dhowr.

Waa xaraf xarfaha afkeenna ka mid ah oo aynaan u samaysan in aynu ku xajiimoonno, bal se intii u xilatay in ay adeegsadaan ayaa xasadkaa iyo xiqdigaaba baday. Innagaa ka xaal-marin oo xarfaha kale ayaa waan-waanta geli doona.

Ilaahay ha inoo sahlo e’, haadaan ayaynu ka lulannaa. Dawladuhu waa saddex dhadhaar oo la isla wada yaqaanno, waxna lagu cabbirto sida ay u hawl-galaan. Mid afraadna mar mar ayaa lagu daraa oo la yidhaahdaa War-baahinta ayaa iyaduna mid kale oo miisaankeeda leh noqota. Haddii la is-xisaabin waayo, haddii xilalka gudashadooda la isku ilaalin waayo, haddii ay cid waliba sida ay doonto yeesho oo  ‘hus’, ‘huf’, ‘hambee’ iyo ‘hadhba’ la is-odhan waayo, waa la lumayaa sida aynu maantaba u lunsan nahay.

Xil-dhibaannadii aynu 2005tii doorannay ayaa weli ina hor fadhiya oo aan waxba inoogu maqnayn, aan ahayn in ay noloshooda iyo aayahooda ka taliyaan. Shabaag ayaa u daadsan ay ku ugaadhsadaan. Sahankoodu wuxu daadsan yahay tan iyo Madaxtooyada. Waxa sii socda iyo waxa soo socdaba waa ay og yihiin. Marka la hor keeno ayay xanjadooda ku dhejistaan. Is-maba hawlaan.

Maalin aan fogeyn ayaa la hor keenay Xeer lagu xadaynayay xuquuqda iyo gunnooyinka Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeennadii hore. Indha-adayggooda markiiba waxay go’aansadeen in Xildhibaannadana loogu daro muddo sannad ah mushaharkood, marka ay muddada xilka ay hayaan ka dhammaato.

Bal hadda aan daalacanno Odeygeennii Buuniga ahaa ee ‘Google’ Guud-cadde sida uu dhacdadan u soo tebiyay. Waxaan ka soo weriyay Qurba-joog.com, waxaanay u dhignayd sidan:

“Hargaysa 18. June (SDN) Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xildhibaanadu waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Xeer No/62/2013.Mudanayaasha soo xaadiray fadhigii manta oo tiradoodu dhamayd 44 Xildhibaan ayaa ansixinta xeerkaasi waxaa ogolaaday 38 Mudane, waxaa diiday 2 Mudane waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay Xeerka maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka oo ah xeer No/62/2013ka.

Mid Xildhibaan ah oo aan weydiiyay ayaa igu yidhi: “Waxaanu korodhsannay muddo sannad ah oo ah sagootis.” Sida aan aamminsanahay ama ka war-qabayba, Xukuumaddu waxay madasha keentay Xeerka Hab-maamuuska Madaxweynayaashii iyo Ku-xigeennadii hore. ‘Iyo Mudanayaasha Baarlamaanku’ waa arrin ka dhashay Golaha Wakiillada. Iyagu is-ma illoobaan, innaga se cid ina hadal-haysaa ma jirto.

Nimankaa muddo-dhaafka ku jooga, nimankaa xilalkoodii gudan waayay ee Xeer walba iska sii deynaya, nimankaa aan war iyo wacaal ka hayn goorta ay doorashadoodii dhacayso iyo Xeerarkii lagu geli lahaa ayaa jidaystay lacag 3 milyan oo dollar ku dhow haddii aanay ka badnaynba. Hadda iyaga ayaa inoo qaamaysan. Ma halkii aynu daalac ka heli lahayn, ayay innagii deyn inagu sii jarayaan. Bal ka warrama dee! Alla maxaa naaneys aanay ummaddani galabsan u baxday, maanta ayay se ugu daran tahay oo aan ‘Ceelna u qodnayn, cidina u maqnayn.’ Xeerarkan dhafan-dhaafka la isu weydaarsanayaa dano ayay ku fadhiyaan aan danaheenna ahayn. Dhallintan dabar-go’a ku dhow ee Tahriibka ku idlaatay Xeer kama soo baxo, duunyana looma qoondeeyo. Ammaankan xumaaday ee guryihii la joogi la’yahay xeer kama soo baxo.

Laakiin! Miisaaniyaddu waa duudduub ku qaado. Xeerka Sir-doonku waa arag la’aan ku qaado. Iyo dee intaas oo wax oo kale. Ma waxaynu tirin karaynaa! Wasaarado, Wakaalado iyo hay’ado aan sharci ahaan u jirin oo aanay Xeerkii dhismahoodaba oggolaan ayay intaa Miisaaniyad u sii deynayaan. Dhallaankeenna iyo dhiillada haysata ma dhandhamiyaan, dhalandhoolka geeddigooda miyay warba ka hayaan.

Waa  wax aan hore inoo soo marin. Dawladihii 9kii sannadood iyo nidaamkii Maxamed Siyaad Barre midna waxan oo kale laguma sheegin. Waa odey-ka-sheekee. Waa xaajo ugub oo ummaddan dhabarka iyo xanjaadkaba ka jabtay misgaheedii la doonayo in lagu sii saarnaado. Xukuumaddu kama hadasho. Haa! Laga yaabaa in markii ay Xeerka soo diyaarisay dareensanayd in Xildhibaannada Wakiilladu sidaa yeeli doonaan, laakiin maxay ka qabatay. Daacadnimo haddii ay jirto waa ay ka qaban lahayd, bal se waa la isku danaysanayaa oo xaal wuxu iska noqday: “I daa an ku daaye, I diro aan ku dirtee, Ii danee aan kuu daneeyee, I dooro aan ku doortee, Ii debci aan kuu debciyee, Ii dar aan kuu daree, I dabbaalsii aan ku dabbaalsiiyee, I dallacsii aan ku dallacsiiyee, Ii danbaab aan kuu danbaabee, I daaddihi aan ku daaddihiyee, Ii dalee aan kuu daleeye.” Si kale kuma garataan e’ kii ‘Deel’ ahaa ayaan qudhiisa ka yaabbanahay oo aan Xa’diiba ka dhicin. Ilaahayow Xarfahayaga aan nalagu dirin. Xuruuftaada oo lagula collaysiiyaa, waa habaarrada laga ducaysto.

Cidda kale ee dhawaaqa laga sugayay waa Xisbiyadii, iyagiina meel ay ku dhibceen cid sheegta la waa. Iyaga qudhooda ayaad mooddaa in ay go’aammada noocan oo kale ah u rixinayaan oo ay u-sacabbo-tumayaan, illeyn haddii kale waa ay ka hadli lahaayeen e’. Iyagana sacabbo lulan, caleemo qoyan iyo ubaxyo qoorta loo sudho ayay doonistoodii iyo dulucdoodiiba ka soo hadhi weyday. Maxaa kaa bi’I lahaa haddii ay dalka gudihiisa meeraysan lahaayeen illeyn awalba wax inoo ma ay tarayn e’. Saarku Yurub iyo Mareykan waxaan ahayn kagama soo dego. Marna waa sii dhaweyn iyo baabuur sunsumaysa, marna waa soo dhaweyn iyo baabuur sunsumaysa. Car yaa wax kale sheega. Waxaa ammuuro ina haysta ee camal-la’aanta, ammaan-darrada iyo tahriibtu ugu mudan yihiin ma hadal hayaan. Waa casuumad….Waa ubax qoorta loo sudho…..Waa lacag duluglaha Qurbaha ku ambaday laga yaboohsado……Waa waxaa iyo waxaan dhaamin waxa lagu hawlan yahay.

Maye xilalkii ummddan tabaalaysani u igmatay? Marka ay Xukuumaddii xilka loo dhiibtay xan iyo xatooyo loo nisbeeyo, marka ay xeer-dejintii kormeeri lahayd ka mid noqoto, marka ay xisbiyadii la xisaabtami lahaa xero-joog aan xaab tegin noqdaan, xaggee loo ciirsanayaa. Subxaan!

Sow tii ay Xisbiyadu Muxaafidka iyo Mucaaridka ahaan jireen? Maxaa maanta xero keliya wada geliyay? Meeday Xeer-dejintii? Ma afkii baa juuqda gabay? Sow kuwii odhan jiray hadal iyo hootaba waanu soo rogan naqaannaa? Sow tii Daahir Ra’yaale Kaahin joog iyo jiifba loo diiday? Sow tii Muddaaharaaddada Golaha hortiisa laga abaabuli jiray? Intii maalmahaaba joogtay, ayaa maantana joogta e’ maxaa is-beddelay? Ma nidaamkii Daahir Ra’yaale oo keliya ayaa ahaa xadhig lama sitaan? Maxaa dhacay? Maxaa si’ ah? Mise siyaasadda inagu cusub ee‘Shaglaydhka iyo Shaabuugga’ ayaa shaqaysay oo tolow il la iskaga gartay? Mise qabyaaladdan ummaddii qardhaasta ay jaxaastaan looga dhigay ayaa dhiilladan keentay?

Mise annaga ayaa qaldan oo aad nala yaabban tihiinba. Meel kale laga dooni maayo: Qabyaaladda duluca furatay ee wax walba cabbirka u noqotay ayaa inoogu daran. Wax kaleba ma hadal-haynno: Xaalkeennu waa Qusum. Ilaa ciyaarihii gobollada ayaa sidii xawaashka lagu dallacay. Kooxdii kubbadda ciyaaraysay ayaa Qusum ahaan qaydhiinka lagu qaybsaday. Xulashadii wasiirrada ayaan wax kale loo adeegsan. Subxaan! Tolow maxaynu ku danbayn, haddii aynu is-daba qaban weynno.

La ye innaga ayaan daawan e’, kubbadihii weli waa ay socdaan. Haddii aanay socon maxaa loo garan waayay qofkii ugu gool dhalinta badnaa? Ma Cabdi-riyaad baan baabuurka geyin! Ma qabyaalad baa lagu kala saari la’yahay gool-dhaliyayaashii? Ka warrama dee maxaad la hoganaysaan! Ma taasaa beer bisil kala goyn doonta.

Dadku Qabyaaladda ma rabaan. Waxaan u maragsanayaa tixdii uu Gaarriye ku ballaysimay Deelleeydii ee ‘Dugsi ma leh Qabyaaladi’ 10/12/1979kii uu ka tiriyay Muqdisho, waxaanu yidhi:



“Qabiilkii dorraad yiil,

Isticmaarki baa dumay,

Shalay dabo-ka-naax iyo,

Dibitaati baa waday,

Maantana dillaal iyo,

Dibbir baa ku xoogsada,

Waa dabin qarsoon oo,

Ummadday ku dagayaan,

Boobkay ku dedayaan,

Qolo-qolada loo degay,

Kama dhalan dadweynaha,

Ragga dacarta huriyaa,

Waa kooxo duumo ah,

Daaddihiyayaashiyo,

Maamulkay ku duran yiin,

Qaar baa digtoorro ah,

Digriigoodu madhan yahay,

Qaar baa durbaanno leh,

Oo daacaddii jaray,

Darna waa hagoogtaan,

Waa deniyo waaweyn,

Isku soo dabbaal oo,

Waa dabaqad maal jecel,

Waxa loo dig leeyahay,

Dhididkayga dahabka ah,

Sidii loo duddubin laa,

Afartaa docdaa mari,

Dugsi ma leh Qabyaaladi,

Waa dararta baahida,

Waa astaanta dib-u-dhaca,

Waa boog dalooshoo,

Dadka maanka kaga taal,

Dirxi qudhun ku nool iyo,

Waxa fadha nin daallin ah,

Damqa oo ku joogsada,


Maxaa maalmaha iskaga eg. Maantana Gaarriye miyuu inala joogaa, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

 

Dhammaad

Additional information