Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 27aad Kol haddaan la Koreyn (Xafladdii Qalin-jebinta Hormadii 11aad ee Jaamicadda Hargeysa)

Waa Qormo qormadeed…….Qabax…..Qardhac  iyo quxub midna kuma iman. Waa qiimayn……Waa qurux……Waa qaddarin…….Waa maalin farxadeed……..Waa qalin-jebintii Hormada 11aad ee Jaamicadda Hargeysa

 

 

 

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 27aad

Kol haddaan la Koreyn

(Xafladdii Qalin-jebinta Hormadii 11aad ee Jaamicadda Hargeysa)

mumyHaddaad tahay guur-u-meer,

Garaabo adoon qub-qubin,

Adoon ummadda isku gubin,

Dadweynaha soo gab yidhi,

Waxaad ka gadayso mari,

Abaalkana waa gudnaa,

Waxaad noo gashee horiyo,

Gadaal waxaad maaggan tahay,

Bal noo sheeg waa golee,

Waxay dadku kaa guntaan,

Maansadii Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005tii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

2/10/2014ka, Hargeysa,

Qormada 1aad

Waa Qormo qormadeed…….Qabax…..Qardhac iyo quxub midna kuma iman. Waa qiimayn……Waa qurux……Waa qaddarin…….Waa maalin farxadeed……..Waa qalin-jebintii Hormada 11aad ee Jaamicadda Hargeysa.

Sidee ayaan madasha ku tegay? Madashu sidee ahayd? Jidka loo marayay sidee ayuu ahaa? Yaa ka qayb-galay? Maxaa laga yidhi? Yaa se ka yidhi? Kaftan-dhablihii meesha ka dhacay iyo qodobbo kale oo xiiso leh. Intaas iyo in badan oo kale ayaan jecelahay in aan qormadan kooban ku guud-maro. Fadlan ha iga hadhin, adiga oo raalli ah.

Haa……Waa san ayaa Hargeysa iigu beryay aniga oo shalay ka soo guryo-noqday magaalada Jabuuti oo aan toban maalmood ku maqnaa. Galabnimadii, Axaddii, 27kii bishii Sebtember waxa tilifoon ii soo dirtay Kowsar Xasan Axmed Cige oo aan abti u ahay. Kowsar waxay ku dhalatay 12/11/1990kii, magaalada Jigjiga maalmihii qadhaadhaa ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa dhashay Safiya Aw Yuusuf Ducaale oo ay hooyaday u taqaannay Safiya-Eemar. Safiya guri-dambaysteedu waa Kowsar, Safiyina waa guri-dammbaystii hooyaday,

Erey-qeexaha Soomaal marka aad daalacato ereyga eemar wuxu ku sharraxan yahay ninka amarka adag. Waa ereyada adeegsigoodii ka baxay afka Soomaaliga. Sow tii Cilmi-boodhari lahaa:

“Waa la igu eemeray cishqiga, in an ku ooyaaye,

Allahayow afkaygiyo sidaan, aadmiga u eeday,”

Kowsar waxay ii sheegtay in ay qalin-jebinayso berrito oo Isniin ah, sidaa darteedna la igu mart-qaaday xafladda qalin-jebinta. Aniga oo kaalintii waalidnimo ku jiray, maa daama aabbaheed xanuunsanayay, sidaas ayaan ku qaaday xilkaas. In aan maaalintaa Jaamicadda Hargeysa imaaddaa xil-qaad iyo mas’uuliyad ayay iga ahayd. Ardayda kalena ubadkaygii aanu u soo tacabnay ayay ahaayeen oo igama ay fogayn dhammaantood.

Maalintan boqrani waxay ku timid amar Ilaahay iyo idamkiisa. Waxay ku timid barbaartii naftooda sadqaysay si ay dal iyo dadba uga xoreeyaan nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre. Intaas oo Dufcadood ama Hormo oo qalin-jebin lahayd ayaa u shahiidday oo u naafowday. Abaalkoodii weli waa uu maqan yahay. Da’-yartii abaalkaa mudankiisa celin lahaydna Tahriib iyo xilkooda oo ay ka cararaan ayay dan moodeen. Xukuumadna hadalkeeda daa, waxa ka soo hadhay wax diihaal la sahaya oo doocooda iyo dareenkooduba aanu duunyo dhaafsiisnayn. Dufan-jeceshii, Dibno-leeftii iyo Dabo-ka-naaxyadii Cabdi Iiidaan Faarax inooga ducayn jiray Deelleeydii ayaad mooddaa in ay dib u soo gadaal-baxeen.

Jaamicad la furo…….Jaamicad la arko……Jaamicad la galo…….Jaamicad laga qalin-jebiyo……..Dirayska madow iyo koofiyadda oo la soo xidho……Xaflado……..Mashaxarad iyo damaashaad. Hawl si fudud lagu xaqiijiyay ma ay ahayn. Mar ayaan Jaamicadba cidi hadal-hayn jirin oo Dugsiga Sare ee Sheekh Jaamicad la meeqaan ahaa, ardayduna muraayado cad-cad qaadan jirtay oo la odhan jiray: “cilmigaa indho-tiray.” Mar baa Jaamicadaha London iyo arda-walaaya loo tegi jiray. Beryaha qaar ayaa Soodaan loo lugayn jiray oo Masar looga sii gudbi jiray. Mararka qaar ayay soo dhawaatay oo Xamar loo tegi jiray. Iyaduba qurbo-nacas kale ayay ahayd e’.

La soo dhaafyoo waa nabad. Waa ta Cammuud laga furay……Waa ta Hargeysa laga furay…..Waa ta Burco laga furay. Oo yaa kala hadhayda, waa ta badhaysa noqotay ee Hargeysa oo keliya dhowr iyo tobanka laga furay. Al-xamdu Lillah, kol haddaan Jaamicad la inagu khuuhkinayn. Tayayntii waa ay inoo hadhsan tahay ee tiradii ayanu wax ka haynnaa.

Maalmuhu iskuma jirin e’, waa maalin Isniin ah oo ay bishii Sebtember 28 ahayd. Waqti ay saacaddu ku beegnayd siddeeddii oo wax dhiman ayaan guriga ka baxay inta aan si rasmiya u lebbistay, si aanay Kowsar ii odhan abtiyo wuu I yaraystay. Intii aan sii socday ayay laba jeer ila soo hadashay. Mar saddexaadkii waxaan u sheegay in aan Jaamicadda ku dhex jiro. Saacaddu waxay ku beegnayd 8.10 daqiiqadood. Kowsar markiiba waanu is-hellay. Colkii hab-maamuuska ayaa I helay oo xagga hore I fadhiisiyay.

Waan ogaa in ay maalin adag noqonayso, gaar ahaan marka aan ku xisaabtamo sida aanay madaxda dalku waqtiga iyo maalmahaba ugu xisaabtamin. Hudheelka Guuleed markii aan marayay ayaan dareemay dhaqdhaqaaqa ciidammada is-huwan ee nooc walba lahaa. Waa dad wanaagsan haddii ay madax wanaagsan oo daacadnimo u adeegsata helayaan. Dun xariir ah weeyaan. Waxaan xaaladda sii dareemay markii aan gaadhay Xarunta Gobolka iyo intaa ku xeersan. Siidhiga iyo qaylada ayaa circa isku shareertay.

Halkii ‘Trades School-ka’ hortiisa ayaan baabuurkii dhigtay oo aan ka lugeeyay. Baabuur badan ayaa loo diiday in ay u soo gudbaan waddada Jaamicadda aniga se waa ay ila saayireen, waanay mahadsan yihiin.

Aniga iyo dad badan oo kaleba ilaa 8.00 subaxnimo ayaanu meesha fadhiisannay. Madaxweynaha iyo raxan madax ah oo la socotay waxay madasha yimaaddeen waqti ku beegnaa ilaa 10.10 saacadood oo dadkuba daal la liitay. Intii la hamaansanayay ee Madaxweynaha raagay la sugayay, si waxoogaa dadka loo maaweeliyo dhowr qof ayaa laga codsaday in ay makrifoonka qaataan, in kasta oo ay qaar badani ka maageen, iyaga oo rabay in ay hadalkooda jeediyaan marka Madaxweynuhu yimaaddo. Is-tusku meel walba waa uu joogaa, xataa xafladaha Jaamicadaha iyo xarumaha aqoontana kama xishoodaan.

 

Qormada 2aad

Madaxweynaha imaatinkiisii Jaamicadda, Unugyo ciidammo ah ayaa ka soo horreeyay oo kala duwan. Horumarku wuxu ku jiray in ciidammada Odeyga ilaalinayay qaarkood hubkoodu asturnaa isla markaana ay suudh iyo isku-joogyo ku lebbisnaayeen. Bravo! Baamboygii ayaa iyaguna meesha joogay oo durbaan iyo daramalba noo qaatay. Salaan ayaa loola joogsaday Madaxeynaha. Waxa dabo-yaacaya waad yaabtaa maahee, ciddiyaha ayaad iska guraysay. Taliye ciidan ma maqnayn! Wasiirro hadalkooda daa. Inta xilka iyo maamuuskaba u taqaan Madaxweynaha oo la ag joogo, la isku ag sawiro, la ag fadhiisto, hadba dhegta wax loo saaro iyo waxyaabo aynu innagu ka xishoonayno, ragga qaar se wax isku moodayaan. Waana xanuun nafsiya oo dadka ku dhaca. Waa mararka uu qofka sidaa yeelaya naftiisu isu qaato in uu yahay Madaxweynihii oo gafuurka iyo ganafkaba taago.

Garan meysid sababta Odeyga Qaranka culayska intaa le’eg iyo rasmiyaadka caynkaas ah loo saaro. Waa immisa maalmood? Waa Cammuud…..Waa Golis…..Waa Alpha……Waa Admas…… Waa Jaamicadda Hargeysa…….Qaar kalena siraad ayaa lagu doon-doonayaa. Geeska iyo ‘New Generation’ ma maqal in Madaxweynuhu tegay.

Laakiin Jaamicadda Hargeysa wax baa ku cusbaa. Waa ka-qayb-galkii Xisbiyada Mucaaradka ah. Arrin qarsoon ma ay ahayn. Feysal Cali Waraabe ayaa hadalkiisa ku daray in aanay Jaamicaddu soo casuumin, bal se ay Madaxtooyadu ku soo casuuntay Xafladdan Qalin-jebinta. Taasi waxay ka dhigan tahay intii ay xaflado hore ka maqnaayeenna in ay Madaxtooyadu ka hor joogtay. Waa sida uu hadalku u dhadhamayo, xukuumaddu se hadalkaa Feysal sacab xoog leh ayay u tuntay. Mooyi, laga yaabaa in ay mar danbe fahmaan wuxuu uga jeeday.

Dadkii aan dhinac fadhiyay ee Jaamicadda Hargeysa hagayay waxaan ka ogaaday in ay Xisbiyada Mucaaradku Xafladda imanayaan oo ay weliba ka hadlayaan. Tallaabadan haddii ay Xukuumad noqoto iyo haddii ay Jaamicad noqotaba waa ay ku mahadsan yihiin, waana tallaabo horumar iyo ididiilaba muujinaysa. Mucaaradka waxa looga baqdaa in ay Xafladaha caynkan oo kale ah xukuumadda ku naqdiyaan. Run ahaantii looma baahna in ardayda horteeda la isku jiid-jiito. Waxa fiican in madal walba hadalkeeda iyo milgaheeda laga yidhaahdo. Tabaalaha muuqda ee dal iyo dadba aafada ku noqday lagama aammusi karo. Waa la soo qaadayaa oo waa laga hadlayaa. Taas, macnaheedu ma ahaa dhalliil ama cay xukuumadda loo jeedinayo.

Tusaalayaal nool aan soo qaadanno. Tahriibka waa laga hadli karaa. Waa aafo qaran. Xukuumaddu ma ay samayn, keligeedna waxa kama qaban karto. Waa hawl inoo wada taal. Shaqo-la’aantu waa aafo kale. Xukuumaddu ma ay samayn. Keligeedna wax kama qaban karto. Waa hawl inoo wada taal. Qaadka ayaa la mid ah. Qabyaaladda ayaa la mid ah. Xukuumaddu kaalin hoggaamineed ayay ku leedahay. Shaqaale dawladeed ma wada noqon karno xataa haddii ay ina wada hawl-gelin karto. Danteenna iyo dimuqraadiyadda ayaan ku jirin in meel la inaga wada masruufo oo hunguriga mar la ina wada qabto.

Aaafo kasta waxyaabo sababaya iyo waxyaabo daawo u ah ayaa jira. Tahriibka oo kale, da’-yarta qaarkeed waxay u qabaan in Qurbo-joogga aan u baahnayn ee la shaqaalaynayaa ay aafooyinka ka mid tahay. Bal hadda ila eega Farxaan Cismaan Diiriye e-mail uu ii soo diray markii uu qormadan akhriyay: “….Ta danbe waa Tahriibka e’, halkan aan joogno Europe waxa aad looga dareemey in Qurba-joogga Dawladda Ka shaqeeya ama qabsadey ka mid yahay sababaha ugu waaweyn ee caruurtu u soo tahriiban. Passporka ayaa la qiimeeyaa ee Shahaadad Jaamacadeed laguma qiimeyn suuqa shaqada.” Beryihii SNMtana Qurbo-joogga hoggaankii markaa jiray waa uu jeclaa oo Axmed Warsame (Baalle-cadde) oo ruug-caddaagii ka mid ahaa ayaa laga guntay: “Inta aan dhoofo ayaan soo noqonayaa, safka halka ugu horreysa ka gelayaa.” Sidii ayuu Axmedna weli inagaga maqan yahay.

Kuwa Xafladaha noocaas ah abaabulayaana waa in ay iska daayaan guul-wadaynta raqiiska ah ee madaxda dalka qaarkood ay munaasbadaha kaga hor joogsanayaan. Waa sida ka dhacday Jaamicadaha qaarkood ama ay qaarkood dhaqanka iyo caadadaba ka dhigteen. Jaamicaduhu waa in aanay cidna la colloobin, cidna si gaar ah ula saaxiibin, illeyn carruurta dadkaa dhalay ee Xukuumaddu ma wada dhalin e’. Dadkuna carruuraha waxay Jaamicadaha u geystaan in ay cilmi, aqoon, akhlaaq, diin, anshax suubban iyo xishmaynta soo bartaan.

Jaamicaduhu waa goobaha fekerka iyo mala-awaalka halbowlaha u ah. Jaamicadaha male-awaal hor leh ayaa la soo bandhigaa, la difaacaa oo xaqiiq la barto isku roga. Jaamicaduhu ma aha xarummo ciidan oo dadka lagu jiheeyo amar-qaadashada, durbaan-tumidda iyo guul-wadeynta. Guddoomiyayaasha iyo Hormuudyada Jaamicaduhu waa in ay hoggaan toosan iyo tusaale lagu daydaydo ardayda u noqdaan ee ma aha in ay noqdaan darkii sacabka iyo mashxaradaha madhan.

 

(La soco maalinta Axadda, haddii Eebbe idmo)

Additional information