Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 29aad Gaandhi: Magac iyo Maktabad

Maansada Gashi ee aan idiin ka soo garoocay tuducan sare, waxa tiriyay Macallin Gaarriye, 1980kii, mar uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Wuxu ka tiriyay dhacdo qabsatay Yuusuf Xaaji Aadan oo markaa ka hawl-geli jiray Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu beryahaa Wasiir ka ahaa nin la odhan jiray Axmed Ashkir Bootaan. Macallin Gaarriye wuxu maansadan ka tiriyay duudsi uu Yuusuf Xaaji Aadan ka mutay maamulladii Wasaaradda iyo dalkaba.

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 29aad

Gaandhi: Magac iyo Maktabad

“Guclo been ah, gaalleef af-daran, gawdhis iyo duudsi,

Lib-gad iyo ammuur wada gurracan, geesi la illaawo,

Giddi xalay waxaan Yuusufow, gurayay taariikhe,

Ged-geddoonka waayaha haddaan, gaar u falanqeeyay,

Goobii la soo maray intii, guluf la heenseeyay,

Hadba goosh ha joogtee wixii, guulo laga keenay,

Dadku uma gudboonayn sidii, loogu hawl-galaye,

Gurmadkii ku kacay baad ahayd, ‘Gii-di’ maatada e’,

Waxa se iyaba waa guul-darree, gorof ku maalaaya,

Oo aan Gobaad loogu tegin, gaalo-ka-hadheene,”

Maansadii Gaarriye ee Gashi ee uu u tiriyay Yuusuf Xaaji Aadan, 80kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

30/10/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 1aad

Maansada Gashi ee aan idiin ka soo garoocay tuducan sare, waxa tiriyay Macallin Gaarriye, 1980kii, mar uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Wuxu ka tiriyay dhacdo qabsatay Yuusuf Xaaji Aadan oo markaa ka hawl-geli jiray Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu beryahaa Wasiir ka ahaa nin la odhan jiray Axmed Ashkir Bootaan. Macallin Gaarriye wuxu maansadan ka tiriyay duudsi uu Yuusuf Xaaji Aadan ka mutay maamulladii Wasaaradda iyo dalkaba.

Maanta sannadku waa 2014ka. Waa Hargeysa iyo Somaliland oo dibuxoreyntoodii ilaahay og yahay geesiyada loo sadqeeyay iyo moodka ku burburay intii uu le’ekaa. Waa maalintii la is-lahaa waa la ciil-dhacsanayaa. Waa maalintii la is-lahaa geesiyaashii kala dambeeyay waa la abaal-marin doonaa. Waa maalintii la is-lahaa kuwa nool ee waaxyahoodii ku waayay ayaa lagu horreyn doonaa. Waa maalintii la is-lahaa waxa xilka ugu sarreeya dalka haya ninka ku faana in uu ugu muddo dheeraa xarakaddii SNM hoggaaminteedii. Kuwo nool oo wax loo qabto iska daaye, kuwii quufle dhintay ee Ingiriiska iyo jahligaba la dagaallamay ee ku dhintay ayaa luxudkii loogu tegay oo magacoodii iyo milgahoodii loo sadqaynayaa dhismayaal aan dhul kale loo waayin.

Maxaa haddaba maantana dhacay. Aan idiin mariyo sheeko xanuunkeeda xaradhaamadeeda iyo xadantadeedaba leh. Maqaalkan waxaan ku suntaday: MAGAC IYO MAKTABAD.

Magaca:

Ka-miskiin ma aha magaca. Waxa loogu wan-qalay Yuusuf oo ka soo jeeda reer Ismaaciil Samatar Furre. Intaa laguma deyn e’, naanaysna waxa looga dhigay ‘Gaandi’. Garo’ oo waxa wax lala wadaajiyay hoggaamiyihii weynaa ee dal-weynaha Hindiya ee Mahatma Gaandhi. Yuusuf Ismaaciil Samatar xilliyadaa uu barbaarayay ee uu macallinka ahaa ayay xarakaddii Mahatma Gaandhi adduunyada haysatay. Had iyo jeer wuxu ka sheekayn jiray Gaandhi, sidaas ayaana loogu bixiyay. Waa da’aaddii ku dhalatay Hargeysa 1920kii isla markaana ku barbaartay. Nin gaabni iyo madowba u dhashay oo caqli badan ayuu ahaa.

Halgankii loo soo galay waxbarashada ayuu ka mid ahaa horseedkii hirgeliyay ee huluulaha u galay, hadimadana u mutay. Wuxu ku lammaana oo  hoggaan u ahaa: Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa ku lammaanaa oo iyaguna la hawl-galay Maxamed Shire iyo Cabdisalaan Xasan.

Yuusuf Ismaaciil Samatar, waxa loo diray magaalada Burco si uu uga soo hirgeliyo waxbarashadii bilowga ahayd. Dalka waxa ka talinayay gumeysigii Ingiriiska oo ay la socdeen baadderiyadii diinta kiristaanka fidin jiray. Gumeysiga waxay barbar wadeen gaaleyn iyaga oo dugsiyo furay, dadkuna aammineen in dadka lagu gaalaynayo. Dagaal ba’an ayaa lagala hor tegay oo diimeysan, islaamaysan. Kooxdeennan waxbarashada horseedka u ahaydna waa la raaciyay oo lagama reebin. Dagaalka noocaas ah ayaa Yuusuf Ismaacil Samatar (Gaandhi) ku qabsaday magaalada Burco oo nabarro jidhkiisa lagu soo gaadhsiiyay. Tiraba laba jeer ayuu nin Shire la odhan jiray Yuusuf bakoorad ku garaacay. Mar wuxu ku dilay maxaad iskuullada u furaysaa? Mar kalena wuxu ku dilay wiilkiisii oo uu dugsigii ka buuxsamay ku dar.

Yuusuf, Gaandhi, markii in badan reer Burco sidii Timacadde kor iyo hoosba ula hadlayay ayuu markii dambe Yuusuf Xaaji Aadan u soo qoray ayaado uu ka soo qaatay Suuradda Nuux oo ahaa:

قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوْتُ قَوْمِي لَيْلاً وَنَهَاراً (5) فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَائِي إِلَّا فِرَاراً

من الاية 5 الى الاية 9 نوح

Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu soo jawaabay:

فَاصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُولُو الْعَزْمِ مِنَ الرُّسُلِ وَلَا تَسْتَعْجِلْ لَهُمْ ۚ كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَ مَا يُوعَدُونَ لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا سَاعَةً مِنْ نَهَارٍ ۚ بَلَاغٌ ۚ فَهَلْ يُهْلَكُ إِلَّا الْقَوْمُ الْفَاسِقُونَ

35 الأحقاف الاية

Yuusuf Ismaaciil Samatar, intaa kuma koobnayn e’, waxa uu soo galay halgan siyaasiya oo dal iyo dadba lagu xoreynayay oo dheeraa. Halgankaa siyaasadeed ee Yuusuf Ismaaciil Samatar kuma ekayn ama ma khusaynayn Somaliland oo keliya, bal se wuxu ahaa mid Soomaali oo dhan lagu xoreynayay isla markaana lagu mideynayay oo lagu hirgelinayay dal-weynihii Soomaaliyeed ee ay gumeystayaashu shanta gobol u qaybiyeen.

Daliilkeedu wuxu yahay: 1958kii magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay Shirweynihii ugu danbeeyay ee xarakaddii ballaadhnayd ee la odhan jiray Pan SNM ama Pan Somali National Movement. Xarakaddaas oo ay himiladeeda ugu weyni ahayd xoreynta iyo mideynta shantii gobol ee Soomaaliyeed, waxa beryahaa Guddoomiye u ahaa geesigii la quudhi waayay ee gumeystuhu sadqeeyay ee Maxamuud Xarbi ee reer Jabuuti. Yuusf Ismaaciil Samatar, halgankaa dheeraa ee siyaasiga ahaa waa uu soo galay, waxaanu ka tirsanaan jiray hormuudkii xisbigii gobannimada horseeday ee SNL, Somali National League. Macallin aqoonyahan ah ayuu ahaa. Markii labadii gobol laga xoreeyay gumeysiga ee la isku daray, wuxu soo galay Baarlamaankii beryahaa jiray, marna waxaabu noqday wasiir-ku-xigeen. 1972kii ayuu ku dhintay laguna aasay magaalada Muqdisho. Sooyaalkii Gaandhi oo koobani waa kaas.

Saa waa Maktabadda:

Meel halbowle ah ayay ku taallaa. Waa badhtamihii Hargeysa. Waxa hor marta waddada ugu dheer magaalada ee isku xidha Guriga Dawladda (State House) iyo madaarka Hargeysa. Dhinaca woqooyi waxa ka xiga oo dhowr tallaabo u dhexeeyaan saldhigga Dhexe ee Bilayska Hargeysa. Waxa ka dambeeya dhisme taariikhiya oo ah boostii ugu horreysay ee Hargeysa oo ka mid ah raadadka taariikheed ee dhismo ahaan badbaaday ee magaalada ku sii hadhay. Waxa ka dambeeya oo koonfur-galbeed ka xiga Xafiiskii Qaaddiga Hargeysa oo isaguna raad-taariikheed oo nadir ah dalka ku ah.

Dhismahan Maktabadda waxa la ebayay beryihii maamulkii millateriga ahaa dalka ka talinayay. Waxa igu maqaale ah in ay lahaan jirtay Madbacaddii Qaranku oo lagu iibin jiray alaabta ay soo saarto ama guud ahaanba ‘Satationary-ga’. Maamul ahaan waxay hoos iman jirtay Wasaaraddii Warfaafinta oo halkan Radio Hargeysa xarun u ahaa.

1991kii, markii dalka dib loo xoreeyay ee la soo galay, waxaan ahaa Xoghayaha Warfaafinta ee SNM. Aniga oo xilalkaygii gudanaya kana war qabay dhismahaas, waan soo booqday, waxaanan arkay in aanu dumin. Waxaan u diiwaan-geliyay Wasaaraddi Warfaafinta. Waxa ku jiray nin la odhan jiray Ina Koosaar oo ay walaalo ahaayeen Axmed Koosaar oo SNM ka tirsanaan jiray, immikana Xamar jooga. Waxaanu ku ballannay in uu ku jiro ilaa inta ay Wasaaradda Warfaafintu u baahanayso, kirana ma aanu qaadi jirin oo waddankaba lacagtu waa ay ku yareyd.

Maktabaddan Gaandhi, waxa la furay 199kii. Waxa fasaxeeda iska lahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Beryihii dambe waxa kale oo arrin iyo taloba ku yeeshay Axmed Yuusuf Ducaale oo berigaa ahaa Wasiirka Waxbarashada. Maqal iguma aha ee waxay ahayd sheeko aan la socday, isla markaana uu iiga sheekayn jiray Axmed Yuusuf Ducaale oo aanu walaalo nahay.

Sidaas iyo xilligaas ayay noqotay Maktabad oo loogu magac-daray halyaygaa halgammadii siyaasadeed iyo waxbarashaba ku soo hurushoobay ee naftiisii u huray.

Intaasi waa Magaca iyo Maktabadda. Wax kale oo dhami macno ma samaynayaan. Taariikh iyo tix-raaceed Xukuumadda maanta taagan waxba kama gelin. Kheyriyadii dadku dhisteen ee ka dhexaysayba, maanta waa hudheel qof gaar ahi leeyahay Barxaddii Tiyaatarka ayaa la isku haystaa oo murankeedii war-baahinta ka dhammaan la’yahay.

Maamulba maamulkii uu ka dambeeyay wuu ka fiicnaa xagga dhul-bixinta iyo dhul-iibsiga. Maamulkii Cabdi-raxmaan Tuur oo ugu baahi badnaa, dalkuna burbursanaa cidina ku sheegi meysa baloodh iyo daar uu iibiyay. Maamulkii Madaxweyne Cigaal isaguna la mid ayuu ahaa, in kasta oo laga yaabo wax yar oo la bixiyay in uu jiray. Maamulkii Daahir Ra’yaale ayaa bilaabay boobka hantida ummadda ee dhul iyo daarba lahaa, weliba maalmihii ugu dambeeyay ee doorashada ku dhawaa. Wax aad u muuqday waxa ugu mudnaa aqalladii Hindiya Laynka.

Xukuumadda maanta dalka ka talisa ayaa rikoodhkaa jebisay. Sekedaha shacabkii laga jeexday waad yaabaysaa. Xukuumadda iyo Madaxweynaheeduba waxay inoogu dudayaan maxaa wax nalooga sheegayaa ee naloo xaq-dhowri waayay. Maktabadda Madaxweynihii hore bixiyay, muxu ku keenay maamulka immika joogaa dib u bixi? Xukuumadda maanta dalka ka talinaysaa maxay siisatay magacii iyo milgihii Gaandhi? Maxay ku doorsatay Maktabadda carruurta Hargeysa raad-raaca ka dhiganayso?

Dhulka iyo daaraha dawladda waxa iska leh dadweynaha, waxaana uga wakiil ah oo gacanta ku haya Xukuumadda. Marka aynu leenahay Xukuumadda tan maanta joogta oo keliya kama hadlayno. Waxaynu ka hadlaynaa Xukuumadihii hore, tan maanta dalka ka talisa iyo Xukuumadaha soo socda. Dhulka iyo daaraha Dawladda waa in ay Xukuumad kastaa xilligeeda wixii ay uga baahato u adeegsataa danta guud. Ma aha daw in ay Xukuumadda aan la mahadin ee maanta jirta ee dalka ka talisaa dhuul iyo daarba wixii ay ummaddu lahayd dhammayso oo ay weliba si shakhsiya ugu takri-fasho. Daw ma aha in ay Xukuumadda maanta jirta ee geeddiga dheer dib u guurtay dafirto oo ay inkirto waraaqihii iyo oggolaanshihii ay Xukuumadihii iyo Madaxweynayaashii ka horreeyay bixiyeen ee ay ka mid ahayd Maktabaddan Gaandhi

Dhinac kale marka aad mushkiladdan ka joogsato waxaad la yaabaysaa waxa dhismihii Maxkamadda Sare muranka geliyay. Saddex dhadhaar ayaynu ku fadhinaa. Waa Xeer-dejin….Waa Fulin……iyo Garsoorka. Labadii Gole ee Guurtida iyo Golaha Wakiillada waa la dhisay muran la’aan iyada oo aan dhul iyo daar midna la is-amaahin. Waaxyihii Fulinta (Wasaaradaha) qaar badan oo ka mid ah ayaa la dhisay oo weliba min laba dabaq loo dhisay, haddii aanay qaarkood kaba badnayn.

Waaxdii Garsoorka oo ay tahay in ay milgaha iyo maamuuska ugu sarreeya yeelato ayay Xukuumaddeennu muran aan loo baahnayn gelisay oo arrimo aan is-qabanayn foodda isu gelisay oo dhinacyo badan galaaftay. Marka horeba qaabkan la leeyahay wax baa loo bixiyay ma aha mid ku farsan Xukuumad iyo dhaqankeed.

Waxa ayaan-darro ah in aanay Xukuumaddu waqti badan ku luminayn danta guud iyo daryeelka dhallinyaradan badaha iyo saxaaraha ku dhammaatay. Maktabaddii Dhexe ee Hargeysa waxa loo rogay saldhigga bilayska ee New Hargeysa. Waa tan iyo 1991kii. Magaaladan Hargeysa ee dad la og yahay ku nool yahay ayaa Maktabaddaa Gaandhi oo keliya eegata. Xukuumaddeenna maanta dalka ka talisa iyo kuwii ka horreeyayba marna kama ay fekerin bilayska New Hargeysa saldhig meel kale uga dhisa oo Maktabadda banneeya. Aqoonta iyo cilmigu agtooda macno kama laha. Waxa macno u leh ma-garato ay urursadaan oo hadba sida ay doonaan ku fushadaan.

Haddii ay Xukuumadda maanta joogtaa xaq-dhowri weydo waraaqihii iyo amarradii ay bixiyeen Xukuumadihii iyo Madaxweynayaashii ka horreeyay, sidee ayay ku doonaysaa in kuweeda loo qaddariyo berri marka ay xilka ka degto. Xeerkaa ay dhigtay ayaa iyadana ku soconaya oo lagu qaadayaa.

Tallaabooyinkan ay Xukuumaddu qaadayso ee ay dadka iskaga hor-keenaysaa waa xaalad abuur. Ma ay ahayn aqallo lagu jiro in ay dadka ka iibiso oo ay ku tacaddido ka iibsanaya iyo ka laga saarayaba.

Gebegabada Sheekada

Xukuumadda dhul aanay bannayn lacagtiisii sii qaddimatay dan guud kama ay talin. Xukuumadda intaas oo Buug meesha la gaynayo ka talin ee daarta ku dul iibisay mid aqoonta iyo garashada hiil u ah ma aha. Waxaanu leenahay Gaandhi iyo Maktabaddaba ha laga xishoodo oo dhallinyarada yaan laga xidhin malkadaa aqooneed ee keliya ee magaalada Hargeysa ku taal.

Taliskii Millateriga ahaa goobtaa muranku ka taagan yahay saddex Wasaaradood ayaa lahaan jiray: Garsoorka, Boosta iyo Warfaafinta (Madbacaddii Qaranka) oo ka talin jiray. Maanta oo la isku haysto waxa ka taliya ama ku lug leh saddexdaa Wasaaradood ee hore, Maxkamadda Sare, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Madaxtooyada oo ku soo biiray. Bal intay meeshu le’eg tahay iyo inta ka talisa isu eega. Xukuumadda wanaagsani waa ta dadkeeda ilaalisa ee heshiis iyo nabadayn ka dhex abuurta. Xilalka Xukuumadaha wanaagsan kuma jiraan in ay dadweynaha isku soofayso oo ay mid walba dhabarka ka taabato oo waraaqo siiso ka dibna ku tidhaahdo: “Laguma dhaamee dhaqaaq.”

 

Dhammaad

Additional information