Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Dhagayso+ Akhriso: Waa Hees Cusub, Erayadii Boobe Yuusuf Ducaale

Heestan ayaa loogu wanqalay Haamo-dhowr. Waa ereyadii Boobe Yuusuf Ducaale, Laxankii Mustafe kiiko. waxa ku qaadaya Maxamed Miyir iyo Qadan Cali..

 

 

Heestan ayaa loogu wanqalay Haamo-dhowr. Waa ereyadii Boobe Yuusuf Ducaale, Laxankii Mustafe kiiko. waxa ku qaadaya Maxamed Miyir iyo Qadan Cali..

Haamo-dhowr

Halkan Ka daawo heesti oo cod ah..

https://www.youtube.com/watch?v=iplPHGWfBXs

Subaxnimadii 19/9/2012ka, Hargeysa

Halgankeennii dheeraa,

Hirdankii gumeysiga,

Lallabii hujuunkiyo,

nacabkaan halgaadniyo

Habqankii qaxeenniyo,

Huri-waagi keymaha,

Libin baan horseednoo,

Guul baan ku hanannee,

Habka nabadda loo xidho,

Iyo hidinta wada-hadal,

Hiirtaanyo-reebkii,

Heshiisiinti beelaha,

Hanti la isu celiyiyo,

Habayntii axsaabtiyo,

Dimuqraaddi hurintii,

Hannaankaagii fiicnaa,

Ka-hulleel ma daw baa,

U-hilowga meel kale,

Hammuun dooji mooyiye,

Hammadaad ku lumisaa,

Hanka wuu garoocmaa,

Himiladu hallowdaa,

Hoog baana kuu xiga,

Iyo habaqle aan damin,

Alooskii hayaankiyo,

Haamo-dhowrki geeddiga,

Iyo horumarkaagii,

Hay’ado-samayntii,

Iyo heykal qarannimo,

Habka loo agaasimo,

Tusmayntaadi hilimmada,

Xaq-u-hiilintaadii,

Hugun-raaca yeelkii,

Danaystaa hadaaqii,

Hunguraa dad eedaye,

Daan-la-roortu waa hebed,

Ma-huraan dalkeenniyo,

Dadku wuu hadhaayaa,

Adna hoga-tusaalaha,

Hiyigaaga kaashoo,

Dhex-taal

Geeskoo holcaayoo,

Ka hayaantay nabaddii,

Hormayntii is-kaashiga,

Dadku isu hiloobeen,

Kalgacaylka hidiyeen,

Hab-yagleelka nololeed,

Hindisahaad ku curisee,

Hal-abuurka ka ahayd,

Hiyigii dadweynaha,

Higsigoodi nololeed,

Xorriyaddii ay haybsheen,

Horumarintiyo yagleeshii,

Hoggaankii ay doorteen,

Hilimmadi ay jeexdeen,

Hore ugu dhaqaaqeen,

Hungo laguma sheegee,

 

Dhex-taal

Additional information