Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah

mahamed sulayman tube126

Geeriyaha qaarkood isu ekaa…….Xilligu isu ekaa…….Sida la isu gaasirayaa isu ekaa……Sida foolaadka mujtamaca loo illoobayaa isu ekaa…….Maansada tuduca aynu qormadan ku ballaysinnay ka soo qaadannay,

 

 

 

Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah

mahamed sulayman tube126“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. www.dharaaro.com

15/3/20014ka, Hargeysa,

Qormada 1aad

Geeriyaha qaarkood isu ekaa…….Xilligu isu ekaa…….Sida la isu gaasirayaa isu ekaa……Sida foolaadka mujtamaca loo illoobayaa isu ekaa…….Maansada tuduca aynu qormadan ku ballaysinnay ka soo qaadannay, waxa tiriyay Cali sugulle Dun-carbeed. Wuxu ka dul tiriyay xabaashii Maansayahankii, Xiddigiyihii, Murti-dhaadhigii, Far-horseedkii, Taariikhyahankii, Dhaqan-dhaadkii, Hidde-dhowrkii, Macallinkii Muuse Galaal, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Waxaan filayaa in ay ahayd bishii Diisambar 1980kii iyo magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre, wuxu ka mid ahaa madaxdii aaska ka soo qayb-gashay. Cali Sugulle maansadan baroor-diiqda ah wuxu ka dul tiriyay aaskii. Maanta oo aynu geeridii Maxamed Saleebaan Tubeec u joogno, waa maalin maalintaa iyo qaar badan oo ka dambeeyay aan la kala sooci karin. Maalmuhu isu ekaa.

Muuse Galaal ayaa magaalada Muqdisho ku xanuunsaday. Dhinac walba waa loo orday oo kacaan-sheegatadii xukunka maroorsatay waa loogu taag waayay in Odeyga dhakhtar dibadeed la geeyo. Wuxu ka tirsanaa Akaademigii Cilmiga, fanka iyo suugaanta. Waxa kale oo uu xubin ka ahaa Guddidii Af Soomaaliga. Muuse Galaal waxa kale oo uu ka tirsanaan jiray Guddi ay UNESCO u saartay qoraalka ’Encyclopedia’ qaaradda Afrika loo diyaarinayay. Mar dambe oo xeedho iyo fandhaal kala dahceen ayay Deeqa Colujoog oo Akaademiga ka madax ahayd ku guulaysatay in Muuse Galaal dibadda loo qaado. Dayuuraddii oo hawada ku jirta ayuu dhintay, ka dibna waxaan u malaynayaa in magaalada Jedda laga soo celiyay.

Ma Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) ayaynu ogeyn……Ma Qaybe ayaynu ogeyn…….Ma Maxamed Saqadhi Dubbad ayaynu ogeyn……Ma Xuseen Aw Faarax Dubbad oo reero muskood lagu aasay ayaynu ogeyn…..Ma Xasan Diiriye ayaynu ogeyn…….Ma Cumar Dhuule ayaan loo barooran……Ma Faadumo Xirsi Cabbane ayaynu ogeyn…..Ma Faa’isa Xaaji Cabdillaahi ayaynu ogeyn, Guddoomiyihii Ururkii Alla Aammin, waa Faa’so-dheer e’. Immisa hebel oo kale……Immisa heblaayo oo kale ayaa madaxiinna iyo xiskiinnaba ku wareegaysa. Maye geesiyaashii….Maye intii dal iyo dadba u soo dhaamisay….. Intii u soo halgantay….Intii haydaarta iyo hadimada u soo mudatay…..Intii u soo dhaawacantay.

Bal u fiirsada kumaankunka doollar ee sannad walba xukuumaddeenna Dhagax-dhiga Dhul-jecel kaga baxa daabulka Qurba-joogga iyo dibad-bixinta qolqol-joogga. Miyaydaan dareemin sannad-guuro kasta oo Meey inta dibadaha laga keeno ee hudheellada loo kireeyo iyo inta kale ee mar-dhoofka ah ee gacan-mariska loo geeyo dibadaha. Markaa ay maqasho halyay qaran ayaa xijaabtay ayay aas-qaran iyo guddiyo-samayn ku meeraysataa.

Maansho e’ Timacadde lahaa:

“Dambarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay,”

Sow tii Gaarriye inagu yidhi: Aas qaran waxa ka horreeya aroos qaran. Qof noloshiisii la qiimayn waayay, maxay qiimaynta aaskiisu macno samaynaysaa. Sow tii uu Gaarriye lahaa:


“Ha laguu ilmeeyee,

Horto dhimo af maahee,

Eeggoo la noolyiyo,

Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiya,

Oon aad u buurnayn,

Oo weliba eegeey,

Igu sii amaahoo,

Ictiraafka buuxee,

Aakhiro markaan tago,

Iilka igu sugaayiyo,

Ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,

Akowntkayga laga jaro,”


Maxamed Saleebaan Tubeec qajeel ayuu ka soo qayliyay cisbitaalkii uu yaallay oo Soomaali badani ka gurmatay. Xukuumaddeenna abaal-daran xaggee ayay ku maqnayd. Waxaan xusuustaa habeen aan daawnayay SNTV-ga Muqdisho. Degmadu Yaaqshid ayay ahayd. Waxa xafladda goob-joogayaal ka ahaa Guddoomiyaha Degmadaas iyo Axmed Maxamuud Tarsan, Guddoomiyihii iyo Duqii Magaalada Muqdisho. Waxa dadweynaha xaafadda loogu baaqay oo la gurayay lacag Maxamed Saleebaan lagu taageerayay.

Muqdisho heerkaas ayay ka taagnayd. Maxamed wuxu ku dardaarmay in Berbera lagu aaso. Yaa ku aasaya haddaba, hore ayaa looga diyaar-garoobay halka lagu aasayo oo cid ayaa ilaa maalintaa danaynaysaye. Teennuna hadd a ayay sidii dhidar danab ku kacay hambabartay oo guddi-baaskeedii meherad ka dhigatay. Oo yaa ka siisanaya!

Qadiija ismaaciil oo ah xaaska maxamed Saleebaan caawa Hargeysa ayay joogtaaye, xukuumadennu ma og tahay? Jaamac Saleebaan Tubeec manta ayuu Berbera ka yimid oo Hargeysa ayuu caawa joogaaye, xukuumaddeennu ma og tahay? Carruurtiisa ilaa immika meydka dul tuban ma laga war qabaa? Oo haddaa maxaynu isu sheegaynaa?

Uma hollan in aan qoraal sidaa u sii dheer qoro. Ma aan helin fursaddii aan ku soo gudbin lahaa taariikhdii iyo geeddigii faneed ee dheeraa hodankana ahaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waa qormooyin aad u kooban oo gole-ka-fuul ah ee ha la ii dul-qaato haddii aan gawl-gawlo. Mid aan ula kacay iyo mid Maxamed iga mudan yahay midnaba ma aha.

Sida aad mareegahaba ka dheegateen ku-sinnaan 1941 ayuu Maxamed ku dhalanayaa Laaleyska oo aan Beberbera ka fogayn. Reerku ma ay deggenayn bal se iyaga oo ka xagaa-baxay Berbera oo Burco ku socda ayay islaanta fooshu halkaa ku qabatay. Maxamed wuxu ku kacaamay kuna barbaaray magaalooyinka: Berbera, Burco, Hargeysa iyo Jabuuti. Sida aanu ka soo xigannay walaalkii Jaamac, mar dambe ayuu Cadanna u dhoofay. Beryo dambe oo ku beegnaa ilaa dhowr iyo lixdankii ayuu Xamar u wareegay, noloshiisa intii ugu badnaydna wuxu ku noolaa magaalada Muqdisho, marka laga reebo sannadihii dibad-baxa iyo dibad-joogga ee uu ku qaatay dalka Swizerland.

Qormada 2aad

Sida aanu ka haynno Jaamac Saleebaan Tubeec oo ay Maxamed walaalo yihiin, hooyadood waxay ahayd Shaqlan Cumar Saalim. Sida ka muuqata magaceeda waxay ka soo jeedday qoys asalkoodu Yaman ka yimid oo Reer Xadramowt ahaa ama qowmiyadda loo yaqaanno Xadramiinta. Shaqlan waxa dhalay Cumar Saalim Cawad Cabdalla Al-maxsani oo u soo haajiray markii hore magaaladii taariikhiga ahayd ee Bullaxaar.

Maxamed Saleebaan Tubeec oo loo yaqaannay Boqorka codka Somaaliyeed, wuxu ka mid ahaa hooballadii yaraantoodiiba ku ababay fanka Soomaaliyeed. Waa da’aaddii Cumar Dhuulle Cali iyo Axmed Cali Haaruun (Dararamle) iyo qaar kale oo badan ama badnaaba. Wuxu ka mid ahaa Maxamed da’dii lagu anqariyay Qaraamka ee u ban-baxday ballaysinkii fanka heesaha iyo muusigga Soomaaliyeed.

Maxamed Saleebaan Tubeec oo lagu wareystay Mareegta Oodweynenews ayaa sheegay in uu yaraantiisii isaga oo 10 jir ilaa 12 jir ah ka heesi jiray aroosyada. Wuxu intaa ku daray in la tuman jiray daf iyo Darbuugad oo aanu qalab kale oo muusig jirinba.

Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Cumar Dhuulle iyo Axmed Cali Haaruunba waxaan ka hayaa in ay igu yidhaahdeen labadooduba ilaa lix iyo toban jirkii ayaanu heesaha ku bilownay. Waxaan xusuustaa in ay labaduba imtixaanka ku galeen heellada Isku-shuban. Maxamed Saleebaanna la fil ayuu ahaa. Haddii aanan qaldanayn Maxamed Saleebaan wuxu dheeraa in uu xilliyadaa hore sannado ka mid ah ku noolaa dalka Jabuuti. Maxamed Aadan Dacar oo aan ka wareystay noloshii-faneed ee hodanka ahayd ee Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa ii sheegay in uu fanka ka soo galay magaaalada Jabuuti oo uu markaa deggenaa. Waxay Jabuuti ku kulmeen Cali Feyruus iyo Maxamed Siciid Faarax oo loo yaqaannay Gu’-roon-jire.

Maxamed Saleebaan Tubeec, ayaa halkaa kaga luuqeeyay codka Raaxeeye oo uu qaadi jiray Maxamed Axmed, Kuluc. Beryahaa rikoodh ma jirin ee heellooyinka waxa lagu geli jiray ‘Live.’ Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ku galay imtixaanka codka Raaxeeye sidaas ayaana lagu qoray shaqada oo uu ka bilaabay Radio Hargeysa oo beryahaa lagu furi jiray ama lagu soo geli jirayba: “Halkani Hargeysa, Radio Soomaali.” Maxamed wuxu Hargeysa u soo wareegayaa xilli ku sinnaa badhtamihii 1958kii sida aan ka soo xigtay rug-caddaa ay ka mid yihiin Maxamed Aadan, Dacar iyo Rashiid Bullo. Walaalkii Jaamac saleebaan Tubeec se wuxu ii sheegay in uu Hargeysa yimid dhammaadkii 1959kii.

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ka mid ahaa foolaadkii ugu mudnaa fanka heesaha iyo muusigga Soomaaliyeed. Heesaa aan laga xiiso-goyn ayuu ahaa oo codkiisu la yaab lahaa. Codkaasi is-ma beddelin tan iyo maalintan uu dhimanayay. Wuxu ahaa laxan-dhaadhi curiya codadka.

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ku suntan yahay foolaadkii qarqooray ee dhidibbada u taagay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna heesaha, alxaanta iyo muusiggaba. Maxamed wuxu ka mid yahay horseedkii fanka. Wuxu ku bilaabay Qaraamigii oo ahaa casrigii Heellooyinka. Waxa ka horreeyay oo keliya balwadii ay hormuudka ka ahaayeen Qadiija Ciye Dharaar (Qadiijo-balwo) iyo Cabdi-sinimoo naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Maxamed, wuxu ka mid ahaa raggaa ama rabacaa rabacii xigay. Waa beryihii uu muusiggu socod-baradka ahaa. Waa beryihii darbuugadda, defka iyo sacabka. Waa beryihii ay caalamka muusigga ku soo kordheen: Cuudka, Dhex-yarta (Violin), foodhida, ‘clarinet-ka’ iyo qalab kale oo hor lihi.

Balwadii uu horseedka ka ahaa Cabdi-sinimoo waxay ku suntan tahay hilaad ku siman ilaa 1943kii. Isha ay Balwadu ka soo aroortay ama ay ka soo unkantay waa Dhaantada oo saacadaha dambe habeenkii lala fadhiisan jiray ardaaga oo fadhiga lagu heesi jiray. Kala-guurkaa Dhaantada iyo Balwada raggii horseedka ka ahaa waxaynu ka xusi karaynaa Diiriye Faarax Cabdi oo loo yaqaannay Diiriye-baalbaal, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Beryahaa Diiriye Baal-baal iyo hooballadii kale ee caan-baxay ee ay ka midka ahaayeen: Meyti-naar, Cadowubille, Sigad, Dhug-dhugle iyo qaar kale oo badnaaba waxa xarun u ahaa magaalada Jigjiga.

Halkaa markii xaal marayay ayay Heelladu dhalanaysaa iyada oo uu hormuud ka ahaa Cabdillaahi Qarshe. Waa xilliyo ku beegnaa kontannadii qarnigii 20aad. Qarshe wuxu Berbera ka soo degayaa 1945kii isaga oo Cadan ka yimid. Maxamed Saleebaan Tubeec waa halkan meesha uu kala qabsanayaa fanka Soomaaliyeed. Wuxu ka mid ahaa hooballada tirada yar ee u ab-tirin karayay codadka ama alxaanta qaraamka. Waxa jira cajalad uu duubay intii uu qurbaha ku noolaa oo uu kaga sheekaynayay codadka qaraamiga ama Heellooyinka. Waxaan xusuustaa, aniga oo nasiib u helay in aan cajaladda dhegaysto oo aan filayo in weli ku jirto keydka cajaladaha guriyga yaalla.

Laba cod oo uu aad ugu dheeraaday ayaan jecelahay in aynu halkan ku wadaagno, kuwaas oo kala ah codadka Raaxeeye iyo Murug oo midba saddex nooc ka qaadayo ama ku luuqaynayaba.

 

Xilligaa waa uu u soo joogay oo uu weliba si fiican ula fal-galay. Codadka qaraamka ee Maxamed Saleebaan Tubeec sida la yaabka leh ee loogu xusuusto waxa ka mid ah: Murug, Aroor, Xusuus, Isku-shuban, Kaar, Nugul, Carwo, Beer-dillaacshe iyo qaar kale oo badan.

Qormada 3aad

Waxa habboon inta aynaan halkan isla dhaafin in aynu kala saarno Heellooyinka iyo Heesaha oo labadaba muusig raaco. Heellooyinku waa qaraamiga. Waxa laga tidcaa oo laga soohaa oo keliya Badda Dhaantada ee Maansada Soomaaliyeed. Mowjaddan Heellooyinku iyada oo bilaabantay kontanaadkii qarnigii 20aad waxay ku soo af-jarmaysaa xilliyo ku beegnaa 1962kii. Heellooyinka magaca waxa la siiyaa codka ee lama siiyo ereyada. Heellooyinku baadi-soocda kale ee ay leeyihiin waxa ka mid ah in qof keliyi tirin karo iyo in la qalin-daraaleeyaba oo curintooda la wadaago. Waxa kale oo u gaar ah Heellooyinka in la wadaago oo heesaagu aanu kala lahayn ee ay wada qaadi karaan in kasta oo ay dhacdo in codadka qaarkood cid gaar ah oo ku wanaagsan lagu suntado.

Heesaha oo ka dambeeyay Heellooyinka magaca waxa la siiyaa midhaha. Heesaha waxa laga falkiyaa Badaha Maansada ee kale oo dhan ee aan ahayn Dhaantada oo Heellooyinka u gaar ah. Bal hadda u fiirsada in beydadka heellooyinka mid kasta lagu qaadi karo cod kasta oo waxa la kala duwayaa yahay laxanka ama codka oo keliya. Inta badan heesaha lama wadaago e’ intii hore oo dhan qof waliba heesta uu qaado ayuu iska lahaa, intii aanay soo bixin qurbo-jooggan aan dhaqammada caynkaas ah bir-ma-geydada ka lahayni. Labadaa marxaladoodba Maxamed Saleebaan Tubeec waa uu ka soo adeegay.

Sida aanu ka soo xigannay wareysi aad u dheeraa oo uu Maxamed Saleebaan Tubeec siiyay mareegta Somalilandtoday, yaraan ayuu fanka ku bilaabay isaga oo aan weliba helin cid gacan qabata oo macallin u noqota. Ku-sinnaan 1953kii ayuu bilaabay isaga oo 12 jir ahaa in uu durbaan iyo daf kaga heeso aroosyada magaalooyinka Berbera iyo Burco. Jabuuti ayuu qaan-gaadh ku tegay waxaanu hawl ka bilaabay Idaacadda Jabuuti oo uu markaa haystay Cabdiqaadir Waaberi.

https://encrypted-tbn1.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcTvJDN7EVdNfdS7nuyrc76jzf0B9maTSKTMjoxGyIjzjdq90oPdSida uu wareysigaa ku sheegay Maxamed Saleebaan Tubeec waxa beryahaa muusigga gacanta ku hayay niman Carbeed oo uu ka xusay: Maxamed Siciid, Cali Dammaan, Daaha, Xubeyri iyo Rashiid. Saaxiibbadii ayaa kula taliyay in uu tago Radio Hargeysa oo markaa shidnaa, sida uu ku tilmaamay wareysigaasi dheeraa. Waxay wada socdeen Maxamed Nahaari oo ay walaalo ahaayeen Ismaaciil Nahaari. Maxamed Nahaari kamanka ayuu tumi jiray, Ismaaciilna Dhex-yarta ama Rabaabka. Dhalasho ahaan Hindi ayay ka soo jeedeen. Waxay ku degeen Maxamed Siciid Faarax, Gu’-roon-jire oo qabay Maxamed Nahaari walaashii oo markii dambe ka dhimatay iyada oo carruur u lahayd.

Maxamed Siciid Faarax ayaa Maxamed Saleebaan Tubeec hello u tumay. Codkiisii ayuu ka yaabay. Aroortii Radio Hargeysa ayuu geeyay oo uu saddex heesood ka qaaaday oo kala ahaa: Carwo, Laac iyo Aroor. Sidii ayaa lagu qaatay laguna shaqaaleeyay. Waxa loo qoray mushahar ahaa: 230 shilin oo markaa u dhignaa lacag badan. Waxaan si fiican u xusuustaa in dhowr iyo lixdankii, magaalada Muqdisho sarrifka halka dollar ahaa lacag u dhiganta 6 shilin oo Soomaali ah. Abu-bidaarkaasi sidaas ayaanu qiimo u lahaan jirin, dadkuna aanay Hay’ado iyo Mareykan u sugi jirin. Ilaahay ayuu dadku u ciirsan oo la baryi jiray, iimaankana waa la qabay. Fiisayaashan lagu waashay cidiba ma doonan jirin iyada oo ay dalal badan Soomaalidu u fasaxnayd in ay bilaa fiise ku gasho oo Jarmalku ka mid ahaa beryaha qaar.

Wareysigan uu siinayo Somalilandtoday, Maxamed Saleebaan Tubeec oo ka sheekaynayay fannaaniintii berigaa joogtay Radio Hargeysa wuxu ka xusay: Cabdillaahi Qarshe,  Balweeye, Maxamed Yuusuf Cabdi iyo Cismaan Maxamed Cabdikariim oo raga ahaa. Dumarka wuxu ka xusay: Xaafuun, Nooleeya, Guduudo-carwo iyo Iftin.

Maxamed, wuxu ka sheekeeyay in uu kala kulmay waxoogaa hinaase ah codadkii uu la wadaagi jiray heesaaga kale. Markii dambe ayay heesaagii isu tegeen oo ay go’aansadeen ama soo jeediyeenba in aan qofna heestiisa laga daba qaadi karin. Xaaji Cabdi Ayuub ayay ula tegeen isaguna wuxu u gudbiyay madaxdii ka sarreysay oo kala ahayd Mr. Weber iyo Cabdiraxmaan Caabbi Faarax. Sidaas ayuu go’aankaasi ku meel-maray, Maxamedna wuxu intaa ku daray in aanay markaa wax la qaadaaba u hadhsanayn.

Maxammed Saleebaan Tubeec, wuxu intaa ku daray oo raaciyay in hal-abuurku ninba ninka xiga inta badan u dhiibi jiray heesaha. Waa iska dhaqan dabeecad inoo noqday immikana waa laga sii darayba oo wax waliba waxay iska noqdeen xigto-miis. Maxamed kama saarin meesha in uu hal-abuurka intiisa badan heesaha iyo ereyadaba ka heli jiray oo aanay kaga masuugi jirin.

http://www.fallsrivermusic.com/images/NeoSet5755/Violin%20pic.jpgWixii intaa ka dambeeyay, Maxamed wuxu ku biiray halgankii siyaasiga ahaa ee xoreynta dalka isaga oo ka mid noqday xisbigii SNL (Somali National League). Inta badan fannaaniinta heesaha waa loo samayn jiray, ragga wax allifana waxa ugu mudnaa: cabdillaahi qarshe iyo Gu’-roon-jire.

Maxamed isaga ayaa samaysan jiray heesaha uu qaadayo, tii ugu horreysayna waxay ahayd: Ina-abti Hodaneey. Heesaha kale ee berigaa caan-baxay waxa ka mid ahaa: Bal dadyow adduunka, Ammaanada Ilaahay, cimrigiiba jacayl iyo qaar kale.

Laba heesood ayaa beryahaa hal-ku-dheg noqday oo uu labadaba ereyadooda iska lahaa Xuseen Aw Faarax Dubbad. Haddii aanan khaldanayn sannadku waa 1964kii. Magaaladu waa Hargeysa beryihii ay shidnayd ee ay ahayd xarunta fanka, suugaanta, riwaayadaha iyo idaacadaha Soomaaliyeedba.

Ammaanada Ilaahay waxa la odhan jiray waxa loo tiriyay Maryan Xaashi oo madaarka Hargeysa Qaahira uga baxaysay. Waxay deeq-waxbarasho oo muusigga ka heleen dawladdii Masaarida. Waxa wada tegay: Axmed Cali Haaruun, Feysal Cumar Mushteeg, Axmed Maxamed Good iyo Maryan Xaashi. Beryihii dambe magacii Ammaano waxa loo bixiyay Maryan Xaashi.

 

Qormada 4aad

Heesihii 26kii Juun

Meelaha ama munaasibadaha sida gaarka ah loogu calaamadsaday Maxamed Saleebaan Tubeec fannaanimadiisa iyo cod-wanaaggiisa waxa ka mid ah fursaddii calan-saarkii 26kii Juun ee 1960kii oo ka dhacday ama ku qabsoontayba Beerta Xorriyadda ee Hargeysa. Markii hore labada calan – Ingiriiskii iyo kii Soomaalida – waxa la isku weydaariyay garoonkii kubadda cagta ee Malcaamadda Ina Baraawe u dhawaa. Waa goobta uu Timacadde ka jeedinayo maansada cir-baxday ee “Kaana sib, kanna saar.” Waa goobta uu Ibraahin-dheere ka dhisay Masaajidka oo hore u ahaan jiray xaruntii Xaafaddii 26kii Juun. Bilowgii goobtu garoon carruurtii aan ka midka ahaa kubbadda ku ciyaarto ayuu ahaa.

Habeennimadii waxa la isugu tegay Beerta Xorriyadda. Laba kooxood oo faneed ayaa ka heesayay: Walaalo Hargeysa iyo Kooxdii Xisbiga NUF-ta ee ay ka midka ahaayeen Cismaan Maxamed, Siraad iyo Cali Jimcaale oo muusigga tumi jiray. Maxamed Saleebaan Tubeec Kooxda kale oo Cabdillaahi Qarshe madax u ahaa ayuu la socday.

Heesihii Maxamed Saleebaan Tubeec habeenkaa madashaa billayd ka qaaday:

  1. Soomaaliyeey dallacnoo, manta dawlad baynu nahee oo uu ereyada, laxanka iyo ku-luuqayntaba uu isagu iska lahaa,
  2. Caawa waa habeenkii oo uu ereyada, laxanka iyo codkaba iska lahaa,

http://fc06.deviantart.net/fs71/i/2012/262/7/7/japanese_shakuhachi_bamboo_flute_by_worldwindsmusic-d5f9dd2.jpgWaxa kale oo jirtay in uu Maxamed madashaa habeenkaa ka qaaday heesaha kala ah: Waa mahad Allee, Alla Maanta ayaantan iyo qaar kale oo badnaa oo uu luuqdooda iyo dareenkoodaba ku xarragooday dhego baanna ku soo jiitay.

Halkaa markii uu marayay ayaa Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu wareysigiisaas Somalilandtoday ku odhanayaa: ka dib waynagii is-dhiibnay ee Xamar la wada tegay.” Wuxu sheegay in markii ay dadkii Xamar u hayaameen fankiina raacay.

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu intaa ka dib ka sheekaynayaa fannaniintii ay halkaa ugu tageen waxaanu xusay magacyada kala ah:

Muusigyahannada: Xuseen mabruuki, Baajuuni iyo Maxamed Siciid oo dhammaantood uu ku sheegay Baajuun. Magacyada kale ee uu xusay waxa ka mid ahaa: Axmed Naaji, Xareedo Faarax (Duniya) iyo Qadiija Cabdillaahi Dalays. Wuxu Maxamed sheegay in aanay heeso lahayn bal se ay qaadi jireen wixii ay Radio Hargeysa ka dhegaystaan.

Haddii aynu u leexanno dhinaca Riwaayadaha, Maxamed Saleebaan Tubeec raad caynkaas ah kagama tegin. Marka aynu dhex qaadno taariikhdiisii faneed, waxa dhacday in Maxamed saleebaan Tubeec jilaaga 1aad ka noqday laba Riwaayadood oo muhiim ahaa. Riwaayadahaasi waxay kala ahaayeen:

Alla-aammin ma iisho, waxa curiyay Axmed Saleebaan Bidde. Waa Riwaayaddii uu ku caan-baxay. Waa sannadkii 1964kii iyo magaalada Hargeysa. Asalkeedii hore Riwaayadda (original) waxay jilayay Seynab Xaaji Cali, Baxsan iyo Maxamed Yuusuf Cabdi. Mar kale ayaa Riwaayaddan la qaadayaa, markanna waxa jilaa ka noqday Maxamed saleebaan Tubeec iyo Faadumo Cabdillaahi, Maandeeq. Maxamed Aadan Dacar, wuxu ii sheegay in ay Riwaayaddaa Cadan u qaadeen.

Riwaayadda 2aad ee aan Maxamed Saleebaan Tubeec, ku bartay kuna daawaday waxa iska lahaa Cabdilqaadir Cali Cigaal. Waa dhowr iyo toddobaatankii iyo Muqdisho. Waxa jilayay Maxamed Saleebaan iyo Magool. Magacii ma xusuusni, laakiin waa Riwaayaddii ay ku jirtay heesta caan-baxday ee Nayruusku waa.

Dhowr Riwaayadood oo uu xataa samayntoodii wax ku lahaa isla markaana jilay ayaa jiray oo ay ka mid ahaayeen:

  1. Jacayl boob uma baahna,
  2. Isa-seegga jacayl,

The Oud - Instrument © Flickr / captain.orangeHaddii aynu u noqonno dhinac noloshiisii qoysnimo, Maxamed Saleebaan Tubeec tiraba 3 jeer ayuu guursaday. Wuxu kala guursaday:

  1. Qadiija Ismaaciil: 3 wiil iyo 2 hablood,
  2. Faadumo Duur: 1 wiil,
  3. Xaawa Aadan: 1 gabadh,

Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxu ku sheegay wareysi ay BBC-du ka qaadday in uu aabbihii gabyi jiray. Maxamed, wuxu wareysiyadaa ku tiriyay tuducyo ka mid ahaa afarrey uu aabbihii tiriyay mar magaalada Berbera lagu xidhay. Waxaan aad uga xumahay in aanan halka ku soo gudbin karayn luuqdii macaanayd ee uu Maxamed tuducyadaa ku tirinayay. Waa kuwan labadii tuduc:

Aabbihii oo ka cabanayay adeerkii Cali oo xabsigii ugu iman waayay ayaa yidhi:

“Aw Cali sifaa duunyadii, gelinba waa cayne,

Waxaad igu salaantaa berriyo, saad dambaan imanne,

Wixii sadkaa laga dhigaad, igu sabaysaaye,

Ha ii soo fidin hadalkaagu waa, sun iyo waabaye,”

Maxamed Saleebaan wuxu intaa ku daray in beryahaa qofka la xidho silsilad lagaga jebin jiray lugaha oo haddii cidi u timaaddo laga furi jiray. Saleebaan wuxu bilaabay in uu ka cawdo silsiladdii ku xidhnayd ee adeerkii uga soo gurman waayay, waxaanu yidhi:

“Addimmada bir baa igaga jaban, agab-la’aaneede,

Edge baa la igu oodayoo, la igu eegaa dheh,

Ardaygaba haddaan macallin wadin, ma aflaxeen diin dheh,

Usha kulul haddaan lagu gubayn, erey ma yeedhsheen dheh,

Anigana sidii oori dumar, edeg la ii ood dheh,”

 

Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah

mahamed sulayman tube126“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. www.dharaaro.com

21/3/20014ka, Hargeysa,

Qormada 6aad

Dhacdada 3aad

Waa dhacdo kale. Mar kale ayaan nasiib u helay in aan dhegaysto Maxamed Saleebaan Tubeec oo ay BBC-du wareysanaysay. Wuxu joogay dalka Swizerland, gar ahaan magaalada Geneva. Waxa laga wareysanayay cajalad ay ku jireen dhowr heesood (album) oo uu lahaa. Maxamed wuxu ku sugnaa meel ‘studio’ ah oo waqti xaddidan loo kireeyay si uu u duubo qaar ka mid ah heesihiisii. Muusigga waxa laga tumayay magaalo ku taalla Mareykanka oo labada dhegood ayuu ku haystay samaacado uu muusigga ku dhegaysto.

Maxamed Saleebaan Tubeec maalintaa wuxu wareysigiisaa ku sheegay in aanu wax tababar ama diyaargarow ah samaynin, bal se uu muusiggii ku heesay isla markii la soo daayayba. Maxamed wuxu maalintaa ku sheegay wareysigiisaa in aanu daqiiqadna ha noqoto e’, wax diyaar-garow ah samaynin. Waa wax ay adag tahay sida lagu sameeyaa oo aanu qof waliba samayn karayn, bal se ka suurtowday Maxamed Saleebaan Tubeec.

Heesihii uu maalintaa duubay waxa ka mid ahayd hees uu mar keliya oo ahayd 1964kii Radio Hargeysa u duubay, dib dambena aanu marna u qaadin. Waxa loo tumayay muusiggan casriga ah ee muusiggu ma ahayn kii dhaqameed ee Cuudka iyo durbaanka ahaa. Heestu waxay ahayd heesta hal-ku-dheggeedu yahay: “Waan duuli gaadhay sida dabaysho.”

Hal-abuurkii, murti-dhaadhigii, laxan-dhaadhigii maadeeyaha ahaa ee Xuseen Jaamac Rooble (Xaaji Gujis) ayaa iiga sheekeeyay in uu heestaas ereyadeeda ku curiyay gaaf (aroos) ay ka qayb-galeen oo Hargeysa ka dhacay 1964kii. Xaaji gujis wuxu intaa iigu daray in ay isla habeenkiiba codka saareen, subaxnimadiina Radio Hargeysa u duubeen.

Fahmada iyo surmo-seegto la’aanta muusigna sidaas ayuu ka ahaa Maxamed Saleebaan Tubeec.

Xanuunkii iyo geeridii

Maxamed Saleebaan Tubeec, sida in badan oo la mid ahayd ama la xirfadba ahayd wuxu dibad-baxay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya sadheeyay. Calafka iyo nasiibkuba waxay geeyeen dalkaa Swizerland oo aan marti-gelin dad badan oo Soomaaliyeed. Fannaaniinna waxaan u malaynayaa in uu keli ahaa haddii aanu qof kale wehelin.

http://somalilandpress.com/wp-content/uploads/2014/02/Radiohargeisa-618x415.jpgMaxamed, wuxu ku xanuunsaday Swizerland, ka dibna waxa loo soo qaaday dalka Jarmalka. Xaaladdiisii caafimaad ayaa laga deyriyay. Qaylo-dhaantii ayaa is-qabsatay. Baaq dheer oo gurmad iyo taakuleynba lagu dalbanayo ayaa meel walba loo diray. Shacbiga Soomaaliyeed meel ay joogeenba waa lala hadlay. Maammullada kala duwan ee degellada Soomaaliyeed ayaa lala hadlay. Cidba meel ay tamari dhigtayba laga soo gurmay.

Maxamed xaqii ayaa ku soo degay, isaga oo ay la joogeen laba ka mid ah carruurtiisii. La-ye Maxamed Saleebaan Tubeec intii aanay naftu ka bixin wuxu ku dardaarmay in lagu aaso magaalada Berbera oo ay ku aasan tahay hooyadii Shaqlan.

Muran iyo dood ayaa ka dhacay. Waa la kala jiitay. Berbera ayaa la geynayaa. Maya e’ Muqdisho ayaa loo qaadayaa. Hadal iyo hadaaq badan ka dib, Maxamed Saleebaan waxa lagu aasay magaalada Muqdisho. Nin walba halkii Ilaahay u qoray ayaa lagu aasayaa.

Cid kasta oo Maxamed Saleebaan u gurmatay waa ay mahadsan tahay. Geesta kale haddii aad iska taagtana xil saarnaa oo isaga iyo dad kaleba ka saarnaa ayay gudatay Xukuumadda Muqdisho..

Maxamed, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, waxay ahayd in loo tix-geliyo dardaarankiisii ahaa in Berbera lagu aaso. Si kale haddii aan u dhigana, Maxamed ruuxiisii halkii uu jeclaa ayuu tegay ee bedkiisii ayaa lagu aasay Muqdisho.

Haddii Muqdisho lagu aasayna waa degel Soomaaliyeed oo ubadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba soo booqan karaan. Kol haddaan meel baas iyo reero muskood iyo dibad la inagaga aasin, waa Ilaahay mahaddii.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, dhammaanteenna, samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Dhammaad

 

 

 

Additional information