Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Buugaag geeddi ah iyo Gebilay.

Wuxuu iigu hanjebay; “waxaan ku kicinayaa saddexda iyo badhka” anigu na waxaan lahaa i'iinyo. Hurdadu markii ay ugu macaanayd ayuu aleenkaygu afka kala waaxay,

halhaleel baan ula booday saa waa odaygii Jaamac Muuse Jaamac, war la hayaa xiiso ma leh baan kaga dhigay oo waa hagaag kaga baxay. Cadayga intaanan afka la haleelin ayaa saa waa inankii baabuurka waday ee la igu ballamiyay.

Colku wuxuu isugu tegay Maansoor, quraac degdeg ah oo aan naga degin iyo shaah sarajoogga lagu laacay ka dib waxa aannu u xawaaraynay dhankaas iyo badda cas, maaha qoorrigii biyamareenka gacanka Cadmeed ee waa xaafad Hargeysa ku taalla. Waxa goobtaas ku yaal maktabadda Redsea-online, waxa iigu dambaysay Julaay 2009, maalintii aan boodhka ku xidhan ku dhejinnay. Geedihii dharaartaas la beeray ayaa kor u mudhay oo farqanyo badan yeeshay.  Caws iyo dareemo isbarkaday ayaa dhulkii qariyay.

Colkayagii oo aan cidi ka maqnayn ayaa iskaa wax u qabso kartoonno buugaagi ku cigaagantahay ugu boobnay afar gaadhi oo Surf ah oo aannu wadannay. Dheeg kasta waxa baabuurta kaga dhejisnaa astaamo muujinaya ujeeddada meesha loo marayo. Colku wuu wada faraxsanaa, guusha koowaad waxa iska lahaa ururrada waddanka ee magacyadooda aanan inta badan qaban , naadiyada akhriska ayaa iyana doorkoodu aad u muuqday. Qurbajoogga laftiisu ma tudhtudh yarayn inkasta oo habluhu hal fadhigeed intayada kale dheeraayeen.

Odaygii furfurista maskaxda loo igmaday, Siciid Jaamac iyo oday Jaamac Muuse Jaamac ayaan baabuur ku wada dullaallay. Habaarkii Hadraawi ee birta iyo wadaha ba lagu yuururiyay annaga waannu ka khashaafnay, birta duco badan baannu farnay, wadaha na qolada kale oo uu tan iyo Saraar soo dhaafiyay ayaa yidhi; “wuu iska ducaysan yahay”, aniguna wuxuu  sameecadaha baabuurkiisa ka soo laliyo ayuun baan kii ku sed qaata ahaa. Kuma hungoobay. Inkasta oo magaciisu Sandulle ahaa hadda na nagu ma sandullayn shukaanta iyo heesaha midna ba. Hibo Maxamed, Khadra Daahir, Xaliimo Khaliif, Axmed Maxamed iyo codad iyo laxammo dhallintu ba aanay imika aqoon ayuu gadhka noo geliyay, laamiga na cagta noo saaray, socotadii kale na guux naga la dabo gii laysay.

Dhulku waa cagaaran yahay, aad buu uga duwan yahay kii Berbera iyo Hargeysa u dhexeeyay oo hanfi, boodh iyo omos badani iiga muuqday. Kani caleen iyo doogo badan ayuu lahaa, jidku na wuxuu u badnaa laami taw ah oo aan ku joojinaynin, inkasta oo aad is odhanayso malaha waddada kolkii la samaynayay shaxaad badan baa ku dhacay oo ogaan baa oofwareenka doc walba ka soo cidhiidhiyay loogu sameeyay.

“Tani waa tuma?” iyo “Abaarso” ayaan doox qoyan iyo degaan caleen badan ku weydaarannay. Waxa aan jeclaystay in dugsiga aad looga sheekeeyo ee Abaarso Technical College la ii tilmaamo. “Waa kaas buurtaas dhaladeeda ka bidhaamaya” ayuu oday Jaamac Muuse oo hadaltiradayda khaatiyaan ka joogsaday si degdeg ah iigu dhiibay.

Waxaannu ku dhaadhacnay dooxii Gabiley laga gelayay. Dhallintii magaalada oo baabuur wadata ayaa jidka noo sii taagnaa. Sidii madax horumar sidda ayaa na loo soo dhoweeyay. Waxa judhii ba na loo kexeeyay dhankaas iyo jaamacadda Timacadde. Kormeer gaaban ayaannu Jaamacaddii ku soo galaabixinnay. Waa wax lagu farxo in ubaxii dalku meelkasta inuu wax dhigto diyaar ugu yahay.

Mar kale waxa na loo gelbiyay dhankaas iyo bartii barnaamijka lagu qabannayay. Isla markii ba sacab iyo soo dhowaada ayaa kadinka na loo la joogsaday. Hablo dhallinyaro ah oo dharkii hiddaha ahaa xidhan caleemo qoyan oo aan anigu hadhuudh moodayay haseyeeshee xasiid lagu sheegayay na ku gaadhan ayaa na soo dhoweeyay. Ninkii hadhuudh iyo xasiid iga badiyaa ba ha kala sheego ayaan is idhi.

Waxa na loo dalandaliyay dhankii gudaha, dhallinyaro hablo iyo wiilal ba leh ayaa mar kale sacab nagu soo dhoweeyay. Xammuulkii aannu sidnay ayaannu baabuurtii dhulka ka soo dhignay oo miisaantii madasha taallay sidii hadyad qaali ah ugu daadinay.

Waa Gebilay oo aan cidi ka maqnayn, guddoomiyihii gobolka, wasaaraddii waxbarashada, Suldaan aqoonyahan ah oo qiimaha akhrisku leeyahay gabay noogu dhigdhigay, gabayaa da' yar oo diin bakayle cunay oo uu shaahid usoo ahaa maanso uu ku soo dhowaynayo buugga Beertii Xayawaanka goobta nooga akhriyay. Intaas oo dhan iyo in kale oo badan ayaa na lagu salaamay.

Annagu na akhris iyo qoraal kama tagno ee gadhka ayaannu u gelinnay. Waxaas aad aragtaan waa buugaag u baahan cid dhex orodda ayaa cod dheer oo Axmed Aw Geeddiyaysan iyo mid xamxam ah oo Jaamac Muusaysan reer Gebiley loogu sheegay. Halhaysyo Hadraawi iyo Cabdi Sinimoo leh iyo qaar kale oo badan oo dhammaantood akhriska iyo qoraalka guubaabinaya ayaannu goobtii reer Gebiley uga soo jeedinnay, iyaga na ka dalbannay inay bal maskaxda tuujiyaan oo sidii Berbera, Shiikh, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo bal halkudhigyo keenaan.

Ku ma aannu hungoobin reer Gebiley, intii aan halkudhigyadoodii ba la gudagelin ayaa askariyad ku lebisan dirayskii bilaysku dhegta ii saartay; “Akhrisku waa sedkaaga oo aad mar wal ba sidato” ayay igu tidhi.

Madashaas buugaag iyo reer Gebiley isku barte, qaan Jaamac Muuse Jaamac la soo haliilayay oo uu magaalooyinka kale ku baqo gelinayayna reer Gebiley ka baaqsade oo oday Jaamac gool aan la soo bedi karin ka dhaliye, “Aw Jaamac annagu maktabad waannu leenahay” ayay sii deggan dhegta ugu saareen.

Geeddiga buugaagtu waa socdaal aqooneed, waa isbarasho buugga iyo intii jecel, waa eryashada iyo caydhinta jahliga, waa gumaysiga iyo dhuldhigista aqoon la'aanta, waa ka weetaynta maanka lagaga celinayo qabiilka iyo balwada.

Taasi Gabiley, berri na haddii Eebbe idmo waa Boorame iyo buugaag geeddi ah.

Cabdillaahi Cawed Cige,  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.


Additional information