Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

“Idinkaa dhaqaalaha waqtigu, yahay dhiggiinnii.”

Waa hees gaaban oo ku saabsan qiimaha uu waqtigu leeyahay. Waxa si laxaad leh oo aan la malayn Karin ii damaqday sida aanu waqtigu dadka intiisa badan qiimo ugu lahayn, 

Waqtiga

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa, 19/5/2011ka,

Waa hees gaaban oo ku saabsan qiimaha uu waqtigu leeyahay. Waxa si laxaad leh oo aan la malayn karin ii damaqday sida aanu waqtigu dadka intiisa badan qiimo ugu lahayn, adiga oo mararka qaarkood maqlaya dadka oo ku hadaaqaya: “Waqtiga ayaan is-dhaafinayaa.” Waxa aad la yaabaysaa waqtigaa uu is-dhaafinayaa sida aanu ugu soo noqonayn iyo sida aanu u helayn berri haddii uu u baahdo. Taas ayaa igu kalliftay bal in aan isku dayo in aan heestan tiriyo, aniga oo u hibaynaya dhallinyarada Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waa sidii Cabdillaahi Suldaan u yidhi mar uu dhallinyarada la hadlayay. Beyd maansadaa ku jirayna wuxu ahaa: “Idinkaa dhaqaalaha waqtigu, yahay dhiggiinnii.”

Anna waxaan leeyahay:

Bismillaahi waa kow,

Barta laga dhaqaaqee,

Hadal lagu ballaysimo,

Ama laga bilaababa,


Amba-baxa hortii aan,

Beydad soo amaahdoo,

Xigashada bilkeedshee,

Sow Hadraawi baaq-dheer,

Bili-saarka maansada,

Beri hees kumuu darin:

“Gabay baan badhaadhiyo,

Ka hayaa barwaaqo,

Iyagaa bar xoolaad,

Banka iigu foofee,”


Anna aan badheedhoo,

Dareenkayga baacshee,

Waqti baan badhaadhiyo,

Ka hayaa barwaaqoo,

Isagaa bar xoolaad,

Banka iigu foofee,


Qofka iga badhxaayee,

Madhxintiisa aan baran,

Ama aan buruudkiyo,

Burhaantiisa garannee,

Sannadkuba la buurnayn,

Ama boosh u haystiyo,

Burcad lagama dheefaan,

Bisha aan ka midho-dhalin,

Toddobaadka beegine,

Beekhaami aan odhan,

Maalintana bilaash iyo,

Bar an jirin u haystee,

Saacaddu balkiisiyo,

Aanay bowdba ugu jirin,

Aan u baahan miridhkiyo,

Isha bidhiqsigeediyo,

Xilliyada la buuxsado,

Barkhad iyo samaan iyo,

Cilmi lagu badhaadhiyo,

Caqli bulan ka dheeraa,

Ku bes-beel adduunyada,

Waqtiguna qof aan bilin,

Qof aan baanan weligii,

Basar aan u maamulin,

Qof bashaalka laasimay,

Miridhkiisa baayicin,

Barkhad aan ka dhaansannin,

Aqoon aan ka buuxsannin,

Ku baxnaanin maankiyo,

Inta uu u baahdee,

Beni-aadmi kaashado,

Ma buulleeyo weligii,

Kama dhigo qof buuniya,

Oo warkiisu badihiyo,

Buurahaba dhaafoo,

La hiigsado bidhaantii,

Cilmi-daalib baafiyo,

Baadi-doonku daalaan,


Barbaareey dantiinuna,

Sidaad ugu bakhayshee,

Bixinta u adkeysee,

Waqtigu u badbaadaa,

Midho uga bislaadaan,

Loogu beegsadaa nolol,


Ha bireyn ha beylihin,

Ha biimeynin maalmaha,

Qorshe li’I ha baandhayn,

Waqti kuu bannaanaa,

Aduu aad wax baran layd,

Ama aad dad bari layd.

 

Additional information