Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 24aad: Maansada Dhunkaal ee Timacadde, 1970kii,

Waa halkii Mocooyooyinkeen ka odhan jireen: “Alif…..Alif….Alif” ee ay Yaasiinka, Tabaaragga iyo Tiirka bir ah ka cuskan jireen. Xaajada dhul ummadeed oo la iibiyo ama la dhiibo gaadhay Ilaahay sharkeeda ha ina dhaafiyo.

 

 

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 24aad

Description: Description: C:UsersUserDocumentslandgrabbing-image.jpgDhulku waa: Dhiib, Iib, Siin waa se Iin taal

Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib  ka oollaynin,

Ama aan u dhalan bay arlada, uga dhammaysteene,

Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, waan la dheygagaye,

Maansada Dhunkaal ee Timacadde, 1970kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

11/9/2014ka, Hargeysa,

Waa halkii Mocooyooyinkeen ka odhan jireen: “Alif…..Alif….Alif” ee ay Yaasiinka, Tabaaragga iyo Tiirka bir ah ka cuskan jireen. Xaajada dhul ummadeed oo la iibiyo ama la dhiibo gaadhay Ilaahay sharkeeda ha ina dhaafiyo.

Tuducan ballaysinka u ah qormadan gaaban ayaa Timacadde wuxu ku leeyahay:“Soomaalinnimadii waxay dhaafsadeen, waan la dheygagay.” Waa halkii ay beryahaas himilada iyo hankuba taagnaayeen. Maanta waxay noqonaysaa: “Somalilandnimadii waxay dhaafsadeen, waan la dheygagay.” Cabdillaahi Suldaan wuxu gartay in Soomaalinnimadii waxla dhaafsaday, bal se wixii soomaalinnimada la weydaarsaday ayuu suurayn kari  waayay.

Waxa taa ka dhigan Qarannimadan la dhuunyaday ee dadka qaarkii qadhiidhka la noqotay. Siddetannadii waxaan ka hawl-geli jiray Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho. Gobolka Benaadir ayaa ku sidkanaa ama ku mataanaysnaa Gobolka Lombaardiya ee dalka Talyaaniga. Hadal-hayntii iyo xidhiidhkii ugu badnaa ee laga wada doodi jiray waxay ahayd magaalada iyo Meelaha Bannaan (La Cita e’ Lo spazio). Ma ay ahayn dood labadaa gobol oo keliya dhex taallay, bal se waxay ahayd dood caalamiya oo daarranayd sidii magaalooyinka adduunku ugu dedaali lahaayeen sidii loo samayn lahaa meelo bannaan oo lagu laydhsado, lagu nefiso ama ay magaalooyinkuba ka neefsadaan. Waxa kale oo aan xusuustaa annaga oo ka tirsan Naadiga Dhallinyarada cuslaatay ee beerta xorriyadda oo Xukuumaddii Ra’yaale go’aansatay in beerta xorriyadda iyo meeshii bannanayd ee dhirta lagu beeri jiray ee ku xigtay la isku furo oo ay bannaan iyo barxad magaalo ahaato. Waa halka ay immika dhisatay Wasaaradda Deegaanku.

Dhowr maamul ayaa ina soo maray tan iyo intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenna 18kii Meey 1991kii. Maamulkii ku-meel-gaadhka ahaa ee Cabdiraxmaan Tuur hoggaaminayay in kasta oo uu dhul dunsan iyo burbur la kowsaday, hayntiisa dhaqaalena aad u hooseysay, haddana waa uu ka sarriigtay oo hunguri kama qaban marnaba in uu dhul ummadeed iibiyo ama bixiyaba. Maamulkii Madaxweyne Cigaalna marnaba kuma fekerin kumana tallaabsan dhul ummadeed oo uu iibiyo.

Maamulkii 3aad ee Daahir Ra’yaale Kaahin ayaa markii uu xilligiisu dhammaanayay ku dhiirraday in uu sifo aan la garanayn u iibiyo dhulkii “Hindiya Laynka.” Waxay ahayd bilowgii fadeexadaha baahay ee dhul-iibsiga.

Maamulka maanta jira ee uu hoggaaminayo Mudane Siilaanyo ayaa qaaday koobka dhul-boobka, dhul-iibsiga iyo dhul-bixinta. Hadal-haynta dhul-iibsiga iyo dhul-bixintu dabarka ayay goosatay. Ma hadal-haynta barxaddii Golaha Murtida iyo Medadaaladaa! Ma Kheryriyadii baa! Ma Maktabaddii Gaandi oo laga dardaar-werinayaa! Iyo qar kaloo badan……….Iyo qaar kaloo badan, waa halkii Maxamed Mooge e’.

Timacadde ayaa laga hayay: “Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaa.” Maantana waxay Hadal-hayntu u badan tahay bannaanka ka soo horreeya Wasaaradda Caafimaadka. Tuugna ma xado. Waxa lagu soo wareejiyay deyr, waxaana la leeyahay xukuumadda ayaa ku wareejisay oo meel lagu nasto iyo barxad bannaan ayaa laga dhigayaa. Waa hadallada la isla dhex marayo. Waxa kale oo la isla dhex marayaa, ma aha sidaas e’, waxa la siiyay nin Xil-dhibaan ah oo ka mid ah kuwa loogu hadal-haynta badan yahay ee ku mamay boobka hantida dadweynaha.

Deyrka lagu wareejiyay ayaa caddayn u noqon karaya in aanay xukuumadda iyo dawladda midina lahayn. Daliilkeedu wuxu yahay deyrkaas oo aan wadan baadi-soocdii deyrarka xukuumadda ee caanka ku ah ama ay ka siman yihiin deyrarka xukuumadda ee ay kula baxday naanaysta aanay mahadin ee “Derbi-ka-adag.”

Mid ka mid ah Hal-abuurka ayaa lagu yidhi: “Maxaad la aammusteen ee aad waxyaabahan dhacaya uga gabyi weydeen.” Wuxu hal-abuurkii ku jawaabay hadal u ekaa: Oo ma hadal baa hadhay, wixii aanu hore uga gabaynay ayaa socda e’.

Sow tii Hadraawi Maansadiidii Daahyaley ee Deelleeydii ee soo baxday 11/3/1980kii, ku lahaa:



“Diricaasi waa kuma,

Dawdar weeye shalay jiray,

Durba sow kan jeedladay,

Dhistay aqallo daah weyn,

Tolow duubka yaw xidhay,

Had muu tobanka doonyood,

Dekedaha ku soo xidhay,

Had muu dunida gaarkeed,

Intuu daawashaw tegay,

Demesh iyo wixii yiil,

Sida daad u soo rogay,

Kaftankaas dareenka leh,

Dan-yartaa ku heestee,

Dadka ma anigaa baray,

Derejada hummaagga ah,

Magacyada dul-saarka ah,

Dorraad soo gadaal-baxay,

Maxaa laygu digaya,”



Qormadii 2aad

Dhulka dadweynuhu meel kasta oo uu ku yaalba waa hanti ummadeed oo aanay cidina xeer iyo xaagaan midnaba u lahayn in ay qof ama koox siiso. Bixinta dhulku kuma jirto awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha. Madax meel ka sarreysa oo la salaaxaana ma jirto, sidaa awgeed dhulka aanu Madaxweynuhu dastuur ahaan u idmanayn in uu bixiyo oo qof siiyo ma jirto cid kale oo bixin kartaa. Eeg oo ka bogo Qodobbada dastuuriga ah ee Madaxweynaha eek u xusan Dastuurka: Xubinta 2aad, Qodobka: 91aad oo saddex faqradood ah iyo Qodobka: 92aad oo isaguna saddex faqradood ah. Waxay ku xusan yihiin Bogagga 43aad iyo 44aad ee datuurka Qaranka.

Dhibaatada ugu weyn ee dalka maanta taallaa waa indhahan dalqada ka baxay ee aynaan meel kale waxba ka arkayn. Waa daamankan lala doogsin-cararyo ee wax kale oo dhanba la illoobay. Xataa dareemmadeennii Ilaahay inagu mannaystay ayaynu u kala eexanaynaa. Dadka intiisa badani waxay ka fekeraan wixii ay liqi lahaayeen. bal se daqiiqad iyo arrin midnaba ku lumin maayaan wax wanaagsan oo ay daawadaan, wax udgoon oo ay uriyaan ama wax san oo ay maqlaan. Waxa lala wada ordayaa af madhan oo waxbaba diidayn kuna marganayn.

Bal da’-yarteennii iyo carruurteennii u fiirsada. Markii ay waayeen meel ay ku ciyaaraan laamiyadii ayay tuban yihiin. Weli miyaad gelin dambe u kacdeen xaggaa iyo hudheelka Kaah ee ku yaalla bariga magaalada Hargeysa. Markaa aad waxoogaa dhaafto saldhigga New Hargeysa ilaa inta aad Kaah ka gaadhayso carruur iyo dhaliinyaro koox koox u taagan ayaa tuban. Baabuurta ayay baryayaan si ay u sii qaadaan. Gaar ahaan maalmaha Khamiisaha. Gaadhigii u joogsadaba laba ayay sii saaraan. Carruurtaasi waxay isugu tagaan jagooyin bannaan oo Kaah ku xeeran oo ay garoommo ka dhigteen,

Haddaad Hargeysa uga kacdo oo aad dariiqa xabaalaha Aadan Siiro martana sidaas oo kale ayay carruurtu habqan u tahay oo ay jagooyin bannaan oo ay ku ciyaaraan u raadsanayaan, innaguna waxaynu ka fekernaaba waa baloodho aynu dhisanno. Marka ay carruurtii tahriibto ama uu dhaqankooduba xumaado ayaynu qaylinaynaa oo afka gacanta gelinaynaa.

Carruurteennii marka ay weydo meelo bannaan oo ay ku ciyaaraan iyo wax ay medaalo ka dhigtaan, ayay u digo-roganayaan in ku mashquulaan waxyaabo aan dhaqankeenna iyo diinteenna ku fiicnayn. Waa wax aynu galabsannay oo ay ahayd in aynu ka gurmanno bal se aynu ubadkeennii ku daawanno.

Dhaqan ahaan waxa jira xeerar lagu hantiyi karo dhul oo aynu ummad ahaan isla wada qirsan nahay. Waxa kale oo jira axkaam diiniya oo Ilaahaay dejiyay oo dhul iyo hanti kaleba lagu mulkiyi karo. Wixii intaa ka baxsani waa waxba kama jiraan. Xukuumaddu uma idmana umana dhisna in ay ummadda u kala eexato oo kala qoqobto. Xukuumaddu uma dhisna in ay dad warqad loo qoray hodan ku noqdaan, qaarna warqaddaa la’aanteed sabool ku noqdaan oo wixii la wada lahaa dad gaar ahi si qofnimo ugu danaystaan.

Waxa kale oo reebban in madaxda Qaranka iyo xafisyada Qaranka lagula meeraysto ujeeddooyin dahsoon oo lagu boobayo hantida ummadda ka dhexaysa. Dhul-boobka iyo danaysiga gaar ahaaneed waa wax beryahan dambe dhaqan iska noqday oo la iska xalaalaystay inta bandanna aan la iskula yaabinba, haddaan la isku ammaaninba.

Xaaladda ku-takri-falka dhulka dadweynuhu waxay maraysaa heer aad iyo aad u xun oo aan tudhaale lahayn. Xukuumadda maanta joogtaa waxay go’aansatay in ay ku takri-fasho dhulka bannaan iyo dhismayaasha dawladda ee weliba shacabka ku yaal. Wax qarsoon ma aha. Waxa la isla dhex marayaa in ay Guddi u dhisan tahay dadweynaha guryaha dawladda ku jira u yeedhaa oo la baayactantaa. Mas’uuliinta xukuumadda ee ku danaysatay guryo-ummadeed ma yara, waxaana ka daran inta u sii hanqal-taagaysa ee hadda deyrarka u samaysanaysa.

Dhul-bixinta kuma eedaysna Xukuumadda iyo dawladda oo keli ahi. Waxa kale oo ku eedoobaya inta sifaha sharci-darrada ah ku mulkiyaysa hantidii ummadda ka dhexaysay. Waxa ku eedaysan dadweynaha xukuumadda iyo mas’uuliinta ku dirqiyaya ee ku hanuuninaya ama ku dhiirrinayaba in ay dhulka dadweynaha ku takri-fasho. Haddii ay Xukuumaddani sifo aan sharci ahayn dhul ummadeed ku bixiso, waxa iyaduna bannaan oo xaq iyo xeerba noqonaysa in ay Xukuumad kalena xaqa u noqoto oo ay hantidaa ummadda laga boobay u soo celiso. Marka sharciga iyo Maxkamadahaba la hor tago, waraaqaha dhulkan booliga ah lagu hantiyay waa mid la burin karo oo dib loo sixi karo.

Maansadiisii Deelleeyda ee ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’, sow tii Cabdi Iidaan Faarax ku lahaa:

“Dufan-jecesha ururtiyo,

Dibna-leefta xooluhu,

Ha daldalato taaggeed,

Dusha godobta kala soco,

Duugoobi meysee,

Innagaa ka dabo-tegi,

Wadaamaha la dawdabay,

Dan-yartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,”

Dhammaad

 

Additional information