Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan

Waa goorma goorteed. Waa lixdannadii marka uu Timacadde ka hadlayay xildhibaannadii iyo wasiirradii beryahaas. Bal hadda inta sannadood ee ka soo wareegtay u fiirsada. Iyada oo aanu garaad badani inoo kordhin,

 

 

 

 

https://encrypted-tbn0.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcSvzuLvz-lnYyBnd-OFU81OZoVCOzMYjQx3R19bhsy0kgK9fGQ5“Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,

Madaxweynayaal iyo markii, minister loo doortay,

Maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,

Nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,

Marna yaydinnaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,

Kuwii muusannow iyo tollaay, nagula meeraystay,

Nimankii mashaqaday dhigeen, reerba dhan u moosay,

Suntay nagu mudeen wiilashii, la is-martiyi waayay,

Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,

Ma-naxaannadii baan arladan, meerisnaw toline,

Hadday maalintii na hor kacaan, midho-ma-weyneene,”

Timacadde, 1970kii,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

6/2/2014ka, Hargeysa,

Mug-yar moodhadh-jecel

Waa goorma goorteed. Waa lixdannadii marka uu Timacadde ka hadlayay xildhibaannadii iyo wasiirradii beryahaas. Bal hadda inta sannadood ee ka soo wareegtay u fiirsada. Iyada oo aanu garaad badani inoo kordhin, Alla maxaa gu’yaal badan inoo kordhay. Beryahaas xaalku Nadalo jaad ah ayuu taagnaa, maantana Geed iyo Abu-bidaar ayaa laga hadlayaa.

Maalmahanba dar madhan ayaa lagu loollamayay iyo waxaan sakaaro ka biirsan. Dhafoor-taabasho iyo carigsigii ugu darraa ayaa ka dhacayay Xeer-hoosaadkii Golaha Wakiillada. Muran samays ah oo aan sal ku lahayn xaqiiqo dhab ah oo jirta, bal se aanay xukuumadeenna Dul-yar Derbi-ka-adag aanay qaadan karin. Wixii aanay iyadu rabin waxay u taqaannaa sharci-darro iyo Dastuurkii oo laga leexday. Wixii ay doonaysaana waa Dastuuri. Waa sida ay xaajooyinku ula muuqdaan xukuumaddeenna Kacaan-u-eg. Xasan-jigin bikh ma maqli jirteen? Kacaankii iyo inqilaabkii askarta ee intiinna badan maqalka ku ahi bikh. Ta ay keenaanba tii kale ka daran.

Golaha Wakiillada ayaa isku beddelay Guddi-hoosaadyadii: 5 waxa madax ka noqday kulmiye, 2-na waxa madax ka noqday Waddani. La-ye waa gar-darro. Guddoomiye-ku-xigeennadii ayaa ashkateeyayba Guddoomiyihii oo Maxkamadda Sare geeyay. Taana yaa u fadhiyay. Waxba ka socon waaye ashkatadaas oo go’aankii Golaha Wakiilladu sidiisii ayuu ku socday. Goluhu markaa waa uu isu dhammaa, ugu yaraan aqlabiyaddoodii.

Intan ay booqashooyinka ku maqnaayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisii ayaa Golaha Wakiilladu mar kale fadhiistay oo wax ka beddelay Xeer-hoosaadkiisii. Kollayba inta hadal-hayntu ugu badnayd waxay ahayd: Shir-guddoonkii oo la baabi’iyay, Labadii Ku-xigeen oo codkii lagu dooranayay/ridayay laga dhigay 42 iyo kuraasidoodii oo hoos loo dhaadhiciyay. Hawshaas uu Golaha Wakiilladu galay waxa hor-mood u ahaa qaybta Golaha Wakiillada ee isku magacawda in ay xisbiga Kulmiye ka socdaan. Hadda waa xisbi raad iyo cidhib meel uu dhigay aan laga war hayn tan iyo maalintii uu doorashada ku guulaystay. Marka waxani dhacayaan xukuumaddu waa ay maqnayd, intoodii joogtayna, laguma xamanayn in ay arrimahaas gacan ku lahaayeen. Tuugna ma xado, laaxinna laga jari maayo.

Xukuumaddu hanjabaadaha iyo daasado-madhan-garaaca iyada oo aan dalkaba soo cago-dhigan ayay bilowday. Caano ri’yaad oo sanka la iska liso iyo car ayay gaadhay. 7/2/14ka, oo maalin Jimce ah ahayd Guddoomiye Cirro ayaa Addis Ababa ka yimid. Madaarka markii uu ka hadlayay wuxu xukuumadda ku eedeeyay in ay faro-gelin qaawan Golaha Wakiillada ku hayso. 8/2/14ka, oo maailin Sabti ah iyaduna ahayd, Mudane Siilaanyo ayaa London ka yimid. Isla goobtii uu shalay Cirro ka hadlayay, isaga oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay, wuxu ka yidhi hadal u ekaa anigu Guddoomiye Cirro afkiisa waxba kama maqal.

Hadalka Cirro maqal iyo muuqaalba waa aynu haynaa. Waa laga yaabaa in aanu Madaxweynuhu daawan warkaas, laakiin waxa la is-weydiinayaa: Miyaan Madaxweynaha subax kasta iyo goor kastaba la siinnin war-bixin la xidhiidha xaaladda dalka ka aloosan. Subxaan! Ilaahay ha inoo sahlo. Allow sahal ummuuraha, sow tii la odhan jiray.

8/2/14ka iyo 9/2/14ka isla eedayntii ayay ku celiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Guddida Joogtadu. Weliba eedayntan dambe tii hore waa ay ka xoog weyneyd. Madaxtooyada uu fadhiyo Madaxweynuhu iyo Golaha Wakiillada dhacantaa u kala rogan oo dhawaaqa afka ee qaawan waa ay isla gaadhi karayaan. Haddana Madaxweynaheennu weli afka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxba kama maqal. Waa xaaladaha iyo waayaha aynu ku jirno. Guryihii ayaa xafiisyo noqday. Dadka qaar aynu hawl-gab ku tirinaynay, ma is-tidhaahdeen naf ayaa soo gashay. Hadda waa dad toodiiba gabay oo hore u soo rogan waayay.

Iyaga iyo Allahoode e’ lacagaha la sheegayay in la adeegsaday meelo kale ayaa u baahnaa. Hadda ogaada Golaha Wakiillada ayaa marba seebka dhinac inoogu dhigaya oo sicirka kala-iibsiga siyaasiyiinta kor u qaadaya e’. Waa Xildhibaannada kuwa hadba arrinta sii basbaasaynayaa si’ uu qiimuhu ama qaa’imadda qofku kor ugu kacdo. Waa aqlabiyadda Xildhibaannada Kulmiye sheeganaya kuwa Shir-guddoonka tir-tiray ee haddana maanta ku doodaya in la soo celiyo. Ma hadba sida ay doonaan baa?

Ilaahay ha ka abaal-mariyo inta ka soo gurmatay Golaha Guurtida ee Xaaji Cabdi-waraabe madaxa hayo. Ilaahayna waxaynu ka rajaynaynaa in uu sida kheyrka leh ina waafajiyo. Madaxweynuhuna waa uu gurman karayay oo cidi guusha ugama dhaweyn, wuxu se ka door-biday in uu inagu yidhaahdo anigu Cirro afkiisa waxba kama maqal iyo Golayaashu waa ay kala madax-bannaan yihiin. Inta aynu og nahay iyo inta aynu maqlaynno in ka badanna waa uu maqlayaa. Subxaan! Xilow adna dabkaa ba’.

Ninka sugayow aqlabiyadda Golaha Wakiilladu innaga inooma maqna bal se innaga ayay inagu maqan yihiin, waxa inaga maqanina iyaga ayay ku maqan yihiin.

Inta dalqada indhaha ku leh ee hadba daamankooda la doogsin-cararta, dab liqaanu leenahay. Haddii kale: “Dagantaad dhacaysaan, waa duul an lagu jirin.”

Dhammaad iyo tirsiga 11aad ee Khamiista dambe, haddii Eebbe idmo.


http://www.codkasoomaalida.com/wp-content/uploads/2014/02/Golaha_Wakiillada.jpg“Ilaahay ka-sokowna,

Annakaa leh awoodda,

Oggolaanna ma doonno,

Intuu taago unuunka,

Nin yidhaahda anaa ah,

Af-weynaanu ka diidnay,

Nin kastoo anafooda,

Nin kastoo laba-eefa,

Nin kastoo is-afuufa,

Annakaa ka shanayna,

Lays amaahinna maayo,

Axmed-weysa-caddow,

Ciddidaa uskaggeeda,”

Ergo, Macallin Gaarriye, 30/4/1992kii,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

19/2/2014ka, Hargeysa,

La-ye waa subag Idaad, sanka waxay ka keeneen

Ilaahay ayaa mahadda leh. Abaal aan duugoobinna waxaanu u haynaa Golaha Guurtida, Odeyga Somaliland ee Xaaji Cabdikariim, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Guurtida iyo ergadii dhexdhexaadinta togan ee loo aayay gashay. Go’aammo dhaxal-gal ah oo lagu qancay ayay keeneen. Dhinacna ma qadin. (win win).

Dhallaan koraya ayuu ahaa. Galaangalgalkiisii iyo gacan-togaalayntiisii ayaa laga fadhiyi waayay. Maah-maaho ayaa ka dhashay. Waxay yidhaahdeen: “Maba dhalan ee dhowrtaysan ogaa.” Joogsan waa. Waantoobi waa. Waxay haddana yidhaahdeen: “Siddi siddidaada mooyiye, dhul-u-dhacaaga hubso.” Wixii waano lagu yidhi wax ku qaadan waa. “Dhegihii Ilaahay waaniyaa, waansan,” ayay hadalba ku jareen.

Hore ayaa hadal uga taagnaa ragga sankooda oo caano-ri’yaad laga keeno. Hanjabaadda ayaa sidaas ahayd, sida laga weriyay muuqaal-arag baahiyayaasha. Fal iyo faalba waa la isku daray. Ciddiyo-ri’yaad iyo baal digaagba waa la isku ridqay. Abu-bidaarka la sadqeeyay ee sidii saloolka loo daadiyay hadalkiisa daa. Rag baa sidii diirta ridqay oo dabada ka tuuray. Mareegaha ayay ka buuxdaa. Qaran aayihii iyo arrinkii looma qaadan ee legdintii geel-jiraha ayaa dadka qaar ku soo maaxatay. Xagal iyo xuurto ayaa arrinka loo celiyay. Rag aan ducadoodu kicin oo aan abidkood kob caano leh ka soo durdurin ayaa loo qaatay weliyo sheellaa oo shirar aan shinkoodu go’in abaabulay. Sharaf-beel mooyiye, shalmad qurux leh laguma arag. Shaah iyo shadaab wixii ay maalmo shubanayeen, shaarubo kaga xiirma mooyiye, shaal iyo shax shax kama ay qaadin.

Halkii aynu caano-ri’yaad ka sugaynay, rag baa subag Idaad iyo sixin sankii ka keenay oo saaka oo dhan la sawirayay. Dhankaana, dhan dheh.

Waa xilli xilligii. Iyaga se, xinka sokeeyaha iyo xistiga ayaa loo diray. Ma maqli jirteen: “Gardarrada sokeeyaha rag baa, gees Biciid u leh.” Waa waxan inagu habsaday ee aynaan u daban. Daaqsin-geel wax kama arkaan. Aragtidoodu waxay ku dabran tahay gondahooda iyo gur-gur qaanso. Wax adduunka ka dhacaya ma oga. Waxay ku hawlan yihiin sidee ayaad xukunka u sii haysan kartaan? Waxay ku hawlan yihiin sidii loo tir-tiri lahaa hay’adaha Qaranka ee dalka loogu maammuli lahaa wareegto Madaxweynuhu soo saaro. Waa ay degdegayaan, diihaalna way la sahayaan. Xagga dhaqaalaha iyo boobka lagu hayo hantida ummadda, waa kuwii uu Timacadde ku yidhi:

“Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,

Ama aan u-dahalan bay arlada, uga dhammaysteen,”

Xataa Gumeysigii caddaa iyo Faqashtii nacabka ahayd ayaan sidan wax u diiran jirin, dhulkana u iibin jirin. Subxaan!

Waa sida ay jecel yihiin, waa se been. Ta Alle iyo ta ummadda ayay noqon doontaa, horena u ahaan jirtay.

Waa maalmo aawan. Waa maalmaheennii. Indhihii adduunka ayaa Xamar ka soo jeeda. Xaggeenna iyo xaaladaheenna ayay u soo jeedaan. Iskama ay keen jeclaan. Waayaha ayaa qaddaray. Kalgacal ma aha. Indhaha adduunku ina hayn maayaan oo xiise joogta ah la inoo qabi maayo. Wax la inaga filayo oo la inaga doonayo ayaa jira. Dantooda ma aha ee waa danteenna. Waa jiritaankeenna. Waa garsoorkeenna. Waa badhaadhaheenna iyo barwaaqadeenna.

Waxa danteenna ah oo la inooga fadhiyaa:

1. In aynu isu diyaarinno doorashooyinka intooda badani muddo-dhaafka tahay: Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada,

2. Doorashada Madaxweynaha ee sannadka iyo biluhu ka hadheen,

3. Xeerarkii lagu geli lahaa waxa ka hadhsan,

4. Diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha,

5. Kharashkii doorashooyinka,

6. Kicinta iyo toosinta xisbiga Kulmiye ee fadhiidka noqday,

Adduunyada indhaha inagu hayn meyso ee waa ay inaga sii jeedsanaysaa haddii:

1. Aynu muddo-kordhin u iilanno,

2. Diyaargarow togan la geli waayo,

Waa kaas dawga la inooga baahan yahay in aynu marno ama/iyo in aynu ka baydhnaba. Lacagta isku-dirkeenna ku baxaysa, meelahan aynu gelinno. Ajendayaal arrimahan wax ka tara aynu shirarkooda meel aan guriga Seylici ahayn ku qabsanno.

Cabdi Iidaan Faarax, ayaa laga hayay:

“Duqsi caano meel yaal,

Ku dabbaal-bartaa jiray,

Maalin buu dal-xiis tegay,

Disdi fuud ku jiro buu,

Dalaq yidhee ayaa dilay.”

 

http://newsomali.com/wp-content/uploads/2013/11/Siilaanyo.jpgHaddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha

nabadgelyada darteed in la qabto doorashada

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweyna-

ha marka muddada xilkoodu dhammaato, waxa

Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xil-

ka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka

Madaxweynaha iyaga oo tixgelinaya muddada

dhibaatada lagaga gudbi karo doorashaduna

https://encrypted-tbn1.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcT-6OgdbLH2Sct7atRI8E5c6MsxWRCPK4GJgy_gtHMNuFbKRe2o1wku qabsoomi karto.”

Qod. 83aad, Faqradda 5aad ee Dastuurka Somaliland,

Aragtida Madaxweyne Siilaanyo ee muddo-kordhinta

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

27/2/2014ka, Hargeysa,

Waxba yaynaan araar tiigsan. Waqtigeedba ma joogno. Maalinba ta ay keenaan tii hore ka daran. Wax rasmiya ma haynno laakiin, Hadal-haynta Maalmahan ayaa qudheedu u badan muddo-kordhin aabbaheed goblamay oo hore loo eeday oo loo dagaalay iyada oo la isla dhex marayo in la soo karinayo oo dherigiiba la dhadhaaray. Bal hadda aan ku horreynno Madaxweyne Siilaanyo aragtida uu ka leeyahay ama ka qabo muddo-kordhinta xilkiisa madaxweynennimo.

30kii bishii Jeeniweri ee sannadkii 2013kii ayuu goor barqo dheer ahayd, ayuu Madaxweyne Siilaanyo hor tegay labada Gole ee Baarlamaanka si’ uu u jeediyo khudabaddiisii sannadlaha ahayd. Waa khudbad sannadle ah oo Dastuuriya oo ku waajib ah Madaxweynayaasha Somaliland. Qodobka 46aad ee Dastuurka Qaranka, Faqraddiisa 4aad ayaa waxay dhigaysaa:

“Khudabadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha Kal-fadhiga u horreeya sannad walba weliba waxayna ka war bixinaysaa siyaasadda, barnaamajyada dawladda, dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada.”

Intaasi waa inta uu Dastuurku ka odhanayo Khudabadda Qaranka ee sannadlaha ah ee ay tahay in Madaxweynuhu ka hor akhriyo fadhiga ama kulanka labada Gole. Sannadkan 2014ka, ma jirto khudbad la akhriyay ilaa immika oo uu Kal-fadhigii ugu horreeyay soo xidhmay. Dan ummadeed lagama fekerayn iyo sidii qodobbada Dastuuriga ah loo fulin lahaa, bal se waxa lagu xiiqsanaa oo ‘Marathon’ aan dhammaanayn oo loo ordayay xiisaddii samayska ahayd ee Golaha Wakiillada. Nimanka aynu khudabadda ka sugaynay waa kuwaa ilaa maanta gurigii Seylici ku shirsan ee tamartooda 10 bog oo wax-qabadkoodii ah qori la’.

Laakiin, waxa taa barbar taalla in Madaxweyne Siilaanyo leeyahay aragti togan (positive) oo uu ka qabo muddo-kordhinta. Run ahaantii immika oo keliya kama qabo bal se ilaa intii uu mucaaradka ahaa si ba’an oo aan kala-go’ lahayn ayuu uga soo hor jeeday muddo-kordhinta. Wuxu u arkayay gabbood-fal lagula kacayo Dastuurka isaga oo aamminsanaa in ay qaran-jab ku tahay shacbiga reer Somaliland. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan, Siilaanyo wuxu u arki jiray in qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad loo adeegsanayay si qaldan oo aan run ahayn.

Si’ aan isu barraxo bal aan soo xiganno Khudabaddii Qaranka ee Madaxweyne Siilaanyo ee sannadkii 2013kii. Wuxu ydihi:

“Sidaad ka war qabtaan, waxaan ahaa hoggaamiye ka soo hor jeesta kordhinta muddo-xileedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka marka la gaadho dhammaadka muddo-xileedkooda, mana jirto wax iska kay beddelay. Waxaan idiin ballan-qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin la iigu daro muddo-xileedkayga Dastuuriga ah.” Tuugna ma xado, laaxinna laga jari maayo. Maqal iyo qoraalba waxay ku keydsan tahay odeygeenna buuniga ah ee Googgle-ka, qaybaha ugu dambeeya ee ka hooseeya cinwaanka ‘Kheyraadka Dabiiciga ah’. Intaasi ma ina kala gaadhay.

War dambe oo rasmiya kama aynaan helin Madaxweynaha, ku-tiri-ku-teenta la wadaana Madaxweynaha ma qabato milgihiisana ma aha. Innagu ku odhan meynno muddo ayuu kordhisanayaaye, inta ku xeersan ee aan milgihiisa iyo sharaftiisa dan ka lahayni ha tidhaahdo. Odeyga, waxaan afkiisa ahayn waxba loogu qaadi maayo. Isagana aan ugu ducaynno in Ilaahay tubta toosan waafajiyo, illeyn haddii uu jar ka dhaco qaranka ayay hadimo ku tahay e’.

Aan ugu ducaynno:

“Taladu kaama sal-guurto,

Arrimaa siddahoodana,

Ilaahay kuma seejo,”

Timacadde ayaa mararka qaarkood madaxda ugu ducayn jiray.

Maxaa muddo la kordhiyay, oo haddana la kordhiyay oo misena la kordhiyay, la kordhiyay…kordhiyay oo ay karaar-dhaaftay. Waa la kordhiyaa barnaamaj wax-qabadna looma sameeyo. Haddana waa la kordhiyaa qorshe-hawleed iyo hawl-qaybsina looma sameeyo. Waa ay iska dhammaataa. Haddana waa la iska kordhiyaa maxaa yeelay kordhinta ayaan wax macno ah inta kordhinaysa ugu fadhiyin. Waa dad noloshooda dabo-ka-werwer ka qaba. Dadkii iyo adduunyadiina waa ay inagu baratay, waanay yaabban tahay.

Muddo-kordhin Gole Deegaan. Muddo-kordhin Gole Guurti. Muddo-kordhin Golaha Wakiillada ah. Muddo-kordhin Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ah. Ma dhammaato. Kama daalaan. Kama xishoodaan. Kama khatoobaan. Gole keliya kordhintiisa haddii la soo qaado, waa tusbax furan. Markaas ayay Guurtiduna tidhaahdaa: “Annaguna waa in aanu sannad idin ka dambaynaa.”

Madaxweyne Siilaanyo ma tubtaas ayuu qaadi doonaa, mise magaciisa iyo maamuuskiisa wuu ilaashan doonaa. La arki doonee, maalmaha inagu soo fool leh. Odeyga se wax san ayaynu ka filaynaa, haddaan talo-xumaalaha ku xeersani la amban.

“Jirka deyrta hooriyo,

Dirirrada gu’gii baa,

Dunida u sinnaynoo,

Cadli baa wax doojee,

Wax kaloo rag deeqoo,

Dadka lagaga  eed baxo,

Nin u doonay heli waa,”

Daba-taxan, 5/1/97kii, Gaarriye

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

6/3/2014ka, Hargeysa

Aragtida Xukuumadda ee Garsoorka

(Waaxda Garsoorku waa Maxkamadda Sare ee ma aha Wasaaradda Garsoorka)

Haa…..Cabashadu waa ay badnayd….in badan

ayaa meelo badan oo door ah laga dardaar-weriyay. Ka hadli meynno hirar hoose iyo hadimada aan hadhayn ee hagardaamada ku  ah Qarankan curdinka ah. Ka hadli meynno hay’adaha shiiqay shadaaftana loo laabay iyo hebellada halkoodii galay ee sidii gaaraa-bidhaanka hadba meel ka huraaya. Shalay waxa baaq dheer ku cabanayay qayb ka mid ah Xeer-dejintii oo ah Golaha wakiillada. La-ye waxay ku andacoodeen faro-gelin qaawan oo kharashaysan oo lagu minjo-xaabinayo karaamadii iyo xilalkii Golaha Wakiillada. Daahir-yaa-shamis iyada oo aan indhaha la iskaga duwayn ayaa qayb ka mid ah Fulintu ku shiraysay Guriga Madax-weyne ku-xigeenka. Is-na maba qarsan ee war-baahinta ayuu kaga doodayay, maxaa ku jaban haddii gurigayga lagu shiro. Geesta kalena Madaxweynaha ayaa ka lahaa annagu wax faro-gelin ah kuma haynno Golaha Wakiillada, waanay u madax-bannaan yihiin hawlahooda. Waa labadii xil ee dalka ugu sarreeyay ee ay dadku doorteen kuwaa isku keen feeraarinayaa. Subxaan! Tanina ma inoo dambaysay.

1/3/2014ka ayaa HCTV wuxu baahiyay eedayn hor leh oo bahda Garsoorku ku sheegayso faro-gelin ay xukuumaddu ku hayso garsoorka. Saddex Garsoore ayaa shaashadda soo fadhiistay iyaga oo sheegay xataa in qaar Wasiirrada ka mid ahi ay u soo qoreen qoraallo rasmiya oo ay amarro ku siinayaan Garsoorayaasha iyaga oo adeegsanaya lahjaddii nidaamkii galbaday ee Siyaad Barre oo leh : “Waxa lagu farayaa……..”

1/3/2014ka, warkii habeennimo ee HCTV waxa markii hore soo fadhiistay Wasiiru-dawlaha Amniga oo ku eedaynayay bahda Garsoorka in ay go’aammo ka qaateen arrimo badan oo xasaasiya oo aanay ka fiirsan. Isaga oo aan si’ fiican isu daaficin ayuu eedaynayay Garsoorka.

Wax yar ka dib ayaa shaashadda la soo dhigayaa sawirka Madaxweynaha oo khamiis cad xidhan iyo war rasmiya oo ka soo baxay Madaxtooyada oo sheegaya in aanay Xukuumaddu wax faro-gelin ah ku haynin Garsoorka.

Su’aasha ugu mudan ee la is-weydiinayaa waxay tahay marka ay Wasiir iyo Madaxweynihiisii u kala dambaynayaan shaashadaha TV-iiyada miyaanay xukuumad ahaan iska war-qabin? Haddii ay wax dhacaan oo loo baahdo in ay Xkuumaddu jawaabto miyaanu jirin marin arrintaa loo maraa iyada oo aan la kala hadlayn? Sidee ayay Wasiir iyo Madaxweyne iyaga oo aan is-ogeyn isla habeen daqiiqado u dhexeeyaan shaashad uga soo wada baxaan iyaga oo aan si’ lagu qanco dadka wax ugu sheegin? Ama aan si’ maan-gal ah iskaga difaacin eedihii qoraalka ahaa ee loo soo jeediyay.

Aragtida ay Xukuumaddeenna Kacaan-u-eg ka qabto Garsoorka dalka waxa marag cad u ah labada sawir ee dusha kaga yaal maqaalkan. Awoodaha ugu sarreeya ee Qaranku waa saddex: Waa Garsoorka oo mudnaanta koowaad leh, Waa Xeer-dejin iyo Fulinta. Shaki kuma jiro in Fulintu oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyaa isu dhigtay in ay iyadu wax walba iska leedahay. Waxay isu dhigtay in ay dal iyo dadba leedahay. Waxay isu dhigtay in aan loogu iman cashuuraha iyo hantida ummadda. Hadda dadweynuhuna  waxay u haystaan in yihiin adeegayaal shacbigu doortay oo dirtay. Ma dadkii ayay isla rogtay.

Waa xaqiiqo dhab ah oo aan laaxin laga jarayn. Garsoorku waa arradan yahay. Wuu abaaday oo eedaad adduun u dhan yahay. Bal hadda u fiirsada inta daaro dhaadheer oo aanad garanayn waxa lagu qabanayo loo dhisay Wasaarado. Hadda Wasaaradaha qaarkood halkooda ayaa deeqo dibadeed lagu marriimay oo lagu arrad-tiray. Garsoorka maxaa go’doomiyay ma qaranka ayaanay wax ku lahayn? Baabuurtaa ka daran aynaan qiimahooda goyn karayn ee muraayaduhu u dallacan yihiin marka ay suuqyada marayaan. Ciidammada guryaha iyo xafiisyada la dhigtay kamaba sheekayn karno. Hadda laga yaabee in aanay Qarankan eed laga cabsadaba u gelin ee ay lafahooda u galeen. Baabuurta koleyga lagu magacaabo ee seyladaha ka adeega ayaa ka daran.

Oo Garsoorkiina? Wa caddaysimo. Iska daa gobol iyo degmo oo meeday Maxkamaddii Sare ee haybadda qaranka ahayd? Meeday Maxkamaddii Racfaanku? Garsoorayaashu waa dadka ugu go’aan-qaadashada badan. Naf ayay xukumaan…..Hanti ayay xukumaan….. Xorriyadda qofka ayay xukumaan…..Haddana xukuumaddeennu war iyo wacaal kama hayso. Amnigooda lama sugo…..Dhismahooda lama sugo……Agabkooda lama sugo……daryeelna kuma qabaan hawsha ay hayaan, dayac mooyiye. Markaasaa ku-digasho iyo daan-daansi loogu darayaa, weliba.

Ugu dambayn Madaxweyne maxaad ka tidhi Wasiirka amarka qoraalka ah siiyay Garsoorayaasha ee laga sheegay: “Waxaan idin farayaa?” Ma iska daaya baad tidhi, mise xaalku waa sidii Cabdi Iidaan Faarax sheegay oo:

“Waxay dameertu hooyada,

Dabada uga nuugtaa,

Debec iyo isku-hallayn,

Ma dambaabidhee garo,”

Dhammaad, waa inoo Tirsiga 5aad haddii Eebbe idmo.

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 5aad

Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

“Maalintaan gacan-qaado,

Aan wax garaac is-idhaahdo,

Hadba laan ma gammuuro e’,

Geedku hays wada raaco e’,

Gun hoosaan ku simaa,”

Geeraarka Gelbis, Timacadde, 1960kii,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

13/3/2014ka, Hargeysa

Qormada: 1aad

Hordhac

Waa Khamiisle-taraar……Waa taxane….Qalinkii iyo tawaaddii ayaanan wax badan ka tuujin……Qabyadaa badan……Qalinka dararay tawaaddana ku dhex raday in uu qallaha iska rido ayuu doonayaa……Gacantuna ma daallana….. Garashadu sidii ayay weli ii dudduucdaa….. ……Goortu waa goorteed…….Wax la rajaana rag kuma sama.

Khamiislihii maalinta qudh ah ahaa ayaa igu fillaan waayay, markaas ayaan is-idhi intii ay Khamiistani caddaysimo ahaan lahayd waxoogaa dadka ka marriin oo weliba Qormooyin kale dhibaad u raaci ee iga guddooma. Berri waa Jimce oo waa nasasho ee Sabtida iyo Axadda ayaa raaci doona haddii Eebbe oggolaado.

Innaga oo ku jirna bishan Maarj, 2014ka, suuro-gal ma tahay in aynu qabsanno doorashadii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada bisha Juun 2015ka, haddii Eebbe idmo?

Waa amba-baxeenna maanta, qormadu meel ay inala martaba, idinkuna ha samir darraanina.

In qof la doortaa waa xil iyo gudshadii. In Gole la doortaana waa xil iyo gudashadii. Qof iyo Gole mid uu yahayba xeerar biraysan oo xalaal ah iyo qodobbo dastuuriya ayaa lagu doortaa. Qof iyo Gole mid uu yahayba waajibaad, xilal iyo muddo-xileed dastuuriya ayay leeyihiin oo ay gabbood-fal dastuuriya tahay in ay ku-xad-gudbaan.

Waa ayaan-darro haddii uu qofkan la dooranayaa u qaato in uu weligii meesha joogayao. Waa halkii Cabdillaahi Cabdi Shube e’: “Wax waliba way fasakhmaan.”

“Xil-dhibaan mar la doortay,

Haddii uu dirgan waayo,

Damco uun kursigiisa,

In uu daayinkii haysto,

Durba wuu fasakhmaa,

Oo danayste noqdaa,”

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa xil dastuuriya oo saaran hadba inta xilka dawladeed haysa. Waa hawl ka dhexeysa: Xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Xeer-dejinta, Komishanka Doorashooyinka, dawladaha taageera dimuqraadiyadaynta Somaliland iyo intii kale ee ay adeegsadaanba. Waa xil si gaar ah u saaran shacbiga iyo saxaafadda oo ay tahay in ay si taxaddar leh had iyo jeer ku baraarugsanaadaan.

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa qasab. Amarka Ilaahay in ay ku qabsoomaan weeye. Waa in ay dedaalkeenna iyo xil-kasnimadeenna ku qabsoomaan. Ma aha cid kasta oo la doortaa in ay been ku dhaarato, kursiga ku fadhiisato, ka dibna loogu taag waayo xilligiinna waa uu dhammaaday e’ ka soo dega. Ma aha in ay sida mara-boobta ku dhegaan kuraasida oo ay ‘Aabbahay goblin miciinsadaan.’.

Awoodda iyo karaamada qarannimada

Waxaaba marka laga soo tago haddii ay Mabaadiida Guud ee Dastuurka Qaranka dhowri waayaan dadka la doortaa – Madaxweyne ilaa xildhibaanno – maxaa shacbiweynaha la dulmiyay ee xuquuqdoodii la duudsiyay laga sugaaya ama laga filan karaa? Xubinta 1aad, Qodobka 1aad, Faqradda 2aad ee Dastuurku waxay leedahay:

“Awoodda iyo karaamada qarannimada waxa leh shacbiga, wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.”

Hadda ha u qaadanina in uu yahay Qodob dastuuriya oo keliya. Xaasha! Waa Qodob gaashaaman oo ku jira Mabaadiida Guud. Weliba Faqradda 2aad ee Qodobka ugu horreeya Dastuurka. Muwaaddinka dhabta ahi wuu og yahay, dhawaan-xoolowga dhan-dahamada sedka moodayna cidi wax weydiin meyso. Muuwaaddin, yaan lagu dhaafin xuquuqdaada. Dalkan karaamadiisa iyo haybaddiisaba shacbiga ayaa iska leh, sidaa uu Dastuurku qeexayo, xinjir baana lahu qoray oo wax si fudud u tirmaya ma aha.

Ma Madaxweynahaa, ma ku-xigeenkaa, ma inta kale ee aad cod ku doorateen baa? Waa ay kuu adeegaan. Shacbigaa dirtay, iyaga ayay u shaqeeyaan. In ay innaga inoo sarakacaan weeye, ma aha in aynu innagu u saro-kacno oo weliba ka dhigno waxaanay ahayn. Ma aha in aynu ka dhigno awood wax kasta bixin karta. Xaasha! Awooddoodu waa ay xaddidan tahay oo xeer ayaa sar-jaraya.

Dastuurku miyaanu kaas ahayn? Xaggee naloogu durdurinayaa ee hadba ciidammo sheydaan oo aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen saqaha dhexe la isugu soo dalbanayaa? Sow tan aynu mar labaadka dadkii la xasuuqay mar kale si sharaf leh u aasaynno? Durba miyaad illowdeen, waa halkii Ibraahin Gadhle e’.

Muddo-dhaafka Golayaasha Xeer-dejinta

Golaha Guurtida tan iyo 1993kii laba jeer ayaa la kala magacaabay. Gabow, geeri iyo geeddi lagu goblamay oo dibadeed ayaa dhammeeyay. Ilaa maantadaa aynu joognana diyaar uma aha in ay beddelkoodii diyaariyaan. Waxaad mooddaaba waxyaabo aynu beryo hore kari jirnay in aynaan maanta tamar iyo taag midnaba u hayn. Dunidii ina majeeran jirtay ee tusaalaha nool ee Soomaaliyeed inoo haysatay ayaa hadba inaga sii durkaysay oo sii niyad-jabaysa. Dibudhacaasi wax kale kuma imanayo oo aan ahayn damac kooxeed iyo qofeed oo aanay innaga dani inoogu jirin ummad ahaan. Golayaashii iyo madaxdii qaranka ayaa xilalkii loo igmaday u qaatay shaqo la siiyay. Nimanku shaqo-beelka iyo waayaha dalka ka taagan u nugulaa. Aniguba, aniga oo aan shaqo hayn sownigan nool. Ilaahay miyay ka quusteen. Subxaan!

Golaha Deegaanku sidii loo doortay 2002dii ayay iskaga fadhiyeen sidii wax kuraasida la amaahiyay. Noofambar 28dii, 2012kii ayay doorashadii 2aad dirqi iyo si fool adag ku qabsoontay. Waa aynu ku rogman gaadhnay, xanafteediina ilaa maantadaa aynu joogno waa ay taagan tahay. Waa doorashada keliya ee ay xukuumaddeenan amaan-jecel, waddo-walaf qabatay intii ay xilka haysay. Wallaahi, tu kale si ay ku qabanna Ilaahay baa og.

 

Qormada: 2aad

Golaha Guurtida tan iyo 1993kii laba jeer ayaa la soo magacaabay. Hadda 21 sannadood ayay baarka ka jareen, welina isuma haystaan in ay wax dhimeen. Gabow, geeri iyo geeddi-dibadeedna waa laayay oo qofku inta uu doono ayuu iska maqnaadaa.

Golihii Wakiilladu sidii loo doortay 2005kii ayay u joogaan, mana hadal hayaan in ay kuraasida banneeyaan ama sifo sharciya ku soo noqdaan. Xilalkiiba meherad ayay noqdeen. Iyagu cid walba waa ay ka dareen oo waxay sharciyaysteen maalinta xilka ay ka degaan in ay sannadka ka dambeeya oo dhan mushaharkoodii qaataan iyaga oo aan xil hayn. Iyaga oo intaas oo sannadood muddo-dhaaf inagu ahaa. Kaaga daran e’, maxaa inaga xumaan lahaa haddii aynu garanayno maalinta ay inaga tegayaan. Weynu sii ambo-bixin lahaynba gacan-qaad wanaagsanna waan u sii dhiibi lahayn. Miyay inagu simeenba sow tan hungurigii Halac-dheere lagu sheegayay qaaday.Waa soo ligan yihiin oo noloshiiba waa ay ka baqayaan iyaga oo ka cabsi qaba in ay busaarad u dhintaan haddii ay xilkan booliga ah dhigaan.

Mararka ay shaashahada soo fadhiistaan intooda aan xishoodka iyo gabbashada aqooni waxay ku doodaan oo ay ku andocoodaan in Dastuurku qorayo: Galahan Wakiillada waxa beddeli kara Gole la soo doorrtay. Dastuurka waa ay ka been-sheegayaan ee bal aan daalacanno Qodobka 2aad ee muddo-xileedkooda ka hadlaya. Waa laba Faqradood oo kala ah:

Faqradda 1aad:

Muddada xilka Golaha Wakiilladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo go’aamada doorashada,

Muddo-xileedka Dastuuriga ahi waa taas. Macnaheedu waxa weeye in marka ay shanta sannadood dhammaato la qabanqaabiyo doorooshinkii kale. Ma suurto-gal baa in ay dib u dhacaan? Dastuurku muxuu ka odhanayaa? Bal aan eegno Faqradda saddexaad ee Dastuurka:

Faqradda 3aad:

Haddii doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasillooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Waa sida dastuuriga ah ee dib loogu dhigi karo doorashada Golaha Wakiillada. Weli miyaad maqasheen dhibaato intaa le’eg oo inagu habsatay oo sababtay in doorashooyinkii Golaha Wakiilladu dib u dhacaan? Waxaynu ka ducaysanno ayay ku ducaystaan si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Muddo-kordhinta Madaxweynahana waxa loo cuskadaa Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad oo ah “Duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed.”

Bal horto sidaa ku ogaada waxan ina barriinsaday in aanay sharciyad iyo caqliyad midna ku fadhiyin ee ay tahay waxay iska jeclaysteen iyaga oo had iyo jeer laabta ku haya in aafooyinkaasi dhacaan si aanay doorashooyin u qabsoon. Bal, Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayaa ina jecel oo aan labad dhibaato iskugu keen darin.

Muddo-xileedkoodii dastuuriga ahayd waa ay ku diyaarin kari waayeen doorasho. Dibudhigistii waxay u cuskadeen qodobbo aan jirin oo aan dastuuri ahayn. Sidaas ayay doonayaan in ay ku sii fadhiyaan iyaga oo aan sharci ahayn oo dastuur iyo shacbigii soo doortay midnaba ixtiraamayn.

Waxani, wax la eegto ka weyn. Ceeb iyo fadeexad ayaynu adduunyadii iyo dalalkii deriska ahaaba uga baxnay. Ummaddii karaamo la og yahay lahayd ee wax la og yahay ka soo dabbaalatay, ayaa maanta doorashooyinkii dastuuri ahaa qabsan kari la’. Bal ka warrama dee? Miyaad geydaan waxan dhacaya ee aydaan galabsan.

Dastuurka haddii lagu dhaqmi waayo, dhaartii haddii la rumayn waayo, ummadda haddii laga xishoon waayo, qarannimada haddii la dhowri waayo, kuraasi lagu fadhiyayaa ma jirto. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Inta la isu yimaaddoo ha la sameeyo Xukuumad ku-meel-gaadh oo muddadeedu kooban tahay oo dalkan iyo dadkan doorashooyin hal mar u qabanqaabisa.

Doorashada Juun, 2015ka ma la qaban karaa?

Ilaaha taajirka ah ee ay had jeer tiisa noqoto waxba kuma aha. Waxaynu ka hadlaynaa waa tabaabushaha iyo tooggada aadamaha, gaar ahaan inteenna maanta joogta ee ay xilalkaasi saran yihiin. Haddaba innaga oo aan meel dher uga soo wareegayn bal marka hore aan guud-mar kooban ku samaynno ilaa immika waxyaabaha qabsoomay ee doorashadaa la wada sugayo la xidhiidha.

Waxa diyaar ah Xeerkii Diiwaan-gelinta ee ku-suntanaa 37aad oo mar horena la adeegsaday. Xeerkan 37aad wuxu u baahan yahay in dib loo eego, gaar ahaan qodobbada la xidhiidha dadka Diiwaan-gelinta ku gabbood-fala tallaabooyinka sharciyeed ee laga qaadayo. Waa hawl kooban oo Golaha wakiilladu waqti yar oo aan sidaa u sii badnayn kaga soo bixi karayo.

Waxa inoo diyaar ah waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee aynu ka kasbannay alahayd, Goob-joogayaashii ajnabiga ahaa war-bixin tifaf-tiran oo qoraal ah ayay ka soo bixiyeen Diiwaan-gelintaa hore. Waxa kale oo aynu aad iyo aad uga wada dheregsan nahay wixii aynu gef samaynay dal ahaan iyo dad ahaanba oo ay tahay in aynu manta ka fogaanno. Addunyadu mar walba inaga caawin meyso Diiwaan-gelin aynu innagu mar kasta carqaladaynayno.

Waxay saddexda Xisbi-qaran iyo Komishanka Dooraashooyinku qoraal ku kala saxeexdeen in ay doorashooyinku waqtigooda ku qabsoomaan. Heshiiskaa taariikhiga ah xukuumadda Somalilandna waa ay ku raacday oo oggolaatay.

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 6aad

“Timir laf baa ku jirta”

(Dhulka iyo maammulladii u kala dambeeyay)

“Wadaamaha la dawdabay,

Danyartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu duug ma leh,”

Maansadii ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’, Deelleey, Cabdi Iidaan Faarax, 1980kii

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

21/3/2014ka, Hargeysa

Waxba araaran meynno. 18kii Meey, 1991kii ayaa lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland. Madashu waxay ahayd Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM. Xukuumaddii ayaa halkaa lagu dhisay. Laba sannadood oo ku-meel-gaadh ayaa taladii dalka loo dhiibay SNM, sidaana waxa Madaxweyne ku noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).

Laba sannadood oo aad u adkaa ayuu xilka hayay. Dagaallo sokeeye ayaa dalka sadheeyay. Hay’adihii qaran oo dhammi waa ay burbursanaayeen. Nidaamka cashuuruhu ma jirin, xukuumadduna waa ay faro-madhnayd. Xataa wax xeerar la yidhaahdo ayaan dalka ka jirin. Burburkii loogu yimid ayaa taagnaa. Haddana waqtigaas oo waqti ka adagi aanu ina soo marin Madaxweyne Cabdiraxmaan iyo maamulkiisii waa ay ka sarriigteen in ay dhul iyo daaro midnaba iibiyaan ama qaataanba. Waa ay ka dhowrsadeen oo xataa guri kama uu gelin maanta la leeyahay Cabdiraxmaan Tuur ayaa qabsaday, sida immika dadka qaarkii halhayska u noqotay ama lagu faanaba.

Maamulkii Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Dhul-boobka iyo daaro-dhisku dhaqan iyo dhalan midna uma ay ahayn, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Wuxu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo ay siyaassaddu dhiig iyo dhuuxba raacday. Balwaddiisa ayaa ahayd fanka iyo farshaxanka hay’ad ama qaran-dhiska. Nin adduun isku hawla ma ahayn, dhul iyo aqallo uu distana hadalkooda daa. Dhulkiisii iyo daarihiisii dunsanaa ee dayacnaa ayaanu dib u jalleecin oo iyaga oo sidii ah kaga dhintay. Adduun uu dad siiyo la arag, bal se naftiisa iyo reerkiisuba waa ay ka qatanaayeen.

Maamulkii Mudane Daahir Ra’yaale Kaahin

Intii hore ee uu xilka hayay waa uu ka dhowrsaday ku-takri-falka dhulka iyo guryaha dawladda. Nasiib-darro dabo-yaaqadii maamulkiisa wuxu ku ceeboobay boobkii dhulka ee ka dhacay degaankii loo yaqaannay Hindiya Laynka. Intii ka horreysay guryo ama dhul uu bixiyay waa la sheegi jiray laakiin wax sidaa u buuran ma ahayn. Sannadihii ugu dambeeyay ee uu xilka wareejinayay wax yar ka hor ayuu wada fasaxay degaankii iyo guryihii Hindiya Laynka oo sifo dahsoon oo aan muuqan lagu iibiyay, hantidii ka soo baxdayna meel ay martay aan la arag. Markii ugu horreysay taariikhda Somaliland ayay warbaahinta si xooggan u soo gasahy in maamulkaasi guryo ka iibsaday dalal dibadeed.

Maamulkan  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Maamulkani debecsanaan badan ayuu ka muujiyay ku-takri-falka dhulka iyo guryaha dawladda. Wuxu gaadhay heer uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo saaro wareegto ku suntan: JSL/M/XERM/249-2314/032014, oo ku magacaaban Dib-u-soo Celinta Gacan Ku Haynta iyo Ku-tasarrufka Dhulka iyo Guryaha Dawladda.

Madaxweynuhu isaga oo Qodobbo Dastuurka ah iyo daraasadaba cuskanaya: Wuxuu soo saaray Xeerkan oo uu ku go’aamiyey:

In guryaha aanay dawladdu gacanta ku haynin:

- lagu soo celiyo dawladda,

- In aan mag-dhow loo celin qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhalan-rogay ama wax ugu kordhiyay guryaha dawladda,

- In qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhistay dhul bannaan oo shacab-eeriya ah uu bixiyo qiimaha u dhigma dhulka uu dhistay ama dawladdu u celiso qiimaha dhismaha ka galay,

- In aan waddooyinka iyo goobaha adeega guud loogu talo-galay sinaba loogu mulkiyi karin lahaansho gaar ahaaneed,

- In qofkii dumiyey dhisme dawladeed lagula xisaabtamo magdhawgiisa,

- In la asteeyo lana xadido Guryaha dawladda iyo dhulka shacab-eeriya ee aan looga maarmayn danta guud ee Qaranka,

3. In la iibiyo Guryaha Dawladda iyo dhulka Shacab-eeriya ee aan loo isticmaalin danta guud ee Qaranka laguna shubo Khasnadda Dawladda.

Wareegtadan Madaxweynuhu waxba kama sheegayso dadka dhulka iyo guryaha dawladda iibsaday. Waxay ka hadlaysaa dadka dhistay, dadka dhalan-rogay, qofka dumiyay, qofka mulkiyay iyo waxyaabo la mid ah.

Bal hadda u fiirsada marka wareegtadan lagu oggolaado ama lagu fasaxo in la iibiyo dhulka iyo guryaha dawladda ee shacabka ku yaalla muranka ka dhalan kara iyo xaq-darrada ka soo bixi karta. Waa hanti ummadeed oo loo siman yahay. Wax maanta bannaan oo dhul ah oo aan luuqyo ahaynina ma jiro, wixii xigaaba waa wareer aan loo taag hayn oo halkaa ka dhasha.

Murankaa dhulku waa ka afka isu geliyay Wasaaraddii Hawlaha Guud iyo Golayaashii Deegaanka. Waxa hore looga cabanayay: Xukuumadda oo looga tag la’ yahay: Xeer-dejintii iyo Garsoorkii. Maanta waxay maraysaa Dawladihii Hoose iyo Golayaashii Hoose ee la soo doortay.

Waxay ila tahay in saxeexa Madaxweynaha looga roon yahay in lagu qoro “Dhul dawladeed waa la iibin karaa.”

Hindiya laynkii ayaynu haynaye, hammaynu shacabkaa la iibin karaa isku ogeynba. Miyaanay mid subxaanalla ahayn iyo awrkii la sheegi jiray ee heeryadiisa cunay.

Madaxeynaha ummaddu dooratay miyaanay ag joogin cid nasteex ah oo saxeexyada qaarkood kala talisa ama ka qabataa.

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 7aad

Xisbi iyo xukuumadba: Waa xakab jabay

“Mus dalleena baa jira,

Bahal baa duddada tuban,

Demmenaanta ubadkayga,

Iyo Deylo lumisteeda,

Iyo dacawadeer buuxda,

Anigiyo dedaalkayga,

Markaan dayo ammuurtayda,

Daacadow laxdaydani,

Dar Alley ku socotaa,”

Maansada Dir-sooc, 1990kii ee Ibraahin-gadhle,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

27/3/2014ka, Hargeysa,

Haa….Ma hadda ayaynu soo miiraabaynaa……Mise  hadda ayaynu sii goosnaynaa…..

Safarkii Siigaale ayaynu hadda ka meydhannay. Weji-ku-macaashkii iyo hadhaagii sacabka iyo durbaannada ku mamay ayaa saacado shaqo ay isku muujiyaan helay. Madaxweyne xilkii saarnaa ee uu ku dhaartay is-yidhi gudo oo weliba aan si fiican u gudan ayaa caleemo loo lulayaa. Alla maxaa la shaqo beelay oo baahi darteed loo bahalo cunayaa. Wefdiga Hargeysa ka kallahay ee Seylac u hoyday. Seylac ka kallahay ee Berbera seexday. Berbera ka kallahay ee Xiis seexday. Ee halkee maray? Laba-dhegedkii Lughaya iyo waddooyinkii ‘Surveyga’. Halkaa wuxu kaga dhacay Cabdi-geeddi. Wuxu maray Ceel-sheekh iyo Bullaxaar. Berbera ayuu habeenkii labaad ku hoyday. Malaha laba habeen ayuu ku nastay. Banankii Madab iyo Goob Aare maray. Ceelashii Madab, Dhanso, Laaq-dheere iyo Duur-dhil sii maray. Aan takhaygii is-taagin. Dhuuxii Gambaxo iyo waayaha ka jiray aan u joogsan. Laasaski sida hillaaca ku maray: Laaso Muuse, Laaso Uur-weyn iyo intii kale ee aad ku dari kartaan. Gubanku galbeed ilaa bari waa dhulka ugu tabaalaha iyo tawsta badan Somaliland. Markaasaa lagu odhanayaa wefdigii Madaxweynaha ayaa maray. Waxaan soo xusuustaa maanso Cabdi Iidaan Faarax lahaa beydad ku jiray ay ka mid ahaayeen:

“Tanuu maray tanu shalay ka degay, tanna xaluu dhaafay,

Ma taraashib buu siday wuxuu, taray ma sheegaan e’,”

Miyaydaan maqal: “Gambo nimaan la soo bixin, haddii guulo lagu waabo.” Gu’ baas mooyiye, haddii aan garaadba inoo kordhayn sidee la ina odhan doonaa.

Xukuumaddeenna amaan-jecel safar iyo socdaal waa ka caynkaas. Dadkii ayay siigo iyo sooryo aanay karayn ku dishay. Been ku hadli mayo haddii aan idin idhaahdo cid caawa garanaysa tiradii dadka iyo baabbuurtii wefdigaas, lama hayo. Habqanka iyo aabbahay-goblantu waa caadadood ee ceebtood ma aha. Safarrada ay dibadaha ugu baxaan ayaaba laga yaabay, waaba se mid gudaha ah.

Ku-ye, Berbera ayuu ku dabbaashay. Waa run oo waa la wada arkayay. Bal se muxuu ka yidhi badda iyo Batalaale? Dabbaashaa dabbaashii uga horreysay goor ma ayay ahayd? Xaggee ayay ahayd? Maxay labada dabbaalood ku kala duwanaayeen? Weedhahaas ayaa xayaysiis wanaagsan inoo noqon lahaa, bal se wax tiraab ah Odeyga kama haynno. Safarka oo dhan ayaan laga hayn. Markaa muxuu macno lahaa dee? Waa hawl idiin taal. Mise aniga ayaad iga sugaysaan?

Xukuumaddii waa taas. Saa waa Xisbigii? Waa kee? Waa Kulmiye. Ma Shirweynihii? Oo ma Shirweyne ayaa la qaban karayaa? Waa markii immisaad ee ergo dibadda ka timid iyaga oo aan Shirweyne gelin iska noqonayaan. Xisbiga caynkaas ah ee weliba sheeganaya in uu taladii dalka hayo, ayaa haddana qabsan kari la’ Shirweynihiisii uu qabsan kari jiray isaga oo mucaarid ahaa. Xataa berigaa, waxba lama qaban jirin ee magac-u-yaal ayay kulammadu ahaayeen iyo hugunkii ‘Kacaankii Oktoobar’ wax ka liitay. Maantana kaba sii daran.

Dar madhan ayaa lagu loollamayaa. Waa la iskala tegay Dastuurkii xisbiga. Waa laga jaqaafiyay Dastuurkii Qaranka. Duruustii Macallinkii galbaday iyo qabyaaladdii lagu go’ay ee lagu goblamay ayaa godadkii loo doontay. Ii cug iyo Cirka ayaa xaal taagan yahay. Ii cug: Laba reer Qadhoon. Ii cug: Afar reer Quwaax ah. Halkaaba la islama dhaafayo. Wixii xigaaba waa: Goor ma ayay reer Quwaax ka bateen reer Qadhoon iyo ma idinkaa na gaadha. Sidaas ayaa reerihii kalena ku maqan yihiin.

Dastuurka Qaranku wuxu qorayaa:

Qodobka: 9aad, Faqraddiisa 2aad: Tirada xisbiyada siyaasiga ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex (3) xisbi,

Faqradda 3aad: Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi ah, waxa reebban in xisbi lagu dhiso gobolaysi iyo qabyaalad.

Weli ma is-weydiiseen su’aasha ah horto Kulmiye xisbi ahaan ma u jiraa? Meeday Guddidii Diiwaan-gelinta ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda ilaalain jirtay? Iyaduna ma dubuq tidhi? Ma hay’adaha la cunay ee la calaashaday ayaynu ku darnaa? Maxay uga hadli waayeen waxan socda iyo xisbigan duhurka cad jibsinta u kala baxay?

Dastuurka Kulmiye wuxu qorayaa in Shirweynaha xisbiga afartii sannadoodba mar la qaban karo. Shirweynihii ugu dambeeyay Maarj, 2008kii ayuu ahaa. Malahayga Qodobka 24aad ee Dastuurkooda ayuu ahaa. Wuxu intaa ku darayaa in Golaha Dhexe hal mar muddo lix bilood ah dib u dhigi karo. Marka aynu Dastuurkaa xisbiga Kulmiye raacno, Kulmiye xisbi ahaan ma u jiraa mise waa xisbi waayaha ku milmay oo ka jaqaafiyay saaxadda siyaasadeed? Waa su’aal ina wada hor taal. Xaggee lagu arkay xisbi iska odhanaya mar kasta Shirweynihii ayaa dib u dhacay? Yaan Gole Dhexe ahayn ee Shirweynaha dib u dhigi karta.

Golihii Guurtidu waa uu arkayaa. Golihii Wakiilladu waa ay arkayaan. Gaarsoorkii waa uu arkayaa. Xisbiyadii Mucaaradka ahaa waa ay arkayaan. Saxaafaddi waa ay arkaysaa. Dadweynihii waa ay arkayaan. Haddana cidi kama hadlayso. Horumar iyo dimuqraadiyad in laga hadlana waa la donayaa.

Su’aasha Khamiislahani waxay tahay:

Kulmiye, xisbi ahaan ma u jiraa? Maxaad ku sababaynaysaa? Immisa jeer ayaa Shirweynihiisa dib loo dhigay? Yaa u dhigay? Yaa awood dastuuriya u leh in uu Shirweynaha dib u dhigo? Haddii uu Shirweynihiisa qabsan kari waayo ma xisbi jiraa? Maxaa inooga xeer ah?

Kuwaa iyo kun su’aalood kale ayaa jawaabo inaga sugaya haddii aynaan is-yeel-yeelayn.

 

SNM, saaxadda siyaasadda waxay ka baxday markii ay qabsan kari weyday Shirweynaheedii 7aad oo ku beegnaa Meey, 1993kii. Xisbiga Kulmiye miyuu ka duwan yahay? Miyaanu xeerkaasi qabanayn. Iyagaaba soo halgamay oo naf iyo maalba soo huray ee maxaa lagu haystaa?


Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 8aad

Qeexidda iyo macnaynta ereyga ‘Soomaaliyeed’

Wixii naga dhexayn jiray rag baa,Daahirow dhamaye,

Dhubuq-dhubuqi waxay soo siddaa, dhabanno haystaase,

Aabigaba dhirbaaxada nabsigu, waa mid aan dhixine,

Dhudhub oodan buu kula gala, dheregga qaarkiiye,

Baarlamaanki dheylaysan jiray, dheehi laga qaadye,

Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,

Ama rag aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,

Soomaali waxay dhaafsadeen, waan la dheygagaye,

Maansada Dhunkaal, 1970kii ee Timacadde,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

3/4/2014ka, Hargeysa,

Ereygan ‘Soomaaliyeed’, marka aynu xagga Naxwaha ama Qawaacidka Soomaaliga ka eegno waa Tilmaame. Isirkiisu wuxu ka imanayaa ereyga Soomaali oo ah magac ay wadaagaan dad ku abtirsada Soomaali oo badiba dega Geeskan Afrika. Ereyagani wuxu raacaa wax kasta oo ay Soomaalidu wadaagto, markaas ayuu waxaasi noqonayaa wax Soomaaliyeed ama ay Soomaalidu leedahay.

Tusaalayaal nool waxa inoo noqonaya marka magacyada aynu tixi doonno lagu ladho ‘Tilmaamahan’. Afka Soomaaliyeed, Fanka Soomaaliyeed, Dhaqanka Soomaaliyeed, Hiddaha Soomaaliyeed iyo wax badan oo kale oo aad idinkuba iska garan kartaan. Tusaale ahaan, qormadan waxaynu astaan ugu soo qaadannay Barkinka oo ah agab Soomaaliyeed oo la wadaago. Laga yaabaa in dhaqammo kale oo Afrikaan ahi ay iyaguna leeyihiin Barkinka.

Waxa aynu kor ku soo taxnay waa waxyaabaha ay Soomaalidu wadaagto, iyada oo laga yaabo in waxoogaa aan badnayn oo kala-duwanaansho ahi ku jiri karo marka aad gobol ka tagto ee aad gobol kale u tallowdo.

Wadaaggan waxyaabaha qaarkood la wadaagayo ee la raacinayo tilmaamaha ‘Soomaaliyeed’, waxa jira oo lid ku ah wax ay Soomaalidu leedahay meel kasta oo ay joogtaba oo aan la wadaagin. Aqoontayda gaaban, waa wax keliya oo aan wax labaad lahayn. Waxa jira degello ama gobollo Soomaaliyeed oo ay ku dhaqan yihiin dad Soomaaliyeed oo leh maamullo kala geddisan oo aanay wadaagin. Sidaa darteed ayaanay maamulladaasi u noqonayn maamullo Soomaaliyeed bal se ay u noqonayaan qaar u gaar ah hadba maamulka iska leh ee ay ku suntan yihiin.

Dawlad-degaanka Soomaalida ee Itoobiya dad Soomaaliyeed ayaa ku dhaqan. Waxay sheegtaan Soomaalida Itoobiya oo ay ku saxsan yihiin. Waa laba abtirsiimo oo is-barkan oo tilmaan fiican oo aan la xadi karin sugaya. Jamhuuriyadda Jabuuti waxa deggen oo ku nool dad Jabuutiyaan ah. Qayb dadkaas ka mid ah ayaa Soomaali ah. Iyaguna waxay noqonayaan Jabuutiyaan Soomaali ah. Gobolka woqooyi-bari ee Kenya waxa ku dhaqan dad Soomaaliyeed. Waxay isu yaqaanniin Soomaali, Kiiniyaan ah.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku nool dad Soomaaliyeed, waxaanay isu yaqaannaan Reer Somaliland. Dalka Soomaaliya oo ah inta aanay ka talin bal se u suntan Dawladda Federaalka ah, waxa ku nool dad Soomaaliyeed, waxaanay noqonayaan reer Soomaaliya ama Soomaalida Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ka jira Dawlad-goboleedyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Puntland, Gal-mudug, Ximan iyo Xeeb, Jubba Land, Koonfur-galbeed iyo qaar kaleba. Intaba Soomaalida deggeni waa reer Soomaaliya.

Waxyaabaha aad la yaabayso waxa ka mid ah mararka TVyada uu HCTV ka mid yahay sheegayaan Puntland ee ay odhanayaan: “Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.” Hadda iyagu marka ay hadlayaan waxay sheegtaan oo keliya Maamul-goboleedka Puntland. La iskuma diiddana in uu maamul-goboleed yahay. La iskuma diiddana in uu magaciisu Puntland yahay. Waxay se is-weydiintu tahay marka iyo halka ay Soomaaliyi ku wada yeelatay. Waa maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya, xaqiiqaduna ay tahay in la yidhaahdo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Marka aad dhinaceenna eegto ‘Soomaaliyeed’ waxaynu u fahmaynaa waxaas ay Soomaalidu wadaagto ee aan ahayn dawladnimada iyo maamulka. Maamul Soomaali mideeyaa ma jiro. Haddaba waxa jirta oo dulucda qormadani ay tahay in waxan innaga inoo ah ereygu uu Muqdisho iyo dalka Soomaaliya ka yahay xanuun dadka ku dhaca, sidaana uu iska ahaan jiray. Ceebtood ma aha ee waa caadadood oo magaca ummadda Soomaaliyeed ayaa horena loogu adeegtay, maantana la doonayaa in lagu adeegto oo lagu kufsado qarannimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ee meel walba joogta. Beryahan dambe qurbo-jooggii oo sida jirjirroolaha u midabbaynaya ayaa iyaguna soo kordhay e’.

Turkiga ayaa Dugsi ka dhisaya Xamar. Maalinta la furayo ayaad waxaad shaashadaha ka daawanaysaa madaxda meesha ka hadlaysa oo leh: “Waa Dugsi ay ardayda Soomaaliyeed wax ku baran doonto.” Hadda magaalada Muqdisho ayaa kala qaybsan oo aan isu tallaabi karin, markaas ayay ka hadlayaan Dugsi halkaas ku yaal oo ardayda Soomaaliyeed wax ku baran doonto. Qoodhiin iyo xeradiin halkee ayay ardayda Soomaaliyeed ka soo gaadhaysaa?

Waxay ka hadlayaan dawladda Soomaaliyeed. Oo yay dawlad u tahay ma Soomaali oo dhan mise Soomaaliya dadka ku nool oo aynu og nahay in aanay jirin dawlad wada maammushaa. Xamar ayaanay ka wada talin oo lagu haystaa. Waxaad maqlaysaa Culimada Soomaaliyeed, Haweenka Soomaaliyeed, Dhallinyarada Soomaaliyeed, Fannaaniinta Soomaaliyeed, Qurbo-joogga Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga ee Soomaaliyeed, ma wadi karayo e’ qaybta aad doonto bulshada ka soo qabso oo raaci uun Soomaaliyeed. Bal tabaalahaa daya. Yaa iyaga ku yidhi Soomaali ayaad mas’uul ka tihiin. May isku koobaan inta yar ee ay weliba kari la’yihiin in ay maamulaan.

Waa xanuun dadka ku dhaca oo ka mid ah qaybta jirrooyinka ee Madaxa dadka kaga dhaca. Nidaamkii millateriga ahaa ayaa magaca Soomaaliyeed dal iyo dadba ku burburiyay. Nidaam qabaliya oo digtaatooriyad millateriya ayuu ahaa. Haddana wuxu sheegan jiray ‘Soomaaliyeed’. Rag baa weli damacaasi hayaa oo aan weli iimansan inta yar ee Ilaahay baday ee kaga soo hagaagtay degellada Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay candhuuftiinna dib u liqa, wixii beryo qaar jiray soo noqon maayaan oo waa tii la isu dacareeyay e’, Soomaaliyi si ay u noolaato, waa in ay kala noolaataa.

Aan ku soo geba-gebeeyo: “Inta miciinka iyo maganta moodda ku-celcelinta tilmaamaha ’Soomaaliyeed’, sida ay jecel yihiin ayaa been ah.”

 

Dhammaad. Waa inoo Qormada 9aad haddii Eebbe idmo.


Bogga Khamiisle

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 9aad

Qiimaynta Dastuurka Kulmiye:

Qaab-qoraalka qumman iyo qaab-dhaqmeedka qalloocan.

http://radiosomaliland.com/media/1/20050831-kulmiyelogo.gif “Xisbi reero noqon waa,

Xaafadaysi noqon waa,

Xigsintii qabiilkiyo,

Kooxaysi ku xarraan,

Xeyn dan isku raacdiyo,

Qof-jeclaysi waw xulad,

Eexdu waa ka xaaraan,

Xag-jir wuu ku riiqdaa,

Mid xaq oo xalaaliyo,

Doorashaw xannaano ah,”

Heesta Xisbiyada, Boobe, 2014ka,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

10/4/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Hordhac:

Waa maalmihii……Waa maalmaheedii…….Waa maalmihii Khamiisle-taraarka……Waa maalmihii isku-dul-liska…….Hadal-hayntan 9aad ayaa Qormooyin isu sii kala jiidaysa. Ha ka ambannina oo ha ka lumina…..Ma nala socotaan.

Aah! Tanina ma inoo dambeysay. Xisbi qabsan kari la’ Shirweynihiisii. Weliba Shirweynihii 3aad ah oo aan kii ugu horreeyay ahayn. Xisbi sheeganaya in uu laba iyo toban jirsaday. Waa sida aan habeen dhaweyd ka maqlayay Muuse Biixi oo Tv-ga ka hadlayay. Xisbi sheeganaya in uu hayo talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, xaqiiqadu se tahay in uu xukuumadda maanta talada haysa marti ku yahay oo ay Qurbo-joogga soo qamaamay uga talo iyo tamarba badan yihiin. Iyo dad aan soo joogin oo aan soo jirin iyo weliba dhawaan-xoolow dhandhamada sedka mooda, sidii Axmed ‘Genius’ u sheegay bishii ogos 6dii, 1984kii galabtii Jigjiga laga furayay Shirweynihii 4aad ee SNM.

Galabiba, galab ka tilmaaman e’, tuducyadii Maansadii Dhayalsi ee uu galabtaa Shirweynaha ku furay, waxa ku jiray:

“Ma dhurwaa I haystaan,

Ku beddeli dhurwaa kale,

Mise aniga dhiil-xoor,

Igamaba dhammaadoo,

Markii Dhahar la waayaba,

Dhiqlaa soo beddeli jiray,

Beeshayaduna Dhaantada,

Dhaqan bay u leedee,

Allow anu ku soo dhicin,

Mid kaloo dhabqinayaa,”

Waa tuducyo ilaa maantadaa aynu joogno taagan oo taabbo-gal ah. Weli waa aynu ducaysanaynaa. Oo maxaynu ka ducaysanaynaa? In aanu ku soo dhicin mid kale oo dhabqinayaa. Ama aanu ku soo dhicin mid hore u dhabqiyayba. Suugaantu waa taas. Markaas ayay xariir tahay oo aanay duugoobin.

Halgaamaagii waddaniga ahaa, Darwiishkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo af-maalna ahaa suugaanyahan ah, ayaa laga guntay:

“Haddii aanay luulidu kuu taxnayn, labacu waa been,”

Luuli waa suugaanta raandhiiska leh ee aan maalmaha, sannadaha iyo qarniyada midnaba ku tirmin. Labacu waa waxa aan waarin ee qosol-ku-jabka ah. Waa suugaanta rakhiiska ah ee maalin-la-noolka ah.

Sheekadii Kulmiye ku soo noqo. Marka la qiimaynayo, marka la diiwaan-gelinayo ama marka la falanqaynayaba Xisbiyada waxa laga abbaaraa: Barnaamajka Siyaasadeed iyo Xeerka ama Ddastuurkaba, hadba sida loo yaqaanno. Wixii soo raaca ee aasaasi lagu sheegaaba waa astaanta iyo calanka.

Maanta amba-baxeennu waa Dastuurka Xisbiga kulmiye oo aynu ku eegaynno ama ku dhudhuminaynno qaban-qaabada ay ugu jiraan shirweynahoodan qabsoomi la’. Ma maqasheen: “Waar abtow halkee ayay salaaddu ka xidhmi la’dahay.” Waxaynu isku dayaynaa in aunu abbaarno halka ay xaaladdan Kulmiye ka guntami la’dahay innaga oo u cuskanayna Dastuurkooda mar mar koobanna ku qalayn donna ama ku jar-jari donna Qodobbo ka mid ah Dastuurka Qaranka.

Qoraalka Dastuurku ma laha Hordhac tilmaamaya halka looga soo meydhax-diiray iyo illimaha looga arooray. Ha koobnaadoba, bal se waxay ahayd in ay Hordhac gaaban oo kooban u qoraan. Waa wax ka dhiman quruxdiisa iyo dhammaystirkiisaba.

Qacda hore eegmada Dastuurka Kulmiye oo ka kooban 35 bog waa mid awran oo aad u shilis. Waa Dastuur intiisa ku duq ah oo ku ash ah. Ilaahay ayaa dhammaansho u sugnaadeen. Ilaahay ayay Dastuurkiisa iyo axkaamtiisuba dhan yihiin. Wax aadame qorto ayaan dhammays noqon. Dastuur oo dhan ayaa qabyo ah, ka Kulmiyena kuwaas ayauu ka mid yahay oo mar walba waa la sii hagaajin karaa.

Nuqulka Dastuurkan Kulmiye ee aan ka hadlayaa waa kii wax-ka-beddelka lagu sameeyay 31/03/2008kii. Wuxu ka kooban yahay 63 qodob. Qaybta koowaad ayaa ku bilaabmaysa: Tilmaamaha Guud oo u sii kala baxaysa: Magaca Xisbiga, Astaanta Xisbiga, Calanka Xisbiga, Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Ujeeddooyinka Xisbiga, Dabeecadda Xisbiga, Luqadda Xisbiga, Dhaqaalaha Xisbiga, Xubinnimada Xisbiga, Aqbalaadda Xisbiga, Kala-noqoshada xubinnimada Xisbiga, Xuquuqda Xubinta, Waajibaadka Xubinta iyo Taageerayaasha Xisbiga.

Yaa salaam! Bilowga ka wanaagsan oo aad ka gasho Dastuur xisbi leeyahay miyaad garanaysaan. Haa, waa run oo qabyo waa ay ku jirtaa oo waa la sii hufi karayaa, bal se miyaanu ku fiicnayn Xisbi Somalilandi ah oo aan weli qaan-gaadhin.

Intaa marka aad ka durduurato oo lagu soo koobay 6 bog oo keliya ayaad gelaysaa Qaybta 2aad ee Dastuurka Xisbiga kulmiye oo ah Qaab-dhismeedka Xisbiga Kulmiye. Wuxu bilaabmayaa Qodobka: 1aad, Faqraddiisa B oo ah: Heer qaran. Laba ayay u sii kala baxdaa oo kala ah: Shirweynaha iyo Golaha Dhexe

(La soco sidii dhaqanka inoo ahayd maalinta Sabtida oo Jimcaha iska yara nasta, waanu idin daalinay e’)

 

 

 

 

Additional information