Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 28aad Geeddiga hakaday: Doorashooyinkii

Dhowr sannadood oo nidaam digtaatooriya, millateriya oo qabaliya si qarsoodi ah la iskugu hoos abaabulayay. Xidhiidh joogta ah oo toos iyo dadab labadaba ahaa oo ka dhex socday Jaaliyadaha dibadaha iyo unugyadii gudaha laguna aloosayay urur siyaasadeed oo lagaga hor tago nidaamkii daallinka ahaa ee Siyaad Barre

 

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 28aad

Geeddiga hakaday: Doorashooyinkii

“Dalawada hallowdee,

Dibjirka ah ninkii helay,

Markuu dhowr diraacood,

Dambarsaday is-moodsii,

In ay duunyadii tahay,

Damac baa se hodayee,

Hashu waa dir Maandeeq,

Summaddeedu waa Deel,

Ninkii lahaana muu deyn,

Weli baadi-doonkii,

Kamuu daalin raacdada,”

Deelleeydii Cabdi Cali Weyd, 25/1/1980kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

23/10/2014ka, Hargeysa,

Dhowr sannadood oo nidaam digtaatooriya, millateriya oo qabaliya si qarsoodi ah la iskugu hoos abaabulayay. Xidhiidh joogta ah oo toos iyo dadab labadaba ahaa oo ka dhex socday Jaaliyadaha dibadaha iyo unugyadii gudaha laguna aloosayay urur siyaasadeed oo lagaga hor tago nidaamkii daallinka ahaa ee Siyaad Barre oo ka mid ahaa dawladihii ciidan ahaan ugu xoogga weynaa dalalka Saxaaraha Afrika ka hooseeyay. Toban sannadood oo halgan hubeysan oo dadweyne oo dibuxoreyn qaran ahaa oo ay SNM horseed ka ahayd, ka dib ayaa lagu guulaystay in gobolladii woqooyi oo markii dambe Jamhuuriyadda Somaliland loogu wan-qalay laga hirgeliyo qaybo ka mid ahaan jiray Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee burburtay ee Soomaaliya.

Tan iyo 18kii Meey, 1991kii oo Jamhuuriyadda Somaliland lagu dhawaaqay, ilaa maantadaa aynu joogno ee sannadkan 2014ka, geeddi dheer oo la mahadiyay ayaa la soo galay. Hor iyo horraanba tan iyo maalintii halgankii hubeysnaa bilaabmay ilaa maalinkaa maanta ah Somaliland arrimaheeda gacanta ayay ku haysatay. Dibad
loogama iman, looguma yeedhin, loogama talin isla markaana waa ay ka adkaysatay faro-gelin shisheeye iyo sokeeyaba kaga timaadda. Shirarkeedu dalka ayay ka dhici jireen, waxaanay ku qabsoomi jireen caqli, cudud iyo cuud dadweyne  oo aan dibad laga soo dawerin sidii Soomaaliya aafaysay. Dibuheshiisiin iyo nabadayn ayaa la galay. Waa ay jirtay in mararka qaarkood dagaalo-sokeeye dhici jireen. Dibudhis ballaadhan ayaa la galay. Hub-dhigis iyo dhisme ciidan oo laxaad leh ayaa lagu tallaabsaday. Hannaankii dawladeed ayaa la yagleeyay iyada oo dalka oo dhan laga hirgeliyay nidaam cashuur-bixineed oo lagu abuuray dakhli saldhig u noqday miisaaniyad qaran oo ilaa heer wax tar ah. Dastuurkii ayaa afti lagu oggolaaday. Ururro siyaasadeed iyo Xisbiyo ayaa la sameeyay. Kaabayaashii dhaqaalaha iyo adeegyadii bulshada ayaa dibudhis iyo horumarba lagu sameeyay. War-baahin xor ah ayaa hano-qaadday. Doorashooyin la mahadiyay ayaa dalka dhowr jeer ka qabsoomay. Xil-wareejin milgo iyo sharafba lahayd ayaa la isku hambalyeeyay oo la isku gacan-qaaday.

Dawlad iyo dadweynaba waa la dedaalay. Xukuumadihii maamulka u kala dambeeyay wax-tarkooda iyo dhimaalkoodaba waa ay lahaayeen si ay u kala darraayeenba.

Maanta oo ay dalka ka talinayso xukuumad ka dhalatay doorashadii Madaxweynaha ee qabsoontay 26/6/2010kii, waxa la kari la’ yahay in la alooso doorashada is-barkan ee Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha oo ay Golaha Wakiilladu ku muddeeyeen 26/10/2015ka. Nidaamka maanta dalka ka taliya, waa doorashadii labaad ee ku soo hagaagta. Waxa ka horreysay tii Golayaasha Degaanka oo qaskii iyo murankii ugu badnaa ka dhacay.

Dastuur Qaran oo doorashooyinka qodobbo ka dejiyay ayaa jira. Xeerar ay Golayaashu Qaranku dejiyeen oo doorashooyinka saameeya ayaa jira. Dastuurradii xisbiyada ayaa iyaguna jira. Intaas oo dhan oo jirta oo ay xukuumaddani ka war qabtay, ayaa maanta oo aynu bishii Noofambar, 2014ka madaxa la gelayno ay doorashadii mugdi iyo madmadow kuma jirto oo keliya e’ ay mid ka sii daran hadba sii gelaysaa. Komishankii Qaranka ee Doorashooyinku hawl-gal ma aha oo meel ma fadhiyo oo ma shaqaynayo. Xeerkii Diiwaan-gelinta ee Lambar 37aad, waa laalan yahay oo Golayaasha Xeer-dejinta ayaa isku tuur-tuuraya oo midba mid ku riixayaa. Diiwaan-gelintii Madaniga ahayd oo dhimatay intii aanay dhalanba ayaa dadka lagu maaweelinayaa oo Madaxweyne-ku-xigeenkuna u ololaynayaa, Guddoomiayaha Golaha Guurtiduna leeyahay waan laalay.

Nimankii Khawaajaha ahaa (Caddaanka) ee geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland taageeri jiray cabaad iyo socodba ka dhammaa. Intaas oo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen iyo Safiirba waa ay yimaaddeen. Badda waa la inooga yeedhay oo Madaxweynaheenna waa tii markabka dushiisa lagula shiray. Guddoomiyayaashii Xisbiyada waa ta Nayroobi looga yeedhay. Maalmahan soo socdana waxa laga yaabaa in dayuurad dusheed la inooga yeedho. Bal se xukuumaddeenna abaabul-daran, cidna dheg jalaq uma siin.

Ummaddeenna dhillo iyo dhagarba la og yahay soo martay ee ka soo gudubtay ayaa maanta xukuumadda dalka ka talisaa badday in ay doorasho aloosan kari weydo. Maxay taasi ku dhacday?

Hay’adihii Qaran ee hawlahaa ku shuqul lahaa ayaa ragaaday oo hagaasay. Golihii Wakiilladu inta ay cod shirqoolan oo dabin loo dhigay ahaa Xeerkii Diiwaan-gelinta ku go’aamiyeen 64 cod, ayay barkimo dheer iska dhigteen. Shir-guddoonkii Guurtidu waa kaa Xeerkiina laalaya, fasaxa 45 maalmoodna ahna gelaya xilli ay doorashadiiba siddeed bilood ka hadhsan yihiin. Komishankii Doorashooyinka laba Guri ama xarumood oo iska soo hor jeeda oo waddo labaatan mitir ahi dhex marto ayaa midba mid ku riixayaa. Guddoomiyayaashii Xisbiyadu waa ay is-raaceen oo Nayroobi ayay wada-tashi u tageen iyada oo aanay la socon ciddii go’aanka kama-dambaysta ah lahayd. Xataa iyagu runta isuma sheegayaan oo Guddoomiyayaal go’aamo qaadan kara ayay isu aqoonsan yihiin. Guddidii Diiwaan-gelinta ee geddi-socodka dimuqraadiyadeed siidhiga xisbiyada u haysay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay lagama war hayo. Shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee la isku maan-dhaafay kama ay hadal. Ilaa maantadaa aynu joogno waxba kama ay odhan Xisbiga Kulmiye ee Kal-fahdigiisii Golaha Dhexe qabsan kari la’. Ilaa maantadaa aynu joogno Xisbiga Kulmiye ma ay weydiin sababta ay Murashax Madaxweyne iyo Ku-xigeen u soo dooran waayeen.

Ma shacbiga Somaliland ee xaraarta la og yahay butaystay ee ma-hadhada ku noqday Geeskan Afrika ayaa doorasho qabsan kari waayay? Jawaabtu waa maya. Maah-maahda ayaa ahayd: “Ninka intaa le’egi inantayda kama dhali waayin ee wuu hagranayaa.” Xukuumadda maanta dalka hoggaaminaysa ee fursado la og yahay iyo tamarta aan la qiyaasi karin, haysataa, ma suurtowdo in ay doorasho qaban kari weyday, bal se timir laf baa ku jirta.

Gebegeeda sheekada, dib ugu noqo cinwaanka qormadan gaaban ee ah:

“Geeddida hakaday,”

Waxaand ku darsataan labada beyd ee kale ee ah:

“Wuu gaabiyee,

Uma noqon gadaal,”

Waxaan idiin ka soo garoocay Maansada Gar-naqsi ee Gaarriye, Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’. Waa la guulaysan doonaa oo ta Ilaahay iyo ta shacbiga ayay noqon doontaa.

Dhammaad

Additional information