Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 22aad Xagal-daacu waa halkee: Ma Xisbiyadaa? Ma Xukuumaddaa?

Haa! Weli miyaynu dheelalaysannahay….Miyaynu hadraynaa…..Hugmaynaa…..Mise waaba hadaaq oo arrinka cuyub iyo carruurnimaba loo celi.

 

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 22aad

Xagal-daacu waa halkee: Ma Xisbiyadaa? Ma Xukuumaddaa?

Xisbiyadu abbaar iyo,

Mabda’ lagu xiloodiyo,

Xeerar loo sameeyiyo,

Tusmo lagu xisaabtamo,

Yool lagu xafiiltamo,

Xagal laga dagaallamo,

Xurmaa lagu dhaqaajaa,

Xubno loo tix-raacoo,

Xil-kasaa u hiiliya,

Codka xoog ku daafaca,

Heesta Xisbiyada ee Boobe,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

28/8/2014ka, Hargeysa,

Haa! Weli miyaynu dheelalaysannahay….Miyaynu hadraynaa…..Hugmaynaa…..Mise waaba hadaaq oo arrinka cuyub iyo carruurnimaba loo celi.

Shahiid Axmed-Daahir Cabdi ayaa Deelleeydiisii ku suntanayd: Fallaadh baan cirkaw diray, waxa ku jiray tuduc ahaa:

“Tollaayaay dadkaygii,

Dib u soo hayaanyoo,

Halkaan Giib ku dilay bay,

Dorraad iiga baaqeen,”

Waa 1980kii marka uu Axmed-Daahir sidaa odhanayaa. Gabayaagii caanka ahaa ee Axmed Ismaaciil oo loo yaqaannay Qaasin ayaa isaguna waqti ku beegnaa 1964kii maanso uu lahaa ku deexday:

“Iyaba waa darxumo ii maqane, dacar miyaan leefay,

Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay,

Sidii oon dayays nahay miyaan, dawgi ka habaabay,”

Dayowgii iyo habowgii ayaynu weli iskaga jirnaa oo aynaan waxba iska weydiinin. Nolosha Xisbiyadu taariikh sidaa u sii dheer kuma laha dadkeenna iyo dalkeennaba. Haddii aanan qaldanayn waa wax ku siman dhowr iyo soddonkii qarnigii labaatanaad iyo ururkii Somali National Society (SNS) ee markii dambe u xuub-siibtay Somali National League (SNL) iyo Xisbiyadii kale ee USP, NUF iyo SYL-ba lahaa. Waa geeddi-socod halkaa ka soo bilaabmay oo gees marka aad ka eegto hodan ah. Dhinac kale haddii aad ka joogsatana wuxu kuugu muuqanayaa sabool aan sidaa u sii ridnayn.

Waa hodan oo xisbiyadu wixii ay soo qabteen, wax la yaraysan karo ma aha, gaar ahaan xisbiyadii lixdankii ee gobannimada dhaliyay iyo SNM oo horseed ka ahayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran. Saboolnimadu waxay ku jirtaa sida aan waayo-aragnimadaa waxba looga qorin ama looga dhigin ee maanta looga arradan yahay.

Waxay ahayd in Ururkii SNM muddadii kala-guurka ee labada sannadood ahayd (91kii-93kii) Dastuur iyo doorashooyin diyaariyaan, bal se kuma guulaysan duruufo jiray awgood. Maamulkii Cigaal madaxda ka ahaa oo muddadii kala-guurka 18 bilood ku darsaday ayaa suuro-geliyay in kala-guurkii laga baxo oo Dastuur iyo doorashooyinba la diyaariyo. Xukuumadihii UDUB ee Cigaal iyo Ra’yaale ayaa doorashooyin dhowr ah suuro-geliyay.

Muranka taagan iyo hadal-haynta ugu badan ayaa daarran: Ma Xukuumadda ayaynu hagaajisannaa oo ay wax ka xun yihiin? Mise halka sartu ka qudhuntay ee wax-ka-qabashada u baahani waa Xxisbiyada?

Xaqiiqdu waxay tahay in aynu culayska saarno Xisbiyada. Xukuumadda waxa mar walba dhala Xisbiyada. Hooyadu waa xisbiga, ilmuhuna waa xukuumadda. Sidii hore loo yidhina: “Hal booli ihi nirig xalaal ah ma dhasho.”

UDUB, waa ay galbatay iyada oo in muddo ah talada haysay. Waxay kaga fiicnayd maamulka hadda jira ee kala socda, Xisbiga iyo Xukuumadda ayaa mideysnaa.

Hadal-haynteenna ayaa u badan in wax la hagaajiyo. Ma xuma. Su’aashu se waxay tahay: Halkee wax si’ ka yihiin ee la hagaajiyaa: Ma Xukuumadda? Mise xisbiyafa?

Sidii aynu hore u sheegnay Xukuumaddu waa ilmihii, waxaanay dantu ku jirtaa in aynu hooyada abbaarno. Xisbiyada in aynu diiradda saarno weeyaan. Xukuumaddu Xisbiyada ayay ka imanaysaa. Haddii ay Xisbiyadu xun yihiin, waxay dhalaanba waa wax la mid ah ama kaba sii liita.

Saddex Xisbi ayaa dalka ka jira, mar kastana sida Dastuurku xeerianyo saddex Xisbi ayaa jiri doona. Belaayo afka lagama dhowro e’ Xisbiga Xukuumadda maanta sababta Ilaahay uga soo dhigay waa Kulmiye oo marti ku ah Xukuumadda uu sheeganayo in uu soo dhisay mararka uu ku andacoonayo in uu yahay ‘Xisbal-xaakimka.’ Waxaynu ka wada dheregsan nahay in uu Xisbiga Kulmiye ku jiray, muddona ku jiri doono ciyaarta ma-dalayska ah ee dhuumaalaysiga Tom iyo Jerry oo weliba aan is-bedbeddelin. Bahda kulmiye, filimmo aynu soo daaannay oo aynu ka xiiso dhcnay ayay hadba mid inoogu soo celinayaan. “Waa la is-hiifay…..Waa la heshiiyay……Waa la is-hiifay…..Waa la heshiiyay…..Waa la is-hiifay……Waa la heshiiyay.” Ma maqli jirteen: “Diin god gal, god Goray gal, Goray god gal, god Diin gal.” Waa taas oo aan biyo is-marin.

Waxa lagu odhanayaa: “Waa la is-hiifay markii ay Hebel iyo Hebel kulmeen ee ay Hebello kale soo fadhiisteen.” Waxa intaa ku xiga: “Waa la heshiiyay markii ay Hebel iyo Hebel kulmeen ee Hebelladii kale loo diiday in ay la soo fadhiistaan.” Maweelada la inagu medadaaliyaa waa intaas. Miyaan Gaarriye odhan: “Car suuqa madoobi, cidduu yahay soo hel.”

Car bal waa qofka sheegaa: Sababta la isku hiifay iyo sababta loo heshiiyay. Haddii kale: Maxaa la isku hiifay? Maxaa se lagu heshiiyay.  Maanta wax laga qaban karaa ma jirto Xisbiga Kulmiye, ninka wax ka sugayaana ha ku cibro-qaato in ay qaban kari la’ yihiin shirkoodii Golaha Dhexe ee weliba Dastuurkoodu muddeeyay oo sidii shirweynihii la eeday muddo dhaaf ah. Kulmiye ma aha Xisbi mar kale talada dalka lagu hallayn karo. Waa ka bes.

Dantu waxay ku jirtaa in labada Xisbi ee kale ee UCID iyo Waddani wixii laga qaban karayo la isugu tago. Wax badan ayaa la qaban karaa iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo-aragnimada taban ee Xisbiyada riiqday ee UDUB iyo Kulmiye.   

 

Dhammaad

Additional information