Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 21aad Xiddigaha Geeska: Foolaadka Fanka iyo Farshaxanka

Ma Xiddigo habeen oo qudh ah muuqda ayaad moodaysaan. Waa Xiddigo aan hadh iyo habeenba dhicin. Habeenkii waa la wada arkaa oo cidna caad kama saarna. Xataa maalintii ayay muuqdaan oo iftiinka cadceeddu ma qariyo.


 

 

 

 

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 21aad

Xiddigaha Geeska: Foolaadka Fanka iyo Farshaxanka

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

21/8/2014ka, Hargeysa,

Ma Xiddigo habeen oo qudh ah muuqda ayaad moodaysaan. Waa Xiddigo aan hadh iyo habeenba dhicin. Habeenkii waa la wada arkaa oo cidna caad kama saarna. Xataa maalintii ayay muuqdaan oo iftiinka cadceeddu ma qariyo. Indho waliba ma arkaan maalintii ee indhihii caafimaad qaba ayaa arka. Indhaha naca iyo naxligu dhaamiyay ma arkaan. Magaca ka miskiin ma aha oo waa Xiddigo, weliba waa Xiddigihii Geeskan aynu adduunyada ka deggen nahay. Waa Xiddigihii Somaliland……Waa xiddigo Soomaaliyeed. Ka-naxow nafta waa.

Ma maqli jirteen: “Ninkii maalintaa baxaya indhaha ayaa casaada.” Xukuumadda gabbaalkeed dem odhanayaa, waxay la collowdaa: Saxaafadda, Hal-abuurka, Qalinleyda, Dhallinyarada iyo Fannaaniinta. Alleylehe xukuumaddeenna xadhiggeed-sidato ayaa tabtaas ah maanta oo malaggeedii galay. La-ye Xiddigihii Geeska ayay isku doonatay. Waxaan maqli jiray bad-bad aan la gelin ayaa jirta, geelana waxay ugu daran tahay maalinta uu ciin daaqaa.

Aniga iyo dibad ayaanu nahay. You tube-ka ayaan wehel ka doonay. Waxaan weydiiyay: “Horto ninkii BK maxaa hees ugu dambeeyay?” Ku-ye: “Oo war-li’idaa! Miyaanad weli maqal Heesta Qardhaas ee Hani curiyay, Furinlena tumayo.” Anigii baa intaan isku khajilay hadalba iga soo bixi waayay.

Heestii ayaan raadiyay. Ninkii BK oo sidii Baar-caddaha ku dhex bururay kumaankun dhallinyaro ah oo dhinac walba iskaga xeeray. Tabtii Baar-caddeyaashii lahaa Qowdhan Cali, Xiid iyo Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran) ayuu BK isla maqan yahay. Shaabuuggii ma sidan laakiin marag-ma-doon ayay ahayd in uu jibbada qal-dhebayay. Reer Jabuutina waxay yidhaahdaan: Wuu shawakhay, halka ay reer Xamarku ka yidhaahdaan wuu bururay. Ma heesayo oo keliya, bal se waa dareen-hees ereyada ka soo jaraya meel la og yahay. Waa maxay reenka iyo dunuunuca ka baxayaa. Waa tabtii Cabdillaahi Suldaan odhan jiray: “Bulxankayga feedhaha la mood, bahalki weynaa.” Barbaartii madasha joogtay ayaan ka yaabay, markaas ayaan hoos isu idhi: “Maxaa loo lahaa dhallinyaradii way tahriibtay.” Ragna kuwa, kuwaa Xiddigaha isku diray ayaa ugu liita.

Waxaan soo xusuustay maansadii Damaashaad ee Gaarriye ee lahayd:

Digtii horeba wixii saar lahaa, dabar-la’aan gooste,

Sidii geel dar loo horaya golaha, deyran lagu oogsay,

Duumada sideedii jibbada, laysku wada daaray,

Bal waxay dhallinyaradaa heesaha iyo fanka u go’doontay ku eedaynayaan u fiirsada. Waxa eed looga dhigayaa: Weriye Xamar ka yimid oo Hargeysa joogay ayaad heeso u duubteen. Waa halkii Cabdi Iidaan Faarax e’: “Doontaba an yeellee, Damacdaba aan raacne,” Weriyahan Xamar ka yimid ee madaarka ka soo degay, ‘Visahana’ la siiyay ee haddana ka dhoofay ee maalmaha Hargeysa joogay yaa u fasaxay? Ma Xiddigaha Geeska ayaa soo geliyay oo ilaalinayay? Ciidammada dawladda ee tiro la og yahay leh ee qaarkood muwaaddiniinta guryaha ugu daataan miyaanay ogeyn? Maxaa weriyahaa loo qaban waayay inta Xiddigahan aan waxba galabsan la maagayo? Mise innaga ayaan waxba fahmin e’, Xiddigahanba waxa lagu haystaa: Habeen-hillaaca, Dharaar-dhalaalka. Ma dubaaladihii kale ayay shiiqiyeen.

Xiddigaha Geesku dal iyo dad midna hadimo uguma maqna. Xamarna in ay heshiis qarsoodiya la galaan looga baqan maayo. Ajendayaashooda kuma jirto hawl u taalla Xiddigaha Geeskana ma aha.

Waa la yaqaannaa cidda laga shakisan yahay. Soomaalida ayaa ku maah-maahda: “Leyligu biyaha uurkiisa ku jira ayuu ka didaa.” Waxa wax laga shakiyo ah oo weliba khiyaamooyin Qaran lagu eedayn karaa cidda u dusta Xamar ee gacan-saarka qarsoodiga ah lagu xanto. Bishii Meey horraanteedii konton odey oo la socday midnimo Soomaaliyeed ayaa madaarka Hargeysa ka soo degay. Pass-port lama weydiin mana ay sidan. ‘Vise’ kuma ay soo gelin. Lacag ma ay bixin. Lama baadhin. Qaddiifaddii caseyd ayaa loo dhigay, weliba. Kuwii dhagartaa galay ayaa maanta halkii ay ka dhuuman lahaayeen Xiddigaha Geeska is-mar-marinaya.

Kuwa khiyaamada looga baqayaa ama looga shakisan yahay Xiddigaha Geeska ma aha. Waayo, iyagu waxay hidiyaanba waa Hees iyo miyuusig. Inta laga shakisan yahay ee hadimada waddaa, waa inta ku jirta shirarka iyo heshiisyada qarsoodiga ah ee dhagareed.

Waxba yaan lagu soo meeraysan Xiddigaha Geeska. Sidii uu Macallin Gaarriyeba hore u yidhi, ayaanu leenahay:

Maroodi Maroodi,

Maroodi cadhoole,

Markii col la sheego,

Cadaadda ku mere,

Hashii Cosob waa tan,

Dhammaad.

 

Additional information