Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Isha Qarsoon: Suugaan, Kaddare iyo Xusuus fijaan ku jirta.

U malaynmaayo in beerta xorriyada ee Hargeysa heshay cammirnaan ay ku badhaadho oo maalintii uga miciin yeesha qorraxda kulul, habeenkii na cidlada wehel uga noqota.

 

Salaasadii bisha Julaay 26ka ahayd waxa beerta xorriyadda ku soo gebageboobay bandhig ka socday muddo shan maalmood ah. Madashu waxa ay u shidnayd oo ugu mudnaa: Ururrada Akhriska ee gobollada dalka, Axmed Macallin Jaamac, cawayskii haweenka iyo jil loogu yeedhay “Xusuus wadareed” oo ay jilayeen dhallinyaro ka tirsan urur la yidhaahdo SOCSA, qoray isku na dubbariday Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan. Maalmihii ka sii horreeyay na waxa gibladooda, isweydhaafintooda, jiibta iyo jaantooda laga fadhiyi waayay qorayaal ay hoggaaminaysay Yaasmiin Maxamuud, xeerka ay ku dhaqmayaanna uu dhigay Ciise reerka la yidhaahdaa, iyo abwaanno iyo aqoonyahanno Hadraawi iyo Kaddare budhtuur u ahaayeen.

Suugaanta Soomaalidu, guud ahaan, waxa ay la’ayd cid fekerta, kollay sida xeradeeda ka muuqatay waayadan dambe. Taas oo jirta hadda na allifaaddu waa muush, hebel wali ba maanta wuxuu ku laafyoodaa gabay wax la yidhi oo miridhka iyo daxalka saaran aad is odhanayso maalin jirimaayo. Kol haddii halabuurka noocaas ahi helo gidaar uu wixiisa, ha ba qallooceene, ku dhejisto oo aan cidi odhanayn wuxu gabay maaha, ama aanu dheg qalaj u siinayn cid faaqidday waxa inoo biniixayaa sow ‘jujuub ku qaado maaha’.

Jiilaalkaas suugaaneed innaga oo iskaga jirna ayuun buu Axmed Macallin inagaga yimi dhankaas iyo Boosaaso, bandhigga na kursigiisii ka haleelay. Anigu inta yar ee aan Axmed baddiisa ka aqaan waxa aan ka dhigtaa qardhaas, qof maqlay Shirka Xayawaanka Soomaaliyeed oo aan garowsan farshaxannimada, abwaannimada, balaaqada iyo meelaha maanka abwaankaasi waxa ka soo fuqayaani waa qof u baahan in isaga maskaxdiisa dhakhtar abhalnimada ka daweeya loo geeyo.

Waa maxay Suugaani, oo keli ah ayaa Axmed la weydiiyay. Wixii uu goobtaas aqoon iyo garasho nagu harqiyay halkan ku ma koobi karo, waxan se idiinka taaban karaa mid iyo laba. Suugaantu waa sharraxaadda nolosha, Axmed baa yidhi oo raacshay. Ma jirto adduunyada ummad inta ay dheregto iska seexataa. Ummad wali ba wax uun bay kolka ay dibbirto ka dib ku fooftaa, fan ahaayaa, farshaxan gacmeed ahaayaa, suugaantu na halkaas uun bay ka soo burqataa.

Waxyaabo badan oo nolol maalmeedka waxtar u leh ayaa sharraxaad aan loo baahnayn ama waxba ku kordhinayn intifaacsiga shaygaas lagu kordhiyaa. Dhiishu waa shay haweenku sameeyo, waxa loogu talagalaa in wax lagu shubto. Uma baahna sharraxaad iyo qurxin kale, hadda na waxa lagu xardhaa dun midabbo leh iyo kuulo lagu taxo. Budhka ka soo qaad, waa shay waxa loogu talagalay si wanaagsan ugu habboon, dhako buuran oo hawsha fulisa iyo qayb dheer oo gacantu qabato ayuu leeyahay, hadda na ninka sita ama ka sameeyaa xaradh aan, haba yaraatee waxtarka ama waxyeellada budhka wax ba ku kordhinayn ayay raacshaan.

Kolkaas suugaantu waa sharaxaaddii, xaradhkii nolosha. Waxa hubaal ah in Axmed Macallin(Shiikh) noo hooray uun ee aanu si u dhiganta ama ku dhow biyadhiggiisa noo haleelin.

Waxa yimi Xuseen Sh. Axmed “Kaddare”, anigu horta odayga magaciisa waxa aan ka bartay Hadraawi. Isaga oo Siyaad Barre maagaya ayuu wuxu yidhi; “Halka deyr wakhtigu dhigo, dib baa looga sheekayn, Kaddaraa u magac bixin”. Waxa aan u haystay inuu leeyahay ninka Siyaad Barre ka dara ayuun baa marxaladdaas iyo dhacdooyinkeeda magac u bixinaya. Show Kaddare waa nin jira, nin jiraa waa yasid aan xaal ka bixinaayo, waa maskax iyo mayay guuraya oo u baahan in laga faa’iidaysto. Isaga oo maanta da’ ah, taagtiisu fiicnayn ayuu dayuurad kaga yimi Muqdisho oo naga la soo qaybgalay bandhigga buugaagta ee Hargeysa. Sirta ku duugan madaxiisa miiddii ka dhammaatay ee cimrigiisu ka muuqdo waxa aan filayaa in aynaan sannado ka yaqaafayn haddii si uun aynu uga kaydsan karno.

“Wax qiimo leh ayaa goobta la keenay” ayuu Xuseen Kaddare oo aan hudheelkiisii u sii wadaa igu yidhi kol aan ka codsaday bal inuu jilkii aan soo daawannay ee lagu xidhay bandhiggii buugaagta wax iiga sheego.

Cabdiraxmaan Yuusux Cartan maaha nin riwaayado sameeya, kollay ba sidii aynu u barannay kuwiisu maaha. Si la isu la beegsado halhayska bandhigga buugaagta ee sannadkan waxa Cartan la weydiistay metelaad laga fahmi karo barnaamijka. Lagu ma hungoobin, ruuxii daawaday ayuun baa ka sheekayn kara. Wiil iyo gabadh da’yar, sagaashanaadka bilowgiisii dhashay, ayaa is weydiinaya lixdankii wixii dhacay. Xusuus kobciye laba go’, kabo cagba cag ah iyo hangool ku gaashaaman ayaa mudh ku soo odhanaya.

Halkaas ayaa sheekadu ka bilaabmaysaa oo socdaal kii geeddigii buugaagtu i qarso u noqonaayo uu ka balow odhanayaa. Haddii sitaadku dhiiggaaga kiciyo waa ku jiraa, haddii subcis loox carruuri ka yeedhinaysaa ku diiriyo waa la hayaa, haddii Seylici iyo Jaandheer ku dhalaaliyaan waad ka yaqaafaysaa, haddii Daraawiishtii, Faarax Oomaar, Shiikh Bashiir iyo ha ina biyodhiijin iyo Maxamuud Axmed Cali meel kaaga yaalliin way ku diiraysaa. Haddii kelitalis, dhac iyo burbur iyo Siyaad Barre isaga kaa ekaadaan waad ka yaqaafaysaa. Farshaxan halabuur haddii aad xiisayso waad u bogaysaa.

Idiin sheegimaayo wax aydaan ogayn, waxa aan se idin xusuusinayaa in shan maalmood aroor iyo galab, buug iyo qoraa, mufaker iyo mu’allif ba madasha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa u noqotay goob suugaanta Soomaalida iyo cartanka maankeenna fekeraa inagu tusi karaan muuqaal Isha Qarsoon oo keli ahi ka dhergi karto, qofkastaa na ka dheehan karo.

Muran la’aan haddii aynu maskaxdeenna tuujinno, kuwa dhitada inoo ah na lulan karno, meel halkan aynu joogno ka fog, ka dheer oo aad uga durugsan ayaa hammigeenna iyo himiladeennu ba ina gaadhsiin kartaa.

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa Somaliland This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information