Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Bandhigga buugaagta Hargeysa: Yaasmiin iyo wacdarihii kale

Hargeysa maalmaha xagaaga waa buux dhaaf, meel wal ba waxa boodaya qaxooti ka soo noqday Yurub iyo Maraykan, jidadka oo kolkii hore ba liitay waxa xanniba baabuur cadcad oo kulligood muraayado hadh leh ku qafilan

.

Aroornimadii:

Hargeysa maalmaha xagaaga waa buux dhaaf, meel wal ba waxa boodaya qaxooti ka soo noqday Yurub iyo Maraykan, jidadka oo kolkii hore ba liitay waxa xanniba baabuur cadcad oo kulligood muraayado hadh leh ku qafilan. Saxmad baad dareemaysaa, siigo xagaa boodh cawlan kicinaysaa na waa tii ku dhabannaanisa.

Waa loo dhammaa maaha eray ku filan in lagu qeexo Bandhigga buugaagta Hargeysa oo bisha Julaay 22keedii ka furmay beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa. Farxad iyo raynrayn ayuu ku bilaabmay furitaankii bandhiggu, sacabkii ugu ballaadhnaa na wuxuu u dhacay Yaasmiin Maxamuud iyo Xuseen Axmed “Kaddare”.

Tobankii iyo rubuc aroornimo, 23kii Julaay, Sabtidii waxa dhacday maalintii labaad ee bandhigga buugaagta. Yaasmiin Maxamuud oo ah qoraaga sannadkan u martida ah bandhigga ayaa golaha loo faddeeyay, waxa gaadh iyo gadhwadeen labada ba u ahayd Qumman Jibriil.

Yaasmiin waxa ay, markii ugu horraysay Somaliland, soo bandhigtay buuggeeda afka Ingiriisiga ku qoran ee Nomad Diaries/Xusuus qor reer guuraa. Qumman, oo intayada ka warhaysay inay qurbe ku barbaartay, ka filaysay inay af Soomaaliga ku mergato fursaddaas na ma ay siin. Si xarrago iyo laafyood leh ayay barnaamijkii u furtay, kaftan iyo dhiidhii na ku sii dartay, weli ba dardaaran tahriibta ku wajahan, daljacayl badani ka muuqdo na nagu asqaysiisay. Dabadeed khudbad dheer soo dhoweysay Yaasmiin Maxamuud.

Yaasmiin waxay nagu afurisay cudurdaar, intayada baratay muddada bandhiggu socday iyo intii geeddigii buugaagtu roorayay ba, aannaan ka aqbalin; af Soomaaligaygu ku mahiigaan ah maaha ayay nagu wargelisay, waxay se raacisay wacdaro sacab iyo sawaxan maqbuulo ah keenay.

Waxay faallo dheer ka bixisay nolosheedii, sidii hooyadeed gacalo ugu hagarbaxday korinteeda. Waayaha qurbaha iyo haweenka Soomaaliyeed ayay aad ugu dheeraatay. Tilmaan iyo tusmo mug leh ayay dhegaystayaashii ka siisay nolosha murkucatay ee bulshada qurbaha ku nool. Qoysaska dayacan, aabbaha korinta ubadkiisii kaga baxsaday hooyadood iyo diiqadda ka dhalatay ee ku habsatay hooyadii ayay faahfaahisay. Arrimaha ku dhaliyay inay Xusuus Qor Reer Guuraa khadka ku duugto ayay sheegtay. Si xarrago leh kolkay ugu laafyootay hordhicii oo af Soomaaliyaysan ayay nagu soo dhowaysay qayb ka mid ah buuggeedii oo af Ingiriisi ay ku akhriday.

Xiisaha koobtaas uu ka abuuray Nomad Diaries aad baa loo dareemay. In qof wali ba weydiimo sida dhibicda roobka kaga dhigo Yaasmiin ayaa loo wada holladay. Axmed Macalin Jaamac oo sooyaalka qoraaga iyo kan aabbaheed ba aad u garanayay ayaa goobtaas ammaan iyo bogaadin qiimo leh uga soo jeediyay Yaasmiin. Wuxuu Axmed kaftan Yaasmiin ugu dhiibay; inay isu soo sharraxdo madaxweyninimada Somaliland, sacab xoog leh ayaa hadalkaasi dhaliyay. Hinda Maxamed Jaamac oo u muuqatay qof aqoon badan u leh qoraaga ayaa iyana ka mid ahayd dadkii goobtaas ammaanta xoogga leh uga soo jeediyay Yaasmiin.

Kaftanka madashu wuxuu ku dacaldhebay in reer Sanaag goobta wacdaro ka dhigeen, buugga Yaasmiin waxa ku saddex ahaa buugaag ay reer Sanaag qoreen, abwaan gobolkaas ah ayaa iyana buraanbur qiimo badan ka dhiibtay goobtaas. Bari in qoraal iyo murtiyi ba ka timaaddo ha la ogaado ayaa lagu kaftamay. Si aan looga badin galbeed Naadiga Akhriska ee Maskaxmaal ayaa iyana arrintaas ka warceliyay, bogaadin galbeedaysan ayaannu Yaasmiin aad u huwinaynaa ayay yidhaahdeen.

In Nomad Diaries bandigga maalintiisii labaad shiday shaki kuma jirin. Siciid Jaamac Xuseen ayaa isna dardartii Yaasmiin horseedday halkii ka sii ambaqaaday. Buug curisyo qurxoon lagu ururshay oo uu Shufbeel u bixiyay ayuu golaha la dhex laafyooday.

Galabnimadii:

Wiglo iyo wilwiladii reer Sanaag, Yaasmiin iyo Siciid madasha ku fureen ma xiiso dhicin. Tabtii mahiigaankoodu noo wada muquuriyay ayay abwaanno iyo qorayaal kale na noo mashaysiiyeen. Maxamed Xirsi Guuleed oo Iswiidhan ka soo hangagaaray ayaa Hableheenna buug la yidhaahdo nagu cashariyay. Diihaalreeb oo Hargeysa ku dhashay ayaa qoraa da'a yar oo Khaalid Jaamac Qodax la yidhaahdaa na guddoonsiiyay, waxa ku xigay Darka Maadda oo uu qoray Muuse Dalmar soo na bandhigay Cabdiladiif Cismaan Caabbi, Maxamed Shiikh Ibraahin”Xujaale” ayaa isna qoraalkiisa goobta keenay. Maxamed Jaamac Cabdi(Caynaan) ayaa isagu na buug uu yidhi maahmaaho aan anigu sameeyay ayaa ku jira golaha keenay.

Suugaan dhallinyaro oo dadkii madasha isugu yimi beerdhaqaajisay ayaa barnaamijka galabnimo soo gunaanaday.

Cawayskii:

Hawsha bandhigga buugaagta ee Hargeysa halkaas ku ma hadhin. Muuqaalka iyo hugunka caawa fiidkii laga dareemayay xaflad casho oo ay isugu yimaaddeen qorayaashii, abwaannadii, dhallinyaradii naadiyada akhriska ee gobollada waxa laga dheehan karaya mustaqbal cusub, rajo iyo kalgacal. Waxa goobtaas, hudheelka Guuleed, joogay marti sharaf ka kala timi dhammaan degaannada Soomaalida, waxa joogay Kaddare oo guddidii afka Soomaaliga qortay ka mid ahaa.

In badbaadada afka Soomaaliga, daryeelka dhulkeenna iyo u abuurista dhallinyaradeenna nolol ka duwan ta ummaddeennu had iyo jeer ku jirtaa yihiin halbeeg la dhigan karo, hir la gaadhi karo iyo himilo laga dhigan karo halhays ayaa casho sharaftaasi ku soo gebagebowday, bandhiggii ay Yaasmiin Maxamuud noo bud dhigtay se waa 'fari ka ma qodna' xaalkiisu.

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa Somaliland This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information