Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Durba Miyaad Illowdeen

Haa……Miyaan dheelalaysnahay, mise waan dhadhabayaa? Boqol sannadood kama soo wareegin shalay iyo maanta. Intii labada jeerba joogtay in badan oo ka mid ah ayaa nool. Mudane Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) iyo aniguba ka mid ayaanu nahay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

‘Waar hooy dadkaygow,

Laba daan dhexdoodiyo,

Dalqo bahal qof galayoo,

Dirqi iyo tu’ fool adag,

Dibaddawgu soo baxay,

Halkii shalayto lagu dilay,

Ma dareemi waayee,

Durba miyaa illowdeen,

Duunyadeenni dhacantiyo,

In u deynki maqan yahay?

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

12/12/2013ka, Hargeysa

Haa……Miyaan dheelalaysnahay, mise waan dhadhabayaa? Boqol sannadood kama soo wareegin shalay iyo maanta. Intii labada jeerba joogtay in badan oo ka mid ah ayaa nool. Mudane Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) iyo aniguba ka mid ayaanu nahay. Bishan Diisambar 7dii, 2013ka, wuxu joogay magaalada Jigjiga oo uu kaga qayb-gelayay maalinta Qowmiyadaha ee Itoobiya. Waxay ahayd sannad-guuradii 8aad. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu ka qayb-galo. Meel aan milgihiisa iyo meeqaankiisa ahayn ayaa la fadhiisiyay. Waa dhaqanka qaran-jabka ah ee inta badan ku dhaca wefdiyadeenna habqanka iyo habaqlaha ku baxa. Waxay inta badan ku baxaan: qorshe-la’aan, sahan la’aan, hab-maamuus la’aan iyo tix-gelin la’aan qarannimo. Intooda badan, inta badan dhoofka iyo dayuurad-raaca ayaaba wax weyn la ah. Taasi waa maalin, waana maalintan dhaweyd ee karaamadeennii qarannimo dhulka la jiid-jiiday ee ay madaxdeennu mas’uulka ka ahayd ee aan meel kale looga iman. Hadda afartii sannadood ee ugu dambeeyayba sannad-guurooyinkaa Qowmiyadaha waxa si joogto ah loogu marti-qaadi jiray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka qayb-geli jiray: Ma Diri-dhabaa, ma Baxar-daar baa, ma Maqalaa, ma Jigjigadan maantaa.

Waxa markii ugu horreysay xafladdii ka dul degay wefdi kale oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa la socday Guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad ee Golaha Wakiillada ee Somaliland. Bal tabaaladaa iyo habqankaa daya. Malaha Jigjigaba meesha uma ay qabin ee waxay moodayeen in ay Hargeysa joogaan. Ma is-tidhaahdeen in ay dalka ka baxeen waxa keliya ee ay ku gartaan waa dayuurad-raaca. Ha ogaadaan in dalkana baabuur lagaga bixi karo. Waa haddii ay dhaadmo iyo dhugmaba leeyihiin.

Waxa jirtay maalin kale oo ka mid ah maalmihii badnaa ee uu Jigjiga in uu joogo waayihii adkaa ee la soo maray baday. Maalmahaa waxa ka mid ahayd 6/4/1984kii oo galabnimadii uu ka furmay Shirweynihii 4aad ee SNM oo loogu doortay Guddoomiyaha SNM muddo laba sannadood ah.

In uu xusuusto iyo in kale mooyaan e’, galabtaa taariikhiga ahayd waxa goobtaa sharfanayd maanso nooga mariyay Shahiid Axmed Maxamed Warsame oo loo yaqaannay ‘Genius’, oo muddo yar ka dib ku shahiiday dagaalladii dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maansadaas oo Axmed ‘Genius’ ugu suntanayd Dhayalsi, dadka intiisa badani se waxay u yaqaannaan Dharaaraa na soo maray oo heesta dhex-taal u ah.

Tuduc maansadaa ku jiray ayaa ahaa:

“Waa dharaaro yabloon,

Ka dhammaan agtaydiyo,

Dhacdo waayaheedaba,

Nin kastoo dhegaystaa,

Dhabannada la haystee,

Dharaaraa na soo maray

Ku ekeyd dhibaatadu,

Inta dhagar la geystiyo,

Waxa dhacay ma maqasheen?”

Markii uu tuducaa marinayay maalintaas, Axmed ‘Genius’ sidii wax uu qof hadalka dhegta u saarayo ayuu cod hoose ku lahaa: “Inta dhagar la geystiyo, waxa dhacay ma maqasheen?” Suudh bunniya ayuu galabtaa xidhnaa.

Waa halkii Xaaji Af-qallooc e’: “Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.” Guddoomiyihii Jabhaddaa SNM ee xaq-u-dirirka ahayd ee maalintaa uu hoggaaminayay, ayaa maantana Madaxweyne ka ah Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay ahayd in uu ku hoggaamiyo isla mabaadiidii Xeerarka SNM ku xardhanayd ee ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta oo maantana Dastuurka Qaranka inoogu taal. Intaas oo keliya kuma koobna e’ waa dhaqan Islaameed, waa dhaqan Soomaaliyeed, waa curfi adduunyada xorriyadda jeceli heshiis ku tahay oo aynu ka mid nahay isla markaana ku qasban nahay.

Iyada oo xaal sidaa yahay, ayaynu mar kale u taagan nahay oo markhaati ka nahay waayahaa uu inooga digayay Axmed Maxamed Warsame ‘Genius’ ee uu lahaa “Dharaaraa na soo maray.” Dharaarihii Axmed ka maansoonayay 1984kii, ayaa mar kale ina hor taagan. Hal-abuurku maansada sida qoryaha lagu ordo la isugu dhiibo ayuu isugu dhiibaa. Axmed haddii uu shahiiday Ibraahin-gadhle ayaa ka dambeeyay oo isaguna Ilaahay ha u naxariisto e’, lix sannadood ka dib inoo mariyay maansada Dir-sooc ee ay ku jiraan tuducyada: Durba miyaad illowdeen.

“Dharaar na soo maray”, ama maansada “Dhayalsi” ku soo noqo oo ku cabbir ama ku beegba waayaha maanta ka taagan Somaliland iyo fal-xumada ay ku kacayso xukuumadda maanta dalka ka talisaa.

Tuduca aynu Axmed ‘Genius’ ka soo qaadannay wuxu ku soo ururayaa oo halkudheggu noqonayaa: ‘Inta dhagar la geystiyo, waxa dhacay ma maqasheen?” Waa 1984kii.

Bal hadda maanta iyo waayaha aynu joogno ku cabbira, ku mitiriya, ku beega, ku cutiya, ku miisaama amaba ku dhereriyaba.

In saxaafaddii xorta ahayd la xidhxidhay, ma maqasheen? Waa dhagar. In eedaysanayaashii weerarrada iyo isku-dayga-dil u xidhnaa la sii daayay, ma maqasheen? Waa dahagar. In Murashaxii Xisbiga UCID ciidan ka hor joogsaday in uu Gebilay hawl ugu baxo, ma maqasheen? Waa dhagar. In Aqoonyahan Jaamac Jiir afar sannadood lagu xukumay oo uu xabsiga Mandheera ku buko, ma maqasheen? Waa dhagar. In Xildhibaan Qabille la xabbadeeyay oo eedaysanihii dirqi lagu soo qabtay, ma maqasheen? Waa dhagar. In nabaddii faraha ka sii baxayso oo dadkii u muuqdo wax liisan la isu siiyay, ma maqasheen? Waa dhagar. In xisbiyadii mucaaradka ahaa laga hor joogsaday muddaaharaddadii ay xaqa u lahaayeen, ma maqasheen? Waa dhagar. In Xaruntii Xisbiga UCID ay ciidammadii RRU-du u daateen, ma maqasheen? Waa dhagar.

Fandhaal ayaan idiin daray ee qof waliba inta uu og yahay ha ku darsado. Yaa waxaa samaynaya? Waa xukuumad aynu doorannay si ay inoogu adeegto oo ay horumar iyo nabadgelyo inoo gaadhsiiso. Maxay ku dooddiyaysaa ee ay inoogu hanjabaysaa. Waa ciidan ummadeed oo qaran oo aanay hub siinnin ee qof walba qorigiisii lagu ciidameeyay. Bal tan oo dayuurado iyo taangiyo inoo heshaa maxay samayn lahayd.

Nabad baa naas la nuugo leh. Nabaddu waa inoo wada dan, weliba waxay dan u sii tahay xukuumadda tamarta daran ee ku fadhida dul-qaadka iyo samirka dadweynaha. Xukuumaddan maanta jirtaa inqilaab millateri kuma iman, qori caaradiina ku sii fadhiyi meyso. Doorasho xaq ah oo xalaal ah oo si nabad ah u dhacda ayay ku sii joogi kartaa ama ku tegi kartaa. Cid maanta xumaan la doonaysaa ma jirto ee iyada ayaa durbaan is-daba sidata. Hal doorasho ayay qabatay oo mas’uul ka ahayd, tiina waa loo wada joogay wixii ka dhacay, tu’ dambe oo caynkaas ahna cidina daafad uma hayso. Aan ku soo xidho Ibraahin-gadhle, waxaanu yidhi:

“Mus dalleena baa jira,

Bahal baa duddada tuban,

Demmanaanta ubadkayga,

Iyo Deylo lumisteeda,

Iyo dacawadeer buuxda,

Anigiyo dedaalkayga,

Markaan dayo ammuurtayda,

Daacadoow  laxdaydani,

Dar Allay ku socotaa,”

Dhammaad iyo tirsiga 2aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.

scan0060 (1)Durba miyaa illawdeen,

Adigoon dembiba gelin,

Jeel-u-daaddahayntii?

Durba miyaa illawdeen,

Adigoo dibbiray cadho,

Ku sii digashadiisii?

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

19/12/2013ka, Hargeysa,

Oo Hubaal ma hilin iyo…..Waddo halaq-mareen baa?

Ninkii doobta weynaa ee Timacadde ayaa laga hayaa: “Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye.” Waa halkii aynu dararta iyo barwaaqada ka filaynay. Nimankii aynu lahayn waa ay idiin sahan-tegi doonaan, ayaa innagii isku keen soo rogay. Curin iyo hal-abuur midnaba lama ay iman. Duruus hore loo soo dhigtay iyo aflaam hore loo soo daawaday ayay wax dux leh moodeen oo ay meel madow inoogu shideen. Reer iyo wax baas oo laga hayaamay oo hortood-jireba dheef ka waayay ayay ku meeraysanayaan dadkana dib u barayaan.[MK1] Markaas ayay mar xisbi aanay ahayn dabada-gelinayaan. Marna dhallinyaro aanay ahayn ayay ku raad-gadanayaan. Intaa waa ay doobinayaan. Waxay dadkiiba ku dilayaan: “Maxaa guulahayaga loo sheegi waayay.”

D[MK2] adkuna wax-qabadkooda deyrarka, daaraha, dawyada, dariiqyada iyo dulmiga aan dhaafsiisnayn ma diiddana, waxaanay u yaqaannaan xukuumadda maanta dhisan ‘Da’-jecel oo xarafka ‘Da’da wax-qabadkeedu ma dhaafo. Guul-darrooyinka iyo dibudhaca aynaan galabsan ee ay ina badeen ayaa wax walba ka daran. Waa tan iyo ilaa aammanuu. Gabayaagii waddaniga ahaa ee Axmed ismaaciil Qaasim ayaa laga hayaa:

“Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay,

Sidiiyoon dayaysnahay miyaan, dawgi ka habaabay”

Qaasim 1965kii ayuu sidaa lahaa. Bal ka warrama tan maanta taagan ee aynu kala kulannay xukuumaddeenna Kacaan-u-eg Keli-nool.

Tan iyo intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenni, 18kii 1991kii, maanta ayaynu maraynaa marxaladihii ugu darnaa ee ku habsada saxaafadda madaxa bannaan iyo xorriyatul-qowlka guud ahaan. Laga soo bilaabo bishii Abriil, 2013ka, waxa si joogto ah ay weerarradu ugu dhacayeen wargeyska maalinlaha ah ee Hubaal. Bishaa Abriil 2013ka waxa la sheegay oo meelo badan laga qiray in laba nin oo hubeysani soo weerareen xarunta wargeyska Hubaal. Maareeyihii Guud, Maxamed Axmed Jaamac “Calooley[MK3] gacan ayaa laga jebiyay. Nimankaa weerarka geystay waxa la sheegay in ay xabbado rideen. Mid ayay colkii wargeysku qabteen midna waa uu baxsaday. Kii baxsaday lama soo qaban, kii la xidhayna 8 bilood ka dib ayay Maxkamadda Ciidammadu dammiin ku sii deysay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada oo TV-ga HCTV ka hadlayay habeen dhaweyd wuxu sheegay in uu ugu taag waayay dhibbanayaashii Hubaal in ay Maxkamadda yimaaddaan, sidaana uu eedeysanihii dammiin ugu sii daayay.

Su’aasha is-weydiinta lihi waxay tahay ma Hubaal oo keliya ayaa Dhibbane ahayd. Mise Qaranka iyo ummadda Somalilandba ayaa Dhibbanayaasha dhabta ah? Waa su’aal da’ weyn oo dadweynaha u taal.

Intii ay dacwaddani socotay mar kale ayaa ciidammo rasmiya la geliyay xarunta Wargeyska Hubaal oo albaabbada loo xidhay, Maareeyihii iyo Tifaf-tirihiina xabsiga loo taxaabay. Muddo iyo tamarba waa ay qaadatay in xaruntii Hubaal dib loo furo isla markaana dadkii xidhnaa la soo daayo. Waxaan filayaa haddii aanan qaldanayn in hawshaas lagu maareeyay ilaa heer Madaxweyne. Subxaan!

Habeen dhaweyd oo aan sidaa u sii fogayn, waxaynu daawanaynay Taliyaha Booliska iyo Ku-xigeenkiisa oo ka jawaabayay wargeyska Hubaal oo qoray in khilaaf xooggani ka dhex jiro Hoggaanka Sare ee Booliska. Labada Taliye si wanaagsan ayay u hadleen iyaga oo sheegay in aanu wax khilaaf ahi jirin, wargeyska Hubaalna looga fadhiyo in ay eeddaas Maxkamad horteed ka soo caddeeyaan. Hadal wanaagsan oo aan naxli iyo turxaan midnaba lahayn ayuu ahaa; in kasta oo aan anigu ka door-bidi lahaa in aanay ka jawaabin Taliyayaashu ee ay iska aammusaan. Ka-hadalka iyo ka-jawaabidda waxyaabaha qaarkood ayaa mar mar marag u noqota in ay run tahay xan la isla dhex mushaaxayay.

Gulufka Hubaal lagu hayey intaas kuma dhammaan.[MK4] 12kii bishan Diisambar, galabnimadii Jimcaha ayay ciidammo badani ka dul degeen xarunta wargeyska Hubaal oo albaabbada loo xidhay isla markaana, laba wiil meesha laga kaxeeyay, in kasta oo markii dame wiilashii la sii daayay.

Dawlad iyo dadweynaba bar-barad ayaynu wada nahay. Meel kasta qabyo ayaa ka jirta. Waxa saxaafadda madaxa bannaan ka dhiman ayaa booliska ka dhiman. Meel waliba waa ay dhiman tahay. Wasaaradahaa dhiman. Hay’adaha dawliga ah ayaa dhiman. Dulqaad iyo isu-tanaasul ayaynu ku wada deggen nahay, ku wada joognaa isla markaana la inaga rabaa in aynu ku sii wada joogno. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa: “Geel duq baa loo tumaa.” Dawladda iyo xukuumadda ayaa dulqaadka laga rabaa marka hore. Ciidammada ayaa dulqaadka laga rabaa. Dusha [MK5] intaasi yeelan weyday aaranka saxaafadda in laga sugaa waa gar-darro.

Heer kasta oo aynu joognaba gefku waa ka dhacayaa. Dorraad maxaa ka dambeysay. Laba wefdi oo Somaliland ka socda oo ilaa heer Madaxweyne ah ayaa Jigjiga isugu tegay. Guddoomiye Cirro haddii uu marti-qaad rasmiya ku tegay marka hore, in laga dabo-tagaa ma ay fiicnayn. Meel-ka-dhac ayay ku ahayd milgaha iyo maamuuska qarannimo. Deero, deero uma hirdiyin, cidna looma qaban. [MK6] Isla berrito ayay taas mid la mid ahi dhacaysaa oo aan waxba la iska weydiin doonin. Shalay-maanta ayay dhacday waa halkii reer Xamarka e’. Jubba oo koonfurta Soodaan ah ayay ka dhacday. London ayay Feeberweri 2012kii ka dhacday Aaskii Qaryaan Macallin Dhoodaan ayay ka dhacday. Berrina haddii Eebbe idmo waa ay dhacaysaa. La is-ma xisaabiyo. Maxaa inaga xumaaday lama yidhaahdo. Markaasaa wargeyska Hubaal loogu yaacaa sidii wax ceelal dheemman ah laga helay. Maxaa Hubaal loogu durdurinayaa ee loogu dardaar-werinayaa ma deyrkii maka ayay gubeen?

Jiritaankeenna, nabadgelyadeenna iyo sii-joogitaankeennu wuxu ku xidhan yahay is-qaddarin iyo is-tixgelin is-weydaar ah. Waa in aynu isu dulqaadanna, is-tilmaannaa. Keenna gef geysta waxa ku filan in Maxkamadda looga yeedho oo dacwaddiisa lagu qaado. Dacwaduhu Madani iyo Ciqaabba waa ay nqoon karaan. Garan meynno waxan loogu ordayo RRU-da ee sida argaggaxa leh tallaabooyinka loo qaadayo. Garan maayo sohdimaha ama jiidaha mas’uuliyadeed ee RRU-da, bal se tallaabooyinkani waxay qiimo tirayaan ciidanka RRU-da iyo booliska labadaba.[MK7] Ka soo qaadba in Hubaal eed gashay. Maxaa ku jabnaan lahaa in Makamadda dacwad madaniya looga furo oo iyaga oo dibadda jooga kiiskoodu socdo? Maxaa taas loo diidayaa? Waa maxay naca iyo nacaybka intan le’eg ee jiraa ee loogu durdurinayaa?

Waxa wax walba inagaga daran saamaynta caalamiga ah ee ay tallaabooyinkan tabani inoo leeyihiin. Aqoonsi iyo ictiraaf ayay madaxdeennu ku dawakhday iyaga oo ka dheregsan tallaabooyinkan ay qaadayaan. Meel wal oo adduunka ahba waxa gaadhaysa in aanay Somaliland xaq-dhowrin xuquuqda muwaaddinka isla markaana ay gabbood-fal ku samayso Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Beni-aadamka ee adduunyadu wada aqoonsan tahay. Xukuumaddeenna gabbood-faalladan samaynaysaa kama war-hayso dhaawaca ay tallaabooyinkani dal iyo dadba soo gaadhsiinayaa. Iyaga waxa u daran in ay qofkii wax ka sheega ciqaabaan oo weliba inta aanay qedo doonan la soo qabto. Ciil-baxaas dadnimo-ka-baxa ah ayaa wax walba kala weyn.

Tallaabooyinka caynkan ahi waa kuwii aynu eednay ee aynu dagaallaay. Waa tallaabooyin loo baahan yahay in ay xukuumaddeennu ka waantowdo. Nin yidhi dadka ayaan qab-qabanayaa, waxay ka dhigan tahay qof yidhi dabaysha ayaan qab-qabanayaa. Saxaafadda xorta ah ayaa sidaas oo kale ah oo aan la qab-qaban karin.

Ciidammadan cir-ka-soo-dhaca isu haysta [MK8] ee RRu-duna waxaan ka baqayaa in ay noqdaan Duqsigii Cabdi Iidaan Faarax sheegay ee uu lahaa:


“Duqsi caano meel yaal,

Ku dabbaal bartaa jiray,

Maalin buu dalxiis tegay,

Disdi fuud ku jiro buu,

Dalaq yidhee ayaa dilay?”

Bad bad aan la gelin baa jirta, waana badda dadweynaha. Qof kasta oo wax is-bidaba iyaga ayaa jilbaha u dhiga.

Aan ku soo xidho Cali Sugulle Dun-carbeed iyo tuduc ku jiray Deelleeydiisii, waxaanu yidhi:

“Diric keli ahaantii,

Daleed guusha kama helo,

Dadkaa geesi lagu yahay,”

Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe iyo Tirsiga 3aad, haddii Eebbe idmo.

 


[MK1]Waxan intan ugu daray dad ayaan inta badan ka maqlaa iyagoo leh xukuumaddan ayaa qabyaalladdii dib u soo celisay

[MK2]Si aanu Pragrahku u dheeraan ayaan intan hoos u yara dejiyey

[MK3]Naanaysta ayuu caan ku sii yahay mana dhibsado inta aan ogahay

[MK4]Weedhan isku-xidh ahaan baan ugu daray.

[MK5]Duqa baad u jeeddaa mise waxad u jeeddaa xukuummaddu dhusha ay yeelan wayday in saxaafadda…

[MK6]Intan ka saar oo tusaale kale ku bedel ayaan odhan lahaa maadaama aad si fiican ugaga hadashay qormadii 1aad. Waxan diidanahay in akhristuhu qaato “impression” ah in xog cusubi aanay jirin ee hadalkii hore soo noqnoqonayo. Waan hubaa in aad ilbidhiqsi khalad kale oo aad tusaale ka dhigi karto heli karto.

[MK7]Ma jireen ciiddan kuwii faqashta ah oo magac lahaa oo aad kuwan barbar dhigi karto. Tusaale ahaan  “tallaabooyinkani waxay qiimo tirayaan ciidanka RRU-da iyo booliska labadaba sidii ciiddankii XXX ee faqashta”

[MK8]Maadaama ay ciidanku amar ku shaqeeyaan marar baddana ay falaan xadgudubyo aanay iyagu dooran, waxa habboon in aanad iyaga eedda saarin oo aad dhinaca maalmulka ka soo eegto. Tusaale ahaan waxad ka dhigi kartaa “ciidammadan sida khaldan loo adeegsanayo ee laga dhigay cir-ka-soo-dhaca…”

3aad

scan0056Durba miyaa illawdeen,

Maalkii dadweynaha,

Kii la yidhi daldalo iyo,

Kii shilinka lagu dilay?

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

26/12/2013ka, Hargeysa,

Cashuurta

“Calankii yimaaddaba wax baa, lagu cashuuraaye,

Sow waxay dawladi cuntaa, cuud nin kale ma aha,”

Cige Aw Cali

Hordhac

Aan is-barraxo. Ballaysinka Qormadan aan ku barriijiyo marka horeba inta war-xumo-tashiilka ah iyo inta si’-xun-u-sheegga ah ee la yidhi sixirka waa ay ka daran yihiin. Aan la hadlo intiinna taabka gaaban ee aan Qormadan in ay dhammeeyaan tahlayn ee akhris-gaabka ah oo dulucdaba u soo hor mariyo.

Cashuurta ha la bixiyo, waa daw. Weliba bixin oo keliya ma aha e’, waa in ay dhaqan inoo noqotaa marka hore. Mar labaadka waa in aynu ka xisaabtannaa halka ay tagto iyo waxyaabaha loo adeegsado. Hawl fudud ma aha, waa se geeddi-socod la inooga baahan yahay in aynu u dul-qaadanno oo si hufan u hirgelinno.

Cashuur, waa erey xilliyo hore ku soo biiray nolosha dadka Soomaaliyeed oo uu la yimid gumeysigii dalka ka talin jiray. Cashuurtu waa diiqo qasab ah (sharci ah) oo ay tahay in ay dadweynuhu ku biiriyaan dakhliga qaran oo ay dawladdu amartay in laga bixiyo dakhliga shaqaalaha iyo hawlaha ganacsi ama la dul saarayba badeecadaha, adeegyada iyo heshiisyada ganacsiba.

Maxmiyaddii Somaliland ee Ingiriisku gumeysan jiray, ka dib markii la jebiyay xarakaddii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan, laba qodob ayaa ugu mudnaa siyaasadihii gumeysigii Ingiriiska, kuwaas oo kala ahaa: Hanashada deggenaanshaha iyo isku-fillaanshaha dhaqaale ee Maxmiyaddii Somaliland. Qodobkan labaad ee isku-fillaanshaha ayaa xiisado dhaliyay markii cashuurta la soo rogay soddonaadkii qarnigii 20aad, taas oo sababtay in sarkaal Ingiriis ah oo Giib (Gibs) la odhan jirayo lagu dilay magaalada Burco.

Saamayntii cashuurta

Dooca iyo dareenka qofka Soomaaliyeed marka hoos loogu daaddego, ereyga cashuur wuxu xanbaarsan yahay cadaawad iyo nacayb. Qofka Soomaaliyeed ee qabkii iyo isla-weynaantii raactada qabaa wuxu aamminsan yahay in ay gunnimo tahay in dalkiisa lagu cashuuraa oo weliba ay ku cashuuraan quwado shisheeye. Intii uu gumeysigu joogay, dhaqan ayay iska ahayd in dadka wax lagaga soo celiyo cashuurtii laga qaaday iyaga oo adeegyo ijtimaaciya loogu fulinayay.

Intii lagu jiray halgankii gobannimo-doonka ahaa, dadka waxa lagu hawl-gelin jiray in dooxyadu malab iyo caano soo rogman doonaan marka la xoroobo. Lixdankii markii la xoroobay ee ay dadkii ku hungoobeen webiyadii caanaha iyo malabka ahaa ayaa heesihii la qaadi jiray waxa halkudheg u ahaa: “Meeyoo xagguu maray, wixii nalagu maan-lulay.” Beryihii dambe ee la xoroobay ee uu musuqu dabarka goostayna heesihii la qaadi jiray waxa ka mid ahaa: “Nin agoon ku xaday qalin, qeyr kama macaashee” oo uu iska lahaa Cabdi Xandulle oo Af-weyne loo yaqaannay.

Tan iyo markii Somaliland lagu dhawaaqay dhaqanka cashuur-bixintu maalinba maalinta ka dambaysa wuu soo xoogaysanayay. Tan iyo maalintii ay dadweynuhu arkeen ama la dhaqan-geliyayba dawladnimada iyo is-xukunka, dareen beyr leh ayaa laga qabay xukuumadihii dalka ka soo talinayay tan iyo gumeysigii. Marna dadweynuhu isuma ay arkin ama maba ay rumeysan in ay iyagu leeyihii xukuumadda. Nacaybka caynkaas ahi wuxu ka dhashay aamminsanaantii ay dadku rumaysteen in aanay iyagu marnaba lahayn dawladda ama xukuumadda.

Dareenkaa taabani waa mid ilaa maanta taagan oo aan si fudud ku tirtirmayn, una baahan in dadweynaha lagu abuuro kalsooni iyo in ay yeeshaan yuhuunta lahaanshaha ee xukuumadda iyo dawladnimada. Inta la xukumo ma aha oo keliya ee xataa inta talada gacanta ku haysa ayaan aamminsan in ay xukuumadda leeyihiin ka aammin-baxsan oo aan boobka uga tudhayn. Bal maxaad u malayn kii la xukumayay. Si aynu horumar buuxa u gaadhno waa in ay dadweynuhu aamminaan in ay iyagu leeyihiin dawladda iyo xukuumaddaba sidaana ku dhowraan kuna badbaadiyaan hantida dawladda. Sida kalsoonidaa lagu abuurayaa hawl fudud ma aha. Waa in ay ka timaaddaa labada dhinacba: dhinaca dawladda isla markaana ay dadweynuhu tallaaboyin togan soo qaadaan oo aanay halkoodii hore taagnaannin. Culayska hawshan kalsooni-abuurku wuxu dusha ka fulayaa hor iyo horraanba dawladda iyo inta talada dalka gacanta ku haysa. Inta ummadda xilka u haysaa waa in ay aamminaan oo rumeystaan in ay dadka u yihiin adeegayaal ee aanay u ahayn madax ama taliyayaal hadba wixii duunkooda ku soo dhaca ku xukuma.

Haddii dadka laga yeesho talada iyo lahaanshaha dawladnimo, dadweynahuna waa ay sii fogaanayaan. Waxyaabaha aawan ee aynu arkaynno waxa ka mid ah dawladii oo ku qaylinaysa in cashuurta la bixiyo, bal se aan ka war-bixinayn cashuurtii la bixiyay halka ay martay iyo sida loo adeegsaday. Waxaad arkaysaa dad mas’uuliin ah oo cashuurtii shacbiga laga qaaday baabuur aan daafad loo hayn ama guryaba ka dhisanaya oo aan qarsoonayn.

Waxa xusuus mudan in beryihii uu Madaxweyne Cigaal talada hayay ee uu ka yaabay baabuurtii ‘Land-cruiser’-rada ahayd ee ay wateen Wasiirradii xilligaa xilka hayay, waa kii ka wada dhigay. Iyada oo ay baabuurtaasi ka tayo liiteen kuwa maanta madaxda qaarkeed wataan ee labeenta leh muraayaduhuna u dallacan yihiin, haddana Madaxweyne Cigaal go’aan fiican ayuu qaatay oo wuxu Golihiisii Wasiirrada ugu beddelay Mark-tuuyo, baabuurtii kalena waa uu ka xereeyay. Waa tusaale ku-dayasho mudan kol haddii ay waxeennii weli nool yihiin oo ay socdaan.

Tan iyo 1991kii, xukuumadiba tii ay ka dambeysay ayay ka takri-fal xumeyd. Maamulkii Tuur, cashuuraba lama qaadi jirin haddana uma uu baahan maamulkaasi in uu dhulkii iyo hantidii ummadda iibiyo. Wuu ka xishooday oo tallaabadaa gurracani kuma ay jirin ujeeddooyinkii shariifka ahaa ee uu u soo halgamay. Maamulkii Cigaalna dhul iyo daaro uu iibiyo wuu ka gaabsaday, isla xisaabtanna waa uu jiray oo Hanti-dhowrka Guud ilaa xad wuu shaqaynayay. Maamulkii Ra’yaale oo ahaa kii ugu muddada dheeraa musuqu waa jiray, dhul-iibsuguna waa uu ku badnaa beryihii uu xilka ka sii degayay oo Hindiya Laynkii waxba kagama tegin.

Maamulka maanta jiraa waa kii ugu dakhliga badnaa ee ugu xisaabtanka liitay. Marka cashuur iyo dakhli la doonayo si faah-faahsan ayaa loo soo dhigaa oo weliba meel walba looga baahiyaa iyada oo lagu faanayo halka Miisaaniyaddii la gaadhsiiyay. Laakiin, ma aragno, ma maqallo wixii hanti la soo xereeyay halka ay martay iyo sida ay ku baxday. Iyada oo aan xisaab-xidh Golayaasha Xeer-dejinta la keenin ayaa Miisaaniyad kale la soo gudbiyaa. Takri-falka hantidaasi sida cadceedda ayuu meelo badan uga muuqdaa. Ma dhulkii baa? Malahayga meel bannaaniba ma hadhin. Timacadde ayaa laga hayay mar uu gumeysiga ka hadlayay: “Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees ay dumiyaan.” Ma is-tidhaahdeen dillaalinta Madaxtooyada ku xeersani: “Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees la iibsado.”

Bal Tiyaatarkii ka warran oo aan markii horeba barxad (Parking) lahayn oo la leeyahay hortiisii ayaa dad la siiyay. Malaha waxa fiicnaan lahayd in aad soo aragtaan fool-xumada iyo dhagarta aynu ka fursan karaynay ee halkaa taal.

Hanti-dhowrkii iyo Guddidii la-dagaallanka Musuq-maasuqu meel ay ku dambeeyeen lama hayo. Xukuumaddu in ay fadhiga ka kacdo ayaa la gudboon. Madaxweyne Siilaanyo oo shan sannadood iyo badh SNM soo hoggaaminayay, dhaqan iyo caado midna uma lahaan jirin hanti-boob iyo eex-qabyaaladeed. Qof-ku-dhegga iyo qof-jeclaysiga wuu iska lahaan jiray, mar haddii uu iska soo taagana lama soo marin jirin.

Dardaarankaygu waxa weeye: “Madaxweyne iska hubso inta nasteexa iskaga kaa dhigaysa ee kugu xeeran jarkana kaaga tallaabsanaysa ee hadba waxaan jirin kuu soo sheegaysa. Waa talo.

Dhammaad, Waa inoo Tirsiga 4aad haddii Eebbe idmo.

 

scan0061Durba miyaa illowdeen,

Diric iyo ninkii raga,

Doqon-dhaafintiisii?

Maalintii dadkaygow,

Daabicii dur laga dhigay,

Durna daabac loo rogay?

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

3/1/2014ka, Hargeysa,

Diidmada Dadweynuhu waa digniin-horaad

Marka hore dhammaantiin iga guddooma saalaan kal iyo laab ah, aniga oo Ilaahay ka rajaynaya in uu gu’yaasha inoo kordhaya, inoogu daro garaad inoo kordha.

Maalmo ka fool adag ma aynu arag maalmahan ina dhaafay. Ilaah baa qaddaray oo waa run. Meesha se is-yeel-yeelkeennii iyo danaysigeennii kama madhnayn. Dhacdada aad aragtaaba, tii hore ka daran. Markaas ayaad soo xusuusanaysaa hees ay qaaddo Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ay tidhaahdo: “Anaa buuqa samaysta.” Xukuumaddeenna ayaa caynkaas oo kale ah. Bal hadda aan isku deyno in aan taxno dhacdooyinka dhagareed ee toddobaadyadan ugu dambeeyay dal iyo dadba lulay:

· Wargeyskii Hubaal inta ciidammo hubeysan galab Jimce ah lagu dalbaday ayaa quful lagu jebiyay, intii mas’uulka ka ahaydna dhuumasho ayay ku joogaan oo waa la raadinayaa. Hay’adihii waddaniga ahaa ee xuquuqal insaanka iyo intii Somaliland u ololaynaysayba waa ay qaylinayaan, qarannimadeenniina nusqaan weyn ayaa soo gaadhay,

· Berbera waxa laga muddaaharaaday Xaruntii Kalluumaysiga ee Net Fish oo la yidhi dad gaar aha oo ganacsato ah ayaa la siiyay,

· Muddaaharaad ballaadhan oo lagu dhintay, laguna dhaawacmay ayaa Burco ka dhacay sababna looga dhigay Taliyihii Qaybta Booliska, Ilka-case oo la beddelay,

· Waxa la isku qabsaday oo dhowr maalmood lagu hawlanaa sidii loo furdaamin lahaa xiisad xoog leh oo ka dhalatay tiyaatarkii Hargeysa oo waddadii ka horreysay la yidhi waxa la siiyay niman madax-dhaqameed ah oo ay daahyada dabadooda ka hagayeen niman kale oo lagu sheegayay Xildhibaanno ku mamay boobka hantida Qaranka,

· Waxa laga xanaaqsanaa oo hugun badani ka baxayay Maktabaddii Gaandi, Boostii hore iyo Maxkamaddii Qaaddiga ee Saldhigga Dhexe ku xigay oo la sheegay in ganacsato la siiyay,

· Booyadihii Hargeysa oo laba goobood lagu xereeyay iyaga oo ka muddaharaadayay cashuurta ay garowsan waayeen ee lagu soo rogay. Muddaharaad salmi ah oo san-qadh yaraa, saamayntiisuna badnayd ayay sameeyeen. Nimankaasi derbigii magaalada kala qaybin jiray ayay jebiyeen oo laba daamood uma ay kala fadhiisan bal se sidii ay isu raaci karayeen ayay isu qaybiyeen. Waxay isu kala saareen Bari iyo Galbeed, waa qaybin cusub oo hor leh oo ka qurux badan tii hore,

· Taksiilayaashii Madaarka Hargeysa ayaa iyaguna halkooda ku bannaan-baxay  iyaga oo ka cabanayay in shirkad Taksiile ah oo la yidhi Madaarkii ayaa loo xidhay,

Waa inta aan hadda ka xusuusto dhacdooyinkaa dhagareed. Bal tan ugu dambeysa soo qabo iyo Taksiyaasha Madaarka. Maamulaha Madaarka Harageysa oo HCTV ka hadlayay habeen dhaweyd ayaa sheegay in aanay shirkad Taksiile ah u xidhin Madaarka, bal se ay shirkad Taksiile oo codsi u soo samaysay xafiis ka siiyeen Madaarka. Oo sabab dee? Madaarku miyaanu dadka ka dhexeyn? Sidee qaarna loo siiyaa, qaarna ay dibadda uga joogaan? Haddii shirkad ama qof ganacsato ah Madaarka xafiis laga siiyo, waa in muwaaddin kasta oo la mid ahna laga siiyaa. Taasi, wax suurtoobaya ma aha. Laakiin waxa suurtoobaysa in aan qof iyo shirkad midnaba meel laga siin oo loo sinnaado. Qof kasta iyo shirkad kasta oo ganacsi ku jirtaa meel ayay uga baahan tahay Madaarka. Ma sarriflaa, ma is-gaadhsiin baa, ma xawaaladlaa, ma bushaaraa, ma maktabad baa, ma dee wad uun ilaa halka ay ku joogsanayso.

Maxay macnaheedu tahay shirkad ama qof ayaanu xafiis ka siinnay intii kalena waa dibad-joog? Waxaad nala yaabtaan marka aanu leenahay: “Xukuumaddani waa kacaan-u-eg.” Beryihii Askartii inqilaabku dalka maamuli jirtay ayaad warqad laguu qoray hodan ku noqon jirtay. Waa tii oo aan biyo is-marin oo weliba sawaaban..

Magaalada Hargeysa dhaqan aan cidina la wadaagin ayay ka lahayd Taksiyada. Tan iyo kontonnadii ayay Taksiyadu jireen. Hargeysi, ma yeelan Taksiyo qiimo go’an lagu raaco oo la yidhaahdo Dawladda Hoose ilaa Shacabka waa intaas, sida Muqdisho iyo Diri-dhabe ka dhici jirtay. Dhaqan Hargeysaawi ah ama Hereri ah ayay xagga macaamilka Taksiilayaasha magaalada Hargeysa ka lahayd. Taksiga waad fulaysaa adiga oo aan baayicin marka hore, marka aad ka degtana garasho ayaa wax lagu siin jiray. Dhaqanka iyo curfiga caynkaas ah ee ay Hargeysi lahaan jirtay, waxa la odhan jiray: “Lababa waa halka ay iska heshaa.”

Taksiga Hargeysa maalmo ama toddobaadyo ayaa la wadan jiray, marka dambe ee aad wax heshana wax buuran ayaa Taksiilaha la siin jiray. Mararka qaarkood, waa Taksiba ma aad odhan jirin ee wuxu ahaa baabuur gaar ah oo aad leedahay oo kale. Maantana waxaanad garanayn ayaa meel walba saqaafaya oo socod-xumada dhinac walba kaa dhaafaya oo shilalkii cirka ku shareeray. Haa…wa run oo dhallinyaro badan shaqo waa loo abuuray.

Intaa aan xus iyo xusuusba uga dhigo Taksiilayaashii qiimaha lahaa ee Hargeysa. Sida aan ka soo xigtay abtigay Cabdi Xuseen Rooble oo liisanka qaatay 1959kii tan iyo maalintaana Taksiile ahaa, Taksiyadii la wadan jiray waxa ka mid ahaa: Opel, Vauxhall iyo mid la odhan jiray Standard Vanguard oo ciidammada laga iibsan jiray. Waxa kale oo jiray Taksiyo ‘Shafar’ ah (Chevrolet) oo Cadan laga keeni jiray. Lixdankii ka dib waxa Taksiyada ku soo kordhay Holden iyo Volga. Beri-samaad waa badnaa.

Dawladda iyo xukuumadduba haddii ay wax gaadhaan waa ay inaga dumayaan. Dadka iyo dalka ayay ka dumayaan. Kama dumayaan oo keliya dillaaliinta doonaysa in ay warqadaha loo qoray dhul iyo hantiba ku boobaan. Horena waan idiin ku sheegay, dhacdooyinkani in aanay ahayn dhaqankii lagu yaqaannay Madaxweynaha, bal se wax kasta oo dhacaaba isaga ayay ku qoran yihiin, waxaana ceebtaa u soo jiiday oo baday inta ku xeersan ee Madaxweyne, dal iyo dad midnaba aan danta ka lahayn ee dalqada wax ka arkaysa.

Timacadde ayaa laga hayaa:  “Dab hadduu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaa.” Dababka baxaya ee aan kor idiin ku soo taxay qaar iska shidmay ma aha. Xukuumaddeennu iyada oo dab ku baxayo ayaa mid kale oo baas oo xil baas u hayaa hunguri awgii dab kale meel kale kaga shidayaa. Iyadii ayaan isu tudhayn. Ma maqli jirteen: “Is-ma og udbihii bay aslaysaa.”

Suugaan dambe loo tirin maayo, tii hore ayaa loo baadh-baadhayaa. Maantana waa tan maansadii Deelleeyda ee Hadraawi ee Daahyaley, waxaana ka mid ahaa tuducyada:


Diricaasi waa kuma,

Dawdar weeye shalay jiray,

Durba saw kan jeedladay,

Dhistay aqallo waaweyn,

Tolow duubka yaw xidhay?

Had muu tobanka doonyood,

Dekedaha ka soo rogay?

Had muu dunida gaarkeed,

Intuu daawashaw tegay,

Demesh iyo wixii yiil,

Sida daad u soo rogay,

Kaftankaas dareenka leh,

Dan-yartaa ku heestee,

Dadka ma anigaa baray,

Derejeda hummaagga ah,

Magacyada dul-saarka ah,

Dorraad soo gadaal-baxay,

Maxaa laygu digayaa!


Waa mid ka mid ah heesihii loo tirin jiray intii ku taajiri jirtay ama ku tanaadi jirtay boobka hantida ummadda ee waraaqaha loogu qori jiray sida maanta xukuumaddeenna dhaqanka iyo caadadaba u noqotay. Salaamaad.

Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe haddii Eebbe idmo iyo qormo kale oo xiiso leh.

Durba miyaa illowdeen,

Waqti aan digaag hoyan,

Dadkeennii xeroon jiray?

Durba miyaa illowdeen,

Dhiiggii la daadshiyo,

Wixii dooxa meyd yiil?

Durba miyaa illowdeen,

Dayuuradii lalaayee,

Dusha kaa rushayn jiray?

Maansadii Dir-soocee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

9/1/2014ka, Hargeysa,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Kulmiye: ma kabmay mise wuu kadmay

Xasan Xaaji Cabdillaahi, Ganey ayaa maansadiisii Deelleeyda ku yidhi:

“Ka dartaye ma dibi baa,

Maxay dihatay maansadu,”

Xaaladda uu ku sugan yahay Xisbigii Kulmiye ayaa maanta taas oo kale u taagan. La-ye Madaxweyne-ku-xigeenkii ayaa qoraal rasmiya oo la baahiyay ku dalbaday Shir ay isugu yimaaddaan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye. Kaaga daranta waxa warqaddaas ku qornaa saddex xubnood oo Guddida Fulinta ka tirsan oo uu isagu ku jiro. Wax inaga yaabiya ma weyno e’, xubnahaa kala dhantaalan ee uu dalbaday, wuxu ballanta ugu qabtay gurigiisa. Shirkaasi, wuxu ku muddeysnaa 6/1/2014ka oo maalin Isniin ah ahayd.

Isla habeennimadii waxa shaashadaha ka soo baxay shir-jaraa’id oo ay qabteen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, Xoghayaha Guud iyo iyo Guddoomiyaha Golaha ee Kulmiye. Waxaan u malaynayaa in ay fadhiyeen Xarunta Xisbiga Kulmiye. Waa goorma goorta uu is-maan-dhaafkan aan Somaliland dhaqanka u ahayni dhacayaa? Waa xilli loo ballansan yahay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ay dhaqan iska noqotay in hadba la yidhaahdo dib ayaa loo dhigay. Waa Xisbiga la leeyahay talada dalka ayuu hayaa, anigu ma aamminsani in uu marna talada dalka qabtay e’. Haa, ma diiddani in uu yahay Xisbigii ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee 2010kii, bal se ma muuqato meel uu kaga jiro hoggaaminta dalku. Madaxweynihii ku soo baxayna markii lagu dhawaaqayba waa kii iska wareejiyay xilkii Guddoomiyannimada, in kasta oo uu weli ku sawiran yahay hoggaamintaa uu ka hulleelay.

Shirkan jaraa’id ee ay qabteen xertan uu madaxa hayay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye waxyaabaha uu Madaxweyne-ku-xigeenka ku eedeeyay waxa ka mid ah in uu Shirka ugu yeedhay gurigiisa. Oo maxaa loogu eedaynayaa? Goorma ayuu Xisbiga Kulmiye ku shiri jiray xaruntiisa? Miyaanay dhaqan iska ahayn in madaxda Xisbiga Kulmiye ku shirto guryaha: Madaxtooyada, Guriga Madaxweyne-ku-xigeenka, ama guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

Madaxweyne-ku-xigeenkaa hoggaankii Kulmiye kula ballamay gurigiisa wax lala yaabo ma aha oo hore ayay u dhici jirtay, dhaqanna u ahayd. Waxa inagu cusubi waa qoraalka warqadda marti-qaadka iyo hoggaanka aan isu dhammayn ee uu u yeedhay. Waxa ka sii daran iyaguna kuwa iyada oo aanay saacado ka soo wareegin Shirka jaraa’id ee cambaaraynta ah qabtay. Hadda Guddoomiyihii Xisbigu waa nool yahay oo waa u joogaa. Madaxweynihii Jamhuuriyaddu is-na waa uu arkayaa, maqlayaa waxa dhacaya. Dhegna jalaq la isu siin maayo, la isuna joojin maayo.

La-ye waa xisbigii talada dalka hayay waxa waxan samaynayaa! Geesta kale haddii aad iska taagto, xukuumaddii ayaan iyaduna ka madhnayn.  Waa wixii ay Soomaalidu odhan jirtay: “Geela duqdiisii durdurisay, aarankiisana maxaad u malayn.” Meeday waayo-aragnimadii SNM ee Somaliland ku soo caano-maashay? Meeday waayo-aragnimadii ka sii shishleyd kana hodansanayd ee Somaliland wixii hore u jiray ku soo dartay? Qof waliba ma duunkaa yeel ayuu ku dhaqaaqayaa? Maye, wixii baadi-sooc SNM iyo Somaliland lagu yaqaannay ee adduunyadu ku majeeranaysay? Xisbi iyo xukuumad kooxdan isku baxsatay maxaa u tix-raac ah? Miyaanay dalka ku noolaan jirin? Ma dhallaan immika dhashay baa mise dawladnimada iyo xisbinnimada ayaa ku cusub? Ma ka bes baa? Oo may iska dhiibaan haddii ay dal iyo dadba u damqanayaan?

Malahayga sidani ka dhab ma aha e’ aan u taxo oo xusuusiyo wixii SNM iyo Somalilandba baadi-soocda u ahaa ee lagaga soo gudbay wixii dhibaato jiray. Miyay illoobeen:

· Wada-tashigii iyo iska-war-hayntii,

· Isu-joojintii iyo dulqaadkii,

· Xadhig-isu-debcintii iyo wada-hadalkii,

· Isu-tanaasulkii iyo isla-garabsigii,

· Ladqabadii iyo isa-saamixii,

· Hubsiimadii iyo dhegta-xeerintii,

Madaxaweyne-ku-xigeen ayaa warqad qoray oo u yeedhay hoggaanka xisbigii uu ka tirsanaa qaar ka mid ah. Miyaan la ogeyn oo aan lala socon markii uu tallaabadaa qaadayay? Madaxweyne-ku-xigeenku marka uu tallaabooyinka noocan ah qaadayo, miyaanu Madaxweynihiisa la socodsiin? Haddii ay dhacdayba ma waxa la kari waayay in lagu yidhaahdo arrinku yaanu halkaa dhaafin ee ha la wada-hadlo?

Miyeynu rumeysannaa Madaxweynaha iyo Madaxtooyada oo aan ka war qabin ayuu Madaxweyne-ku-xigeenku tallaabadan qaaday? Mise innaga ayaan wax ogayn e’ waa la barakeeyay oo waa laga war qabay. Miyeynu rumeysanna qaybtan kale ee hoggaanka Kulmiye ka tirsani iyaduna waa ay iska sibiq-dhaqaaqday? Mise iyagana waa lala ogaa oo waa la barakeeyay? Sidee ayay ugu dhiirradaan in ay tallaaboyinkan is-burinaya qaadaan.

“Virus’-yada ugu daran ee ay Somaliland la tallaabsan la’dahay waxa ka mid ah waxan la eeday ee la dagaalay ee lagu sheego Shirka jaraa’id oo wixii uu milgo iyo maamuusba lahaa laga xayuubiyay. Dhaqan ayay iska noqotay in qof kastaaba goorta ay la noqoto in uu iska qabsado Shir jaraa’id oo aanu garanayn waxa kaga soo bixi doona. Cidina kuma xisaabtanto in ay goolal dhashaynayso iyo in ay iska dhalinayso. Hawlo ay ahayd in xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba loo saxo ayaa shaashadaha lala soo fadhiisanayaa oo la inagu dhego-barjaynayaa. Ma innagii ayaa noqonnay saldhig bilays iyo buuggii dhacdooyinka (OB) ee dhacdooyinka lagu qori jiray? Ma innaga ayay inaga rabaan in aynu u gar-naqno?

Darwiishkii maansayahanka ahaa ee Ismaaciil Mire ayaa maansadiisii kibirka waxa ku jiray beyd tilmaamayay sidii la isugu laayay ee loogu madhay qabaalkan xoolaha lagu waraabiyo oo nin jebiyay. Beyd maansadaas ku jiray ayaa ahaa:

“Kasi waaye wuxu qabaal, waanan kabanaaye,”

Aniga maansada la iguma baran, laakiin xaaladdan xisbiga Kulmiye ee taagan waxaan ka odhan lahaa:

“Garan waaye wuxu waa Guddiye, meel isugu geeya,

Garan waaye tashi waa gunnee, hadal is-gaadhsiiya,

Garan waaye wuxu waa xisbiye, gogol u soo qaata,

Garan waaye Garan-waaga baas, guusha wada yeesha,”

Bal ka warrama ummaddeenna nimankaa xil u dhiibatay ee ku talo-galay in ay kob caano leh ka soo durduriyaan. Kaaf iyo kala-dheeri. Waxa kaaga daran nimanka caynkaas ah ee dhaqankaa leh ayaa mar kale cod inaga doonaya oo leh dal iyo dadba waanu xukumaynaa. Ma maqli jirteen: “Maba lulatee maxay leeftaa.”

Goorma ayay ahayd goortii aan idin ku idhi ama idiin qoray: “Kulmiye wuu karayaaye: miyuu kabmayaa mise wuu kadmayaa.” Kama aydin soo jawaabin, maanta se malaha jawaabtii waad haysaan.

Dildillaacaa hoggaankii xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda ka dhex bilaabmay cidi ma hadal hayso. In ay wax dhaceenba uma haystaan. Badroolka la qodi doono, suumanka laga jeexi doono iyo Feysal Cali Waraabe ayaan kala mudan oo la hadal-hayaa.

Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe haddii Eebbe idmo iyo qormo kale oo xiiso leh.

Shalay doonnideennii,

Wada koray dadweynuhu,

Hadduu darawalkeedii,

Keligaa deg kugu yidhi,

Waqtigaa is-doorshee,

Maalintaad u deni tahay,

Isagana daruurtiyo,

Dusha sare ka soo tuur.

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

16/1/2014ka, Hargeysa,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Soomaaliya: Xuska maalmaha xajiinta leh

Bal maantana aan ku yar nasanno oo xaggaa iyo Xamar u dhaqaajinno. Iyadaba beryaha qaar ayaa la deggenaa, waa se laga soo dhaqaajiyay. Cidhib barako leh ayaa lagaga soo dhuftay markii lagu dhawaaqay la-soo-noqoshadii Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Cadowgeen ha jabo.

Qaaddirada waxaynu u naqaannaa markaynu la daallan nahay qayilaaddii shalay ee aynu hamaansiga ku waalanno, qayilaad kalena u diyaar nahay. Soomaaliya, qaaddiro kale ayaa haysa. Waxa haysa qaaddirada dawladaha iyo xukuumadaha. Ciddii timaaddaaba ra’yi kama yeelato nooca dawladda iyo xukuumadda ay doonayaan. Markaas ayay ku meeraystaan 1960kii iyo Dastuurkii xilligaa jiray. Kaas ayay wax walba ku saleeyaan.

Iyaga oo aan cilmi-baadhis samayn, waayo-aragnimana ka arradan ayay yidhaahdaan aynu hawlaheenna Dastuurkii 1960kii ku salaynno. Si fudud ayay u yidhaahdeen waxaynu yeelanaynaa Madaxweyne iyo Ra’iisal-wasaare. Laga soo bilaabo Cali-Mahdi, Cabdiqaasim, Cabdillaahi Yuusuf, Sheekh Shariif iyo Xasankan maanta jooga, sidii ayay isu sudhan yihiin. Waxay u haystaan in ay mushkiladdu tahay qofafkan xilalka qabanaya. Salka xaajadu se, waa mid ku jirta Dastuurka. Waa mushkilad dhismaha dawladda ku jirta. Sidaas ayaanay ahaanaysaa ilaa inta ay Dastuurka wax ka beddelayaan.

Somaliland dhismaha Madaxweynaha iyo ku-xigeenku waa mid ka timid waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee SNM. Waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa xilalkii kala ahaa: Guddoomiyaha SNM, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Guddoomiyaha Guddida Fulinta waxa isku hayn jiray qof keliya. Shirweynihii 6aad ee 1990kii, ayaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe laga saaray oo loo dhiibay Ibraahin Meygaag oo lagu magacaabay Ibraahim Meygaag Samatar.

Shirweynihii Guurtida ee Boorame ee 1993kii waxa la soo dhigay saddex dhisme oo kala ahaa: Madaxweyne iyo Ku-xigeen, Madaxweyne iyo Ra’iisal-wasaare iyo Shan Madaxweyne oo meerto ah. Waxa codkii ugu badnaa helay Madaxweynihii iyo Ku-xigeenkii. Sidaas ayay Somaliland ku caano-maashay waayo awooddii ayaa xaddidan oo la og yahay halka ay taal. Puntland waa sidaas, Geeska Afrikana sidaas ayuu u badan yahay. Soomaaliya ma dareensana waayaha ku xeeran.

Qaaddirooyinka Soomaaliya kharribay waxa ka mid ah Xuska Maalmaha Xajiinta leh. Aynu xabbad-qaadno:

10/1/2014ka, waxa la sameeyay Xuskii 70-guuradii Ciidanka Bilayska. Waxay ku magacaabaan Ciidanka Bilayska Soomaaliyeed. Ku-ye waxa la aasaasay 1943kii. Xilligaas ilaa 1960kii wuxu u adeegayay dano iyo ujeeddooyin gumeysi oo uu lahaa Talyaanigii. Wax Soomaaliyi tirsato ama tirsan karto ma noqon karo. 1960kii ilaa 1969kii, Ciidankaasi wuxu ahaa oo uu u adeegi jiray dano qoys oo inta badan gacanta ku hayay taladii dalka. Waxa xusuus gaar ah mudan in dhowr iyo lixdankii Maxamuud Jaamac Uuur-doox, wargeys toddobaadle ahaa oo afka Carabiga ku soo bixi jiray lana odhan jiray ‘Maanta’ (Al-yowm) cilmi-baadhis uu sameeyay ku soo bandhigay. Min Seylac ilaa Raas-gambooni taliyayaasha saldhigyadu waxay ahaayeen ama ka soo jeedeen qoyska Taliyihii Ciidanka Bilayska oo ahaa Jeneraal Maxamed Abshir Muuse. Sidii ayaa lagu xidhay Maxamuud Jaamac Uur-doox. Bilayska caynkaas ahaa dadka Soomaaliyeed xus kama mudna.

1969kii ilaa burburkii xukuumaddii digtatooriga-qabaliga ah ahayd, Bilaysku waxay u adeegayeen ujeeddooyinka nidaamkii baaddilka ahaa ee horseeday xasuuqa iyo burburka Soomaaliyeed. Waxay ahayd in ay xukuumadda maanta Soomaaliya ka jirtaa samaysato Ciidan Bilays oo u adeega ujeeddoyinka Soomaaliyada cusub, taasina ma dhicin mana soo muuqato. Qaaddiradii ayaa lagu jiraa.

23/4/2014ka, waxa la xusay 53-Guuradii Xoogga dalka. Subxaan! Bal tabaalahaa daya. Xoogga dalku waa kee? Ma kii burburiyay ee xasuuqay dalka iyo dadkaba? Ma madaafiicdii Hargeysa iyo magaalooyinka duqaysay ayaa la xusayaa? Ma ciidankii loo adeegsaday Mudug ayaa la xusayaa? Sow kii Hadraawi lahaa:

“Hubka mudug ku talax tegay,

Alleylehe hubsiimiyo,

Hakin buu u baahnaa,”

Sow tii Gaarriye lahaa:

“Aaway walacsankii Mudug,

Warandacii Nugaaleed,”

Dhagartii iyo dhimashadii ay geysteen ciidammadii Xoogga dalku, beryihii dambe waa tii xadka dhaaftay ee galaafatay Geeska Afrika. Ciidammadii burburka caynkaas ah keenay ee la eeday ee la dagaallay ayaa maanta la leeyahay waxa la xusayaa sannad-guuradoodii 53aad. Bal ka warrama! Ma wax kale oo la xuso ayaa la waayay? Bal adba!

10/1/2014ka, waxa Soomaaliya lagu xusay sannad-guuradii 44-guuradii Nabadsugidda. Waa wax soo-hadal-qaadkeeduba xun yahay. Ma maqli jirteen: “Findhicil iyo soo-hadal-qaadkiisa ayaa xaaraan ah.” Bal ka warrama? Wuxu ahaan jiray ciidan lagu magacaabi jiray Nabad-sugidda Soomaaliyeed (National Security Service-NSS) oo u qaybsanaa cabbudhinta iyo gumeynta shacbiga Soomaaliyeed. Waa ciidan uu samaystay nidaamkii milletariga ahaa ee Soomaaliya ka talin jiray 1969kii ilaa bilowgii 1991kii. Wuxu ahaan jiray ciidan samaysmay bilowgii 1970kii oo ka dhashay markii la isu geeyay “Special Branch-kii” CID-da iyo Sir-doonkii millateriga.

Ciidankaa Naba-sugiddu waa idin ku sheeko intiinnii aan soo gaadhin. Wuxu ahaa ciidan baas oo ku hawlanaa basaasidda dadweynaha, gaar ahaan intii necbayd ama ka soo hor jeeddayba nidaamkii millateriga ahaa. Ciidankaas oo aan tiradiisu xad-beeshay, lacagta ku baxdaana aanay tiro iyo cadad, wuxu ummadda Soomaaliyeed ku beeray sas iyo cabsi aan hore u soo marin oo ilaa maanta aan xusuustooda ka tirmin. Waxay gaadheen heer ay wakiillo iyo basaasiin ku yeeshaan qoysaska iyo xaasaska intooda badan.

Waxa lagu beeray oo lagu dhex saydhay hay’ad kasta iyo meel kastaba. Bir-ma-geydo ma jirin. Xataa dugsiyadii, ardaydii iyo macallimiintii ayaan ka badbaadin. Bal ka warrama. Ciidanka caynkaas ahaa inta badan kama shaqayn jirin wax dal iyo dadba dan u ah, bal se wuxu ku hawlanaa dadka neceb ama ka soo hor jeedayba nidaamkaa millateriga ahaa. Hawl-gallada dhagareysnaa ee ay ciidammadaasi fulin jireen, beryihii dambe xuduudda inta uu ka tallaabay ayuu deris iyo dalal shisheeyaba saameeyay. Waxa intaa dheeraa wax la odhan jiray Maxkamadda Badbaadada oo dadka la soo qabto ee la soo eedeeyo la geyn jiray. Xukunkeedu wuxu u badnaa Qodobkii halista ahaa ee 54aad ee xukunkiisu ahaa dilka iyo dacaska qofka la dilayo oo lala wareego.

Intaa iskuma uu koobin kadeedkii Oktoobar ee la odhan jiray ‘Kacaanku’, bal se diir baas oo kale ayaa ka hoos dillaacday Nabad-sugiddii. Waxa sidii ugxanta dillaacay: Hangashtii, Guddidii Baadhista ee Xisbigii Hantiwadaagga ahaa, Halgankii Hoose iyo wax ka sii liita oo dadweynaha Soomaaliyeed lagu gumeyn jiray laguna cadaadin jiray.

Bal ka warrama nimanka maalmahaa xusaya? Ma kuwaas ayaa Soomaali wanaaggeeda iyo badhaadhaheeda wada.

Timacadde, sow kii lahaa:

“Wixii dhacayba nimankaan ku waday, in ay weydiinno,

Kol hadday u weysatoo, Weliyo loo haysto,

Waxba yaan wax baynu isu nahay, laygu weyrixinne,

Ninka weliba sii eegyaa, haw wishiirriyo e’,”

Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe iyo Tirsiga 7aad, haddii Eebbe idmo.

https://encrypted-tbn1.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcS8118-3cvUIU32vAvUHBYPCqMXUur6u6vNviUi24HPWDLeFSTC

Waar hooy dadkaygow,

Nin ku dagay markii hore,

Oo ku diley markii xigay,

Ka digtoonidiisay,

Dooddani ku faraysaa.

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

23/1/2014ka, Hargeysa,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Heesta Haamo-dhowr

Ka rog oo mid kale saar. Bal maantana aan u digo-roganno xagga suugaanta, innaga oo u duur-xulayna siyaasadda, gaar ahaan maalmahan la hadal-hayo shirarkan ma-dhalayska ah ee aan la mahadin ee ka dhaca Turkiga iyo magaalada Istanbuul.

Waa Heestii Haamo-dhowr oo aan kula hadlayo dadweynaha Somaliland iyo dawladdaba. Malayn meysaan dhibtii iga soo martay soo-saaristeeda oo in badan oo ku heesi lahayd igu tidhi: “Waa ‘Anti’.” Waa erey ay maqalkiisa iigu dambaysay beryihii uu Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ka talin jiray nidaamkii digtatooriga, qaballiga ee millateriga ahaa.

Heestu waxay la hadlaysaa cid kasta – dadweyne iyo dawladba – oo ka soo hor jeedda jiritaanka madax-bannaanida Somaliland, una hanqal-taagaysa in mar kale lagu celiyo xero-baastii ay lixdankii gashay ee ay ka soo digo-rogatay iyada oo dhiig badani ku daatay.

Qaybtan hore oo laba u kala baxdaa waxay ka hadlaysaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Waa dagaalkii shacbiga ahaa ee siyaasiga ahaa ee weliba hubeysnaa ee loo galay soo-dhicintii Maandeeq. Waxa kale oo ay qaybtan hore ku saabsan tahay: Nabadayntii, dibuheshiisiintii, dimuqraadiyadayntii, hanta-isu-celintii iyo ololayaashii is-daba-joog ee halkan aynu maanta joogno lagu soo gaadhay, waxaanu yidhi:


Halgankeennii dheeraa,

Hirdankii gumeysiga,

Lallabii hujuunkiyo,

Nacabkaan halgaadniyo

Habqankii qaxeenniyo,

Huri-waagi keymaha,

Libin baan horseednoo,

Guul baan ku hanannee,

Habka nabadda loo xidho,

Iyo hidinta wada-hadal,

Hiirtaanyo-reebkii,

Heshiisiinti beelaha,

Hanti la isu celiyiyo,

Habayntii axsaabtiyo,

Dimuqraaddi hurintii,

Hannaankaagii fiicnaa,


Intaas ka dib waxa halkan soo gelaya dhex-taalkii Heesta Haamo-dhowr oo ah:


Ka-hulleel ma daw baa,

U-hilowga meel kale,

Hammuun dooji mooyiye,

Hammadaad ku lumisaa,

Hanka wuu garoocmaa,

Himiladu hallowdaa,

Hoog baana kuu xiga,

Iyo habaqle aan damin,


Guulahaas oo dhan ka hulleel ma daw baa? Somaliland ka tag, Somaliland ka noqo ma daw baa? Waa su’aal, marna waa weedh adkaynaysa jiritaanka Somaliland. U-hilowga meel kale? Oo meesha kale waa halkee? Waa ku-noqoshada Soomaaliya. Waa u-riyaaqa burburinta Somaliland. Oo maxaa dan ah ee ku jira? Dee waxba oo aan ahayn: hammuuntiisa in uu doojiyo qofka sidaa yeelayaa. Waa qaadashada cad-quudheed oo aanay ummaddan xorta ah ee Somaliland geyin. Waa hammadaada iyo higsigaaga oo luma. Waa hankaaga oo garoocma ama kala dhantaalma. Waa himiladaada iyo ididiiladaada oo aad luminayso. Wixii ku xigaaba waa hoog iyo halaag aan laga soo kaban karin oo aanay ummaddani mar dambe hinqan karin iyo habaqle joogto ah oo aan dhammaanayn. Timacadde ayaa laga hayay: “Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, baan la dheygagay.” Waa beryihii ay aawanayd. Maanta haddaba maxay Somalilandnimada dhaafsadeen? Ma duuf iyo nijaas baa.

Waa qaybta labaad oo ka hadlaysa hawlihii la soo galay. Waxa kale oo ay ka hadlaysaa danaystayaasha iyo inta dalqada indhaha ku leh, waxaanu yidhi:


Alooskii hayaankiyo,

Haamo-dhowrki geeddiga,

Iyo horumarkaagii,

Hay’ado-samayntii,

Iyo heykal qarannimo,

Habka loo agaasimo,

Tusmayntaadi hilimmada,

Xaq-u-hiilintaadii,

Hugun-raaca yeelkii,

Danaystaa hadaaqii,

Hunguraa dad eedaye,

Daan-la-roortu waa hebed,

Ma-huraan dalkeenniyo,

Dadku wuu hadhaayaa,

Adna hoga-tusaalaha,

Hiyigaaga kaashoo,


Qaybtan saddexaad ee ugu dambaysaa waxay ka hadlaysaa kaalintii aynu ka gallay nabad-ku-soo-celinta Geeska Afrika iyo in aan lagu hungoobi karin dedaalkii dheeraa ee ummadda, waxaanu yidhi:


Geeskoo holcaayoo,

Ka hayaantay nabaddii,

Hormayntii is-kaashiga,

Dadku isu hiloobeen,

Kalgacaylka hidiyeen,

Hab-yagleelka nololeed,

Hindisahaad ku curisee,

Hal-abuurka ka ahayd,

Hiyigii dadweynaha,

Higsigoodi nololeed,

Xorriyaddii ay haybsheen,

Horumarintiyo yagleeshii,

Hoggaankii ay doorteen,

Hilimmadi ay jeexdeen,

Hore ugu dhaqaaqeen,

Hungo laguma sheegee


Hadda Heshiiskii Istanbuul Qodobkiisa 9aad wuxu ahaa: In ay labada dhinacba ka xun yihiin xanuunkii (pain) nidaamkii millateriga ahaa u geystay shacbiga Soomaaliyeed ka hor 1991kii. Waxaanu cambaaraynaynaa dilkii (atrocities) uu nidaamkaasi ka galay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan shacbiga Somaliland.

Hadda nimanka wefdigeennii kheyrka qabay waxaa la saxeexanayaa waa nimanka marka ay Muqdisho joogaan u dabbaal-dega sannad-guurooyinka: 53-guuradii Xoogga Dalka, Ciidammada 23/04/2013kii, 20/12/2013kii, 70-guuradii Bilayska iyo weliba kaaga daran e’ 9/01/2014kanna, 40-guuradii Nabad-sugiddii la eeday ee la dagaalay. Bal ka warrama wefdigeenna waxaa laga iibinayo ee inoo soo qaadaya! Oo haddii ay ka xun yihiinba, maxay Sannad-guurooyinka u xusayaan? Innagu se maxaynu uga iibsanaynaa. Mar waa guubaabin iyo war-gelin, marna tirsigaygii 7aad ayaan saxayaa oo akhristayaasha mid ka mid ahi igu baraarujiyay.

Dhammaad iyo tirsiga 8aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.

1

dfasdfasdfasdfaeawHaro daafta joogtiyo,

Isagoo ku jira daad,

Kii harraadka kugu dilay,

Adna dooraddaadiyo,

Marka roobku kuu da’o,

Dur-durkiyo xareedaa,

Docda adiga kuu yaal,

Is-na kalaxa haw darin.

Deebaaq qadhaadh iyo,

Dalqadaba wax aan gelin,

Kii durduuro kugu yidhi,

Dacar inad u qooshtay,

Dooddani ku faraysaa.

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

30/1/2014ka, Hargeysa,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Golaha Wakiillada: Ma demmen baa dareen galay?

Doobir! Allahayow na badbaadi. Waa goorma goorteed! La-ye boodhka iska tume. Soo giirte oo kace. Loo noqoy Dastuurkiyo xeerarkii dalka u yiil. Xeer-hoosaadkii  saaqnaa, sillanaa, sawaabnaa, la-ye saafe oo saxe. Hugunkii la soo dhaaf, Shir-guddoon kadeednaa oo karaamadii tiray, la-ye koore lagu laal, la weydaari kodadii. Kadinkii ay boobeen, kibirkoodii baa jabay. La sheeg in ay kabna lulayeen, kabna laallaadinayeen. Yeelkadood.

Bal ka warrama marka aynu ka dudno dhaqan-gelinta Dastuurka ee Gole qaldanaa isa saxo. Weliba yaa dudaya? Waa ku-xigeennadii intaas oo sannadood go’aammada aan biraysnayn inagu qasbayay. Wax Shir-guddoon la yidhaahdo oo Dastuurka ku jiraa ma jiro. Dastuurku Guddoomiye/Af-hayeen iyo laba ku-xigeen ayuu tilmaamayaa. Ninka diiddani isaga ayaa circa roob ku og.

Waxa la isla dhex marayay Golihii Wakiillada ayaa toosay. Anigu qoladii dul joogsatay ayaan ka mid ahaa. Wax daallan oo hurdo dheereyd ka toosay ayay u muuqdeen. Dhulka ayay weli jiifeen. In yar ayay hagoogta iska rogeen oo madaxaba kor uma ay qaadin. Il waa ay ka hurdeen midna wax yar ayay kala hayeen. Waa ay yaabbanaayeen oo lahaayeen: “Waa maxay waxa dhacay?” Dadkii dul taagnaa ayaa ku lahaa:”War ma haysaan e’ bal horto soo toosa oo dal iyo dadba soo daawada.”

Waxyaabo badan ayaa looga fadhiyaa Golahan Wakiillada ee intaas oo sannadood ka dib maanta soo baraarugay.

Xeer-hoosaadkan ay u dabbaal-degayaan:

Ama Xeer-hoosaad dhab ah oo dal iyo dadba loo aayo ayuu noqon ama mandiil xiirta oo nin dan lihi sito. Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu haddii uu iyaga qaban waayo, go’aan kasta oo ay gaadhaanba wuxu noqonayaa wax kama jiraan. Golaha Xubnihiisu makhaayadaha dalka gudihiisa iyo dibadba fadhiyaan ee aan sidaa ku abaal-marin karayn, cid dambe oo wax ka dhegaysanaysaa ma jirto. Waxa laga yaabaa in Xildhibaanno ku-sheegyada qaarkood sannado ay iska maqnaayeen, xuquuqdoodana qaadan jireen. Taasi wax soconaya ma aha. Iyaga oo aan taas waxba ka qaban waxay xukuumad iyo cid kale ugu bu’aanba waa gar-darro. Haddii ay sidaas yeeli waayaan Golaha Wakiilladu, waxaanu leenahay: “Xidh-gool iyo waanu ka nool nahay tii xagaayo hore.” Marka dhallinyarada loo jilciyo waxa looga jeedaa abaaro iyo colaado hore oo na soo marayba, waa ka nool nahay. Waxa laga yaabaa in uu beydkaasi buraanbur ahaa, haweenkuna xikmadda wax badan ayay ku leeyihiin.

Imtixaannada ay tahay in ay maraan Golaha Wakiilladu waxa ka mid ah Xeerarkii xad-gudubka ahaa ee ay hore u oggolaadeen in ay dib u eegaan oo u qiimeeyaan. Xeerarkaa waxa ugu horreeya kii ay ku go’aamiyeen in ay muddo sannad ah sii qaataan mushaharkooda marka ay xilka ka tagaan. Maxaa inaga xumaan lahaaba haddii aynu garanayn lahayn goorta ay inaga tegayaan. Iyagii oo muddo dhaaf ah ayay muddo kale oo aanay markaa xilba hayn lacag iyo mushahar sii qoondaysanayaan. Hadda sannadaha ay dul-saarka inagu ahaayeen uma muuqdaan.

Waxyaabaha looga fadhiyo in ay dib u eegaan ee imtixaanka ku ah, waxa ka mid arrinta muranka badan dadka ku dhex abuurtay ee Guddoomiyaha Golaha ee labada xil haya. Waa lagu kala aragti duwan yahay, waxa se loo baahan in uu Golaha Wakiilladu arrintan dood geliyo oo wax la isla meel-dhigo. Haddii uu Goluhu arrimahaa ku dhiirran waayo oo si maan-gal ah oo dal iyo dadba u cuntanta uga go’aan qaadan waayo, waxay u badnaanaysaa in aanay dhicin wax is-doorshayba.

Dib-u-eegista qaar ka mid ah Xeerarkii hore:

Xeerarka aan u jeedo waxaan u holladay in aan weydiiyo odeygeenna guunka ah ee Google-ka, bal waxaan is-idhi waxba odeyga ha daalin e’, si’ kale u dhig. Golahani in uu ka soo toosay hurdadii dheerayd, waxa la rumeysanayaa haddii uu go’aansado in uu dib u eego Xeerarkii aan la mahadin ee aanay ummaddani galabsan ee ay oodda kaga soo qaadeen. Sida ugu fudud ee Xeerarkaa lagu tilmaami karaa ama baadi-soocdooda loo muujin karaa waa in alle yaale inta Xeer hore lagu qoray: “DUUDDUUB AYAA LAGU ANSIXIYAY.” Bil ammaara waxa ugu darraa kii Sir-doonka, Cashuuraha waddo-marista, Lacagaha Madaarrada ee dul-saarka ah iyo qaar kale oo badan, waa halkii Maxamed Mooge e’.

Qiimaynta iyo qaddarinta Xeerarka hor yaal:

Golaheennan Wakiillada ee joojiyay heestii ay qaadi jireen ee “Gama’ii hurdada dheer,” waxa looga fadhiyaa in ay si maan-gal ah oo aan cidna lagu xumaynayn ama jiq loogu siinayn in ay u eegaan Xeerarka hor yaal. Wixii dal iyo dadba u dan ah in ay xilkooda ka gutaan oo gudbiyaan isla markaana ansixiyaan. Loogama fadhiyo Golahan leh hadda ayaanu baraarugnay in ay dabin iyo suuryo ku noqdaan Xukuumadda iyo Madaxweynahaba. Wixii ay ku saxan yihiin ha ku raacaan, wixii ay ku qaldan yihiinna, sida danta guud ku jirto ha u saxaan.

Dhammaad iyo tirsiga 9aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.

2

https://encrypted-tbn3.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcTPJ0kMc7C-BEUr6R0QEoF6_hdLwTBIVHfaSRccOzE3mf59bAv8Daan-daansi badanaa,

Duhur kuu badheedhee,

Dib-u-rooti kuu dhigay,

Libta looma daayee,

Dacarsiga dhirbaaxada,

In ad kaga dambaysay,

Dooddani ku faraysaa.

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa, 6/2/2014ka, Hargeysa,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Ka-hadalka Wada-hadallada Kala-hadalka

Haa! Qabyadeennu badanaa, maxaan degel gufaynnaa. Haddana bogaggu igu soo yaraa. Hadda Khamiis kasta waa 1,000 ilaa 1,200 oo erey. Haddana wax baad qortay is-ma lihi, idinkuna is-ma lihidin. Ilaah baa mahadda leh. Wargeysyada iyo Mareegaha idiin soo xanbaara ayaa mudan. Milge iyo maammuusna akhristayaasha ayaa iska leh. Haa! Bal Intaasi waa nabar……Arar dadab-galkeedii.

Waa wada-hadallo laga khatoobay oo tan iyo Feeberweri 2012kii soo taxnaa. Waa la tagaa laga yimaaddaa. Wax naf lihi kama soo baxaan. Shirarka baadi-soocdan leh waxa la xusuustaa marka ay maalin ama laba ka hadhay. Sidii dhidar danab ku kacay ayaa dareen la’aan lagu hinqadaa. Wax diyaar-garow la yidhaahdaa ma dhaco, marka laga reebo kii ugu dambeeyay oo casharro-ku-sheeggii ay Addis-ababa ku qaadanayeen ay Akaademiga ama hay’ado badan oo kale oo waddani ahi ay siin karayeen. Taana war ayaa la inooga dhigay.

Doorkan waxay inagala dhammaan waayeen xasuuqii ayaanu nimankii Wanlo-weyn ka saxeexnay. Wuxu wefdigeennu ka hadlayaa waa wixii dhacay 1988kii. Iyaga xasuuqu waqtigaas ayuu ugu suntan yahay. Xilligaas ayuu uga bilaabmaa uguna dhammaadaa. Waa la isku laayaa oo la isku qabsadaa cidda wefdiga ka mid noqonaysa. Dano gaar ahaaneed ayaa loogu murmaa ee danteenna ma aha. Malahayga, tabta shirarkan Soomaalida ayay yidhaahdaan: “Wixii ay la yimaaddaan ayaynu wax ka odhanaynaa.” Mar-dhoofnimadana wax kaga dara iyo qoor-xidhka (neck-tie) qaadashadiisa oo inta badan ku cusub.

Soomaalidu ma ay lahaan jirin dhaqanka buug-qoraalka, bal se maanso ayay dhacdooyinka iyo maalmaha ku diiwaan-gelin jireen. Halkaas ayaa laga raadinayaa cabashadii iyo tabashadii ummaddan silica iyo saxariirka la baday.

26kii Juune 1960kii Somaliland ayaa xorowday. 1dii Juulay 1960kii Soomaaliya ayaa Talyaanigii ka xorowday, waxaana is-raacay labadii Gobol oo sameeyay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Waxa geeddi loo ahaa sidii shanta Soomaaliyeed loo mideyn lahaa. Ujeeddada dhowi is-raac ama isku-dar ayay ahayd. Ujeeddada fog ayaa ahayd midnimo Soomaaliyeed oo shan gobol ama dal ka dhexeysay berigaa. Laaxin laga jari maayo. Waa iyadii oo kooban. Ereygan Midnimo ee la inagu dawikhiyay wuxu soo baxayaa waa sagaashannadan.

Aan ku noqonno maansooyinkii iyo heesihii oo dib u raacno xilliyadii tabashada iyo cabashadu bilaabantay. Xilliyadii duudsiga iyo dudduuca. Mar aan baadhayay maansooyinkii Timacadde 1976kii ayaan galay qolka keydka cajaladaha ee Radio Hargeysa. Cabdikariim Xaaji Ducaale ayaa xilligaa madax ka ahaa. Cajalad Timacadde ku duubnaa galkeeda ayaa waxa ku qornaa 8/8/1960kii. Waxa ku duubnaa Maansada Socdaal oo uu u tiriyay wefdi uu hoggaaminayay Dr. Cabdirashiid, Ra’iisal-wasaarihii xilligaas oo booqasho ku marayay Kalabaydh. Barnaamajkaa maalin Khamiis ahayd ayuu Xaaji Cabdi Ayuub sii daayay, waxaana la odhan jiray: “Wiiggan iyo Hargeysa”. Maansooyin Cabdi Iidaan Faarax lahaa ayaa iyaguna barnaamajkaa ku jiray.

8/8/1960kii maalin Isniineed ayay ahayd oo barnaamajka ayaa la duubay, Khamiistiina waa la sii daayay. Tuduc Timacadde lahaa oo ku jiray geeraarkaas ayaa ahaa:


"Dugsigii barlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

Doonniyi yaanay ku leexan,

Ha daadduumo dadkeedu,

Duqeydii \Barlamaankaay,

Danteennaa laba diiddaye,

Labadaa kala daaya oo,

Yaan loo daymo la'aan,"


38 maalmood ka dib markii la isku jiray, ayuu Timacadde oo aad soomaalinnimadiisa garanaysaan cid walibana qiiraysaa, geeraarkaa saluuggaa ah tirinayaa. Waqti yar ka dib ayay maansoyahankii ka hadlayaan tabashadii iyo cabashadii shacbigii reer Somaliland. Dhibta iyo xasuuqa maanta dadku ka hadlayaa waa dibudhac iyo dulmi tan iyo maalintaa soo taagnaa, soo taxnaa oo hadba isa soo tarayay. Cabdi Iidaan Faarax maansooyinkiisii xilligaa waxa ka mid ahaa tuducan. Waa markii Maandeeq dad gaar ahi oo nidaamkii millateriga ka horreeyay iska yeesheen, waxaanu yidhi:

“Cadho-legeddeydaa lagu sawiray, calanka hoostiisa,

Car yaa maalay oo loo liisoo, caawa garanaaya,”

Cali Sugulle Dun-carbeed, Riwaayaddiisii Indho-sarcaad ee 1961kii, hees ku jirtay waa kii lahaa:

“Walle ama calan jira oo caana baad ahaan,

Oo lagu cawaansayeey,

Ama calal maryaha la cayn ah baad ahaan,

Oo ciirsi weynayeey,

Caydhiin iyo bisayl mid uun ku caano-maal,”

Sidii Is-raacaas ama Isku-darkaas loogu hungoobay, waa kii Cabdillaahi Qarshe lahaa:

“Lixdankaan haybin jiray maxaa helay,”

Xuseen Aw Faarax waxaynu ka soo qaadan karnaa 1961kii:

Isku-darkii wuxuu yidhi:


“Inteennii kaloo maqan,

In aad Xamar is-raacdaan,

Haddaad isla ggolaateen,

Idinkoo itaal daran,

Waa la arki doonaa,

Irriddu way bannaantee,”


Heestan waxa jiib u ah: eedaadka soo maray, ummul baa illowdee, Allow sahal ummuurahan, adaa noo aqoonee. Hadda u fiirsada Xuseen Aw Faarax kama hadlin Midnimo ee ‘Isku-dar’ ayuu ka hadlay e’.

Saxardiid Maxamed, Jebiye waa kii isaguna lahaa:

 


“Intaan gudin afaystaan,

Laabatada is-gooyoo,

Caqligayga guuroo,

Galabsaday xumaantee,

Wixii ila garaadoow,

Gobannimo ha tuurina,”


Axmed Ismaaciil, Qaasim isaguna sow kii lahaa:

“Dubka midabka Soomaalidaad, dugulka mooddaaye,

Misna laguma diirsado qalbiga, waa dirkii Karale,

Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay,

Sidii oon dayaysnahay miyaan, dawgi ka habaabay,”

Tan iyo maalintaa waa la heesayay….Waa la gabyayay…..Riwaayadaa la dhigayay. 1961kii isku-daygii inqilaab ee millateriga ayaa gobolladii woqooyi ka bilaabmay iyo dhacdooyin kale oo badnaa. Halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd ee lagaga fal-celinayay xasuuqii nidaamkii Siyaad Barre ayaa ka dambeeyay.

Maanta xukuumaddeenna ugama fadhino shirar jaraa’id oo ay wasiirradu isku khilaafayaan oo midba meel ka fad-kudinayo. Mawaaqiif cad cad oo mabaadii waddaniya oo qarannimo ku fadhida ayaa laga rabaa. Sidee ayay shir ula geli karaan oo wax ula saxeexan karaan nimanka Xamar ka doobyaya ee xusaya: Xooggii Dalka, Ciidammadii Booliska iyo Nabad-sugiddii dadka Soomaaliyeed xasuuqay?  Adduunka miyaynu ku haynaa cid wixii xasuuqay wada-hadal la gasha oo wax la saxeexata? Maxay daarran tahay taasi? Nidaamka Xamar ka taliyaa miyaanu ahayn sii wadidda nidaamkii Siyaad Barre marka uu sharfayo ee qiimaynayo kuwii dal iyo dadba burburiyay ee dhiiillada Soomaaliyeed ee maanta taagan sababta u ahaa?

Mise, Cabdikariim, Wasiirka Amniga ee Dawladda Federaalka ah ayaynu ka siisannaa in uu innaga inoo dhigo Riwaayaddii Cunaaye oo inta uu hadba meel ka soo baxo ina yidhaahda: “Haddana way kan.” Dabbaal-degyada dooxatadii Xamar isaga ayaa fadhiya oo sharfaya, Istanbuulna isaga ayaa wefdigeennii amranaa hor fadhiya. Ma waxay odhan kari waayeen: Kuma ayaad ahayd? Mise tolow caynka uu u eg yahayba ma yaqaanniin! 9/1/2014ka wuxu Xamar ugu dabbaal-degayay Xuskii 40aad ee Nabadsugiddii la eeday, maalmo ka dibna wefdigeennii ayuu la joogay Istanbuul.

Xukuumadda waxa looga fadhiyaa in ay qorto, filimmo ka samayso, ku heesto, sawirto oo meel walba ku xaradho: Lixdankii maxaa dhacay? Sidee la isugu tegay? Maxaa la isugu tegay? Sharciyaddu maxay ahayd? Sannadihii ka dambeeyay maxaa taws iyo tabaale ummaddan la baday? Xasuuqii nidaamkii millateriga ahaa geystay? Halgankii hubeysnaa? Soo-dhicintii Maandeeq? La-soo nqooshadii madax-bannaanida iyo sharciyaddeedii? Ololayaal is-daba-joog? Waxan iyo waxyaabo la mid ah ayaa laga rabaa ee loogama fadhiyo shirar-jaraa’id oo ay wasiirro ka dhiibtaan afkaar iska hor imanaysa.

Curfigii iyo dhaqankii caalamiga ahaaba waa laga baxay. Waa wefdi. Waa wefdi ummadeed. Waa wefdi xukuumadeed. Ummad mid ah….xukuumad mid ah. Bal se waxa masilayaa waa wefdi wufuud ah. Waa wufuud wefdi ah. Wefdigu miyaanu madax u hadasha lahayn? Ama af-hayeenba lahayn? Haddii ay hadlaan se maxaa looga dabo-hadlayaa maa laga aammuso? Bal ka warrama marka saddex ilaa afar wasiir midba meel Istanbuul kaga sheekeeyo? Istanbuultan baasi badanaa? Ma dhowr meelood oo kala duwan ayay kala joogeen? Hadmaa xaal sidaa ahaan jiray? Mise waa hababkan dambe ee hannaanka dawladnimo ee qowlalan, qallaxan, qalaalan, qaawan, qofaysan, qafaalan, qoofalan, la qar-qarsiyay ee qoqobaha ku jirta?

Dhammaad iyo tirsiga 10aad ee Khamiista dambe, haddii Eebb idmo.

https://encrypted-tbn0.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcSvzuLvz-lnYyBnd-OFU81OZoVCOzMYjQx3R19bhsy0kgK9fGQ5“Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,

Madaxweynayaal iyo markii, minister loo doortay,

Maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,

Nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,

Marna yaydinnaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,

Kuwii muusannow iyo tollaay, nagula meeraystay,

Nimankii mashaqaday dhigeen, reerba dhan u moosay,

Suntay nagu mudeen wiilashii, la is-martiyi waayay,

Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,

Ma-naxaannadii baan arladan, meerisnaw toline,

Hadday maalintii na hor kacaan, midho-ma-weyneene,”

Timacadde, 1970kii,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

6/2/2014ka, Hargeysa,

Mug-yar moodhadh-jecel

Waa goorma goorteed. Waa lixdannadii marka uu Timacadde ka hadlayay xildhibaannadii iyo wasiirradii beryahaas. Bal hadda inta sannadood ee ka soo wareegtay u fiirsada. Iyada oo aanu garaad badani inoo kordhin, Alla maxaa gu’yaal badan inoo kordhay. Beryahaas xaalku Nadalo jaad ah ayuu taagnaa, maantana Geed iyo Abu-bidaar ayaa laga hadlayaa.

Maalmahanba dar madhan ayaa lagu loollamayay iyo waxaan sakaaro ka biirsan. Dhafoor-taabasho iyo carigsigii ugu darraa ayaa ka dhacayay Xeer-hoosaadkii Golaha Wakiillada. Muran samays ah oo aan sal ku lahayn xaqiiqo dhab ah oo jirta, bal se aanay xukuumadeenna Dul-yar Derbi-ka-adag aanay qaadan karin. Wixii aanay iyadu rabin waxay u taqaannaa sharci-darro iyo Dastuurkii oo laga leexday. Wixii ay doonaysaana waa Dastuuri. Waa sida ay xaajooyinku ula muuqdaan xukuumaddeenna Kacaan-u-eg. Xasan-jigin bikh ma maqli jirteen? Kacaankii iyo inqilaabkii askarta ee intiinna badan maqalka ku ahi bikh. Ta ay keenaanba tii kale ka daran.

Golaha Wakiillada ayaa isku beddelay Guddi-hoosaadyadii: 5 waxa madax ka noqday kulmiye, 2-na waxa madax ka noqday Waddani. La-ye waa gar-darro. Guddoomiye-ku-xigeennadii ayaa ashkateeyayba Guddoomiyihii oo Maxkamadda Sare geeyay. Taana yaa u fadhiyay. Waxba ka socon waaye ashkatadaas oo go’aankii Golaha Wakiilladu sidiisii ayuu ku socday. Goluhu markaa waa uu isu dhammaa, ugu yaraan aqlabiyaddoodii.

Intan ay booqashooyinka ku maqnaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisii ayaa Golaha Wakiilladu mar kale fadhiistay oo wax ka beddelay Xeer-hoosaadkiisii. Kollayba inta hadal-hayntu ugu badnayd waxay ahayd: Shir-guddoonkii oo la baabi’iyay, Labadii Ku-xigeen oo codkii lagu dooranayay/ridayay laga dhigay 42 iyo kuraasidoodii oo hoos loo dhaadhiciyay. Hawshaas uu Golaha Wakiilladu galay waxa hor-mood u ahaa qaybta Golaha Wakiillada ee isku magacawda in ay xisbiga Kulmiye ka socdaan. Hadda waa xisbi raad iyo cidhib meel uu dhigay aan laga war hayn tan iyo maalintii uu doorashada ku guulaystay. Marka waxani dhacayaan xukuumaddu waa ay maqnayd, intoodii joogtayna, laguma xamanayn in ay arrimahaas gacan ku lahaayeen. Tuugna ma xado, laaxinna laga jari maayo.

Xukuumaddu hanjabaadaha iyo daasado-madhan-garaaca iyada oo aan dalkaba soo cago-dhigan ayay bilowday. Caano ri’yaad oo sanka la iska liso iyo car ayay gaadhay. 7/2/14ka, oo maalin Jimce ah ahayd Guddoomiye Cirro ayaa Addis Ababa ka yimid. Madaarka markii uu ka hadlayay wuxu xukuumadda ku eedeeyay in ay faro-gelin qaawan Golaha Wakiillada ku hayso. 8/2/14ka, oo maailin Sabti ah iyaduna ahayd, Mudane Siilaanyo ayaa London ka yimid. Isla goobtii uu shalay Cirro ka hadlayay, isaga oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay, wuxu ka yidhi hadal u ekaa anigu Guddoomiye Cirro afkiisa waxba kama maqal.

Hadalka Cirro maqal iyo muuqaalba waa aynu haynaa. Waa laga yaabaa in aanu Madaxweynuhu daawan warkaas, laakiin waxa la is-weydiinayaa: Miyaan Madaxweynaha subax kasta iyo goor kastaba la siinnin war-bixin la xidhiidha xaaladda dalka ka aloosan. Subxaan! Ilaahay ha inoo sahlo. Allow sahal ummuuraha, sow tii la odhan jiray.

8/2/14ka iyo 9/2/14ka isla eedayntii ayay ku celiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Guddida Joogtadu. Weliba eedayntan dambe tii hore waa ay ka xoog weyneyd. Madaxtooyada uu fadhiyo Madaxweynuhu iyo Golaha Wakiillada dhacantaa u kala rogan oo dhawaaqa afka ee qaawan waa ay isla gaadhi karayaan. Haddana Madaxweynaheennu weli afka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxba kama maqal. Waa xaaladaha iyo waayaha aynu ku jirno. Guryihii ayaa xafiisyo noqday. Dadka qaar aynu hawl-gab ku tirinaynay, ma is-tidhaahdeen naf ayaa soo gashay. Hadda waa dad toodiiba gabay oo hore u soo rogan waayay.

Iyaga iyo Allahoode e’ lacagaha la sheegayay in la adeegsaday meelo kale ayaa u baahnaa. Hadda ogaada Golaha Wakiillada ayaa marba seebka dhinac inoogu dhigaya oo sicirka kala-iibsiga siyaasiyiinta kor u qaadaya e’. Waa Xildhibaannada kuwa hadba arrinta sii basbaasaynayaa si’ uu qiimuhu ama qaa’imadda qofku kor ugu kacdo. Waa aqlabiyadda Xildhibaannada Kulmiye sheeganaya kuwa Shir-guddoonka tir-tiray ee haddana maanta ku doodaya in la soo celiyo. Ma hadba sida ay doonaan baa?

Ilaahay ha ka abaal-mariyo inta ka soo gurmatay Golaha Guurtida ee Xaaji Cabdi-waraabe madaxa hayo. Ilaahayna waxaynu ka rajaynaynaa in uu sida kheyrka leh ina waafajiyo. Madaxweynuhuna waa uu gurman karayay oo cidi guusha ugama dhaweyn, wuxu se ka door-biday in uu inagu yidhaahdo anigu Cirro afkiisa waxba kama maqal iyo Golayaashu waa ay kala madax-bannaan yihiin. Inta aynu og nahay iyo inta aynu maqlaynno in ka badanna waa uu maqlayaa. Subxaan! Xilow adna dabkaa ba’.

Ninka sugayow aqlabiyadda Golaha Wakiilladu innaga inooma maqna bal se innaga ayay inagu maqan yihiin, waxa inaga maqanina iyaga ayay ku maqan yihiin.

Inta dalqada indhaha ku leh ee hadba daamankooda la doogsin-cararta, dab liqaanu leenahay. Haddii kale: “Dagantaad dhacaysaan, waa duul an lagu jirin.”

Dhammaad iyo tirsiga 11aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.

 

 

 

 

 

 

 

 


 

 

 

 

 

 

Additional information