Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 11aad, 12aad, 13aad.

Haa…..Waa tuduc ka mid ah dhaxalkii suugaaneed ee Faarax Nuur inooga tegay soddonaadkii Qarnigii 20aad. Waa suugaanta aan duugoobin ee saacad walba taagan. Sidaas ayay suugaan dhab ah ku tahay oo mar walba loo soo xigtaa.

 

 

 

 

Bogga Khamiisle

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 11aad

Shirqoolka ‘Milinium’-ka: Ma khiyaamo Qaran baa? Ma khilaaf dhexdeennaa? Mise Waa Khal-khalin?

http://www.somalilandchamberofcommerce.com/sitebuildercontent/sitebuilderpictures/calan.gifQosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo,
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo,
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad,
Qullaab iyo kullaab iyo lacaab, laysu qarinaayo,
Qiyaamada kobtaa daahiraan, qun ugu soo jeedo,
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane,
Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono.

Maansadii Faarax Nuur ee “Booraan afkii laga qafilay”,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

15/5/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Haa…..Waa tuduc ka mid ah dhaxalkii suugaaneed ee Faarax Nuur inooga tegay soddonaadkii Qarnigii 20aad. Waa suugaanta aan duugoobin ee saacad walba taagan. Sidaas ayay suugaan dhab ah ku tahay oo mar walba loo soo xigtaa.

Waa Khamiisle xooggan……Waa Khamiisle taraar…..Waa Khamiisle digniin iyo dawanba u ah khataraha ina soo galay ee qarannimadeenna iyo madax-bannaanideenna halista ku ah ee ay gadh-wadeenka ka tahay Madaxtooyadan halaq-mareenka noqotay……Waa Khamiisle xusuus u ah ummusha illowday eedaadkii soo maray……Waa Khamiisle ina xusuusinaya inta wiil iyo gabadh lagu waayay qaddiyaddan dhawaan-xoolowga Madaxtooyada barriinsaday ciyaarta ka dhiganayaan.

Waa qardhaas ay tahay in aad jaxaasataan……Waa xirsi-xidh……Waa durbaan digniin culus sida……Waa tilmaan idin tusaysa dawga toosan oo idin ka leexinaysa tubta qalloocan ee idin dhaxalsiin karta mar kale in aad if iyo aakhiroba seegtaan. Waa guul idiin suntanayd oo qiime aan la qiyaasi karin idin ku joogtay sidii aad u ilaashan lahaydeen……Waa sidii aad iskaga ilaalin lahaydeen niman aad xilal u igmateen oo indhihiinnii oo shan ah doonaya mar kale in ay idin la ambadaan.

6dii bishii Ogos, 1984kii, waxaanu ku jirnay Shirweynihii 4aad ee SNM oo galabnimadii ka furmay magaalada Jigjiga. Waxay ahayd waqti ku beegnaa salaaddii casar ka dib. Markaas ayuu Shirweynuhu si rasmiya ugu furmay Aayado Quraan ah iyo Khudbaddii furitaanka oo uu akhriyay Damal Cabdilqaadir Koosaar Cabdi oo xilka Guddoomiyaha wareejinayay. Shahiid Axmed Maxamed Warsame (Genius) ayaa Shirweynaha ka akhriyay hees la yidhaahdo “Dhayalsi”, dadku se inta badan u yaqaanno “Dharaaraa na soo maray.”

Isaga oo hallowgii Maandeeq ka hadlayay, Tuduc heestaa ku jiray ayaa ahaa:

“Intay dhibibidee hore,

Intay dhididday ee kale,

Intay dhaqan xumaatiyo,

Intay dhacantay Maandeeq,

Midna kuma dhadhabayee,

Yay dhliili doonaan,

Hadday dhama’do caawana,”

Shirweynahan 4aad, waa kii markii ugu horreysay lagu doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo oo markaa dibadda ka yimid ay ahaydna markii ugu horreysay ee uu goobaha halgankii hubeysnaa yimaaddo. Waxay wada socdeen rag kale oo uu ka mid ahaa Ibraahin Meygaag Samatar oo isagana loo doortay Guddoomiyihii Shirweynahaa 4aad. Dhaqankeenna ayaa iska caynkaas ah iyo in aanay is-indho-buuxin hadba intii meel wada joogtaa. Waa qaar ka mid ah arrimaha aynu ilaa maantadaa u dhutinayno aakhirkana u dhiman doonno.

Tuduc kale oo dardaar-werin ahaa oo maansadaa ama heestaa ku jiray ayaa isaguna ahaa:

“Ma Dhurwaa I haystaan,

Ku beddeli Dhurwaa kale,

Mise aniga Dhiil-xoor,

Igamaba dhammaadoo,

Marka Dhahar la waayaba,

Dhiqlaa soo beddeli jiray,”

Madax-bannaanida Somaliland ama gobolladii Woqooyi ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee Dimuqraadiga ahayd, waxay ahayd fikrad si joogto ah ugu jirtay maskaxda dadkii halgamayay. Golayaasha hoggaaminta ee SNM arrintaa kor looma qaadi jirin iyada oo la dhowrayay ra’yal caamka dunida oo ka soo hor jeeday qayb-qaybsiga. Waxa kale oo arrintaa aad u diiddanayd dawladii Itoobiya oo bah-wadaag la ahayd Beesha hanti-wadaagga ee sida dadban noo taageeri jirtay. Gobolaysiga iyo qaybsanaantu waxay ahaayeen arrimo ay ka soo hor jeedday dawladdii Itoobiya iyada oo danaheeda iyo midnimadeeda dhowraysay. Dadka Soomaaliyeed waxa laga yaabaa in ay qabeen fikradda ah in ay Itoobiya Soomaalida qaybinaysay.

Xornimo iyo madax-bannaani ayaa loo dagaallamayay, dadkuna waxay u yaqaanneen ‘Qaddiyad’. Waa loo soo jeedi jiray, waa laga werweri jiray, in ay ambato ayaa laga ilaalin jiray, in lala ambado ayaa laga ilaalin jiray. Mujaahidiinta iyo guud ahaanba SNM-tu ma ay oggolaan jirin in xataa Guddoomiyaha SNM kelidii cid gaar ah arko. Si gaar ah waxa loo ilaalin jiray in aanu Guddoomiyuhu kelidii arag Mengistu Haile Mariam. Arrin ay Guddoomiyayaashu ka sinnaayeen ayay ahayd. Mudane Axmed Siilaanyo oo SNM hoggaaminayay Ogos, 1984kii ilaa Maarj 1990kii, maa daama uu muddadii ugu dheereyd hoggaaminayay muddada ugu dheer isaga ayaa la ilaalinayay.

1984kii, markii uu Siilaanyo imanayay ama ku soo biirayay SNM, wuxu ka soo kicitimay magaalada London. Axmed Siilaanyo uma ololayn in uu SNM Guddoomiye ka noqdo, bal se dadkii markaa joogay ayaa u gartay. Damal Cabdilqaadir Koosaar ayaa xilka Guddoomiyaha hayay oo laga ololeeyay oo weliba intii ka ololaysay ay u badnaayeen saraakiisha millateriga oo Koosaar ximin jirtay iyo reerkiisa. Cabdilqaadir si xishmad iyo xarragoba leh ayuu xilka u wareejiyay. Waxaan amminsanahay in uu ahaa hoggaamiyihii ugu roonaa ee SNM soo mara.  Berigaa uu Siilaanyo noo yimid waxa la odhan jiray wuxu ka tirsan yahay urur la odhan jiray: “Somalia first” oo dibadaha ka dhisnaa.

Markii uu Shirweynahaa 4aad dhammaaday ayaa hoggaankii hore iyo kii cusbaa isu raaceen Addis-Ababa. Ka mid baan ahaa wefdigaas. Waxa kale oo nala socday Nuuradiin Maxamed Xaashi oo xiliigaa ahaa Xoghayihii Golaha Dhexe ee SNM. Habeen aanu fadhinay qolkii Koosaar ee Hudheelka Gannad oo aanu afar nahay, ayuu Siilaanyo oo xilka ku cusbaa yidhi: “Haddii aynu dhowr gobol qabsanno, miyaynaan gor-gortan la geli karin nidaamka?” Guddoomiye, Siilaanyo waxaanu ka codsannay in aanu hadalkaa mar kale meel kale kaga celin.

(Hadal-haynta 11aad, Qormada: 2aad la soco maalinta Sabtida haddii Eebbe idmo)

“Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso,”

----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Shirqoolka ‘Milinium’-ka: Ma khiyaamo Qaran baa? Ma khilaaf dhexdeennaa? Mise Waa Khal-khalin?

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

15/5/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 2aad

Waxa kale oo aan xusuustaa beryihii ay Cawil iyo Baashe soo af-duubeen dayuuraddii Somali Airlines ee Addis-Ababa la soo fadhiisiyay in aanu lahayn Kal-fadhi Gole Dhexe oo Saldhiggii Raamaale ee Diri-dhabe ku shirsanaa. Waxay ahayd bishii Oktoobar 1985kii. Siilaanyo oo Kal-fadhiga guddoominayay ayaa tilifoon loogu yeedhay. Markii uu ka soo noqday, wuxu noo sheegay in uu ahaa Muuse Rabbiile Good oo saraakiishii inqilaabkii 1969kii samaysay ka mid ahaa oo Istanbuul ka soo hadlayay. Waqti dheer ayaa ka soo wareegay, bal se waxaan u malaynayaa in uu ka hadlayay sidii ay SNM iyo nidaamkii Siyaad Barre wada-hadaloo u furan lahaayeen. Ma ay noqon arrin loo rixiyo ama la taageero. Run ahaantii garan maayo in Muuse Raabbiile Good isaga oo Istanbuul maraya uu jeclaystay in uu tilifoonkaa soo diro iyo in berigaaba Turkigu ku hawlanaa sidii Soomaalida is-dilaysay u wada hadli lahayd.

Waa xilliyadii loo gogol-xaadhayay wada-hadalladii u furmay Siyaad Barre iyo Mengistu Haile Mariam, 1986kii. Beryahaa waxa hal-hays loo lahaan jiray koox kubbad ciyaaraysa oo Soomaaliya ka imanaysa ayaa Addis-Ababa imanaysa oo dadka ayaa cabsi iyo khalkahl lagu gelin jiray. Waxa la isla dhex mari jiray inta aanay arrintaasi iman aan ka tabaabushaysanno. Arrintaa kubbaddu in badan oo dambe ayay soo noq-noqotay waxaana loo badinayay ina y ahayd dacaayad hoggaanku waday.

Markanna waa 1989kii. Waxaan filayaa ilaa bishii siddeedaad in ay ahayd. Madashu waa meel la yidhaahdo Mada-weyn. Waxa ku shirsanaa Golaha Guurtida. Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa Guddoomiyaha SNM ayaa damcay in uu markii ugu horreysay soo jeediyo in Gobollada Woqooyi loo sameeyo maamul ka madax-bannaan Soomaaliya. Taanbuug weyn ayaanu ku jirnaa. Ilaa 14 xubnood oo Golaha Dhexe ee SNM ayaanu ahayn. Xubno Guddida Fulinta ahina waa ay fadhiyeen. Waxaan filayaa in saraakiishana cidi ka joogtay. Dood dheer oo aan rasmi ahayn ayaanu ka gallay. Habeenkaana Axmed Siilaanyo waanu ka hor joogsannay in uu ku dhawaaqo arrintaa madax-bannaanida oo Golaha Guurtida ka hor sheego. Waxaanu u arkaynay in aanay daacad ka ahayn ee ay ka ahayd olole uu ku gelayay Shirweynihii 6aad oo ku qorshaysnaa Maarj, 1990kii.

Shirweynihii 6aad oo ka furmay Balli-gubadle 31kii Maarj habeennimadii oo Ramadaan ahayd wuxu dhammaaday 28kii Abriil 1990kii. 14kii Abriil, 1990kii ayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali loo doortay Guddoomiye, Xasan Ciise Jaamacna Guddoomiye-ku-xigeen.

Arrinta labaad ee aanu soo-jeedintii Siilaanyo diidmadeeda amah or joogsigeeda u cuskannay waxay ahayd annaga oo qarka u sarnayn in aanu dalka qabsanno, in aannaan isku soo jeedin ururradii iyo dawladihii na taageerayay oo kal-go’ aan raalli ka ahayn.

Laba sannadood ka dib, 1991kii, intii aan lagu dhawaaqin madax-bannaanida Somaliland Axmed Siilaanyo isaga oo ku sugan magaalada London wuxu soo saaray, daabacay oo faafiyay warqad (Paper) afka Ingiriisiga ku qornayd oo uu ku soo jeedinayay sidii qaab Federaal ah Soomaaliya looga dhaqan-gelin lahaa. Wax yar ka dib wuxu ku soo noqday magaalada Burco oo uu ka soo socday Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo ahaa xeer-dejintii sharciyaysay la-soo-noqoshadii madax-bannaanida Somaliland.

Maalmahaa Cabdiraxmaan Tuur ayaa soo jeediyay in la sameeyo jago Ra’iisal-wasaare, taas oo uu Axmed Siilaanyo olole u galay, bal se fikraddaa markii dambe laga noqday. Kal-fadhigaa Golaha Dhexe arrintaa dood ayuu geliyay. Noofambar 1991kii ayay fikraddaasi mar labaad soo noqonaysaa. Markanna waxa olole u galay Ibraahin Meygaag Samatar. Nasiib wanaag mar kale ayaa haddana laga noqday. Xataa mar labaadkan waxay gashay arrintu dood Kal-fadhigii Golaha Dhexe oo Hargeysa, Maxkamadda Goodirka, ka sii socday, bishii Noofambar 1991kii.

Sidii Qaddiyadda gaadhka looga hayay ayaa dalka lagu xoreeyay. Khasaare ballaadhnaa oo naf iyo maalba lahaa ayaa loo huray. Da’-yartii ayaa loo sadqeeyay. Magaalooyinkii ayaa burburay. Maatadii oo qaxaysa ayaa dayuurado loo soo kiraystay calooshood-u-shaqaystayaal Koonfur Afrika laga keenay lagu duqeeyay oo lagu laayay. Boqollaal kun oo dadweynihii ah ayaa ku dhintay, ku qaxay oo Itoobiya iyo dibadaha ku galay, ku naafoobay ama ku hanti beelayba. Masiibadii ugu darnayd ee ifka intii ay ku noolaayeen ku habsata ayaa ummaddan dusha kaga dhacday oo ay ilaa maanta ka soo kaban la’ yihiin.

Nin Mujaahid ahaa oo shahiiday oo la odhan jiray Xuseen Maxamed Cumar (Xuseen Xannaan) oo macallin ahaan jiray ayaa hal-hays wuxu u lahaan jiray innaga arrinteennu waa “Qaddiyad”, Ogaadeenkana (Soomaali-galbeed) waa “Xaajo”. Beryahaa waxaanu aad u dhegeysan jirnay maanso aanu aad u jeclayn oo Dhoodaan lahaa oo halkudheggeedu ahaa: “Xaajadii”. Aan godollo ka soo qaato:

Waagii hummaajidu ahayd, halabadii guusha,

Xaajadii huluulaha gashee, haatuf ka adeegay,

Xaajadii halaagguba ka dhacay, ee huqdiga reebtay,

Xaajadii hurgumadeedu ay, heerka culus gaadhay,

Xaajadii hadhkii loo fadhiyay, geeda hoos badan leh,

Xaajadii habeenkii ardaa, lagaga haasaaway,

Xaajadii horseedkiyo ergadu, waayo ku harraaday,

Xaajadii halyay daacadiyo, hanaddo loo soocay,

Xaajadii cirroolaha hufiyo, hebelo loo doonay,

Xaajadii markay hoga gashaba, la isku haaraamay,

Xaajadii hagaag diidayee, lagu heshiin waayay,

Xaajadii hirgali wayday ee, hadal ka soo daashay

Xaajadii hagoog iyo waxay, sir u hullaabnaydba,

Markay hoos u jiidaan waxay, kor u hayaantaaba,

Humse iyo waxay qoomammiyo, hibasho keentaaba,

Belo ka hig lahayd iyo waxay, baas la huguntaaba,

Idiin ma wada dhammayn karayo e’, halkaas ayuu la maray. Hadda waa ‘Xaajadii.’ ‘Qaddiyadduna’ kama ay duwanayn wax badan

Meey 1991kii ayaa dawladdii ugu horreysay la dhisay oo ay Madaxweyne iyo ku-xigeen ka ahaayeen Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac. Laba sannadood oo ku-meel-gaadh ahaa ayaa xilka loo dhiibay. Dal burbursan oo aanu dhaqaale jirin, wax yar ka dibna dagaallo sokeeye ayaa bilaabmay.

Waxa lagu ballamay Boorame, Maarj 1993kii. Waxa halkaa ku qabsoomay Shirweynihii ugu horreeyay ee Golaha Guurtida oo markii ugu horreysay la wareegtay awooddii xeer-dejineed ee Golihii Dhexe ee SNM. Dawladdii labaad oo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Madaxweyne ka yahay ayaa halkaa lagu soo dhisay. Murankii Shirweynahaa ka dhashay ayaa sabab u noqday in ay mar kale dagaallo sokeeye dalka ka curtaan..

Madaxweynihii hore ee Cabdiraxmaan iyo dad sii raacay ayaa Xamar ka degay oo ku dhawaaqay in ay amminsan yihiin mabda’a Federaalka. Arrintaasi dagaallo hor leh iyo khasaare aan loo fadhiyin ayay keentay. Burbur hor leh ayaa dhashay iyada oo aan kii hore laga soo kaban. Dad baa ku dhintay. Dad baa ku naafoobay. Hanti badan ayaa lagu waayay.

Dadweynaha marna tuhunka iyo shakigu kama bixin ee Madaxweyne kasta oo yimaaddaba gaadh ayaa laga hayay. Cigaal iyo Ra’yaale ayaa u kala dambeeyay. Midna lama barrixin ee mid walba waxa la lahaa wuu ina celinayaa oo koonfur ayuu inagu darayaa. Tuhummaddaasi qaar marna hadhay ma ay ahayn ilaa maantadaa aynu taagan nahay.

Taasi waxay keentay in waxan xeerar laga dhigto oo laga yeesho. Waxay keentay in nimankan siyaasiyiinta ah dabar iyo seeto aanay ka tallaabsan loo tidco oo loo sameeyo. Xeerarkii ugu horreeyay ee Qaddiyadda lagu ilaalinayay ayaa la dejiyay markii ay tuhmaduhu dabarka goosteen ee la malayn kari waayay hindisayaashii siyaasiyiinta.

Baarlamaanka Somaliland ayaa si wadajir ah u go’aamiyay Go’aammadan soo socda.

(Hadal-haynta 11aad, Qormada: 3aad la soco berri, haddii Eebbe idmo)

“Ummad yahay tiraa kaa gedmane, wax isu geygeyso,”

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 12aad

Xanuunka Waddo-walafka ee Xukuumadda

“Waxaad waaliftoon wed kaa helin,

Ka waantoobay waa war loo noqon,”

Maxamed Ismaaciil Baa-sarce (Barkhad-cas)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

22/5/2014ka, Hargeysa,

http://codkahargeysa.com/codka/wp-content/uploads/2014/05/IMG_0185.jpgWaddo-walafku, waa xanuun cusub oo si la yaab leh u saameeyay Xukuumaddeennan Kacaan-u-eg ee dadkii ku haysata: “Waxaanu qabannay maxaad u sheegi weydeen?” Runtii waa aynu sheegi lahaynba e’, mid wax sugaysa ayaanay ahaynba. Dulqaadka ayaa ku yar. Intaa diihaal ayay la sahaysaa. Baalla-daymaha iyo calool-taabashada ayay kaga dartay. Marka dambe ee ay hamaansato ayay sidaa gacanta u marisaa hunguriga. Dab liqaanu idin nidhi.

Ma cid baa dafirsan in ay waxyaabo maaddiya oo qosol-ku-jab u badan qabatay oo dhal-dhalaalkooda meelahaa laga arko. Bal amarka ilaahay xataa Xuruuftii ayay u kala eexdeen oo wax-qabadkoodii ayaa Xarafka Da’ (D) dhaafi la’. Miyaan idiin tirayaa? Ma laga yaabaa in aad ku hafataanba: Derbi, Daar, Dugsi, Daw, Dallacaad, Derejo-bixin, Dabbal, Dal-meer, Dibad-meer, Dibad-jacayl, Dulmi-taran, Debno-xidh, Dollar-raadin, Dirham-quud, Duub-xun, Demmen, Doqon-kaal, Diric-ciil, Dembi-badan, ma tirin karayo ee intaad doontaan ku darsada.

Waa Madaxweyne iyo Xukuumad lagu falay Waddo. Kuwa dhaadheer ee ay dhagax-dhigtay inaga daaya. Bal isku kooba Wajaale oo aan dhammayn 18 kiiloo-mitir. Malahayga qiyaastii saddex ilaa afar jeer waa la dhagax-dhigay. Intaas oo jeerna waa la furay oo xadhigga ayaa laga jaray. Intaas oo jeer oo kalena dhagax-dhiggii ayaa la cusboonaysiiyay. Mar wasiir baa xadhigga ka jara, marna Madaxweynaha ayaa loo dalbadaa. Bal amarka Ilaahay waxa lagu kari la’ yahay kiiloo-mitirna ha noqoto e’ mar uun ninkaa Seylici u dira. Laakiin waa tii ay hore u sheegeen in aan isaga Waddooyinku u qaalibnayn. Midda kale dee waddooyinku waa mudnaantii 1aad oo ku-xigeen iyo waxaa looma diro. Wasiir darban ama Madaxweyne daallan ayaa xadhigga ka jara. Hadda sidaa ay tahay Wajaale ilaa Kalabaydh laammi laguma sheegayn ee waa labeen ayaa la lahaa oo dadku u badinayay. Iyaga iyo Allahood e’.

Bal ka warrama waddooyinka ay xukuumaddan dulmi-jecel dhagax-dhigtay, marka 5tii kiiloo-mitirba Madaxweynuhu mar furo. Alla maxaa hawl ina sugaysa. Waxaan soo xusuustay ma-hadhooyinkii Jabhaddii iyo da’-yartii seegtay fursadihii haasaawaha.

Beryihii dalka la xoreeyay ayay barbaartii Jabhadda ku soo kortay la qabsan kari weyday noloshii magaalada. Hablo iyo haasaawaba hore uma ay arag. Mustafe iyo  xertiisa ayaa galab-galab nala fadhiisan jiray. Qaadka inta la jarjaro oo la kaco ayaa haddana la soo noqdaa. Waxay noo sheegeen in ay garan la’ yihiin sida hablaha loogu sheekeeyo oo ay ka qabsatay hawl-gal iyo siyaabihii loo fuliyay oo aanay habluhu jeclayn. Dagaalladii Buuraleyda aay uga sheekeeyaan. Iyaga oo sheekaynaya ayay habluhu ka dhaqaaqaan iyaga oo leh: “Alla hoogay, sidaas ayay sheekadii dagaallada intoodii badnaydna iigu hadhay.” Innaga ayaa maanta taas oo kale u taagan oo waxaas waddo la dhagax-dhigay ina sugayaan. Alla maxaa xadhig-jar iyo dhagax-cusboonaysiin inoo hadhay. Waa haddii ay run ka ahaydba.

Waxa la yidhi Madaxtooyada ayaa dalbatay nin khabiir ah oo Somalilander ah oo Mareykanka deggenaa. Madaxtooyada ayaa xafiis looga furay. Waxa laga codsaday in uu xukuumadda u sameeyo barnaamaj habaysan oo ‘electronic’ ah. Waxa la weydiistay in uu wasaarad iyo hay’ad kastaba u sameeyo: Guud-mar kooban iyo saddexda baahiyood ee ugu mudan ee cid waliba leedahay (priority). Ninkaas, waxa la sheegay in la yidhaado Dr. Dibad-joog. Waa xeel-dheere xataa Mareykanku ka yaabay.

Wasaaradihii ayaa saf u soo galay. Guud-markii koobnaa ayuu ka wada qaaday. Ka dibna mid walba wuxu weydiiyay saddexda Qodob ama arrimood ee mudnaanata 1aad u leh. Mid waliba saddexdiiba waxay ka dhigtay waddo. Wuu yaabay. Wuxu weydiiyay: “Waar miyaan dalka baahi kale jirin?” Waxa loogu jawaabay horto waddo loo maro ha la helo.

Dhowr jeer ayuu codsaday in uu Madaxweynaha arrimahan uu ka fajacay ka arko. Dhowrkii jeerba waxa loogu jawaabay: waddo ayuu soo dhagax-dhigayaa, waddo ayuu soo furayaa, dhagax-dhig waddo ayuu soo cusboonaysiinayaa. Dhabannada ayuu gacmihii ku illoobay. Xafiisyadii Madaxtooyada ayuu ku wareegay. Waxa laga sheekaynayaa waddooyin. Waxa la daawanayaa waddooyin. Waxa laga murmayaa waa waddooyin. Waxa la qorshaynayaa waa waddooyin. Shirarka jaraa’id waa waddooyin.

Ninkii Odeyga ahaa ee Dr. Dibad-joog ayaa afkiisii waddo mooyaan e’ wax kale laga waayay. Wuxu yidhaahdaaba waa waddo. Xigtadiisii ayaa u qaadatay in uu is-dhaafay. Dr. Aar oo cisbitaal cusub oo casriya magaalada dibaddeeda ku haysta ayaa loo geeyay. Su’aalo ayuu ku bilaabay. Dr. Dibad-joog wax kasta oo la weydiiyaba wuxu kaga jawaabaa: waddo. Dr. Aar ayaa yidhi: “Ma Madaxtooyada ayuu ka shaqeeya.” Waxa loogu jawaabay haa. Dadkii Dr. Dibad-joog waday ayaa yidhi: “Maxaad ku garatay in uu Madaxtooyada ka shaqeeyo.” Dr. Aar ayaa si fudud u yidhi: “Xanuunkan ayaan garanayaa iyo meelaha ugu badan ee laga helo ama uu dadka kaga dhaco. Wuu sahlan yahay oo waa marxaladihii hore ee cudurkan cusub ee xukuumaddan la kowsaday ee Waddo-walafka. Waa aynu daweyn karaynaa, laakiin dib dambe halkaa ugu shaqo tegi maayo.” Dadkii waday Dr. Dibad-joog ayaa nefisay oo yidhi: “Qurbihii uu ka yimid ayaanu ku celinaynaaba.”

Weli waxa sii qoyan raadkii dabbaal-degyadii sannad-guuradii 23aad ee 18ka Meey. Khudabaddii gaabnayd ee uu Madaxweynuhu ka akhriyay fagaarihii dabbaal-degga wuxu markii ugu horreysay ku sheegay in xukuumaddiisu qaadanayso dhalliilaha loo soo jeediyo isla markaana ay wax ka qaban doonto. Waxaanu leenahay, hanbalyo Madaxweyne haddii aad dhalliilaha dhego u yeelatay.

Imtixaanka lagugu eegayaa waa sii daynta Hubaal iyo Haatuf. Waa wadarta dadka iyo waraaqaha xidh-xidhan ee aan waxba galabsan. Ha beenaan. Waa haddii aad isa- sixidda halkaa ka bilowdo. Sideed u jeclaataa in lagu yidhaahdo: “Waad soo halgantay oo lagugu ammaano”, adiga oo kuwii halgankaa ku jiray aan libin iyo nolol midna u oggolayn. Hees-lo’aad aan ku soo xidhno:


“Adoo hadal neceb,

Adoo hayb jecel,

Oon hufnaan wadin,

Oo habeeno leh,

Oo Hubaal xidhay,

Haatuf jeel dhigay,

Dadka ka hortow,

Ha laysoo horo,

Ha I doortaan,

Sideed ku heshaa,”

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 13aad

Shebekadaha Shirqoolka

(Is-maan-dhaafka Xisbiga Kulmiye)

“Doonnida shinkeed raran,

Dakhalkiyo shiraaca leh,

Badda dulundulcaysana,

Dirawalkeedu waa kuma,

Dadka fuushan ee lihi,

Ma cirkuu ka soo degay,

Kuwa laga dejinayaa,

Ma dar laga xigaa baa,

Sheekadu da’ weynaa,

Duluc iyo gun dheeraa,

Dacar iyo ladh kicisee,

Dhul ay damaqday badanaa,”

Awrka Dooh ma lagu yidhi, 7/2/1980kii, Deelleey, Cabdi Iidaan Faarax

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

3/4/2014ka, Hargeysa,

Bisinka iyo Yaasiinka……Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah……Mocooyooyinkeen ayaa sidaa ku Alla baryi jiray. Sida Madaxweyne-ku-xigeenkeenna amran ee Seylici idin ku maaweelin maayo sheeko xumo: Islaan odeygeedii dibadda eryanayo iyo beel hayaantay oo aydii ka dabo-qaylinayso. Xaasha! Malab ayaan idin durduursiin iyo miid aan ka soo miiray murti gaaxatay oo beryahanba laabtayda miranaysay. Intaasi waa arar dadab-galkeedii. Hoos aan u soo dego.

Xisbiga Kulmiye, wuxu ahaa ama ilaa immikaba yahay: madal ballaadhan, kulan-weyne, Jabhad ama ‘Forum’ ay ku bahoobeen dad kala duwan oo afkaar kala geddisan qabay ama qababa. Sidaas ayuu doorashada ku galay kuna helay. Markii uu Madaxtooyada ku guulaystay xisbiga Kulmiye, la isma wada raacin. Hadba koox ama bah ayaa laga tegayay. Bah-weyntii Kulmiye inteedii badnayd waa laga yeeshay  Xukuumaddiiba oo xeyn yar ayaa dhexda ku maratay. Laba arrimood ayaa muhiim ah: Labada marjac ama Tix-raac ee dhinacyada is-haya iyo xil-gudashada Golaha Xukuumadda.

Madaxtooyada iyo Wasiirrada la safani waxay aamminsan yihiin oo ay hoosta ku haystaan Xeer Lambar 14 oo ay Guddida diiwaan-gelintu diyaarisay. Madaxtooyada iyo wasiirradu waxay ku dheggan yihiin Bogga 16aad, Qodobka 25aad oo ka hadlaya: Tayaynta iyo Habaynta Xisbiyada Qaranka. Waa Qodobka loo cuskanayo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa. Waa Qodobka qoraya Guddida Fulinta,  Golaha Dhexe iyo Hoggaanka Xisbigaba waxa lagu dooranayaa Shirweynaha. Ma aha beenta Qarniga oo keliya, mana aha runta Qarniga oo keliya bal se waxay tahay mustaxiilaatka Qarniga. Waa wax ka baxsan qawaaniinta iyo curfiga caalamiga ah in saddexdaa hay’adood meel keliya laga wada doorto. Waxay u kala sarreeyaan: Shirweyne oo doorta hoggaanka iyo Golaha Dhexe. Marka dambe ee Guddoomiyuha Xisbigu soo magacaabo Guddida Fulinta, ayaa Golaha Dhexena oggolaadaa. Caalamkan aynu ku nool nahay Guddi Fulineed Shirweyne ma soo magacaabo. Jahli siyaasadeed ayaa meesha yaallay iyo dad aan xishoonayn oo garashadeenna caayaya sidaana shaashadaha ku soo fadhiisanaya. Afku idin go’.

Guddoomiyaha iyo hoggaanka Xisbiguna waxay la soo taagan yihiin Dastuurka Xisbiga oo ah Xeerka ay tahay in lagu maamulo laguna agaasimo hawlaha Xisbiga. Dawgu waa kaas.

Labadaa Xeer ayaa la kala haystaa oo midba kiisa hoosta ku sitaa. Waxaana sax ah Xeerka Xisbiga oo xisbi waliba xaq ayuu u leeyahay in uu xeerkiisa samaysto. Shuruuddu waxa weeye in loo dhiibo Guddida Diiwaan-gelinta oo ay sidaa ku tixgeliso. Ma ay ahayn in ay Guddida Diiwaan-gelintu faro-geliso hawlaha iyo shuruucda Xisbiyada madaxa-bannaan ee Somaliland.

Bal muranka maanta taagan iyo maqnaanshaha Guddidii diiwaan-gelinta ka warrama! Halkee ayay ku sugan yihiin? Shirweynihii 3aad ee Kumiye ma bireysnaa oo xalaal ma ahaa? Guddida Diiwaan-gelintu sidee ayay u aragtaa? Murankan taagan qayb ayay ka tahay ee xaggee ayay Guddidaasi jirtaa? Mise dalka ka yar baxa ayaa lagu yidhi oo iyaguna iidahan Meey meelo ayay ka soo khudbadaynayaan ama qaadhaankii waddooyinka ka dooneen? Bal adba!

Golaha wasiirradu laba xil ayay sidaan. Xil waa ka mid walba ka saran wasaaraddiisa oo aan filayo in ay wasiirradu u badan yihiin, illeyn waan ka tirsanaan jiray e’. Hawshaa ay ka qabtaan wasaaradahooda marka ay kelida yihiin, waa ay ku kala duwan yihiin oo idinkuba shaashadaha waad ka garan karaysaan. Waa wasiirro awran ama shilis oo u madax-bannaan hantida ay wasaaraddooda ku wadayaan oo ka ag dhow cidda talada gacanta ku haysa. Kama baxaan shaashadaha, waxaanay isu haystaan in ay xilkoodii ka soo baxeen. Qaarna waa dar aan fandhaal loo darin oo meesha ku mucuurtoomay oo ka baqaya haddii ay ka tagaanna in ay biilka waayi doonaan.

Xilka 2aad ee Golaha wasiirrada saarani, waa ka wadareed ee Golaha Wasiirrada marka ay xukuumadda yihiin, fadhiyaan, shirayaan ama ka talinayaan aayaha ummaddan ay tabaalaha iyo tawstaba u horseedeen. Xilkaa wadareed (collective responsibility) waa mid aanay gudan oo beylah ah.

Beri dhaweyd ayaa niman Walla-weyn ah oo ilaa kontameeyo ah dalka la keenay. Xukuumadda ayaa mas’uul ka ahayd. Pass-port kuma ay soo gelin. Khaddiifaddii guduudnayd ayaa loo dhigay. VIP-da ayaa la geeyay iyaga oo aan Xamarba VIP-da ka soo duulin. Dhowr iyo toban land-crusier ayaa hudheelladoodii loogu soo gelbiyay. Wasiirraa ka hor tegay. Madaarka oo dhan ayaa loo xidhay. Lama baadhin. Cashuur lagama qaadin. Ilaa Madaxweynaha ayay socdeen iyada oo ay wasiirrada qaarkood war-baahinta ka dafirayaan in ay arkeen. Shaashadaha ayaa laga daawaday. Dhowr wasiir ayaan weydiiyay. Waxay igu yidhaahdeen: “Golaha Wasiirradu kamaba shirin.” Xil-gudasho wadareed sidaas ayay ka yihiin. Halista intaa le’eg ayaynu daaqaynaa. Haddii ay hadlaanna, waa eri.

Wax badanba ma shiraan Golaha Wasiirradu. Waxay ka shiraanna wax sidaa u sii ridanba ma aha. Waxaan is-idhi mar dambe ayay Madaxweynaha iyo khusuusidu isu timaaddaa.

Haddii dal iyo dadba meel looga soo dhacayo, meeshaasi waa Wasiirradan dadkii iyo dalkiiba ku faro batay ee Riwaayaddii Cunaaye, Ilaahay ha u naxariisto e’, innagii inoo jilaya. Cunaaye. Waxaan u malaynayaa in Ismaaciil la odhan jiray. Nin dheeraa oo qurux u dhashay ayuu ahaa. Bidaar ayuu lahaa. Gadh-sucuudi si fiican loo qorayna wuu lahaa. Habeen ayuu dadkii lacagtii ka guray sidii wax Riwaayad la dhigayo. Ka dib isagii ayaa Masraxa dhowr jeer isa soo taagay isaga oo hadba dharka iska beddelayay. Waa sidaa aan sheekada ku maqlay. Ka dibna wuxu dadkii daawanayay ku lahaa: “haddana way kan.” Ma is-tidhaahdeen tii oo kale ayaa ina haysata oo aynu ka aammusan nahay.

 

Dhammaad

 

 

 

 

Additional information