Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad Muddo-dhaafka muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

Waa mar kale iyo ma-hadhadii Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha. Waa Mowduuc xiisihiisa iyo xadantiisaba leh. Qof kasta ma damqo, bal se wixii dooc iyo dareenba leh ayaa ka gil-gisha.

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad

https://encrypted-tbn1.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcSll0ExQ3tZbbI4TRoJ3_Zrpd2-_hkij9xoEm8WBDt2_N3qB9xFMuddo-dhaafka muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

“Maanta oy Gobaad,

Intay guri lahayd,

Sannad-guuradii,

Boqol gaw ah tahay,

Ninka Guud-haldhaa,

Gayaxeeda raba,

Galabtana mar kale,

In uu gaabsi iyo,

Gogol-dhaaf ku furo,

Go’ haddaan u riday,

Ma denbaan ka galay?”

Maansada Gar-naqsi, Gaarriye, 25/4/1983kii, Addis Ababa,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

7/8/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Waa mar kale iyo ma-hadhadii Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha. Waa Mowduuc xiisihiisa iyo xadantiisaba leh. Qof kasta ma damqo, bal se wixii dooc iyo dareenba leh ayaa ka gil-gisha.

Waxaynu joognaa waa xilli. Cabshaduna waa xil iyo gudshadii. Weliba waa xilalkii Qaran ee Xukuumad iyo Xisbiba loo tirinayay inta loo igmaday. Xanta ugu badani waa xil-gudashada. Weliba waa dhowrista xilka iyo xilliga oo loogu taag la’ yahay intii xiloodin lahayd ee kitaabka Quraanka ah dhaarta xaf ku siisay.

Golaha Guurtida tan iyo 1993kii laba jeer ayaa la soo magacaabay. Hadda 21 sannadood ayay baarka ka jareen, welina isuma haystaan in ay wax dhimeen. Gabow, geeri iyo geeddi-dibadeedna waa laayay oo qofku inta uu doono ayuu iska maqnaadaa. Kii geeriyoodaba waa wiilkiisa ama walallkii waxa dhaxlaa. Gurbood iyo in gabowday ayaa isugu soo hadhay. Golayaasha kale ayay muddo-kordhinta uga adag yihiin. Iyagana Madaxweynaha ayaa u kordhiya ama waxay sharciyeystaan intaas ayaanu Golayaasha kale ka dambaynaynaa. Mar kasta oo muddo la kordhinayo bilo ama sannado ayaa la calaamadsadaa, wax qorshe ahna lama raaciyo, ka dibna muddo-kordhin kale ayaa lagu tallaabsadaa. Mararka ay codeeyaan waa ay yaqaanniin sida codadka loo tiriyo, bal se tirada sannadaha ay xilka hayaan waa ay ka gedmataa. Qodobka 83aad ee dastuurka ayaa hadba la xafuujiyaa oo xoor aanu lahayn qasab lagaga keenaa.

2002dii ayaa la doortay Golayaashii Degaanka ee kan hadda xilka haya ka horreeyay. 28kii Noofambar, 2012kii ayaa kan hadda joogana la doortay.  Muddo toban sannadood ah ayay inagu qaadatay, innaga oo karaynay in aynu muddada intaa ka soo gaabsanno.

Golihii Wakiilladu sidii loo doortay 2005kii ayay u joogaan, mana hadal hayaan in ay kuraasida banneeyaan ama sifo sharciya ku soo noqdaan. Xilalkiiba meherad ayay noqdeen. Iyagu cid walba waa ay ka dareen oo waxay sharciyaysteen maalinta xilka ay ka degaan in ay sannadka ka dambeeya oo dhan mushaharkoodii qaataan iyaga oo aan xil hayn, iyaga oo intaas oo sannadood muddo-dhaaf inagu ahaa. Kaaga daran e’, maxaa inaga xumaan lahaa haddii aynu garanayno maalinta ay inaga tegayaan. Weynu sii ambo-bixin lahaynba gacan-qaad wanaagsanna weynu u sii dhiibi lahayn. Miyay inagu simeenba sow tan hungurigii Halac-dheere lagu sheegayay qaaday. Waa ay soo ligan yihiin oo noloshiiba waa ay ka baqayaan iyaga oo ka cabsi qaba in ay busaarad u dhintaan haddii ay xilkan booliga ah dhigaan.

Mararka ay shaashahada soo fadhiistaan intooda aan xishoodka iyo gabbashada aqooni waxay ku doodaan oo ay ku andocoodaan in Dastuurku qorayo: Golahan Wakiillada waxa beddeli kara Gole la soo doorrtay. Dastuurka waa ay ka been-sheegayaan ee bal aan daalacanno Qodobka 2aad ee muddo-xileedkooda ka hadlaya. Waa laba Faqradood oo kala ah:

Faqradda 1aad:

Muddada xilka Golaha Wakiilladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo go’aamada doorashada,

Muddo-xileedka Dastuuriga ahi waa taas. Macnaheedu waxa weeye in marka ay shanta sannadood dhammaato la qabanqaabiyo doorooshinkii kale. Ma suurto-gal baa in ay dib u dhacaan? Dastuurku muxuu ka odhanayaa? Bal aan eegno Faqradda saddexaad ee Dastuurka:

Faqradda 3aad:

Haddii doorashada Golaha Wakiilladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhammaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasillooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo.

Waa sida dastuuriga ah ee dib loogu dhigi karo doorashada Golaha Wakiillada. Weli miyaad maqasheen dhibaato intaa le’eg oo inagu habsatay oo sababtay in doorashooyinkii Golaha Wakiilladu dib u dhacaan? Waxaynu ka ducaysanno ayay ku ducaystaan si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Muddo-kordhinta Madaxweynahana waxa loo cuskadaa Qodobka 83aad, Faqraddiisa 5aad oo ah “Duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed.”

Bal horto sidaa ku ogaada waxan ina barriinsaday in aanay sharciyad iyo caqliyad midna ku fadhiyin ee ay tahay waxay iska jeclaysteen iyaga oo had iyo jeer laabta ku haya in aafooyinkaasi dhacaan si aanay doorashooyin u qabsoomin. Bal, Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayaa ina jecel oo aan labada dhibaato iskugu keen darin.

Muddo-xileedkoodii dastuuriga ahayd waa ay ku diyaarin kari waayeen doorasho. Dibudhigistii waxay u cuskadeen qodobbo aan jirin oo aan dastuuri ahayn. Sidaas ayay doonayaan in ay ku sii fadhiyaan iyaga oo aan sharci ahayn oo dastuur iyo shacbigii soo doortay midnaba ixtiraamayn.

Waxani, wax la eegto ka weyn. Ceeb iyo fadeexad ayaynu adduunyadii iyo dalalkii deriska ahaaba uga baxnay. Ummaddii karaamo la og yahay lahayd ee wax la og yahay ka soo dabbaalatay, ayaa maanta doorashooyinkii dastuuri ahaa qabsan kari la’. Bal ka warrama dee? Miyaad geydaan waxan dhacaya ee aydaan galabsan.

Dastuurka haddii lagu dhaqmi waayo, dhaartii haddii la rumayn waayo, ummadda haddii laga xishoon waayo, qarannimada haddii la dhowri waayo, kuraasi lagu fadhiyayaa ma jirto. Waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Inta la isu yimaaddoo ha la sameeyo Xukuumad ku-meel-gaadh ah oo muddadeedu kooban tahay oo dalkan iyo dadkan doorashooyin hal mar u qabanqaabisa.

(La soco sabtida, haddii Eebbe idmo…………………..)

 

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad

https://encrypted-tbn1.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcSll0ExQ3tZbbI4TRoJ3_Zrpd2-_hkij9xoEm8WBDt2_N3qB9xFMuddo-dhaafka muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

“Maanta oy Gobaad,

Intay guri lahayd,

Sannad-guuradii,

Boqol gaw ah tahay,

Ninka Guud-haldhaa,

Gayaxeeda raba,

Galabtana mar kale,

In uu gaabsi iyo,

Gogol-dhaaf ku furo,

Go’ haddaan u riday,

Ma denbaan ka galay?”

Maansada Gar-naqsi, Gaarriye, 25/4/1983kii, Addis Ababa,

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

9/8/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 2aad

Doorashada Juun, 2015ka ma la qaban karaa?

Ilaaha taajirka ah ee ay had jeer tiisa noqoto waxba kuma aha. Waxaynu ka hadlaynaa waa tabaabushaha iyo tooggada aadamaha, gaar ahaan inteenna maanta joogta ee ay xilalkaasi saran yihiin. Haddaba innaga oo aan meel dheer uga soo wareegayn bal marka hore aan guud-mar kooban ku samaynno ilaa immika waxyaabaha qabsoomay ee doorashadaa la wada sugayo la xidhiidha.

Waxa diyaar ah Xeerkii Diiwaan-gelinta ee ku-suntanaa 37aad oo mar horena la adeegsaday. Xeerkan 37aad wuxu u baahan yahay in dib loo eego, gaar ahaan qodobbada la xidhiidha dadka Diiwaan-gelinta ku gabbood-fala tallaabooyinka sharciyeed ee laga qaadayo. Haddii markii hore Diiwaan-gelinta lagu saleeyay faraha, maanta waxa saldhig u noqonaya indhaha. Bishii Juun ayaa jitaabadaa la qaaday si buuxdana waa loogu guulaystay. Waa hawl kooban oo Golaha wakiilladu waqti yar oo aan sidaa u sii badnayn kaga soo bixi karayo.

Waxa inoo diyaar ah waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee aynu ka kasbannay, Goob-joogayaashii ajnabiga ahaa oo war-bixin tifaf-tiran oo qoraal ah ka soo bixiyay Diiwaan-gelintaa hore. Waxa kale oo aynu aad iyo aad uga wada dheregsan nahay wixii aynu gef samaynay dal ahaan iyo dad ahaanba oo ay tahay in aynu maanta ka fogaanno. Addunyadu mar walba inaga caawin meyso Diiwaan-gelin aynu innagu mar kasta carqaladaynayno.

Waxay saddexda Xisbi-qaran iyo Komishanka Dooraashooyinku qoraal ku kala saxeexdeen in ay doorashooyinku waqtigooda ku qabsoomaan. Heshiiskaa taariikhiga ah xukuumadda Somalilandna waa ay ku raacday oo oggolaatay.

Innaga oo ku jirna bishan Ogos, 2014ka, suuro-gal ma tahay in aynu qabsanno doorashadii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada bisha Juun 2015ka, haddii Eebbe idmo?

Waa amba-baxeenna maanta, qormadu meel ay inala martaba, idinkuna ha samir darraanina.

In qof la doortaa waa xil iyo gudshadii. In Gole la doortaana waa xil iyo gudashadii. Qof iyo Gole mid uu yahayba xeerar biraysan oo xalaal ah iyo qodobbo dastuuriya ayaa lagu doortaa. Qof iyo Gole mid uu yahayba waajibaad, xilal iyo muddo-xileed dastuuriya ayay leeyihiin oo ay gabbood-fal dastuuriya tahay in ay ku-xad-gudbaan.

Waa ayaan-darro haddii uu qofkan la dooranayaa u qaato in uu weligii meesha joogayao. Waa halkii Cabdillaahi Cabdi Shube e’: “Wax waliba way fasakhmaan.”

“Xil-dhibaan mar la doortay,

Haddii uu dirgan waayo,

Damco uun kursigiisa,

In uu daayinkii haysto,

Durba wuu fasakhmaa,

Oo danayste noqdaa,”

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa xil dastuuriya oo saaran hadba inta xilka dawladeed haysa. Waa hawl ka dhexeysa: Xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Xeer-dejinta, Komishanka Doorashooyinka, dawladaha taageera dimuqraadiyadaynta Somaliland iyo intii kale ee ay adeegsadaanba. Waa xil si gaar ah u saaran shacbiga iyo saxaafadda oo ay tahay in ay si taxaddar leh had iyo jeer ku baraarugsanaadaan.

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa qasab. Amarka Ilaahay in ay ku qabsoomaan weeye. Waa in ay dedaalkeenna iyo xil-kasnimadeenna ku qabsoomaan. Ma aha cid kasta oo la doortaa in ay been ku dhaarato, kursiga ku fadhiisato, ka dibna loogu taag waayo xilligiinna waa uu dhammaaday e’ ka soo dega. Ma aha in ay sida mara-boobta ku dhegaan kuraasida oo ay ‘Aabbahay goblin miciinsadaan.’.

Awoodda iyo karaamada qarannimada

Waxaaba marka laga soo tago haddii ay Mabaadiida Guud ee Dastuurka Qaranka dhowri waayaan dadka la doortaa – Madaxweyne ilaa xildhibaanno – maxaa shacbiweynaha la dulmiyay ee xuquuqdoodii la duudsiyay laga sugaaya ama laga filan karaa? Xubinta 1aad, Qodobka 1aad, Faqradda 2aad ee Dastuurku waxay leedahay:

“Awoodda iyo karaamada qarannimada waxa leh shacbiga, wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.”

Hadda ha u qaadanina in uu yahay Qodob dastuuriya oo keliya. Xaasha! Waa Qodob gaashaaman oo ku jira Mabaadiida Guud. Weliba Faqradda 2aad ee Qodobka ugu horreeya Dastuurka. Muwaaddinka dhabta ahi wuu og yahay, dhawaan-xoolowga dhan-dahamada sedka moodayna cidi wax weydiin meyso. Muuwaaddin, yaan lagu dhaafin xuquuqdaada. Dalkan karaamadiisa iyo haybaddiisaba shacbiga ayaa iska leh, sidaa uu Dastuurku qeexayo, xinjir baana lahu qoray oo wax si fudud u tirmaya ma aha.

Ma Madaxweynahaa, ma ku-xigeenkaa, ma inta kale ee aad cod ku doorateen baa? Waa ay kuu adeegaan. Shacbigaa dirtay, iyaga ayay u shaqeeyaan. In ay innaga inoo sarakacaan weeye, ma aha in aynu innagu u saro-kacno oo weliba ka dhigno waxaanay ahayn. Ma aha in aynu ka dhigno awood wax kasta bixin karta. Xaasha! Awooddoodu waa ay xaddidan tahay oo xeer ayaa sar-jaraya.

Dastuurku miyaanu kaas ahayn? Xaggee naloogu durdurinayaa ee hadba ciidammo sheydaan oo aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen saqaha dhexe la isugu soo dalbanayaa? Sow tan aynu mar labaadka dadkii la xasuuqay mar kale si sharaf leh u aasaynno? Durba miyaad illowdeen, waa halkii Ibraahin Gadhle e’.

(La soco berri haddii Eebbe idmo……………………………………..)

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad

https://encrypted-tbn1.gstatic.com/images?q=tbn:ANd9GcSll0ExQ3tZbbI4TRoJ3_Zrpd2-_hkij9xoEm8WBDt2_N3qB9xFMuddo-dhaafka muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

“Maanta oy Gobaad,

Intay guri lahayd,

Sannad-guuradii,

Boqol gaw ah tahay,

Ninka Guud-haldhaa,

Gayaxeeda raba,

Galabtana mar kale,

In uu gaabsi iyo,

Gogol-dhaaf ku furo,

Go’ haddaan u riday,

Ma denbaan ka galay?”

Maansada Gar-naqsi, Gaarriye, 25/4/1983kii, Addis Ababa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

10/8/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 3aad

Waxa si wadajir loo go’aamiyay in Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha loo adeegsado hannaanka ‘Bio-metric’ ee indhaha oo qaladka lagu geli karaa ku siman yahay 1 qalad milyankii qof sida waayo-aragnimada lagu hayo. Waxaynu ka wada dheregsan nahay in Diiwaan-gelintii hore ee aynu iskaga ciyaarnay lagu galay sawir iyo far.

Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaashu waa hawl ku muuddaysan in ay idanka Ilaahay ku qabsoonto Sebtember ilaa Diisambar 2014ka, sida xeerku dhigayo oo ah in ay Diiwaan-gelintu qabsoonto lix bilood ka hor doorashada.

Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha iyo Diiwaan-gelinta Muwaaddiniintu waa laba hawlood oo is-bar-bar socon karaya. Diiwaan-gelinta Muwaaddiniintu iyadu xilli doorasho kuma muddaysna, isla markaana kharashka ku baxayaa waa mid ay keli ku tahay xukuumadda Somaliland oo aan garab ka haysan Deeq-bixiyaasha geeddi-socodka dimuqraadiyadeed taageera. Waa culays kale oo ay isa saartay xukuumaddeenna ballan-badan. Iyada oo waxaas oo waddo ah dhagax-dhigtay, iyada oo waxaas oo dekedo ah dhagax-dhigtay ayay haddana ina leedahay Diiwaan-gelinta Muwaaddiniinta ayaanu qabanaynaa. Xukuumadda haynta sidaa u sii buuran kuma ogin, laga yaabee dhulkan danta guud ah ee ay la wareegayso ee Hargeysa oo keliya ku kooban in ay iibiso oo mashaariicdaa ku daboosho. Tu’, walba ka yaab ma maqli jirteen!

Sidaas ayay diyaar u tahay Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaashu ee marna ha dhegaysanina dooraasho ayaa diiwaan-gelin la’aan loo qaban waayay. Haddii aad maqashaan waxa la soo horreysiinayaa Diiwaan-gelinta Muwaaddiniinta, wax kale looma jeedo oo aan ahayn in doorashadii dibudhiggeeda loo gogol-xaadho, taasina mid ina maraysa ma aha.

Bal hadda waxan sidaa u sii badnayn aan ka nidhaahno Diiwaan-gelinta Muwaaddiniinta oo ay Xukuumaddeenna is-mahadisay aad ugu riyooto si ay caqabad ugu noqoto Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha. Mar mar ayay dadku ku dhego-barjoobaan oo kala garan waayaan labadan Diiwaan-gelinood ee baadi-soocda kala duwan leh.

Diiwaan-gelinta Muwaaddiniinta:

Waa Diiwaan-gelin kale oo qorshaysan. Waxay ku suntan tahay oo baadi-sooc u ah Diiwaan-gelinta Muwaaddiniinta (Civil Registration). Waa Diiwaan-gelin aad u murugsan oo aan fududayn. Waa Diiwaan-gelin feylal loogu samaynayo qoys kasta oo reer Somaliland ah oo lagu caddaynayo dhalashadiisa dhabta ah ee Somalilandnimo. Waxay u baahan tahay daraasad qoto dheer iyo ka-baaraan-deg hufan oo lagu hubinayo dadka.

Dhalashadu ama muwaaddinnimadu waa dhaabadihii ugu mudnaa ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Sida ka muuqatao ololaha loogu jiro hirgelintiisa ama amba-qaadkiisaba, waxa laga dhigay wixiiba qandaraas yar oo ay soo qaadatay Wasaaradda Arrimaha Guduhu.

Waa la wada ogaa wixii inaga soo gaadhay diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha ee hore iyo sidii ay ku dhammaatay, markii la go’aamiyay in la tir-tiro.

Diiwaan-gelinta Muwaaddiniinta kharashka oo dhan xukuumadda ayaa qabta oo deeq-bixiyayaashu waa ay diideen, sida ay kharashka intaa le’eg ku helaysaana waa wax adag weliba marka la bar-bar dhigo dhagax-dhiggaan miidaamaha ah ee aan loo meel-deyayn. Xukuumaddeenna faan-badan xiisaheedu badanaa miyay boqol u qaybsami. Waxan oo lacag ah xaggee ayay ku haysaa?

Weli xeerkii diyaar ma aha. Maalmo aan sidaa u sii fogayn waxa warbaahinta soo galay wax yar oo ilaa lix qodob ah oo lagu sheegayo Xeer uu Madaxweynuhu soo saaray. Taasina waxay si cad oo aan mugdi ku jirin kuugu muujinaysaa aragtida gaaban ee xukuumaddeenna kursi-jecel ay ka leedahay Diiwaan-gelintan ay iyadu calmatay.

Xeerkan Diiwaan-gelinta Muddadiniinta waa mid ka murugsan kan kale oo qoto iyo saamaynba dheer. Ma aha wax si fudud loogu deg-degi karayo ama sahlanba.

Waa hawl aan hore loo qaban oo ugub ah oo aynaan hore u soo qaban. Waa hawl ahmiyaddeeda qarameed leh oo aan u baahnayn ama mudnaynba in lagu degdego iyo in wax laga dayaba sida ay caadaysteen dadkan xilalka inoo hayaa.

Xukuumad yahay gooji ama ha goojin, dhagax dhig ama dhul iibso, deked dhis ama daw bannee, daaro iibso ama dollar ururso, geela gu’ga dhalaya ayaa lagugu tirinayaaye, haddii aad karti iyo fir-fircooni sheeganayso bal doorashadaa ka soo bax adiga oo aan sidii tii Deegaanka dhiig ku daadin.

Xukuumaddeenna faan-jecel, faanka haddaad jeceshahay halkan ayuu faanku ku jiraaye fadallada yaan durdurada lagaa badin.

Dhammaad

Additional information