Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Xusuus mudan iyo taagni xiiso leh

“Gabagabada Bandhigga Buugta Hargeysa iyo masraxiyaddii Xusuus-Wadareed”  Waa galabnimo Isniin ah, abbaaro lixdii oo daqiiqado dhiman. Jawiga magaalada Hargeysi waa mid huur ah. 

 

 

 

Xusuus mudan iyo taagni xiiso leh

“Gabagabada Bandhigga Buugta Hargeysa iyo masraxiyaddii Xusuus-Wadareed”

Waa galabnimo Isniin ah, abbaaro lixdii oo daqiiqado dhiman. Jawiga magaalada Hargeysi waa mid huur ah. Maadaama oo aanan ka mid ahayn kuwa ku dhashay ama ku barbaaray deegaan xeebeed oo kulaylku wehel u yahay, kulkani aniga iyo inta ila mid ahba waxa uu u yahay mid ay dhididka hoorsadaan, balse inta badan ee Berbera iyo Jabuuti ka soo xagaa baxday ee maanta Hargeysa ku sugan, waxa uu uga dhiganyahay neecaw iyo nafaxaad. Waa sunnaha nolosha iyo farsamooyinka Alle SWT.

Si kedis ah ayaan u jalleecay saaxiibaday Cabdiraxmaan Suldaan Saxardiid iyo Cabdilaahi Maxamed Axmed oo aanu socod-wadaag ahayn. Isa su’aalnay halka socodkaygu ku arooro iyo maynu soo eegno carwadii caalamiga ahayd ee bandhigga buugta Hargeysa iyo beertii xorriyadda oo xigtay. Hawraarsan iyo ina dhaqaajiya ayuu xaalkii noqday. Hadii aanu soo gaadhnay afaafka koonfureed ee beerta Xorriyadda, aragnay in barbaar iyo waayeelba madasha laga buuxo. Hadiiba aanu mar kale hore isu sii gundhinay xagaa iyo gudaha Beerta Xorriyadda, waxaan isha la raacay waxa goobtaa wiil iyo gabadh da’yar isugu yimid. Niyadaan uga guuxay oo aan iska idhi: “Wallee dadaalkii Jaamac Muuse Jaamac iyo xertiisu waa midho dhal, mar haddii waxan oo barbaar ahi dareenkooda siiyeen goob qiimahan oo kale leh”.

“Waar Xaggee Ku Tukanaa, Salaaddii Maqrib Ayaa Ina Haysee?” ayaan ku war helay aniga oo dhex mushaaxaya teendhooyin gelin horeba lagu kala tagay oo aanay waxba dhex oollin. Shaw nin hurdaan ahaye, maalmo maantu ku shan tahay ayaa laga hirqaday buugaaag nooc walba leh oo lagu kala tagay, anna aan dhex qotomaa goob goraygu ka hadaafay, waa sannadkii koowaad ee aanan wax buug ah ka calafsan madal noocan ah iyo maalmahan tilmaaman ee Jaamac iyo xertiisu inoo asteeyeen afartaa sano ee ay hawshani socod baradka ahayd.

“Ma Nacasnimo Ka Weynbaa Jirta Adoo Fursad Noocan Ah Ka Tiigsan Waayay Ugu Yaraan Laba Buug?” ayaan isku canaantay. Salaaddii maqrib lagu tukay garoonka kubadda kolayga ee badhtamaha beerta xorriyadda, kadibna la isku shub xagaa iyo madasha loo asteeyey gardaadinta barnaamijyadii taxanaha ahaa ee todobaadka socday. Waa edegga ay fadhiistaan dadka muhiimka ah iyo madaxda qaranku wakhtiyada ay ka khudbaynayaan fagaaraha beerta xorriyadda. Goobtii sidaa ahayd waxa ay isu badashay hool aad mooddo in aad dhex joogto mid ka mid ah huteelada waaweyn ee dalka.

Baasha midig ee madasha waxa garba siman u fadhiya hablaha, halka wiilashuna garabka isa siiyeen baasha bidix ee hoolka dhexduna bannaan tahay si loo maro. Kuraasida goobta taallay gelin horeba waa lagu kala hagaagay oo aniga iyo koox aan ku jiraa waxa ay nasiib u heleen in ay barnaamijka ka naawilaan xaga dambe iyaga oo taag taagan, qoortuna dheeraatay sidii ay u lahaayeen miciinsada waxa masraxa ka socda.

Basarka iyo nidaamka wanaagsan ee dhallintu u fadhidaa waa mid milgo leh oo aanay deero deero herdiyeyn. Asluubta iyo anshaxa dhallinta madashan joogtay ayaa kor u sii qaadayay bilicda iyo qiimaha xafladdan. Laba gabdhood oo boolis ah oo dirayskoodii ku lebbisan ayaa ulo dhaadheer sita balse wax ay qaban lahaayeenba waa loo fududeeyey oo dadku waa kuwo fadhiya iyo kuwo taagan oo aad mooddo in amar lagu siiyay miiganaantan.

Masraxa ayaa lagu wada fooganyahay iyo waxa badka iman doona. “Ma Riwaayadbaa La Dhigayaa, Ma Gabayaa La Akhriyayaa, Mise Buugaag Ayaa La Soo Jeedin Doonaa?” dhammaantood waa su’aalo aanu is waydiinaynay aniga iyo kuwa sidayda col mooga ah ee aan waxba kala socon geeddi socodka barnaamijku. Balse xaalku noqoy gabagabadii bandhigga buugaagta iyo Mooge Festival oo afar jirsaday. Hoosbaan isula hadlay aniga oo nafta ku sasabaya nasiibka aan u heley in aan khatinkeedii joogo wixii I dhaafay yeelkadiise!!.

Xidhiidhiyihii barnaamijka oo si layaab leh u daadihinayay barnaamijka ayaa markiiba tiigsaday magacyada saddexdii qof ee ku guulaystay abaal marinta kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ee qoraal-tartameedka “Sheeko iyo Shaahid”. Cajiib …cajiiib oo ma dhallinyar wax qori karta ayaa jirta toloow!!?. Haa!! …Ma Aha Dhalanteed Taasi Waa Dhab. Ka horse waxaa madasha gabay xiiso badan ku gilgilay wiil dhallinyaro ah oo si weyn uga hadlay nabadgelyada iyo dhibaatada dagaalada sokeeye.

Loo yeedh Nafiisa X. Ciise Cabdilaahi oo kaalinta saddexaad ku gashay sheeko loogu wan qalay “Nin Yaraan Ku Loofaray, Wuxuu Lumiyey Raadcee”. Waxaabay isa soo taagtay masraxa, iyada oo ku shaqlan calanka Somaliland. Yaasmiin waa gabadh da’yar, Waddaniyadi ka muuqato. Laguma cuno oo laguma cawryo iga dheh.

Maxamed Daahir Cabdilaahi ayaa isna kaalinta labaad ku qaatay sheeko la magac baxday “Calaf-boob”. Misana waxa masraxa looga yeedhey ninkii kaalinta koowaad ku guulaystay. Waa Khadar Muuse Xasan iyo sheeko la yidhi waxa uu ula baxay “Beer caddaad”….Salaamaad, tolow xaggee lagu Beer caddaaday?. Sheekadaynu akhriyi, markaasaynu dhugan halkaa lagu beer caddaaday.

Waan idin daaliyee, aan idinku soo dhaweeyo xiisihii iyo wixii xigay. Inkasta oo aan raagsanayay waxa xigi doona hadana Xidhiidhiyihii barnaamijku markiiba nagu war geli, gardaadinta masraxiyad la magac baxday “Xusuus Wadareed” Saa waxa curiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, waxaana daadihinaya kooxdii dhaqanka iyo ciyaaraha ee SOCSA Group iyo macalin Cabdirisaaq Axmed Geeddi (Aakhiro). Farxad weynaa.. waxaabu macalinku ku shaqlan yahay laba go’ waxaanu labadiisa gacmood isugu geeyey warankii iyo gaashaankii. Muuqaal qurxoon oo farriimo badan xambaarsan iga dheh!!. Sacab mashxaradi ku lammaantahay iyo sawaxan ayaa la isla oogsaday. Isma ogiye, mise waxa i ag taagan saaxiibkay abwaankii, qoraagii Axmed Aw Geeddi (Dheeraad). Fiicnaan lahaydaa hadii lagu maamuusi lahaa kursi uu salka dhigo, yeelkeedee malaha waxa isaga taa kala waynayd dareenkii madasha. Waxaabu wehel noogu noqday sara joogii. Macalin Cabdirisaaq iyo barbaartii SOCSA waxa ay nagu hurgufeen masraxiyad qaabaysan oo loo dhigay hab farshaxanimo ka muuqato oo aanad mar kali ah ka jeedsanayn. “Xusuus Wadareed” waxa ay dib noogu celisay waayo hore iyo lixdamaadkii iyo halgankii dheeraad ee shacabka Somaliland isaga tureen heeryadii gumaysiga, waxaanay ku soo biyo shubatay dib ula soo noqoshadii xorriyaddii luntay lixdankii iyo saxariirkii taliskii Af-weyne baday shacabka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cabdi (Genay), iyo Ifraax Axmed Cismaan oo ku lammaanayd waxa ay hayb wadaag la ahaayeen macalin Cabdirisaaq Axmed Geeddi. Oo wakhtigan ma waxa la heli karaa cid si fiican wax u jili karta? Hoheeeeey, Miyay dib u soo noqon doonaan jiilkii dahabiga ahaa ee fanka iyo farshaxanka Soomaalidu, Aaway Meecaad Miigane? Allaw Kuu Naxariiso, halkuu ku dambeeyey Boon Xirsi?, Ma haysaan Basbaas?, Dacar mee?. Oo waxaan moodayay in dadku xigmad guuray oo aanay laba erey isa saarayn, jilid daa hadalkeede!!.

Dhammaanba su’aalahan waxaad dib ula noqonaysaa hadii aad ka mid ahayd dadkii nasiibka u helay in ay daawadaan “Xusuus Wadareed”. Qoodhaa iyo xerodaa, jidhiidhicaa iga kacday markii Aniisa Mahdi cod dahabi ah ay geeraar dheer ugu tirisay wiilkii ay gosha ku sidatay. “Hobeey Hobeey Hobeeyaaaay Alla Hobeeey Hobeey Hobeeheyaay”. Toloow hooyada maanta joogtaa waligeed ilmaheeda ma u heestay?!!. Kuwase isu diyaarinaya in ay wax dhalaan oo hooyo noqdaan maxaa u meel yaal?. Abwaan Axmed Aw Geeddi ayaan intaa kolba qoorta soo qabtaa oo aan afka dhegta u saaraa, aniga oo waydiinaya macnaha ereyada calculus ee masraxiyadda ku jira. Isna ima dhibsadee horay ayuu iiga macneeyaa. Sitaadkii ay gardaadinayeen Aniisa Mahdi iyo xaawalaydii kale ee bisinka ku sar go’naa iyo loox-quraankii khadku ku xardhanaa, Malaha waxaabu khadkaasi lahaa Malmalkii waayo waayo. Xusuus igu taagan weeyi.

Miyaanse ilaawi karaa haasaawe dhaqameedkii xiisaha lahaa ee dhex maray Mukhtaar Mursal Muxumed iyo Nafiisa Cismaan Maax, ha igu soo qaadin. Waxaanu badhtanka ugu jirnaa boqolaal dhallinyaro ah oo aan mar kali ah is dhaqaajinayn. Waxaase taa ka daran markii aan ku war helay qoraagii weynaa, Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo isna dhallintii dhex mushaaxaya. Inkasta oo uu qaddar habsaansanaa, hadana waxa uu mabsuud ku ahaa in uu meel fiican ka soo gaadhay. Abwaan Axmed Aw Geeddi ayaa tiigsaday mujaahidka oo u tilmaamay meel uu is taago si uu u halacsado waxa meesha ka socda, isaga oo ka daba tuurey dhawr erey oo kaftan ah, mase ogi in Mujaahidku u dhug lahaa, malaha sawaxanka goobta ayaa dhaafiyay in dhegihiisu weeleeyaan kafta lagu soo tuuray, waxaanu mujaahidku labada lugood la helay goob uu ka tiigsado hanaan socodkii masraxiyadda. La soo gunaanad mise waxa foodhi isla oogsaday daawadayaashii laguse qanci in dib loogu dhigi doono. Waxaase mar kali ah naxdin iyo u qaadanwaa nagu noqday. Markii daadihiyaha barnaamijku sheegay in telefishanada dalku diideen in ay duubaan cawayskan iyo fagaarahan qiimaha mudan. Kuye, waxay yidhaahdeen lacag hadii aan nala siinayn duubi mayno!!!! Magac xummo Alle idinku dil. Ahey Ah.

Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

 

Additional information