Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 20aad Jilan-jalan, kala-jilan, isku-jilan waxna aan wada jilin

Mar waa isku xer. Mar waa kala xer. Xero waa ay ku wada jirtaa oo Xukuumad ayaabay la baxday. Xisbal-xaakim aan talinna waa ay isku ladhaa. Mararka qaarkood in ay dhuumaalaysi wada ciyaarayaan ayaad moodda. Col ma aha, nabadna ma aha.


 

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 20aad

Jilan-jalan, kala-jilan, isku-jilan waxna aan wada jilin

(Xukuumadda iyo xisbi kala xayanaysa)

Sannadkii xumaadaba dar baa,   sahayday naanayse,

Ragga siinka bowdada marsaday, way sejilanyiine,

Kolkii dunidu siriq-roortay buu, suulay dhaqankiiye,

Ninba siduu u noolaan lahaa, suubbi falowgeede,

Sinadiyo dhac iyo beentu waa, saaca waayaha e’,

Jahli lagu salliday baa shacbigan, saaray heeryada e’,

Kolkii taajka loo sudhay ayuu, simay dadweynaaye,

Sagaalluhu fas weeyaan kolkaan, yeeke soconnayne,

Maansada Saxansaxo, Gaarriye, 17/10/1987kii, Harar,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

13/8/2014ka, Hargeysa,

Mar waa isku xer. Mar waa kala xer. Xero waa ay ku wada jirtaa oo Xukuumad ayaabay la baxday. Xisbal-xaakim aan talinna waa ay isku ladhaa. Mararka qaarkood in ay dhuumaalaysi wada ciyaarayaan ayaad moodda. Col ma aha, nabadna ma aha.

Waa ay is-xadantaysaa……..isku xiiqdaa…….Xanaaqdaa…….Xayraanka xuladdo shidan isku xanuujisaa…..Is-ximisaa……….Xididdada is-goysaa………kala xayataa……..Ma marka xurmo iyo xaq-dhowrba la waayo………Mararka la is-xaalayn waayo………Xuurtada siyaasadeed la isku maro………Waa la kala xantadaa…….La kala xanaaqaa…….Xuduudaha la beegsadaa……..Xanta ayaa badata…….Xinka iyo xasadka ayaa xadhkaha goosta…….Markaas ayaa la is-xajiimeeyaa……oo qofba xumaan aanu lahayn loo xanbaariyaa.

Xukuumaddeenna ammaan-jecel mar waa jilan. Haa…Waa ay jilan tahay oo xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Madaxda Hay’adaha ayaa masila ama jila. Waa ay jalan tahay oo dhulkii bannaanaaba inta ay iibisay la-ye jal ka dhigatay, sidaasna jalan ku noqotay.

Marna waa kala-jilan oo ma wada socoto bal se waa ay kala socotaa. Mar kale waa isku-jilan oo Xukuumad-ku-sheeg ayay ka wada tirsan tahay. Haddana is-ma caymiyaan…….Is-ma bixiyaan……Is-ma daneeyaan……..Is-ma qaddariyaan. Xuddun dhexe oo isku xidhan oo wada socotaa waa ay jirtaa. Waa inta ay wax ka go’aan ee ay ku gororaan. Wax kaleba iska daayoo, xataa tilifoonnada iskama qabtaan. In baa shidhka saaran……..In baa buudhiga fuushan…….In baa dibad-joog ah oo qooraansigii indhuhu qalloocmeen sanqadh xoog lihina u baxaysaa.

Sidaas ayaanay wax u wada jilin ee ay u tahay nin iyo gaaraguufkii. Haa mid waliba halka uu qabqablaha ka yahay waa uu u han weyn yahay, xil wadareed oo qaran se ma wadaagaan. Bal u fiirsada Xarumaha Wasaradaha ee cusub ee midba meel laga taagay ee sukaha iyo soolanaha u taagan. Bal u fiirsada inta Wasaarad Agaasin-la-yaalka ah.

Waxaad la yaabaysaa aragtida ay ka qabaan wasaaradaha aynu u haysanno in ay hagayaan oo ay hoggaaminayaan. Wasaaradha Agaasin-la-yaalka ah waxa ka mid ah ta Duulista iyo Hawada. Xarun aad la yaabto ayaa laga dhisay Madaarka sidii waxay wasaaraddu ka shaqayso madaarka Hargeysa. Bal ka warrama shaqaalaha wax la og yahay qaataa ee halkaa ku kallahaya kana soo rawaxaya. Ilaahay ha caymiyo. Wasaaradda Warfaafinta ayaa iyaduna Agaasin-la-yaal kale ah oo lagu dul dhisay Radio Hargeysa sidiina ay  u dul taal.

Garan waaye, Xarun Dawladeed dhisa oo taallo iyo tusaaleba u noqota qarannimada Somaliland oo lagu kulmiyo wasaarado badan, bal inta kale teel-teelba ha iska ahaato e’. Ma waxay garan kari waayeen dhismayaasha qaran ee ka dhisan dalalka aynu jaarka nahay. Bal Jabuuti u fiirsada iyo Xarunta dawladda ee loogu wan-qalay ‘Cite’ Ministerielle.’ Bal u fiirsada Muqdisho iyo Xaruntii Dawladda ee la odhan jiray ama immikaba la yidhaahdo ‘Ufficio Governo’.

Arrintii xukuumaddeennu waxay noqotay talo iyo go’aammo aan la wadaagin oo xataa kuwii loo igmaday ee talada hayay intooda badani waxba ka ogeyn. Bal u fiirsada dhiilladan dhammaan la’ ee gobollada Bari ee ay Sool xuddunta u tahay. Dadkii arrinka lahaa waxba gacmaha uguma jiraan. Hadba jilaa suke ah ayaa arrinkii iyo taladii maroorsanaya.

Soomaalida ayaa tidhaahda: “Meyd maxaa ugu dambeeyay iyo kaa la sii sido”. Hadal-haynta maalmahan ayaa u badan Axmed Cabdi Xaabsade iyo digo-rogashadiisii uu Garoowe u guuray. Haa! Waa dhab in uu Axmed Cabdi Xaabsade mar hore u digo-rogtay oo haddana soo noqday. Waa xaqiiqo dhacday oo jirta oo aanay cidina dafiri karin. Haddana soo noqoy Axmed Cabdi Xaabsade xilal qaranna waa uu qabtay.

Haddaa lagu sheekaysanayaa: “Ceebtii ma aha ee waa caadadii”. Axmed Cabdi Xaabsade, muddo ayuu inala joogay oo wax inala lahaa. Ma aynu caayi jirin. Waa aynu soo dhaweynay oo xilal iyo adduunba ku maamuusnay. Wixii uu xil hayay waa laga xayuubiyay. Genkii iyo da’dii uu ahaa ayaa laga dhigay qof aan waxba la weydiin. Odey waxba laga weydiin waayay dadkii iyo degaankii uu ka yimid.

Ma aha intan xilka laga qaaday oo keliya. Isaga oo wasiir ah oo Golaha xukuumadda ka tirsan ayaan wax la weydiin jirin. Beri ayaanu ka wada tirsanaan jirnay xukuumadda. Waxaan xusuustaa dhacdooyin badan oo mahadho reebay. Xaglo-toosiye ayaa la sheegay in uu u soo digo-roganayo Somaliland. Axmed Cabdi Xaabsade, da’, xil, aqoon iyo waayo-aragnimo midna laguma muunayn ee dad kale ayaa la wareegay agaasinkii hawsha ninkaa lagu soo dhaweynayay.

Waxaan xusuustaa habeen Xaglo-toosiye lagu marti-qaaday Hudheelka Maansoor. Casho-sharafeed ayay ahayd. Waxaan ka mid ahaa wasiirradii lagu marti-qaaday soo-dhaweyntaas. Markii aanu gelaynay goobtii cashada, Axmed Cabdi Xaabsade oo wasiir ahi, hawshuna tii degaankiisa tahay cidiba hansal ma siin oo wax ma weydiin. Ma markaas oo keliya ayaad moodaysaa? Intaas oo jeer oo kale ayay dhacday.

Haa, Axmed Cabdi Xaabsade waa tegay, sababaheedana waa ay leedahay. Cid baa ku eedaysan, garina Alle ayay taqaannaa.

Hadal-haynta maanta ugu weyni waa doorashada iyo diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha. Haa, Madaxweynuhu wuxu si aan mugdi ku jirin u sheegay in aanu raalli ka ahayn in saacad loogu daro. Taasi waa dhaabad u taal. Tuugna ma xado.

Is-weydiintu waxay tahay: nimanka xisbal-xaalimka iyo xukuumadda sheeganaya ee qaban kari waayay Shirweynihii Kulmiye, ee qaban kari la’ Shirkii Golaha Dhexe ma idin la tahay diiwaan-gelin iyo doorasho ayay qaban. Odhaahda dadweynaha ayaa iskaga badan: “Ilko dhiig leh maxaa lagu aamminayaa”.

Dhagartii ka dhacday doorashadii Golayaasha degaanka ayaa weli sii qoyan. Dhiilladeennu waa taas.

Dhammaad

Additional information