Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Danjire Qaybe: Ruug-caddaagii Diblomaasiyadda Soomaaliyeed (1930kii – 2013ka)

‘Si aanay taariikhdu u lumin qof kasta oo qalin iyo warqad isu qaata oo damca taariikhdii uu soo maray in uu wax ka qoro, isaga ayaa ka mas’uul ah wixii dhalliilo qoraalkiisa ku soo baxa.

 

Danjire Qaybe: Ruug-caddaagii Diblomaasiyadda Soomaaliyeed

(1930kii – 2013ka)

‘Si aanay taariikhdu u lumin qof kasta oo qalin iyo warqad isu qaata oo damca taariikhdii uu soo maray in uu wax ka qoro, isaga ayaa ka mas’uul ah wixii dhalliilo qoraalkiisa ku soo baxa. Sidaa daraaddeed, waa in uu qofka wax qorayaa iska ilaaliyaa, inta ay xusuustiisu gaadhsiiso, wixii dib ugu soo noqon doona. Qoraalkaygan kor-ka-xaadiska ahi, aragtidaas  lagama-maarmaanka ah ayuu ku salaysan yahay.’

Xigasho, ballaysinka Buuggiisa

Danjire Axmed Maxamed Aadan, Qaybe,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Hordhac

scan0008Maanta oo ay taariikhdu ahayd 26/11/2013ka, waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Danjire Axmed Maxamed Aadan oo loo yaqaannay Qaybe. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Beryahanba waa uu xanuunsanayay. Danjire Qaybe, waxa lagu aasi doonaa magaalada Hargeysa, berrito haddii Eebbe idmo.

Danjire Qaybe in kasta oo aan si guud u aqaannay, haddana waxaan si aad u dhow u sii bartay sannadkii ugu dambeeyay noloshiisa oo aan maalin walba ama maalin-dhaaf Hargeysa kula kulmi jiray. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu e-mail iigu soo diray qormo koobnayd oo dhowr bog oo af Ingiriisi ku qornayd. Mowduuca qoraalkaasi wuxu ahaa dagaalkii qaboobaa ee ka dhaxeeyay quwadihii waaweynaa ee berigaa jiray ee Is-bahaysiga Nato iyo Warsaw ama loo kala yaqaannay bari iyo galbeed oo ay kala hoggaamin jireen: Midowgii Soofiyeti iyo Mareykanku. Qoraalkaasi wuxu si gaar ah u taabanayay Gantaalihii Cuba ee ay iskaga hor yimaaddeen labadaa quwadood gaar ahaan: John Kennedy oo Mareykanka hoggaaminayay iyo Nkita Khurushev oo ahaa Xoghayihii Guud ee Xisbigii Shuuciga ahaa ee Midowgii Soofiyeti.

Afka Soomaaliga ayaan qoraalkaa ugu tarjumay, ka dib waxaan u diray Danjire Qaybe aniga oo u raaciyay tuduc ku jiray Deelleeydii Maxamed Yaasiin, Dheeg, kaas oo ahaa:

“Dadka waan ka quustee,

Dunida show rag baa nool,”

Markaas ayuu Danjire Qaybe ku bilaabayaa in uu qoro qaybo ka mid ah xusuustiisii hodanka ahayd iyo waayo-aragnimadiisii diblomaasiyaadeed. Sidaas ayaanu isugu nimid aniga iyo Danjire Qaybe. Aniga oo ka war qabay waaya-ayaragnimada hodanka ah ee Qaybe, aniguna waxaan ku dhiirri-geliyay in uu ummadda uga tago dhaxal. Sidaas ayaan si joogto ula xidhiidhi jiray tan iyo maalintan uu geeriyoonayo.

Sidaas darteed, ayaynu qormooyinkan kooban ugu guud-mari doonnaa noloshii hodanka ahayd ee Danjire Qaybe.

Innaga oo dhafan-dhaaf ka dhigan doonna si ay inoogu dhan-dhanto, bal aan ku horreynno Danjire Qaybe oo ka warramaya dhalashadiisii, waxaanu qoray:

‘Waxaan ku dhashay ‘Royal Naval Station’, Xaafadda Khoor-maksar, Cadan, oo ahayd  xeradii aabbahay ka shaqayn jiray. Quraanka ayaan baran jiray oo saddexda Jis ee ugu horreeya ayaan qaybay.’

Danjire Qaybe, hooyadii waxay ahayd Kaaha Warsame baro-bi’iye. Aabbihii xaggaa iyo dalkii ayuu ku soo laabtay, walaalkii Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Aadan waa uu dhintay, yaa markaa kafaalo-qaaday noloshii Qaybe iyo yaraantiisii. Isaga oo su’aashaa ka jawaabaya wuxu qoray:

Waxaan la noola oo Dugsiga igu daray oday taajir ahaa oo magiciisu ahaa Warsame Shooke iyo qoyskiisa oo ay walaalkay Cali Maxamed Aadan isku wanaagsanaayeen. Waxaan ku biiray Dugsigii Hoose-dhexe ee ‘Saint Joseph’s Boys School’. Arday kale oo reerka ahna kharshka iskuulka ayuu ka bixin jiray. Waxa madax ka ahaa Baadderi Hindi ahaa oo magiciisuna ahaa ‘Father Dominic’. Baadderigaasi, wuxu aakhirkii gaadhay ‘Arch Bishop of India’ ee Mad-habta Kaatooligga. Wuxu qoray Buug uu ku sheegayo in aradaydiisii Soomaaliyeed qaar ka mid ahi derejooyin caalami ah gaadheen oo aan anigu ka mid ahaa.’

Danjire Qaybe intii uu Cadan ku noolaa wuxu ka soo baxay Dugsiga Sare isaga oo isla markaana soo bartay teebka iyo fartii la odhan jiray ‘Short hand-ka’ ee la adeegsan jiray marka degdegga wax loo qorayo. Isaga oo intaas oo dhan soo bartay ayuu 1954kii soo degayaa magaalada Hargeysa isaga oo ka hawl-galay xafiiskii DC-ga ama Guddoomiyihii Degmada.

Bal hadda aan daalacanno sida uu Danjire Qaybe wax uga qoray qaybtan noloshiisa ahayd, waxaanu yidhi:

“Waxaan ‘typist’ ahaan ugu shaqayn jiray Taliskii Sare ee Ciidammadii Cirka ee Ingriiska. (Royal Air Force Command, Aden). Waqtigaas teknoolojiyadda (kombiyuutarrada) casriga ahi ma ay jirin ee makiinadaha caadiga ah ayaa warqadaha lagu garaaci jiray, shaqadayduna waxay ahayd ‘Shorthand typist’, mushaharkayguna wuxu ahaa laban-laab marka loo eego ka ay qaadanayeen dadka teebka caadiga ah garaacaa.

1954kii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland ayaan codsi shaqo-siin ah u soo qortay, waanay iga oggolaatay. 18-kii June 1954kii, ayaan madaarka Hargeysa ka soo degay. Magaalada Hargeysi waqtigaas aad ayay u yareyd, una qurux badnayd. Waxay ahayd meel cimiladeedu wanaagsan tahay aan boodh iyo qashin midnaba lahayn oo dhulka intiisa badan aanay daaro ka dhisnayn oo cagaar ahayd oo dhirta waaweynina ku badnayd ‘A picturesque Garden town. Waxa ku noola mujtamac is- wada yaqaannay, oo is-jecel oo kan maanta aad uga yar.

Waxaan shaqo ka bilaabay Xafiiskii Maamulka Degmada Hargeysa (District Commiosner Office) amaba xafiiska D.C-ga (Dhiisiiga) oo maanta daarta Maxakamadda Gobolka ah. Waxa laygu magacaabay District Clerk oo derejo sare waqtigaas ahayd.”

Qormadii: 2aad

 

Waxaynu dhex maaxaynaa Danjire Qaybe oo inoo waday taariikh-nololeedkiisii oo aanu idiin ka soo rarnay ama idiin ka soo qaadnay Buugga uu kaga tegay xusuustiisii dheereyd ee hodanka ahayd. Buuggani wuu daabacan yahay, maalin aan fogaynna haddii Eebbe idmo waxa loo qaban doona xaflad daah-fur ama gardaadin ah oo noogu qorshaysnayd in uu Marxuumkuna markii hore inagala qayb-galo. Ilaahii abuurtay ayaa oofsaday, waxaynu uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Aamiin.

Danjire Qaybe isaga oo sii wada taariikh-nololeedkiisii wuxu intaa hore ku daray oo uu qoray:

“1954kii Xukuumaddii Ingriiska ee Somaliland ayaan codsi shaqo-siin ah u soo qortay, waanay iga oggolaatay. 18kii June 1954kii, ayaan madaarka Hargeysa ka soo degay. Magaalada Hargeysi waqtigaas aad ayay u yareyd, una qurux badnayd. Waxay ahayd meel cimilasdeedu wanaagsan tahay aan boodh iyo qashin midnaba lahayn, oo dhulka intiisa badan aanay daaro ka dhisnayn oo cagaar ahayd, oo dhirta waaweynina ku badnayd, ‘A picturesque Garden town.’ Waxa ku noola mujtamac is-wada yaqaannay, oo is-jecel oo kan maanta aad uga yar.”

Waa sawir inta Hargeysa sidaa ku ogeyd ama u taqaannayba ay maanta aad iyo aad u yar tahay. Cimiladu mid qabow oo inta badan dab la shito, biyahana la diirsado ayay ahayd. Ilaa barqada dhulka ceeryaan ayaa ku gedfanaan jirtay. Guryaha shacabka oo kala fogaa ugaadh ayaa hareeraha kaga noolaan jirtay. Waayo….waayo iyo beri-samaad.

Aynu ku noqonno taxanihii sheekadeenna, Danjire Qaybena halkii ha sii kalwiyo, waxaanu yidhi:

“Waxaan shaqo ka bilaabay Xafiiskii Maamulka Degmada Hargeysa (District Commiosner Office) amaba xafiiska D.C-ga (Dhiisiiga) oo maanta daarta Maxakamadda Gobolka ah. Waxa laygu magacaabay District Clerk oo derejo sare waqtigaas ahayd. Muddadii aan xafiiskaas hayay dhacdooyin badan ayaa i soo maray.”

Halkaa aan ku yar joogsanno. Malaha waxaad doonayseenba in aan idiin sii wado oo uu dhacdooyinkaa idiin ka sheekeeyo. Waa qaar la yaab leh oo aad u xiiso badan, bal se waxaad ka daalacan kartaan Buugga Danjire Qaybe iyo Caalamka oo uu xusuustiisii hodanka ahayd kaga tegay.

Sannadku markii uu ahaa 1956kii, Qaybe waxa loo beddelay magaalada Berbera oo uu ka noqday Xoghayaha Fulinta (Executive Officer) ee Dawladda Hoose. Halkaas ayay markii ugu horreysay isku baranayaan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo xilligaa ka tirsanaa Golihii Degaanka ee Berbera.

Qaybe isaga oo ka shaqaynayay magaalada Berbera ayaa waxa u soo baxay Deeq waxbarasho oo uu ku tegay dalka Ingiriiska. Isaga oo Deeqdaa Waxbarasho ka hadlayana wuxu qoray:

“Bishii Sebtember 1956kii ayaanu Hargeysa ka dhoofnay aniga iyo Cismaan Axmed Xassan (Cisman-indhoole) ama Cisman Caammiye oo deeqdaas wax-barasho ila wadaagay. London ayaanu dhowr maalmood ku hakannay, ka dibna waxaanu u gudubnay magaalada Edinburgh, caasimadda Scotland. Waxaanu ku biirnay Jaamacadda Edinburgh, qaybteeda maamulka dawladaha hoose laga barto.

Edinburgh waxaa nooga sii horreeyay Cali Sheikh Ibrahim (Cali Qaaddi) oo isla Jamacadaas kulliyaddeeda caafimaadka (dhakhatnimada) wax ka baranayay. Guri (apartment) oo ay lahayd islaan la odhan jiray Miss Love, ayaanu saddexdayadii wada kiraysanay si aanu isugu biil gaabsanno. Sida hillaaca ayuu nagu dhaafay sannadkii aanu Edinburgh joognay. Ka dib aniga iyo Cisman Axmed ayaa u wareegnay Jaamacadda qadiimka ah ee Oxford. Laba sannadood ayaanu Jaamacadaas ka baranaynay Public and Social Administration, Anigu waxaan ku biiray Baliol College. 1959kii dabayaqadiisii ayaanu Hargeysa ku soo noqonnay. Cismaan Axmed waxa lagu magaacay D.C-ga Ceerigaabo, aniguna waxaan la wareegay shaqadii Xoghayaha Golihii Shacabka ee Somaliland. Waxa kale oo aan Xoghaye u noqday Guddidii Dallacaadda iyo wax-barashada dibadda. (Promotion and Training Board). Jeeniweri 1960kii, ayaan London ku noqday si aan Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Ingriiska (Parliamentary Procdure) u soo barto.”

Dhankaa dhan dheh. Inta ka dib waxa samaysantay Jamhuuriyaddii Soomaaliya markii la isku daray gobolladii Woqooyi iyo kuwii Koonfureed. Markii Xamar la tegay Mudane Qaybe waqti gaaban ka dib ayuu ka mid noqday 7 safiir ama Danjirayaashii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya dibadaha u magacowdo, bishii Jeeniweri 1961kii, kuwaas oo kala ahaa:

1.   Xasan Nuur Cilmi: Qarammada Midoobay,

2.   Cumar Macalim: Washington,

3.   Axmed Maxamed Adan (Qaybe): Moscow,

4.   Maxamud Cabdi Carraale: London,

5.   Maxamed Sheekh Xasan: Roma,

6.   Cabdiraxim Caabi Farax: Addis-Abeba,

7.   Cali Xussen Gurrac: Qaahira,

Bishii Juulay 25dii, 1960kiina waxa lagu dhawaaqay xukuumaddii ugu horreysay ee ay yeelato Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo u dhisnayd sidan hoos ku qoran sida aanu ka soo xigannay Buugga hodanka ah ee Danjire Qaybe uga tegay da’yarta Soomaaliyeed ee u oomman taariikhdooda.

Xukuumaddii Soomaaliya ee ugu horreysay:

1.   Cabdirashiid Cali Sharmaarke….. Ra’iisal Wasaare,

2.   Cabdi Xassan Buuni……………. R/Wasaare ku-xigeen,

3.   Axmed Xaaji Ducaale…………….Wasiirka Beeraha,

4.   Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal….Wasiirka Gaashaan-dhigga,

5.   Cali Garaad Jaamac………………Wasiirka Tacliinta,

6.   Cabdilqaadir Maxamed Aadan Soobbe)….……………………………Wasiirka Maaliyadda.

7.   Cabdillaahi Ciise Maxamuud.....Wasiirka Arrimaha Dibedda,

8.   Sheekh Cali Jimcaale…………….Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqaalaha,

9.   Sheekh Cabdulle Maxamuud……Wasiirka wershedaha iyo Ganacsiga,

10. Cali Maxamed Hiraabe…………….Wasiirka Warfaafinta,

11. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen…….Wasiirka Arrimaha Gudaha,

12. Maxamuud Axmed Maxamed……..Wasiirka Caddaaladda,

Wasiir-ku-xigeennadii:

  1. Maxamed Sheekh Daahir: Wasiir-ku-xigeenka Gaashaan-digga,
  2. Maxamed Cali Dacar: Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda,
  3. Maxamad Isaaq Salaad: Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha,
  4. Maxamd Cali: Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada,
  5. Xuseen Cumar Xasan: Wasiir-ku-xigeenka Beeraha,

(la soco……………………………………………)

 

 

 

Additional information