Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 26aad Doorashada maxaynu ka rabnaa?

Hugunka, hadalka iyo hadaaqiiba waa ay bateen. Beryahanba hadal-haynteennu waxay u badnayd Doorasho waqtigeeda lagu qabto oo aan dib u dhicin. Mararka qaarkood muranku hadalba waa uu dhaafsiisnaa oo gacan-ka-hadal ayuu ku dhawaa.

 

 

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 26aad

Doorashada maxaynu ka rabnaa?

Nin la yidhi na daaddihi,

Haddii la iska dabo-galo,

Oon doohba cidi odhan,

Damac waayi maayee,

Haddaan Dahabo bixiyaba,

In aan lagu durdurinayn,

Maxaa ii dammaanad ah?

Demmen wayska huruddaa,

Xeerka loo dejinayiyo,

In aan qalinka lagu dagin,

Maxaa I dammaanad ah?

Maansadii Dabo-taxan ee Macallin Gaarriye, 1997kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

25/9/2014ka, Hargeysa,

Hugunka, hadalka iyo hadaaqiiba waa ay bateen. Beryahanba hadal-haynteennu waxay u badnayd Doorasho waqtigeeda lagu qabto oo aan dib u dhicin. Mararka qaarkood muranku hadalba waa uu dhaafsiisnaa oo gacan-ka-hadal ayuu ku dhawaa. Qurbo-joogta Somaliland ee aan ku fiicnayn kul-beegga siyaasadeed ee Somaliland tilifoonka ayay ku waalatay oo in la is-laynayo ayay moodayeen. Muranku wuxu ka taagnaa doorashadu xilligeedii ha ku dhacdo. Waa mucda hadalka iyo xuddunta waxa la isku haysto. Waa muran dhex yaal Xukuumadda iyo labada xisbi ee mucaaradka. Xisbiga saddexaad ee Kulmiye xaalkiisu waa Bariga Dhexe oo xaggan iyo xaggaa midna ma jiro.

Doorashadu waqtigeedii ha ku dhacdo waa arrin. Waxay se is-weydiintu tahay: Maxaynu ku falaynaa doorashada? Maxaynu ka doonaynaa doorashada? Maxaa dammaanad ah ee aynu haysannaa si aynu u hello waxyaabaha la inoogu ballan-qaadayo ee codkeennii la inaga siisanayo? Cel-celis ahaan dammaanaddaasi intee ayay le’eg tahay? Ka la dooranayo maxaynu ku doorannaa? Ka aynu ka dooranaynno maxaynu ku diidnaa?

Waa su’aalo ‘alfu leyla wa leyla ah’ kuwa la is-weydiin karayaa. Haddii sidii doorkii hore digo iyo dambas codkeenna la inaga siisto, weynu jabaynaa meel aynu jaan iyo cidhib dhignayna la ina arki maayo. Saddexda Xisbi Qaran ayaa fagaaraha taagan oo fardaha tartanka saaran Maxaa laga doonayaa haddaba?

Tan iyo aammanuu xaaladdan maanta aynu ku jirno ayaynu ku jirnay. Waayuhu waa is-beddelayay. Xilligu waa soocday oo taariikhdu is-ma taagin marnaba. Gu’ inoo kordha mooyiye, garaadkeennu marnaba is-ma soo tarin. Bal dib u milicsada waayaha. Mar ayay sheekadu taagnayd: gumeysigu haddii  uu tago waa la dhergayaa dooxyada malab iyo caano ayaa soo maraya. Intii ka dambaysayna waxaynu ku jirnaa: haddii hebel la rido oo hebel yimaaddo, adhiga ayaynu ku dhergaunnaa. Maantana weynaga qaadaynaa: Dhulkeenna nimcaa fadhida.

Ballan-qaad afka ah o hadhowna laga baxaa, waa waxa aynu eednay. Doorashadii Madaxweynaha ee Juun 2010kii Xisbiga Kulmiye, wuxu kaga qayb-galay Buug-yare aan higsi iyo aragti midnaba lahayn oo ka koobnaa mowduucyo la taxay oo ku wada suntanaa “Waa In”. Wax weligeedba soo jirtay oo aan la mahadin. Markii ay doorashadii ku guulaysteenna wixii ay doonayeenba waa ay sameeyeen, Xisbigiina cidiba hoodh kuma qoysan ee gaade ayaa dhexdeeda ka kacay.

Waxa loo baahan in aynu ka fekerno wax dhaafsiisan doorasho dhacda oo hebel lagu beddelo hebel, marka waxba inoo soo kordhi waayaanna aynu dhexda farta ka qaniinno, sideennii iyo sidii ay weligeedba ahaan jirtay.

Saddexda Xisbi Qaran waxa laga rabaa in ay u jiraan oo ay u shaqeeyaan sidii Xisbiyo nool oo gun ilaa baar hawl-gala. Xisbiyo dadka gude iyo dibadba xididdo ku leh oo aan ahayn kur-ka-nool shir-jaraa’id mooyaan e’ aan aqoonin hawl siyaasadeed oo kale. Xisbiyo leh golayaashii hoggaaminta oo wax-qabad iyo firfircooni muujiya. Xisbiyo leh ujeeddooyin, qaar fog iyo qaar dhowba.

Dadweynaha kuma filla khudbado madhan oo aan qoton iyo dhumuc lahayni. Xisbiga Kulmiye la yidhaahdaa uma muuqdo ilamana aha in uu yahay Xisbi nool oo jira. Soo-bixiddii uu soo baxay iyo hoggaaminta dalka ee uu ku guulaystay ayuu eeday oo dagaalay, meel uu iska soo qaadana ma joogo. Ilama aha in uu dadweynaha dib u soo hor joogsan karo oo mar dambe digo iyo dambas ka iibin doono. Haddii ay taasi dhacdo, daganta ay dhacayaan, waa duul aan lagu jirin.

Labada Xisbi ee kale oo ah kuwa keliya ee saaxadda Somaliland ku jira, waxa laga doonayaa:

1. Qiimayn dhab ah oo cilmi iyo aqoonba cokan oo ka tarjumaysa xaaladda runta ah ee maanta dalku marayo: gude iyo dibadba. Qiimayn ku aroorta waayaha siyaasadeed, dhaqan, dhaqaale, amni, degaan iyo nololeed

2. Qiimayn dhab ah oo lagu sameeyo qaabkii hoggaamineed ee xukuumadda maanta talada dalka haysa: waxyaabaha togan ee ay ku guulaysatay iyo waxyaabaha taban ee ay ku riiqatay,

3. Diraasad cilmiyeysan oo ku saabsan xisbi waliba waayaha uu ku nool yahay, siduu u hawl-galay iyo sida uu doonayo in uu u hawl-galo mustaqbalka haddii uu doorashada ku guulaysto,

4. Soo-bandhigidda barnaamajka siyaasadeed ee xisbigaasi fulinayo ee uu dadweynaha kaga doonayo in ay codkooda siiyaan oo ay ku iibsadaan,

5. Muxuu xisbigu dammaanad u hayaa in uu barnaamajkaa fulinayo haddii uu doorshada ku guulaysto

6. Waa maxay tusayaasha (indicators) in ay wax waliba u socon doonaan sidii loo qorsheeyay,

7. Dalka iyo dadka hagaajintoodu ma aha hawl u taalla xukuumaddii hadba xilka haysa iyo Xisbiyada, waa se hawl inteeda badani ay u taallo dadweynaha, bislaanshihiisa iyo ka-fal-celinta togan ee hadba waayaha iyo duruufta ku xeersan,

Ilaa aamanuu xaalkeennu wuxu ahaa aynu ku boobno. Maantana waxay taagan tahay kanna aan ku boobno. Haddaan Ilaahay faraj inoo bixin ka iman doonana waa aynu ku booby doonnaa. Innaguna in aynu kob caano leh ka soo durdurinno lagama yaabo.

Allow sahal umuuraha adaa noo aqoonee, Aammiinta igu dara,

Dhammaad

 

 

Additional information